Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Qaxootiga Norway ayay uga dardaar warisay barakaca iyo baaba’a ay geysanayaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka wadaan gobollada shabeelooyinka.
“Basra ayaan ka soo qaxay, waxan ka soo qaxay dagaal iyo rabsho iyo hubka la isku ridayay, caruurta ayaan la soo baxsaday, dadkeenii, beertinii iyo dhulkeenii ayaan ka soo tagnay, inta ayaana ku dhibaataysannahay, waa soo dhibtoonay, dhib inooma harsana.” ayay tiri haweenay BBC uwarrantay.
Qoysaskan oo ay ka muuqato diifta ay ka qaadeen safarkii ay kaga yimaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen ayaa sheegaya inaanay la soo bixin wax hantiya, kana soo tageen beerihii ay noloshooda ka soo saaran jireen.
Dadka kasoo barakacay deegaanno katirsan labada gobol waxay sheegeen in ay u adkeysan waayeen duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.
Hay’adda NRC ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dad ku dhow 10-kun oo qof shacab ah ay ku barakaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamo Mareykan iyo AMISOM waxayna ku baaqday in lakaalmeeyo dadkaas kasoo firxaday deegaanka Basra oo hodon ku ah wax soo saarka beeraha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr gantaal oo lala helay dhul beeraadka deegaanka Daarusalaam ay sababeen dhimashada sedax qof waxayna taasi cabsi gelisay dadka beeralayda ah ee noloshoodu ku tiirsaneed dalagyada ay dhulka kasoo saartaan.
Deegaanno ay kamid yihiin Basro,Jambaluul iyo Daniga ayay ka dhaceen dagaallo culus oo ay barbar socdeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Drone-ka loo yaqaan waana midda ugu daran ee sababtay in shacabku isaga barakacaan dhulka miyiga ah.
Dowladda Federaalka oo sheegata in ay mas’uul ka tahay dalka soomaaliya ayaa indha u ah cadawga shisheeye ee xasuuqa ku haya shacabka soomaaliyeed.
Source:BBC+SomaliMeMo