Wasiirka Amniga Jubaland: “Kenya Dhul Boob Ayay Gedo Ka Wadaa”

Image may contain: one or more people

Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), ayaa si adag kaga hadlay xadgudubka Kenya ee ku aadan Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii darbiga ay ka dhiseyso xuduuda labada dal, ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmadaasi.

Janan oo Isniintii gaaray degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xad gudubkeeda ka dhanka ah dhulka Somaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay ka shakhsi ahaan, Maamulka Jubbaland iyo DF kuba aanay jirin wax ay kala socdaan dhul cabirka ay Ciidanka Kenya ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi.

 

Bulshada ku dhaqan magaalada Baladxaawo ayaa kacdoon kala hor tagay ciidamada Kenya oo maalinba maalinta ka dambeysa boobaya dhul ka tirsan degmada Beledxaawo xilli ay horey u qabsadeen dhulka Soomaaliyeed ee NFD.

Ma jirto dowlad ilaalineysa xuduudaha wadanka, taa badalkeedana waxaa xuduudihii dalka jooga dadkii loogu tala galay in iyagaba laga ilaaliyo kuwaaso haatan sidey doonaan ka yeelaya.