Wadanka Soomaaliya oo sanado badan uu ka socday dagaal halgan jihaad ah oo looga soo horjeedo shisheeyaha kala ahdaafta duwan ee soo duulay, ayaa hadda u muuqda in weli dhiigu sii qul quli doono kadib isbadallo soo ifbaxaya.
Horay wadanka waxaa u joogay ciidamo shisheeye oo ka socda dalalka Kenya, Burundi, Uganda, Sierraleon, Djibouti oo wata magaca Amisom iyo cutubyo ka tirsan ciidanka militariga Itoobiya kuwaasi oo weligoodba aan lugta kala bixin wadanka balse danahooda gaarka ah u joogay iyagoo aan hoos joogin taliska Amisom.
Itoobiya oo damac fog ka leh Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday inay qabato hogaanka ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya ee Amisom si ay ugu gaarto danaheeda gurracan islamarkaana ugu dhaqaaleysato ciidamadeeda, laakiin arinkaasi ayaa la isku fahmiwaayay.
Baydhabo oo ah magaalo muhiim ah ayaa Itoobiyaanku faarujiyeen si ay u muujiyeen kaalintooda ciidan iyo inaan laga maarmin, markaasi oo taliska Amisom uu ku qasbanaaday inuu wax uun u ogolaado Itoobiya oo loo arko inay tahay awoodda kaliya ee looga tashanayo in lagu qabsado wadanka.
Wadahadallo ay garwadeen ka yihiin reer galbeedka iyo Yuhuudda oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn lagu aqbalay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howlgalka gumaysiga ah iyada oo qaadaneysa magaca Amisom, waxaana lagu qanciyay inay qaadato gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo weliba Hiiraan oo ay kaalin muhiim ah ku yeelan doonto.
Tallaabadaasi oo muujineysa inay Itoobiya gashay gor gortan adag ayaa ka dhigan tabar darro dhan walba ah oo heysata ciidamada shisheeye iyo sida ay qaati kaga taaganyihiin inay horay u sii wadaan dagaalka.
Ciidamada Itoobiya oo jab iyo halaag horaan kala kulmay Soomaaliya ayaa hadda wata shaatiga Amisom iyo calaamadda Cagaarka iyo Cadaanka ka kooban ee Amisom, taasi oo ka dhigan ninkii ku dhaawacay haku dhayo!!!
Si kastaba ha ahaatee umadda Soomaaliyeed oo dagaal facweyn kula jirta shisheeyaha gaar ahaan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa isha ku heysa mu`aamaradda cusub ee la soo maleegay waxaana isbadalay dhamaanba shucuurta iyo dareenka dadka iyagoo isha ku haya sida ay hadba wax u soconayaan.
Shacabka Soomaaliyeed oo horay u diidanaa shisheeyaha islamarkaana kula jiray dagaal ayaa Itoobiya u arka inaanay xitaa ka mid noqon karin waxa lagu sheego Amisom marka la eego sharciyadda dalalka qaar waayo Itoobiya horay ayay Soomaaliya dhul kaga heysatay, dadkeeda ayay gumaaday hadana waa gumaysi cusub.
Dadka ku dhaqan Muqdisho waxa ay Muujiyeen damiir iyo dhiig aanay ka fileyn Ciidamada Gumeystaha iyo Saraakiisha kale ee gaalada Magaalada degan.
Shacab fara badan oo dibad bax dhigaya ayaa xiray wadada Makka Almuka rama taasoo halbowle u ah isu socodka Ciidamada Shisheeye, Dowladda Federaalka ah, iyo hay’adaha kale ee Sirdoonka Ajaanibta ah Maadaama Jidkaasi isku xiro Garoonka Muqdisho iyo Aqalka Madaxtooyada.
Dibad baxayaashu waxa ay aad u caroodeen Markii mid ka mid ah gaadiidkii gaashaaman ee Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho joogaa uu dardaray Nin tagsiile ah oo la oran jiray Saalax kaasoo goobta ku qurbaxay.
Kolonyadii gaadiidka Shisheeye ee kan Saalax dilay ka mid ahaa ma aanay istaagin dibna uma aanay soo eegin wixii ay geysteen sidii ay waayadii horeba ay ku kaci jireen ,laakiin shalay culeys aanay u baran ayaa soo kordhay waxaanay ka baqeen in durba uu bilowdo kacdoon iyaga ka dhan ah.
Lama arki jirin dad dibad baxaya marka ay sidaan oo kale dad dilaan ee waxaaa warku ku koobnaa jiray in Idaacaduhu tebiyaan Meydkana la aaso. Haddese xaalka ayaa sidaas ka bedelan dadkana fahan iyo baraarug bartii ayaa ka Muuqda.
“haddii askeri Shisheeyaha ah koofidu ay ka dhacdo gaariga uu saaran yahay waa la joojiyaa kadibna wuu soo degaa oo koofida ayuu qaataa laakiin marka gaarigu qof Soomaali ah dardaro lama joojiyo maxaa yeelay Ciidamada gaaladu waxa ay aaminsan yihiin in kan ay dileenu yahay cadaw ka haray” sidaas waxaa igu yiri wariye dhacdadii Shalay si weyn ula socday kuna Sugan Muqdisho oo aan Taleefoonka kula hadlay welow uu Magaciisa in aan shaaciyo diiday sababo amaankiisa la xariira.
Inkastoo Ciidamada Uganda iyo Burundi ee Maraykanka, wadamada Reer yurub qaarkood iyo Qaramada Modoobay wataan Caasimadda Soomaaliya gacanta ku hayaan hadana waxaa Howl gallo ka fuliya Mujaahidiinta oo habeen waliba weeraro ka geysta dhinaca kalena waxaa jira guux iyo hadal hayn badan oo la xariirta in dalku gumeysi ku jiro.
Sidaas daraadeed Gaaladu shalay isu soo baxa waxa ay u aragtay in uu bilow u noqo karo midnimo iyo israac ay yeeshaanUmaddaan gumeysiga ay ku haystaan ee laakiin iminka aan is wada raacsanayn haddii taasu dhacdana waxay is tustay guul Taariikhi ah oo Soomaalida u soo hoyatay in uu qarxi karo dagaal sida foolkaanadii ah cidda ku afjarmeysana ay iyaga noqo karto.
Tilaabada ka dhineyd dibad baxayaasha waxa ay hayd in ay dhowr qori raadsadaan kadibna ay Xabad ku bilaabaan gaalada iyo kaaliyaasheeda u daacadda ah waxaana xaqiiqa ah haddii ficilkaa ay la imaan lahaayeen in arinku wejji kacdoon xoriyad doon ah yeela lahaa mase dhicin taasi.
Si loo hurdiyo kuwii ka dhiidhiyay dilkii arxan darada iyo Muslim naceybka huwanaa ee saalax loo geystay iyo kuwa kale ee la midka ka ah welina Iimaankooda,Wadaniyadooda, dadnimadooda iyo damiirkoodu nool yahay waxaa la qaaday tilaabooyin siyaasadeysan waxaana warbaahinta loo sheegay warar qancin ah oo Umadda la isaga jeedinayo ha yeeshee intii wax garataa fahmi karto in ay geed kora waab iyo hudhuu hadhaa yihiin.
Ciidmamada Shisheeye ayaa Darawalkii iyo gaarigii uu Ninka jiirsiiyay Keenay Xarunta Ciidamada Taraafikada Dowladda federaalka ah ee Shisheeye asalkeedaba yagleeshay waxaana dadka loo sheegay in Howlgal Taraakifadu sameyeen lagu soo qabtay.
Madaxweynuhu Awood malahane sidee Taraafikadu ku lahaan?
Marka xaqiiq loo hadlo ee aan la is indha tireyn Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka ah, Ra’iisalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiirada Dowladda midkoodna awooddiisu ma gaarsiisna heer ay xabsi gey karaan askeri ka tirsan Ciidamada Gaalada ee ilaalada iyaga iyo Maamulkooda ka haya.
Waxaa jira ficilo badan oo na tusaya in Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ay yihiin gumeystayaal leh awood ay ku socodsiiyaan ahdaafta loo soo xilsaartay Dowladda Federaalkuna waxa ay ka dhigan tahay shaqaale fuliya Howsha iyaga iyo gaalada kale u diraan oo keliya.
Deegaano kaabiga ku haya Garoonka Muqdisho oo uu ka mid yahay Dugsigii Tabarka Meleteriga ee Xalane waxaa degan gaalo caddaan ah oo Yurub iyo Maraykan u badan Ciidamadaan Ugandda iyo Burundi ayaana u xilsaaran ilaalinta amaanka halkaas welow gudaha dhismayaasha ay joogaan ciidamo caddaan ah oo hubeysan kuwaasoo leh xabsiyo dadka Diinta ku dhegan ee Jiaadka u istaagay ama kuwa looga shakisan yahay in ay tubtaa hayaan ee la soo qabtoay ku jirdilaan.
Halkaas Madaxwene Xasan Sheekh weligiisa cagaha ma geyn marka laga reebo qol qaramada Midoobay iyo midka Madaxda Ciidamadaan dadka ku qaabilaan.
Sanadkii hore Xasan Sheekh Taliyaha Baliiska Dowladiisa oo la yiraahdo Janaraalk Cabdi-xakiin Saacid ayuu u diray waxa halkaas ka socda in uu soo kormeero laakiin Saraakiisha Ciidamada Shisheeye ayaa ka horjoogsaday shaqadii loo soo diray.
Wuxuu isku dayay in uu ku adkeesto fulinta qorshe howleedkiisa ha yeeshee waxa ay arintu tagtay in aakhirkii la feero dibna loo soo qadaan qadiyo oo xoog lagu soo celsho.
Saxaafadda qaarkeed ayaa dhacdadaas goob joog u ahayd oo duubtay Codka Janaraal Cabdi-xakiin saacid oo luuqadda Ingiriiska ku hadlaya aadna u qeylinaya markii la qadaan qadinayay.
Geesta kale Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisalwasaaraha Midkoodna awood uma lahayn I uu gurigiisa ku hooyo qof aanuu ogolaashe uga heysan Ciidamada Shisheeye ee aqalada ay degan yihiin ilaalada ka ah.
Ciidamadaas waxa ay haystaan liiska magacda dadka guryahaas Madax in ay seexdaan loo ogol yahay cid aan kuwaas ahayne amar uma haystaan in ay hoyato.
Tani waa xaqiiq waana qorshaha Amaanka kuwaan la gumeystayaasha ah ee lagu shaqeysanayo lagu ilaaliyo si kalena haddii loo eego lagu bahdilayo Maxaa yeelay Nin Madaxweyne sheeganaya ayaan hooyadiisa ama walaashiis gurigiisa ku hayo Karin.
Haddii Madaxweynuhu u baahdo in ruux aan shaqaalaha Madaxtooyo degan ahayn doono in uu Caawo wax ka joogo Madaxtooyo waa in uu waco Taliyaha Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee Deeganka Xalane degan si uu amar u siiyo Taliyaha Ilaalada qaaska ah Madaxtooyada gaaladu u xil saaratay.
Haddii Madaxweynihii awooddiisu halkaas mareyso Maxaad u maleysaa dadka asiga ka hooseeya?
Sidee ayay nooga gedmeysaa oo Maskaxdeena looga dhaadhicinayaa Taliyaha Ciidanka wadooyinka Muqdisho ayaa awood u leh in uu Soo qabto askeri si bareer ah u dilay qof Muslim ah kaasoo rumeysan inuu qaarijiyay mid uu dilkiisa xaq u lahaa?
Dilkeenay derejo iyo deeq ku helaan
Kani ma ahan askeri iska daa in xukun kale ku dhacee xattaa dhowr maalin xabsi lagu haynayo waayoo iska daa asigee Dowladda federaalka ah shaqada loo unkay waxaa ku jirta in ay wax badan ka disho dadkaan gaalnimada qaada diiday welow ay jiraan in badan oo la leexsaday.
Maamulka iminka ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha looga dhigay iyo Maamuladii ka horeeyay ee Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdulaahi Yuusuf midba mar hogaaminayay ayaa dilay dad aan tira koobkooda la hayn boqolaalna ka badan hadaanay kumanaan gaareyn mana jirto cid wax iska weydiisay.
Waxaan xasuustaa sanadihii 2008- 2009- 2010 iyo 2011 Madaafiicdii aan loo meel dayin ee Suuqa bakaaraha ee Muqdisho, iyo Xaafadaha kale ee Muqdisho qaarkood loo qeybinayay ayna ridayeen Ciidamada Uganda iyo Burundi.
Dhacdooyinkaas badankood goob joog ayaan u ahaa in badan ayaana qaaday Meydadka sidii bal isu dul saaran waxaana dhibaatada ugu daranu ka dhici jirtay Suuqa bakaaraha.
Ciidamadii xasuuqaas Caruur, Haween, Nin yar iyo Nin weyn aan loo kala soocin fuliyay ayaa ku raaxeysanaya Ilaha dhaqaalaha ee Muqdisho oo ay ku jiraan Garoonka diyaaraha iyo Dekedda iskana daa in wixii ay geysteen wax laga weydiiyee waxa ay gurtaan dhaqaalaheenna iyo dhaqaale kale oo gaalada kale ku abaalmarisay maadaama ay howshii loo soo dirtay fuliyeen.
Waxaa kordhay garaadada iyo derejada Ciidan ee ay joogeen iyagoo abaalkaas ku Mutay Muslimiinta Soomaaliya ee ay in badan xasuuqeen in kalena gumeystaan kuwa ka sii badana fasahaadiyeen.
Isweydii ma wax aan kuwaas laga qaban iyo ciqaab aan loo qeysan ayaa askeri laga yaabo in uu ka andacoodo in in dilku shil ku yimid laga qabanayaa?
Waxaa kale oo aad isweydiisaa haddii Galkaan saaxiibadii kale garaado iyo guno dheeraad ah lagu siiyay Muslimiin ay gumaadeen sidii asiga looga qadinayaa?
Jawaabtu waa in tixgelin gooni ah la sii doono sida kuwii hore in la dhibo warkeedba daaye.
Maxmadeyn iyo Magdhaw lagulama Heshiin
Waqti aan u u maleynayo in uu ahaa horaantii sanadkii tegay ee 2013 ama dhamaadka kii ka horeeyay waxaa jiray guddi Dowladda Federaalka ahu u xilsaarty in Ciidamada Uganda iyo Burundi ay kala xaajoodaan dhibaatooyinka ay geystaan oo dilku ka mid yahay.
Gudoomiyihii gudigaas waxa uu Saxaafadda u sheegay in Taliska Ciidamadu ku war geliyeen in markii horeba aan lagula heshiin in ay magdhaw ka dhiibaan ciddi ay dilaan cid u qabsa karta ama Maxkmad u soo taagi kartana aanay jirin.
Arintaas ayay sheegeen in Midowga Afrika Magaalada Adis ababa uu sanadkii 2007-di ugu saxiixay Danjirihii Dowladdii Ku Meelgaarka ee Soomaaliya u qaabilsanaa Midowga Afrika iyo Dalka Itoobiya Cabdi-kariin faarax laqanyo.
Waxay tilmaameen in lagula heshiiyay in ay Ilaaliyaan Madaxda Dowladda Soomaaliya wixii ay dilaana aan la iska warsa doonin.
Laqanyo ayaa 2009-ki ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Dalka Soomaaliya halkaasoo asiga iyo wasiirkii Amiga Cumar xaashi Aaadan iyo xubno kale ku qur baxeen.
Dardaaran
Sida aan ognahayDadka Muslimiinta ah Jihaad ayaa ku waajibaya haddii taako dhulka Muslimiinta ka mid ah Gaalo soo gasho inagana Taako iska daaye asigii oo dhan ayaaba Maamulidiisa lala wareegay.
In badan oo naga mid ah ayaa la adoonsadaa kuwana hoohooyinkood ayaa lagu hor kufsadaa iyaguna Mushimaha kalama qaadi karaan.
Waxa aan ku nool nahay xayaato aad u xun Ciqaabkii Allaahna waa na sugeysaa haddii aynaan Jihaadin.
Hadaba waa in aan gil gilanaa oo aan u istaagno in aanu Sharafkeeni soo ceshano.
Sow halkii aad ku aadaneyd Islaamka cadaw kama soo gelin haddii adigoo arkaya Diinta Allaah lagu tumanayo aadana qalabka qaadan?
Xaqiiqadu waxa ay tahay waxa dagaalka Jihaadka ah kaa reebaya in ay yihiin aduunyo Jeceyl iyo geeri Naceyb.
Isweydii miyaad dhaafeysaa ama ka hor dhimaneysaa waqtigii laguu qoray adigoo boqol iyo labaatan habeen Uurka hooyadaa ku jiray?
Maansadeydi darab gudee kaalay waxaa ku jiray in aan qofna waqtigiisa dhaafeyn iyo in gaaladu ay isku dayayaan in ay sidii dumarkii oo kale noogu galmoodaan hadaanaan la dagaalamin waxaanay ahaayeen.
Dabaq kii ku dhuunta iyo dogobyo hoostooda,
midki orod is daayee cagaha dubku uga hoolmo,
fuleynimo daraadeed halkii dirirta aadin,
Nin kastoo Daneeyaba ma helo Duni ku waarkeede,
Raggi kaa dareeryoo Jihaad doonay badankiiye,
Dalabkii Ilaahay adaa diiday Maqalkiiye,
lagaa dabaryay Kheyrkoo wanaag kala dibooteene,
Gaaladu dumar iyo niman kalama doortaane,
hadba ruuxey doonaan ayay Derinta geystaane,
waxa raacay dooqqa ayay dood ka dhigayaane
Diric xiro ayaad sugi iyo darab gudee kaalay.
Waxaan ku soo geba gebeynayaa quducyo ka mid ahaa Maansadeydii Gowrac dhega dhaaf ah oo ka hadlaysay Jihaadka iyo Xoriyadda kuwaasoo filayo in aad wax badan ka faa’iidi doontaan.
Nin waliba hadduu gaabsayee Isha gulucsiiyo,
Ee dagaalka sii gala dhahee jooga gurigiisa,
Gorgorkiyo Gallayrada iyo Gudiri qaabkoode,
Gaadiidkiyo hubkow sido miyaa keligood gooshaaya?
Oo Cadawga Gaadada u dhigi boobay geyigeena?
Gudcur iyo koley tahay dharaar gaabis laga roone,
Guluf iyo waxaa lagu helaa Geeri iyo dhiige,
gacmohoo la laabtaan Xorriyad Cidi ku gaareyne,
koley waan garaarsaa hubkiyo godimeheygiiye,
Ninki gabase yeelkii wuxuu Guulle farayaaye,
Aduunyadaan geshiinada ahoon Gabari joogeynin,
Ninki Gacal u qaadaa ku dhaca God iyo haadaane,
Waajibkii qofkaan gudanine gaar isaga weecsha,
Ninki go’a nasiibkii asoon Diinta u gargaarin.
W QORAY CABDUlLAAHI YAASIIN JAAMAC (CABDULAAHI-SOOMAALI)
Cabdiraxmaan Cali Cawaale Xabeeb maamulaha isbitaalada Dhimirka Habeb Public Mental Hosbital ayaa sheegay in ay soo badanayaan dadka dhimirka la’ ee laga keeno Yurubta iyo Ameerika.
Isagoo la hadlayay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayuu sheegay in xarumaha Xarumaha isbitalkiisa ay jiifaan boqolaal ruux oo isugu jira kuwa dibadda laga keenay iyo kuwa gudaha dalka wax ku noqday.
Xabeeb ayaa dowladda federalka ah ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban caafimaadka, isagoo tilmaamay iney ku mashquushay sameynta boorar lagu xardhay wadooyinka oo dhaqaale looga raadsanayo wadamada reer galbeedka.
Magaalada Wanlaweyn iyo jidka dheer ee mara ayaa sanooyin nabad ahaa,waxaana amaankii meeshii ka maxay ka dib markii markii Maleeshiyaadkii la geeyay ka dib markii baneeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Lama ogaan karo hadda Khasaaraha, maadaama Dagaalka uu Goor-dhow billowday, walina uu socda.
Qoyska dhiban waxaa gurigooda xoog ku haysta taliyaha Socdaalka Soomaliyeed Gen.Cabdulaahi Gaafow Maxamud,wuxuuna la mid yahay guryo badan oo xoog lagu haysto,waana dhib ka jira Muqdisho,waxaana inta badan haysta dad gashan shaar dowlo ama ama haysta awood Maleeshiyaad hoosta taga villa Somalia.
Tarsan ayaa ah shaqsi aad looga yaqaan Muqdisho iyo Qurbaha London oo ka yimid,dhaqanada Muqdisho Tarsan ku xusuusato waxa ka mid ah.
Wuxuu amar ku bixiyay hadda kadib in lajoojiyo dadka la iska aaso ee ku dhinta magaalada Muqdisho,wuxuu amray waa in la soo marsiiya Gobolka Banaadir iyo CID ama waxa hada loo yaqaan NISA.
Tarsan ayaa weli usoo taagan inow markale ku soo noqdo dadka Muqdisho ku dhaqan oo la daala dhacaya dhibaatada Qurbajoogta dabadhilifka ah oo aan ka naxayn Diin,Dad iyo Dal intanba, iyaga oo fiirsanay kaliya waxay jeebka ma EVC ka dhigtaan.
Tarsan ayaa shaaca ka qaaday inaanu hadda kadib aqbali doonin in la iska aaso dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, isagoo amar ku bixiyay in meydadka dadka reer Muqdisho ee dhinta la marsiiyo xarunta CID.
Tarsan ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay is diiwaan galinta dadka sidaa darteedna loo baahyan yahay in war baahintu ka gadaan shacabka maadaama ay tahay arin cusub.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya warka kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ah in qof walba oo xamar ku dhinta meydkiisa la marsiiyo xarunta dambi baarista ee CID.
Siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qorshahan uu wado Tarsan ku tilmaamay mid khatartiisa leh oo u sacyinaya dhammaan wadamada cadawga ku ah Soomaaliya si ay u helaan macluumaad ku aadan inta qof ee maalintiiba ku dhimata magaalada Muqdisho.
Siyaasi diiday in magaciisa loo adeegsado war baahinta kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay in hawsha uu wado Tarsan ay soo dajiyeen hey’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ay ugu horeyso tan Ingiriiska MI6, kuwaasoo doonaya buu yiri: iney ogaadaan inta qof ee ku dhimata Xamar maalintii, da’da u badan ee dhimata iyo waxa u sababta ah.
Siyaasigu wuxuu sheegay in haddii sirdoonka shisheeye helaan tira koobka dadka jooga Muqdisho, noocyadooda, tirada dhallinyaradooda iyo inta maalintiiba dhimata, waxaa aad u sahlan in magaalada si toos ah loo qabsado.
Iyadoo si weyn loo hadal hayo ku biirista Ciidamadda Ethiopia ee AMISOM , islamarkaasina Dad Badan ay sheegayaan in Cadawgii Dalka loo ogolaaday AMISOM ayaa ninka lagu sheego inow yahay waxa loogu yeero taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa sheegay in Xabasho aysan ahayn cadow Soomaaliyeed!!.
Ma ahan qof shacab ah mana ahan siyaasi waa Janan Soomaaliyeed sida oo sheegtay ama lagu sheegay!!
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ucid ee Maamulka la baxay Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul kaga hadlay wahadallada udhaxeeyay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh iyo Maamulka Somaliland ee dhowaan ka dhacay magaalada Isbtanbul ee dalka Turkiga.
Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan u qalmin Somaliland inay wadahadal la gasho Dowlad aan xor aheyn, isagoo xusay in Dowladda Fedraalka aysan jirin cid ay matasho.
“Kuwa aan Istanbul kula hadalnay Kismaayo ma maamulaan, oo Digil iyo Mirifle ma xukumaan, Maamulka Garoowe ma xukumaan, cid ay xukumaan ma jirto, maxaan kala hadleynaa” ayuu isweydiyay Feysal Cali Waraabe.
Aroornimadii hore ee saaka waxaa wadooyinka ugu waaweyn ee degmada Hiliwaa isugu soo baxy boqolaal ruux oo kamid ah shacabka ku dhaqan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Hiliwaa kuwaasi oo si aad ah uga careysan isbaarooyin hor leh oo maleeshiyaadka Dowlada tabarta yaree fadhida Villa Somalia ay soo dhigteen gudaha degmadaasi.
Gabi ahaan shacabka ayaa xirtay wadooyinka degmadaasi iyadoona ay istaageen gaadiidkii dadweynaha ee ka shaqeynayay degmada waxeyna dadku dhagaxaan ay ku tuurayeen goobaha isbaarooyinka cusub ay soo dhigteen maleeshiyaadka dowlada.
Maleeshiyaadka DF-ka ayaa isbaarooyin cusub oo gaaraya ilaa Shan isbaaro soo dhigtay gooba hor leh oo ka tirsan degmada Hiliwaa kuwaasi oo lacago baad ah kaga qaadayana gaadiidka ka shaqeeya iyo kuwa isticmaala wadooyinka degmada Hiliwaa taasi oo sababtay in shacabka degmadaasi ay dhigaan dibad bax ay kaga soo horjeedaan isbaarooyinka Dowlada Xasan Gurguurte ay soo dhigatay gudaha degmadaasi.
ma ahan mid ay wax ka qaban karaan kuwa la sheego inay soo aruursheen maleeshiyaadkan habka qabiil lagu howlgalshay,waxaana maalmahan hareeray khilaaf aad u baxaad weyn iyo Musuq mugdi sii galinaya jiritaankeeda oo aan markii horeba tabar badan lahayn waxa loogu yeero Dowladda Federaalka ah.
Inkastoo Ciidamada Uganda iyo Burundi oo ka mid ah Shisheeyaha Soomaaliya ku soo duulay isu arkayeen markii hore in ay laf dhabar u noqo karaan hadaf la rabay in Mujaahidiinta Soomaaliya lagu ciribtiro ama lagu daciifayo waqtigaan waxa ay aaminsan yihiin fikir kaas ka duwan oo cagsigiisa ah.
Waxaa maalin waliba rasaasta daran dooriga u dhacda iyo gentaalaha garbaha laga geno ku soo Weeraraya Alshabaabkii la isugu sheegeeyay in waqti kooban lagu ciribtiro ha yeeshee u muuqda in uu saacad waliba awood ahaan sii bilmayo.
gambasho la’aanta Alshabaab iyo dhiiranaantooda dhinaca dagaalka ah iyo hamiga sii kobcaya ee ciidamadoodu dagaalka u hayaan ayaa ceel aad u dheer oo aan la geli karin ku riday rejada cadawga iyo ahdaaftiisii taas ayaana keentay in uu murugada la hogto oo madaxa hoos u raaraciyo.
Ciidamada Uganda iyo Burundi iyagoo arkaya Mujaahidiinta oo ku gaaf wareegaya ayaanay xattaa hal baalooto ku ridin sababtuna waxa ay tahay tiih iyo daal ay ka dhaxleen dagaalka in uu sii kordho mooyee aan nusmaaqin ee Alshabaab habeen iyo maalin ku wadaan.
Hadda waxa ay dagaalamaan oo keliya markii dhufeysyadooda rasaasta shabaabku ugu tagto waxaanay lumiyeen fircoonidii hore iyo in ay dagaal qaadaan.
Iyagoo niyadda u dhisay askartooda Mujaahdiintu ku loolamayaan weeraridooda si dhegta dhiigga loogu daro ayay saraakiisha taliska Ciidamadaasi dhawaan sheegeen in ay dib u bilaabi doonaan weeraro Alshabaab ka dhan ah laakiin taasi ma muuqato saan saan la xariirta.
Waxa ay aad u xasuusan yihiin Ciidamada gaaladu Meydadka iyo dhaawacyada walaalahood oo si is daba jooga ah diyaarado looga qaaday furamaha dagaalka si dalalkoodii inta dhimatay loogu aaso inta dhaawaca ahna loogu baxnaaniyo.
Waxaanay hilmaansaneyn gaadiidkii faraha badnaa ee taagangiyadii lagu faanayay ku jiraan Ee ka bas beelay labadii sano ee tegay kaasoo deegaano Shabeelaha hoose ka tirsan Mujaahidiintu uga gubeen iyagoo adeegsanaya miinooyin qaabka loo farsameeyay in ay fahmaan ku adag tahay iyo gentaalaha wax lagu gubo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Iidow jallaad ee Leego u dhaw ayaan aad u xasuustaa wareysiyo aan ka qaaday bihii dambe ee 2012 kuwaasoo si toos ah u arkay ciidamda gaalada oo argagaxsan halkaasna ku aasaya gaadiid laga gubay si aan ceebtoodu u muuqan.
Aqoonta Ciidamada Mujaahdiinta ahu u leeyihiin dhulkaan lagu dagaalamayo oo isugu jira howd iyo Beero dhir qudaareedka ka baxaysa aawgeed labadii isla socataahu kala kulamaan waa mid aad u sareysa waxaanay isaga gooshaan dhul aad u dheer habeen iyo maalinba.
Taas lidkeeda askarta gaaladu aqoon uma lahan deegaanada dhufeysyadooda ku hareereysan iska daa mid kale oo ka yara dururgsane arintaasina waxa ay saacideysaa Mujaahidiinta.
Inkastoo aan xog badan ka hayay waxa ka jira goobaha dagaalka ee Gobalkaan Shabeelaha hoose hadana waxaan xogo dheeraad ah helay intaan ku jiray safar shaqo saddax maalmood qaatay oo dhawaan aan ku gaaray Magaalada Buulo mareer oo sodon kiilow mitir wax ka yar u jirta dhufeysyada Shisheeye.
Waa Magaalo habeenkii laga maqlayo diryaanka hubka la is weydaarsanayo sidaas oo ay tahayna waxay ka nabad gelyo badan tahay dadkeeduna ay ka Niyad fiican yihiin magaalooyin ku yaalla dalal aan dagaalo ka jirin.
“Difaaca kama bixi karaan Cadawgu haddii ay ka baxaana iyagoo shakisan ayay dhaqaaqaan oo Naftooda u baqaya, Labataan talaabo kadib dhufeysyo ayay galeyaan eeyo ayay iska hor marinayaan” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Sarkaakiisha ku howlan naafeynta Cadawga oo aan kula kulmay Magaalada buulo mareer.
Waxaa aad u adkaatay isu gudbinta saadka sida cuntada Ciidamada, biyaha, shidaalka, Rasaaasta iyo wixii la hal maala iyo weliba in talooyin la is weydaarsado.
Si taasi u hirgasho waxaa qasab ah in marka hore dagaal loo diyaar garoobo lana helo taangiyo iyo taawyo fara badan ciidankana loo sheego in ay u diyaar garoobaan xabadda Alshabaab ee jihada ay ka imaa doonto aan la ogeyn.
Tusaale ahaan haddii ay saad isu gudbinayaan Ciidamada kala jooga Magaalooyinka Marka iyo Afgooye oo isu jira sideetameeyo kiilow mitir waxaa loo baahan yahay in wadadaas dhirirka badan askar lagu safo laakiin taas lama awoodo.
Alshabaabka askartoodu waa kuwa xeelad badan mararka qaarna waxa ay wadooyinka maraan iyagoon hub muuqda sidan oo shacab u eg waxaanay jidadka geliyaan miinooyin.
Miinooyinkaas waxaa lagu ugaarsadaa askarta Shisheeye iyo Dowladda Federaalka ah ee caawineysa waxaanay ka galaafteen askar iyo saraakiil badan iyo gaadiid aan tira koobnayn.
Waxay u badan tahay kolanyo kasta oo isaga gooshaya janaale iyo Shalaan bood ama Jannaale iyo Awgdheegle ama Awdheegle iyo Buufow ama Shalaan bood iyo Marka, haddii kale isa socdaalaya yaaq biri weyne iyo Balli doogle in hal gaari ugu yaraan laga gubo dagaal lala jaha wareeririyana qabsado.
Mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Shisheeye ugu weyn waa Deegaanka Shalaanbood oo 15 Kiilow mitir u jira Magaalada marka weerarada sanadkii dhawaan tegay halkaas lagu qaadana waa kuwa laga yaabo in aanay Maskaxda dadka qaarkii aad uga dhaadhici weyso maxaa yeelay waxaaba dadku la yaabi jireen habeenkaan dagaal ka dhciin sababtoo ah waxaa lala qabsaday xabadda habeen waliba ka holceysa.
Waxaa la ii sheegay in tuuladaas yar marka suuqeeda qudaarta ay Ciidamada Shisheeye ka adeeganayaan ay ku qaadato maalintii ugu yaraan laba saacadood maxaa yeelay marka hore waa in dhufeysyada askarta qaar ka baxaan oo ay deegaanka dhan isku hareerayaan isu socodka dadka iyo gaadiidka u hakiyaan.
Markaas ka gadaal ayaa ka kicinayaa taangiyo iyo wixii kale ee gaadiid dagaal ay haystaan.
Waxa ugu daran ee Maalintii laga baqayaa ma ahan Ciidan toos u soo weerara ee waa qaraxyo Miino oo lagu gumaado gaadiidkiidana looga qarxiyo.
Cudurka ugu daran ee ay qabaan ciidamada shisheeye waa dhufeyska aan laga baxeyn, haddii qorraxu jirto, haddii dhaxanu jirto iyo haddii Roob da’ayo.
waxa ay ku saxaroodaan dhufeysyada ay ku jiraan gudahooda waxaanay ku kaadiyaan isla halkaas maxaa yeelay waxay u badan tahay in Mujaahidiintu kor ka kala socdaan dhaqdhaqaaqa xarumaha ay fadhiyaan waxaana balantu tahay in la toogto askerigii shisheeye ama kii la shaqeeya ee fursad lagu helo.
“Marka aanu Gaari ka gubno lana beegsano dagaalka dhabba galka ah in badan xabadda siima wadaan durba waxa ay Gaari kale ku daba xiraan kii waxyeeladu gaartay waanay dhaqaaqaan si ay nooga badbaadaan” sidaas waxaa yiri Sarkaalka Mujaahidiinta ka tirsan ee aan Buulo mareer kula kulmay.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waa dhaq dhaqaaq sirdoonkiisu ka heer sarreeyo dowlado badan oo isu malenayay in ay xagga wararka xuuraanka hogaanka ah hayaan ayaa la ogaaday in Mujaahdiintu arimhaas uga fara dhuudhuuban yihiin sidaa daraadeed kuma cusla in ay dhaqso ku hesho tilaabooyinka Ciidankaan soo duulay qaadi rabaan.
Shisheeyaha qudhoodu waxa ay laabta ku hayaan in Alshabaabku helayaan faah faahin la xariirta haddii ay Ciidan cusub Meel dejji rabaan, haddii ay u gurmad ku sameynayaan saaxiibadooda go’doon ku jira iyo haddii ay saad isu gudbinayaanba.
Inkastoo ciidamada Dowladda Federaalku yihiin cidda ugu dhaw ee cadawga calaaqaadka la leh si dhab ah ula shaqeysa hadana Cadawgu kalsooni buuxda kuma qabo waxaanay aaminsan yihiin xogta qaarkeed ee Mujaahidiintu helayaan in ay iyagu gudbiyeen maaadaama ciidamadaas federaalka lagu tilmaamo calooshood u shaqeystayaal.
Waxaa aad u yaraatay bedeletaanka Ciidanka ku howl galaya Magaca Nabad ilaalinta Soomaaliya ee Amisom loo soo gaabiya ha yeeshee Nabad ka ilaalin lagu tilamaami karo markaanu eegnay dhibaatooyinka ciidamdaasu ay geystay.
Dhibaatadaan oo kale waxaa qaba Ciidamada Kenya ee jooga deegaano degmooyin ka tirsan Gobalada Gedo iyo Jubada hoose.
Waxaa kale nolol cariiri ah ku nool Ciidamada Siraalyoon ee Kenyaatigaa la jooga, kuwa itoobiya ee fadhiya Magaalooyin ay ka mid yihiin Qansax dheere iyo Beledweyne iyo Ciidamada Jabuuti ee itoobiyaanka garabka u ah kana howlgala Magaalada Beledweyne.
Madaxda gaalada ugu sarreeya waxa ay ka wel welsan yihiin xaaladda cakiran ee askartoodu wajahayaan iyo kororka Mujaahidiinta Soomaaliya.
Todobadii sano ee la soo dhaafay ee askarta uganda iyo Burundi joogeen gudaha Soomaaliya qasaare xoog leh ayaa gaaray kaas guul u ah Mujaahidiinta iyo guud ahaan Muslimiinta.
Xog hayaha guud ee qaramada midoobay Ban ki Moon sanadkii tegay ee 2013 bilowgiisii waxa uu sheegay in askarta ciidan kooda Soomaaliya looga dilay tahay saddax kun oo askeri.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo markaas ka gadaal hadashay waxa ay sheegtay in tirada ay dileenu aad ugu badan tahay midda Ban ki Moon sheegay.
Markaas ka gadaal waxaa dhacay dagaalo aan tira koobnayn oo joogto ahaa kuwaasoo geerida iyo dhaawaca sii kordhiyay.
Maskaxda gaalada kama go’in xasuuqii ciidanka Burundi Mujaahidiintu ugu geysteen degmada dayniile 20 10 2011 halkaasoo Mujaahidiintu sheegeen in saddax boqol oo askeri ay ugu laayeen.
76 ciidamadaas ka mid ah ayaa Meydadkooda la soo daad gureeyay oo Mujaahidiintu Shacabka Maalintaas ugu soo bandhigeen deegaanka Ceelasha biyaha ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Dhamaan ciidamada maalintaas la laayay waxa ay u dhasheen wadanka Burundi.
Maalintii labaad meydadkii oo sidii u daadsan ayaa sidoo kale la soo badnhigay hubkii ay wateen ee laqa furtay oo noocyo badan isugu jiray.
Waxaan xasuustaa Ciidmaada itoobiya ee Muqdisho ka dagaalamayay oo sanadkii 2008-di gaaray heer ay biyaha iyo Raashinka isu geey waayaan.
Markii dambe danta ayaa ku qasabtay in ay nin Soomaali ah oo gaari gacan watta ay adeegsadaan si uu rootti ugu qeybiyo ciidamada dhufeysyada ku jira maalintii dambena gaarigankii iyo wadahiisii iyo rootigii uu sidayba waxaa miino lagula qarxiyay deegaanka Towfiiq ee degmada yaaqshiid.
Dowladaha Ciidamadaani ka soo jeedaan waa in ay dib uga fikiraan Mustaqlalka askartooda intii iyagoo dhaqaale u xilanaya ay wiilashooda ku wey lahaayeen dagaal qorshihiisa marka la eego aanay shaqo ku lahayn oo reer galbeedku ay wataan.
Sheekh Cali C/laahi Cali Katiin ayaa ka hadlay, Mowliidka Dadka keenay in ay yihiin Niman lagu sheegay Faadumiyiin ama Cubaydiyiin, wuxuu Sheekhu sheegay in Nabiga CS ciddii jecel loo baahan yahay in ay kudaydaan ee ma’ahan in ay Bidco la yimaadaan oo khilaafaan Nabiga CS.
Sheekh Cali ayaa xaqiijiyey in aanan Nabigu CS waligiis u dabaal digin Dhalashadiisa sidoo kalana Saxaabadu RC aysan u dabaal digin.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ineysan jirin wax sir oo u qarsoon Dowlada Garguurta isagoona sheegay in cidkasta oo madaxweynaha la kulmo ha ahaadaan dad Soomaaliyeed iyo wafuud ka timid dalka dibadiisa inta shirka u socda oo albaabada u xiran yihiin waxa ay ka hadlayaan waxaa looga sheekeystaa maqaayadaha iyo goobaha fadhi ku dirirka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Kulan ka dhacay xerada Xalane ayuu N.Kay R/Wasaare C/Wali Sheekh ugu gudbiyay liis ay ku taxanyihiin magacyada shakhsiyaad Soomaali qurba joog ah oo lala doonayo in ay xukuumadda soo socota ka naqdaan wasiirro iyo Wasiirro ku xigeenno.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ugu muhiimsan ee xukuumadda soo socota ay naqan doonaan shakhsiyaad heysta dhalashooyinka Ingiriiska iyo Mareykanka islamarkaana sanadihii lasoo dhaafay lagusoo anshax xumeynayay dibadaha.
R/Wasaaraha DF-ka ayaa khamiistii lasoo dhaafay Baarlamanka ka codsaday in 10 Maalmood oo dheeri ah ugu daraan si uu usoo dhiso golaha wasiirada cusub,culeyska saaran Cabdi Wali sheekh ayaa ah kala xulashada magacyada ay usoo gudbiyeen hay’ado shisheeye iyo dowlado mid walba uu doonayo in Soomaali dhalashada wadankiisa heysta Wasiir laga dhigo.
Isbaarooyinka gaadiidka dadweynaha looga qaado lacagaha baadda ah ayaa naqday caqabadda ugu weyn oo ay lakulmayaan dadka musaafurka ah,Saxafi ka howlgala mid kamida warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa dhawaan safar ku maray wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay bilqanaayeen isbaarooyin.
Askarta DF-ka ee qoryaha AK47 ku garaaran ayaa ammaanka furta marka ay darawalada gaadiidka isku dayaan in ay lacagaha baadda ah u diidaan ama meermeeriyaan waxaana halkaasi halis ku gala dadka safarka ah.
Mid kamida dad ka badbaaday fal burcadnimo ayaa isagoo si hoose iskula hadlaya yiri “Dowladeey xaal qaado Ma Sidan Mooryaanimada ah ayaa dowlad lagu naqdaa”.
Wararka ka imaanaya Nayroobi ayaa sheegaya in safiirka dowlada Muqdisho Ina Cali Ameeriko uu shaqada ka ceyriyay Cabdi Sataar oo kamid ah shaqaalaha safaaradaasi kadib amar kaga yimid dhanka Fowziya oo ah wasiirada arimaha dibada ee Xukuumada Damm jadiid iyadoona ceyrintiisa ay timid kadib markii uu shaaca ka qaaday Cabdi Sataar in dhoor bilood shaqaalaha Safaaradaasi aysan qaadan wax mushaar ah islamarkaane lacagtii mushaar ahaanta iyaga loogu tala galay ay xadday wasiirada arimaha dibadda ee Somaliya.
Cabdi Sataar Xasan oo ah sargaal ka tirsan shaqaalaha Safaarada DF-ka ee dalka Kenya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Wasiirada arimaha dibada ee dowlada Garguurte haweeneyda lagu magacaaba Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay dhunsatay lacag fara badan oo mushaar ahaan loogu talagalay shaqaalaha safaaradaasi islamrkaane lacagta shaqaalaha ay guri kaga iibsatay gudaha magaalada Nayroobi.
Warbixin sanadkii hore ee 2013 uu soo saaray Machad qaabilsan daraaseynta Musuq maasuqa ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dowlada Xasan Garguurte ay kaalinta sadaxaad kaga jirta dowladaha Caalamka eeku caanbaxay musuq maasuqa iyadoona koowaad iyo labaadne ay kala galeen dowladaha Afgaanistaan iyo waqoyga Kuuriya.
Fowziya ayaa mudaba ay ku soo baxayeen lunsasho lacago Soomaaliyeed iyo Muqalisnimo ka dib markii ay safar kasta horey u kaxayso dhowr qof oo lacago badan laga qaatay.
Booliska DF-ka wuxuu qiray in 37 askari ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaraxyadii xalay islamarkaana ladilay Taliyaashii Booliska degmooyinka Shangaani iyo Boondheere ee waqooyi Bari magaalada Muqdisho.
“Qaraxa hore khasaare xoogan mageysan balse qaraxa dambe ayay askar iyo saraakiil badan ku dhinteen dhammaan dadka waxyeeloobay waxay katirsanyihiin dowladda”ayuu yiri Madaale.
Afhayeenka ayaa qiray in dhammaan dadka dhimashada iyo dhaawaca ku naqday weerarkii Hoteel Jaziira ay dhammaantood ahaayeen dad dowladda katirsan oo ay xildhibaanno kujiraan.