DHAGEYSO WAREYSIGA:Madoobe Nuunow “Baydhabo islama joogi doonno innaga iyo Shariif Xasan”

32606037

Madoobe Nuunow oo hogaamiye u ah Garab kamid ah  maamulo iska soo horjeeda ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

isagoo Baydhabo ku sugan ayuu wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan ku sheegay Madoobe Nuunow in sharci daro ay ahayd doorashada iyo in maamul dhisan laga hoos dhiso maamul kale.

Wuxuu sheegay in isagu yahay madaxweyne sharci ah oo ay doorteen dadka.

Madoobe Nuunow ayaa sheegay in Baydhabo aysan isla joogi doonin iyaga iyo qolyaha Shariif  Xasan.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO -RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

VIDEO:-Cabdiwali Gaas oo Puntland ka mamnuucay in magaca ALLE dadku ku dhaartaan!!.

32564485

Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa sheegay hadal ay dad badani aad ula yaabeen kadib makii uu shaqada ka ruqseeyay 12 Garsoore Maxkamadeed markii ay dadka ku dhaariyeen Kutubka ama dhaarta Islaamka.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Garsoorayaasha ay bilaabaan ay dadka ku dhaariyaan Dastuurka Punland, halka ay markii hore dadka ugu dhaarin jireen qaabka uu Islaamka .

“Gaalkacyo waxaan kala kulmay arin la yaab leh waxaan arkay Nin sheeganayo Garoose Maxkamadeed oo dadka ku dhaarinayo MAKUGU WALAAHI BAA , MAKU BILAAHI BAA , MAKUGU TALAAHI BAA, Waxaan ku iri Jooji Ku dhaari Dastuurka Puntland Balse Nasiib Daro waa uu garan waayay jeer aan nin xildhibaan ah aan ku iri adiga u yeeri isna gacanta ha saaro” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland.

Ugu danbeyntii  Cabdiwali Gaas ayaa sheegay inay dhamaatay in garsoorayaal badan oo aan aqoon laheen ay xafiis iska fadhin jirin loona baahanyahay in la tayada Garsoorayaasha kor loo qaado.

Waxaa bilow noo ah jidkii gaalado noo rabto,waxaana maanta si cad loo diiday Kitaabka ALLE iyo meelaha yaroo kaga haray hogaanada lagu hingoobay ee gaalado ka hirgalisey gayiga Soomaaliyeed.

 

“RABBI talo ku filan”

Voice Of Somalia-Somali Leaks

 

Dagaalkii Villa Somalia oo u Wareegay Hoteelada Muqdisho

32442817

Iyadoo uu wali taagan yahay Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa ayaa waxaa soo baxaya hardan dhanka xildhibaanada ah kaasoo dhinac waliba uu doonayo inuu helo xildhibaano badan oo taageera fakarkiisa.

Xiisadda ugu badan waxaa ay ka taagneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia balse hadda wax weyn ayaa arrintaasi iska baddalay kaddib markii hotelada Muqdisho gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn ay noqdeen barta uu ka dhaco gorgortanka siyaasadeed ee dhinacyada is haya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xildhibanada taageersan fakarkiisa ay gaarayaan illaa 150 xildhibaan halka dhinaca kalena xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaarha ay iyaguna haatan marayaan illaa 50 xildhibaan iyadoona aad mooddo in xildhibaanada taageeraya raiisal wasaaruhu ay labadi maalin ee ugu dambeysay isa soo tareen.

Warar lagu kalsoonyahay oo  la helayo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen kuwaasoo doonaya in ay dhinacooda kala saftaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.

Hotel Xayaad  ee ku yaala agagaarka KM4  ee magaalada Muqdisho ayaa  lagu soo waramayaa in ay ku shireen oo ay isugu tageen  Xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaraha .

Warar isi soo taraya oo laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa ku warramaya in ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay uu weli isku dayayo xal u helidda muranka siyaasaddeed ee soo kala dhexgelay madaxda sare, kuwaasoo khilaafkoodu markale sii xooggeystay kaddib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiiradda qaarkood waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu saamayn ku yeeshay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta ee uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee lagu tiriyo xulafo dhow oo uu lee yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Midowga Afrika oo inta badan ku lug leh soo celinta nabadda iyo xasillinta waddanka Soomaaliya ayaa si cad ugu taabtay labada masuul ee muransan in ugu yaraan xalku noqdo “gacmo geel jire hoos loo dhaqay”, taasoo shacabka uga dhigan shuushoow bax.

Soomaaliya oo aan la hayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa muddo ka badan 20 sanno ayey caado u tahay cilaaqtamiddu cidkastoo la ciirsado!

Si kastaba ma ahan arrin cusub in markasta oo dhaca Khilaaf xildhibanadu ku yaacaan hoteelada si markaasi loo diyaariyo mooshin mana ahan waxa ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed , (Habar dhali weyday aleelo ku waalatay !!!! )balse waxanoo dhami waa wax shacabku ka dheregsan yahay isla markaana  sii caddeyneysa sida madaxda Soomaalidu wali aanay daacad uga  ahayn in dalka iyo dadkuba dhibaatada ka baxaan .

Beer-lula Haji

maxaadhacay.net

t_770570004pizapw1414665687

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

MAQAAL:-Kaadariinta Damu-Jadiid iyo Gafanayaasha Soomaalida ah ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo ku Shirkoobey Lugooyada Soomaaliya.

32291194

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

14238117_1213601845358416_2918943527493924010_n

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii Soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

32291317

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso Soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka Soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo Soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo Xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.
Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Soomaaliya Soomaalibaa leh

1958151_586714604765779_2746861196185063106_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin oo u jawaabay ninka diinta u gefay dadkana uga digay buugiisa xun.

32069815

Nin la yiraahdo  Cabdicaziiz Cabdi ismaaciil ayaa waxaa wareystay  idaacadda dowladda Ingiriiska ee BBC iyo tan Maraykanka VOA,wuxuuna sheegay  hadal gef weyn ku ah Diinta Islaamka, isagoo sheegay in xukunka Xadu-ridaha aanu ahayn wax jira oo diinta kamid ah.

Hadaba Buugaan ayaa waxaa qoray nin calmaani murji’o ah oo hadalkiisu u muuqdo sidii inuusanba diinta islaamka ku jirin markaad u fiirsato hadaladiisa oo waxaa ka mid ah “haddaa islaam tihiin maxaad u diideen in gabadha muslimka ah ay guursato nin gaal ah?” Waxaad umalaysaaba ninka nala hadlaya inuu diin kale haysto balse adigaa xukumi doono akhristoow.

Buugaan ayuu ugu magac daray Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Buuggaan wuxuu qoray 5 sano kahor 2009 kii balse kan ayaa ah daabacadii labaad qoraaguna wuu qariyay inu mar hore soo daabcay oo kan ayuu ka dhigay midkii ugu horeeyay.

 

Hadalka ninkan oo ay la cajabeen dadkii dhageystay ayaa waxaa ka jawaabay Sheekh Cali Cabdullaahi Cali Katiin oo la dhageysiiyay, wuxuu sheegay in ninkan uu inkiray aayado Qur’aan ah oo tilmaamaya murtadka iyo hadalkii nabigeena ee ahaa “dila qofki badala diintiisa”.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MAQAAL:-Hogaanka dawlada federalka ee Somalia maka daroo dibi dhalbaa?

31619000

Doorashadii hogaanka Dawladda federalka wuxuu ahaa mid aad loo soo dhaweeyey  dadka Soomaaliyeedna ay ku farxeen  in laga baxay  dawlad ku meel gaara loona gudbay dawlad rasmiya  umadda Soomaaliyeedna u cadaalaad samayn doonta kuna dadaali doonta inay xaliso dhibkii Soomaalida soo gaaraay ee ay gacmahooda isku gaysteen.

Xaqiiqadii  xaalku saas ma uusan noqon Dawladda Soomaaliya ee` uu Hogaanka u hayo  Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud)  wuxuu noqday Madaxwaynihii ugu nasiibka fiicnaa  marka loo eego fursadaha uu helay xiliga uu ku soo beegmay oo ahaa  inay meel fiicaan soo garsiiyeen madaxdii ka horeeyey  iyo inuu helay tageerada caalamka iyo mida Ummadda Soomaaliyeed  maxaase  dhacay?.

                                Labo sano iyo najiido la, aan

Waxaa  dhacay  hogaanka Soomaaliya inay hada  sii marayaan 2  Sano ilaa  hadana   aan  hal taago oo dalka kamida  laga  gaarin  hanaanka dawlad nimo  xataa  Caasimadda Soomaaliya ee  Dawlada  saldhiga u ah ee ay joogaan 20,kun ee ciidanka  shisheeye  waxaana arintaas  kalifay jilicsanaanta  hogaanka  Soomaaliya waana halka laga yiri  (rag la, aan  wax kuma  yeesho ee  rag xumaa ku disha)  waana xaalka  Soomaaliya haysta.

                                          Balan qaadkii Madaxwaynaha Soomaaliya

Waxaan wada xasuusanaa  xiligii Madaxwayne Xasan la doortay inuu balan qaaday inuu tixgalinaayo  hanaanka Soomaali ku heshiisay ee  federalka kaas oo ka turjumaya in dalka laga hirgaliyo  nidaamka federalka laagiin xaalku wuxuu sii maraya in dawladu  sii luminayso jiritaankeeda dawladnimo tilaabooyinka ay qaadaysana ay yihiin kuwo qar iska tuurnimaa ma kulaa  tahay saxiiixa madaxwayne Xasaan sheikh  In Goldogob iyo Jariiban ay  ku hoostagayan dhuusa  mareeb? Bal is waydiih.

                   Xiligii  dhismihii Jubland & Villa Soomaaliya

Tilabadii dawladda Soomaaliya ay ku wajahday mamulka Jubland wuxuu  ahaa mid aad  ay ugu fashilantay dawlada Soomaaliya ilaa ay gaartay  in dhiig ku daadto iyo in dawladaha dariskaa  lagu soo heshiisiiyo  dawlada Federalka iyo Jubland taas oo ahayd nasiib daro iyo hogaan jilicsanaan ka timid  dawlada  Madaxwayne  Xasan sheikh.

                                                 Tilaabadii labad & maanta

Waxaa  manta ku xigtaa  tilabada labaad oo ah in  qayb ka mida Goboladda  dhexe  loo sameeyo mamul kaas oo  dawalada Soomaaliya ay go, aamisay in Mudug iyo Galgaduud la is raaciyo  taas oo` ah waxaan suuro gal ahayn  waayo Dastuurka Soomaalidu ku heshiisay ee Federalka   waxaa ku qoraan in  la tixgaliyo goboladda is kood isku raaca iyo inaan lacarqaladayn mamuladii horay u jiray waxaase  muuqata qariska tuurnimo ay ku dhaqaaqday Dawlada Madaxwayne  Xasan sheikh.

                                 Iska  saxiix  iyo Cabdi qayb diid

Waxaa kale oo qar iska duura in madaxwaynaha Galmudug Cabdi qaybdiid uu  wax ka saxiixo  arrin uu ogyahay inaysaan suuro gal ahayn taas oo ah in Gobolka mudug uu raaco  Galgaduud  waayo Mudug  waxaa  hoostaga 4  dagmo oo wawayn kuwaas oo kala ah  Jariiban, Goldogob, Hobyo iyo Xarar dheere  Soomaali  oo dhana  waa taqaan sida xalka mudug yahay iyo sida lookala dagan yahay  ina qaybdiid  waa uu, og yahay  mudug oo idil inaysan hoostagay Dhuusa mareeb  waxaana fiicnayd inuu Madaxwaynaha Soomaaliya iyo   wasiirada arrintaan dabada ka riixaya ee  uu ugu horeeyo  wasiirka arimaha gudaha Goodax inuu u sheego inan waxaan  suuro gal ahayn.

Waxaan ku soo koobaya  umadda Soomaaliyeed ee dagaan  dhulka mudug loo yaqaan  waa inaysan dhag jalaq usiin  hagar daamada iyo qar iska duurnimada Villa Soomaaliya  waana inay ogaadaan inaan cidna dan u hayn waxaan dhihii lahaa  waxaa fiicnayd in  heshiiska  loo qoro Galgaduud iyo gal mudug  in kastoo xaqiiqda   dhabtaa ay halkaas  tagi doonto.

Waxaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud

    Email– guuleed72@hotmail.com

31619121

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Odayaal ka kala Tirsan Murusade iyo Waceysle oo Qaadacay Maamul Ioo dhisayo Gobalade Dhexe.

1910004_542456372548522_5417190592432455551_n

Waxaa isa soo taraya dadka kasoo horjeesanaya heshiis maamul loogu dhisayo gobalada dhexe oo lagu saxiixay Villa Soomaaliya.

Odayaal kasoo kala jeeda beelaha Murusade iyo Waceysle oo uwaramay  ayaa ka horyimid hindisaha lasoo bandhigay ee lagu dhisayo maamul Taabacsan Dowladda Itoobiya.

Xaaji Roog oo kamid ah odayaasha Waceysle ayaa layaab ku tilmaamay maamul Itoobiya ay wadato in laga dhiso Gobalada dhexe isagoo sheegay in Waceysle ahaan ay kasoo horjeedaan qorshahaasi socda.

 

Sheekh Cali Gacmeey oo kamid ah nabadoonada beesha Murusade ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay yihiin Cadow soo jireen ah islamarkaana maamul iyada wadato uusan ka shaqeyn doonin Gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in maamul islaami ah uu udhisanyahay islamarkaana aysan heynin dowlad diinta ku dhaqanta oo daryeel u fidisa dadkeeda.

 

XIGASHO RADIO ALFURQAAN