DHAGEYSO:-Waa kuma Jamaal Khaashoqji?

Dhawaan waxaa caalamka hareeyay qadiyadda wariye u dhashey dalka Sucuudiga, oo lagu magacaabo Jamaal Khaasqoji, kaas oo lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda maamulka Aala-sucuud uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga.

Hadaba warbixintan, waxaan ku eegi doonnaa taariikhda wariyahan, iyo sababta ka dambeysa in warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa carabta ay sidan u buun buuniyaan, iyadoo maalin weliba ay caalamka ku dhintaan tobanaan ruux oo aan waxba galabsan.

Jamaal Khaashoqji, wuxuu 13-kii Octobar1958-dii ku dhashay magaalada Madiinatul Munawara, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa qoys turki ah  oo degay Xarameynka shan qarni kahor.

Wuxuu ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Dheyba, isagoona markaa kadib ku biiray kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Indiyana ee dalka Maraykanka, wuxuuna ka baxay sanadkii 1983-dii miilaadiyada.

Wuxuu shaqadiisa wariyanimada ka billaabay wargeyska Saudi gazet, oo ku hadli jiray luuqadda Englishka, kadibna wuxuu wariye ka noqday dhowr wargeys oo kasoo baxa wadamada carabta, uuna kamid yaha wargeyska Sharqul Awsad ee fadhigiisu yahay magaalada Lodon ee wadanka Ingiriiska.

Xilliyadii dalka Afqaanistaan uu ka socday dagaalka jihaadka ah ee lagula jiray midowga Soofiyeet, ayuu wariye Jamaal Khaasqoji si aad ah usoo caan baxay, isagoo xilligaas soo tabin jiray dagaallada Afqaanistaan, wuxuuna dhowr jeer waraysiyo la yeeshey Sheikh Usaama bin laadin.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS