XOG LA HELAY:-Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

32300011

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta magaalada Muqdisho loogu geystay wariye ka howlgelayay warbaahinta madaxa banaan iyo macalim wax ka dhigayay jaamacadda Soomaaliya.

rRag hubeysan degmada Howl-wadaag dhawaac halis ugu gaystay  agaasimihii telefeshinka Somalichanel C/risaaq Black.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidan katirsan Nabad sugidda Dowladda Federaalka oo lasocday gaari kaarib ah ay rasaas ku fureen wariyaha iyo qof kale oo wada fadhiyay afaafka hore ee gurigiisa oo kuyaal Howl-wadaag waxaana ku dhacay illaa iyo 6 xabadood kuwaasi oo ka haleelay dhanka caloosha,feeraha iyo gacanta.

 Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

Saxafiga lagu beegsaday Muqdisho ayaa bilo ka hor wuxuu ku dhiiraday in uu wareysi ka qaado haweenay soomaaliyeed oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ku kufsadeen magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha AMISOM oo kaashanaya Nabad sugidda DF-ka ay go’aamiyeen in ladilo wariye walba oo isku daya in uu baahiyo codka haweenka lakufsado.

Inkastoo aysan jirin cid sheegata dilalka saxafiyiinta magaalada Muqdisho balse dhacdadan ayaa waxbadan ka duwan dhacdooyinkii hore waxayna kusoo aadday waqti saraakiisha ammaanka DF-ka ay amar kusiiyeen warbaahinta madaxa banaan in ay joojiyaan wararka mujaahidiinta soomaaliya islamarkaana ay dhan walba kala shaqeeyaan AMISOM iyo xulufadeeda iyadoona warbaahintii ka dhega adeygta wariyaasheeda godka jilacoow lagu gurayo madaxdeedana sida Black oo kale loo tooganayo.

Dhowr mar ayay saraakiisha Dowladda Federaalka ku eedeeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse kiiska ku saabsan weerarka C/risaaq Black iyo dil horay loogu geystay Saxafi C/salaam Xiis ayay caddaatay in DF-ka mas’uul ka tahay.

C/risaaq Black Wuxuu eersaday Wareysiga  Haweenay ay Kufsadeen Ciidamada AMISOM!!

GABAR SOMALIYEED OO MUQDISHO LAGU KUFSADAY 10 08 2013

https://voiceofsomalia.net/2013/08/10/video-laga-naxo-hooyo-soomaliyeed-oo-ciidanka-xassan-gurguurte-u-afduubeen-amisomwadarna-loo-kufsaday/

Voice Of  Somalia-Somali Leaks.

 

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

New report accuses AMISOM forces of rape & sexually abusing Somali women

10620829_564295833675846_7660849375027290398_n (1)

A newly released report by the Human Rights Watch brings to light shocking facts and horrifying cases of rape, sexual abuse and exploitations of Somali women and girls by AMISOM troops.

The 71-pages long report is based on various researches conducted by the Human Rights Watch group, including 21 interviews with rape, sexual abuse and exploitation victims.  It further documented 24 cases compromising of sexual abuse, exploitation and rape, 5 of which involved victims under the age18, with the youngest victim aged 12 at the time, who was allegedly raped by a Ugandan soldier on the outskirts of Baidoa in May 2013.

“Members of African Union (AU) forces, making use of Somali intermediaries, have employed a range of tactics to get private access to Somali women and then abuse them” the report said, outlining that AMISOM soldiers “used humanitarian assistance, provided by the mission, to coerce vulnerable women and girls into sexual activity”.

According to the Human Rights Watch report, all cases allegedly happened at the AMISOM Halane base camp and the base for the Burundian contingent at Mogadishu’s Dharkenley district, both which are manned by Ugandan and Burundi forces, despite this the fact that other AMISOM contributing countries may have perpetrated similar crimes can’t be ruled as the report focuses majorly on Mogadishu where the Burundian and Ugandan forces are predominant.

Harar24 contacted several alleged rape victims who declined to speak, except one who requested to remain anonymous. “This may come as a shock to many who have just found out about our ordeal, but we want people to know that this is a regular occurrence in Mogadishu” she said. Harar24 further contacted the administrations of some IDP camps, the administrations declined having anything to do with the cases or facilitating anything, but affirmed that some vulnerable and needy women may go outside the camp to seek aid at the AMISOM base, which leads to exploitation.

These revelations come to light at a time where the AMISOM forces have spread across Southern and Central Somalia amidst an ongoing offensive against Al-Shabaab, where locals are reportedly fearful and wary of any assistance or services offered by the AMISOM due to the believed grim outcomes of such offers.

HRW oo Ciidamada Shisheeye ku Eedeysay Iney Kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed.

31946598

Hey’adda sheegata iney u doodo xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ku eedeysay iney kufsi kula kacaan haweenka Soomaaliyeed.

War bixin ay soo saartay hey’addan oo cinwaan looga dhigay (Sida Raggani Ay Noogu Awood Sheegtaan) ayaa waxaa lagu sheegay in shisheeyuhu ay si joogto ah u geystaan xad gudubyo dhanka jinsiga la xiriira.

Waxay xusta in haweenka ugu badan ee la kufsadaahi yihiin kuwa shisheeyaha u raadsada dawooyinka iyo waxa lamidka ah ee la xiriira bani’aadanimada taasoo ay sheegtay iney ka wel-welsan tahay sida ay hadalka u dhigtay.

HRW ayaa madaxda ciidamada shisheeye ku eedeysay iney raali ka yihiin falalka gurracan ee ay ciidamadooda ku kacaan, walibana ay difaacaan.

War bixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada shisheeyaha ay heystaan rag Soomaali ah oo u fududeeya kufsiga dumarka walaalohood ah, kuwaasoo markey ugu yar tahay haweenka yimaada isbitaaladooda luqad ahaan uga dhaadhiciya waxa shisheeyuhu doonayaan.

Hey’adda ayaa sheegtay in ciidamada ugu badan ee dhibkan geystaahi yihiin Uganda iyo Burundi, laakin sida la og yahay waxaa kasii daran Itoobiya iyo Jabuuti kuwaasoo aan war baahinta u ogoleyn goobaha ay ka taliyaan.

Talika ciidamada shisheeye ayaa ka qeylo dhaamiyay war bixintan, waxaana iyagoo adeegsanaya afhayeenka Jabuutiyaanka ah ay war baahinta reer galbeedka ka sheegeen in arintaasi waxba kama jiraan tahay.

Dhacdooyin xanuun badan oo aaney ummada Soomaaliyeed hilmaami doonin ayey ciidamada shisheeyuhu geysteen, waxaana kamid ah falkii kufsiga ahaa ee ay maalin ciid ah kula keceen hooyo Soomaaliyeed oo ay ciidamada dowladda ugu geeyeen xerada Maslax taasoo markii ay kufsadeen kadib kusoo tuureen halkii ay markii hore ka qafaasheen.

Sannadkii lasoo dhaafay horaantiisii ayey ahayd markii toban gabdhood oo miir daboolmay lagu soo daadiyay xerada Xalane horteeda kuwaasoo daroogo la siiyay lana kufsaday.

31946645

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Yaa Raba inow dilo Dr.Xaashi Dhiblaawe.

31734835

Mid kamida dhaqaatiirta caanka ah ee ka howlgala xarumaha caafimaadka gobolka Banaadir ayaa xalay ka badbaaday isku day dil oo ay ladamceen maleeshiyaadka Nabad sugidda loogu yeero.

Dr.ka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in isagoo maraya wadada dabka ay rasaas labeegsadeen ciidanka wajiyada duuban ee DF-ka islamarkaana waxyeello xooggan gaartay gaarigii uu watay.

Ciidamada BS-ta ayaa horey u dilay wiil la dhashay Dr Xaashi Dhib-laawe Siyaad iyadoo askarigii walaalkii dilay xabsiga lagu xiray intaa kadibna aanan wax tallaabo ah laga qaadin.

Ciidamadan ayaa aad usii laba jibaaray beegsiga dadka wax galka u ah wadanka tan iyo markii wasiirka amniga loo magacaabay ninka lagu magacaabo Khaliif Ereg.

https://www.youtube.com/watch?v=qQrh81gAEYs

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO:-Dambiyadii uu dalka ka galay General Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax

31483357

Waa barnaamij uu TV-ga CBS ee Canada sii daayey 7-dii October 1992, oo ka hadlaya uu dambiyadii Somalia ka gaystay taliyaha cusub ee booliiska Muqdisho  General Maxamed Xasan ismaaciil Faarax.

Source: CBS Canada

31493242

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-DOWLADA FEDERAALKA AH oo Sheegtay inay Lacag aad u Badan ay ka Hesho Ehelada Dadka laga Raafo Muqdisho.

Image

Xaashi Cilmi Nuur oo ah gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay iney sannad walba ay soo xareeyaan dhaqaale aad u badan oo ay ka qaadaan ehelada dadka laga raafo magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu goob joog ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Wasiirka G/dhigga oo Sheegay in Askar iyo Saraakiil Dowlada ka tirsan ay Dibadda u baxsadaan marka tababar loodiro.

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga DF-ka ayaa markale xaqiijisay in askar iyo saraakiil badan ay iska dhiibaan wadamada dibada marka tababarro loogu qaado.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa xildhibaanada baarlamaanka ka hor sheegay in tababar ay saraakiil ugu diri lahaayeen dalalka Yurub ay joojiyeen sababa laxariira cabsi ay ka qabaan in saraakiishaasi isku dhiibaan wadamada Yurub iyagoo ka baxsanaya shaqada loo diray.

DF-ka ayaa gacanta ku heysa kumanaan maleeshiyaad mooryaan ah kuwaasi oo lacago baad ah ka qaada gaadiidka dadweynaha,maleeshiyaadkaasi malahan heybad ciidan marka laga reebo in shisheeyaha soo duulay ay ku wehliyaan duullaanada lagu qaado degmooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice  Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:- Xassan Sheekh“Amni darrada waxaa sabab u ah Beeso la’aan”

Image

Madaxweynaha dowladda ayaa qiray amni darrada heysata nidaamkiisa iyo ciidamada shisheeye isagoo arimo dhowr ah u sababeeyay fashilka jira.

Marka kowaad wuxuu sheegay in beesha caalamka ay amreen iney wada hawl galaan ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye oo aan isku tayo ahayn, isku qalab iyo isku waaya aragnimo ahayn oo kala sareeya.

Tan labaad wuxuu ku sheegay duruuf dhaqaale oo heysata dowladdiisa taasna ay keeneyso in lagu fashilmo amniga maadaama aanan ciidamada la siin karin xuquuqdooda, loo heli karin qalabkii ay ku hawl gali lahaayeen iyo gaadiidka intaba.

“Caqabadaha jiro oo hey’adeheena amniga heysto waa garaneysaan, dhaqaalo darri, wax walba dhaqaaley ka ratibmaan, qalab  haddaad rabto waa inaad beeso haaysataa, tababar haddaad rabto inaad gashid waa inaad beeso haaysataa, caafimaadka askariga haddaad rabtid inaad sugtid waa inaad beeso haaysataa” ayuu yiri Xassan Sheekh madaxweynaha dowladda.

Voice Of Saomalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Cali Xaashi: “Boqolaal Kun ayuu Xasan Sheekh Ku Kharash Gareeyay 12 April Xilli ay Ciidamadu ku Dagaalamayaan Isbaarooyinka”

Image

Waxaa  Muqdisho lagu qabtay xaflad loogu dabaal dagayay 12 April taasoo ay ka qeyb galeen ciidamo aan badneyn oo Soomaali ah, saraakiil iyo ciidamo shisheeye ah.

 

Xassan Sheekh ayaa xafladahaasi ku bixiyay kharash aad u badan, waxaana arintan ka hadlay Cali Xaashi Axmad Ugaas oo kamid ah ciidankii kumaandooska Soomaaliyeed haddana oday dhaqameed u xuub siibtay.

Cali Xaashi ayaa sheegay in madaxweynuhu ku khaldan yahay inuu boqolaal kun oo doolar ku bixiyo xaflad loogu xoolo qalay dad ajaanib u badan, xilli ciidamadu ay baahi darteed ku dagaalamayaan lacagaha isbaarada ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.

 HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Amiin Maxamed ”Wax La yiraahdo Ciidan Xoog ma dhisna waa Mooryaan la isku Keenay”

Image

Xili shalay ay ku beegnayd aas aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo kasoo wareegatay 54 sanno ayaa aqooyahan wuxuu ka hadlay farqigii udhaxeeyay ciidankii Hore iyo kuwa Hadda ushaqeeya Dowladda Xasan Sheekh.

Habka dhaqanka,Tababarka,Wadaniyada ayuu sheegay inay ku kala duwan yihiin Ciidankii hore iyo kuwa Hadda Jira.

Wuxuu Tilmaamay in Ciidanka hadda shaqeeya lagu carbiyo in cadowgooda kaliya yahay shabaab islamarkaana walaalo ay uyihiin ciidamada shisheeyaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in ciidanka hadda jira Fikir dagaal iyo ra’yi aysan umadax banaaneyn oo aanan ciidan lagu tilmaami karin.

Ciidamadii Hore ayuu sheegay inay tababari jireen saraakiisha Ciidanka Soomaaliya laakin kuwa hadda laga war helo oo kaliya iyagoo diyaarad lago keenay oo wadamo kale lagu soo tababarayo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-C/qaadir Siidii : ” Alshabaab weerarro habeen iyo maalin ah ayay kusoo qaadaan degmada Qoryooley”.

Image

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ee Dowladda Fedraalka C/qaadir Nuur Siidii ayaa tilmaamay in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay weerarro habeen iyo maalin ah kusoo qaadaan degmada Qoryooley.

 

Siidi waxa uu sheegay in dagaallo adag ay kala kulmeen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab markii Ciidanka Afrikaanka ah iyo Maleeshiyadka Soomaalida ee la socda ay qabsanayeen degmada Qoryooley.

 

” Alshabaab sidan ay degmada Qoryooley ugu dagaallmeen meel ay ugu dagaallameen ma jirto, ma naqaano waxay halkan ku arkeen oo looga celin la’yahay” ayuu yiri Siidii oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Dowladda Ingiriiska.

Voice Of Somalia-Banaador Post

DHAGEYSO:-Xildhibaan Dhalxa”in ka badan Lix Kun oo Shaqaale Ajaaniib ah iyo Shirkado ayaa sharci darro ku jooga Muqdisho”

Image

Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Muqdisho ayaa idaacadda Alfurqaan usheegay in sanadkaan ay la xisaab tamayaan xukuumada Cabdiwali.

Prof Dalxa ayaa sheegay in Soomaalida oo shaqo la’aan heysata hadana shirkadaha ka howlgala Muqdisho ay shaqaale ka keysanayaan dalka Dibadiisa isagoo tusaale usoo qaatay shirkadaha ka howlgal garoonka iyo dekada Muqdisho.

 

Maxamed Cumar dhalxa ayaa sheegay in la marin habaabiyay ujeedada laga lahaa maamul gobaleedyada iyo habka federaalka dowlada qaadatay.

 

Wuxuu fajac ku tilmaamay dhowr maamul gobaleed la dhisay inuu kusoo darsaday shabeelaha hoose oo dano dhaqaale ku tilmaamay.

FADLAN HOOS KA DHAGEYSO!

Voice Of Somalia-Banaaadir Post

MUQDISHO:-Maleeshiyaadkii Dowladda ee Shaqada laga ceyriyay oo dhac baahsan ka wada Muqdisho.

Image

Wixii ka dambeeyay markii saraakiisha dhanka ciidanka ee kooxda Villa Somalia  shaqadii ka ceyriyeen inkabdan 700 saraakiil iyo askar isugu jirta waxaa magaalada Muqdisho si aad ah ugu sooo badanayay dhaca  iyo dhibaatada Maleeshiyaadku  ka geysanayaan xaafada badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Maleeshiyo Beeleedka   shaqada laga ceyriyay waxey bilaabeen iney hubkooda lasoo galaan xaafadaha magaalada Muqdisho iyagoona dhac joogta ah kula dhaqaaqa shacabka Muslimka ee ku dhaqan gudaha gobolka  Banaadir iyagoona dadka qaar ugu hanjaba iney dilayaan hadii aysan lacagta baada ah dhiibin.

Mid kamid ah shacabka Muqdisho waxa  uu sheegay  iney mudooyinkii dambe dhibaatooyin xoogan kala kulmayeen maleshiyaadkii  Villa Somalia ay  ceyriyeen wuxuuna uu xusay in dhibaatada ugu xoogan  geystaan’ waxaana uu intaasi ku daray in maleeshiyadkaasi dadka qaar dhac ugu geystaan suuqyada  degmooyinkaasi sidoo kalane xiliyada qaar maleeshiyaadku rasaas ku furaan gaadiidka dadweynaha si rakaabka saaaran lacag baad ah kaga qaataan.

Dhawaan ayeey aheed markii saraakiisha ugu sareeysa kooxda Villa Somalia oo ah Qurbajoog  shaqada ka ceyriyiin saraakiil iyo askar fara badan basle boqolaalka la ceyriyay waxey shaqa ka dhigteen in dareyska iyo hubkooda lasoo galaan xaafadaha Muqdisho oo dhac joogta ah durbadiiba ay ka bilaabeen.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Xagaleey”Amisom iyo Alpha Group Looma Qabsado Tacadiyada shacabka ugaystaan”

Image

Cabdullaahi Cali Xagaleey ayaa wareysigiisa ku sheegay in Ciidamada Amisom iyo Alpha Group aanan lagula xisaab tami karin tacadiyada ay ugaystaan shacabka Soomaaliyeed isagoo tusaale cad soo qaatay.

Xagaleey  ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadii gaari kuwa Amisom ka tirsan uu ku jiiray Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Saalax.

Xagaleey ayaa tibaaxay in Amisom horay dhacdooyin kala duwan ugaysatay shacab Soomaaliyeed islamarkaana aysan jirin cid kula xisaabtantay ficilada ay gaysteen.

Wuxuu sheegay in dhacdo kasta oo ay gaystaan shisheeyaha Amisom shacabka lagu dajiyo inay baarayaan wixii dhacay dibna aan loo sii raacan wixii dhacay.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Cashaay Dhaladbaanahoo Cirka Noo Jira Cabaar.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO-Arin Naxdin Leh oo ka Dhacday Muqdisho!!

Image

Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay arin naxdin leh, taasoo ah laba nin oo is guursatay.

Goobjooge daris la ah guriga uu deggan yahay ninka la kaxaystay ayaa sheegay in maalintii dorraad ay dhacday xaflad aad loo waardiyeynayay oo ay isugu yimaadeen afartan nin oo kamid ah dadka dibadaha”Qurbajoog” kusoo hallaabay ee sameeya dhaqamada liwaadka.

Goob jooguhu wuxuu sheegay in raggan ay u dabaal dagayeen ninka la guursaday oo caan ka ah degmada Shibis, wuxuu sheegay in arintan ay fajiciso ku noqotay dadka deegaanka iyo ehelada ninka la leeyahay waa la guursaday.

“Dhagxaan ayaa lagu weeraray guriga ay xafladda ka dhacaysay, kadibna ciidamo BS ah oo waardiyeynayay ayaa xabsiga u dhaadhiciyay dadka weerarka geystay” ayuu yiri: goob jooge lahga yaabshay.

Baarlamaanka Uganda ayaa sannadkii lasoo dhaafay ansixiyay in raggoodu is guursan karaan, waxaana aad usoo dhaweeyay tallaabadaas xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federalka ah oo uu ku jiro Daahir Amiin Jeesow.

Daahir ayaa il baxnimo iyo horumar ku tilmaamay dhaqanka Liwaadka isagoo sheegay in arintan ay tahay mid ka dhiman wali Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO SAWIRDA:-Ciidamada Amisom oo qof rayid ah Gaari ku jiirsiiyay Muqdisho.

 29730517

Ciidamada Shisheeye ee Amisom ayaa qof rayid ah gaari ku jiirsiiyay Jidka Makka Almukamara ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay arrintaas rabashado ka dhasheen.

Qofka rayidka ah ee gaariga ay  jiirsiiyeen Ciidamada Shisheeye ee Amisom ayaa ahaa Nin Taksiile ah, iyadoo marka ay jiireen ay horey uga sii socdeen sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

Boqollaal ruux oo ka careysan falka ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Shisheeye ayaa dibadbax ka dhigay Waddada Maka Almukarama, iyagoo dhagaxaan ku gooyay Jidka, kuna dhawaaqayay ereryo ka dhan joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka.

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-8409b1992f.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-0039cad674.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-3e2dcf1af5.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-3644c83dc6.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-cca5d4b082.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-0894367932.jpg

https://i0.wp.com/www.wata.cc/up/2014/01/images/w-230fd17152.jpg

voice Of Somalia-Banaadir Post

REPORT:Increase of sexual violence against Somali Women by AMISOM and Government forces last year

Image

It has surfaced that the Somali government last year failed to address the human rights crisis in the country affecting thousands of women, created a culture of impunity for alleged rapist who are government employees and instilled fear in the minds of victims so as not the report the crimes according to Human Rights Watch report that came out earlier this week.

The 660 page report compiled by Human rights watch group said that last year in Somalia woman and girls faced great deal of sexual violence and harassment from individuals affiliated with the Somali Federal Government.

“Women and girls face alarming levels of sexual violence throughout the country” said the report.

The report also accused Government soldiers of committing sexual violence against internally displaced women and girls camps based in and around Mogadishu.

The report further mentioned that sexual exploitations and abuse by AMISOM troops increased during the last year.

“In August, a woman alleged that she was abducted by soldiers and then transferred to AMISOM soldiers who raped her” said the report.

“The alleged victim and witnesses were intimidated by government intelligence agents during the investigation” added the report.

Several rape cases in Somalia have been highlighted and managed to catch the attention of the international community, yet despite the worldwide attention the Somali government managed to somehow dismiss some cases or in some cases even purport the victims as criminals.

What is equally worrying is that these incidents could be rightfully called the tip of the iceberg, as thousands of other rape cases go unnoticed.

29680879

Voice Of Somalia-Banaadir Post.