WARBIXINO TAXANE AH-Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo aan hore loo arag,

33511978

Dhibaatooyinka dhaqaala darri iyo shaqo la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho waxaa kaalin weyn ku leh shirkadda Turkishka ah ee dekedda gacanta ku heysa, taasoo ganacsatada Soomaaliyeed ku kordhisay qiimaha lacagaha ay wax kula soo degaan.
Mid kamid ah ganacsatada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa inoo sheegay in markii ay shirkadda Al-beyrak la wareegtay furdada uu magaalada ka dillaacay sicir barar baahsan.

Wuxuu sheegay in halkii Konteenar oo badeeco ah ay ka qaadato lacag dhan 1300$ (Kun iyo sadax boqol dollar) halka markii hore laga qaadi jiray 900$ (sagaal boqol oo dollar) taasi oo ay sii dheer tahay lacago canshuuro ah oo labo meel oo isla dekedda ah looga qaato.

Ganacsadaha ayaa intaa ku daray in markii ay badeecadooda kala soo baxaan dekadda mar kale lacago baad ah ay ciidamada dowladda uga qaataan wadooyinka, kadibna looga daba tago bakhaaradooda oo haddana lagu canshuuro.

Arrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay sababeen sicir barar baahsan oo ka dillaacay magaalada Muqdisho taasi oo keentay in dadka dabaqadda hoose ay maareyn kari waayaan noloshooda.

Tusaale ahaan kiiladii Bariiska oo sadax sannadood ka hor la iibinayay lacag ka yar nus Dolar ayaa waxaa maanta lagu bixiyaa qiimo ku dhow hal dolar, burka iyo sonkortuna waa lamid.

Haddii xaalku sidaa yahay, bal is weydii sida uu u noolaan karo qofka boqolka dollar ku shaqeeya bishii iyo kan xamaaliga ah ee habeenkii gurigiisa kula soo hoyda labada dollar!.

 

Haddii Wixii Dekedda Kasoo Daga Qaali Yihiin Aaway Dalaggii Dalka?

Mar walba oo ay shacabka magaalada Muqdisho la kulmaan sicir barar waxay ku baxsan jireen dalagga kasoo go’a wadanka, laakin taas ma dhicin maanta oo waxaa qudheeda ku hor gudban caqabado badan.

Qaar kamid ah dhulkii ugu muhiimsanaa ee wax soo saarka waxaa qabsaday ciidamada shisheeye oo sabab u noqday iney baaba’aan beero badan kadib markii ay dul marsiiyeen karaayaashooda, qaarna ay illaa iyo maanta dul daggan yihiin.

Intaa waxaa dheer in wixii dalag ah ee kasoo go’ay dhulka amniga ee shareecada lagu maamulo ay dowladdu wadooyinka iyo suuqyada uga qaado canshuuro xad dhaaf ah, halka qaadka aan wax canshuur ah laga qaadin, marka laga reebo tan garoonka diyaaradaha looga qaato.

Arintan waxay keentay in sidoo kale uu kor u koco qiimaha dalagga dalka kasoo go’a illaa la gaaray heer ay qaarkood ka qaalisan yihiin raashinka dibadda laga keeno.

Digirta markaan tusaale usoo qaadano waxaa suuqyada magaalada Muqdisho looga iibsadaa qiimo lacageed oo gaaraya 18,000 (toban iyo sideed kun) illaa hal dollar, taasoo kuu muujineysa in aysan dan yartu heysan meel ay u cararaan.

Ciidamada shisheeye, hey’adaha iyo qurba joogta ayaa kaalin weyn ku leh qiimo kororka ku yimid maciishadda, sababtoo ah waxay iyagoo lacago badan farraqaya si joogto ah u iibsadaan caanaha, hilibka xoolaha, Kan kalluunka IWM.

Dhalada caanaha Geela oo labo sannadood ka hor Muqdisho ka ahayd wax ka yar Nus dolar, ayaa waxay maanta mareysaa hal dolar, Kiiladii Hilibka Geela oo raqiis lagu cuni jiray ayaa waxay gaartay 1,2000 (Boqol iyo labaatan kun) halka kalluunkuna uu kasii daran yahay.

Shaqo La’aan.

In badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waa shaqo la’aan, waxaana dadka baagamuundada ah u badan ganacsatadii yar yareyd ee suuqyada kadib markii ay waayeen faa’iidadii ay ka heli jireen badeecadooda.

Sidoo kale waxaa dadka camal la’aanta kamid ah macallimiintii dugsiyada qur’aanka oo iyagoo nafsadooda u baqaya iska fariistay iyo kumannaan shaqaalihii dekedda Muqdisho laga eryay ah.

Aqoonyahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duruufta ka jirta magaalada Muqdisho ay gaartay heer aad u xun, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay gabdho da’ yar muuqaal qurxoon oo raashin bisil oo hey’ad kariso saf ugu jira.

Dadka shaqo la’aanta ku ah magaalada Muqdisho waxaa kamid ah ardayda jaamacadaha ka baxday, kadib markii ay waayeen meel u qalanta oo ka shaqeyn karaan.

Waxaa jira qaar kamid ah dadka jaamacadaha ka baxa oo ay baagamuunda-nimadu ku kalliftay iney u shaqeeyaan, DF, shisheeyaha iyo hey’adahooda.

Ariinta iigu yaabka badan ayaa waxay tahay wiil jaamacad Sudan kasoo laabtay oo hey’ad shaqo ka helay, waxuu ii sheegay in mushaar ahaan loo siiyo 150$ (boqol iyo konton dolar) haba iska ahaato’e maxay tahay shaqada loo dhiibay? Wuxuu ii sheegay inuu ka shaqeeyo mashruuca dhismaha musqulaha kaamamka iyo tira koobka biyaha ay shubaan booyadaha!! Waa nin jaamici ah!.

Lasoco Q.3-aad insha’allaah

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Sharaxay Argagaxa Dowladda Ku Haysta Muqdisho.

32572886

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgallo qorshaysan oo shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Maxamed Xasan oo ah AqooNyahan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay Howlgallo dhacay Labadii Cisho ay sababeen kala shaki iyo Argagax soo wajahay madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay howlgalada shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Gobalka Banaadir ay sabab unoqotay in xitaa Magaalada ay isku rasaaseeyaan askarta Dowladda.

Wuxuu faafaahiyay fashilka amni ee Muqdisho iyo sirdoonka shabaabul mujaahidiin sida ay ugu xoogeesteen Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aqooyahan Maxamed Xasan

Xigasho:idaacadda alfurqaan

31349878

Baarlamaanka Muqdisho oo Gacmaha iskula tegay kadib markii lasoo Bandhigay Mooshinka Ka Dhan ah Cabdiweli Sheekh

 t_770570004pizapw1415704353

Wararka ka imaanaya xarunta baarlamaanka DF-ka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisada udhaxeeya xildhibaanada ay ka dhaceen gudaha hoolka shirarka.

Wariyaal ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada kala taabacsan Xasan Sheekh iyo Cabdi Wali Sheekh ay gacmaha iskula tageen kadib markii lasoo bandhigay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Shir guddoonka kulankii maanta ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in kulanka lasoo xiray iyadoona la arkayay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo xildhibaanada kala celinaya iyadoona marmarka qaar xildhibaanadu ay dhagxaan isku tuurayeen.

Saraakiil ka kala socotay xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa kulanka lagu dhax arkayay waxaana loo malaynayaa in lacago ay ku kala gadanayeen xildhibaanada.

Lasoco wixii soo kordha

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

Beelaha Muqdisho oo la saftay Cabdiweli Sheekh!

32434195

Beelaha gobolka Banaadir ayaa ku saf noqday Cabdiweli Sheekh oo maalmahan ay is hayeen Xasan Sheekh Maxamud oo ah nin ka soo jeeda beel ahaan gobolka Banaadir.

Beelaha Muqdisho ayaa aad u neceb Dammuljadiid,gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir oo ay u yaqaanaan Doorshaanka “Xaar Walaalka” Xabashida,Faaraxna waa ninka furaha u ah Xasan Sheekh iyo Dammul jadiid oo dhan,Faarax ayaa ah wakiilka guud ee Xabashida ee dhulka Soomaaliyeed.

Khilaafka labada nin ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho laga nacay doqonimada  Xasan Sheekh,waxaana si aad ah  uga horyimid beeshiisa  gaarka ah waxayna ku naanaysaan “Xasan Magudbe” ama Xasan Gaabshe Gurguurte”.

Cabdiweli Sheekh ayaa og in Xasan lumiyay taageerida beelaha Muqdisho,wuxuuna u arkaa waqti ku haboon inow ka tuuro meesha kana taqaluso Xasan iyo Faarax oo ay u arkaan  kuwa laga kheyr badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa amar ku siiyay ciidamada Nabadsugida inaysan ogolaan wax shir ah oo looga soo horjeedo inaysan xamar ka dhicin, waxaana Xasan Ciidankaas  u dhiibay   bilo ka hor wiilka oo adeerka u yahay Saajin Tuuryare.

Shalay ayay ahayd markii loo cagajugleeyay qaarna la xiray milkiilyaasha hoteelada Muqdisho,waxaana dadka la xiray ka mid ah Milkiilaha Hoteel Maka Almukarama Guray Xaaji oo Xasan Sheekh isku beel yihiin!

32434260

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

 

Wargeys Ugandha kasoo baxa oo sheegay in Booliska AMISOM ee Magaalada Muqdisho jooga ay Maalin walba Tumasho u tagaan xeebta Liido Lacag bilaash ahna ay iska qaataan!!

32126624

Mid kamid ah Wargeysyada ugu afka dheer leh Waddanka Ugandha ayaa boggiisa hore cinwaan uga dhigay Booliska Ugandha iyo Xeebta Tumashada ee (Liido), Waxana uu Wargeysku ka hadlayey farqiga u dhexeeya Ciidamada Milatariga Ugandha ee Soomaaliya jooga iyo kuwa Booliska ah ee magaalada Muqdisho loo geeyay in ay ka qeyb qaataan sugidda Amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Wargeyska ayaa sheegay in Milatariga Ugandha ee Soomaaliya jooga ay howl adag hayaan Maalin walbana ay dhacdo in Dhimasho ama dhaawac ay kasoo gaarto Dagaallada ay kula jiraan Kooxda Alshabaab, Iyagoo weliba aanan si toos ah u helin Mushaaraadkooda oo sisuuq madow ah Mushaarkooda loo lunsado, Halka Booliska jooga magaalada Muqdisho ee magaca AMISOM ku jooga balse dhammaantood ah Ugandheys ay siRaaxo leh lacagtooda ku qaataan, Iyagoo aanan wax howl ah qaban, Mushaarkoodana aanan laga musuqmaasuqin.
Wargeysku waxa uu sheegay in Booliska AMISOM ee waddanka Ugandha laga qaaday oo isugu jira Rag iyo Dumar ay Maalin walba tamashleyn iyo dabaal u tagaan Xeebta Liido, Iyadoo sida Wargeysku sheegay ay qaarkood qaarka kale waardiyeeyaan inta ay dabaalayaan ama ku raaxeysanayaan Xeebta. Waxana uu Wargeysku falanqeeyay in Booliskaas ay qeybba Maalmo ku raaxeystaan Xeebta Liido, halka qeybaha kalena ay waardiyo ka hayaan qeybta Maalintaas xeebta ku raaxeysaneysa.
Warbixintan uu Wargeyskaas soo qaatay ayaa kusoo aadeysa kadib Maalin qura markii Waxgaradka Muqdisho ay walaac ka muujiyeen Fisqiga iyo Fal-falxumada ay Ciidamada Booliska AMISOM lasoo aadaan Xeebta Liido, Waxana ay Odayaashu aad uga hadleen oo ay arrin aan la aqbali karin ku tilmaameen Qaawanaanta ay Badda ku yimaadaan Dumarka iyo Ragga Ugandheyska ah, Iyagoo Hub culus oo ay isku waardiyeynayaanna Badda lasoo aada.
Waxgaradka Muqdisho ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxda Dowladda ay kala hadleen Fisqiga ay Ciidamada AMISOM ka wadaan Xeebta Liido, Balse Nasiibdarro aysan wax jawaab ah ka helin Madaxda.
Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya Xilli Hay’adda Human Rights Watch ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ay Maalmo kahor wax ka qortay Kufsi baahsan oo ay Ciidamada AMISOM ku hayaan Haweenka Soomaaliyeed, Iyagoo adeegsada Muqalasiin Soomaali ah oo xeryahooda ugu geeya Haweenka ay kufsanayaan.

32126600

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

Maleeshiyaadka Muungaab oo Muqdisho isku fara saaray!

32007983

Wararka laga  helayo  israsaaseyn Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ka dhacday  ayaa  dadku waxay sheegayaan in xaaladu hadda tahay mid cakiran.

Iska horimaadka  dhacay ayaa udhaxeeyey Maleeshiyaadka  Ilaalada uah Muungaab,iska horimaadka ayaa ka dambeeyey kadib markii ay isku dhaceen labo taliye Unug oo kawada tirsan Maleeshiyaadka  ilaalada  Muungaab sidaana ay isku dileen.

Weli ma jirto hadal kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayo iskahorimaadka khasaaraha geystay ee ka dhacay Maanta barqadii Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

VIDEO:-Afhayeenka AMISOM Jabuutiyaanka Cali Xaamud oo difaacay Kufsiga AMISOM, una gafay dadka Soomaaliyeed.

31998102

Su’aalo adag oo la xariira  Warbixiintii dhowaan soo baxday ee ku aadan Kufsiga iyo Galmada Khasabka ah ee Ciidamada Amisom ay u gaystaan Haweenka Soomaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa waxay noqotay mid aad u kulul, Waxaana Afhayeenka Amisom uu gaashaanka ku dhuftay arintaasi, Wariyahaa ayaa u akhriiyey Warbixinta kadibna waydiiyey Maxaad Beeninaysaa In Ciidamada AMISOM ay kufsadeen Haween soomaliyeed adigoo Difaacaya SUMCADA Amisom !!.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin”Shacabka Muqdisho haka qiiroodaan Gumeysiga iyo Dhibaatada lagu hayo”

31829772

Sheekh Cali Katiin oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa ka hadlay dhibaatooyin laba jibaarmay ee ciidanka dowlada iyo shishuuyuhu kula kacayaan shacabka Muqdisho.

Dadka Muqdisho waxay ahaayeen kuwa ka qiirooda gumeysi kasta oo kaga yimaada shisheeyaha,waxay iska celiyeen oo ay iska saareen Itoobiya’ayuu yiri sheekh Cali katiin isagoo ugu baaqay shacabka inay iska dulqaadaan Ciidamada heysta.

Sheekh Cali ayaa sidoo kale dardaaran Muhiim ah ujeediyay Ganacsatada ku dhaqan Suuqa bakaaraha oo ku dhaqaaqay gadood ka dhan ah dowlada.

31826737

Voice Of Somalia-Banaadir Post

WARBIXIN:-Shalay Dable, Maanta Korneel,Berrina Jeneraal,Musuq Maasuq Dhanka Darajooyinka Ciidan ah oo VILLA SOMALIA Kajira!

31679273 (2)

Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay taliska ciidanka Dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

Musuq Maasuqa dhanka maaliyadda ah oo ay ku dhaqaaqaan saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa caadi iska ahaa sanadadii lasoo dhaafay tallaabadaasi oo xagal daacin weyn ku ah taliska kartoonka ah ee Villa Somalia.

Wax isdabamarintu kuma ekaan oo kaliya dhaqaalaha iyo hubka ee waxay saameysay darajooyinka ciidanka waxaana dhacday in si fowdo ah darajooyin ciidan laysku siiyo.

Col.Cabdi Kariim dhegabadan oo horay u ahaa abaan duulaha ciidanka DF-ka ayaa 5 bilood kadib markii uu xilkaasi hayay isku dalacsiiyay Jeneraal waxayna saxaafaddu ugu yeeri jirtay “Jeneraal dhega badan”.

Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe waa taliyaha guud ee ciidanka Melleteriga DF-ka wuxuu ka qeylla dhaamiyay darooyinkan bugta ah ee lagu tixayo askarta iyo saraakiisha.

Indho Qarshe oo ragga wararka fidiya kula hadlayay Muqdisho ayaa qiray in boqolaal askar dablayaal ah ay si lama filaan ah isugu rogeen Korneel,Gaashaanlle illaa ay gaareen darajada Jeneraal!.

“Waxaan sameynay baartaanno aan ku ogaannay in 400 oo askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka ay haystaan darajooyin la been abuuray. Arrintan waxaan u xilsaarnay guddi warbixintii ay keennanna waxaa hor-dhigi doonnaa golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya”ayuu yiri Indho Qarshe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in musuq maasuqa dhanka darajooyinka ciidanka ah ee kajira dowladda Federaalka uu meel xun gaaray.

Qaadashada darajooyinka ciidanka ayaa ubaahan dadaal dheeri oo dhanka khibradda melleteriga ah iyo ilaalinta xeerarka ciidanka waxaana xusid mudan Dowladda Federaalka in aysan laheyn ciidan akhlaaq leh oo uqalma darajada ay hadda sheeganayaan waa Mooryaan kufsada dumarka islamarkaana isbaaro u dhigtay shacabka.

DF-ka malahan ciidan akhlaaq wanaagsan leh waana maleeshiyaad qabaa’illada lagasoo aruuriya waa dabadhilifyo ka hoos shaqeeya shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Mahad Yare
SomaliMeMo

TUURYARE OO BUUFIS QAADAY ” Waxaa i dilaya Shabaab iyo Beel Hebel”

31651986

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee sida tooska ah ugu lugta leh dagaalanka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin ayaa ka sheeganaya cabsi iyo deganaan la’aan.

Inanka Jeega xiirka ah ee dhawaanahan warbixinada siinayay warbaahinta maxalliga ah kuna magacaaban guddoomiyaha maxkamadda ciidanka hubka sida C/Raxmaam Tuur Yare ayaa wajahaya cabsi gelin kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.

Mid kamida Ehellada Tuur Yare ayaa Saxaafada maxaliga ee  Muqdisho  u sheegay in qabaa’illo reer Muqdisho ah ay qoyskooda ugu hanjabeen aargoosi haddii wiilkooda gacamaha qaban waayaan.
“Cadaadis aan caadi aheyn ayaa qoyskeena soo wajahay qabaa’iilo Muqdisho deggan oo C/Raxmaan Tuur Yare wiilashooda xukuno dilal ah ku riday ayaa ku hanjabaya in ay naga aargudanayaan”ayuu yiri mid kamida ehellada Tuur Yare.

Sidoo kale Tuur Yare ayaa amar ku bixiyay in laga bedelo laba kamid ah ciidankii ilaalada u ahaa ka gadaal markii uu uga shakiyay in ay maleegayaan qorshe isaga ka dhan ah.

Askarta ilaala u aheyd sarkaalkan ee labedelay ayaa deggan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha maxkamadda melleteriga DF-ka uu cabsi daran ka qabo dhinacyo kala duwan oo Shabaabul Mujaahidiin kamid tahay.

“Cabdi Raxmaan habeenadan saq dhexe ayuu hurdada kasoo kacaa marmarka qaarna isagoo qeylinaya oo shabaab iyo beel hebel ayaa idilaysa ku qeylinaysa ayuu soo toosaa”ayuu yiri mid kamida ilaalada Tuur Yare.

Isagoo BBC-da lahadlayay ayuu Tuur Yare ku faanay in uu yahay “Rajul Amni ah” oo macnaheedu yahay waxaan ahay “Nin dhiifoon oo amnigiisa ilaashan kara” balse waqtiga iyo maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii Tuur Yare ka nabad galo dadkii uu dhalinyarada ka laayay.

Xasan Muungaab guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa qorshaynaya in Tuur Yare uu siiyo mid kamida gaadiidka aysan xabaddu Karin oo bishii May ay Dowladda Imaaraadka carabta ugu deeqday DF-ka.

Tuuryare ayaa hada waxaa la siiyay EEYO amnigiisa suga,waxaana  soo siiyay laamaha Sirdoonka oo Xalane degan,waxaana Eyahaas ku howl gala wiilal Soomaaliiyeed “Ardaal”.

Liibaan Jeexoow.

31651986 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:- Wariyaasha Idaacadda Dowladda oo ka Cabanaya Mushaar La’aan iyo xarig loo gaystay

31582823

Wariyaal ka tirsan Radio Muqdisho oo ah idaacad ku hadasha afka dowladda ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka warfaafinta Mustaf dhuxulow iyo agaasimayaasha qeybaha ay ka kooban tahay wasaarada ay dhunsadeen mushaaraadkii ay lahaayeen wariyaasha ka howlgala Idacaadaha Dowladda

Musuqmaasuqa ay ku caan bexeen madaxda dowladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhammaan waaxyaha dowladda iyadoo maalin walba war baahintu sii deyso shaqaalohooda oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Wariye majaajiliiste ah oo ka tirsan war baahinta dowladda ayaa dhawaan afka labadi yeeray kadib markii uu xamili kari waayay mushaar la’aan muddo ku dhow sannad.

Cabdullaahi Muuse Kal-gacal oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaanu muddo todobo bilood ah qaadan wax mushaar ah, saasoo ay tahayna uu joogto u shaqeeyo.

Wuxuu sheegay in wasaaradda war faafintu ay lacago aad u badan ku cunto fariimaha uu isagu duubo taa badalkeedana aanan waxba laga siin.

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Wariye Galgacal waxey sheegayaan in ciidamada Nabad sugidda dowladda ay xabsiga dhigeen wariyaha kadib markii warbaahinta qeybaheeda kala duwan uu ka cabaaday islamarkaana uu sheegay in mushaar la’aan uu ka cabanayo.

 

HOOS KA DHAGEYSO CODKA WARIYAHA!!

 

 

31583080

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Xasan Nuur “Gummaadka Dhalinyarada Dowlad Laguma Noqdo Reer Muqdishana looma caga jugleyn karo”.

31540675

Kadib fashil dhanka ammaanka ah oo aan kasoo waaqsi laheyn oo ay dhammaan laamaha dowlada Federaalka ah lakulmeen 25 maalmood gudahood ayay ku dhaqaaqeen wax u eg gummaad .

Waxgaradka magaalada Muqdisho iyo siyaasiyiinta ayaa jawaab celino ka bixiyay ammaan darrada caasimadda ah iyo tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeen madaxda dowladda waxa ay soo kordhin karto.

Siyaasig Xasan Nuur oo katirsan waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay in dilkii xildhibaanad Saado Cali iyo weerarkii madaxtooyada uu ka carreysiiyay Xasan Sheekh iyo saraakiishiisa ammaanka kadibna ay sameeyeen wax ay iyagu u arkeen aargoosi.

“falkii dilka ahaa ee maanta ka dhacay Iskoola Boliisiyo wuxuu u muuqday caro ay madaxda dowladdu kala dul dhaceen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe”ayuu yiri Xasan Nuur.

Dilalka dhalinyarada lala xariirinayo xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadi kara naceybka loo qabo dowladda Federaalka iyo shisheeyaheeda.

“Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe Muqdisho waxay soo martay maamullo kala duwan dadka degganna waxbadan oo waaya aragnimo ah ayay leeyihiin,maanta in wiilashii reer Muqdisho xabsiyada lagasoo baxo oo banaanada lagu toogto waxay sii xoojinaysaa naceybka loo qabo xukuumadda Villa Somalia dadkuna ay shabaabka gabaad siiyaan”Xasan Nuur.

Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa ugu baaqay Hoggaanka DF-ka in ay xilalka ay hayaan iska casilaan ayna allaah uga towbadkeenaan la shaqeynta ciidanka shisheeye ee soomaaliya kusoo duulay.

Mahad Yare

DHAGEYSO:-Sheekh Cali jabal oo Odayaal kula kulmay gudaha Muqdisho.

  pizap.com14060274982451

Kulankan oo ka dhacay gudaha xaafada Suuqa xoolaha degmada Hiliwaa waxa uu waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku nool xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Sheekh Cali jabal waxa uu odayaashaasi ka dhageystay dhibaatooyin iyo culeyska ay ka cabanaayaan odayaasha taasi oo ay kala kulmaan dhanka Maleeshiyaadka dowladda Fadhida Viila Somalia waxeyna odayaasha ka codsadeen Sheekh Cali jabal  iney wax ka qabtaan  dhibaatooyinkaasi oo ay si gaar ah u beegsadaan Maleeshiyo Beeleedka Araxanka daran  ee  caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha degmadaasi.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Malaaq Showri: “Xassan Sheekh hantidii uu ka dhacay ummada wuxuu u dhiibtay Shirkado ku yaala K/Afrika”

 

31493147

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu ka socdo boob aan xad lahayn kaasoo ay geysanayaan shisheeyaha iyo dowladda uu hogaamiyo Xassan Sheekh.

Malaaqa ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dalkan ka geystay dhac baahsan, isagoo hantida uu dhoco ku shubta shirkado ku yaala dalka K/afrika.

Sidoo kale malaaqa ayaa soo hadal qaaday fashilka amni ee dowladda iyo ciidamada shisheeye ku heysta magaalada Muqdisho iyo waxa lagu qiimeyn karo xaaladda guud ee magaalada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO:-Dambiyadii uu dalka ka galay General Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax

31483357

Waa barnaamij uu TV-ga CBS ee Canada sii daayey 7-dii October 1992, oo ka hadlaya uu dambiyadii Somalia ka gaystay taliyaha cusub ee booliiska Muqdisho  General Maxamed Xasan ismaaciil Faarax.

Source: CBS Canada

31493242

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MAQAAL:-Jaha wareerka Villa Somalia & jaho la’aanta amniga Muqdisho!!

31431077 (1)

Sallaamullahi calleykum Walaalaha Soomaaliyeed Ramadaan kariim Dhammaatiin Meel kastoo aad ku sugantihiin iyo xaalkastoo aad ku sugan tihiin..

Waxaa  la weereray toddobaadkaan Madaxtooyadda Soomaaliya    waxaa  fududeeyey   shaqaale ka, ag dhawaa Madaxtooyadda  waxaay sheegeen inay ujeedkoodu ahaayd inay dilaan Ra,iisul wasaarahaa Soomaaliya waa sida  ay hadalka u dhigeenee waxaa  xilkii laga qaaday  taliyayaashii nabad sugida iyo Booliska waxaa la magacaabay taliyayaal kale maxay soo kor dhin karaan?..

Waxaa kale oo shir jara ,iid qabtay  Madaxwaynaha Soomaaliya  MD Xasan    shirkaas Jaraa,iid shacabka Soomaaliyeed waxay ku micneeyeen  mid aad u jilicsanaa  Madaxwaynaha ayaa yiri Dawladu waa ka kortay  walax  Alshabab  carin karo wuxuu kale oo yiri nin cararaa ma ahii  Al shabab-naa  cidna ma dili karaan  askarta  saraakiisha iyo Xildhibaanadda maalin kastaa Muqdisho lagu laynaayo oo al shabab ay sheeganayaan miyeeysan Soomaali ahayn?

Dadka  wadaniyiintaa ee siyaasadda  falanqeeya  waxay ku doodayaan in Madaxwaynaha laga sugayey xanaaq iyo dhiifanaan   dhiiri galisaa  shacabka Soomaaliyeed siiba Ciidanka Qaranka halka xataa  Madaxwaynuhu uusan u Tacsiyeeyn  ciidankii difaacayey  Aqalka Madaxwaynaha

Waxaa kale  oo lamagacaabay  wasiirka amniga  Qaranka oo loo   Magacaabay   taliyihii hore ee nabad sugida  laakiin xilka laga Xayuubiyey markii lagu soo eedeeyey inuu xilkaas gudan waayey Hasayeeshee    waxaa loo dalacsiiyey  heer wasiir  Qaraan jaha wareerka  Haysta Dawladeena Soomaaliya ayey ka mid  tahay` yaa xil loo dhibaa  yaase amanka Muqdisho sugaya? Waa arrinta  haysata  Villa Soomaliya..

Jaha  wareerka ka taagan  Caasimadda Soomaaliya wuxuu kalifay in la garan waayo cida amniga Muqdisho sugaysa iyo cida xilka loo dhiibaayo  waxaa  dhagaaha shacbiga Soomaaliyeed ka dhammaan la` waxaa la weeraray xarumah  muhiimka ee Dawlada Soomaaliya sida  xarunta  Barlamaanka xarunta Madaxtooyadda xarunta Maxkamadda sare  xarunta Qaramada madobey iyo wixii lamida taasoo kaliftay in la garan wayo cida amanka Xamar sugaysa..

Dhammaan   markii aad arrimahaan xooraan sato ama aad u kuurgasho   waxaa kuso baxaya  jaha wareerka ka taagan Caasimadda Soomaaliya inuu yahay mid aan caadi ahayn ayna Adag tahay in la so, afjaro jaha wareerka saameeyey dhan kasta..

Soomaalidu  waxay ku mahmahdaa) wadaantii  salka ka qaloocata Afka tuus kuma timaado)  dhanka  siyaasada Villa Soomaaliya ayaa ah mid ku jirtaa jaha wareer  hagida hanaanka amniga lagu sugaayo  24 Maajo  waxaa is casilay  wasiirkii qaranka Cabdixakiim  kadib markii uu xilkaas gudan wayey laakiin  isla ayaamo kadib waxaa loo dalacsiiyey  la taliyaha  Madaxwaynaha ee dhanka amniga maxaa khaldaan?..

Dawladda Soomaaliya ee xarunteetu tahay Muqdisho  waxay   ku jaha  wareersan tahay cidii amaanka magaalada sugi lahayd hadii ay noqon lahayd wasiir ama taliyayaasha ciidanka  waxaana soo noqnoqanaya fateexaad wayn oo ku wajahan dhanka amniga Muqdisho ayada oo la weereraayo  xarumaha  ugu muhiimsan  Qaranka Soomaaliya rajo ma ka qabtaa in  2016  doorasho   xora  ka dhacdo Soomaaliya..

Waxaa  toddobaadkaan dhacay  weerar aad looga xumaaday Ceebna ku ah hogaanka sare ee Soomaaliya waayo halka weererka lagu qaaday waa Aqalkii looga talinayey Jamuuriyadda Fedralkaa ee Soomaaliya waana xarun muhiima  markii aad ka eegto dhan kastaa  dhanka  siyaasada amniga & diblamaasiyadaba  waa ku ceeb Dawladda Soomaaliya..

Waxaa kale  oo ceeb ku ah Dawladda Madaxwayne Xasaan Sheikh Maxamuud sida saxaafadda loola hadlay hadii ay noqon lahayd  fah fahinta laga bixiyey  cidii  weererkaan ka dabaysay oo lagu sheegay  inuu fududeeyey  nin ka tisanaa  madaxtooyadda..

Waxaa kale oo lama filan noqotay  in madaxwaynihii jamuuriyadda Federalkaa uu  saxaafadda u Sheegay  inuu  yahay  Geesi aan ka cararin  halkii weererku ka dhacay halka uu ilaaway inuu u tacsiyeeyo  ragii naftoota ku wayey difaaca  Villa Soomaaliya soo kuwa kale ee hada ilaalinaya niyad jab kuma ahaan?..

Dhanka kale  waxaa saxaafadda  loo soo bandhigay  nin ku fadhiya  kursi  dheer  kuna labisaan funaanaad  ka samaysaan calanka Soomaaliya kaas oo lagumicneyey  inuu yahay ninkii ka dabeyey  weerarkii  maxadtooyadda ka dhacay xataa  waxaa  jaha  wareer ka taagan yahay   warbaahinta afka dawladda ku hadasha waayo  shaqsi aan maxkamaad la gayn oo xukun ku dhiciin ama an la xukumin ayaa  isla markiiba saxaafadda  loo so bandhigay  taas  soo uma ekaa  jaha wareer  kale?..

Ugu dabayntii xalku wuxuu ku jiraa in hogaanka sare ee Soomaaliya siiba Madaxwaynaha Soomaaliya uu qaato go, aan adaag  kana duwaan midkii labadii sano ee la soo dhaafay uu ku shaqaynayey  go, aankaas waa inuu noqdaa daryaalka ciidanka diiwaan galinta ciidan qaran oo dhaba xulashada cida xilka loo dhiibaayo oo an lagu salayn saaxiibtinimo ee lagu saleeyo xilkasnimo & Qaran raadis waana in ugu yaraan la  xaqiijiyaa amanka  xarumaha muhiimkaa ee dawladda

 

Dhammaad

Wixii Su, aal waydiina

Cabdinuur Faarax Maxamud
guuleed72@hotmail.com

10377615_546271325476774_2452539420168250405_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Xildhibaan Cali Nuur “Al Shabaab Waxay Madaxtooyada Ku Qaadeen Weerar Guuleystay”

31420443

Hoggaanka Dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha kusoo duulay soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen sugidda ammaanka xarumaha muhiimka u ah ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cali Nuur oo katirsan baarlamaanka DF-ka ayaa dhaleecayn kulul ujeediyay Xasan Sheekh iyo taliyaasha ciidamada in ay ka hortegi waayeen weerarada ay Shabaabul Mujaahidiin ku qaaday Villa Somalia iyo xarunta baarlamaanka.

“Mafashilmin weerarada Shabaab ku qaadeen xarumaha muhiimka ah,madaxda dowladdu been bay sheegeen markii ay dhaheen weerarada shabaab ayaa fashilmay”ayuu yiri Xildhibaan Cali Nuur.

Isagoo lahadlayay idaacadda BBC-da ayuu banaanka soo dhigay xaqiiqda ka dhaxjirta hoggaanka DF-ka wuxuuna qiray awoodda dhan walba ah oo ay shabaabul Mujaahidiin Muqdisho ku leedahay.

 HOOS KA DHAGEYSO

31420489

Voice Of Somalia-Banaadir Post