Qeybtii Ugu Horreysay Ee Ciidamada Uganda”AMISOM” oo Billaabaya Inay Isaga Baxaan Gayiga Soomaaliyeed

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in cutubyadii ugu horreeyay oo ciidankeeda katirsan ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya tan iyo sanaddii 2007 oo ay dalka soo galeen

Kun Askari oo ka mid ah soo duulayaasha AMISOM ayaa bisha soo socota ka bixi doona dhammaan gobollada dalka Soomaaliya,halka billaawga Todobaadkan ay boqolaal askari bilaabayaan dib ugurasho rasmi ah.

Richard Karimere oo ah Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in illaa 281 askari oo u dhashay dalka Uganda, qeybna ka ah 1,000 askari laga soo saari doono Soomaaliya horaanta todobaadkan.
Dowladda Uganda waxay sheegaysaa in ciidamadeeda ku sugan Koonfurta Soomaaliya lagu wargeliyay in ay diyaar garoobaan waxayna dowladda Federaalka Soomaaliya ku wargelisay in ay la wareegto ammaanka deegaannada iyo magaalooyinka ay ciidamadaasi baneyn doonaan.
Bixitaankan ayaan saameyn doono inta badan dowladaha ciidamadoodu duullaanka ku joogaan dalka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Kenya,Uganda iyo Burundi, waxaa la saadaalinayaan in ciidamada ugu horreeya ugunna badan ee isaga bixi doono Soomaaliya kuwa dowladda Kenya.
Ciidamadan kunka ah ee lafilayo in ay dalka ka baxaan ayaan wax mushaar ah qaadan doonin sida ku cad heshiiskii dhaxmaray Ururka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee AMISOM taasi oo ka dhigan in jeebabka dowladaha reergalbeedka ay marteen oo aysan diyaar u aheyn sii wadidda taageerada soo duulayaasha Soomaaliya ku sugan.

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa horay usoo saartay qaraar dhigaya in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay bisha December 2017 ay bilaabaan dib ugurasho islamarkaana ay dalka ka dhammaadaan marka lagaaro sanadda 2020-ka, bixitaankan ayaa imaanaya xilli soo duulayaasha Jinsiyadaha kala duwan leh aysan wax guul ah oo lataaban karo xaqiijin illaa iyo hadda.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

DHAGEYSO:-Afhayeenka Siilaanyo oo Xaqiijiyay in 19% Saamiga Dhaqaale ee Kasoo Xarooda Dekadda Berbera lasiiyay Dowladda Itoobiya!.

Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ah Afhayeenka Siilaanyo ayaa Idaacadda Codka Mareykanka Ee VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay ‘Somaliland’ bixisay balse dowladda imaaraatka Carabta ay Itoobiya u garatay.

Deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay ‘Somaliland’ ayaa aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

 

Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP WORLD si rasmi ah loogu wareejiyay dekadda islamarkaana loo ogolaaday in muddo 30 sanadood ah ay gurato dhaqaalaha dekadda kasoo xarooda.

 

SHIRKA LONDON-Uhuru Kenyatta “Ciidanka Kenya Soomaaliya Kamasoo Baxayaan Illaa ay Kenya Nabad Ka Noqoto”

farmakenya

Hoggaamiyaha wadanka Kenya ayaa markii ugu horraysay warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay leeyihiin dhadaf fog oo khilaafsan waxa ay ku hadaaqaan madaxda DF-ka.

Uhuru Kenyatta oo wariyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi xilli uu kusii Jeeday magaalada London ayaa caddeeyay ujeedka dhabta ah ee ciidamada Kenya ujoogaan Soomaaliya.

“Ciidamada Kenya waa sii joogayaan Soomaaliya illaa Kenya ay noqonayso meel ammaan ah” ayuu yiri Kenyatta.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeedka ugu weyn ee Melleteriga Kenya ugu duuleen Soomaaliya ay tahay ilaalinta danaha iyo masaalixda dowladda Kenya.

R/wasaaraaha Itoobiya iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa ka qeyb gelaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo berri ka furmi doono magaalada London.

Warka kasoo yeeray Uhuru ayaa meesha ka saaraya haddallada ay marwalba ku hadaaqaan madaxda DF-ka ee ah in Kenya ay Soomaaliya usoo gashay si ay u kaalmayso ciidamada Dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi

VIDEO-WARSHADA BAASTADA- Checkpoint Pasta: 2 luglio 1993

Ma rabtaa inaad ogaato wixii Talyaani ku qabsaday Warshada Baastada ee Muqdisho,2 luglio 1993.Waa qeyb ka mid ah taariikhda Soomaalido u leedyahay dagaalka ay la gasho kuwa soo duula.

YUUSUF GARAAD MA WARIYAHA VILLA SOOMAALIYAA?

Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Md. Yuusuf Garaad oo in badan ku soo dhex jiray saxaafadda Soomaaliya, kana billaabay shaqadiisa wariye ahaan Raadiyo Muqdisho ka hor burburkii Soomaaliya, ka gadaalna ku biiray Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa bishii Juun ee 2016-kii dowladii Xasan Sheekh u magacowday Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan u magacowday Md. Yuusuf Garaad Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, xilkaasi oo ka mid ah kuwo ugu mudnaanta badan xukuumada Soomaaliya.

Muddadii uu hayay xilka Danjiraha Soomaaliya ee QM, dad badan oo ku dhow dhow Yuusuf Garaad, ayaa sheegay in uu fadhigiisu u badnaa Muqdisho, marka laga reebo wakhtigii uu waraaqaha aqoonsiga gudooonsiinayay Xoghayaha Guud ee QM. Md. Yuusuf ayaa shaqadiisa Danjiraha Soomaaliya ee QM ku koobneyd magac ahaan, isaga oo aan wax howl ah oo la taaban karo ka qaban xilkaasi loo igmaday.

addaba waxa dhawaanahan lagu arakayay baraha internet-ka  Wasiir Yuusuf Garaad oo u eeg wali in uu yahay wariye, oo kolba dalka uu tago ama mas’uulka uu la kumo ka soo waramaya qaab aan aheyn wasiir-nimo balse wariye ah,  iyada oo wasaaradiisu Arimaha Dibaddu ay leedahay wariyayaal ama waax u qaabilsan warbaahinta, taasi oo ay u dheertahay in wasaarad dhami (Wasaaradda Warfaafinta) ay ku hadasho afka Dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa is weydiinaya in Md. Yuusuf Garaad uu ku haboonaa Wasiirka Warfaafinta, taasi oo u eeg in uu xiiso gaar ah wali u hayo.

Haddaba waxa la gudboon wasiir Yuufuf Garaad in uu xilka soo tebinta wararka u dhaafo dadka ku shaqada leh sida Yariisow iyo Wasaaradda Warfaafinta ama qeybta warbaahinta ee Wasaaradda Arimahaha Dibadda.

WardheerNews

 

“inay Samadu Naga Oodantaa waa Abaalmarin e”

37809512

Abwaan Cali Xuseen Xirsi ayaa Lixdameeyadii iyadoo ay abaar ba’ani dalka soomaaliya ku dhufatay ayay dadkii ka codsadeen in uu duceeyo, iyaguna ay aamiin ka dabadhahaan.

Halkii ay ka sugayeen in uu Alle baryo ayuu iyagii u soo jeediyey dhaliil kulul oo ku aadaneed in abaarta ay sabab u tahay macaasi iyo gefaf ay alle ka galeen wuxuuna yiri

“Nimanyohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka
Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa
Raxmaddii ilaahay waxay innoogu iman weyday
Ee ariyo geelii marshay ee eberka noosaaray
Arradka iyo gaajada waxa innagu alluugmeeyay
Geeduhu waxay u angageen ubaxna loo waayey
Ee ay ugaadhu u bakhtidad ayda miranaysay
Eelkaa wixii dhigay haddaan idin ogaysiiyo
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

 

 
Haddii ay islaannimo jirtoo la ijtihaadaayo
Ashahaadda iyo taoobaddii lama ilaaweene
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

Goortay ilma adeerradii uurka ka colowday
Igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduunkiisa
Goortii ammaanada la cunay ehelku kuu dhiibtay
Inkiraadi goortay timi ee aamin la iswaayey
Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyday
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

 
Alalaasku goortuu ka karay or iyo duulaanku
Nimaan ayna kaa dhicin markii udubka loosaaray
Oofaha markay kala heleen kaalka la afeeyay
Goortay asayda u xireen ooriduu mehershay
Maatadu markay ooyayeen loo arxami waayey
Markii aabbeyaal lagu diley ee gaban agoomoobay
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e.

Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e
 
Axdi nimaad ahaydeen markuu oofin kari waayay
Aayadaha diinta ah markii iida (E) laga doortay
Isimkii ilaahay markii la istixayn waayey
Akalkaad cuneyseen markii loo abtirin waayey
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e.

Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e
 
Aakhiro illowdiyo jannada aqalladeediiye
Addimaadda goortuu wadaad idin ogeysiiyo
Aadaanka oo yeeray baad orod ku dhaaftaan e.

Eygii hadduu idin duwadey Aadan ba habowshey
Oo uu Iblays idin ku mudey shalay iraabkiisa
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e
Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e”

W/D Axmed Faarax Cali Idaajaa

DHAGEYSO:-Askari Kenyan ah oo iska ooyay kaddib markii uu ka laabtay Somaliya!!

Magaca Askarigan waxaa loo qariyay sabab la xiriirta Sumacaddiisa,waxaana loo bixiyay Makaca KEN oo aan ahayn kiisa rasmiga ah.

Waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Kenya ee dagaalka u soo galay Soomaaliya,si uu la dagaallamo Al-shabaab.

Askarigan waxaa qabsatay qiso xanuun badan oo uu inteeda badan mas’uul ka ahaa Taliyihiisii xerada Tababarka ee Eldoret.

KEN; oo 37 jir ah,kana mid ah dadka ku barbaaray Nairobi ayaa ka mid noqday Ciidanka Kenya,ma uusan jecleysan markii loo dirayay Soomaaliya,sababta oo ah waxaa uu ogaa in aysan Caano uga horreyn shaqada loo diray.

Taliyihiisa ayuu ka diiday in uu aado Soomaaliya si uu Al-shabaab ula dagaallamo,Taliyihii ayaase ku qanciyay,isaga oo u adeegsaday dhaartii uu u galay Difaaca dalkiisa,sidaas ayuuna ku soo aaday Soomaaliya laakiin maxaa xigay?

Waxaa uu Mr Ken,sheegay in howlgalkooda Soomaaliya uusan la mid ahayn Suuq laga dukaameysto oo la iska tagayo,ee waxaa la wajahayaa qibrado kala duwan oo u eg sida xeerka Keymaha (Nooleba kan uu ka awoodda badan yahay ha cuno).

Waxaa uu arkay saaxiibadiis oo ay qaarkood nafta ka baxeyso,kuwo dhaawac ah ,waxaana ay joogeen dal shisheeye oo aanay waligood ka howlgelin.

Waxaa dheer isaga waxaa uu ka soo qaaday welwel iyo walaac nafsaani ah,Habeenkii uma hurdo si wanaagsan isaga oo hadda jooga gurigiisa Nairobi,waxaana uu ku qarwaa xusuusta wixii uu kula kulmay Soomaaliya,waxaase uu ka cabsadaa in mar kale la dhoho ku laabo Soomaaliya si aad shaqadii qaran u soo gudato.

KEN;waa uu joogaa hadda isaga oo aan dhaawac ahayn,aadna u fiican lakin nasiib darro waxaa uu wajahayaa mid ka mid ah xaqiiqooyinka ugu adage e nolosha,waxaa uu soo laabtay isaga oo xaaskiisii ay la nooshahay mid ka mid ah Saraakiishii isaga u dirtay Soomaaliya.

Markii uu Xaaskiisa weydiiyay waxa ku kallifay arrintan waxaa ay ugu jawaabtay in ay jacayl u qaadday taliyaha oo intii uu tababarka isaga ku jirayba ay haasaawe kula jirtay,taliyuhuna door muhiim ah ku lahaa..

Markii uu weydiiyay halka uu ku dambeeyay jacaylkii isaga kala dhaxeeyay waxaa ay ugu jawaabtay “Adigaba waad I qiyaantay oo waxaad kufsan jirtay Dumarka Soomaalida,sidoo kalena Haweenka Ciidanka ku jira
ayaad la seexan jirtay,waxaana ii sheegay Taliyahaga”.

Waxaa kale oo ay raaciyay in sidan oo kale saaxiibkeedii hore uu qiyaanay si la mid ahna Xaasas badan oo ka mid ah Askarta Kenya ee jira Soomaaliya ay tan oo kale ku dhacday kaddibna ka daneysteen.

Mr KEN; ayaa iska ooyay sida carruurtii oo kale waxaana uu niyad jab ka qaaday waxa uu ku sameeyay taliyihii ku qal qaaliyay in uu Soomaaliya aad,waxaa uu xusay in ay tahay murugo aan ka kabsasho lahayn.

Askarigan hadda waxaa ay waxyeello ka soo gaartay maskaxda lama xiriiro Bulshada waxaana uu ku jiraa Gurigiisa oo ku yaalla Nairobi!.

Isha Warkan:Standardmedia.

Taliyaha Ciidanka AFRICOM Oo Farmaajo Kula Kulmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

pizap.com14937248902001

Mas’uulka ugu sarreeya taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa socdaal dhuumasho ah ku yimid garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Jeneraal Thomas Waldhauser ayaa xerada Xalane oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha ugu yeeray Max’med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha DF-ka iyo taliyaha ciidanka Melleteriga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka oo wajigiisa farxad laga dareemayay xilligii uu la kulmayay Thomas Waldhauser ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Mareykanka ee Muqdisho soo gaaray ay dowladda Federaalka ku dhaliileen habacsanaanta dhanka amniga ah ee kajirta magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay ka qeyb qaadato ciidamo aan badneyn oo DF-ka loo dhiso marka lagaaro sanadda 2018-ka.

Dowladda Mareykanka oo si toos ah ugu lug leh dagaalka Soomaaliya ayaa ka caraysan in waqtigii ay bixi lahaayeen ciidamada AMISOM soo dhawaaday islamarkaan aan laheyn ciidamo Soomaali awood leh oo la wareega magaalooyinka ay shisheeyuhu ka bixi doonaan.

Melleteriga Mareykanka ayaa dhanka  Hawada ka taageera kumanaan katirsan ciidamada AMISOM oo duullaan gumeysi ku qaaday gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Donald Trump hoggaamiyaha cunsuriga Mareykanka ayaa horay u sheegay in duqeymo dhanka cirka ah ku qaadayaan deegaanada ay maamulaan wilaayaatka islaamiga ah ee taabacsan Xarakada Al Shabaab.

Farmaajo oo ah Muwaadin heysta dhalashada Mareykanka ayaa umuuqda in taageero dhan walba ah uu ka helayo dowladdiisa.

Dad odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in faragelin walba oo dowlado shisheeye kusoo sameeyaan soomaaliya ay taageero iyo awood siin karto Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dowladda Mareykanka ayaa bilaagii sagaashameeyadii ku fashilantay duullaankii gardarrada ahaa oo ay kusoo qaaday dalka Soomaaliya xiligaasi oo 19 askari looga dilay waddooyinka Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi

DHACDO AAN UGUB AHAYN:AMISOM oo maanta xad-gudub ku sameeyay wasiirrad Maryan Qaasim!

 

AMISOM ayaa waxa ay maanta is-hortaag ku sameeyeen wasiirradda  Maryan Qaasim Axmed, xilli ay rabtay inay aado  xarunta Xalane.

Wasiirradda ayaa qoraalkeeda oo af-ingariisi ku qornaa waxa ay ku caddeysay in aan la aqbali karin dhaqannada ay ku kacayaan AMISOM. Waxaana ay wax laga xumaado ku sheegtay wixii ay maanta ku soo aragtay xarunta Xalane.

Wasiirradda ayaa waxa ay tiri “waxa aan ku shaqaynaynaa xaalad adag, laakiin qiil looma heli karo dhaqannada aan maanta ka arkay ciidamada AMISOM”.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

Circling The Square In Somalia

imageedit_2_7917742092.jpg

Somalia is headed to the right direction. But ‘right direction’ doesn’t mean a path free of pitfalls and clear of landmines. A new President who inspired renewed sense of optimism within the Somali people has been elected by the parliament.

In his inauguration speech, the new President—Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo)—has highlighted the direction that he wants to take his country. He underscored how the supremacy of the law is the central pillar of any viable State. ‘Sareynta sharcigu waa udub dhexaadka dowladnimada.’ He also asserted that his government will be committed to strengthening the supremacy of the law as stipulated in the Somali constitution ‘(In xukuumadeydu ay) si dastuuri ah u xoojindoonto awoodda sharciga.’

These words don’t just highlight what the Somali people should expect from their new leader, they underscore the litmus test by which the new President should be assessed. There is no ‘supremacy of law’ without respect for the constitution, regardless of its shortcomings.

Belligerence of Predatory Exploitation

‘Somalia is open for business’ was the last government’s motto or rather corrupted officials dog-whistle to usher in predatory capitalists and make certain corrupt officials and their international brokers very rich. The previous government has ignored the serious warnings that: such haphazard invitation without having institutions of checks and balances would prove economic suicide. Now Somalia’s natural resources is wholly entrusted with a shadowy firm to explore, market and be granted exclusive rights to a number of lots. Never mind the fact that the constitution does not specify the demarcation of the federal-states or the distribution of natural resources. Somalia owes over $5 billion mostly to IMF and World Bank. And Kenya is claiming a legal right to part of Somalia waters.

These three deals have one thing in common: They were all secured away from the lampposts of transparency.

In business, as in politics ‘perception is reality’. That is why businesses spend significant amount of their revenues on building their public perception, therefore image. However, when the negativity associated with the business is so deeply rooted, it is almost impossible to change that perception. In that context let me say this: Since its genesis, Soma Oil and Gas has been wreaking the foul smell of corruption. Conducting shady dealings in a dark room might deceive the eyes, but not the nose.

Anyone who is, or has been, directly associated with said tainted firm has a lot to answer for. Was he or she the Somali John Doe who made the theft of the century possible? Did he or she play a role in facilitating or brokering former President Hassan Sheikh Mohamud’s approval?

Nature Of The Controversy

Immediately following his inauguration, President Farmaajo has nominated the only Somali who is known in being part of Soma Oil and Gas, one of its top officials (Executive Director) and one of its major shareholders- Hassan Ali Khaire—as his Prime Minister.

I don’t personally know the nominee. However, it is fair to say a number of people who know him say that he is a professional and a good natured person.

While these are good qualities, they hardly address the nominee’s history with the aforementioned shady business. As a private citizen, he had the prerogative to engage in any business, but as a man being entrusted with the executive power of a nation victimized by the company that he was officially representing, it is a public interest and moral duty to scrutinize him thoroughly.

The Dash Factor

Experiences and lives are often exclusively commemorated by calendar moments with a starting and ending dates that are separated by small dashes. In the employment history as well the life of the individual, more attention is given to one particular period or another. When a person’s employment or life may’ve started or it may’ve ended when the most important aspect of that record is the dash. That little dash encapsulates the real record and offers a more reliable portrait of a person.

The Hijacking Process

As soon as the nomination became public, a well-coordinated, relentless PR campaign has been launched to bypass the constitutional process.

Before being vetted by Somali parliament, without getting vote of confidence, and without being sworn-in, the nominee became Somalia’s Prime Minster upon his nomination. The timing coincides with while the newly elected President was out of country and the Speaker of the Parliament, who like the nominee is Somali-Norwegian, was the acting President. And just by sheer coincidence certain Guerrilla diplomats, namely from UK and Sweden, meet with “the new Prime Minister” to discuss “bilateral issues”. The strategic objective seems to establish enough facts on the ground that would make reversal of the nomination almost impossible.

Had a cordial and productive meeting with the UK Amb Mr. Concar @DConcar , we discussed bilateral issues

Proud to hand over congratulatory letter from Sweden’s king to President @M_Farmaajo . New PM Khaire there, too.@SweMFA @TheVillaSomalia

Though this seamless hijacking profoundly undermines the legislative authority of the Parliament as enshrined in the constitution, neither the Speaker of the Parliament nor the UNSGR expressed concern.

Soma Oil and Gas may have been cleared politically as this economic highway robbery has implicated some high level British politicians. It may have been cleared criminally as the UK Serious Fraud Office could not find enough evidence to put some people behind bars. You may remember the Mafia legend Al Capone whom the FBI could not bust him red-handed till he was finally busted on tax related crime. Soma Oil and Gas is ethically as shady as ever. And that should raise a red flag.

Raising The Bar

There are more than one third of members of the new parliament who are from the diaspora and hold dual-citizenships. President Farmaajo should raise the bar for all officials who are dual-citizens who see themselves as people on vocation or, at best, on short-term tour of duty. He should voluntarily—indeed graciously—relinquish his US citizenship. In doing so, he would underscore that he is duty-bound to represent and serve his native nation and make it a country where his grandchildren could thrive peacefully. He and other dual-citizen officials and MPs have taken oath to put Somalia’s interest above all others, fairly, and justly.

The Foreign Secretary of U.K., Boris Johnson, the current President of Afghanistan, Ashraf Ghani, and his predecessor, Hamid Karzai, have renounced their citizenships to pursue political careers in their native countries.

Currently, as those before them, Ministers as well as MPs routinely visit foreign embassies on private invitations, private meetings, etc.

So What Is The Alternative?

It is no secret that President Farmaajo is faced with multiple problems that demand his attention. Realistically speaking, he will not be able to solve all of them within his four year mandate.

This is not to set off the alarm for political or paranoiac moral urgency. This simply is an attempt to amplify the fact that unless Somalia ends its ever-present culture of impunity, reconstituting a viable Somali state would remain a figment of imagination.

There is a difference between political pragmatism which compels leaders to make certain undesirable deals as necessary compromises and gulping down the very toxic cocktail mixed to suck the life out of you.

As one of the majority of Somalis who would like to see the new President succeed, we cannot remain forever intoxicated with the post-election euphoria. So President Farmaajo must employ the ER approach to governance. in which life-threatening injuries are given more urgent attention than broken bones. Corruption presents an existential danger to this ailing nation. It is the main reason why Somalia is condemned into perpetual dependency.

This scandalous controversy marks a dark spot on his reputation as the desperately awaited people’s hero who came to crackdown on corruption. How fast he washes it off will determine how deep the stain may penetrate.

The nominee, by virtue of being a man who lived in the West long enough, and a civilian friend with extraordinary political influence of the previous president, one would think he should know better. In the past four years, the current nominee has witnessed three different Prime Ministers undergoing through the constitutional process before assuming their responsibilities.

President Farmaajo will either disassociate himself with this group by recanting his nomination for the egregious constitutional violation or risk being seen as an accomplice. Securing Soma Oil and Gas a direct access to the national executive power is tantamount to putting Dracula in charge of the blood bank of this ailing nation.

 

Taliyihii Guutada 4-aad Ee Ciidanka Itoobiya oo Lagu Dilay Gudaha Soomaaliya.

Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad baroordiiq iyo billad guddoonsiin isugu jirtay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka Somaligalbeed ayuu madaxweynaha Itoobiya uga dhawaaqay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay ciidamo farabadan oo uu ku tilmaamay

‘Geesiyaal Qaran’.

“Qaranka Itoobiya ma hilmaami doono halyeeyadii looga dilay dagaalkii cuslaa ee Islaamiyiinta Al Shabaab lagula galay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya” Ayuu yiri Mulatu Teshome madaxweynaha aan fulinta awoodeed laheyn ee Itoobiya.

Saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda loogu baroor diiqayay ciidankii lagu laayay Halgan ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen dagaal gacmaha layskula tagay.

General Samora Yenus oo ah taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya uu yahay mid adag.

Itoobiya waxay xaqiijisay in dagaalkii Halgan looga dilay taliyihii Guutada 4-aad ee Melleteriga Itoobiya waana sarkaalkii ugu darajada sarreeyay oo looga dilo dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi

Maxamed Sheekh Axmed “Farmaajo wadani waa yahay laakiin waa waddani Maraykan ah”

imageedit_2_2870057981.jpg

Soomaaliya waa dal gumeystuhu qeybiyay isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan maamulo marka laga reebo meelaaha Alshabaab ka taliso waxaa iminka lagu dhawaaqay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo madaxweyne ka yahay asiga oo bedelay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka gumeysi raac ah waxay iska indha tirayaan xaqiiqada waxaanay umadda ka iibinayaan fikrad foorarta oo ummadda god iyo booraan ku sii rideysa sababtoo ah dal la haysto ayay u sheegayaan in uu xor yahay laakiin waxaa jira kuwa runta jirideeda soo taabanaya si ay noogu digaan dabedeedna uga bad baadno bohosha laynaku wado.

Aqoon yahan maxamed sheekh axmed waa xog ogaal indhaha ku haya waxa soomaaliya ka socda goob joogna u ahaa tilaabooyinka badan oo gurracan oo cadawgu qaaday si xidadaha loogu siibo dalka iyo dadka soomaaliyeed diinta islaamkana meesha looga saaro.

 Wuxuu sheegayaa iminka in aanay Soomaaliya doorasha ka dhicin asigoo tilmaamay in dalku yahay mid la haysto oo aan madax banaaneyn .“is bedel umbaa dhacay, gaalada ayaa markii ay ogaatay in daba dhilifkii hore aanuu wax tar ahayn waxay ku bedeshay daba dhilif kale” sidaasi waxaa yiri aqoonyahan Maxamed Sheekh Axmed oo ay ka muuqatay in uu ka xun yahay halka Soomaalida maanta xaalkeedu marayo iyo sida qaar ka mid ahu dhagarta loo maleegay wanaag ugu maleeyaan.

Dadka oranaya Farmaajo waa wadani, waxaanu oraneynaa warkii hadda ka hor uu yiri abwaankii caanka ahaa ee careys ciise kaarshe oo ahaa,

“Soomaalaay dhaga la’eey,cagliga tii laga dhaceey,

Middii lagu dhaatayeey, waxaan laga dhalinineey,

Dhaadhaan meel yuurariyo, caryaa dhagax la hadli kara?”

Ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Sheekh Axmed.

Wuxuu intaas ku daray “Farmaajo in uu qirtay in aanuu wadani ahayn maxaa yeelay waa ninkii yiri dagaalka aan Muqdisho uga jiraa waa mid aan ku difaacayo Maraykanka”.

“Farmaajo wadani waa yahay laakiin wadani Soomaali ah ma ahan waa waddani Maraykan ah oo maraykanimadu kala weyn tahay masiirka umadda Soomaaliyeed ” ayuu yiri aqoon yahan Maxamed Sheekh Axmed.

wuxuu tilmamay in dalka ay mas’uul ka tahay oo ay dowlad ka tahay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab asigoo hoosta ka xariiqay in ay umadda shareecada islaamka ku maamusho geesta kalena dagaal kula jirto shisheeyaha jensiyadaha kala duwan leh ee duulaanka ku gardarada ah ku yimid.

W/D Warfaa Kheyrdoon

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

DHAGEYSO:-Halkee Ku Danbeyn Doonaa Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayay maanta ugu dhamaatay Villa Somalia, waxaa la sheegaya in Xasan ku wahajan yahay Tansaaniya iyo Turkiga oo hanti badan oo gaystay ,walow oo ogaa in maalin uun la soo dhigi doono banaanka,waxaana qaada dhigaya halka Xasan ku danbeyn doono  Wariye Cabdifitaax Filipin oo ka tirsan Radio Alfurqaan oo ka mid ah Raadiyaasha loogu dhagaysiga badan yahay dal iyo dibadba.

Xasan iyo kuwii kala shaqeynayay  Villa Somalia ayaa dhamaantood sii joogi doonin Soomaaliya,waxayna ku sii jeedaan qurbaha,sidii ka horeeyay.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.

Hanti-Dhowraha Federaalka Somaliya oo Heshiiska Saldhiga Milateri ee Berbera Ku Tilmaamay Khiyaamo Qaran.

37475494.jpg

Hanti-dhowraha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan heshiiskii maamulka Somaliland ay kaga kireeyeen Garoonka diyaaradaha Berbera Dowladda Imaraadka Carabta.

Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dagaal ka dhex abuuri karo dadka Soomaaliyeed, islamarkaan uu culays nabadgelyo  iyo dhaqan dhaqaale uu sababi karo

“Reer Saaxil, dhibka soo gaaraya waxaa ka mid ah meeshaasi waxaa ay noqon doontaa meel militariga ma ahee, waxa kale ka caagan, dadkii ka shaqeysan jiray, oo quutul-yoomka ka heli jiray dhib ayaa ka soo gaaraya, guud ahaan reer Somaliland dhib ayaa soo gaaraya, dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto dhib ayaa soo gaaraya, gobolka uma baahna xasarad iyo dagaal abuur”.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Imaraadka carabta inay ka shaqaynayaan kala qaybin shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inay joojiyaan oo ka waantoobaan ficiladaas.

“Shalay DP Wold ayay ahayd, maanta waa saldhig milateri, waa markii 2aad oo heshiis gacan ku rimis ah, oo Hotellada Imaaraadka dad ka mid ah dowladda ama maamulka Somaliland ay hadba heshiis la soo saxiixanayso, heshiiskaan oo qabyo qoraal ah oo aan dadka la tuseynin, heshiiska haddii uu xalaal yahay, maa heshiiska oo dhameystiran la daabacao oo dadka la tuso” ayuu yiri

Dhinaca kale, Wuxuu ku eedeeyay xubno ka tirsan xukuumadii Federaalka ee waqtigeedii dhammaaday in ay qeyb ka aheyd heshiiska iyo heshiisyo kale ay dowladd Imaraadka la soo galeen.

“Heshiiskan inuu ahaa musuqmaasuq  waxaa kugu daliil ah looma tartamin, hunfaan ma marin, wax alle waxaa uu heshiikan u qotomo sharci ma aha cid qiimaysa iyo xisaabtan ku samaysay ma jirto” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay

“mar waxaa weeye labo ruux oo federaalka ka tirsanbaa Dubai lagula shirayaa, waxaa la leeyahay heshiis ayaanu la galnay, 3 kale ayaa lagu shirinayaa imaaraadka, waxaa lala yeeyahay dekadda Berbera ayaan kala shirnay. Reer saaxil, Somaliland iyo Soomaaliya guud ahaan waxaa arrinkaasi ku keeneysaa caqabad lama eegin maxaa umadda dan u ah” ayuu yiri.

Ugu dambayntii, hanti-dhoruhu  wuxuu sheegay inay qoraal ashkato ah u gubinayaan Ururkada Jaamacada Carabta iyo Qaramadda Midoobay oo kaga cabanayaan xadgudubka imaraadku uu ku sameeyay qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya.

Gabagabadii, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli ka hadlin hehiiska imaraadka iyo maamulka Somaliland, hase yeeshee sida ay ogaatay horseedmedia heshiiskan waxaa dalka imaraadka ku soo saxiixay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke doorashada ka hor.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.

Isbar-bardhig Ku Saabsan Farmaajo iyo Siyaad Barre

37468362

Allaah Baa Mahad leh. Ammaan Iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed Korkiisa Ha Ahaato!

Markii usbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaaj, waxaan war baahinta qaar ka daalacday dad siyaasiyiin u nasab sheegta oo tilmaamaya inuu yahay nin wadani ah mudan in loo sacba tumo, sidaa darteed ayaan u dhabba galay iney dhab tahay arrintaas iyo in kale, waxaana jeclahay inaan is barbardhig ku sameeyo isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre.

Siyaad Barre wuxuu ahaa madaxweyne aaminsan mabda’a Shuuciyadda isagoo marar badan ku xad gudbay diinta islaamka, laakin dhanka kale wuxuu ahaa wadani iskala weyn inuu qaato jinsiyad shisheeye, halka Farmaajo uu yahay nin Dimuqraadiyadi ah islamarkaana heysta dhalashada Mareykanka.

Siyaad wuxuu ahaa nin aqoon wanaagsan u leh dhanka milatariga iyadoo la xusuusto inuu dalka ku qabsaday af-gambi aan dhiig ku daadan, wuxuu ahaa hogaamiyaha ciidan awood leh oo darsi lama illaawaan ah u dhigay Itoobiya, halka Farmaajo ay garab u yihiin Itoobiyaankaas iyo shisheeye kale.

Hadalada taariikhiga ah ee laga hayo Maxamad Siyaad Barre ayaa waxaa kamid ah: “Calan kaliya oo meel ka lushaahi lama yiraahdo gumeysi, gumeysigu wuxuu ku fadhiyaa dhaqaalaha, wuxuu ku fadhiyaa mabaadi’da in lagaa dilo, waxaan idin leeyahay Soomaaliyey aan difaacano dalkeena”.

Geesta kale hadalada taariikhiga ah ee laga hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah in markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa uu yiri’ “Dagaalka aan Muqdisho ka wadno waxaan ku difaacaynaa shacabka magaalada New York

Siyaad wuxuu ahaa nin iskala weyn madaxda Itoobiya, wuxuu si gaar ah uga faani jiray inuu qaabilo dadka aan isaga u dhigmin, halka Farmaajo uu kulankiisii ugu horeeyay la qaatay General Gabre oo ah dib lumaasi ay darajadiisu hooseyso, kuna caan baxay hagar-daamada ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii dowladii Kacaanka wuxuu wadamo shisheeye u diiday iney qaataan bacaadkii Shalaambood, isagoo ku yiri’ “wuxuu anfici doonaa jiilkeena dambe” laakin Farmaajo ayaa xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa dalka soo galiyay shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo ay Saracen kamid tahay, kuwaasoo boob ku haya kheyraadka wadanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa nin aanan isku dulleyn shisheeyaha, hase ahaatee Farmaajo ayay taariikhdu daabacday in madaxweynaha Uganda uu ka casilay xilkii ra’iisulwasaaraha ee uu ka hayay DKMG ee Shariif.

Halkan waxaa laga fahmi karaa inaanu wadani ahayn Farmaajo, kana fog yahay madaxweynihii hore ee dalka Maxamad Siyaad Barre.

Farmaajo ayaa waxaa ku hor gudboon caqabado badan oo ay ka gudbi waayeen madaxweynayaashii isaga ka horreeyay iyo ciidamada shisheeye ee wadanka kusoo duulay, wuxuuna ku dambeyn doonaa fashil iyo qoomamo.

{إِنَّ اللَّهَ لا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ}

W/D Ridwaan Hassan Ali

FINANCIAL TIMES:-Caqabadaha Adag ee Wajihi Doona Farmaajo

Wargayska Fianancial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ka hadlay caqabada oo la kulmi doono Farmaajo.

Caqabadaha ugu waaweyn waa,Musuqmusaaqa dhinaca dhaqaalaha,awood darida dhinaca dowladda,amaan darida,awood yarida ciidanka,Somaaliya ma helin dowlad awood leh oo waxtarta 25sano.

“Somalia ma lahan ciidan  qaran, mana ka maarmaan ciidamada shisheeye”

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.

 

WAR CUSUB-Kuwa Gaaloobay Oo Ku Farxay Guusha Farmaajo!

Guusha madaxweyne ee Farmaajo waxaa aad ugu farxay Soomaalida gaaloowday kuwooda aan is qarin ee qurbaha ee kunool.Kuwa gaaloobay ayaa si toos ula hadlay Farmaajo kana codsaday inow la shaqeeyo.

Waxaa jira waxyaabo badan oo  qarsoon Soomaaliduna la socon.waxaa si dadban  u socday gaalaysiinta Soomaalida mudo fog,waxayna bilaabeen inay soo dhiiradaan maalmahan danbe,waana halis dhibkeeda leh.

MAXAA ISKU KEENAY KUWAN FARMAAJO?

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKES

Kullankiisii Ugu Horreeyay Ayuu Farmaajo La yeeshay Jeneraal Gabre iyo Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya.

37461303.jpg

Hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa sare uqaaday kulamada uu la qaadanayo saraakiisha shisheeye ee hoggaaminaysa duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Farmaajo oo la sheegi jiray in uu necebyahay dowaldaha shisheeye ayaa kulankiisii ugu horreeyay Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho kula yeeshay saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwa caddaan ah.

Jeneraal Gabre oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya iyo Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kamid ahaa madaxda Farmaajo ku qaabilay Muqdisho.

Sidoo kale Farmaajo wuxuu la kulmay safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, labadan dowladood ee Itoobiya iyo Turkiga waa kuwa ugu daran ee gumeysiga ku haaya shacabka Soomaaliya.

 Shacabka Soomaalida ee kunool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa maamulkii Xasan Gurguurte waxay ku naceen soo dhoweysashada Turkiga iyo Itoobiya oo dhan walba ka bahdilay soomaalida.

Turkiga ayaa la wareegay kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida Garoonka diyaaradaha iyo dekadda caalamiga Muqdisho halka Itoobiya ay ciidamadeedu qabsadeen magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Lakulanka saraakiisha dowladaha shisheeye ee Soomaaliya gumeysiga ku jooga waxay ka dhigantahay in Max’med Cabdullaahi Farmaajo uusan wax sidaas uweyn dhaamin Xasan Sheekh Maxamuud Madaxii hore ee DF-ka.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Farmaajo uu durbadiiba dowladda Itoobiya ku bilaabay wadashaqeyn ku aaddan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

“Dhardhaarradoo lakala beddelaa dheriga dhadhankiisa ma dooriyaan”

imageedit_1_3629894040.jpg

Soomaalidu waa dad iloowshiinyo dhow, waxa ay wax ku diidaan ama ku taageeraanna ay tahay mid xumbo ah oo aan sal ballaaran sii lahayn. Haddaba ilaa shalay galab waxa dhegaha naga wareeriyey taageero aanan garan karin goorta ay isbeddeli doonto, aadna loogu hadaaqayey, loona muujinayey Farmaajo oo ah nin aan anigu rumaysnahay in uu yahay kan ugu liita ragga kaararka (cards) ah ee hadba mid ummadda Soomaaliyeed loo soosaarayo, laguna wareerinayo.

Farmaajo waa ninka buuggiisii qalin jabinta (thesis) ee shahaadadada heerkeeda labaad (master) ku qoray ereyo diin ka bax ah, haddii uu diinta aqoon u leeyahayna uu ku riddoobayo, haddii uu jaahil ka yahayna loo baahan yahay in uu ka toowbad keeno. Qoraalkaas oo uu ugu magac daray “Tabaha Daneed ee Maraykanka ee Soomaaliya” (U.S. Staragic Interests in Somalia: From Cold War Era to War on Terror), uuna qoray 1dii bishii Juun ee 2009kii, jaamacadda Bufallo (the State University at Buffalo) kaas oo uu dalka Maraykanka ugu hiilinayo, isaga oo qabay in Maraykanku lumiyey danihii uu ka lahaa Soomaaliya. Qofkii wax in uu ogaada rabaana qoraalkaas ha akhriyo isaga oo iska ilaalinaya taageerada indho la’aanta ku dhisan.

Tan labaad Farmaajo waa ninkii afkiisa soo mariyey isaga oo Maraykanka raalli gelin ka raadinaya, markii uu ra’iisalwasaare u ahaa Shariif Sheekh Axmed, in dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab iyo cid kasta oo diiddan danaha reer Galbeedka ee Soomaaliya uu difaac iyo xirsi xirba u yahay Maraykanka oo Muqdisho laga difaacayo New York. Farmaajo waxa uu dulsaaran yahay Taangigii iyo Tawgii ay gumaysigu lahaayeen, ee ma aha mid addimo uu leeyahay ku taagan, mana aha mid wax ka diidi kara kuwa uu Taangigooda dulsaaran yahay, ninkii rumaysan in uu wax beddeli karowna taas maanka ku hay.

Dad baa waxa ay fidinayaan Farmaajo Gabre iyo Itoobiya ayuu diiddan yahay. Taasi waa been haddiise ay wax ka jiraan, waxa aynu eegi doonaa meesha ugu horreysa ee uu booqdo ama uu u cimra tago. Haddii arrintaas wax ka jiraan Xabashidu si ay u oggoleysiiso ama uu jilbaha u qabsado, sida kuwii ka horreeyeyba, waxa ay gobollada xad beenaadka ku yaal ka la baxaysaa ciidammadeeda si ku meelgaar ah, dabadeedna markii uu jilbaha qabsado ayey dib u soo celinaysaa.

Arrinta kale ee Farmaajo hartaala ayaa ah in uu afka ka sheegayo in uu ciidan Soomaaliyeed dhisi doono, taas oo u eg riyo iyo qarow, marka loo eego meesha uu taagan yahay oo ah in uusan ahayn nin maamula dal xor ah, danihiisana ka tashan kara, cadowga uu martida u yahayna ma aha mid taas diyaar u ah, waxa uuna u egyahay nin saaran Doon uusan garanayn cidda naakhuudaha (darawalka) ka ah. Dad badan oo taas hadda ku taageersanna waxa aan filayaa berrito in ay af kale la iman doonaan.

Dadka Soomaaliyeed ee xalaasha ah, gobolka Banaadir iyo agagaarkiisana ku nool, Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekhba dhib aan ka yarayn kii uu Cabdullaahi Yuusuf u gaystay ayey u geysteen, dad badanina arrintaa kama kicin, waayo waxa nimankan loo arkayey niman ehel ahaan ka dhow Cabdullaahi Yuusuf. Farmaajo oo hadda aad loo caashaqsan yahayna, ayaa waxa laga yabaa markii dadka dhib badani soo gaaro oo madaafiicda gumeysigu meelo badan ku daadato in la isla dhexmaro ninka na dilayaa waa ayo? Illeyn Soomaalidu uma badna dad weli qabyaalad iyo xumaanteed ka koraye.

Haddaba Farmaajo iyo inta la xammaasadaysanow ogaada, maankana ku haya gabaygan yar ee uu tiriyey abwaan Cabdi Aw Cismaan (Yiroowe)

Dalkiisii nin gaal qaatayoo duudka kaga joogo, Dekedaha nin loo maamuliyo gegi diyaareedka, Misna madax u daacad ah iyo darajo doonaaya, Caqlaa ninkii door bidoow doorna maad jirin.

Qore:-Suldaan Garyare.