Muxaadaradaan oo cinwaankeedu yahay xukunka U Dabaal dagidda dhalashada Nabi Muxamed صلى الله عليه وسلم waxaa soo jeedinayo Allaah ha u Naxariisto Sheykhul Callaamah Shariif Cabdi Nuur.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
Muxaadaradaan oo cinwaankeedu yahay xukunka U Dabaal dagidda dhalashada Nabi Muxamed صلى الله عليه وسلم waxaa soo jeedinayo Allaah ha u Naxariisto Sheykhul Callaamah Shariif Cabdi Nuur.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
irkii magaalada Garowe uga socday Madax goboleedyada kala ah: Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa waxaa ugu dambeyntii saacad ka hor laga soo saaray qodobo halis ku ah nidaamka taagta daran ee Villa Soomaaliya.
Qodobada Bayaanka ayaa waxaa kamid ah in ay Maamul Goboleedyadu ku heshiiyeen iney sameystaan ciidamo isku dhaf ah iyo guddi ah, iyagoo sheegay in xukuumadda Kheyrre ay ku fashilantay ammaanka.
Sidoo kale waxay sheegeen iney sameysanayaan Gudi amni iyo hal taliye oo ay ciidamadoodu wada hoos yimaadaan tan kasoo hor jeeda gudiga Amniga Qaranka ee uu hogaanka u yahay Farmaajo iyo taliyaha ciidanka Xoogga waxa loogu yeeray.
HADDABA HOOS KA AKHRISO BAYAANKA
irkii magaalada Garowe uga socday Madax goboleedyada kala ah: Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa waxaa ugu dambeyntii saacad ka hor laga soo saaray qodobo halis ku ah nidaamka taagta daran ee Villa Soomaaliya.
Qodobada Bayaanka ayaa waxaa kamid ah in ay Maamul Goboleedyadu ku heshiiyeen iney sameystaan ciidamo isku dhaf ah iyo guddi ah, iyagoo sheegay in xukuumadda Kheyrre ay ku fashilantay ammaanka.
Sidoo kale waxay sheegeen iney sameysanayaan Gudi amni iyo hal taliye oo ay ciidamadoodu wada hoos yimaadaan tan kasoo hor jeeda gudiga Amniga Qaranka ee uu hogaanka u yahay Farmaajo iyo taliyaha ciidanka Xoogga waxa loogu yeeray.
HADDABA HOOS KA AKHRISO BAYAANKA
Dowladda Kenya ee xooga iyo gumeysiga ku heysato dhulka soomaaliyeed ee NFD ayaa soo rogtay amar cusub oo la yaab leh, kaas oo sii kordhinaya gumeysiga lagu hayo dadkaas Soomaalida ah.
Kulan dhex-maray guddi ka socda gobollada NFD Iyo dowladda dhexe ee Kenya, lagagana hadlayay arimaha amaanka ayaa waxaa kasoo baxay qodob la yaab leh oo aan horey loo maqal.
Gebogebada kulankan dhex-maray labada dhinac waxaa hoosta laga wada xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiibaan Magta qof kasta oo Kirishtaan kenyaati ah oo ciidamada Al-Shabaab ku dilaan NFD.
Cali Roobo oo ah guddoomiyaha gobolka Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay in qodobada lasoo saaray ay ka mid yihiin in shacabka Soomaalida ee dhulka NFD ay bixiyaan Magta qofkii Kenyaati Kirishtan ah ee lagu dilo dhulkooda, tallaabadaas oo uu ku sifeeyay mid lagu yaraynayo weerarrada Argagaxisada sida uu hadalka u dhigay.
Arinkan ayaa ah mid la yaab leh, muujinaysana xaaladda gumeysi ee ay ku nool yihiin Soomaalida NFD, waxaana qorshahan uu yimi xilli ay kordheen weerarada ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsanayaan dadka kirishtaanka ah ee xoogga lagu dejiyay dhulka Soomaaliyeed.
Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay inoo qabtaan”.
Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan.
Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”, waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :-
Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan, mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane.
Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan, bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii ay fuliyeen.
BEERAHA: Inta badan beeraha iyo deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay. Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan helin.
Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan, waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya,
WAX-BARASHADDA: Dhanka waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano badan oo dalka ah.
Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan, kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha degmooyinka iyo cisbitaaladaba.
XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka guud ahaan bulshadadeena.
Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta (Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey waxqabadkaas ay fuliyeen.
Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka, taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”, taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la xisaabtami lahaa.
Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
E-mail: Xamse18@gmail.com
Dhawaan waxaa caalamka hareeyay qadiyadda wariye u dhashey dalka Sucuudiga, oo lagu magacaabo Jamaal Khaasqoji, kaas oo lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda maamulka Aala-sucuud uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga.
Hadaba warbixintan, waxaan ku eegi doonnaa taariikhda wariyahan, iyo sababta ka dambeysa in warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa carabta ay sidan u buun buuniyaan, iyadoo maalin weliba ay caalamka ku dhintaan tobanaan ruux oo aan waxba galabsan.
Jamaal Khaashoqji, wuxuu 13-kii Octobar1958-dii ku dhashay magaalada Madiinatul Munawara, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa qoys turki ah oo degay Xarameynka shan qarni kahor.
Wuxuu ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Dheyba, isagoona markaa kadib ku biiray kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Indiyana ee dalka Maraykanka, wuxuuna ka baxay sanadkii 1983-dii miilaadiyada.
Wuxuu shaqadiisa wariyanimada ka billaabay wargeyska Saudi gazet, oo ku hadli jiray luuqadda Englishka, kadibna wuxuu wariye ka noqday dhowr wargeys oo kasoo baxa wadamada carabta, uuna kamid yaha wargeyska Sharqul Awsad ee fadhigiisu yahay magaalada Lodon ee wadanka Ingiriiska.
Xilliyadii dalka Afqaanistaan uu ka socday dagaalka jihaadka ah ee lagula jiray midowga Soofiyeet, ayuu wariye Jamaal Khaasqoji si aad ah usoo caan baxay, isagoo xilligaas soo tabin jiray dagaallada Afqaanistaan, wuxuuna dhowr jeer waraysiyo la yeeshey Sheikh Usaama bin laadin.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), ayaa si adag kaga hadlay xadgudubka Kenya ee ku aadan Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii darbiga ay ka dhiseyso xuduuda labada dal, ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmadaasi.
Janan oo Isniintii gaaray degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xad gudubkeeda ka dhanka ah dhulka Somaliya.
Wasiirka, ayaa sheegay ka shakhsi ahaan, Maamulka Jubbaland iyo DF kuba aanay jirin wax ay kala socdaan dhul cabirka ay Ciidanka Kenya ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi.
Bulshada ku dhaqan magaalada Baladxaawo ayaa kacdoon kala hor tagay ciidamada Kenya oo maalinba maalinta ka dambeysa boobaya dhul ka tirsan degmada Beledxaawo xilli ay horey u qabsadeen dhulka Soomaaliyeed ee NFD.
Ma jirto dowlad ilaalineysa xuduudaha wadanka, taa badalkeedana waxaa xuduudihii dalka jooga dadkii loogu tala galay in iyagaba laga ilaaliyo kuwaaso haatan sidey doonaan ka yeelaya.
Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo kala duwan oo ku dhow xukuumadda Soomaaliya; weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah waxa fuliyey ciidamo ka tirsan sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya.Ciidamo ay horkacayeen Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir Saaddaq Joon iyo Yaasiin Nuur Kheyrre (Yaasiin Ganey), ayaa fuliyey weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/cashkuur, Illaalada guriga C/raxmaan C/cashkuur, oo isku dayey in ay ogaadaan waxa ay yihiin ciidanka yimid guriga ayaan furin Albaabka, balse waxa ay ciidanka weeraray guriga siyaasigu xoog ku galeen guriga iyaga geystay dil iyo dhaawac soo gaaray illaalida guriga,
C/raxmaan C/cashkuur; oo ku sugnaa guriga ayaa waxa haleeshay xabbad uga dhacday Kellida, iyada oo isaga oo dhaawac ah lagu qaaday gaari ay ciidanku lahaayeen.
Dad ugu tegey C/raxmaan C/cashkuur, xarunta maama Khadiijo ee nabadsugidda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio; in dhaawiciisu fudud yahay balse ay suuragal tahay in uu ka daro, maaddama uusan xilligaas helin gargaar caafimaad.
Xukuumadda Soomalaiya ayaa maalmahan wadda weerar afka iyo gacanta ah oo lagu qaadayey siyaasiyiita iyo xildhibaanada ka aragtida duwan ama mucaarada go’aanaada ay qaadato eek u saabsna maamulka.
Waxa jira xog sheegeysa in Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre uu lahaa go’aanka laguu qaaday Weerarka guriga raxmaan Cabdishakuur
Cali Cabdi Wardheere “Cali Yare” oo kamid ahaa Ololeeyeyaashii madaxweyne Farmaajo; balse aan xil muuqda ka hayn xukuumadda ayaa saacado kaddib weerarkii guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur; waxa uu bartiisa facebook ku soo qoray qoraalkan hoose.
”
Xeer illaalinta Xukuumadda ayaa dhowaan soosaartay codsi xasaanadda looga qaadayo xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye; oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo u muuqata in xukuumaddu isku deyeyso hab ay ku cabburiso dadka dhalliila habdhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda.
Xigasho: Idaacadda Mustaqbal
Xilli shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan gumeysi daran oo uga imaanaya dowladaha shisheeye ayay soo ifbaxayaan caddeymo qiraal ah oo kamid imaanaya rag horay uga tirsanaa DF-ka oo ku aaddan in dalku gumeysi kujiro.
Marka ay Hoggaanka Dowladda Federaalka ka hadlayaan warbaahinta waxay sheegaan in dalka ay ka xureynayaan shabaabul Mujaahidiin iyagoo adeegsanaya ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo ay ku sifeeyeen walaalo!.
Max’med Cabdi Yuusuf oo horay usoo noqday R/wasaare iyo Xildhibaan ayaa madaxda dowladda ku tilmaamay Jawaasiis u shaqeeya cadawga Umadda oo Itoobiya kamid tahay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeedka ugu baaqay kacdoon xurnima doon ah.
isagoo khudbad ka Jeediyay munaasabad ka dhacday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo Xisbi siyaasadeed lagu furayay ayuu wasiirro iyo xildhibaanno ka hor caddeeyay in dalku gumeysi kujiro.
“Madaxweyne magaciisa waan wadanaa,wasiirro iyo xildhibaan balse magacyadaas awoodoodi maheynno gacanteyna waxba kuma jiraan, shisheeye iyo Jawaasiis Ey ah ayaa dalkeenii faraha kula jira” ayuu yiri Max’med Cabdi Yuusuf.
R/wasaarihii hore ee dowladdii Cabdi Qaasim ahaana xildhibaan katirsanaa dowladihii shariif sheikh Axmed iyo Xasan Gurguurte ayaa ku baaqay in lala dagaallamo cadawga shisheeye ee dalka gacanta ku dhigay “Jawaasiista iyo khuwanada shisheeyaha u shaqeeya in lala dagaallo oo lalaayo weeye” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan kasoo yeeray Ex.xildhibaan Max’med Cabdi Yuusuf ayaa imaanaya xilli Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay muddo kabadan 10 sanadood ay dalka Soomaaliya kula dagaallamayso kumanaan ciidamo shisheeye ah oo kaashanaya maleeshiyaad dabadhilifyo soomaali ah.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
Mahdi Maxamed Guuleed oo ah ra’iisulwasaare ku xigeena DF ayaa ka qeyb galay munaasabad sannadeed oo qabsadaan qowmiyadaha Itoobiya iyadoo aan la sheegin qowmiyadda uu ra’iisulwasaaruhu ku matalayay.
Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday oo kaliya dowladaha ay Itoobiya xuduud beenaadyada la wadaagto marka laga reebo Erataria si ay ugu layliso danaheeda mustaqbalka oo ah in ay wadamadaas kamid noqdaan dalkeeda.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo ah nin heysta dhaqanka Itoobiya jaamacadna uga baxay dalkaas ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay oo DF ka tirsan islamarkaana ku khudbeeya afka amxaarada.
Khudbaddiisa ayaa aad usoo jiidatay madaxda Xabashida, waxaana mid kamid ah siyaasiyiinta Itoobiya uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in madaxda Soomaalida ay hadda kadib ku khudbeyn doonaan afka Amxaariga.
Caalamku wuxuu ka dharagsanyahay in Shacab,waynaha Soomaalida Ogadenya la daalaa dhacayo hardanka u dhaxeeya iyaga iyo kooxda maamul kusheega TPLF iyo maleeshiyada uu ku adeegto ee soomaalida ah. Hadii si hoose loo wareysto shacabka waxay soo tabinayaan dhacdooyin dhamaantood wada ugub ah oon horay gayiga loogu maqal looguna arag. Markaan qiyaasay sida ay ku imaan karaan falalkaasi waxaan dhaafin waayay in maamulka cabdi ilay uu si toos ah uga amar qaato Shaydaanka!
Magaalada jigjiga oo caasimad u ah maamulka kabo,qaadka ah ee Woyaanuhu sameystay waxaa caado iyo cibaado ay ka dhigteen daadinta dhiiga dadka aan is difaaci karin oo horin horin loosoo raafo kadibna lagu shubo jeelasha bilaa xuquuqda ah ee Jigjiga!. Dadwaynaha ku nool jigjiga xaalkoodu waa dhari ku aadaan mana jiro ruux kor u ooyi kara xataa hadii caawa dad iyo duunyo waxay lahaayeen cagta lamariyo!
Todobaadkii lasoo dhaafay waxaa jigjiga ka dhacay sida ay sheegtay warbaahinta udoodda xuquuqda shacabku qiso aan ku tilmaami karo sheeko reebtii Qarniga taasoo cid kasta oo maqasha ku reebi karta yaab iyo afkalaqaad! waqtigan oon qalinka ku hayo faalada dilka Ayaydeen Canbaro sheekh Dayib waa mid saamayn ku keeni karta ruuxii damiir insaaniyad leh!
Ayeeyo Canbaro Rabi ha u naxariistee oo cimrigeeda lagu sheegay ugu yaraan 100 sano waxaa lagu daldalay xaafad jigjiga kutaala. Dilka Ayeeyo Canbaro wuxuu muujinayaa inuuna maamulka cabdi ilay cidna u turi doonin! Sida horay loo arkay dadka ku dhiirada laynta dadka gaboobay waa kuwa ugu nasiibka daran. Aduunka cidhib kuma yeeshaan Aakhirana waa laga dayrinayaa! Waxaa dhici karta inay la kulmaan calaamaad aan horay loo arag maadaama ay iyagu sameeyeen fal aan horay loo arag! si kastaba ha ahaatee inkaarta Ayeeyo ayaan filayaa inay soo dadajin doonto dabargo’a hawaarinta iyagoo markii horaba liitay!
TACSI- INNA LILLAHI WA INNA ILAYHI RAAJICUUN!
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo muuqayga qarsoon waxaan Tacsi udirayaa guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenya Daldalaadda kutimid Ayeeyo Canbaro Skheekh Dayib Xaaji Barkhadle oo kooxda Cabdi ilay gacantooda ku baxday maalmo kahor! Ilaahay danbigeeda ha u dhaafo, hana u naxariisto, Eheladiina samir wanaagsan iyo xasanaad haka siiyo Aamiin.
Ugu danbayn waxaan qoraalkan kusoo koobi lahaa maah,maah carbeed oo tidhaaha- Yowmun laka, wayowmun caleyka! oo micnaheedu yahay- Maalin adigaa leh, maalina iyadaa kuleh!
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan
Tan iyo markii ay ciidamada AMISOM soo galeen Soomaaliya sanaddii 2007-dii waxey abuurayeen aragtiyo kala duwan oo laga qaadanayay, dad ayaa u arkay kuwa badbaadinaya dadka iyo dalka Soomaaliya, iyaguna waxey isugu yeereen Ciidamo nabad ilaalin, dad kalena waxey u arkayeen cadow hor leh oo dhibaato ku ah Diinta, Dadka iyo Dalka.
Si iyaguna ay u xaqiijiyaan iney yihiin dad wanaag ka shaqeynaya waxey isku dayeen in dagaalka ay barbar socodsiiyaan waxa ay ugu yeereen gargaarka iyo taakuleynta, iyagoo cusbitaallo ka dhex furay xeryahooda, meelaha qaarna ka sameeyay ceelal biyo.
Laakin 10 sanadood ka dib waqtigii ay dalka soo galeen, waxaa muuqanaya in dadka badankod ay fahmeen wajigooda dhabta ah, waxaana ka sokow dhibaatadii ay ku geysteen aaladaha dagaalka ee burburka, gumaadka iyo dhibaateynta leh, waxaa soo ifbaxay in xittaa xarumihii ay gargaarka ku sheegeen sida Cusbitaallada ay ahaayeen meel dadka lagu furto, haweenka lagu kufsado, cudurradana lagu baahiyo.
Warbixin cusub oo ay faafisay hey’ad reer galbeed ah oo lagu mahacaabo International Policy Digest (IDP) ayaa daaha ka qaadday tacadiyada xagga jinsiga ah ee ciidamada Shisheeyuhu ka geysanayaan gudaha meelaha ay ka dhigteen cusbitaallada, iyagoona dadka danyarta ah kaga faa’iideysanaya baahida ay qabaan.
Warbixinta ayaa si faah faahsan u soo bandhigtay hooyo Soomaaliyeed oo dhibbane ah, isla markaana kufsi kala kulantay sarkaal ka mid ah ciidamada Afrikaanta waqti ay gabadheeda caafimaad u geysay Cusbitaalka Ciidamada shisheeye ee Muqdisho.
Iyadoo ay adag tahay in dhibbanayaasha xagga kufsiga ay bixiyaan xogta dhibtooda, ayaa hadane warbixintu waxey leedahay urur haween oo maxalli ah inuu ka saaciday la kulanka hooyada Soomaaliyeed ee kufsiga la kulantay taas oo magaceeda loo adeegsanayo Zahra.
Galab casir liiq ah, ayaa wariyaha warbixintan wuxuu sheegayaa iney gaareen guriga Zahra oo ahaa dhisme burbursan oo ku yaalla degmada qadiimiga ah ee Xamarweyne, sida guriga ka muuqatay, reerku wuxuu ahaa mid danyar ah.
Maama Caasho, oo warbixintu ay sheegeyso iney maamusho urur u dooda dhibbanayaasha kusfiga, ayaa soo kaxeysay wariyaha warbixinta qoray, waxeyna la kulansiisay reerka Zahra, si xaaladdeeda adduunka loogu soo bandhigo.
Qol gees ah oo guriga ka mid ah ayaan fadhiisannay, halkaas oo marki u horeysay ay isheydu qabatay gabar xijaaban oo aad u argagaxsan, naxdin iyo qajil ay ka hor istaageyso xittaa iney codka kor u qaaddo, “ Zahra..waa kan wariyihii aan ku sheegay” ayay tiri Maamo Caasho, oo ku sii dartay “ Ha cabsannin, xaaladdaada ayuu adduunka u bandhigayaa”.
Iyadoo indho shaki muujinaya ku eegeysa Notebookeyga, ayay Zahra madaxa u ruxday oggolaannsho, si ay uga jawaabto su’aalaheyga, waxeyna qisadeeda ku billowday halkii ay ka soo bilaabaty.
Iyadoo gacanta ku taageysa ilmo yar oo dhismaha ku cayaarayay ayay tiri “ gabadheyda ayaa iga xanuunsatay, mana heli Karin lacag aan daawo ugu gato, waxaan maqlay in Cusbitaalka AMISOM ay lacag la’aan wax ku daweynayaan, waana u qaaday”.
Zahra, ka sokow xanuunka gabadheeda, iyadu qudheeda Uur ayay laheyd, wayna xanuunsaneysay.
Warbixintu waxey sheegeysay in ujeedka ka danbeeyay sameynta Cusbitaallada AMISOM ay tahay in dagaalka maskaxda iyo quluubta looga guuleysto dhinacyada diiddan AMISOM, balse waxey ku sii dareysay warbixintu in dumarka goobahaasi tagaya ay mar waliba u banbaxsanaayeen kufsi ama gacma-gacmeyn ay kula kacaan Ciidamada iyo saraakiisha AMISOM ee goobahaasi jooga.
Zahra, ayaa markii ay tagtay Cusbitaalka waxey warbixin ka dhiibtay xanuunkeeda iyo midka gabadhheeda, iyadoo turjumaan Soomaali ah uu warkeeda u sii fasirayay dhaqtar ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Xoogaa Boorash ah ayay siiyeen gabadha oo ay dhaheen waa iney cuntaa, anigana waxey I geeyeen meel teendho weyn ah oo ay igu dhaheen sug, waa lagu imaanayaa, sidaas ayay Zahra u sheegtay wariyaha warbixinta.
Halkii ay ka sugeysay dawo xanuunkeeda ay kaga bogsato, waxey la soo laabatay xanuun kale iyo qarracan, wayna xusuusataa dhawaqa tallaabooyinka sarkaalkii ku soo socday teendhada, ee daawo badalkeeda u soo jiheystay inuu kufsi kula dhaqaaqo, ka dibna handadaad ugu daro.
Mid Turjumaan Soomaali ah ayaa ugu horeyn isku dayay inuu Zahra ku qanciyo falkaas foosha xun, balse diidmadeedii iyo ooyinteedii waxaa mar qura qaaddacay nin madow oo xooggan oo inta Turjumaanka iska bax ugu baaqay hadane iyada xoog la soo galay, sida ay warbixintu sheegeyso, waxey Zahra awoodi weysay dareenkaas murugada iyo qarracanka leh iney la wadaagto dadkeeda.
“Anigaa qaladka lahaa, anigaa dhibkaan doontay, maxaan ka doonay gaaladaas” ayay ku ooysay, Maamo Caasho oo dhankeeda fadhisay ayaa ku aamusisay “ Ha dhihin saas, waa qadar Rabbi oo kugu dhacday”.
Zahra waxey tiri waxaan xusuustaa gaalkii i kufsaday inuu I dhahay “ Haddaa qof u sheegto, waan ku dilayaa”.
Arrinta la yaabka leh ee warbixintu sheegtay ayaa ah in Saraakiisha Soomaalida ee DF-ka aysan sinnaba u ogoleyn eedeynta Ciidamada AMISOM iska daaye iney dhageystaan tacaddiyada kufsiga ah ee ay kula kacayaan dumarka Soomaaliyeed.
Wariyaha warbixinta ayaa yiri markii aan weydiiyay Zahra haddii ay masuuliyiinta DF-ka u sheegtay dhibaatadeeda ayay iigu jawaabtay maya, Maamo Caasha ayaa ku sii dartay “War kuwaas iyagaaba gaashaan u ah kuwaan kufsiga geysanaya”.
Balse, hadalka maamo Caasho aniga ayaaba toos u arkay markii aan tagay xarun Booliska ah oo aan su’aalo ka weydiiyay arrimaha kufsiga ay geystaan AMISOM, waxaa ii soo baxday in sharciga Soomaaliya uusanba qaban AMISOM iyo xattaa turjumaannadooda Soomaalida ah.
Ka sokow in magaceyga lagu daro liiska saxafiyyiinta arimaha gaarka dabagala ee mustaqbalka taas halis ku keento, waxaa dhammaan weydiimaheygii ay la kulmeen diidmo iyo in kuwa qaar ay ku soo gaabsadaan oraahdan caanka ah ee mar waliba lagu celceliyo “ Waan dadaaleynaa inta tabarteena ah, waana baareynaa arrinka”.
Laakin sarkaal Boolis ah ayaa digniin toos ah I siiyay isagoo I dhahaya “ Wariyeyaashiina ajaanibta ah, waxaad u baahan tihiin wax badan inaad ka barataan xaaladda, oo aad joojisaan dacaayadaha”
Wuxuu ku sii daray “ Waxani waa dacaayadihii Al-Shabaab, ee haddii aad badbaado rabtid, afkaaga ha laga nabad galo”.
Warbixinta ayaa ugu danbeyn sheegeysa in ciidamada AMISOM ay si weyn uga faa’iideystaan meelaha Kaamamka qaxootiyada ee xeryahooda ku dhow iyo goobaha ay ku sheegaan caafimaadka, waxaana xittaa falalka kufsiga lagula kacaa mararka qaar gabdho 12-jirro ah.
Ugu danbeyntii waxey warbixintu gaareynaa gunaanad ah in dumarka Soomaaliyeed ay uga dhigan yihiin ciidanka shisheeye sida qaniimo dagaal, waa hanti aad xoog ku qaadatay, oo sida aad doonto aad ka yeeli karto.
Xigasho Radioalfurqaan.com
Magaalada Addis Ababa ee Wadanka Itoobiya waxaa lagusoo gaba gabeeyay kulan ay isugu yimideen Hoggaanka Ururka Midowga Afrika.
Kulanka oo diiradda lagu saarayay gaabiska ku yimid howlgallada ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii lagasoo saaray qodobo dhowr ah.
Ismaaciil Sharqi oo ah madaxa golaha amniga iyo nabad gelyada Ururka Midowga Afrika ayaa ka dayriyay habacsanaan daran oo ku timid howlgalka waxa loogu yeero AMISOM ee Soomaaliya wuxuuna Ururka Midowga Yurub iyo ‘deeq bixiyaasha’ kale ugu baaqay in ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya howlgalka Soomaaliya.
“waxaa walwal laga muujiyay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray howl galka AMISOM waxaana hoos udhacay howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee soomaaliya sababa la xiriira dhanka Lojistigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka AU.
Shirka Addis Ababa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Gudu ee AMISOM, Taliyeyaasha wadamada ciidamadoodu kusoo duuleen soomaaliya sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Nigeria.
Golaha ammaanka iyo Nabad gelyada Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay awoodda xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sida ay ugu firfircoontahay fulinta weeraro ka dhan ah quwadaha dalka kusoo duulay iyo carqaladeynta hana qaadka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
Iscmaaciil Sharqi oo shir guddoominayay kulankii Addis Ababa ayaa ku baaqay in laqalabeeyo maleeshiyaadka DF-ka si ay amniga dalka u hantaan wuxuuna markale ku celiyay in AMISOM ay bilaabi doonto bixitaan.
Ururka Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in 4 December 2017, maalin kadib shir ballaaran oo lagu gorfeynayo isbedelka dhanka ammaanka ee Soomaaliya lagu qabto xerada Xalane ee magaalada Muqdisho waxaana shirkaas ka qeyb geli doona dhammaan wakiillada waxa loogu yeero beesha caalamka iyo madaxda dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn madaxda ku shirtay Addis Ababa ayaa markale ku celiyay in iyadoo loo hoggaansamayo qaraarkii Q.Midoobe ee Numberkiisu ahaa UNSCR 2372 (2017), la dedejin doono qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo dalka Soomaaliya.
Magaalada Addis Ababa ee Wadanka Itoobiya waxaa lagusoo gaba gabeeyay kulan ay isugu yimideen Hoggaanka Ururka Midowga Afrika.
Kulanka oo diiradda lagu saarayay gaabiska ku yimid howlgallada ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii lagasoo saaray qodobo dhowr ah.
Ismaaciil Sharqi oo ah madaxa golaha amniga iyo nabad gelyada Ururka Midowga Afrika ayaa ka dayriyay habacsanaan daran oo ku timid howlgalka waxa loogu yeero AMISOM ee Soomaaliya wuxuuna Ururka Midowga Yurub iyo ‘deeq bixiyaasha’ kale ugu baaqay in ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya howlgalka Soomaaliya.
“waxaa walwal laga muujiyay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray howl galka AMISOM waxaana hoos udhacay howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee soomaaliya sababa la xiriira dhanka Lojistigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka AU.
Shirka Addis Ababa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Gudu ee AMISOM, Taliyeyaasha wadamada ciidamadoodu kusoo duuleen soomaaliya sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Nigeria.
Golaha ammaanka iyo Nabad gelyada Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay awoodda xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sida ay ugu firfircoontahay fulinta weeraro ka dhan ah quwadaha dalka kusoo duulay iyo carqaladeynta hana qaadka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
Iscmaaciil Sharqi oo shir guddoominayay kulankii Addis Ababa ayaa ku baaqay in laqalabeeyo maleeshiyaadka DF-ka si ay amniga dalka u hantaan wuxuuna markale ku celiyay in AMISOM ay bilaabi doonto bixitaan.
Ururka Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in 4 December 2017, maalin kadib shir ballaaran oo lagu gorfeynayo isbedelka dhanka ammaanka ee Soomaaliya lagu qabto xerada Xalane ee magaalada Muqdisho waxaana shirkaas ka qeyb geli doona dhammaan wakiillada waxa loogu yeero beesha caalamka iyo madaxda dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn madaxda ku shirtay Addis Ababa ayaa markale ku celiyay in iyadoo loo hoggaansamayo qaraarkii Q.Midoobe ee Numberkiisu ahaa UNSCR 2372 (2017), la dedejin doono qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo dalka Soomaaliya.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Qaxootiga Norway ayay uga dardaar warisay barakaca iyo baaba’a ay geysanayaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka wadaan gobollada shabeelooyinka.
“Basra ayaan ka soo qaxay, waxan ka soo qaxay dagaal iyo rabsho iyo hubka la isku ridayay, caruurta ayaan la soo baxsaday, dadkeenii, beertinii iyo dhulkeenii ayaan ka soo tagnay, inta ayaana ku dhibaataysannahay, waa soo dhibtoonay, dhib inooma harsana.” ayay tiri haweenay BBC uwarrantay.
Qoysaskan oo ay ka muuqato diifta ay ka qaadeen safarkii ay kaga yimaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen ayaa sheegaya inaanay la soo bixin wax hantiya, kana soo tageen beerihii ay noloshooda ka soo saaran jireen.
Dadka kasoo barakacay deegaanno katirsan labada gobol waxay sheegeen in ay u adkeysan waayeen duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.
Hay’adda NRC ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dad ku dhow 10-kun oo qof shacab ah ay ku barakaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamo Mareykan iyo AMISOM waxayna ku baaqday in lakaalmeeyo dadkaas kasoo firxaday deegaanka Basra oo hodon ku ah wax soo saarka beeraha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr gantaal oo lala helay dhul beeraadka deegaanka Daarusalaam ay sababeen dhimashada sedax qof waxayna taasi cabsi gelisay dadka beeralayda ah ee noloshoodu ku tiirsaneed dalagyada ay dhulka kasoo saartaan.
Deegaanno ay kamid yihiin Basro,Jambaluul iyo Daniga ayay ka dhaceen dagaallo culus oo ay barbar socdeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Drone-ka loo yaqaan waana midda ugu daran ee sababtay in shacabku isaga barakacaan dhulka miyiga ah.
Dowladda Federaalka oo sheegata in ay mas’uul ka tahay dalka soomaaliya ayaa indha u ah cadawga shisheeye ee xasuuqa ku haya shacabka soomaaliyeed.
Source:BBC+SomaliMeMo
Sheekh Nuur Macalim C/Raxmaan oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si qota dheer uga hadlay bidcada Mowliidka oo mar walba oo lagaaro bisha Rabiicul Awal ay Kooxaha Suufida ka oogaan magaalooyin katirsan caalamka oo Soomaaliya kamid tahay, wuxuu sheekh Nuur sheegay arrintan ay tahay bidco ay bilaabeen kooxo shiico ah oo lagu magacaabi jiray Faadimiyiin oo maamuli jiray Masar iyo wadamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika waa sedax boqol oo sano kadib oo ah quruunta Mufadalada ee Nabiga SCW sheegay.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis-Abbaba ee Dalka Itoobiya, sida ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen.
Kulanka ayaa looga hadlay qiimaynta xaalada dalku Soomaaliya uu marayo, xiriirka maamul goboleedyada iyo dawlada Federaalka ah iyo mooshinka la doonayo in laga keeno madaxweynaha DF Maxamad C/llhi Farmaajo.
Labada hogaamiye ayaa hoosta is kala xariiqay in aysan la shaqeyn karin xukuumadda hadda jirta oo marar badan khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, uguna dambeeyey khilaafkii ka dhashay xiisadda khaliijka.
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay waxay isku raaceen in ay taageeraan is isbeddel lagu sameeyo hogaanka dowladda, inkasta oo aan la ogeyn qaabka ay u marayaan.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Gaas uu doonayo in uu madaxweye noqdo isagoo haddii Farmaajo meesha laga saaro isagoo kasoo galaya dhanka awood qeybsiga dowladda oo ah mid qabyaalad ku salaysan.
Shariif Xasan ayaa dhiniciisa balan qaaday in uu fikirkan ka dhaadhicinayo hoggaanka iyo siyaasiyiinta ay isku fakarka yihiin gaar ahaan kuwa ku kacsan Farmaajo eek u sugan Muqdisho iyo Baydhabo.
Labada hogaamiye goboleed ayaa shirkooda kadib maanta u kicitimaya dalka Imaaraadka Carabta si ay qorshahaas usii dhiraandhiriyaan Imaaraadkana uga qaadaan dhaqaale hawshaasi lagu daadihiyo.
Gaas oo iibsaday dekedda magaalada Boosaaso rajana aanan ka qabin in uu mar dambe Puntland wax ka noqdo ayaa u sacyinaha inuu kamid noqdo hogaanka DF.
Si kastaba ha ahaato’e xaaladda ayaa waxay qarnigan aynu nool nahay mareysaa in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu soo go’aamiyo magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya taasoo nasiib darro ku ah ummada Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa muddo laba goor ah Itoobiya u tagay iney ciidamo hor leh soo galiyaan Soomaaliya islamarkaana qabsadaan dhul hor leh, halka dhinaca kale maamul goboleedyadu ay halkaas ku yeelanayaan shirar ay dowladdiisa ku duminayaan iyadoo Itoobiya dhinac walba soo dhaweeneyso, mid kastana gaarkiisa ay dhegta wax ugu sheegeyso.
Xigasho-Amiirnuur.
14-kii bishan waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Sheekh Muxamad Cabdi Umal oo ujeedadoodu ahayd iney lacago boqollaal kun oo dolar ah gudoonsiiyaan DF.
Wafdiga ayaa waxaa loo soo dhaweeyay sida madaxda reer galbeedka oo kale, waxaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda kadibna waxaa loo soo galbiyay madaxtooyada iyadoo waliba lasoo mariyay wadada Afisyooni.
Waxaa wafdiga kamid ahaa ku simaha safaaradda DF ee Nayroobi, Maxamad Cali, kaasoo la tilmaamay inuu isagu soo qalqaaliyay safarkan.
Umal ayaa la kulmay madaxda dowladda oo ay ugu horreeyaan Farmaajo iyo Kheyrre, waxaana uu ku wareejiyay lacag kor u dhaafaysa $300,000 (sadax boqol oo kun oo doolar) oo loogu tala galay dadka dhibanayaasha ah lagana soo uruuriyay Soomaalida ku dhaqan Nayroobi, Mumbasa iyo Uganda.
Habkee Loo Wareejiyay Lacagta?
Lacagahan ayaa waxa uu ku wareejiyay Cllhi Maxamad Shirwac oo ah gudoomiyaha guddi gurmad oo uu ra’iisulwasaaruhu magacaabay, waxaana xusid mudan inaan kulankan laga qeyb galin wasaaraddii arrimaha Musiibooyinka qaabilsanayd.
Sh/Umal, iskuma soo sawirin dad tabaaleysan ama dhibanayaal kale, ee wuxuu lacagta ku wareejiyay sida muuqaallada laga dheehan karayo gudoomiyaha gudiga iyo kheyrre oo ag taagnaa.
Mahad celin loo jeediyay kadib waxaa loogu baaqay Sh/Umal inuu kalaintiisa ka qaato dagaalka mabaadi’da diineed ku salaysan ee ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dhinacyada gaashaanbuurta ah ee ka kooban shisheeyaha iyo dowladda.
Intaasi kadib wuxuu wadaadku u duulay magaalada Nayroobi isagoo aanan hal habeen ku nagaan magaalada Muqdisho, tanina waxay ahayd arrin khilaafsan caadooyinkii looga bartay safarradiisa.
Saameynta Ay Yeelatay Nidaam Darrada Loo Bixiyay iyo Cidda Lagu Wareejiyay Lacagta.
Haddaba markii uu Sheekhu tagay Nayroobi waxaa bannaanka usoo baxay fadeexad iyo ceeb ka dhalatay lacagtii uu ku wareejiyay DF taasoo saameyn kala duwan yeelatay.
Markaanu ku hormarno DF gudaheeda, waxaa la isku qabtay lacagtaasi faraha badan iyo sida isku dhex yaaca ah ee loo kala gudoomay.
15-kii bishan oo ku aadanayd maalintii xigtay safarka Sh/Umal ayaa waxaa is casishay Wasiiraddii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Kheyrre Maryama Qaasim Axmad.
Waxay si cad u sheegtay iney isku casishay isbarbar yaaca dhacay dartii, waayo waxay ka baqday in shaqo ay ku magacaaban tahay wax lagu dhoco, haddana iyadoo aan waxba laga siin berri lagu eedeeyo iney musuqmaasuq ku kacday.
Sh/Umal oo Nayroobi ku qabtay muxaadaro uu uga hadlayay kulankii uu madaxtooyada kula qaatay madaxda DF ayaa su’aal laga weydiiyay nidaam la’aanta lacagta lagu wareejiyay ee sababta u noqotay iney is casisho Maryan Qaasim. Jawaabtiisu waxay noqotay inuu eed kala dul dhoco haweeneyda kuna tilmaamo mid markii horaba mudnayd in la eryo.
Maryan Qaasim ayaa cinwaanka ay “Tuwiter” ku leedahay ugu jawaabtay Sh/Umal.
Sh/Umal ayaa ku faanay in ay DF-ka ah ku amaantay in isaga iyo gudigiisu ka wanaagsan yihiin ganacsatada magaalada Muqdisho marka la eego wax bixinta.
Maxamad Xaaji Xassan oo kamid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanta loo jeediyay wadaadka ay tahay arrin meesha ku jirta isagoo is dul-taagay xaqiiqda dhabta ah.
Wuxuu sheegay in ganacsatadu ay caado u tahay inaaney waxba ku aaminin DF-ka marka laga reebo lacagaha baadda looga qaato, isagoo ka dhawaajiyay in markii ay wax la baxayaan ay gacantooda ku siiyaan dadka masaakiinta ah, laakin taa bilcagsigeeda uu Sheekh Umal soo garab maray masaakiinta islamarkaana uu lacagtii loogu tala galay u gacan galiyay DF-ka garna uu u leeyahay in la amaano.
Sh/Umal ayaa u bareeray inuu dhaqaalahan ku wareejiyo dowlad uu dhowr sannadood ka hor ku xukumay gaalnimo sababo la xiriira iney shisheeye soo garabsatay.
Maxaa Ka Jira In Lacagta Wax Laga Siiyay Taliska Amisom Ee Baraawe?
16-kii bishan oo ku beegneyd maalin kadib markii uu lacagta wareejiyay Sh/Umal, waxay dowladdu iska debartay culeys weyn oo ka heystay dhanka Baraawe oo ahaa in ciidamada shisheeye isaga bixi rabeen magaalada.
Ra’iisulwasaare Kherre oo wada $100,000 (boqol kun oo dolar) ayaa markii uu magaalada tagay ku dajiyay ciidamada shisheeye ee u diyaarsanaa iney baxaan sababo la xiriira dhaqaale iyo saadkii ay adkaatay inuu si nabad ah kusoo gaaro.
Dadkii ay dhaqaalaha kasoo uruuriyeen Sh/Umal iyo saaxibadii ayaa aad uga xumaaday halka aan munaasabka ahayn ee sadaqadooda la marsiiyay kuwaasoo qaarkood sida isaguba uu sheegay su’aalo ku weydiiyay magaalada Nayroobi.
Saraakiil ka tirsan wasaaradaha DF ayaa iibsaday dawooyin, maro kaneecooyin iyo raashin nafaqo ah oo ay deeq ahaan Soomaaliya u keeneen dowlado carbeed, waxaana suuqa Bakaaraha lagu arkayaa iyagoo sumaddooda wata, sida uu inoo xaqiijiyay Maxamad Xaaji Xassan oo indhihiisa ku arkay.
Halkee Bey Ku Dambeeyeen Lacagihii Gurmadka Abaaraha Ee Soomaalida Laga Uruuriyay?
Dowladda federalka ah ayaa sidoo kale horey u musuqmaasuqday dhaqaalihii faraha badnaa ee loogu tala galay in loogu gurmado walaalaha muslimiinta ah ee uu jilaalku saameynta ku yeeshay. Lacagtaas oo gaareysay 32 milyan oo dolar ayaa waxaa loo qeybsaday sida soo socota:-
Cabdiwali Gaas waxaa gacanta laga saaray $200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) halkii ay ahayd in indheer garadka iyo dadka ka madaxa bannaan maamulka loo dhiibo, waxaana ay reer Puntland lacagtaasi ka qaadeen sicir barar iyo culeys.
Sidoo kale waxaa $200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) la siiyay Shariif Xassan, kaasoo wax yar kadib Baydhabo ka dhistay guri nooca Jarmalka. Waxa kale oo lamid ah hogaamiyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland oo iyaguna sidaa oo kale faraha laga saaray min 200,000 (laba boqol oo kun oo dolar) intaa waxa dheer in maamulka gobolka Banaadir lagu wareejiyay $250,000 (Laba boqol iyo konton kun oo dolar) wixii soo harayna waxaa kala qeybsaday madaxda dowladda iyo gudigii gurmadka abaaraha sida aan kasoo xiganay dad xog ogaal ah.
Qaar kamid ah lacagahaasi waxaa lagu biilay oo raashin loogu iibiyay ciidamada dowladda federalka ah, waxaana cadeyn u ah war muuqaal ah oo laga sii daayay TV-ga dowladda ee SNA.
Iyadoo gudiga gurmadka abaaraha ay gacantooda ku jirtay lacag aad u badan ayaa waxaa dhacaysay in Kaamamka ku yaalla Muqdisho ay gaajo ugu geeriyoonayeen dadkii kasoo bara baxay degaanadooda ee soo maciin biday caasimadda.
May, 2017, waxaa kaamka Kaxda oo kaliya gaajo ugu geeriyooday Sagaal qof oo ay afar caruur yihiin sida ay baahiyeen inta badan war baahinta gobolka Banaadir iyo mareegaha Qaramada midoobay ee ka hadla arrimaha bani’aadannimada.
http://radioergo.org/old/blog?2972
Gudigii Gurmadka Abaaraha waxay dowladda u qabteen shaqo aad u culus, waxaana ay taasi ku muteysteen in lagu daro wasaaradda gaashaandhigga qeybteeda saadka ciidamada iyadoo loo bixiyay magaca ah “Gudiga Taakuleynta Ciidamada”
July 9, 2017, ayuu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay gudigan isaga ah oo uu hogaamiye uga dhigay Jaamac Maxamad Qaalib, halka uu ku xigeen uga dhigay Sh/Nuur Barrud Gurxan, balse saacado kadib waxaa xilkii gudoomiye-nimo iska casilay Jaamac. Aug 2, 2017, ayuuna mar kale dib u dhisay gudiga.
Dadka dowladda ku dhow qaarkood ayaa sheegaya in uu Farmaajo daneynayo inuu Sh/Umal si dadban ugu biiriyo Gudiga Taakuleynta Ciidamada, iyadoo uu jiray kulan aan saxaafadda loo ogolaan oo madaxtooyada ku dhex maray labadooda (DF iyo Gudigii lacagta keenay)
Si kastaba ha ahaato’e, dadkii uu dhaqaalaha kasoo uruuriyay Sh/Umal ayaa intooda badan ah kuwa ka qoomameynaya in lacagtooda loo isticmaalo dagaal, laguna dhibaateeyo dad kale oo eheladooda ah, waxaana muhiim ah in arrintan ay cashar ka qaataan, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan dibadda, kana fiirsadaan halka ay dhaqaalahooda ku bixinayaan.
Amaanadu waa shey muhim ah oo meel weyn ka taagan diinta islaamka dhexdeeda. Waxaa la hubaa in qofku uusan gudan karin ammaanada aadanaha, haddiiba uu mar khiyaano tii Allaah. Ogow ruux Allaah iyo rasuulkiisa khiyaanay ineysan waxba la ahayn tan Aadanaha.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ
Xigasho: radioalfurqaan.com