WARBIXINO TAXANE AH-Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo aan hore loo arag,

33511978

Dhibaatooyinka dhaqaala darri iyo shaqo la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho waxaa kaalin weyn ku leh shirkadda Turkishka ah ee dekedda gacanta ku heysa, taasoo ganacsatada Soomaaliyeed ku kordhisay qiimaha lacagaha ay wax kula soo degaan.
Mid kamid ah ganacsatada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa inoo sheegay in markii ay shirkadda Al-beyrak la wareegtay furdada uu magaalada ka dillaacay sicir barar baahsan.

Wuxuu sheegay in halkii Konteenar oo badeeco ah ay ka qaadato lacag dhan 1300$ (Kun iyo sadax boqol dollar) halka markii hore laga qaadi jiray 900$ (sagaal boqol oo dollar) taasi oo ay sii dheer tahay lacago canshuuro ah oo labo meel oo isla dekedda ah looga qaato.

Ganacsadaha ayaa intaa ku daray in markii ay badeecadooda kala soo baxaan dekadda mar kale lacago baad ah ay ciidamada dowladda uga qaataan wadooyinka, kadibna looga daba tago bakhaaradooda oo haddana lagu canshuuro.

Arrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay sababeen sicir barar baahsan oo ka dillaacay magaalada Muqdisho taasi oo keentay in dadka dabaqadda hoose ay maareyn kari waayaan noloshooda.

Tusaale ahaan kiiladii Bariiska oo sadax sannadood ka hor la iibinayay lacag ka yar nus Dolar ayaa waxaa maanta lagu bixiyaa qiimo ku dhow hal dolar, burka iyo sonkortuna waa lamid.

Haddii xaalku sidaa yahay, bal is weydii sida uu u noolaan karo qofka boqolka dollar ku shaqeeya bishii iyo kan xamaaliga ah ee habeenkii gurigiisa kula soo hoyda labada dollar!.

 

Haddii Wixii Dekedda Kasoo Daga Qaali Yihiin Aaway Dalaggii Dalka?

Mar walba oo ay shacabka magaalada Muqdisho la kulmaan sicir barar waxay ku baxsan jireen dalagga kasoo go’a wadanka, laakin taas ma dhicin maanta oo waxaa qudheeda ku hor gudban caqabado badan.

Qaar kamid ah dhulkii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka waxaa qabsaday ciidamada shisheeye oo sabab u noqday iney baaba’aan beero badan kadib markii ay dul marsiiyeen karaayaashooda, qaarna ay illaa iyo maanta dul daggan yihiin.

Intaa waxaa dheer in wixii dalag ah ee kasoo go’ay dhulka amniga ee shareecada lagu maamulo ay dowladdu wadooyinka iyo suuqyada uga qaado canshuuro xad dhaaf ah, halka qaadka aan wax canshuur ah laga qaadin, marka laga reebo tan garoonka diyaaradaha looga qaato.

Arintan waxay keentay in sidoo kale uu kor u koco qiimaha dalagga dalka kasoo go’a illaa la gaaray heer ay qaarkood ka qaalisan yihiin raashinka dibadda laga keeno.

Digirta markaan tusaale usoo qaadano waxaa suuqyada magaalada Muqdisho looga iibsadaa qiimo lacageed oo gaaraya 18,000 (toban iyo sideed kun) illaa hal dollar, taasoo kuu muujineysa in aysan dan yartu heysan meel ay u cararaan.

Ciidamada shisheeye, hey’adaha iyo qurba joogta ayaa kaalin weyn ku leh qiimo kororka ku yimid maciishadda, sababtoo ah waxay iyagoo lacago badan farraqaya si joogto ah u iibsadaan caanaha, hilibka xoolaha, Kan kalluunka IWM.

Dhalada caanaha Geela oo labo sannadood ka hor Muqdisho ka ahayd wax ka yar Nus dolar, ayaa waxay maanta mareysaa hal dolar, Kiiladii Hilibka Geela oo raqiis lagu cuni jiray ayaa waxay gaartay 1,2000 (Boqol iyo labaatan kun) halka kalluunkuna uu kasii daran yahay.

Shaqo La’aan.

In badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waa shaqo la’aan, waxaana dadka baagamuundada ah u badan ganacsatadii yar yareyd ee suuqyada kadib markii ay waayeen faa’iidadii ay ka heli jireen badeecadooda.

Sidoo kale waxaa dadka camal la’aanta kamid ah macallimiintii dugsiyada qur’aanka oo iyagoo nafsadooda u baqaya iska fariistay iyo kumannaan shaqaalihii dekedda Muqdisho laga eryay ah.

Aqoonyahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duruufta ka jirta magaalada Muqdisho ay gaartay heer aad u xun, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay gabdho da’ yar muuqaal qurxoon oo raashin bisil oo hey’ad kariso saf ugu jira.

Dadka shaqo la’aanta ku ah magaalada Muqdisho waxaa kamid ah ardayda jaamacadaha ka baxday, kadib markii ay waayeen meel u qalanta oo ka shaqeyn karaan.

Waxaa jira qaar kamid ah dadka jaamacadaha ka baxa oo ay baagamuunda-nimadu ku kalliftay iney u shaqeeyaan, DF, shisheeyaha iyo hey’adahooda.

Ariinta iigu yaabka badan ayaa waxay tahay wiil jaamacad Sudan kasoo laabtay oo hey’ad shaqo ka helay, waxuu ii sheegay in mushaar ahaan loo siiyo 150$ (boqol iyo konton dolar) haba iska ahaato’e maxay tahay shaqada loo dhiibay? Wuxuu ii sheegay inuu ka shaqeeyo mashruuca dhismaha musqulaha kaamamka iyo tira koobka biyaha ay shubaan booyadaha!! Waa nin jaamici ah!.

Lasoco Q.3-aad insha’allaah

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Sharaxay Argagaxa Dowladda Ku Haysta Muqdisho.

32572886

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgallo qorshaysan oo shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Maxamed Xasan oo ah AqooNyahan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay Howlgallo dhacay Labadii Cisho ay sababeen kala shaki iyo Argagax soo wajahay madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay howlgalada shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Gobalka Banaadir ay sabab unoqotay in xitaa Magaalada ay isku rasaaseeyaan askarta Dowladda.

Wuxuu faafaahiyay fashilka amni ee Muqdisho iyo sirdoonka shabaabul mujaahidiin sida ay ugu xoogeesteen Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aqooyahan Maxamed Xasan

Xigasho:idaacadda alfurqaan

31349878

Baarlamaanka Muqdisho oo Gacmaha iskula tegay kadib markii lasoo Bandhigay Mooshinka Ka Dhan ah Cabdiweli Sheekh

 t_770570004pizapw1415704353

Wararka ka imaanaya xarunta baarlamaanka DF-ka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisada udhaxeeya xildhibaanada ay ka dhaceen gudaha hoolka shirarka.

Wariyaal ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada kala taabacsan Xasan Sheekh iyo Cabdi Wali Sheekh ay gacmaha iskula tageen kadib markii lasoo bandhigay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Shir guddoonka kulankii maanta ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in kulanka lasoo xiray iyadoona la arkayay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo xildhibaanada kala celinaya iyadoona marmarka qaar xildhibaanadu ay dhagxaan isku tuurayeen.

Saraakiil ka kala socotay xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa kulanka lagu dhax arkayay waxaana loo malaynayaa in lacago ay ku kala gadanayeen xildhibaanada.

Lasoco wixii soo kordha

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

Beelaha Muqdisho oo la saftay Cabdiweli Sheekh!

32434195

Beelaha gobolka Banaadir ayaa ku saf noqday Cabdiweli Sheekh oo maalmahan ay is hayeen Xasan Sheekh Maxamud oo ah nin ka soo jeeda beel ahaan gobolka Banaadir.

Beelaha Muqdisho ayaa aad u neceb Dammuljadiid,gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir oo ay u yaqaanaan Doorshaanka “Xaar Walaalka” Xabashida,Faaraxna waa ninka furaha u ah Xasan Sheekh iyo Dammul jadiid oo dhan,Faarax ayaa ah wakiilka guud ee Xabashida ee dhulka Soomaaliyeed.

Khilaafka labada nin ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho laga nacay doqonimada  Xasan Sheekh,waxaana si aad ah  uga horyimid beeshiisa  gaarka ah waxayna ku naanaysaan “Xasan Magudbe” ama Xasan Gaabshe Gurguurte”.

Cabdiweli Sheekh ayaa og in Xasan lumiyay taageerida beelaha Muqdisho,wuxuuna u arkaa waqti ku haboon inow ka tuuro meesha kana taqaluso Xasan iyo Faarax oo ay u arkaan  kuwa laga kheyr badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa amar ku siiyay ciidamada Nabadsugida inaysan ogolaan wax shir ah oo looga soo horjeedo inaysan xamar ka dhicin, waxaana Xasan Ciidankaas  u dhiibay   bilo ka hor wiilka oo adeerka u yahay Saajin Tuuryare.

Shalay ayay ahayd markii loo cagajugleeyay qaarna la xiray milkiilyaasha hoteelada Muqdisho,waxaana dadka la xiray ka mid ah Milkiilaha Hoteel Maka Almukarama Guray Xaaji oo Xasan Sheekh isku beel yihiin!

32434260

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

 

Wargeys Ugandha kasoo baxa oo sheegay in Booliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho jooga ay Maalin walba Tumasho u tagaan xeebta Liido Lacag bilaash ahna ay iska qaataan!!

32126624

Mid kamid ah Wargeysyada ugu afka dheer leh Waddanka Ugandha ayaa boggiisa hore cinwaan uga dhigay Booliska Ugandha iyo Xeebta Tumashada ee (Liido), Waxana uu Wargeysku ka hadlayey farqiga u dhexeeya Ciidamada Milatariga Ugandha ee Soomaaliya jooga iyo kuwa Booliska ah ee magaalada Muqdisho loo geeyay in ay ka qeyb qaataan sugidda Amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Wargeyska ayaa sheegay in Milatariga Ugandha ee Soomaaliya jooga ay howl adag hayaan Maalin walbana ay dhacdo in Dhimasho ama dhaawac ay kasoo gaarto Dagaallada ay kula jiraan Kooxda Alshabaab, Iyagoo weliba aanan si toos ah u helin Mushaaraadkooda oo sisuuq madow ah Mushaarkooda loo lunsado, Halka Booliska jooga magaalada Muqdisho ee magaca AMISOM ku jooga balse dhammaantood ah Ugandheys ay siRaaxo leh lacagtooda ku qaataan, Iyagoo aanan wax howl ah qaban, Mushaarkoodana aanan laga musuqmaasuqin.
Wargeysku waxa uu sheegay in Booliska AMISOM ee waddanka Ugandha laga qaaday oo isugu jira Rag iyo Dumar ay Maalin walba tamashleyn iyo dabaal u tagaan Xeebta Liido, Iyadoo sida Wargeysku sheegay ay qaarkood qaarka kale waardiyeeyaan inta ay dabaalayaan ama ku raaxeysanayaan Xeebta. Waxana uu Wargeysku falanqeeyay in Booliskaas ay qeybba Maalmo ku raaxeystaan Xeebta Liido, halka qeybaha kalena ay waardiyo ka hayaan qeybta Maalintaas xeebta ku raaxeysaneysa.
Warbixintan uu Wargeyskaas soo qaatay ayaa kusoo aadeysa kadib Maalin qura markii Waxgaradka Muqdisho ay walaac ka muujiyeen Fisqiga iyo Fal-falxumada ay Ciidamada Booliska AMISOM lasoo aadaan Xeebta Liido, Waxana ay Odayaashu aad uga hadleen oo ay arrin aan la aqbali karin ku tilmaameen Qaawanaanta ay Badda ku yimaadaan Dumarka iyo Ragga Ugandheyska ah, Iyagoo Hub culus oo ay isku waardiyeynayaanna Badda lasoo aada.
Waxgaradka Muqdisho ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxda Dowladda ay kala hadleen Fisqiga ay Ciidamada AMISOM ka wadaan Xeebta Liido, Balse Nasiibdarro aysan wax jawaab ah ka helin Madaxda.
Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya Xilli Hay’adda Human Rights Watch ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ay Maalmo kahor wax ka qortay Kufsi baahsan oo ay Ciidamada AMISOM ku hayaan Haweenka Soomaaliyeed, Iyagoo adeegsada Muqalasiin Soomaali ah oo xeryahooda ugu geeya Haweenka ay kufsanayaan.

32126600

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

GABAY:-Abwaan Xassan oo Gabay ka Tiriyay Burburka gaaraya Isbahaysiga duulaanka ah.

32110857

Abwaan Xassan Maxamuud Cusmaan oo kamid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa gabay xiiso badan ka tiriyay gabi dhacleynta Mareykanka iyo dhiig baxa kasoo gaaray dagaalada uu la galay muslimiinta.

Gabaygan oo loogu magac daray (Hadaf) ayuu abwaanku sidoo kale kusoo hadal qaaday Soomaaliya iyo sida ay mar walba dhibaatada ugala kulanto wadamada cadawga ah ee Kenya iyo Itoobiya.

32090383 (2)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

VIDEO:-Afhayeenka AMISOM Jabuutiyaanka Cali Xaamud oo difaacay Kufsiga AMISOM, una gafay dadka Soomaaliyeed.

31998102

Su’aalo adag oo la xariira  Warbixiintii dhowaan soo baxday ee ku aadan Kufsiga iyo Galmada Khasabka ah ee Ciidamada Amisom ay u gaystaan Haweenka Soomaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa waxay noqotay mid aad u kulul, Waxaana Afhayeenka Amisom uu gaashaanka ku dhuftay arintaasi, Wariyahaa ayaa u akhriiyey Warbixinta kadibna waydiiyey Maxaad Beeninaysaa In Ciidamada AMISOM ay kufsadeen Haween soomaliyeed adigoo Difaacaya SUMCADA Amisom !!.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo ka Digtay in Xilka laga Qaado KOOFI iyo Khilaaf Madaxda DF ka Dhex Taagan.

31957429

Iyadoo maalintii shalay xukuumadda Cabdiwali ay xilkii ka qaaday taliyihii guud ee BS-ta Sambaloolshe sidoo kalana madaxda qaar doonayaan iney casilaan Koofi taliyaha BS-ta gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ka digtay arintaasi.

Ilo lagu kalsooni qabo warkooda ayaa inoo sheegay in safiirka dowladda Itoobiya u jooga madaxtooyada uu Xassan Sheekh uga digay in jagada laga qaado taliyaha BS-ta gobolka Banaadir oo ay iyagu markii hore kaalin ku lahaayeen magacaabistiisa.

Koofi ayaa caburin xooggan ku haya war baahinta iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho isagoo doonaya inuu caasimadda ka hir galiyo dhaqanka ka jira dhulka Soomaalida leedahay ee ay Itoobiya gumeysato.

 Maxamad Aadan Koofi ayaa horaantii sannadkan tagay magaalada Adis-ababa halkaasoo uu kusoo qaatay siminaar la xiriira caburinta iyo cabsi galinta bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Saraakiil iyo ciidamo isku darkoodu yahay 30 ayaa ku geeriyootay weerarkii ka dhacay godka Jilacow oo xarun u ah BS-ta gobolka Banaadir, waana midda keentay in madaxda qaar ee dowladda ay damcaan iney casilaan Koofi, laakin Itoobiya ayaa is hor taagtay arintaas.

Geesta kale khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha kaasoo ku saleysan xilkii shalay laga qaaday Sambaloolshe oo ay saaxiibo isku yihiin Xassan Sheekh.

Mmadaxweynaha ayaa ra’iisulwasaaraha ku cadaadinaya inuu dib usoo celiyo Sambaloolshe haddii kalana uu isna casili doono taliyaha Boliska iyo Abaan-duulaha ciidanka oo uu ra’iisulwasaaruhu keensday. Xaaladda ayaa aad u cakiray waxaana suura gal ah inuu soo dhex galo ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya N/KaY.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

ODAY XAAD “Waxaa la igu yiri waa lagu dilaa hadii aad hadasho”


31897304

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha Hawiye ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa cod sir ah oo laga duubay ku shaaciyay inuu hanjabaad xoogan kala kulmay madaxda sar sare ee dowladda Federaalka Somalia.

Xaad waxa uu sheegay in hanjabaad ku aadan dil hadii uu ka hadlo howlgalada hubka dhigista ka socota magaalada Muqdisho uu kala kulmay madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh  iyo taliyaha ciidamada Nabad sugidda ee dowladda Villa Somalia.

Xaad ayaa cod sir ah  duubay oo ka hadlaya xaaladda soo wajahday, wuxuuna yiri Maxamed Xaad “Wixii socday wax qaldan ayey ahaayeen laakiin wax ka daran ayaa yimid, waxaa yimid hanjabaad farabadan, dadkii tacadiyada socda ka hadlay, waa la xiray, waa la dhibaateeyay, aniga odaynimo ayaa la iiga leexday, waxaana leeygu yiri hadaadan ka aamusan hoowlgalada socda, waxaan kaa qaadi doonaa tilaabo sidaas darteed waan aqbalay, waana iska aamusay”.

Oday  Xaad wuxuu sheegay inuu cabsi darteed uu iskaga aamusay kadib markii uu xaqiiqsaday in mas’uuliyiin Soomaaliyeed loo xiray kaliya aragtidooda siyaasadeed.

“Madaxweynaha lag soo bilaabo ilaa Saraakiisha Dowladda ayaa ila soo xiriiray, waxayna igu dhaheen afkaaga xir, adigoo raaliya hadaad naga diidanna kaama sii xishoon doono, waan arkaa in Idaacadahii la xiray, siyaasiyiintii iyo dhaqankii xabsiyada ugu xiran yihiin maxaad u hadasheen, markeey halkaas taagan tahay aniga waa aqbalay, waxaana u baqayaa lafaheeyga oo dhibkaan socda kama hadli karo” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin”Shacabka Muqdisho haka qiiroodaan Gumeysiga iyo Dhibaatada lagu hayo”

31829772

Sheekh Cali Katiin oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa ka hadlay dhibaatooyin laba jibaarmay ee ciidanka dowlada iyo shishuuyuhu kula kacayaan shacabka Muqdisho.

Dadka Muqdisho waxay ahaayeen kuwa ka qiirooda gumeysi kasta oo kaga yimaada shisheeyaha,waxay iska celiyeen oo ay iska saareen Itoobiya’ayuu yiri sheekh Cali katiin isagoo ugu baaqay shacabka inay iska dulqaadaan Ciidamada heysta.

Sheekh Cali ayaa sidoo kale dardaaran Muhiim ah ujeediyay Ganacsatada ku dhaqan Suuqa bakaaraha oo ku dhaqaaqay gadood ka dhan ah dowlada.

31826737

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Ganacsigii Suuqa Bakaaro oo Xiran iyo Dibad baxyo xoogan oo hada socda,kadib Lacago Baad ah oo DF dul dhigay.

31803703

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay dibad baxyo ay uga cabanayaan khal khal dhanka ammaanka ah oo maalmihii lasoo dhaafay uga imaanayay maleeshiyaadka dowladda Xasan Sheekh.

Kumanaan kamid ah ganacsatada danyarta ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka Suuqa waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah DF-ka.

Suuqa qeybaha dharka,Kabaha,Badarka iyo waratada ayaa ah meesha ugu daran ee dibad baxyadu ka dhaceen waxaana la arkayay ganacsatada oo banaanka ka taagan goobahooda ganacsiga.

Maleeshiyaad  katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa suuqa dhax wareegayay iyagoo ganacsatada ku amrayay in ay bixiyaan lacago canshuur lagu sheegay balse ganacsatadu ku micneeyeen “Baad shaati dowladeed loo geliyay”.

Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa ayaa caan ku ah dhibaataynta shacabka waxaana xusid mudan iyo waddooyinka muhiimka ah ee gudaha Muqdisho iyo kuwa ka baxa ay isbaarooyin u daadsanyihiin ciidanka DF-ka.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Yaa Raba inow dilo Dr.Xaashi Dhiblaawe.

31734835

Mid kamida dhaqaatiirta caanka ah ee ka howlgala xarumaha caafimaadka gobolka Banaadir ayaa xalay ka badbaaday isku day dil oo ay ladamceen maleeshiyaadka Nabad sugidda loogu yeero.

Dr.ka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in isagoo maraya wadada dabka ay rasaas labeegsadeen ciidanka wajiyada duuban ee DF-ka islamarkaana waxyeello xooggan gaartay gaarigii uu watay.

Ciidamada BS-ta ayaa horey u dilay wiil la dhashay Dr Xaashi Dhib-laawe Siyaad iyadoo askarigii walaalkii dilay xabsiga lagu xiray intaa kadibna aanan wax tallaabo ah laga qaadin.

Ciidamadan ayaa aad usii laba jibaaray beegsiga dadka wax galka u ah wadanka tan iyo markii wasiirka amniga loo magacaabay ninka lagu magacaabo Khaliif Ereg.

https://www.youtube.com/watch?v=qQrh81gAEYs

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Xildhibaan Cabdi wali Qanyare “Ciidanka Nabadsugida ayaa isku dayay inay i dilaan iyagoo igu soo Weeraray Gurigeyga”

31694188

Maleeshiyaadka Dowladda ayaa  weerar ku qaaday guri uu ku sugnaa Xildhibaan Cabdi wali Maxamed Qanyare oo kamid ah xubnaha baarlamanka.

Cabdi wali Maxamed Qanyare ayaa la hadlay saxaafada Muqdisho isagoo sheegay in xalay uu ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegeen ciidanka nabadsugida dowladda.

“Waa Arin layaab leh in ciidanka nabadsugida ay soo weeraraan qof xildhibaan ah, waxay damceen in xoog ku soo galaan gurigeyga iyagoo doonayay inay idilaan”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi wali Maxamed Qanyare.

Wuxuu sheegay ciidanka nabad sugida inay burburiyeen gawaari guriga tiilay iyagoo waxyeelo ugeystay dhismaha Guriga.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Dhanka kale ciidan kale oo katirsan Nabadsugida ayaa weeraray Cabdi Nuure siyaad iyagoo isku dayay inay gacanta kusoo dhigaan.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

WARBIXIN:-Shalay Dable, Maanta Korneel,Berrina Jeneraal,Musuq Maasuq Dhanka Darajooyinka Ciidan ah oo VILLA SOMALIA Kajira!

31679273 (2)

Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay taliska ciidanka Dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

Musuq Maasuqa dhanka maaliyadda ah oo ay ku dhaqaaqaan saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa caadi iska ahaa sanadadii lasoo dhaafay tallaabadaasi oo xagal daacin weyn ku ah taliska kartoonka ah ee Villa Somalia.

Wax isdabamarintu kuma ekaan oo kaliya dhaqaalaha iyo hubka ee waxay saameysay darajooyinka ciidanka waxaana dhacday in si fowdo ah darajooyin ciidan laysku siiyo.

Col.Cabdi Kariim dhegabadan oo horay u ahaa abaan duulaha ciidanka DF-ka ayaa 5 bilood kadib markii uu xilkaasi hayay isku dalacsiiyay Jeneraal waxayna saxaafaddu ugu yeeri jirtay “Jeneraal dhega badan”.

Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe waa taliyaha guud ee ciidanka Melleteriga DF-ka wuxuu ka qeylla dhaamiyay darooyinkan bugta ah ee lagu tixayo askarta iyo saraakiisha.

Indho Qarshe oo ragga wararka fidiya kula hadlayay Muqdisho ayaa qiray in boqolaal askar dablayaal ah ay si lama filaan ah isugu rogeen Korneel,Gaashaanlle illaa ay gaareen darajada Jeneraal!.

“Waxaan sameynay baartaanno aan ku ogaannay in 400 oo askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka ay haystaan darajooyin la been abuuray. Arrintan waxaan u xilsaarnay guddi warbixintii ay keennanna waxaa hor-dhigi doonnaa golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya”ayuu yiri Indho Qarshe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in musuq maasuqa dhanka darajooyinka ciidanka ah ee kajira dowladda Federaalka uu meel xun gaaray.

Qaadashada darajooyinka ciidanka ayaa ubaahan dadaal dheeri oo dhanka khibradda melleteriga ah iyo ilaalinta xeerarka ciidanka waxaana xusid mudan Dowladda Federaalka in aysan laheyn ciidan akhlaaq leh oo uqalma darajada ay hadda sheeganayaan waa Mooryaan kufsada dumarka islamarkaana isbaaro u dhigtay shacabka.

DF-ka malahan ciidan akhlaaq wanaagsan leh waana maleeshiyaad qabaa’illada lagasoo aruuriya waa dabadhilifyo ka hoos shaqeeya shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Mahad Yare
SomaliMeMo

TUURYARE OO BUUFIS QAADAY ” Waxaa i dilaya Shabaab iyo Beel Hebel”

31651986

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee sida tooska ah ugu lugta leh dagaalanka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin ayaa ka sheeganaya cabsi iyo deganaan la’aan.

Inanka Jeega xiirka ah ee dhawaanahan warbixinada siinayay warbaahinta maxalliga ah kuna magacaaban guddoomiyaha maxkamadda ciidanka hubka sida C/Raxmaam Tuur Yare ayaa wajahaya cabsi gelin kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.

Mid kamida Ehellada Tuur Yare ayaa Saxaafada maxaliga ee  Muqdisho  u sheegay in qabaa’illo reer Muqdisho ah ay qoyskooda ugu hanjabeen aargoosi haddii wiilkooda gacamaha qaban waayaan.
“Cadaadis aan caadi aheyn ayaa qoyskeena soo wajahay qabaa’iilo Muqdisho deggan oo C/Raxmaan Tuur Yare wiilashooda xukuno dilal ah ku riday ayaa ku hanjabaya in ay naga aargudanayaan”ayuu yiri mid kamida ehellada Tuur Yare.

Sidoo kale Tuur Yare ayaa amar ku bixiyay in laga bedelo laba kamid ah ciidankii ilaalada u ahaa ka gadaal markii uu uga shakiyay in ay maleegayaan qorshe isaga ka dhan ah.

Askarta ilaala u aheyd sarkaalkan ee labedelay ayaa deggan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha maxkamadda melleteriga DF-ka uu cabsi daran ka qabo dhinacyo kala duwan oo Shabaabul Mujaahidiin kamid tahay.

“Cabdi Raxmaan habeenadan saq dhexe ayuu hurdada kasoo kacaa marmarka qaarna isagoo qeylinaya oo shabaab iyo beel hebel ayaa idilaysa ku qeylinaysa ayuu soo toosaa”ayuu yiri mid kamida ilaalada Tuur Yare.

Isagoo BBC-da lahadlayay ayuu Tuur Yare ku faanay in uu yahay “Rajul Amni ah” oo macnaheedu yahay waxaan ahay “Nin dhiifoon oo amnigiisa ilaashan kara” balse waqtiga iyo maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii Tuur Yare ka nabad galo dadkii uu dhalinyarada ka laayay.

Xasan Muungaab guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa qorshaynaya in Tuur Yare uu siiyo mid kamida gaadiidka aysan xabaddu Karin oo bishii May ay Dowladda Imaaraadka carabta ugu deeqday DF-ka.

Tuuryare ayaa hada waxaa la siiyay EEYO amnigiisa suga,waxaana  soo siiyay laamaha Sirdoonka oo Xalane degan,waxaana Eyahaas ku howl gala wiilal Soomaaliiyeed “Ardaal”.

Liibaan Jeexoow.

31651986 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Abwaan Taakow oo Tiriyay Gabay cusub oo lagu magacaabo “BARYO”

31642910

Taakow Macallim Ciise oo kamid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa tiriyay gabay cusub oo waaqici ah kaasoo wax yaabaha uu taabanayaahi ay kamid yihiin gumeysiga lagu hayo, Soomaaliya, Falastiin iyo arimo kale.

Gabayga oo loogu magac daray “Baryo” ayaa waxaa kale oo ka dhex muuqanaya duco si Allaah uu ummada Muslimiinta ah uga dul qaado dulliga iyo gumeysiga ay maanta ku hoos nool yihiin.

 HOOS KA DHAGEYSO

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post