
Bishii Jun 3deedii 2014kii ayaan Fasaxeygii Sannadlaha ahaa ee aan shaqada ka qaatay ku tagay Waddanka Jabuuti oo aan ugu talagalay in aan kusoo qaato 2 Asbuuc, Anigoo 2 Asbuuc kale oo fasaxeyga ka hartayna ugu tala galay in aan kusoo qaato Magaalada Dubai ee Waddanka UAE.
Aniga Waxan ahay Shaqaale ka shaqeeya Magaalada London ee Waddanka UK oo aan Labaatankii Sannadood ee ugu dambeeyay aan degganaa halkaasoo aan kuwada nool nahay Carruurteyda iyo Xaaskeyga.
Waxan rabaa in aan Shacabka Soomaaliyeed la wadaago Sheeko Aniga Shaqsiyan aan Xanuun ka qaaday oo ina dhex martay Nin Itoobiyaan ah oo aan islasoo raacnay Diyaaraddii aan Jabuuti kasoo raacay soo noqodkeygii Fasaxii aan ku tagay magaalada Jabuuti ee aan kusoo socday Dubai. Ninka Itoobiyaanka ah waxa uu haystay Lambarka Kursiga ku dheggan kan aan fadhiyo, Waxase dhinaca Dariishadda xigay Booskii uu fadhiisan lahaa Sidaa daraadeed baan Anigoo kasoo horreeyay Isaga hortiisna Diyaaradda soo galay waxan fariistay Kursigeygii oo ka sokeeyay kii uu Isagu ku qornaa.
Markii uu igu soo dhawaaday ee uu idul istaagay ayaan fahmay in uu ku qoran yahay Kursiga iga shisheeya markaasaan istaagay oo ugu baaqay in uu u gudbo Booskiisa, Balse Ninkii Itoobiyaanka ahaa ayaa intii uusan booskiisa u gudbin intuu si ay Yasmo iyo Edebdarro ku jirto ii eegay buu igu yiri:- “Waryaa WhyDon’t you sit there?”.
Sidii uu ii eegay si lamid ah oo aysan Xushmadi ku jirin ayaan u eegay kolkaasaan kala baqeylay in aan Afka uga jawaabo oo aan u ishaaray in uu u gudbo Kursiga uu Nambarkiisa haysto, Markii uu i dhaafayna intaan kursigeygii fariistay ayaan lasoo baxay Buug Af-Soomaali ku qoran oo uu qoray Allaha u
Naxariistee Cabdulqaadir Aroma oo magaciisa la yiraahdo (Taangigii Tigreega) oo aan Boorsadeyda ku sitay, Si aan isaga mooso Hadal aan la yeesho Ninkan aan u arkay in uusan tarbiyad lahayn.
Ninkii Itoobiyaanka ahaa ayaa aad ii eegay oo si indho-gaduudis ah iigu soo jeestay markii uu si wanaagsan u fariistay, waxana uu i weeydiiyey Isagoo dabcan luqadda Ingilishka igula hadlaya “Miyaad illowday Inaad Soomaali tahay,” Mise Diyaaradda dusheeda ayey Soomaalidu Inferiornimada (Wax la quursado) kaga baxaan oo ay ku illoobaan Superiornimada (Kuwa Dabaqadda sare ee wax quursada) Itoobiyaanka?.
Aad baan u xanaaqay oo xaggiisa ayaan eegay Anigoo weliraadinaya jawaab ku habboon hadalkiisa oo aan ku iraahdo ayuu misana si jees-jees ah iigu yiri“Waxa habboonaan lahayd inaan Maanta kugula kulmo magaalo kamid ah Soomaaliya, Sida Muqdisho, Kismaayo, Beydhabo, Beledweyn, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Garoowe, Hargeysa, Ama xataa Jabuuti, Sidaan Indhahaaga iiguma eegteen ee gacmahaad iga dhunkan lahayd?” Xanaaq baan la gariiray oo intaan Buuggii aan gacanta ku haystay markan xareystay baan si xun u eegay oo damcay inaan hadlo, balse intuu qoslay buu si deg-deg ah hadalka iiga boobay intii aysan Afkeyga soo marin Caaydii aan u diyaariyey. Wuxuu yiri:- “Aniga waxaan bartay Soomaali gacanta aan ku dharbaaxo intuu soo qabto i weeydiiya “Mudane gacanta Armeey wax kaa gaartay?, Marka
waxan filayaa adiga inaadan si wanagsan iigu jeedin inaan Itoobiyaan ahay?” Waan kala bad-batay oo Xanaaq la dhididay. Wuuse sii watay hadalkiisa oo wuxuu misna yiri:- Anigu runtii ma’ahi Nin Sida uu kuula hadlayo Axmaq u ah, Balse waxan ka hadlayaa Wax sax ah oo aan arkay Aniga lafteydana aan ka qajilayo inaan sheego wax walboo aan kusoo arkay Geyiga Soomaaliya ee aan kasoo shaqeeyay dhammaantiis laga soo billaabo Sannadkii 2000.
“Adiga waan ku arkayaa waad ka careysan tahay waxa aan kuu sheegayo oo waxad iska dhigeysaa qof la caayey, Balse waxan kuu sheegayaa Runtu Caay ma noqon karto”. Waan qajilay oo xishooday markan. Wuu sii watay hadalkiisa wuxuuna yiri:-
“2011kii Saraakiilsare oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid ahaa oo la geeyay magaalo aanan dooneyn in aan magaceeda kuu sheego oo gudaha Soomaaliya ku taalla, Howlgal aan Maalin ka sameyneynay Tuulo ku taalla halkaas aynu ka howlgaleynay ayaa waxa ku geeriyooday Dad Soomaali ah oo shacab ah oo u badan Haween Soomaaliyeed, Anigu Howlgalkaas markii la fulinayey Xarunta Ciidanka ayaan joogay oo Saraakiil iga hooseysa ayaa Howsha hormuud ka ahayd, waxana dhacday in gabboodfalyo culus ay halkaas ka geysteen oo Gabdho Soomaaliyeed oo aad u fara badan halkaas lagu kufsaday Rag badan baa la laayey, Dumarka qaarkoodna raggoodii ayaa lagu hor kufsaday, Runtii wax xun baa halkaas laga sameeyay, Markii ay Askartii iyo Saraakiishii la socotay ay Xaruntii kusoo noqdeen ayaa dhacdadii halkaas ka dhacday aynu ka warhelnay, Waxana Aniga iyo 2 Sargaal kale oo Xaruntaas madax ka ahayd aynu kaxeysannay Ciidamo si aynu indhaheenna ugu soo aragno, waxa meesha ka dhacay annagoo horay usii kaxeysannay Hoggaamiye Siyaasadeed Soomaali ah oo nala shaqeynayey oo laga yaabo inaad magaciisa garato haddaan kuu sheego, Mase doonayo inaan Shaqsi magacaabo, Arrinta lala yaabo waxay ahayd Meeshii dhibaatadu ka dhacday markii aynu tagnay, Gabdhaha la kufsaday 2 kamid ah waxay la dhasheen Hoggaamiye-Siyaasadeedka Soomaaliga ah ee nala socda, Dumarka Raggooda lagu hor kufsadayna waxa ku jira 2 Dumaashiyaashiis ah oo midna uu Walaalkiis qabo, tan kalena Ina’adeerkiis ayaa qaba, Sidookale Eedadiis Aabihiis la dhalatay ayaa ku jirta Dumarka la dilay, Haddii aan ku iraahdo ka warran Ninkaas Hoggaamiye-Siyaasadeedka ah ee intaas oo Dhibaato ah Reerkiisa loo geystay Shaqadiisii ayuu halkiisa kasii watay, waxana uu Reerihiisa intii ka hartay ku qanciyey Inaan Iyaga loo socon Balse dhibaatadu ay iska dhacday, Sidii iyo si ka wanaagsan buuna Ciidankeennii ula sii shaqeeyay”.Haddaba Soomaali kuwaas baan u aqaannaa Aniga”.Illin baa igu soo istaagtay Hadalkiina wuu igu dhegay.
Ninku wuu sii hadlayaa Anigana qalbiga ayaan ka ooyayaa oo wax aan isku difaaco ma hayo Wuxuu yiri Misna:- “Soomaalida ku nool gudaha Soomaaliya oo qura kuma koobna Shaqsiyad xumida Dadkiinna Balse kuwa Qurbaha joogana waa lamid, Waddamo badan baan tagay oo Dunida dacalladeeda ku yaalla Soomaali badan ayaan qurbaha kula kulmay, waxyaabaha aadka iiga yaabiyey waxa kamid ah Tusaale ahaan Markii aad soo dhexgasho Soomaali badan oo Goob Baar ah ku sheekeysaneysa oo kaligaa aad soo dhex fariisato Adigoo aan Soomaali ahayn waxaad doonto ahoow, Dhammaantood weey isku kaa debcinayaan oo Xushmad xad dhaaf ah beey kuu muujinayaan, Halka Iyaga dhexdooda ay is quursanayaan, mararka aarna ayba is caayayaan.
Soomaalidu Iyagoon ku aqoonin ayey isku kaa furfurayaan oo si kal iyo laab ah kuugu sheekeynayaan Haddii aad Ajnabi tahay, Halka iyaga dhexdooda ay is bahdilayaan iskuna edeb-darroonayaan, marka Soomaali waxan aqaannaa Dadka kale aad uga baqa iskala hooseeysa, Iyaga dhexdoodana dabaaqtama,
Adigana Soomaali uun baad tahay marka Waxan kaa filayey inaad si xadka ka baxsan ii xushmeyso oo aad kor u booddo markii aan ku lahaa Waryaa Kursigaas kale Maad Fariisatid”. Tani Waa Sax baan Qalbiga ka iri Anigoo markan sii qaboobaya, Balse aad u careysan.
Hakad yar oo hadalkiisa ku yimid baan isku dayey in aan ka faa’iideysto oo aan Ninkan u jawaabo anigoo is qaboojinaya, Balse nasiibdarro Duulimaadkii Diyaaraddii aynu saarneyn ayaa soo Idlaaday Waxana nala amray Inaan Suumankii xiranno, Dabadeedna 2 Daqiiqo kadib waan soo degnay, Anigoo Socod
boobsiinaya ayaana kasoo degay Diyaaraddii, Isagu inuu i macsalaameeyo buu isku dayey, anigase Salaanta kama qaadin oo Waxan xasuustay Ereygiisii ahaa “Soomaalidu Dadka kale ayey isku jilciyaan oo si wanaagsan usoo dhaweeyaan, Iyaga dhexdoodana weey is quursadaan”. NinkiiItoobiyaanka ahaa halkaa ayaan ku kala dhaqaaqnay oo Ninba jihadiisii ku abbaaray, waxana aan xamili waayey hadalladii nabarrada lahaa ee uu Ninkaasi igu yiri, Sidaa daraadeed
ayaan idiinla wadaagay.
W/Q:- SOOMAALI SOOMAALI DHALAY OO SOOMAALINNIMO LAGU HABAY.
Voice Of Somalia-Banaadir Post
Fadlan la wadaag qoraalka asxaabtaada.
Like this:
Like Loading...