DHAGEYSO:-Maxay Itoobiya naga rabtaa?

33364697

Aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo ka mid ah Soomaalida qurbaha ku nool ayaa tilaamay in Itoobiya cadaw ku tahay umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah loona baahan yahay in la iska celiyo.

Wuxuu sheegay in ay doonayso marka la gaaro 2016 in ay tiraahdo Soomaaliya waa qaran fashilmay ee anig aiyo kenya ha naloo qeybiyo arinkaasna aanuu Soomaalida u cuntami karin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnyahay in la abaabulo kacdoon cusub oo cadawga ka dhan ah gaar ahaanna Itoobiya.

Cabdulqaadir wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay umadda Soomaaliyeed in la mideeyo laguna xukumo shareecada Islaamka.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

Maalinta Xasuuqa Ogadenia (Ogaden Massacre Day)

33331721

Waa Maalin kuweeyn Umada Somalida Ogadenia Bishan Febaraayo oo ah Bil kulmisay wax yaba badan haba ugu badnadeen Xasuuqa Shacabka Somalida Ogadenia ay u gaysteen una Gaysanayaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia dadka Shacabka ee somalida Ogadenia lagu gumaadayo Dhulkoodii hooyo. Hadaba Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadenia (OYSU) oo ah Urur u tagaan Gudbinta Xaquuda Shacabka Somalida Ogadenia laga galo Ayaa waxay soo diyaariyeen Qoraalkan, Qoraalkan ayaa wuxuu yahay Qoraal ku xusan dadkii Lagu xasuuqay bishan Febaraayo Gudaha Ogadenia iyo Tacadiyadii loo gaystay dadka Birimagaydada ah,Hadaba ma wada hali karno dhamaan dadka bishan gudaha Ogadenia loogu xasuuqay iyo tacadiyadaha kala gadisan ee bishan ka dhacay Gudaha Ogadenia haba ugu danbeeyaan kuwii ka dhacay isla bishan Febaraayo 8 – 02 – 2015 Gobalka Shabeele, Magaalooyinka kala ah,Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawe iyo Dagmada Dhanaan. Qoraal Laguma Soo koobi karo Laakiinse inta Alla naga Garansiiyay Taariikhduna Qortay ayaa waxaan jacelnahay in aan la wadaagno dhamaan Umada Muslimiinta ah Gaar ahaan Umada Somaliyeed 20 kii sane ee ugu danbaysay Xasuuqa ay ugaysatay Ethiopia dadka Shacabka ah ee ku nool Gudaha Ogadenia, Hadaba Qoraalkii oo kooban waa sidan -:

06 Febraayo 1994 Waa Maalintii  ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya bilaabeen Xasuuqa iyo Isir goynta shacabka Somalida Ogaden waana maalintii magaalada Wardheer ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho Odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda oo ahaa in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.

10 Febraayo 1994 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen Magaalada Qalaafe Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa Gudoomiyihii Dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan, arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.

Sidoo kale waxaa dad lagu xasuuqay magaalooyinka kala ah Qabridahare,  Qoriile, iyo Gunagado. Iyadoo Qabridahare lagu xasuuqay30 dhalinyaro ah  2005 kii, Qoriile lagu xasuuqay 20 rayid ah 2008, Gunagado lagu xasuuqay 30 shacab ah 2010.  Dhamaan dadkaasi shacab ayay ahaayeen.

15 Febraayo 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadeenya, Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin.

17 Febraayo 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.

Go’aanka Baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doortaan kalsoonina ka haystay dadwaynaha, sidoo kale go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadeenya.

17 Febraayo 1994 Waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go’aankii Barlamanbka isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar, isla Badhtamihii Febraayo 1994 Ururkii ONLF Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Itoobiya

22 Febraayo 1994 Waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo sidoo kale waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Allah ha u naxariistee Marxuum SheikhIbraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

23 February Waxay ciidamada Itoobiya gurigiisa kala bexeen magaalada Dhagaxbuur Mukhtaar Gadhweyne isaga oo ay ku hortogteen xaaskiisa Xaliimo Haybe Mohamuud, isla habeenkaas waxay dileen Dhuux Siyaad, Sidoo kale waxay isla xiligaas dileen nin magiciisa naloogu sheegay Taagwaa, waxay sidoo kale si waxash nimo ah ugu dileen isla magaalada Dhagaxbuur Ina Ahmed Nuur oo ahaa Macalin bare Dugsiga Hoose Dhagaxbuur. Sidoo kale Gudoomiyhii gobalka Dhagaxbuur Bulbul oo ilaa hadda aan lahaynin geeri & nolo.

24 February: Xasuuqii Magalada Wardheer Lagu Xasuuqay Dad kor u dhafayo 85 Ruux kuwaas oo dhamaantoodba ahaa Shacab Birimagayda ah. Xasuuqan ayaa wuxuu  dhacay kadib markii Ciidamada Ethiopia Amar lagu siiyay inay Joojiyaan Banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah.

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba, Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus ayaa waxay  xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada Wardheer waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo labadaba waxay huwan yihiin murugo marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo waliba burburkii dhismayaashii Magaaladda iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre, Qalaafe iyo Dhagaxbuur iyo Dhamaan Gudaha Ogadenia, dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda una qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya iyagoo difaacay madaxdii iyo magacii umadda.

Waxayna noqotay arrin lagu faani karo taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kii ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo sida ay u difaaceen Magaaladda iyo madaxdii shacbiga, inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen, waxay mudan tahay maalintaasi xusuus gaara.

8-9 February 2015: Gobalka Shabeele Gaar ahaan Magaalooyinka kala ah- Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawaxaa lagu Xasuuqay dad shacab ah oo aan wax galabsan,Dhamaan dadka Magaalooyin kaas lagu xasuuqay ayaa Maydkooda waxaa la isugu Keenay Garoonka Magalada Godey, iyadoo dadkii magaalada Murugo iyo ciil ay ku reebtay arinkaasi.

Xasuuqa caynkan oo kale ah ayaa dhaqan u ah Gumaysiga Itoobiya waana caadadooda inay intay dad shacab ah oon waxba galabsan laayaan kadibna in la Aaso u diidaan.

Isku soo wada duuboo Bishan February Taariikhadaas ayeey kulmisay Waxayna Shacabka Somalida Ogadenia xusaan Bishan iyadoo ah bil Murugo Waxayna utagantahay Xadgudub iyo Xasuuq loo gaystay dhamaan Bulshada noocayadeeda kala duwaan haba ugu badnaadaan Dadka Birimagaydada ah.

Dhinaca kalana waxay u tahay Halgan xaq udirir ah Maadama dadweynaha Somalida Ogadenia utagan yihiin in ay Gumaysiga madow iska qadaan dhib walbana u adkaystaan.

OYSU World Wide.

33331729Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Cabdulqaadir Cali Yarow “Maamul Gobaleedyada iyo Federaalkuba waxay ka mid yihiin Federaalka Itoobiya”

 

32606201

Aqoon yahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo ka mid ah Soomaalida qurbo joogta ah ayaa  sheegay in maamulada dalka ka jira ee watta magac dowladeed dhamantood looga taliyo dalka Itoobiya,Wuxuu tilmaamay in federaalka la sheegayo ee ay maamul gobaleedyadu hoos tegayaan aanuu ahayn midka xamar ka jira ee uu yahay midka Itoobiya.

32606447

Aqoon yahanka ayaa hoosta ka xariiqay in federaalka Xasan Sheekh madaxda ka yahay qudhiisu uu qeyb ka yahay kuwa Itoobiya laga xukumo.
Wuxuu soo qaatay tusaalooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay in haddii laba maamul is qabato Itoobiya arintooda lagu soo xaliyo taasuna ay ka marqaati kaceyso in halka looga taliyo ay Adis ababa tahay.
Wuxuu dadka Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay xoriyadooda u dagaalamaan asigoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiinna ku dhiirri geliyay in ay wacyi gelin u sameyso bulshada la qaldday ee cadawga sokeeyaha looga dhigay.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay Xarakadu in ay soo dhaweysato dadka wadaniyiinta ah ee ay ka go’an tahay in dalka la xoreeyo.


1441484_604288793008360_6447355569277674421_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

MAQAAL:-Cabdi Cadde “Ninka Madaxa Xiiran Ma ogola in uu Gurguurte Ka Amar Qaato Khilaafku wuxuu ku dhammaan doonaa sidii Geedi iyo Yuusuf”.

32512982
SiyaasiyiintaiyowaxgaradkamagaaladaMuqdishoayaakahadlayisqab qabsiga markale soo kala dhax galay  madaxda kooxda Villa Somalia ee dabadhilifyada u ah shisheeyaha Soomaaliyakusooduulay.
CabdiCadde ookamid ahruugcadayaasha kudhaqanmagaaladaMuqdishoayaakhilaafkacusub eesoo kala dhaxgalay Gurguurte iyo C/WaliSheekh u arka mid  halis gelin kara jiritaanka waxuu ugu yeeray xukuumadda Kartoonka Villa Somalia.
“Waa wax lawada ogaa in dhabarka ay isku jeedin doonaan madaxda DF-ka sababtoo ah waxa isku keenay waa masaalix gaar ah ma ahan dan soomaaliyeed,maalmo ayay warbaahinta isku marin doonaan warar liddi isku ah kadibna waxaa kala xukmin doona madaxdooda oo uu ugu horreeyo N.Kay marka yaanan isku oomin ka hadalka kuwaan liita”ayuuyiriCabdiCadde.

Marka dib loo eego taariikhda DF-ka ee bishii October 2004 lagusoo dhisay xerada doofaareey ee duleedka magaalada Nairobi waxaa ku cad khilaafaad soo jireen ah oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxaana lafilayaa in madax ku sheegyadu ay kusii socdaan wadadii ay jeexeen Cali Geedi iyo Cabdullaahi Yuusuf!.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay isku hayaan Gurguurte iyo Cabdi Wali Sheekh ayaa ah awoodda dhanka maamulidda golaha wasiirrada balse iskuma heystaan maamulidda dalka sababtoo ah iyaguba way ogyihiin in dal ay maamulaan uusan jirin.

“Ninka odayga ah ee madaxa xiiran ma ogola in uu wax uyeero xasan sheikh waxa kaliya oo ay isku hayaan waa maamulidda golaha wasiirada maadaama aysan jirin wadan ay maamulaan waxaan filayaa in wax ku dhammaan doonaan sidii Col.Yuusuf iyo Cali Geedi oo kale ama Shariif iyo Farmaajo”Cabdi Cadde.

32513046

Abuurista khilaafaadka waxaa ku lug leh qaar katirsan dowladaha gacanta ku haya DF-ka ee ciidamadoodu soomaaliya ku suganyihiin danta ay leeyihiin ayaa lagu sifeeyay helidda R/wasaara cusub oo ujeedooyinkooda fuliya.

Waxaa loo badinayaa in Cabdi Wali uu meesha ka bixi doono kadibna waxa beesha caalamka loogu yeero ay Nin kale keeni doonaan.

Shacabka soomaaliyeed ayaa isku raacsan in Hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara xukuumadda Villa Somalia uu yahay Xasan Sheekh marka dhan walba laga eego sida dabadhilifnimada,dadnimada waxaana Gurguurte lagu xusuustaa mawaaqiftiisii liidatay ee uu ka qaatay Xasuuqa shacabka Soomaalida ee xaafadda Islii iyo ciidanka gumeysiga Itoobiya oo uu ku tilmaamay walaalo shacabka soomaaliyeed leeyihiin sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaka dalka ayuu shisheeye ugcan geliyay Tusaale ahaan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo dowladda Turkigu maamusho!

 32512990
Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

Weerar Jidgal ah oo Xabashida loogu dhigay Duleedka Dhuusamareeb.

32474587

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in saaka weerar jidgal ah uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusa-mareeb kaasi oo loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay konfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Jidgalka ama Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulada Bulacle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhuusa-mareeb’iyadoona kolanyada Itoobiyaanka ah ee kamiinka loo dhigay ay kasoo baxeen Dhuusa-mareeb kuna sii jeedeen dhanka degmada Ceel-garas oo ka mid ah goobaha Xabashida duulaanka kaga sugan tahay gobalka Galgaduud.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay kamiinka saaka ka dhacay duleedka Dhuusa-mareeb’iyadoona Xabashida Itoobiya muddo ay ku hakadeen goobta kamiinka adag saaka loogu dhigay.

Ciidama soo duulay oo dhan ayaa waxaa ku socda dhiigbax iyo dhib joogta ah oo gaaraya gadiidka ay wataan,waana sababta u diiday inay socdaan ama gaaraan meeshay doonaan.

Maanta barqadii ayaa sedax qarax laga maqlay agagaarka biya degeenka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxyada waxaana burbur xooggan uu gaaray gaadiid ay wateen ciidanka labeegsaday.

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Voice Of Somalia-Somali leaks.

Somalia is about to enter a new political phase called “UN-Protectorate” & (The Role of Nicholas Kay, Banki Moon and Jim Yong Kim)

Somalia is about to enter a new political phase called ”UN-Protectorate” & (The Role of Nicholas Kay, Banki Moon and Jim Yong Kim).
 32466411

Current and recent conflicts over the constitutional mandates occurred between the President Hassan Sheikh Mohmoud and the Prime Minster Abdi Weli Sheikh. Then, immediately a tremendous and huge number of  high ranked delegates such as UNSOM, OCHA, AMISOM, IGAD are continuously arriving at Mogadishu Airport including Nicholas Kay the representative of UN to Somalia, Banki Moon secretary general of the United Nations and Jim Yong Kim the president of World Bank.

Due to this sudden arrivals and the same day departures, then it became to our attention to ask few questions, why the world’s most protected individuals are arriving at Mogadishu, which is known as the most dangerous city on Earth? how much is costing to protect them? what is their plan?
As we are aware, there were a lot of conflicts between the last four presidents and the eleven prime minsters, as this has become recurring dilemma to revive the political censuses in Somalia as well an obstacle to fix a broken judicial and legal systems, overall these conflicts between the PM and the president became an obstacle to revive or restore the peace and reconciliation processes in Somalia.
Analytically, we know the ranks of these delegates arriving today in dozens, we are also aware the responsibilities carried by these individuals, therefore, we can assume that they never fly to a red-zones without a prior agenda nor without a concrete plans. Thus, its is extremely and paramount importance to figure out the reason of their arrival by asking ourselves, why these special attention is given to this little incident or to this small misconception occurred between the president and the prime minster, which could be easily resolved by the Somali parliament and the by the Suldans who nominated the MPs. On the other hand, the worst case scenario could be because Somalia is about to enter a new political phase.
The next question is what is the role of the United Nation will be in Somalia. If you look back at the history, you will see a lot of nations have entered a phenomenon called United Nation’s Protectorates or United Nations Interim Administrations,
such as West New Guinea 1962-1963, Cambodia 1992-1993, Eastern Slavonia, Baranja and Western Sirmium 1996-1998, UN Interim Administration Mission in Kosovo (UNMIK) 1999-2008 and finally East Timor 1999-2002. Therefore, its for sure that Somalia is about to follow the same route applied to those countries who couldn’t manage their governments as well as those who became treats to themselves and to the neighboring countries and finally those to who could jeopardize the peace, security and stability of a region.
Conclusively and concisely, Somalia has been a heavy burden on the shoulders of the United nations and to the whole world for almost three decades. We also know that, Somalia has recently recovered and passed over the UN interim and transitional government administration by electing a legitimate government on the 10th of September 2012 , as this government is fully recognized and legitimized by the international community. But now, due to recent occurrences Somalia is turning the wheel back to sixties and fifties and both Prime minster AbdiWeli Sheikh and President Hassan Sheikh Mohmoud are leading Somalia to enter into a new political era and into a new UN-resolution called UN-Protectorate led by UN-representative to Somalia Nicholas Kay.
If this conclusion drawn from my free and independent political mind . Then we could assume and say that Somalia under the UN protectorate charter,  is one step a head in-terms of development and in-terms of restoring regional administrations, because in fifties both the British colony and the Italian colony left their protectorates without a base of self-governing and without a guide of interim-administration.
But on the other side of the mirror, UN-Protectorate is an insult to the existing nature of humanity and to the intelligence of the Somali people as well as to the nationalism codes of conducts, to all the basic human rights, to the independence treaties, to the self-governing rights and finally  to the recent peace, prosperity and statehood resolutions. Therefore Somalia under UN-Protectorate Charter could be a journey which could lead to a more political dilemmas and could become an obstacle to the in the 21st century freedom acts and at the end this could lead to a more disastrous enigma.
Written By:
Abdi Hamud ALel
MSc of Strategic Planning

SOMALIA:-Put Up Job for Copenhagen Conference on Somalia

32465707

The Federal Government of Somalia (FGS) and the United Nations Mission in Somalia (UNSOM) are frantically engaged in put-up job for the first Ministerial High Level Partnership Forum (HLPF) Conference on Somalia scheduled to take place in Copenhagen, Denmark on November 19-20, 2014. The agenda is to review the implementation of Somali Compact of the “New Deal for Somalia,” signed in Brussels, Belgium on September 16, 2013 between the FGS and the International Development Partners (Donors).  The FGS and UNSOM would brag loudly about the delivery of new “Somali clan Federal territories map” with a possible repetition of diplomatic cacophony and disgraceful representation image that happened in Brussels, Belgium in 2013. FGS represents implicit clan calledMogadishu.

The Somali Compact formalized two way contracts: Contract between the FGS and the International Donors and contract between the FGS and Citizens of Somalia. It fostered “country owned and country led” vision and priority plan in partnership with international donors to restore sovereign, united, stable, and democratic State legitimately capable of governing Somalia. But, New York University researchers analyzed the misconceptions, complications, evasions, and mishandlings that stymied the Somali New Deal in monitoring brief of July 2014.

Out of the blue and in variation to the five goals of Somali Compact – legitimate politics, security, justice, economic foundations, and revenue and services- the FGS started the drumbeat of “Vision 2016” based on: (1) Review and completion of the provisional constitution, (2) formation of federal member states touted as interim administrations, and (3) Political Election in 2016. The Somali people are confused about the linkages and sequence between the three tasks and the distinction between “Vision 2016” vis-á-vis the five goals of the New Deal for Somalia and the provisional Constitution. The FGS botched the ownership and leadership of the New Deal Initiative. Thus, UNSOM seized the ownership and enforcement of “defiled Somali Compact.”

Brussels Conference snags

Events before and after the signing of the Somali Compact have undercut the significant benefits of the Somali Compact. For example, before Brussels Conference, the federal government committed the fatal mistake of signing unconstitutional agreement with Raskamboni Militia so that the later represents Jubba regions. The agreement undercut the core aim of the Somali Compact intended to strengthen public confidence in the representation and legitimacy of the federal government. Then, Somalia and Eritrea UN Monitoring Group (SEMG) published 2013 report which detailed endemic corruption of the federal government and caused donor backtracking.

Immediately after the signing, some participants of the conference noticed the slipping momentum. One of the participants was Mr. Jibril Ibrahim Abdulle, Executive Director of Center for Research and Dialogue (CRD) who explained the signs of missed opportunity and expressed concerns about the future commitment. In an interview with Somali Channel on September 17, 2013, Mr. Jibril pointed out the Somali delegation led by president Hassan Sheikh left Brussels few hours after the conclusion of the conference without leaving behind high officials for further discussion with donors for understanding donor priorities, aid modalities, and counterparts.

Next, Yussur Abrar, governor of the Central Bank of Somalia, appointed days before Brussels Conference for confidence building with donors, resigned with a bombshell resignation letter that bolstered SEMG corruption claims. The allegations of Yussur Abrar still persist and continue to gain credibility.

The New Deal did not change the old aid mechanisms and behaviors of international community towards Somalia. The ill feeling of the Somali people towards the International Community has been expressed by a traditional leader in Baidoa who reminded Ambassador Nicholas Kay that colonial power (British) divided the Somali people into five territories and now UNSOM divides the independent Somalia into clan territories in conflict with each other. Tensions and grievances are running high in Jubbaland, SouthWest, and Central regions for the erratic and imperious behavior of UNSOM and FGS.

So far, there have been three High level Meetings on the implementation of the Somali Compact. The first one was held in February 2014 in Mogadishu. President Hassan complained about unfulfilled aid pledges and appealed for quick release of financial support.

The second one was also held in Mogadishu in May. This time, Ambassador Nicholas Kay delivered a stern speech and advised the federal government to produce a master plan with timetable for the delivery of vision 2016. He scolded the federal government for not providing “Puntland” and “Jubbaland,” strong presence and voice in the bodies of the Somali Compact. He blatantly told the Federal government that it is difficult to mobilize resources from donors before the establishment of Financial Governance Committee.

The third High Level Meeting took place in New York in September. President Hassan dropped his complaint about unfulfilled pledges. He said that “Somalia’s transformation has been hard-won through a dual strategy of securing the country from terrorist extremists and state-building. Both strands have been made possible by substantial financial, military and technical international contributions.” For accomplishments, he declared the liberation of 3 million people in 9 towns and 6 regions from Al Shabab, the establishment of Aid Coordination Unit and Somali Development and Reconstruction Facility, the appointment of new governor, deputy governor and board of directors of the Central Bank, the formation of financial governance committee, the rehabilitation of 35 KM road and flagship projects in Jowhar and Marka districts.

Sources indicate that more than 50 percent of the $2.4 billion pledged in Brussels Conference for the period 2014-2016 has been already spent, while the Federal parliament, the media, and the people of Somalia are waiting to know the beginning of the inflow of pledged billion dollars. In partnership Compact for mutual accountability, trust in international community is not less important than trust in federal government.

Copenhagen Conference snags

Incidentally, three explosive events took place before the upcoming HLPF conference in Copenhagen, Denmark. First, in addition to the troubles of Jubbaland and Southwest States, the unconstitutional Garowe Agreement between the federal government and Puntlant State cancelled the agreement for Mudug and Galgudud State and announced a State with one and half regions instead of the constitutionally mandated two regions. According to some sources, Ambassador Nicholas Kay defended Garowe Agreement by saying that Majeteeren did not take Habargidir land and scoffed the complainants.

Second, the publication of 2014 SEMG report which ratchet up the accusations against the federal government for massive corruption and violations of UN Security Council Resolutions. The federal government is having hard time to comply with accountability and transparency in public financial management and foreign contracts. The financial institutions became major hindrance to Statebuilding and Somali Compact.

Third, on October 25, 2014, Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed made cabinet reshuffle that affected close allies of President Hassan, Minister Farah Abdulkadir who is transferred from Justice and constitution to Livestock, forestry, and wildlife and finance Minister Hussein Abdi Halane put under strong surveillance. President Hassan immediately issued strongly worded order annulling the Prime Minister’s reshuffle decree. This highlights the long simmering problems within the federal government leaders despite their disingenuous tries to hide the truth about their broken personal relations. The clash confirms the negative public opinion on the “disowned” federal government and Amin Amir’s cartoons.

No doubt, UNSOM and the FGS will repeat the abovementioned put-up job for accomplishments. They will not warn the international donors about the tense situations potential for violent conflicts brewing among Somalis because of faltering Statebuilding process. The Somali public is conscious about the mismatch between the rosy public statements of FGS leaders and Head of UNSOM and the reality on the ground. Somalia cannot afford to be hoodwinked by rhetoric or wander between multiple strategies and agendas that have less relevance to their daily plight, political crisis, and bleak future. The Federal Government and the International donors should match their words and responsibilities with their deeds in secret and in public. Peacebuilding and Statebuilding is noble mission.

 

 

Mr. Mohamud Uluso

mohamuduluso@gmail.com

GABAY:- Sababteeda Yaan Loo Qoqobin Qaranka Soomaali

32426063

Qalad dhacay qasaarihii xigiyo, qoonsi iyo boobki

qanci waagi dhiiggii qulqulay, qoorya xiro beelki

qaribkiyo halkay quustay shalay qoysas kala guurki

iyo qaanta weli taagan oon cidina qiimaynin

cid waliba qasaaruhu ka gaar qeybta teedaahe

sababteeda yaan loo qoqobin qaranka Soomaali

Quwad laysu sheegtaahi waa qaxar bilowgiise

qax iyo tahriib bay dhashaa qaarad kale aade

qaxootiyo waxaa laga dhaxlaa qaaddo gaaleede

qabka iyo waxaa kaaga dhiman duul qaraabaahe

qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qarni rubac ayaa nooga tegay qas iyo ceebaale

qushigiin kuwii nagu lahaa baad qadarisaane

waxa teena qaabkaan ka dhigay qiira li*ideene

qasad laysu laayiyo kataga fikir qabyaaleedka

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qunaashaha ninkii diida baad qiil u yeeshaanoo

midka kala qoleynaayo baad qabar ka dhowrtaane

qandi maran ninkii loo tolee qeyrki tuugaayo

ee talo kasoo qaata baad qosol dhoweysaane

qunful beelo baa idinku jaban badiyo qaarkiine

qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qudha laysma siinoo qabraa lays qod dhigayaaye

qodobada shisheeyiyo waxaad moodi qaanuunka

qowlkii ilaah baa ka weyn qaadirka ahaaye

uqushuuca quraankiyo sunnaha aad uqiimeeya

wada qaata qiyaamaha hortii baad qancaysaane

oo qolalkii janaad baa hadhoow qaadir ina geyne

qalbigana isu fura muddaad kala qawaafteene

oo qaranka soomaaliyeed qaab unooleeya.

w/t;  Xagaleey.

32426065

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

SAWIRO;-Aqoonsiyada Saraakiil Itoobiyaan ah oo Ceelgars Lagu Dilay.

Faah Faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal dagaal khasaara badan dhaliyay oo maalmo ka hor degmada Ceelgaras ee gobolka Galguduud ku dhaxmaray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kuwa Xabashida Itoobiya.

25 Askar iyo saraakiil ah ayaa dagaalka lagu dilay sida uu xaqiijiyay Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Galguduud oo warbaahinta u sheegay.

Jeebabka ciidanka Itoobiya waxaa laga helay sawirka ay caanka ku yihiin Nasaarada Baadiyaysan oo ah wax ay ku sheegaan Nabi Ciise Caleyhi Salaam iyo Maryama waana wax lagu dagaal geliyo ciidamada kirishtanka Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.



https://i0.wp.com/wata.cc/up/2014/09/images/w-4c163f856b.jpg




Kulan Siyaasadeedkii Habar Dugaag ee Geeska Afrika

32173999

Habar Dugaag waxaa mudo dhextaalay cadawad aan yarayn, waxay ku reemayeen halkii iyo dantii lagu isugu keeni lahaa habar dugaag oo midaysan, waxaase mar walba garab marsanaa qorshaha kaliya ee midayn kara habar  dugaag danna ay ugu jirto inay isla gartaan, taas oo muhimad gaara u lahayd dhamantood Habar dugaag horay ayay dayn iyo amaah  ugu maqnayd, oo dugaga kale ee dariska la’ah bay horay amah uga qaateen, balse xiliga dayntaas ay iska soo gudi doonaan ma ahayn waqti cayiman, waxayse daynta in la gudo ay ku xirnayn is raaca iyo muwaafaqada dhex marta inta kale ee laga awooda badan yahy, Kulankaan xaasasiga ah waxaa isugu yimid, kuwa ay ka mid ka yihiin: –

–          Libaax,

–          Shabeel

–          Weer/dhidir

–          Maroodi

–          Dawaco

–          Dhurwaa

–          Xoordubur

Kulan dheer, oo gooni gooni ah, iyo mid loowada dhan yahayba waxaa si baaxadle loo wada gorfaynayay oo loo lafa gurayay sidii looga wada tashan lahaa xubinta qayb ahaan kaga soo aadi karta Geeska Afrika, waxaase la isku mari waayay in arintaa la isla meel dhigo, mudo dheerna waa la is gil-gilayay, markii qorshe lasoo jeediyaba waxaa dib loo milicsanayay Khariidada qaybta iyo wax qaybsiga, iyo in la iska waraysto dadka khariidada degan in horay ay wax u tirsanayeen iyo in kale, ugu dambayntii Xoordubur oo meesha aan laga filayn inta meesha joogtana ugu itaal yaraa waligiiina aan shir gudooon ka qayb galin baa shirkii si lama filaana uga dhex istaagay  wuxuuna hadalkii kusoo uruuriyey:-

“ Habar dugaageey ma aniga siday ila tahay mise idinka siday idiinla muuqato, aniga waxay ila tahay, amaahdii inagu maqnayd cid manta inoo daba galaysa inaayan jirin, dunidina waad ogtihiin oo wixii la cuni jiray waa yaraadeen gaar ahaan dhulkii aan inagu joognay, waxan u bahanay inaan is waydiino halka kaliya ee wax aan cunni karno iyo nacfi intaba aan ka heli karno si aan usii noolaano, dhinacas geeska bari ee Africa wax manta dhaama anigu mar arko, waa meel aan cidna ilaashan, waa dhul dihin oo lagu noolan karo, gaar ahaan Qaybta Badda oo aan kaluumaysi iyo nacfi badan ka heli karno”.

Intaa markuu soo jeediyay hadalkaas waa loo riyaaqay xoogaana cabsi baa gashay intii kale oo waxa la iswaydiiyay oo iyadoo horay dayn naloo ku tirsanayay side dhanka badana u hungriyeyn karnaa?

Xoordubur oo baa hadalkii hadana qabsaday wuxuuna yiri, “ war meesha dad iyo cid idinka ceshanaysa ma jiraan waa baylah, waana loo tartamayaa ee magaciin ba’ye hadii manta la idinka dheereeyo wax dambe oo aad isugu imaanaysan ma jirto, Waraabe oo shir gudoonka maalintaa loo dhiibay ayaana hadalkii ku gunaanaday war wixii nagu maqnaa wax noo raacda iyo cid dayntaas daba gasha hadaayan jirin, aan is balaarino waxana noo balana Xeebta iyo Bada Geeska Bari, maxaa neef cararaya iyo mid lagaa xaraysanayo na dul taagay inagoo helayna meeshaa baylahda ah ee dad-nagu haysta iyo cid naga ceshan karta aysan jirin hadalkiina sidaa ba lagu wada qaatay gudoonkii sidaa buu ku dhacay waana lagu faataxaystay.

Fiiro Gaar ah:

Sheekadu waa sheeko dadan oo siyaasadaysan, dadkuna mawada fahmaan Sarbeebta iyo hadalka duur xulka ah, qofkii aragti iyo fikir ku biirinaya ama qofkii fahankeedu ku adkaado, ama doonaya bayaamin waxay igala soo xiriiri karaan emailka hoos ku qoran.

W/Q: Bashiir Cumar Warsame (Koriye)

Email: bashiirc@gmail.com

31761613 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sida Itoobiya u Ciqaabto Dumarka Soomaaliyeed.

32161203

Wararaka naga soo gaaraaya dhulka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay kordhiyeen ugaarsiga ay ku hayaan dumarka Soomaaliyeed kuwaasi oo ay u geesanayaan dhibaatooyiin qof waliba oo Muslim ah uu ka qiiroonayo.

Itoobiya ayaa dhibaateenta dumarka Soomaaliyeed waxay garab kaga heleysaa maleeshiyaadka ay soo carbiyeen ee loo yaqaan  Liyu Boolis kuwaasi oo Itoobiya u farmuuqa isla markaana tusiya dadka Muslimiinta.

Dumarka kunool dhulka Itoobiya gumeysato looma ogala inay xirtaan Niqaabka iyo Xijaabka waxaa intaasi usii dheer kufsiga iyo dhibaatooyiinka kale ee hal Qormo lagu soo koobi karin.

1959280_582811375156102_1239755476785975357_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:-Abwaan Xassan oo Gabay ka Tiriyay Burburka gaaraya Isbahaysiga duulaanka ah.

32110857

Abwaan Xassan Maxamuud Cusmaan oo kamid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa gabay xiiso badan ka tiriyay gabi dhacleynta Mareykanka iyo dhiig baxa kasoo gaaray dagaalada uu la galay muslimiinta.

Gabaygan oo loogu magac daray (Hadaf) ayuu abwaanku sidoo kale kusoo hadal qaaday Soomaaliya iyo sida ay mar walba dhibaatada ugala kulanto wadamada cadawga ah ee Kenya iyo Itoobiya.

32090383 (2)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Itoobiya: “Annaga ayaa Axmad Madoobe Fariisinay Madaxtooyada Kismaayo”

Mid kamid ah madaxda Itoobiya ee sida gaarka ah u qaabilsan burburinta Soomaaliya iyo qabsashadeeda oo khudbad ka jeediyay shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa si cad oo aan ka leex-leexasho lahayn u sheegay in iyagu ay Axmad Madoobe fariisiyeen madaxtooyada magaalada Kismaayo!!

Ninkan oo lagu magacaabo Shaul ayaa sheegay inuu kasoo qeyb galay aas-aaska maamuladii ugu horeeyay ee lagu billaabay kala qeybsanaanta sida kan Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay iney farxad u tahay in xilliganna uu xaadir ahaado magaalada Kismaayo oo uu ka jiro maamul ay iyagu sameysteen.

 

32101046

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Khariidadda Cusub ee Federalismka Danjire Nicholas Kay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh maxay dhali doontaa ?

32079915

Sida hadda muuqata Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabislan Soomaaliya Danjire Nicholas kay wuxuu bilaabay qorshihiisii runta ahaa iyo shaqadiisii waajibaadkiisa ku salaysnaa, wax lala yaabo ma aha in dhaqanka xididaystay ee Gumaystuhu uu maalinkii la joogaba la soo baxo gado ama tabo hor leh oo ku salaysan sharciyo iyo nidaamyo magacyo qur quruxsan oo guntoodu ay tahay midda aan is bedelin ee aan weligeen naqaanay oo ahayd in ummad laysku diro, in dal mid kale lagu diro si dano siyaasadeed ama dhaqaale looga fushado.

Nin innagu cusub ma aha Ninka reer Ingiriis ee la yiraahdo Nicholas Kay, shalay buu innagu soo duulay dalka uu u dhashey ee Ingiriiska, maantuu duulaan yahay, berrina waan sugaynaa, waxaas oo dhan dhib innaguma hayaan laakiin dhibka u weyn ee ina haysta waa inaanan baran reer ingiriis. bal u fiirso marxaladaha uu dalka soo maray intii uu burburka dhacay, waxaan soo marnay markii dagaalladii ugu horeysay marxalad layna tijaabinayay, oo dunida ay is weydiinaysay aan sugno oo aan fahamno meesha ay wax u wadaan iyo waxa ay rabaan, waxaa la fahmi waayay ujeeddada colaadaha ina dhex yaala, waxaan soo marnay marxalad laynala kala saftay oo laysku kaaya qabsaday, Marxalad hubka lacag la’aan laynagu wada siinayay, waxaan soo marnay marxalad laynoo qaybiyay beelo 4.5 oo wali ilaa iyo hadda aan dhex taagannahay si aan uga gudubnana aan garan la’nahay ilaa ma ahan nidaam siyaasadeed iyo mid ummad lagu maamulo midna, laakiin waa mid annaga laynagu lugoynayay markaan sidii bini aadankii wax kasta oo talo ah isku af garan waynay.

Waxaas oo dhan waxaa ka sii daran in maalin kasta laynoo helo mid Soomaali ah oo dantiisa yaqaan ah, oo baaba’eenna loo adeegsado, waxaan aad u xasuusnahay in Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) Ra’iisal ra’iisal wazaarihii 2aad ee xilligii ku-meel gaarka uu isagu bilaabay dano gaar ah inuu u maro magaca uu huwanyahay, xataa mararka qaarkood sida dhacda qof baa garta inuu dantii guud wax un u xeeriyo, laakiin mucjizada aan wali xasuusnahay waxay tahay in Nuur uusan haba yaraatee waxba u xeerin xilkii uu ummadda u hayay, wixii markaas ka dambeeyay mas’uuliyiintii imaanayay ee ama la soo doortay ama qabtay xilka Ra’isal wazaaraha waxay xilka ugu dhaqmayeen sidii ay tahay fursad lagu danaysto. Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud, ayaa isagu hadda ah ninkii 2aad ee noocii Nuur cadde saan saantii iyo habkii oo kalana ku shaqaynaya, waxaadna garan kartaa magaacaabistii Ra’iisal wazaarihiisii hore Cabdi Faarax Shir-Doon (Saacid)….marka aad intaas aad u fahamsantahay waxaad si dhib yar u garan kartaa qorshaha uu wato Nicholas Kay iyo danta yar ee aan loo talo badsan ee uu Xasan Sheekh Max’ud ku fekeray, waxaa soo baxaya qorshayaasha hadda socda ee la rabo in lagu saleeyo sida ay gobollada federal-ka isu raacayaan inuu wato Nicholas Kay Wakiilka Qarrammada Midoobay ee Soomaaliya oo u dhashey Dalka Ingiriiska.

Qorshaha Nicholas Kay oo door biday in federal-ka Soomaaliya uu ku dhismo waa mid iska cad, shaki iigama jiro in Xasan Sheekh Max’uud uu arrintaas aad u fahamsanyahay laakiin uu ka raacday dantiisa gaarka ah oo ah in awoodda iyo tallada inteeda badan ay isaga gacantiisa ku soo ururto, sida hadda muuqatana talada dalkaba isaga keliya ayeey gacantiisa ku soo uruurtay.
Waxaa meel layska dhigay oo uu inkiray ergayga Qarmmada Midoobay wakiilka uga ah arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay dhammaan arrimihii ay ku heshiiyeen dowladdii hore ee ku meel-gaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Axmed iyo madaxdii kale ee maamul goboleeddada iyo ururadii siyaasadeed taasoo ah nidaamkii ay ku yimaadeen madaxda hadda jirta isla markaasna ay dowladda uga baxday ku meel-gaarnimmadii, Nicholas oo waajibaadkiisa kowaad uu ahaa dhamaystirka hannaanka dowladnimo ee ka soo baxay heshiiskaas waxaa hadda muuqata inuu talada dalka Xasan Sheekh Max’ud oo keliya wax ka weydiiyo,, laakiin taas ma aha fahamo daro ama damiinimo haysa Nicholas Kay waase qorshe durugsan oo uu Danjire Kay ugu gogl xaarayo danta weyn ee Soomaaliya laga leeyahay.

Waxaa iyadana shaki ku jirin inay aad isugu soo dhowaadeen Kay iyo madax-weyne Xasan Sheekh, sidaasoo kalana ay meesha ka baxday wax kasta oo meeqaan ahaa ee loo hayay maamul goboleeddada Puntland iyo kuwa kale ee lagu waday inay soo dhismaan. intii uu xafiiska madax-weynenimada Puntland baneeyay madax-weynihii hore ee maamulkaas Cabdi-Raxmaan Sheekh Max’ed (Faroole), guud ahaan calaamadaha muuqdana waxay muujinayaan in labada nin Nicholas Kay iyo Xasan Sheekh) ay soo wadaan nidaam federal ah oo aan cid kale laga talo gelin oo aad uga duwan kana soo hor jeeda kii ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaashii lixda ahaa ee ay ansixiyeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed sanadii 2012kii.

Nidaamkii federalka ahaa ee ay ku heshiiyeen lixdii hoggaamiye isla markaasna ay ansixiyeen Odayaasha DHaqanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid aad looga ilaaliyayay awoodda inay ku ururto gacanta hal nin oo keliya, isla markaasna wax kasta oo la sharciyeyniyo ama ummaddu ay ku heshiinayso si loo ilaaliyo u sameeyay seddex hay’adood oo wixii la meel marinayo ay tahay in mid kasta oggolaansho laga helo sidaasoo kalana ay tahay wixii la diidayo inay isku raacaan ama mid kasta la soo mariyo, qaab dhismeedka noocaas ah ee Golaha Shacabka, Aqalka Sare ee Golaha Shacabka iyo Golaha Xukkummada oo ay tahay in mid kasta wax ka ansixiso go’aan kasta oo ay dowladdu gaarayso, waana taas midda uu diidanyahay Nicholas Kay, wuxuun door bidayaa inuu awoodda siyaasadeed ee dalka ku soo ururiyo gacan keliya si uu si sahlan wax uga saxiixdo, waana halka uu isaga xiranyahay danaha Xasan Sheekh Max’uud oo isaga aad moodo inuu isu haysto madax-weyne aan xafiiska ka tegayn iyo Nicholas Kay.

Waxaa arrin nasiib darro ah in Nicholas Kay uusan marna ka hadlin dhammaan heshiisyadii iyo dastuurkii horay laysugu af gartay sanadkii 2012kii ee ay ansixiyeen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Nicholas Kay wuxuu si bareer ah ugu tuntay xuquuqdii ay lahaayeen maamulada gobollada ee dastuuriga ahayd si uu u yareeyo awoodda siyaasadeed ee ay yeelanayaan maamulada imaanaya awooduna ugu ururto gacanta maamulka federal-ka, wuxuu Nicholas Kay oggolaaday in maamul goboleeddada is raacaya ay xukuumadda ka go’aamiso, in maamulladii jiray uu deegaano ka gooyo si uu u wiiqo inay yeeshaan awood siyaasadeed isagoo marin habaabinaya siyaasaddii nidaamka federalka ahayd ee Soomaalidu ku heshiisay ee ahayd in maamul goboleeddadu ay yeeshaan awood siyaasadeed oo ay kula xisaabtami karaan xukuumadda dhexe ee federalka.

Xasan Sheekh wuxuu is halmaansiinayaa waayadii uu tabeelaha dariiqyada la taagnaa isagoo huwan magaca xisbiga horumarinta oo wax tabanaya , wuxuuna si cad isu moogeysiinayaa in xuquuqda la raadinayo ay tahay tii uu waagaas tabeelayaasha u watay, wuxuuna malaha fahmi la’ayahay sida lagu yaqaan madaxda afrikaanka ah ee ku caan baxday madax-adaygga inuu mar uun ka tagayo xilka ay hadda Barlaamanka u dhiibeen, nidaamkana ay ummadda dhaxli doonto kuwo badan oo isaga xilka uga dambayn doonana la rabo in lagu xakameeyo si aysan u dhicin tagri fal siyaasadeed ee ay kula kacaan ummadda.
Khariidadda Federalismka ah ee uu Nicholas Kay soo jeexay ujeeddada ka ka dambaysa kama duwan xudduudihii uu guumeystuhu Afrika uga tegay ee wali uu murunkooda maalin kasta isku laayaan dalalka walaalaha ah ee deriska ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud isagu fahamkiisa kama shisheeyo inuu helo dastuur siinaya awood uu ku kibro oo uu ugu itaal sheegto ummadda, Alle ha u naxariisto Aadan Cabdulle Cusmaan , madax-weynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya wali waan la’nnahay madax-weyne dhaqankiisii siyaasadeed ee uu dalka ku soo maamulay wax kaga dayday, waliba xilli uu dalka ka soo baxay guumeysi oo wax kasta meel eber ah laga bilaabay, maamul uu dhaxlay uusan jirin, xirfadlayaal adeegga dowlada hanan kara oo aqoon leh aysan jirin, dhaqaale iyo wax soo saarana warkoodaba dhaaf!…

Shaki iigama jiro in Nicholas Kay inuu si ula kac ah u samaynayo gefefka uu kula kacayo dadka Soomaaliyeed, isla markaasna uu ku socdo qorshe qoto dheer oo dano fog laga leeyahay, hasa yeeshee Xasan SHeekh macaashka ugu weyn ee uu khaladaadkaas u galayo kama badna hebel ku xumee, kama badna awoodda aad sii haysatid….waxaase hubaal ah in natiijada khariidaddaan federalism-ka ee Nicholas Kay iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay dalka u horseedayso khilaaf iyo kala fogaansho hor leh.Waxaa dad badan oo aad indhaha ugu haya siyaasadda cusub ee madaxa xafiiska Qarmmada Midoobay ee Soomaaliya isla markaasna aad uga walaacsan shaxda cusub ee siyaasadeed ee uu la soo baxay ay rumaysanyihiin, inuu lacago badan ku bixiyay burburinta dhammaan waxyaabihii lagu soo heshiiyay qaabkii dhisme ee maamul goboleeddada, waxaana hada si dardar ah ku socda oo gacanta lagu haya dhaqan gelinta in gobolka Mudug laga soo gooyo Puntland iyadoo aan waxba laga weydiin dadka gobolkaas ku dhaqan, waxaa sidaasoo kale gacanta lagu hayaa maamulkii Jubbaland si looga yareeyo awoodda siyaasadeed ee dastuurku u oggolaanayo iyadooo loo sii marayo xil-dhibaan Cabdi-Rashiid Xiddig iyo waziirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, sidaas si la mid ahna maamulka Koonfur –Galbeed iyadoo loo sii marayo Af hayeenka Baarlamanka Max’ed Cusmaan Jawaari.

Nicholas Kay waxaa wanaagsanaan lahayd inuu garowsado Soomaaliya inaysan sida Suudan sahlanayn inay ku kala tagto Dhaqan ama Diin, inaysan sida Ciraaq sahlanayn inay ku kala tagto firqooyin diineed Sunni iyi Shiico, laakiin ay ku quruxsanaan lahayd in la ilaaliyo nabad ahaanshaheeda danaha laga leeyahayna iyadoo aan colaad laga dhex abuurin oo dowlad Soomaaliyeed oo madax banaan ah lagula heshiiyo, laakiin haddii uu qorshaha yahay awoodda meel keliya ku ururi waxaad rabatana ku sharciyeyso sida hadaba meelo badan ka dhacday…..amay
wanaagsantahay in wixii lagu heshiiyay aad dhaqan geliso,… amay wanaagsantahay federal-kii lagu heshiiyay ee dhamaystirkiisu waajibka laguu soo magacaabay ugu horeeyay dhaqan geliso….amay wanaagsantahay awoodda dastuurka uu siiyayay maamul goboleeddada inaad dhaqan geliso….

Qalinkii: Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan.

DHAGEYSO-DIIRADA JIMCAHA- Hal sano kadib weerarkii Westgate

 

Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta lagu soo qaatay mowduuc muhim ah oo ku saabsan dhacdadii Westgate oo ay hal sano kasoo wareegatay.

https://soundcloud.com/bana-4/dhageyso-diirada-jimcaha-hal-sano-kadib-weerarkii-westgate

 

XOGTA  RADIO ALFURQAAN.

http://radioalfurqaan.com/?p=20646

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Odayaal sheegay in lagu qasbay ka qaybgalka Shirka Kismaayo!

32030006

Qaar kamid ah odayaasha ku sugan Magaalada Kismaayo ee ka qaybgalaya shirka ka dhacaya magaaladaasi ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in IGAD,ITOOBIYA,KENYA iyo  maamulka Axmed Madoobe ay  ku qasbayaan  ka qaybgalka shirka Kismaayo looguna hanjabay in hadii shirka kasoo qaybgali waayeen la dili doono sidaas darteedna ayaga oo kabaqaya  in la dilo ay ku qasbanaadeen in shirka ka qaybgalaan.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sido kale odayaasha ugu hanjabay inaysan magaalada joogi doonin hadii aysan shirka kaso qaybgalin.

Magaalada Kismaayo ayaa bandow ah,waxaana xirna dhamaan nolol maalmeedkii magaalada oo dhan.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice  Of Somalia-Banaadir Post

Kufsiga AMISOM ay u Gaysteen Gabdhaha Soomaaliyeed, “Xoog Ayey Raggan Nagu Haystaan”

32018790

Dhawaan hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartat warbixin ay ku sheegtay in ciidamada AMISOM kufsi u geysteen dumar Soomaaliya, iyadoo ay arrimahaas u fududeeyeen dalaallo Soomaali ah.

Warbixinta Human Rights Watch oo cinwaan looga dhigay “Xoogga ay Raggaan Nagu Haystaan” ayaa u qorneyd sidan:-

Soo Koobid

Waxaan ka cabsi qabay inuu dib u soo laabto oo uu mar kale ikufsado amaba uu idilo. Waxaan doonayaa in dawladdu ay ogaato awooda ay nimankan leeyihiin iyo xoogga ay nagu haystaan oo ay naga ilaaliyaan.

—Farha A., oo ah dhibane uu kufsaday askari AMISOM ah ayaa sidaa sheegtay iyadoo joogto Muqdisho bishii Febraayo 2014-ka

Bishii Juun ee sanadkii 2013-ka, turjumaan Soomaali ah oo ka shaqeeya Xarunta sare ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la hadlay gabadha 17 sano jirka ah ee lagu magacaabo Aziza D.—ma aha magaceeda saxda ah—markaa ayuu ka codsaday inay “la saaxiibto” askari Yugaandhiis ah. Wuxuu gabadha oo ku rafaadsanayd mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho u sheegay in askarigu uu u samayn karo wax weliba oo ay u baahnayd hadii ay ula dhaqanto “sidii ninkeeda oo kale” oo “ay raaxo dareensiiso.”

Kadib markii ay askarigii la kulantay oo ay u cadaatay in looga baahanyahay in loo galmoodo ayay dib u fakartay, turjumaankii ayaa u sheegay in aanay bixi karin oo weliba calaacalkeedii iyo oohinteedii ahayd in aanu uga tagin kaligeed ninka ayuu iska indha tiray. “Markii aan diiday inuu igu soo socdo askarigii ayuu aad u xanaaqay, wuxuuna dib ugu yeeray turjumaankii, markaa ayuu af Soomaali iigu cagajugleeyay,” sidaa ayay Human Rights Watch u sheegtay.

Sanooyin badan oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen Soomaaliya ayaa sare u qaaday nuglaanshada haweenka iyo gabdhaha la midka ah Aziza D., taasoo keentay in tobanaan kun ay ka barakacaan reerohooda, iayagoo inta badan ay ku khasabto inay ka fogaadaan nimankooda ama aabayaashood ama ilaalada qabiilkooda. Iyagoon haysan wax kharash ah ama shaqo ah, haween iyo gabdho badan ayaa ku tiirsan caawinaad xagga dibada ah, taasi ayaana ku khasabto inay sameeyaan waxay awoodaan oo dhan si ay u dabaraan naftooda iyo tan qoyskooda Qaramada Midoobay, Human Rights Watch, iyo hay’ado kale ayaa wax ka qoray tacaaddiyo badan ee ku salaysan jinsiga oo loo geysto gabdhaha iyo haweenka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah. Si kastaba, ku lug lahaanshaha askarta AMISOM ayaa inta badan waxaa iska indha tiray madaxda hawlgalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Sida ay warbixintan muujinayso, qaar ka mid ah askarta AMISOM oo laga soo bilaabo sanadii 2007-dii la geeyay Soomaaliya si ay uga caawiyaan sugida amniga caasimadda Muqdisho, ayaa si khaldan u isticmaalay awoodooda si ay u ugaarsadaan haweenka iyo gabdhaha aadka u nugul ee ku sugan caasimadda. Askarta ayaa geystay falal kufsi ah iyo tacaddiyo kale oo dhanka galmada ah, iyo weliba ka faa’iidaysi galmo—in si khaldan loo isticmaalo oo laga faa’iidaysto nuglaanta dadka, kala awood badnaanta, ama is aaminidda in galmo la sameeyo awgeed Warbixintan waxay ku salaysan tahay cilmi baaris lagu sameeyay gudaha Soomaaliya, Yugaandha, iyo Burundi. Xogta lagu qoray waxay ku salaysan tahay 50 wareysi oo ay ka mid yihiin 21 dad la kulmay tacaddiyo galmo iyo gaboodfalo iyo wareysiyo lala yeeshay dad markhaatiyaal ah, kormeerayaal ajanabi ah oo ay ka mid yihiin wadamada ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya iyo shaqaale kale oo militari ah.

Warbixintu waxay wax ka qoreysaa dhacdooyin tacaddiyo galmo ah oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, oo intooda badan ay sameeyeen shaqaalaha Xoogga Difaaca Dadka Yugaandha ee (UPDF) ee ka dhaca xarunta sare ee AMISOM ama agagaarkeeda, Xerada saldhigga u ah AMISOM, iyo xerada Xoogga Difaaca Qaranka Burundhi ee (BNDF) guutadiisa Muqdisho ku sugan. Dhammaan dhacdooyinka lagu xusay warbixintan ayaa dhacay laga soo bilaabo sandkii 2013-kii.

Iyadoo la eegayo adayga iyo xasaasinimda cilmi barista ku saabsan maadadaan, walaaca xagga amniga ah, iyo weliba ka caga jiidka badan ee dadka la kufsaday iyo markhaatiyaasha ee ku aaddan inay ka hadlaan dhibaatooyinkii ku dhacay ayaanay Human Rights Watch qiimaynin baaxadda jiritaanka tacaddiyadan. Si kastaba, xogta la helay ayaa walaac badan ka muujineyso tacaddiyada ay askarta AMISOM u geystaan gabdhaha iyo haweenka Soomaalida ah, taasi waxay muujinaysaa dhibaato intaa ka weyn.

32018919

Human Rights Watch waxay wax ka qortay 10 dhacdooyin oo kala duwan oo tacaddiyo galmo ah, waxaana ka mid ah kufsi, dhibaatayn galmo, iyo 14 kiis oo si xun uga faa’iidaysi galmo ah. Afar ka mid ah kiisaska kufsiga iyo mid dhibaatayn galmo ah ayaa waxay ku dhaceen gabdho 18 jir ka yar. Dhibanihi ugu yaraa ee kiisaska aanu baarnay ayaa waxay aheyd gabar 12 sano jir ah oo joogtay meel dibada ka ah Baydhabo bishii Mey ee sandkii 2013-ka oo la sheegay inuu u geystay askari reer Yugaandha ah, waxaana jira kiis kufsi loo geystay qof carruur ah oo haatan hor yaala maxkamadda militariga ee Yugaandha, balse ma kala cadda inuu isla kiiskaas yahay iyo in kale.

Askarta ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee (AU), oo isticmaalaya dalaaley Soomaali ah, ayaa khidado badan adeegsaday si ay si qarsoodi ah ugu gaaraan haweenka Soomaalida ah oo ay ka dibna dhibaateeyaan. Qaar ka mid ah askarta AMISOM ayaa isticmaalay gargaarka biniaadnimo oo ay bixiyaan si ay ugu khasbaan haweenka iyo gabdhaha nugul inay u galmoodaan. Qaar ka mid ah haweenka iyo gabdhaha warbixintan lagu wareystay ayaa sheegay in markii hore loo sheegay inay galmo ku badashaan lacag ama la xoogay iyagoo ka doonanayo kaalmo caafimaad iyo biyo xeryaha AMISOM, gaar ahaan xerada guutada ciidamada Burundi. Qaar kale ayaa si toos ah looga soo gacan galiyay xeryaha barakacayaasha iyagoo dad dariskooda ah ama gabdho saaxiibahood ah ay u sheegayeen inay ka shaqeyn doonaan xeryaha AMISOM, dadkaas qaar ka mid ah ayaana iyagu horay uga shaqeynayay xeryaha. Qaar ka mid ah haweenka iyo gabdhaha la kufsaday ayaa sheegay in askartu ay siinayeen lacag ama cunto kadib kufsiga si ay ugu ekeeyaan inay arintu u dhacday si mucaamalo ah ama si ay uga hortagaan in aan laga eed sheegan ama kiis looga gudbin.

Haweenka iyo gabdhaha ay ka faa’iidaysteen askarta ayaa ka galayay xeryaha AMISOM albaabada rasmiga ah ee la ilaaliyo iyo meelo kale oo sida la sheego aad loo ilaaliyo.

Human Rights Watch ayaa ka war heysay kiisaska qaar fara ku tiris ah haweenka in la siinayay aqoonsi rasmi ah si loo sahlo maritaankooda albaabka. Ka faa’iidaysiga kufsiga waxaa uu sidoo kale ka dhacay deegaanka rasmiga ah ee guryaha AMISOM. Dhammaan dhaqamadan ayaa muujinaaya in tacaddiga iyo si xun uga faa’iidaysiga la qorsheeyay oo weliba ay raali ka yihiin masuuliyiinta sarsare.

Inta badan haweenka la wareystay ee warbixintan waxaa u galmooday hal askari oo kaliya mudo ka badan asbuucyo ama bilooyin, in kastoo qaarkood ay u galmoodeen askar badan, gaar ahaan xerada guutada Burundi Farqiga u dhaxeeyo si xun uga faa’iidaysiga galmo iyo tacaddiyada galmo ayaa ah mid aad u yar marka la eego nuglaanta haweenka iyo awooda iyo farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya iyaga iyo askarta. Haweenka galmo ahaan looga faa’iidaysto si xun waxay u nuglaadaan tacaddiyo kale oo ay askartu u geystaan, waxaana ku dhici kara khataro caafimaad oo halis ah. Haween badan ayaa sheegay in askartu ay diideen inay xirtaan cinjirka galmada oo markaasi ay ku dhaceen cudurada galamda lagu kala qaado. Qaar ayaa sidoo kale sheegay in ay dharbaaxeen oo ay qaraaceen askarta u galmootay.

Labo ka mid ah 21-ka haween iyo gabdho ee ay Human Rights Watch wareysatay kaliya ayaa sheegay inay u gudbiyeen ashtako dawladda Soomaaliya ama mas’uuliyiin kale. Dadka ka badbaada tacaddiyada galmo ayaa ka baqo aargoosi kaga yimaada gaboodfalayaasha, mas’uuliyiinta dawladd a, kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al- Shabaab, iyo weliba aargoosi kaga yimaada qoysaskooda.

Qaar ayaa sheegay in aanay laheyn wax awood ah oo ay ka walaaceen ceebaynta xagga bulshada ay kala kulmayaan hadii dacwadooda la shaac bixiyo. Qaar ayaa waxay su’aal ka keeneen sababta loo dacwoonayo hadiiba wadooyinka u furan ay sidaa u yar yihiin. Qaar ayaaba ka caga jiidayay inay waayaan meesha kaliya ee ay ka helaan nolashooda.

Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadii 2003-da ee ku saabsanaa tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo tacaddiyada iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada ayaa ah nuqul wax ku’ool ah oo sababay sameynta mabaadii ku aaddan si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, wuxuuna si cad uga mamnuucayaa hawlgallada nabad ilaalinta ee QM inay galmo ku badashaan lacag, alaab, ama adeeg. Qeexidiisa ka faa’iidaysiga waxaa ka mid ah meelaha haweenka iyo gabdhaha ay nugulyihiin oo aanay lahayn awood la mid ah tan ay leeyihiin gaboodfalayaasha, qeexidan oo noqotay dhaqan caalami ah ayaa sheegaysa in haweenaydu ay ogolaato inay galmo ku badalato lacag aanay muhiim ahayn marka laga hadlayo nabad ilaalinta.

Gudiga habdhaqanka ee Midowga Afrika oo wadamada AMISOM ciidamada ku biiriya ay khasab ku tahay inay raacaan, ayaa waxaa uu mamnuucayaa si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada.

Ilaa inta haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ee Soomaaliya ay ka helayaan qorshe ka weyn inay nolol maalmeedkooda oo kaliya raadiyaan, waxay ahaanayaa kuwo u nugul si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada. Waa in aanay dib ugu dhicin arin la mid ah mida ku dhacday gabadha 19 sano jirka ah ee lagu magacaabo Kassa D.: “Waan walwalsanaa, waxaan rabay inaan cararo balse waxaan ogaa wixii halkaan ikeenay inay wali jiraan—baahidayda,” sidaa ayay sheegtay. “Go’aan ayaan qaatay hadana dib uma laaban karo.” Sidaa ayay raacisay.

Sida hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah oo kale, dhammaan shaqaalaha AMISOM oo ay kamid yihiin shaqaalaha Soomaalida ah ee maxalliga ah, ayaa waxaa mamnuuc ka ah in lagu maxkamadeeyo wadanka ay ka hawlgalayaan oo loo qabsado dambiyada ay galaan marka ay waajibaadkooda gudanayaan.

32018940 (1)

Wadamada ciidamada ku soo biiriya—waa wadamada ay ciidamadu u dhasheen—ayaa leh awood buuxda oo ay ku maxkamadeeyaan shaqaalahooda marka ay galaan dambiyo. Si kastaba, waxaa qabanaya dhammaan heshiisyada ay la saxiixaan Midowga Afrika ka hor inta aanay ciidamada geynin iyo waajibaadkooda ku aaddan xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo gargaarka biniaadanimo oo ah inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan dambiyada iyo dhaqan xumada lagu soo eedeeyo.

Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya, haba kala duwanaadeenee, waxay sameeyeen qaabab lagula xisaabtamo dhaqan xumada ay sameeyaan ciidamadooda. Ciidamda ayaa la siiyay tababaro ku aaddan habdhaqanka ay dajiyeen Gudiga habdhaqanka ee Afrika ka hor inta aanan la keenin, la taliyayaal xagga sharciga ah iyadoo dambi baarayaal military ah la soo raaciyay markii la keenayay Soomaaliya, waxaana mudnaan leh in dawladda Yugaandha ay maxkamad militari geysay mudo sanad ah Muqdisho sanadii 2013-ka. In maxkamad militari ay sidaa u joogto waxay caawinaysaa in la uruuriyo cadeymo, oo ay noqonto mid laga cabsado oo lagu xaqiijiyo in markhaatiyaasha la heli karo oo loo xaqiijiyo dadka dhibanayaasha ah in ay caddaalad helayaan. Maxkamadii dib ayaa Yugaandha loogu celiyay.

Kadib markii ay horay u diideen eedaha loo soo jeediyay ee ku saabsanaa tacaddiyada galmada, madaxda AMISOM ayaa bilaabay inay qaadaan tallaabooyin lagula tacaalayo dhibaatada. Gaar ahaan, AMISOM waxay sameysay sanadkii 2013-ka qorshe qabyo qoraal ah oo ku aaddan sidii looga hortagi lahaa loogana jawaab celin lahaa ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, waxay sidoo kalena sameeyeen qaabab lagu daba galayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada.

Si kastaba, qorshaha qabyo qoraalka ahi wuxuu u baahan yahay in si weyn loo xoojiyo si uu wax ku’ool u noqdo. Waxaa intaa dheer, tallaabooyinka wax tarka ah ee ilaa hada la isku dayay ayaa u muuqdo kuwo lagu ilaalinayo magaca AMISOM halkii dhibaatada wax laga qaban lahaa. Wali majiraan qaab loo soo gudbiyo ashtakooyinka, mana jirto baaxad lagu baaro tacaddiyada. Waxaana taa ka sii daran in uusan jirin isku day siyaasadeed oo ay sameeyaan wadamada ciidamada geeya Soomaaliya oo ku aaddan in arinta tacaddiga iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada la siiyo mudnaan oo si wax ku’ool ah loo sameeyo qaabkii lagu xallin lahaa dhibaatada.

Soo afjarida si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ay sameeyaan ciidamada AMISOM waa in lagu bilaabo sameynta isku day siyaasadeed oo ay sameeyaan madaxda siyaasada iyo militariga wadamada ciidamada geeya Soomaaliya si loo soo afjaro in dambiyada ay la fakadaan gaboodfalayaasha, iyo in la xaqiijiyo in dadka badbaaday si wanaagsan loo caawiyo. Marka hore, waa in wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay si weyn u xoojiyaan awooda ay u leeyihiin inay baaraan dambiyada oo gudaha Soomaaliya ay wax ku maxkamadeeyaan. Waa inay Soomaaliya u diraan dambi baarayaal iyo xeer ilaaliyayaal si wanaagsan loo tababaray oo hadii ay suurta gal tahay maxkamad militari ka sameystaan gudaha Soomaaliya.

Midawga afrika iyo AMISOM waxay u baahan yihiin inay xoojiyaan habdhaqan asaasi ah oo ah dhaqan “inaan loogu dulqaadanayn” hadii madaxda ciidanka ay iska indha tiraan hawlaha sharci darada ah ee ka dhaca xarumahooda. Taliyayaasha ciidanka waa inay sameeyaan wax badan oo ay uga hortagayaan, ku ogaanayaan, kuna ciqaabaan dadka sameeya dhaqamadaas oo kale.

Midowga Afrika waa inuu si durbo ah uga dhex sameysaa hawlgallada nabad ilaalinta waaxo qaabilsan dhaqanka iyo anshaxa suuban iyo waax dambi baaris ah oo madax bannaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay oo ay ka shaqeeyaan xubno madax bannaan oo tababaran. AMISOM waa inay sidoo kale xaqiijisaa xog uruurin wax ku’ool ah oo ku aaddan ashtakooyinka, baaritaanda iyo maxkamadeynta dadka sida xun uga faa’iideysta galmada kuna kaca tacaddiga oo ay u hogaansantaa inay sanad weliba shaaciso warbixin ay siinayso Midowga Afrika ee ku aaddan arinkan.

Tallaabooyinkan waxay garab soconayaan dadaalo kale oo looga hortagayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada ka dhaca xeryaha AMISOM, waxaana ka mid ah in si wanaagsan loo soo kala shaandheeyo ciidamada dhammaan si loo xaqiijiyo in aanay dhicin in dad horay u geysatay tacaddi galmo la geeyo wadan kale, oo si weyn ay u shaqaaleeyaan haween askar noqda, gaar ahaan kuwa booliska ah ee u tababaran sida militariga-booliis militaariyo.

32018873

In si madax bannaan looga war hayo hawlaha ciidamadaAMISOM ayaa sidoo kale loo baahanyahay. Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee AMISOM, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Dawladda Mareykanka iyo Dawladda Ingiriisku waa inay xaqiijiyaan in Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) uu leeyahay waax xuquuqul insaan oo xooggan oo awood u leh inay fuliso Qorshaha isku dayga wanaagsan ee Xuquuqul insaanka ee u dajisan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayhay, ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in Qaramada Midoobay aanay taageerin ciidamo aan kuweeda ahayn oo tacaddiyo sameynaya. Deeq bixiyayaasha caalamiga ah waa inay xaqiijiyaan in hadii ay jiraan waxyaabo cadeyn kara in ciidamo ay taageeraan ay geystaan ama fuliyaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada, oo dawladaha u xilsaaranna ay ka gaabiyaan inay wax ka qabtaan, waa inay taageerada kala laabtaan.

Awood si khalad ah loo isticmaalo: Qeexida Ka faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadii 2003-da ee ku saabsanaa tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo tacaddiyada iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada ee shaqaalaha QM iyo kuwa la xiriira ayaa sheegaya:

  • Tacaddiga galmada waa “caga jugleynta ama sameynta fal qaab galmo leh, hadii uu yahay mid khasab lagu sameeyo ama mid ka dhasho xaalad awoodaha oo aan sinayn ah.”
  • Ka faa’iidaysiga galmada waa “waa tacaddi kasta oo dhaca ama la isku dayo oo ka imaada xaalad nuglaan ah, awood kala badan, ama is aaminaad, oo loo sameeyo galmo awgeed, oo ay ka mid tahay, balse aan ku koobnayn, in looga faa’iido lacag ahaan, bulsho ahaan ama qaab siyaasadeed iyadoo galmo ahaan looga faa’iidaysanayo qof kale.”

Bayaanka ayaa si cad u mamnuucay in “ galmo lagu badasho lacag, shaqaaleeyn, alaab ama adeeg, oo ay ka mid tahay galmo ama qaabab kale oo liidid ama dhaqan ka faa’iidaysi ah.” Waxay sidoo kale ka mamnuucaysaa nabad ilaaliyayaasha inay isku hawliyaan inay u galmoodaan dad ka yar 18 sano, iyadoon la eegayn da’da ogolaashada galmada ee wadankaas.1

1Bayaankii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee tallaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiga galmada, ST/SGB/2003/13, 9 October 2003.

TALOOYIN

Ku Socoto Wadamada AMISOM ku biiriyo ciidamada (Yugaandha, Burundi, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, iyo Siiraaliyoon) iyo guutooyinka booliska ah

  • Si durbo ah u baar, qaad tallaabooyin anshaxa lagu wanaajinayo oo si wanaagsan u maxkamadee dhaqan xumada ay ka mid tahay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in tiro ku filan oo ah militariga booliska ah, dambi baarayaal rayid ah oo madax bannaan, iyo sharci yaqaano in la geeyo Soomaaliya si ay u sameeyaan baaritaano sugan oo dhexdhexaad ah oo degdeg ah sidii horay loo sheegayba;
  • Magacaw xeer ilaaliye militari ah oo xeel dheer u leh baaritaanda ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin kiisaska carruurta, waa in si degdeg ah loo geeyaa Soomaaliya si uu uga qeyb qaato baaritaanada eedaha la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in dhammaan xubnaha ka tirsan kooxda baaritaanka samenaysa, oo ay ka mid yihiin tarjumaanada, xeer ilaaliyayaasha, shaqaalaha caddaalada si wanaagsan loo kala shaandheeyo oo loo tobabaro inay la shaqeeyaan dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta;
  • Waa in maxkamado militari la geeyaa Soomaaliya, waa in maxkamad militari loo geeyaa goobaha hawlgalka si joogto ah ama in maxkamdo militari mar weliba loo diro Soomaalaiya;
  • Xaqiiji in dhibanayaasha iyo qoysaskooda ay helaan xog buuxda oo ku saabsan halka uu marayo kiiskooda, waana in loo sameeyaa qof kiiska ka shaqeenayo oo ay si joogto ah ula xiriiri karaan;
  • Waa in la qaadaa tallaabooyin lagu ilaalinayo badqabka dhammaan dhibanayaasha ka hor, inta uu socdo iyo ka dib gunaanadka kiiska iyadoo la kaashanayo AMISOM-ta iyo QM. Tallaabooyinka la qaaday waa inay ka caawisaa qarsoonida sirtooda. Waa inay ka mid ahaato, oo aanay ku koobnaan, dib u dajin loogu dhex sameeyo gudaha Soomaaliya. Xooji in dacwada loo dhageysto si qarsoodi ah iyadoo la qarinayo aqoonsiga dhibanaha marka laga reebo wixii aan looga kaaftoomayn in caddaalad la helo iyo in la qariyo magaca marka xukunka la ridayo, xukunka waa in la shaaciyaa;
  • Taliyayaasha guutooyinka iyo qeybaha waa inay si joogto ah ugu celceliyaan tababaro ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay ciidankooda kala hadlaan ilaalinta anshaxa wanaagsan sida ku xusan heshiiska dhaqan wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika, waa inay xaqiijiyaan in dhammaan askarta ay fahansanyihiin hab dhaqankaa oo weliba kaar loogu qoro iyadoo la isticmaalayo luqada wadankooda;
  • Qiimee dadaalada taliyayaasha iyo maamulayaasha ee ku aaddan sida ay u meelmariyaan tallaabooyinka looga hortagayo oo lagu cirib tirayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Waa in baaritaan qotto dheer lagu sameeyaa dhammaan shaqaalaha loo soo dirayo inaya ka shaqeeyaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in dadka horay u geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, ama uu baaritaan ku socdo, ama kiis ku socdo, ama horay loo mariyay ciqaab anshax suubis ah oo ku aaddan dambiyo kuwaa la mid ah, waa in laga reebaa dadka la dirayo;
  • Waa in la qaado tillaabooyin wax ku’ool ah oo lagu badinayo tirada askarta haweenka ah ee militariga, militariga booliska ah iyo shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya la geeyo.

Ku Socoto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)

  • Waa in la kala shaandheeyaa dhammaan militariga, booliska, iyo saraakiisha rayidka ah ee sare ee AMISOM lagu daro, waana ina la xaqiijiyaa in dadka horay u geystay dambiyo ka faa’iidaysi galmo ah, ama uu baaritaan ku socdo, ama kiis ku socdo, ama horay loo mariyay ciqaab anshax suubis ah oo ku aaddan dambiyo kuwaa la mid ah, waa in laga reebaa dadka loo dirayo AMISOM iyo dhammaan kala shaandhaynta ay sameeyaan wadamada ciidamadooda soo diraya;
  • Waa in la sii wadaa in loo qaybiyo kaararka ay ku qoran yihiin habdhaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika dhammaan guutooyinka, oo loogu qoro luqad ay fahmi karaan, waa in la xaqiijiyaa in waqti iyo juhdi badan lagu bixiyo in sare loo qaado ka warqabka mas’uuliyada ah in la’ilaaliyo habdhaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika;
  • Si joogta ah ugu yeer taliyayaasha guutooyinka wadamada ciidamada ay joogaan si ay markaasi uga warbixiyaan baaritaanada iyo waxyaabaha ka soo baxay ee ku aaddan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Kordhi kormeerka, ay ka mid yihin kor meerida iyo roondooyinka militariga booliska ah oo meelaha go’doonka ah ee ku yaal xeryaha la sheegay inay tacaddiyada ka dhacaan ama ay u dhawdahay inaya ka dhacaan si looga hortago ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Si wanaagsan ugu gudbi xogta ka soo baxda baaritaanda la sameeyay mas’uuliyiinta wadamada ciidamadooda ku soo biiraya hawlgalka Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (SRCC), Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) qeybta Xuquuqul Insaanka, iyo Midowga Afrika iyadoo si gaar ah loo eegayo baaritaanada laga sameeyay tacaddiyada la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Si toos ah ugu war bixi Midowga Afrika ee Nabada iyo Golaha Ammaanka iyo weliba Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ashtakooyinka la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin natiijooyinka baaritaanda, talaabooyinka anshax suubiska ah, ama maxkamadeynta sida ku xusan habdaqanka anshax wanaagga ee u dajisan Midowga Afrika;
  • Ugu baaq dhamman wadamada ciidamadooda ay joogaan iyo hoggaanka AMISOM inay la shaqeeyaan qeybta Xuquuqul Insaanka ee UNSOM si loo xaqiijiyo in la raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay;
  • Waa in la xaqiijiyaa in dadka u hadla jinsiyada lagu tobabaro sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta; • Waa in la sameeyaa istiraatiijiyad xog uruurin ah oo ay sameeyaan ururada u dooda xuquuqda haweenka Soomaalida si ay dadweynaha ugu gudbiyaan qaababka ashtakooyinka iyo sidii loola socon lahaa;
  • Si dhaw ula shaqee Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo in si qarsoodi ah oo wax ku’ool ah loogu sii gudbiyo ashatakooyinka la xiriira shaqaalaha AMISOM, ee horay loogu keenay QM;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, waa in la sameeyaa adeegyo iyo caawinaad la siiyo dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, waa in la bixiyaa daryeel caafimaad iyo taageero xagga maskaxda ah oo loo sameeyo dadka dacwoonaya, dhibanayaasha, iyo markhaatiyaasha dadka ay wax yeeleeyeen shaqaalaha AMISOM;
  • Iyadoo la kaashanayo QM, wadamada ciidamadooda ay joogaan iyo ururada udooda xuquuda haweenka Soomaalida, waa in la xaqiijiyaa in dadka ka badbaaday tacaddiyada galmada ay helaan ilaalo inta lagu guda jiro baaritaanada iyo maxkamadeynta;
  • Ku war gali dadweynaha la socoshada kiisaska qaarkood, tusaale ahaan, in dadweynaha loo shaaciyo oo looga waramo si joogto ah wixii baaritaano ah oo la sameeyay iyo waxyaabihii ka soo baxay, iyadoo aan wax loo dhimeyn qarsoonida iyo hananka caddaalada;
  • Qiimee dadaalada taliyayaasha iyo maamulayaasha ee ku aaddan sida ay u meelmariyaan tallaabooyinka looga hortagayo oo lagu cirib tirayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Xaqiiji in boosaska cusub ee ilaalada, xuquuqul insaanka iyo jinsiyada iyo qeybta shaqaalaha anshax wanaagga ay mudnaanta siiyaan sidii wax looga qaban lahaa tacaddiyada ku salaysan jinsiga, xaqiiji in shaqaalaha la qoray ay aqoon u leeyihiin tacaddiyada ku salaysan jinsiga; shaqaalahaas waa inay si toos ah ugu waramaan SRCC-da; Intaa waxaa dheer, in AMISOM ay si durbo ah u soo gabagabayso qorsheheeda qabyo qoraalka ah ee ku saabsan sidii looga hortagi lahaa loogana jawaab celin lahaa kafaa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, marka dib u eegid lagu sameeyo oo wax laga badalo ka dib si loo xaqiijiyo inay noqoto aalad ilaalo ah oo wax ku’ool ah. Qorshe qoraalka ugu dambeeya waa inuu:
  • Ku jirto qeexid la mid ah mida lagu sheegay bayaankii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkii 2003-da ee ku saabsanaa sida looga hortagayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyo heshiiska ay wad saxiixdeen Midowga Afrika iyo wadamada ciidamda ku soo biiriya;
  • Ku sharax qorshaha si ay u wada qabato dhammaan shaqaalaha AMISOM iyo dadka la shaqeeya, oo ay ka mid yihiin, militariga, booliska iyo dadka rayidka ah, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha qaarkood aanay baxsan;
  • Si cad u sheeg in qofkii aargoosi ku sameeyaa dadka soo sheega tacaddiyada galmada, hadii ay ahaadaan dhibanayaasha, ama kuwa xogta bixiya ama dad kale, oo ay ka mid yihiin ururada u dooda xuquuqda haweenka Soomaalida ee adeegyada siiyaya dadka ka badbaaday tacaddiyada galmada in la ciqaabi doona oo weliba tallaabo sharci ah laga qaadi doono;
  • Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya waa inay baaritaan ku sameeyaaan dadka ay geenayaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dadka la soo dirayo aanay horay u galin dambiyo la xiriira tacaddi ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay tacaddiyada galmada waa in laga reebo dadka la geynayo; waana in AMISOM ay kala shaandeyso madaxda iyo maamulayaasha ciidamada oo ay ogaato inay ku lug leeyihiin tacaddiyada galmada, waxaa intaa dheer in wadamada ciidamada geeya Soomaliya ay sidookale sameeyaan kala shaandeynta;
  • Waa in si cad loo qeexaa tallaabooyinka lagu caawinayo dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, iyo carruurta ay dhaleen askarta AMISOM;
  • Waa in la xaqiijiyaa in askarta la siiyo tobabaro ku aadan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ka hor inta aan la geyn, marka ay tagaan iyo inta ay hawlgalka ku jiraan;
  • Waa in la badalo lifaaqyada qorshaha si loo cadeeyo qaababka wax loo baaro oo ay ka mid tahay sida dambi baarayaasha loo soo magacaabo iyo waqtiga lagu soo dhameenayo, waana in la dhisaa qaab xog aruurin ah si loo daba galo loona aruuriyo xogta ku saabsan noocyada ashatakooyinka, baaritaanada iyo heshiisyada;
  • Waa in la sameeyaa qaab qarsoodi ah oo loo soo gudbiyo ashtakooyinka, iyadaoo la kaashanyo QM, si dhammaan dadka, oo ay carruurta ka mid yihiin ay u ogaadaan sida iyo meesha ay u dacwoonayaan iyo sida ay caawinaad ku heli karaan. Qaabka ashtakooyinka loo gudbinayo waa inuu ahaado mid u fudud dhammaan shaqaalaha, dadka la shaqeeya iyo dadka ka faa’iideysanayo, iyadoo aan la eegeyn jinsiga, da’da, caafimaadka maskexeed, luuqada, heerka wax barasho, qabiilka iyo calaamado kale, ee u fududeenayso inay ashtakoodaan.

Ku Socoto Midowga Afrika ee Nabada iyo Golaha Ammaanka

  • Samee koox joogto ah oo madax bannaan oo baaritaanada sameeya, oo ay shaqaale ka yihiin dambi baarayaal madax bannaan oo aqoon leh, si ay u baaraan ashtakooyinka la xiriira dhaqan xumada, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, kooxdaan waa inay wax u baartaa si wanaagsan iyadoo qadarinaysa mabaadii’da muhiimka ah oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn: qarsoodiga, badqabka, dhexdhexaadnimada, wax qabadka, hawl wanaagga, waqti ilaalinta iya sugnaata iyo iyadoo weliba la ilaalinayo xuquuqda sharciyeed ee gaboodfalaha; kooxdu waa inay baartaa dambiyada ay galaan militariga, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah;
  • Iyadoo la kaashanayo hawlgallada nabad ilaalinta, oo ay ka mid tahay AMISOM, ilaali oo caawi dhibanayaasha iyo markhaatiyada ay ciidamada Midowga Afrika wax yeeleeyeen. Dhammaan dadka ay arinta khuseyso oo ay ka mid yihiin dadka iyaga ashtakoonaya waxay leeyihiin xuquuq ah in si wanaagsan oo sharaf leh loola dhaqmo oo mar weliba la siiyo xog ku saabsan halka ay baaritaanada iyo maxkamadeyntu marayaan.

Ku Socoto Guddiga Midowga Afrika

  • Taageer dadaalada wadamada ciidamada geeya Soomaaliya si ay u geeyaan maxkamado militari gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aanadii Midowga Afrika uu la saxiixday wadamada si ay u caawiso baaritaanada ay sameeyaan guutooyinka qaran;
  • Xaqiiji in markii koox nabad ilaalin ah la geeyo hawlgalka inay helaan taageero qalabeed, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale si ay hawshooda u gutaan;
  • Si durbo ah u qoondee sanduuq dhaqaale oo lagu caawiyo dadka ay ciidamada Midowga Afrika u geysteen tacaddiyada galmada iyo carruurta ay dhalaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Ganaaxyada lacageed ee lagu soo rogo askarta geysata gaboodfalada ayaa caawin karta in kharash loo helo sanduuqan dhaqaale;
  • Qor oo dadweynaha u shaaci warbixin sanadle ah oo ku saabsan baaritaanada lagu sameeyay dambiyada la xiriira ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee ay qaadeen hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, oo ay AMISOM ka midka tahay, iyo weliba Midowga Afrika gaar ahaan, si wax looga qabto tacaddiyadaas;
  • Wax ka badal qaabdhismeedka isku xirka la xiriira ka hortagga iyo ka jawaab celinta tacaddiyada galmada ee ka dhaca Afrika si loogu daro luqad gaar u ah ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada.

Ku Socoto Qeybta Hawlgallada Nabada ee Midowga Afrika

  • Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya waa inay baaritaan ku sameeyaaan dadka ay geynayaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dadka la soo dirayo aanay horay u galin dambiyo la xiriira tacaddi ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciyada gargaarka, oo ay ka mid tahay tacaddiyada galmada waa in laga reebo dadka la geynayo; waana in hawlgallada nabad ilaalinta ay kala shaandeeyaan madaxda iyo maamulayaasha ciidamada oo ay ogaadaan inay ku lug leeyihiin ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada;
  • Dib u celi dhamman shaqaalaha militariga iyo booliska ah ee lagu ciqaabay ama lagu soo rogay anshax suubin ku aaddaan dambiyo ay galeen oo ah kuwo la xiriira ka faa’iidaysi iyo tacaddiyo galmo, waana in mar dambe aan loo dirin hawlgal nabad ilaalin ah;
  • Ka fogaada inaad ka ogolaataan guutooyin ciidamo ah wadamada aan dooneyn ama aan awooda u laheyn inay baaritaan ku sameeyaan oo ay maxkamadeeyaan askartooda lagu soo eedeeyo inay geystaan dabiyada ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada
  • La shaqeeya kooxda madaxa bannaan ee dambi baarista sameynayso ee kor ku xusan, marka ay xog uruurin hordhac ah ay ku sameynayso kiisaska la xiriira dhaqan xumo aad u weyn;
  • Xaqiiji in goobaha jinsiga ee ku dhexyaal guutooyinka si wanaagsan loo kala shaandheeyo oo loo tababaro sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dadka ka bad baaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin carruurta;
  • Si durbo ah ugu samee AMISOM iyo hawlgalada kale ee nabad ilaalinta qeyb madax banaan oo joogta ah oo ka shaqeeysa habdhaqanka iyo anshaxa suuban, si ay u dhisaan khidado oo ay shaqaalaha AMISOM u siiyaan tababaro, oo ay ugu sii gudbiyaan ashtakooyinka soo gaara qeybaha dambi baarayaasha ugu habboon;
  • Samee xog keydin elektoroonig ah oo ay ku qoran tahay xogta ah ashatakooyinka laga soo gudbiyay askarta nabad ilaalinta Midowga Afrika, oogeysiisyada anshax suubinta ah, baaritaanada socda iyo maxkamadeynta ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, si looga hortago in meel kale la geeyo askarigaas oo xogtaa loo gudbiyo dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika;
  • Ka codso in dhammaan wadamada ciidamada ku biiriya hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay si wax ku’ool ah u badiyaan ka qeyb galka haweenka ee hawlaha militariga, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah intaba;
  • Taageer dadaalada wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay ku bixiyaan inay sameeyaan tababaro loogu tala galay wadankaas oo ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay fahmi karaan guutooyinka qaran;
  • U samee dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta qalabka lagu ogaado baaritaanka dhiiga wadadhalashada ee DNA-da loo yaqaan iyo tijaabooyin kale si loo xaqiijiyo hadii loo baahdo in askarta hawlgallada nabad ilaalinta ay nafaqeeyaan carruurta ay iyagu dhaleen inta ay hawlgalka ku jiraan.

Ku Socoto Deeqbixiyayaasha AMISOM, oo ay ka mid yihiin QM, EU-da, UK, iyo Mareykanka

  • Horumari qorshe ah “inaan loogu dulqaadanayn” ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid tahay in dhammaan dadka aan askarta qaran ahayn ay helaan taageero, taageerada noocaa ah waa in aanay keenin in la geysto ku tacaddi xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka;
  • Kor meer oo la soco in AMISOM ay ku dhaqanto oo ay fuliso xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka;
  • Hadii ay jiraan sababo la taaban karo oo lagu rumeysan karo in dad ka mid ah shaqaalaha hawlgalka nabad ilaalinta ay geysanayaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga gargaarka, oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga galmada iyo tacaddiyada galmada, oo dawladda mas’uulka ka ah ay wax ka qaban weydo, sare u qaad la socoshada dadweynaha oo ku boori AU-da iyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya inay sameeyaan baaritaano degdeg ah;
  • Hadii eedaha wax laga qaban waayo, waxaad isku daydaan in aad taageerada militari ka joojisaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ay AMISOM ka midka tahay, yaana wax taageero ah la siin guuto lagu eedeeyay tacaddiyo oo aan wax tallaabo anshax suubin ah qaadeyn;
  • Waa inaad AMISOM iyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ka heshaan war bixin ku saabsan tallaabooyinka ay qaadeen si ay u hergaliyaan qorshaha AMISOM ee ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, iyo weliba xog ku saabsan baaritaanada lagu sameeyay ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyo natiijooyinkooda;
  • Siiya taageero dhaqaale oo lagu bixiyo tababarada ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ee la bixiyo ka hor intaan ciidamada la geyn, kana caawiya in wadamada ciidamada geeya Soomaaliya ay geeyaan sharci yaqaano iyo lataliyayaal xaga jinsiga ah dhammaan guutooyinka qaran;
  • Taageer dadaalada ay AU-da ku dhisayso koox joogta ah oo ku hawl leh anshax suubinta hawlgallada nabad ilaalinta iyo AMISOM, ugu baaq in QM ay siiso taageero farsamo, sidii horayba loogu codsaday heshiiskii tiradiisu ahayd 2124 ee Golaha Ammaanka;
  • Taageer qeybta xuquuqul insaanka ee UNSOM si loo xaqiijiyo in la raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramaday;
  • Ku boori dawladda Soomaaliya iyo AMISOM inay xaqiijiyaan dhibanayaasha iyo dadka xogta bixiya, ama kuwa taageerada siinaya iyaga, oo soo gudbiya kiis ah ka faa’iidaysi iyo tacaddi galmo in aanay la kulmin aargoosi; si cad u cambaareeya aargoosiyada noocaa ah;
  • Taageer AMISOM iyo QM sidii loo sameyn lahaa qaab qarsoodi ah, badqab leh oo ashtakooyinka lagu soo gudbin karo iyo sameynta tallaabooyin lagu doonayo inlagu ilaaliyo laguna taageero dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada loona xaqiijiyo in meelo kale loo sii gudbin karo;
  • Taageer ururada udooda xuquuqda haweenka ee maxalliga ah ee taageera dhibanayaasha ku wax yeeloobay tacaddiyada galmada, oo kobci awoodooda si ay u bixiyaan taageero caafimaad iyo mid maskaxeed, haweenka iyo gabdhaha u sheeg xuquuqdooda, diyaari olole lagu bixinayo xogta ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ee ay dadku fahmi karaan, caawi dadka soo badbaaday oo ashtakooyinka keenay, kooxaha ka shaqeeya hawlahan sii taageero farsamo si lo yareeyo halista ay gali karaan;
  • Xaqiiji in heshiisyada soo socda ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu sii wadayo hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka mid ahaadaan qodobo ku saabsan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid yihiin:

= In AMISOM laga codsado inay xaqiijiso inay ku dhaqanto oo ay fuliso qorshaha QM ee ah “u dulqaadasho la’aanta” ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada oo ay si buuxdo ugu wargaliso xoghayaha guud horumarka laga gaaray arinkan;

= In lagu booriyo wadamada ciidamada geeya Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyin wax ku’ool ah oo ka hortag ah oo ay ka mid yihiin tababaro la bixiyo inta aan lageyn ka hor, iyo inay mas’uul ka yihiin dhaqan xumada noocaa ah oo ay shaqaalahooda ku kacaan.

Ku Socoto Dawladda Soomaaliya

  • Taageer qaab ay dakhli ku raadsadaan haweenka ku nool xeryaha waaweyn ee barakacayaasha, oo xaqiiji in qorshaha ay dawladda la damacsantahay barakacayaasha ku nool Muqdisho in aanu dhibaato u keenin haweenka iyo gabdhaha;
  • Taageer mashriicda lagu taageerayo haweenka ka badbaaday tacaddiyada ku salaysan jinsiga si ay dib ugu dhistaan noloshooda, iyadoo laga caawinayo inay helaan deegaan, shaqooyin, tababaro iyo inay wax ka dhigtaan dugsiyada;
  • Xaqiiji in dhibanayaasha iyo dadka xogta bixiya, ama kuwa taageerada siinaya iyaga, oo soo gudbiya kiis ah ka faa’iidaysi iyo tacaddi galmo in aanay la kulmin aargoosi;
  • Badal Qodobka 445 ee xeer ciqaabeedka Soomaaliya ee dambiga ka dhigaya “qof weliba oo sharmuutaysi sameeya” si loogu ogolaado haweenka sameeya galmada mucaamalada ah inay soo gudbiyaan tacaddiyada lagu sameeyo iyagoon sharciga ka baqeyn;
  • Tababar sii haweenka hogaamiyayaasha ka ah xeryaha barakacayaasha si ay wax uga qabtaan ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ka dhaca bulshada dhexdeeda si loo horumariyo in dadka ugu soo gudbiyaan kiisaska tacaddiyada qolyaha u xil saran;
  • Xaqiiji in adeegyada caafimaad iyo kuwo bulshada ay siinayaan haweenka iyo gabdhaha ka soo kabanaya ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada taageero xagga jismiga ah, mid maskaxeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid caafimaad; abuur goobo qarsoodi ah oo dadka loo sii gudbiyo iyo rugo caafimaad oo laga dhiso goobaha aadka halista u ah, sida xeryaha fogfog ee barakacayaasha, taasi waxay wax u tareysaa inay haweenka helaan adeegyo marka ay jiraan xaaladaha degdega ah;
  • Iyadoo la kaashanayo Qaramada Midoobay, xaqiiji in dhammaan isbitaalada magaalada Muqdisho la geeyo daawooyin si loola tacaalo daryeelka la sameeyo kufsiga ka dib si waafaqsan heerka Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO), loona xaqiijiyo in dhammaan rugaha caafimaadku ay leeyihiin nidaamyo looga jawaab celin karo tacaddiyada galmada, oo ay ka mid tahay aalada la isticmaalo kufsiga ka dib ee loo yaqaano (PEP). Dhammaan adeegyadu waa inay lahaadaan shaqaale tobabaran si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad iyo kuwo maskaxeed. Hadii aanay adeegyo jirin, goobaha caafimaadku waa inay leeyihiin nidaamyo sii gudbin ah oo wanaagsan si loo xaqiijiyo in dadka badbaaday ay helaan daryeel qarsoodi ah.

Ku Socoto Kooxda Dalka ee Qaramada Midoobay (UNCT) iyo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)

  • Xaqiiji goobaha QM ee ah ilaalinta ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada in la xoojiyo oo ay awood u yeelato inay bixiso qaab hufan, oo la gaari karo oo qarsoodi ah oo ashtakooyinka lagu gudbin karo oo ay helaan dadka ka badbaaday ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada ay u geysteen shaqaalaha AMISOM.

Ku Socoto Qeybta Xuquuqul Insaanka ee UNSOM

  • Ku dar baaritaanada iyo kormeerka ku tacaddiga xuquuqul insaanka ay sameeyaan shaqaalaha AMISOM dhammaan warbixinada xaalada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya;
  • Xaqiiji in si dhab ah loo raacay qorshaha ku dadaalida in la wanaajiyo xuquuqul insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid tahay in la sameeyo qaabab lagula tacaalayo ka faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada iyadoo la raacayo talooyinka kor ku xusan, xaqiiji inay AMISOM si dhab ah u raacdo oo dabagal in qaababkaas la fuliyay.

DegDeg News Agency (DNA).

E-mail: DegDegNews@gmail.com

HRW oo Ciidamada Shisheeye ku Eedeysay Iney Kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed.

31946598

Hey’adda sheegata iney u doodo xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ku eedeysay iney kufsi kula kacaan haweenka Soomaaliyeed.

War bixin ay soo saartay hey’addan oo cinwaan looga dhigay (Sida Raggani Ay Noogu Awood Sheegtaan) ayaa waxaa lagu sheegay in shisheeyuhu ay si joogto ah u geystaan xad gudubyo dhanka jinsiga la xiriira.

Waxay xusta in haweenka ugu badan ee la kufsadaahi yihiin kuwa shisheeyaha u raadsada dawooyinka iyo waxa lamidka ah ee la xiriira bani’aadanimada taasoo ay sheegtay iney ka wel-welsan tahay sida ay hadalka u dhigtay.

HRW ayaa madaxda ciidamada shisheeye ku eedeysay iney raali ka yihiin falalka gurracan ee ay ciidamadooda ku kacaan, walibana ay difaacaan.

War bixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada shisheeyaha ay heystaan rag Soomaali ah oo u fududeeya kufsiga dumarka walaalohood ah, kuwaasoo markey ugu yar tahay haweenka yimaada isbitaaladooda luqad ahaan uga dhaadhiciya waxa shisheeyuhu doonayaan.

Hey’adda ayaa sheegtay in ciidamada ugu badan ee dhibkan geystaahi yihiin Uganda iyo Burundi, laakin sida la og yahay waxaa kasii daran Itoobiya iyo Jabuuti kuwaasoo aan war baahinta u ogoleyn goobaha ay ka taliyaan.

Talika ciidamada shisheeye ayaa ka qeylo dhaamiyay war bixintan, waxaana iyagoo adeegsanaya afhayeenka Jabuutiyaanka ah ay war baahinta reer galbeedka ka sheegeen in arintaasi waxba kama jiraan tahay.

Dhacdooyin xanuun badan oo aaney ummada Soomaaliyeed hilmaami doonin ayey ciidamada shisheeyuhu geysteen, waxaana kamid ah falkii kufsiga ahaa ee ay maalin ciid ah kula keceen hooyo Soomaaliyeed oo ay ciidamada dowladda ugu geeyeen xerada Maslax taasoo markii ay kufsadeen kadib kusoo tuureen halkii ay markii hore ka qafaasheen.

Sannadkii lasoo dhaafay horaantiisii ayey ahayd markii toban gabdhood oo miir daboolmay lagu soo daadiyay xerada Xalane horteeda kuwaasoo daroogo la siiyay lana kufsaday.

31946645

Voice Of Somalia-Banaadir Post

QEYBTA KOWAAD-Wax ka ogow Qorshaha Dahsoon ee Kenya & Itoobiya ay ka Leeyihiin Somaliya

31761584

Waxaan la kulmay Lix Nin oo Saaxibadeey ah oo Jaad ama Qaad Cunaya Fadhiyana Qol aad u Qaboow waxaa Bar-Bar yiil Dhowr Baako oo Sigaar ah Nooca Sportsman, igama nixin saaxibadeey oo waxa ay ogaayeen in aanan weligeey Qaad cunin.waxa ay ka Doodayeen Dhibaatada Dowlada Kenya Waayahan ay ku heeyso Dadka Soomaalida ah ee halkaa ku nool.Waxaan Qiimeeynay Qaadka iyo Sigaarka Kenya ee Maalintaa ay Cunayeen kadibna waxaan Raadinay inta Canshuur ka soo gasho Dowlada kenya Qaadkaa na Horyaal iyo Mushaarka Maalinlaha ah ee Askariga kenyaanka ah uu Qaato oo aad u yar.

Waxaa noo soo baxday in Saaxibadeey Maalintaa ay bixiyeen Mushaarka 14 Askari oo kenyaan ah si ay u gutaan Amarka Dowladooda ee ah in lagu Xad Gudbo Soomaalida. Waxaan xisaabta ku darnay,khudaarta iyo Toban kun oo Hilib Digaag ah oo Qandaraaslayaal kenyaan ahi ka soo Dhoofiyaan Mombasa lana siiyo Ciidamada AMISOM.( Shabeelaha Hoose ayaa laga heli karaa Cadadkaa) waxaana Abuurmi lahaa Suuq Dooro ama Digaag Tacbasha ah. Dhinaca kalena Sanadkii hore ee 2013,kii waxaa Magaalada kismayo laga Raray 80 Maraakiib iyo Dooma ah oo Dhuxul sidda ,”Meeyd waxaa u dambeeyay ka la sii sido” ,Bishii March /2014 waxaa kismayo laga raray 19 Markab iyo Doon oo sida Dhuxul Wadartoodu ay Dhantahay 1.701.629 Loor, waxaana ka mid ahaa Maraakibta iyo Doonyaha qaaday: MSV-Al-Nasir, MSV-Moh-Salim, M/V LOLA 4, M/V-ROBA-Star, M/V-CECILA,M/V-ARKTOS, M/V-ROZEN iyo kuwa kale Badankoodana waxaa laga leeyahay Dalka Hindiya iyo Jaziirada Camoros , inta badan waxaa la geeyay Dhuxusha Magaalada Mombasa si dib loogu sii Dhoofiyo Wadamada Carabta Qaarna Kenya ayaa lagu isticmaalaa si Dhirtooda loogu Badbaadiyo.(( Tusaale Gaaban aan ku siiyo; waxaa la Jaraa Dhirta Dhaadheer Shimbiraha Qaar ayaa ku Dhala Dhulka, Qaarna Geedaha Gaaban ,Qaar kalena Dhirta Dhaadheer, markii ay Dhamaatay Dhirtii Dhaa-Dheereed lana gaaray xiligii Ukunta Shimbirihu Dhalayeen ,waxaa khasab noqotay in Shimbiruhu u hayaamaan Dhinaca keenya ,oo ay ku Dhalaan. Markii Ukuntu Dilaacday ee Shimbirihii yar yaraa Weeynaadeen . Shimbirihii waalidka ahaa waxa ay u soo noqdeen Dhinaca Soomaaliya,laakiin Caruurtii ugu dhalatay Dhirta Kenya wey soo raaci waayeen waxeeyna la Fal galeen Shimbira kale oo Kukuuyo Birds ah .)). Dhirta laga jaray Sanadkii hore Gobolada Jubooyinku waxa ay u Dhigantaa Guud ahaan Dhirta ku taal Laba Gobal oo ka mid ah Gobalada kale.
Waa Run in Dhibaato badan soo gaartay Dadka soomaalida ah ee ku nool Kenya waxaa la soo jeediyay ha isaga soo bexeen oo Dhulkooda ha ku soo noqdeen. Taasi waa Qorshaha Gaaban. Waxaa lagu eedeeyay Dowlada Soomaaliya in ayna wax ka qaban arrintaa. Su;aasha 1aad waxa ay tahay ma laga Dhageeysanaa ? Ninkii Dowlada Wasiiradeeda iyo Taliyaasheeda Ciidamada u diiday in ay Kismayo tagaan ma kaala tashanayaa waxa uu ka sameeynayo Nairobi.. Su’aasha 2aad. waxa eey tahay intaa ma loogu simayaa dadka la soo Tarxiilayo oo Soomaaliya Gudaheeda ma uga Bad-Baadayaan kenya?. Fiiri: Qorshaha Waqtiga Dheer.

31761740
Kenya waxa ay tiri: Ciidamada Soomalidu sooma dhaafi karaan Xuduuda Gobalka Shabeelada hoose ,Askarigii soo dhaafana waan Weerareeyna , wixii Baraawe koofur ka xiga anagaa naloo xil saaray .kenya yeey isku haleeynaa. Sannad ka badan ayeey ku Qaadatay in kismayo la soo gaarsiiyo Ciidamadeedu markii ay imaan waayeen.Su’aashu waxa ay tahay yaa soo gaarsiiyay?. Fiiri Cadeeymo iyo Qoraalo badan, waxaa soo gaarsiiyay Isreal iyo Franch.((((Kenyan army’s outstanding victory over Al Qaeda’s Somali Shabaab. Israeli advisers helped..DEBKAfile Exclusive Report October 1, 2012.Tags: Kenya Somalia Al Shabaab Al Qaeda Israel East Africa )))) Fearing the Shabaab was feigning defeat and lurking in the town’s alleys to strike back, Kenyan warships backed by the French Navy shelled suspected terrorist hide outs in Kismayo- Sunday. A Pan African voices for freedom and justice 07-31.2013

31761637 (1)

Dhinaca kale Hore ayaa looga Shiray Mustaqbalka Soomaaliya Fiiri: shirkii Ethiopia iyo Kenya. Issue 64120/11/2012 Ethiopia, Kenya agree to cooperate on security matters…Text of report in English by Ethiopian Ministry of Foreign Affairs website on 20 November 2012
Kenya and Ethiopia stated on Monday (19 November) that they would work closely together to promote peace and security in the region. The statements came at the technical meeting of the 34th Kenya- Ethiopia Joint Ministerial Commission (JMC) which opened in Nairobi, Kenya. Kenya’s attempt at establishing a satellite state remote controlled from Nairobi, and then it reeks of sheer opportunism. The lack of a clear withdrawal time-table from the outset provided a sort cart Blanche, but the danger with an open-ended intervention is the ever-lurking danger of mission creep.
Waxaa lagu Doodaayaa in la Badalo Xuduudaha Africa ,Wadamo hadda jirana waa la Baa,bi’nayaa (. Borders are likely to be remade out of a dire need to survive. Countries threatened with extinction). fiiri qoraalada CHARLES ONYANGO-OBBO Posted Sunday, December 18/ 2011..waxaa uu leeyahay waxaa si Nabad ah u kala Go’ay Ethiopea iyo Eriteria muda yar kadib Dagaal ayeey isku bedeshay,waxaa uu muujinayaa waxa kala Go’a in ay Laciif yihiin. Daraasad laga sameeyay sida uu noqon doono isbedelka xuduuduhu ayaa waxaa soo baxay (((For anyone interested in the future borders of what is sometimes called the Greater Horn of Eastern Africa (GHEA) – comprising Eritrea, Djibouti, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda and DR Congo – two studies are recommended. The first is a popular piece of work “Fluid Borders: Integration, Federation, and Fragmentation”, by the Society for International Development (SID) which was published in its journal Greater Horn of Eastern Africa Outlook (November 2010).))).

31761613 (1)

Nin kale oo ay ugu yeeraan Khabiir Dhinaca Xuduudaha ,ayaa ku Doodaya in Isticmaarku oo Dano Military ka fiiriiyay Xuduudaha ayna tahay in la bedelo. Wuxuuna ku bedelay kuwa kale. ((((The second was by one of Africa’s leading border experts, Wafula Okumu, who now works with the African Union’s Border Programme. His “Resources and borders disputes in Eastern Africa”, published in the July 2010 issue of the Journal of Eastern African Studies is a fascinating look at how Africa’s borders were made.

Okumu argues that contrary to the dominant view, not all colonial borders were arbitrarily drawn. There was a lot of logic to the madness. Colonial powers, according to Okumu, drew borders on the basis of some cold logic; to secure known mineral wealth, and to control rivers and lakes – one reason why natural features became border makers. Secondly, he argues, after the British were routed in the Second Anglo-Boer war, they studied the reasons for their defeat and reached the kind of conclusion African generals and politicians wouldn’t – they lost because of the poor quality and lack of detailed maps for the British military. They formed the Colonial Survey Committee to draw up maps of Africa – and the exercise was largely done by the military. “To the military, a map of features could be more important than a detailed and accurate demarcation of a boundary,” he writes. But one of the most eye-popping gems in the articles, is the citation that, “For all of Africa, only 200,000 square miles of territory had been surveyed in detail by 1914, when some 3.8 million square miles remained unexplored by Europeans.”))))) mid kale ayaa waxa uu talo ku soo jeediyay in la sameeyo, LUO State oo ka kooban qeeyb ka mid ah Uganda, Congo iyo South sudan iyo in Ruwanda laba loogu qeeybiyo HUTU iyo TUUTSI, dadka sida ay isku jinsi u yahiin ha in la isku Raaciyo arrintaa survey laga sameeyay dadka Kenya waa diideen marka laga reebo Soomaalida kenya iyo kuwa xeebaha dega,Tanzaniana waa Diideen marka laga Reebo Reer zinzibar,sida uu leeyahay. Cilmi baarahani wuxuu Taageerayaa feker mar uu qabay Madaxweeynaha Uganda oo ahaa Africa wixii isku jinsi ah ha is Raaceen ((There was a time when Uganda’s President Yoweri Museveni was wont to talk about an East and Central African mega state built on the basis of “Bantu commonality”.))).Fekerkaa ayaa na Anfacaya oo Soomaali Mideeyn lahaa haddii Aan ka Gadno Umadaha nala qabo.

Qeybtii koowaad ee Qormadan intaas ayaan ku hakiney La soco Walaal Qeybta Labaad ee Qoramadan ah Wax ka ogow Qorshaha Dahsoon ee Kenya & Itoobiya ay ka Leeyihiin Somaliya.

Qalinkii Prof: Yahya Sh. Caamir.

31761637

Voice Of Somalia-Banaadir Post