WARBIXINO TAXANE AH-Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo aan hore loo arag,

33511978

Dhibaatooyinka dhaqaala darri iyo shaqo la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho waxaa kaalin weyn ku leh shirkadda Turkishka ah ee dekedda gacanta ku heysa, taasoo ganacsatada Soomaaliyeed ku kordhisay qiimaha lacagaha ay wax kula soo degaan.
Mid kamid ah ganacsatada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa inoo sheegay in markii ay shirkadda Al-beyrak la wareegtay furdada uu magaalada ka dillaacay sicir barar baahsan.

Wuxuu sheegay in halkii Konteenar oo badeeco ah ay ka qaadato lacag dhan 1300$ (Kun iyo sadax boqol dollar) halka markii hore laga qaadi jiray 900$ (sagaal boqol oo dollar) taasi oo ay sii dheer tahay lacago canshuuro ah oo labo meel oo isla dekedda ah looga qaato.

Ganacsadaha ayaa intaa ku daray in markii ay badeecadooda kala soo baxaan dekadda mar kale lacago baad ah ay ciidamada dowladda uga qaataan wadooyinka, kadibna looga daba tago bakhaaradooda oo haddana lagu canshuuro.

Arrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay sababeen sicir barar baahsan oo ka dillaacay magaalada Muqdisho taasi oo keentay in dadka dabaqadda hoose ay maareyn kari waayaan noloshooda.

Tusaale ahaan kiiladii Bariiska oo sadax sannadood ka hor la iibinayay lacag ka yar nus Dolar ayaa waxaa maanta lagu bixiyaa qiimo ku dhow hal dolar, burka iyo sonkortuna waa lamid.

Haddii xaalku sidaa yahay, bal is weydii sida uu u noolaan karo qofka boqolka dollar ku shaqeeya bishii iyo kan xamaaliga ah ee habeenkii gurigiisa kula soo hoyda labada dollar!.

 

Haddii Wixii Dekedda Kasoo Daga Qaali Yihiin Aaway Dalaggii Dalka?

Mar walba oo ay shacabka magaalada Muqdisho la kulmaan sicir barar waxay ku baxsan jireen dalagga kasoo go’a wadanka, laakin taas ma dhicin maanta oo waxaa qudheeda ku hor gudban caqabado badan.

Qaar kamid ah dhulkii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka waxaa qabsaday ciidamada shisheeye oo sabab u noqday iney baaba’aan beero badan kadib markii ay dul marsiiyeen karaayaashooda, qaarna ay illaa iyo maanta dul daggan yihiin.

Intaa waxaa dheer in wixii dalag ah ee kasoo go’ay dhulka amniga ee shareecada lagu maamulo ay dowladdu wadooyinka iyo suuqyada uga qaado canshuuro xad dhaaf ah, halka qaadka aan wax canshuur ah laga qaadin, marka laga reebo tan garoonka diyaaradaha looga qaato.

Arintan waxay keentay in sidoo kale uu kor u koco qiimaha dalagga dalka kasoo go’a illaa la gaaray heer ay qaarkood ka qaalisan yihiin raashinka dibadda laga keeno.

Digirta markaan tusaale usoo qaadano waxaa suuqyada magaalada Muqdisho looga iibsadaa qiimo lacageed oo gaaraya 18,000 (toban iyo sideed kun) illaa hal dollar, taasoo kuu muujineysa in aysan dan yartu heysan meel ay u cararaan.

Ciidamada shisheeye, hey’adaha iyo qurba joogta ayaa kaalin weyn ku leh qiimo kororka ku yimid maciishadda, sababtoo ah waxay iyagoo lacago badan farraqaya si joogto ah u iibsadaan caanaha, hilibka xoolaha, Kan kalluunka IWM.

Dhalada caanaha Geela oo labo sannadood ka hor Muqdisho ka ahayd wax ka yar Nus dolar, ayaa waxay maanta mareysaa hal dolar, Kiiladii Hilibka Geela oo raqiis lagu cuni jiray ayaa waxay gaartay 1,2000 (Boqol iyo labaatan kun) halka kalluunkuna uu kasii daran yahay.

Shaqo La’aan.

In badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waa shaqo la’aan, waxaana dadka baagamuundada ah u badan ganacsatadii yar yareyd ee suuqyada kadib markii ay waayeen faa’iidadii ay ka heli jireen badeecadooda.

Sidoo kale waxaa dadka camal la’aanta kamid ah macallimiintii dugsiyada qur’aanka oo iyagoo nafsadooda u baqaya iska fariistay iyo kumannaan shaqaalihii dekedda Muqdisho laga eryay ah.

Aqoonyahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duruufta ka jirta magaalada Muqdisho ay gaartay heer aad u xun, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay gabdho da’ yar muuqaal qurxoon oo raashin bisil oo hey’ad kariso saf ugu jira.

Dadka shaqo la’aanta ku ah magaalada Muqdisho waxaa kamid ah ardayda jaamacadaha ka baxday, kadib markii ay waayeen meel u qalanta oo ka shaqeyn karaan.

Waxaa jira qaar kamid ah dadka jaamacadaha ka baxa oo ay baagamuunda-nimadu ku kalliftay iney u shaqeeyaan, DF, shisheeyaha iyo hey’adahooda.

Ariinta iigu yaabka badan ayaa waxay tahay wiil jaamacad Sudan kasoo laabtay oo hey’ad shaqo ka helay, waxuu ii sheegay in mushaar ahaan loo siiyo 150$ (boqol iyo konton dolar) haba iska ahaato’e maxay tahay shaqada loo dhiibay? Wuxuu ii sheegay inuu ka shaqeeyo mashruuca dhismaha musqulaha kaamamka iyo tira koobka biyaha ay shubaan booyadaha!! Waa nin jaamici ah!.

Lasoco Q.3-aad insha’allaah

DHAGEYSO:-Warbixin Ka Hadlaysa Ciidamada Dowladda oo Bilaabay inay La Goostaan Gawaarida Dagaalka.

33280266

Niyad jabka heysta Maleeshiyaadka Dowladda ayaa dhaliyay inay ka baxsadaan Sufuufta ciidamada Dowladda Federaalka.

Ciidamada ayaa ka cabanaya Daryeel La’aan iyo Welwel ka haysta bad qabka Noloshooda, maadaama har iyo habeen ay lakulmaan weeraro joogto ah oo kaga yimaada shabaabul Mujaahidiin.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah Gobalada ay iska dhiibaan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Gobalkaan Wuxuu wilaayaadka kala mid yahay askarta ka goosta Dowladda Federaalka Balse waayadaan danbe waxaa udheeraa Gobalka Ciidamo Gawaari dagaal wata oo isku dhiibay wilaayada shabeelaha Hoose.

Gawaari Cusub oo loo qeybiyay Maleeshiyaadka ayay la baxsadeen Taasi oo ay ka argagaxeen shisheeyaha bixiyay Gawaaridaasi.

Hadaba Warbixin dheer oo arimahaasi faafaahineysa hoos ka dhageyso.

Halkan Guji oo Dhageyso Warbixinta.

XIGASHO-Radio Alfurqaan.

33280382

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO WAREYSIGA:Madoobe Nuunow “Baydhabo islama joogi doonno innaga iyo Shariif Xasan”

32606037

Madoobe Nuunow oo hogaamiye u ah Garab kamid ah  maamulo iska soo horjeeda ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

isagoo Baydhabo ku sugan ayuu wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan ku sheegay Madoobe Nuunow in sharci daro ay ahayd doorashada iyo in maamul dhisan laga hoos dhiso maamul kale.

Wuxuu sheegay in isagu yahay madaxweyne sharci ah oo ay doorteen dadka.

Madoobe Nuunow ayaa sheegay in Baydhabo aysan isla joogi doonin iyaga iyo qolyaha Shariif  Xasan.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO -RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DAAWO VIDEO:- Xasan Sheekh “Waa Dhamaatay Xiligii Shakhsi aan Dadku Raali ka ahayn uu talo sii hayo”

t_770570004pizapw1416046557

Xasan Sheekh  ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadiisa ay guulooyin la taaban karo ka soo hoyisay howlihii loo igmaday mudadii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uu dhamaaday xilligii qof ama maamul aan dadka raali ka ahayn uu talada sii heyn lahaa.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili loo balansanyahay Mooshin  lagu wado in xildhibaanada ay mar kale  ku qaadaan   Cabdiweli Sheekh oo si ba’an isku hayaan Xasan Sheekh!.

32581190

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Baarlamaanka Muqdisho oo Gacmaha iskula tegay kadib markii lasoo Bandhigay Mooshinka Ka Dhan ah Cabdiweli Sheekh

 t_770570004pizapw1415704353

Wararka ka imaanaya xarunta baarlamaanka DF-ka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisada udhaxeeya xildhibaanada ay ka dhaceen gudaha hoolka shirarka.

Wariyaal ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada kala taabacsan Xasan Sheekh iyo Cabdi Wali Sheekh ay gacmaha iskula tageen kadib markii lasoo bandhigay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Shir guddoonka kulankii maanta ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in kulanka lasoo xiray iyadoona la arkayay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo xildhibaanada kala celinaya iyadoona marmarka qaar xildhibaanadu ay dhagxaan isku tuurayeen.

Saraakiil ka kala socotay xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa kulanka lagu dhax arkayay waxaana loo malaynayaa in lacago ay ku kala gadanayeen xildhibaanada.

Lasoco wixii soo kordha

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.

Dagaalkii Villa Somalia oo u Wareegay Hoteelada Muqdisho

32442817

Iyadoo uu wali taagan yahay Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa ayaa waxaa soo baxaya hardan dhanka xildhibaanada ah kaasoo dhinac waliba uu doonayo inuu helo xildhibaano badan oo taageera fakarkiisa.

Xiisadda ugu badan waxaa ay ka taagneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia balse hadda wax weyn ayaa arrintaasi iska baddalay kaddib markii hotelada Muqdisho gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn ay noqdeen barta uu ka dhaco gorgortanka siyaasadeed ee dhinacyada is haya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xildhibanada taageersan fakarkiisa ay gaarayaan illaa 150 xildhibaan halka dhinaca kalena xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaarha ay iyaguna haatan marayaan illaa 50 xildhibaan iyadoona aad mooddo in xildhibaanada taageeraya raiisal wasaaruhu ay labadi maalin ee ugu dambeysay isa soo tareen.

Warar lagu kalsoonyahay oo  la helayo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen kuwaasoo doonaya in ay dhinacooda kala saftaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.

Hotel Xayaad  ee ku yaala agagaarka KM4  ee magaalada Muqdisho ayaa  lagu soo waramayaa in ay ku shireen oo ay isugu tageen  Xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaraha .

Warar isi soo taraya oo laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa ku warramaya in ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay uu weli isku dayayo xal u helidda muranka siyaasaddeed ee soo kala dhexgelay madaxda sare, kuwaasoo khilaafkoodu markale sii xooggeystay kaddib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiiradda qaarkood waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu saamayn ku yeeshay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta ee uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee lagu tiriyo xulafo dhow oo uu lee yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Midowga Afrika oo inta badan ku lug leh soo celinta nabadda iyo xasillinta waddanka Soomaaliya ayaa si cad ugu taabtay labada masuul ee muransan in ugu yaraan xalku noqdo “gacmo geel jire hoos loo dhaqay”, taasoo shacabka uga dhigan shuushoow bax.

Soomaaliya oo aan la hayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa muddo ka badan 20 sanno ayey caado u tahay cilaaqtamiddu cidkastoo la ciirsado!

Si kastaba ma ahan arrin cusub in markasta oo dhaca Khilaaf xildhibanadu ku yaacaan hoteelada si markaasi loo diyaariyo mooshin mana ahan waxa ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed , (Habar dhali weyday aleelo ku waalatay !!!! )balse waxanoo dhami waa wax shacabku ka dheregsan yahay isla markaana  sii caddeyneysa sida madaxda Soomaalidu wali aanay daacad uga  ahayn in dalka iyo dadkuba dhibaatada ka baxaan .

Beer-lula Haji

maxaadhacay.net

t_770570004pizapw1414665687

Voice Of Somalia-Somali Leaks.