Yaa ka dambeeyey weerarka ka dhacay guriga C/raxmaan C/cashkuur ?

nisashakur.jpg

Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo kala duwan oo ku dhow xukuumadda Soomaaliya; weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah waxa fuliyey ciidamo ka tirsan sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya.Ciidamo ay horkacayeen Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir Saaddaq Joon iyo Yaasiin Nuur Kheyrre (Yaasiin Ganey), ayaa fuliyey weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/cashkuur, Illaalada guriga C/raxmaan C/cashkuur, oo isku dayey in ay ogaadaan waxa ay yihiin ciidanka yimid guriga ayaan furin Albaabka, balse waxa ay ciidanka weeraray guriga siyaasigu xoog ku galeen guriga iyaga geystay dil iyo dhaawac soo gaaray illaalida guriga,

C/raxmaan C/cashkuur; oo ku sugnaa guriga ayaa waxa haleeshay xabbad uga dhacday Kellida, iyada oo isaga oo dhaawac ah lagu qaaday gaari ay ciidanku lahaayeen.

Dad ugu tegey C/raxmaan C/cashkuur, xarunta maama Khadiijo ee nabadsugidda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio; in dhaawiciisu fudud yahay balse ay suuragal tahay in uu ka daro, maaddama uusan xilligaas helin gargaar caafimaad.

Xukuumadda Soomalaiya ayaa maalmahan wadda weerar afka iyo gacanta ah oo lagu qaadayey siyaasiyiita iyo xildhibaanada ka aragtida duwan ama mucaarada go’aanaada ay qaadato eek u saabsna maamulka.

Waxa jira xog sheegeysa in Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre uu lahaa go’aanka laguu qaaday Weerarka guriga raxmaan Cabdishakuur

Cali Cabdi Wardheere “Cali Yare” oo kamid ahaa Ololeeyeyaashii madaxweyne Farmaajo; balse aan xil muuqda ka hayn xukuumadda ayaa saacado kaddib weerarkii guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur; waxa uu bartiisa facebook ku soo qoray qoraalkan hoose.

Xeer illaalinta Xukuumadda ayaa dhowaan soosaartay codsi xasaanadda looga qaadayo xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye; oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo u muuqata in xukuumaddu isku deyeyso hab ay ku cabburiso dadka dhalliila habdhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda.

Xigasho: Idaacadda Mustaqbal