JUBBADA HOOSE:-Waa Sidee Saaka Xaalada Kudhaa.? Yaa Gacanta Ku Haya.? Mana Dhab-baa in La arkay Maydad Hor Leh.

32528471

Jaziirada Kudhaa oo  lagu hardamay  wey degantahay, waxaana deegaanka ku sugan oo difaacyo adag ka sameystay dagaal yahano katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Maleeshiyaadka  Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Kudhaa oo shalay qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Markab dagaal oo laga leeyahay Kenya ayaa lagu arkayaa xeebta Kudhaa kaasi oo xiliyada qaar soo ridaya qoriga lidka diyaaradaha oo markabka ku xiran.

isgaarsiinta Kudhaa ayaa jaran waxaana wararka deegaanka ku helnay qadka helo helo loo yaqaan ee taarka.

“Calanka madow ee uu ku dhex qoranyahay kalimada towxiid ayaa ii muuqdaayuu sabaax ku yiri nin kamid ah dadka deegaanka oo diiday magac ahaan inaan xigano

Afhayeenka Ciidamada shabaabul mujaahidiin Abuu Muscab oo wareysi siiyay idaacadda afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Kudhaa gacantooda ay ku jirto islamarkaana  dagaalkii shalay ku dileen 64 askri

Dhanka kale maydadka askari oo katirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo  ay soo tuftay badda ayaa saaka lagu arkay kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasaya maydadka askar badan oo yaala agagaarka saldhiga Kudhaa kuwaasi oo 20 askari ku dhaw.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks

XOG LA HELAY:-Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

32300011

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta magaalada Muqdisho loogu geystay wariye ka howlgelayay warbaahinta madaxa banaan iyo macalim wax ka dhigayay jaamacadda Soomaaliya.

rRag hubeysan degmada Howl-wadaag dhawaac halis ugu gaystay  agaasimihii telefeshinka Somalichanel C/risaaq Black.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidan katirsan Nabad sugidda Dowladda Federaalka oo lasocday gaari kaarib ah ay rasaas ku fureen wariyaha iyo qof kale oo wada fadhiyay afaafka hore ee gurigiisa oo kuyaal Howl-wadaag waxaana ku dhacay illaa iyo 6 xabadood kuwaasi oo ka haleelay dhanka caloosha,feeraha iyo gacanta.

 Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

Saxafiga lagu beegsaday Muqdisho ayaa bilo ka hor wuxuu ku dhiiraday in uu wareysi ka qaado haweenay soomaaliyeed oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ku kufsadeen magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha AMISOM oo kaashanaya Nabad sugidda DF-ka ay go’aamiyeen in ladilo wariye walba oo isku daya in uu baahiyo codka haweenka lakufsado.

Inkastoo aysan jirin cid sheegata dilalka saxafiyiinta magaalada Muqdisho balse dhacdadan ayaa waxbadan ka duwan dhacdooyinkii hore waxayna kusoo aadday waqti saraakiisha ammaanka DF-ka ay amar kusiiyeen warbaahinta madaxa banaan in ay joojiyaan wararka mujaahidiinta soomaaliya islamarkaana ay dhan walba kala shaqeeyaan AMISOM iyo xulufadeeda iyadoona warbaahintii ka dhega adeygta wariyaasheeda godka jilacoow lagu gurayo madaxdeedana sida Black oo kale loo tooganayo.

Dhowr mar ayay saraakiisha Dowladda Federaalka ku eedeeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse kiiska ku saabsan weerarka C/risaaq Black iyo dil horay loogu geystay Saxafi C/salaam Xiis ayay caddaatay in DF-ka mas’uul ka tahay.

C/risaaq Black Wuxuu eersaday Wareysiga  Haweenay ay Kufsadeen Ciidamada AMISOM!!

GABAR SOMALIYEED OO MUQDISHO LAGU KUFSADAY 10 08 2013

https://voiceofsomalia.net/2013/08/10/video-laga-naxo-hooyo-soomaliyeed-oo-ciidanka-xassan-gurguurte-u-afduubeen-amisomwadarna-loo-kufsaday/

Voice Of  Somalia-Somali Leaks.

 

BARAAWE:-Diyaarad Siday Xasan Sheekh oo si dirqi ah ku Badbaaday

32283648

Ilo wareedyo ku sugan degmada Baraawe ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in tiro madaafiic ah lala beegsaday diyaarad siday madaxweynaha dowladda federaalka oo dooneysay iney ka degto garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.

Diyaarada siday Xasan Sheekh ayaa si dirqi ah kaga badbaaday madaafiicda ka dhacda Lidka diyaaradaha oo XSHM ,Qalqal xoogan oo soo wajahay diyaaradda waxey u carartay dhanka Badda waxeyna ugu dambeyntii ku degtay fagaaraha Tabuuk’waxaana sidoo kale qalqal iyo cabsi xoogan soo wajahday   Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday.

Waxaa iska cad in aan waxba  in guushii ay sheegteen amisom iyo Maleeshiyo beeleedka Dowladda ay tahay mid aan dhamaystireen maadama aysan waxba ka qaban karin weerada ka yimaada XSHM,waxaa kale oo la wada ogyahay inaysan soo qaban hal wiil iyo qorigiisa,taaso ah guuldarada haysa kuwa soo duulay.

 

 

Wixii ka soo kordha la soco.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

New report accuses AMISOM forces of rape & sexually abusing Somali women

10620829_564295833675846_7660849375027290398_n (1)

A newly released report by the Human Rights Watch brings to light shocking facts and horrifying cases of rape, sexual abuse and exploitations of Somali women and girls by AMISOM troops.

The 71-pages long report is based on various researches conducted by the Human Rights Watch group, including 21 interviews with rape, sexual abuse and exploitation victims.  It further documented 24 cases compromising of sexual abuse, exploitation and rape, 5 of which involved victims under the age18, with the youngest victim aged 12 at the time, who was allegedly raped by a Ugandan soldier on the outskirts of Baidoa in May 2013.

“Members of African Union (AU) forces, making use of Somali intermediaries, have employed a range of tactics to get private access to Somali women and then abuse them” the report said, outlining that AMISOM soldiers “used humanitarian assistance, provided by the mission, to coerce vulnerable women and girls into sexual activity”.

According to the Human Rights Watch report, all cases allegedly happened at the AMISOM Halane base camp and the base for the Burundian contingent at Mogadishu’s Dharkenley district, both which are manned by Ugandan and Burundi forces, despite this the fact that other AMISOM contributing countries may have perpetrated similar crimes can’t be ruled as the report focuses majorly on Mogadishu where the Burundian and Ugandan forces are predominant.

Harar24 contacted several alleged rape victims who declined to speak, except one who requested to remain anonymous. “This may come as a shock to many who have just found out about our ordeal, but we want people to know that this is a regular occurrence in Mogadishu” she said. Harar24 further contacted the administrations of some IDP camps, the administrations declined having anything to do with the cases or facilitating anything, but affirmed that some vulnerable and needy women may go outside the camp to seek aid at the AMISOM base, which leads to exploitation.

These revelations come to light at a time where the AMISOM forces have spread across Southern and Central Somalia amidst an ongoing offensive against Al-Shabaab, where locals are reportedly fearful and wary of any assistance or services offered by the AMISOM due to the believed grim outcomes of such offers.

HRW oo Ciidamada Shisheeye ku Eedeysay Iney Kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed.

31946598

Hey’adda sheegata iney u doodo xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ku eedeysay iney kufsi kula kacaan haweenka Soomaaliyeed.

War bixin ay soo saartay hey’addan oo cinwaan looga dhigay (Sida Raggani Ay Noogu Awood Sheegtaan) ayaa waxaa lagu sheegay in shisheeyuhu ay si joogto ah u geystaan xad gudubyo dhanka jinsiga la xiriira.

Waxay xusta in haweenka ugu badan ee la kufsadaahi yihiin kuwa shisheeyaha u raadsada dawooyinka iyo waxa lamidka ah ee la xiriira bani’aadanimada taasoo ay sheegtay iney ka wel-welsan tahay sida ay hadalka u dhigtay.

HRW ayaa madaxda ciidamada shisheeye ku eedeysay iney raali ka yihiin falalka gurracan ee ay ciidamadooda ku kacaan, walibana ay difaacaan.

War bixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada shisheeyaha ay heystaan rag Soomaali ah oo u fududeeya kufsiga dumarka walaalohood ah, kuwaasoo markey ugu yar tahay haweenka yimaada isbitaaladooda luqad ahaan uga dhaadhiciya waxa shisheeyuhu doonayaan.

Hey’adda ayaa sheegtay in ciidamada ugu badan ee dhibkan geystaahi yihiin Uganda iyo Burundi, laakin sida la og yahay waxaa kasii daran Itoobiya iyo Jabuuti kuwaasoo aan war baahinta u ogoleyn goobaha ay ka taliyaan.

Talika ciidamada shisheeye ayaa ka qeylo dhaamiyay war bixintan, waxaana iyagoo adeegsanaya afhayeenka Jabuutiyaanka ah ay war baahinta reer galbeedka ka sheegeen in arintaasi waxba kama jiraan tahay.

Dhacdooyin xanuun badan oo aaney ummada Soomaaliyeed hilmaami doonin ayey ciidamada shisheeyuhu geysteen, waxaana kamid ah falkii kufsiga ahaa ee ay maalin ciid ah kula keceen hooyo Soomaaliyeed oo ay ciidamada dowladda ugu geeyeen xerada Maslax taasoo markii ay kufsadeen kadib kusoo tuureen halkii ay markii hore ka qafaasheen.

Sannadkii lasoo dhaafay horaantiisii ayey ahayd markii toban gabdhood oo miir daboolmay lagu soo daadiyay xerada Xalane horteeda kuwaasoo daroogo la siiyay lana kufsaday.

31946645

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Idaacadaha KULMIYE iyo SIMBA ee Muqdisho oo Maanta Albaabda la isugu dhuftay iyo Guure oo Godka Jilicow la galshay.

10593044_563997917037448_8394943390874127793_n

Khaliif Ereg oo ku magacaaban wasiirka arrimaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa isku dayaya in uu afka qabto saxaafadda kadib markii uu ku fashilmay sugidda ammaanka Muqdisho.

Idaacadaha Shabelle iyo SKY News ayaa muddo ka badan bil albaabadu u xiranyihiin iyadoona wariyaal iyo mas’uuliyiintii idaacadahaasi xabsiga Godka Jilacoow ku xiranyihiin.

Go’aan isbuucii lasoo dhaafay kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda isku magacaawday ayaa amar lagusiiyay saxxaafadda madaxa banaan in aysan baahin karin codka mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin tallaabadaasi oo ay ka caga jiideen intabadan warbaahinta madaxa banaan.

 

Idaacadda Simba oo xalay baahisay kalimad uu jeediyay Sheekh Cali dheere ayaa albaaba loo laabay,mid kamida howlwadeenada idaacadda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wajiyad soo xirtay ay gudaha ugaleen idaacadda ayna amar ku bixiyeen in hawada laga saaro FM-ta.

Sidoo kale idaacad xarunteedu tahay guriga hooyooyinka ayay xireen ciidamada Naba sugidda waloow aan la ogeyn inta ay idaacadaasi sii xirnaan karto.

Radio Kulmiye ayaa albaabada loo laabay iyadoona maamulkii idaacadda  Abwaan Guure ayaa lagu  riday  xabsiga Godka Jilacoow,magaalada Muqdisho waxaa ka socda caburis kii ugu darnaa abid oo ay la kulanto saxaafadda Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

ALJAZEERA VIDEO:-Can Somalia disarm its militias?

After years of civil war and weak government, the country is awash with weapons.

31812218

Earlier this month, the Somali government announced a campaign to rid the country of illegal weapons. Politicians say it will be a major step to bring peace to a nation torn apart by years of civil strife and lawlessness.

Weapons are everywhere in Somalia. They are in the hands of the militia and warlords. As well as civilians who are estimated to own up to 500,000 small arms.

That is considered a consequence of the country’s insecurity. And the government will have to convince Somalis it’s capable of providing security, before it can ask them to disarm.

So, is the Somali government going about disarming its people the right way?

Presenter: Sami Zeidan

Jamal Osman – a journalist with the UK’s Channel 4.

Abdi Aynte – the director of the Heritage Institute for Policy Studies, Mogadishu.

Ridwaan Haji Abdiwali – Somali government spokesman and communications advisor to the prime minister.

 

10593044_563997917037448_8394943390874127793_n

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Ganacsigii Suuqa Bakaaro oo Xiran iyo Dibad baxyo xoogan oo hada socda,kadib Lacago Baad ah oo DF dul dhigay.

31803703

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay dibad baxyo ay uga cabanayaan khal khal dhanka ammaanka ah oo maalmihii lasoo dhaafay uga imaanayay maleeshiyaadka dowladda Xasan Sheekh.

Kumanaan kamid ah ganacsatada danyarta ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka Suuqa waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah DF-ka.

Suuqa qeybaha dharka,Kabaha,Badarka iyo waratada ayaa ah meesha ugu daran ee dibad baxyadu ka dhaceen waxaana la arkayay ganacsatada oo banaanka ka taagan goobahooda ganacsiga.

Maleeshiyaad  katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa suuqa dhax wareegayay iyagoo ganacsatada ku amrayay in ay bixiyaan lacago canshuur lagu sheegay balse ganacsatadu ku micneeyeen “Baad shaati dowladeed loo geliyay”.

Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa ayaa caan ku ah dhibaataynta shacabka waxaana xusid mudan iyo waddooyinka muhiimka ah ee gudaha Muqdisho iyo kuwa ka baxa ay isbaarooyin u daadsanyihiin ciidanka DF-ka.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Aaway Sharaftii Ciidanka Soomaaliyeed

31775006

Bahdil ka weyn miyaa jira adigoo dalkaga hooyo ku sugan sidaan ha lagu galo
, Marna ma aha wax la aqbali karo in ciidanka sharafta leh ee Soomaaliyeed oo ah kuwa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ku seexdan in sidaan qaldan loogu hor bahdilo shacabkooda hortooda…. tani waa sharaf dhac iyo karaamo darro halkii ugu hooseysay marnana ma aqbali karaan shacabka Soomaaliyeed taaas

Ciidanka Soomaaliyeed waa kuwa u shacabkiisu ku seexdo ee ma aha kuwa shacabkiisa hortooda Askaari ajnabi ah oo wadanka ku yimid nabad ilaalin iyo xaqdhowrid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u awood ka baxsan tiisa u isticmaalo ilaa heer u ciidankeeni sharafta laha ku hor bahdilo shacabkooda hortiisa 

Ciidanka Soomaaliya waa nabad dhowrayaal iyo Astaan u taagan Soomaaliya oo nabad ah, ee ma aha kuwa iyagoo aan mushahar ku filan qaadan weliba sidaan loo bahdilo laguna ciyaaro sharaftii iyo karaamadii aay shacabka ka hor lahayeen… maanta askaariga Soomaaliga ee qoraxda u taagan difaaca iyo nabadgelyada dalkiisa ma istaahilo tani in lagu suubiyo marna… 

Askaariga Amisom waa mid dhereg iyo har qabow ku qaata lacag aad u tiro badan, inuu dhibaato iyo ceebeyn ku suubiyo askarigii hor taagna… Ogow ma jiro askaari Amisom ah oo banaan hor oo xafiis fadhiya ee waa qasab inu askaari Soomaaliyeed ka hormaro sii ammaanka u ilaaliyo

Ciidanka Geesiyaalka ah ee Saburka iyo Adkeysiga badan ma aha kuwa maanta inaga mudan inaan u gacangelino cadowgan Amisom ee aad u jeedan ficiladiisa gurucan ee u suubin

Dowladda Soomaaliya, Iyo Taliska guud ee ciidanka qaranku waa inu masuuliyad iska saara ciidanka Soomaaliyeed ee baahida iyo gaajada ugu adeegin shacabkooda dhibaateysan 

Ciidankii Booliska Soomaaliyeed ee sharafta iyo karaamada bulshada ku laha ee lagu seexan jiray in maanta sidaan askari wadanka dibada uga yimid ku suubiyo ma aha wax u wanaagsan indhaha iyo dareenka waddaniga Soomaaliyeed

Nasiib darro waa inaan maanta aragno askaari Soomaaliyeed oo laga wardiyeyn isagii dalkiisa halkii u isagu wardiyeysan laha…. taasina waa sharaf dhac halkii ugu xuma ee aan la kulano

Waxan rajeyn isbedel degdeg ah iyo raaligelin la siiyo ciidankeena sharafta leh. 

Guul Iyo Nabad
Soomaaliya

Yusufcali@outlook.com 

31775557

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Aadan Sune”Ficilada ay geystaan Ciidanka RRU Diinta Islaamka ayaa Looga baxayaa”

pizap.com14082641752171

Sheekh Aadan sune oo kamid ah culimada ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay dhibaatada sii baaheysa ee Ciidanka Sirdoonka RRU kula dhaqmaan dadka ahlu diinka ah.

Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay udaatay guryo ay ku sugnaayeen culumaaudiin iyagoo xiray.

Sheekh Aadan sune wuxuu sheegay in ciidanka RRU u shaqeeyo Maraykanka islamarkaana ficiladooda looga baxayo diinta islaamka.

Wuxuu xusay Hargaysa in ay ku noolyihiin baadaraliyaal faafiya diinta Kirishtanka kuwaasi oo ku nool baqdin la’aan balse dadka ahlu diinka ah lagu hayo xarig iyo jirdil.

https://www.youtube.com/watch?v=OIHuPzZ6A0U

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Yaa Raba inow dilo Dr.Xaashi Dhiblaawe.

31734835

Mid kamida dhaqaatiirta caanka ah ee ka howlgala xarumaha caafimaadka gobolka Banaadir ayaa xalay ka badbaaday isku day dil oo ay ladamceen maleeshiyaadka Nabad sugidda loogu yeero.

Dr.ka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in isagoo maraya wadada dabka ay rasaas labeegsadeen ciidanka wajiyada duuban ee DF-ka islamarkaana waxyeello xooggan gaartay gaarigii uu watay.

Ciidamada BS-ta ayaa horey u dilay wiil la dhashay Dr Xaashi Dhib-laawe Siyaad iyadoo askarigii walaalkii dilay xabsiga lagu xiray intaa kadibna aanan wax tallaabo ah laga qaadin.

Ciidamadan ayaa aad usii laba jibaaray beegsiga dadka wax galka u ah wadanka tan iyo markii wasiirka amniga loo magacaabay ninka lagu magacaabo Khaliif Ereg.

https://www.youtube.com/watch?v=qQrh81gAEYs

Voice Of Somalia-Banaadir Post

TUURYARE OO BUUFIS QAADAY ” Waxaa i dilaya Shabaab iyo Beel Hebel”

31651986

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee sida tooska ah ugu lugta leh dagaalanka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin ayaa ka sheeganaya cabsi iyo deganaan la’aan.

Inanka Jeega xiirka ah ee dhawaanahan warbixinada siinayay warbaahinta maxalliga ah kuna magacaaban guddoomiyaha maxkamadda ciidanka hubka sida C/Raxmaam Tuur Yare ayaa wajahaya cabsi gelin kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.

Mid kamida Ehellada Tuur Yare ayaa Saxaafada maxaliga ee  Muqdisho  u sheegay in qabaa’illo reer Muqdisho ah ay qoyskooda ugu hanjabeen aargoosi haddii wiilkooda gacamaha qaban waayaan.
“Cadaadis aan caadi aheyn ayaa qoyskeena soo wajahay qabaa’iilo Muqdisho deggan oo C/Raxmaan Tuur Yare wiilashooda xukuno dilal ah ku riday ayaa ku hanjabaya in ay naga aargudanayaan”ayuu yiri mid kamida ehellada Tuur Yare.

Sidoo kale Tuur Yare ayaa amar ku bixiyay in laga bedelo laba kamid ah ciidankii ilaalada u ahaa ka gadaal markii uu uga shakiyay in ay maleegayaan qorshe isaga ka dhan ah.

Askarta ilaala u aheyd sarkaalkan ee labedelay ayaa deggan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha maxkamadda melleteriga DF-ka uu cabsi daran ka qabo dhinacyo kala duwan oo Shabaabul Mujaahidiin kamid tahay.

“Cabdi Raxmaan habeenadan saq dhexe ayuu hurdada kasoo kacaa marmarka qaarna isagoo qeylinaya oo shabaab iyo beel hebel ayaa idilaysa ku qeylinaysa ayuu soo toosaa”ayuu yiri mid kamida ilaalada Tuur Yare.

Isagoo BBC-da lahadlayay ayuu Tuur Yare ku faanay in uu yahay “Rajul Amni ah” oo macnaheedu yahay waxaan ahay “Nin dhiifoon oo amnigiisa ilaashan kara” balse waqtiga iyo maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii Tuur Yare ka nabad galo dadkii uu dhalinyarada ka laayay.

Xasan Muungaab guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa qorshaynaya in Tuur Yare uu siiyo mid kamida gaadiidka aysan xabaddu Karin oo bishii May ay Dowladda Imaaraadka carabta ugu deeqday DF-ka.

Tuuryare ayaa hada waxaa la siiyay EEYO amnigiisa suga,waxaana  soo siiyay laamaha Sirdoonka oo Xalane degan,waxaana Eyahaas ku howl gala wiilal Soomaaliiyeed “Ardaal”.

Liibaan Jeexoow.

31651986 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Xaaji Faarax: “Ma u dulqaadaneyno in Dowladdu ay leyso Wiilasheena”

31623133

Kadib markii dowladdu ay sadax dhallinyaro ah ku toogatay degmada Xamar Jajab ayey in badan oo kamid ah indheer garadka Muqdisho ka dhawaajiyeen in arintaasi aan loo dul qaadan karin xilligan wixii ka dambeeya.

Xaaji Faarax oo kamid ah odayaal Muqdisho nagala soo xiriiray ayaa sheegay in dowladda Xassan Sheekh ay dabar goyn ku hayso dhallinyarada magaalada Muqdisho, taasna aan loo dul qaadan karin.

Wuxuu dowladda ku eedeeyay iney wadanka kala qeybisay sidoo kalana ay shisheeye u gacan galisay iyadoo taa ku darsatay iney leyso jiilkii dalka difaaci lahaa Mustaqbalka.

HOOS KA DAGEYSO

 

Dowladda ayaa maalintii shalay sadax dhallinyaro ah ku toogatay iskool bolisiya kuwaasoo ay ku eedeysay iney mujaahidiin ahaayeen inkastoo aaney soo bandhigin cadeymo arintaasi ku aadan.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa xilligan dareemaya xanuun lamid ah kii waagii hogaamiye kooxeedyada, waxayna qarka u saaran yihiin iney hal mar kacaan.

voice Of Somalia-Banaadir Post

Somalia’s police boss called ‘war criminal’ in Canada

31605452

Mogadishu’s new police commissioner was once wanted in Canada as a “war criminal” after a refugee and immigration board concluded he was “responsible for the ruthless torture of prisoners” while serving with Somalia’s police force during the 1980s.

Mohammed Hassan Ismail Farah fled Somalia as the Siad Barre government collapsed in 1991, living for seven months in the United States before crossing into Canada to make a refugee claim.

According to federal court documents obtained by the Toronto Star, he testified at an immigration and refugee board hearing that he feared persecution if forced to return to Mogadishu and denied claims made by government witnesses that he had beaten prisoners and used electrical shocks during interrogations.

The Immigration and Refugee Board (IRB) questioned the veracity of Farah’s claim, turning down his application in 1993.

“The claimant struck us as an intelligent, well-educated man whose casual arrogance tells of great self-confidence,” the board wrote. “He adopted an openly mocking attitude toward some of the testimony of the minister’s witnesses.”

One Toronto witness, Yussuf Mohamed Issa, testified that he met Farah during his three-month detention after taking part in a 1984 student demonstration in Hargeisa, the capital of Somaliland.

Issa told the Toronto hearing that Farah was part of the police’s Criminal Investigation Department (CID) — not the anti-drug squad as Farah claimed — and came to Hargeisa in July 1984 as the head of a delegation sent by Barre to deal with the students.

“When (Issa) failed to give satisfactory answers, the claimant ordered that he be tortured. His maltreatment included being subjected to electric shocks and resulted in broken teeth and a scar on the chin.”

Issa had also gone public with his treatment in a documentary by CBC’s Fifth Estate, describing how he was left hogtied for more than 24 hours.

Farah denied the allegation or claims that he was in Hargeisa in 1984 — a defence dismissed by the refugee board. “Rigorous cross-examination did not uncover any inconsistencies in (Issa’s) testimony,” the IRB states. “We found Mr. Issa to be a credible witness and accept his testimony as truth.”

In turning down his application the IRB concluded: “We consider the torturing of helpless prisoners to be a crime against humanity.”

Little is known about Farah’s whereabouts after his application was turned down, but in 2011, the Canada Border Service Agency posted Farah’s photo as one of 30 war criminals wanted in Canada. Although believed to be the same person, the CBSA listed Farah’s birth date at Sept. 24, 1954, and Farah told the IRB hearing he was born July 27, 1954. The CBSA would not comment on the specifics of the case.

The “most wanted list” was controversial when announced, and in December, Canada’s Privacy Commissioner criticized the CBSA for “potentially misleading” the public by using the label of “war criminal,” since a finding by immigration officials is not the same as a criminal conviction.

CBSA spokesperson Esme Bailey confirmed that Farah was no longer on the list but would not specify when he was taken off or why, citing only that individuals are removed either 30 days after their apprehension, if they’re removed from the country, or if “new information arises” showing they are no longer in Canada.

After more than two decades of war in Somalia — driven by the fighting between clans, devastating foreign policies, and in recent years, Al Qaeda’s East Africa group, Al Shabab — it is not uncommon to have leaders with bloodied pasts.

A common refrain in Mogadishu as it embarks on a slow recovery is that moving forward means forgiving the past.

But many Somalis interviewed by the Star say Farah’s reputation for torture cannot be forgotten.

Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed dismissed the head of national security and police commissioner, Canadian Gen. Abdihakim Dahir Saeed, following a July 8 attack on the presidential palace — the most recent in a spate of targeted Shabab strikes and assassinations.

In an interview with the Star from Mogadishu earlier this year, the prime minister had praised the advances of the security services and said he anticipates the police will have a bigger role in the future, even surpassing that of the military once the security situation stabilizes.

And he acknowledged that Somalis have an inherent mistrust of their political leaders after years of corruption. “Somali politics are not stable, because of the clan issues, tribe issues . . . we have a long way to go,” he said from his office.

Saeed at first refused to step down — questioning the constitutionality of Farah’s appointment — but later conceded.

“Everybody inside and outside Somalia are shocked,” Saeed said in a telephone interview from Mogadishu. “Change is normal but they have to hire someone in this position whose record is clean.”

Farah has declined to be interviewed.

The prime minister, who is also Canadian, was not available for an interview but a spokesperson from his office sent an emailed statement.

“The prime minister stands by his decision to relieve the outgoing police commissioner,” a spokesperson wrote, adding that “already there have been positive changes to the security situation following the July 8th incident.”

By-The Star-Canada.

 

Cabdi caziiz Afrika oo dhibaato ku haya Suxufiyiinta Muqdisho.

31535557
Cabdi caziiz Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ka tirsan Radiyaha Dowladda (Radio Muqdisho), xubina ka ah Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu soo celiyay caga-juglayntii uu ku haayay Suxufini, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii 9-kii bishaan Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka loo soo magacaabay Khaliif Axmed Ereg, oo ay saaxiibo dhow yihiin C/casiis Maxamuud Guuleed.
Tani, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii 9-kii bishaan Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka loo soo magacaabay Khaliif Axmed Ereg, oo ay saaxiibo dhow yihiin C/casiis Maxamuud Guuleed.

Kolka Suxufiyiinta looga yeero Xafiiska Wasiirka Amniga, ayuu C/casiis Afrika dib u celiyaa Suxufiyiinta qaarkood, isagoona u sheegaaya inaanay soo geli karin Xafiiska, iyadoo ay jiraan qalab la sheegay in uu ka qaaday Suxufiyiin.

C/casiis Afrika waxa uu Xafiiska Wasiirka u soo sii daayaa ninka uu doono, halka kan kalana uu ku khasbo inuu dib u laabto, haddii kalana uu u adeegsado Ciidanka Ilaalada ee Xafiiska Wasiirka, iyagoo dibadda u saaraaya.

Ninkaan, ayaa u caga-jugleeya Wariye-yaasha qaarkood, iyadoo uu ku handado in uu waxyeelo u geysan doono, xilli Suxufiyiinta ay ku sheegayaan inaanay jirin wax ay horey isugu qabteen.

Ninka ka tirsan Radiyaha Dowladda, ayaa waxa uu horey Magaalada Muqdisho kaga barakaciyay Suxufiyiin badan, ka gadaal markii uu ugu caga-jugleeyay in uu dilli doono, taa oo ay maanta wada xaqiiqsan yihiin Suxufiyiinta reer Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu C/casiis Afrika uu jirdil iyo xarigba u geystay Suxufiyiin dhowr ah, isagoo adeegsanaaya shaarka Ciidanka Nabad Suggida, oo uu la soo shaqeynaayay sanadihii ugu dambeeyay.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka, ayaa waxay mar C/casiis Afrika ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay, xarig muddo 72 saacadood ah oo Magaalada Muqdisho loogu geystay Suxufiyiinta kala ah Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare). Mana jirto jawaab sax ah oo ay ka bixisay Dowladda, inkastoo mar ay soo shaac baxday in shaqada laga joojin doono, ha yeeshee aynaan dhaqangelin.

Madaxtooyada waxay la socotaa culeyska uu C/casiis Afrika ku haayo Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, hadana waxaa kuu muuqaneyso inaanay Dowladdu u soo jeedin, inay wax ka qabato arrintaasi.

Waxaad arkeysaa Dowladdu inay dooneyso in wax ka qabato xaalada murugsan ee ka jirta Magaalada Muqdisho, hadana waxaad dareemeysaa inaysan Dowladdu diyaar u ahayn, bal inay saxdo khaladaadka dhexdeeda ah.

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade), oo ay isu heyb yihiin C/casiis Afrika, ayaa marar badan wuxuu eheladiisa u sheegay in uu u dhaqmaayo, sida maleeshiyada oo kale, oo aanu lahayn anshaxa Saxaafada.

General Indha Cade waxaa marar badan la gaarsiiyay ashtako ka dhan ah C/casiis Afrika, hadana ma muuqato si dhab ah oo uu kaga falceliyay, marka laga reebo in canaan iyo dhaliil uu u jeediyo.

Si kastaba ha-ahaatee Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxay jeclaan laheyd in Dowladdu wax ka qabato hujuumka uu ku haayo ninka ka tirsan Radio Muqdisho.

Xigasho Webka Dhacdo.

31431077

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Hooyada Dhashay mid Kamid ah Afarta Wiil oo ay Dowladda Muqdisho dishay!.

31535194

Dowladda Federalka ah ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay afar dhallinyaro oo lagu kala magacaabo 1-Nuur Cabdulle Cawaale 2-caawiye Axmad Jaamac 3-Mustaffa Maxamuud Shidane 4-Cabdi Naasir Khaliif Maxamad kuwaasoo ay ku eedeysay iney mujaahidiin yihiin.
Dowladdu ma aaney soo bandhigin wax cadeymo ah oo ay ku muujisay eeda ay u jeedisay raggan. idaacadda islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa la xiriirtay ehelada dhallinyaradan si aan dhankooda wax uga weydiino dareenkooda iyo wax ka jira eedeymaha sababta looga dhigay dilka wiilashooda.

 

Waxaa inoo suura gashay inaan wareysano hooyada dhashay Cabdinuur Cabdulle Cawaale oo 21 jir ah laguna eedeeyay inuu hoobiye isticmaali jiray taasoo sheegtay inuu wiilkeedu u xamaali jiray aabihiisna uu waa hore dhintay. Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay eeda loo jeediyay.

 

 Hooyadu waxay bixisay wareysi uu la ilmeynayo qof walba oo muslim ah iyadoo ka war bixisay qaabka wiilkeeda loo qabtay iyo sida lagula dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

 

VIDEO:-Dambiyadii uu dalka ka galay General Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax

31483357

Waa barnaamij uu TV-ga CBS ee Canada sii daayey 7-dii October 1992, oo ka hadlaya uu dambiyadii Somalia ka gaystay taliyaha cusub ee booliiska Muqdisho  General Maxamed Xasan ismaaciil Faarax.

Source: CBS Canada

31493242

Voice Of Somalia-Banaadir Post