Book on apostasy in Islam earns writer the moniker‘SOMALI’S SALMAN RUSHDI’

32528683

NAIROBI, Kenya (RNS) A Somali scholar is stoking Muslim anger after he published a book questioning the concept of the death penalty for apostasy in Islam.

Now, he is being branded as “Somalia’s Salman Rushdie” a reference to the British–Indian novelist whose book, “The Satanic Verses,” provoked worldwide Muslims protests and a fatwa from Iranian Ayatollah Khomeini in 1989.

Abdisaid Abdi Ismail’s book, “The Rule of Apostasy In Islam: Is it True?” was published in Kenya in September.

Ismail was following the Meriam Yahya Ibrahim case before starting work on the book. She is the Sudanese woman sentenced to death for converting to Christianity, but later freed. Her case outraged the world and drew attention to the growing abuse of apostasy in Islam. (Ibrahim said she has always been a Christian.)

The book, written in the Somali language, is being read in Western cities such as London, Toronto and Minneapolis, where there are large populations of ethnic Somalis.

Ismail said the book furthers the growing voice of Muslim scholars, intellectuals and prominent clerics worldwide who are increasingly rejecting the abuse of Islam by extremist groups such as the Islamic State, Nigeria’s Boko Haram and Somalia’s Al-Shabab.

“What we need are secular states where there is democracy, justice and equality for all,” he said. “Not theocratic ones where leaders rule by the name of God.”

Ismail’s concern is that Somali Islamic militants, clerics and other extremist groups in Muslim-majority countries are applying apostasy as a political tool, branding those with contrary opinions as apostates who need to be killed. He has watched Al-Shabab justify the deaths of those who oppose their hard-line interpretation of the Quran by branding them apostates. Somali civil servants, national army officers, local or international nongovernmental organization officials, are considered devil’s spies who deserve death, he added.

“I wanted to explain to my people the true meaning of apostasy in Islam,” he said.

A graduate of the Umm Al-Qura University in Saudi Arabia, Ismail, 50,  has written four other books on globalization and economics.

But he appears to have struck a raw nerve with the latest book, which he had hoped would stimulate a debate on religious freedom in Islam. The book also touches on other issues, such as gender equality and stoning adulterers to death in Islam.

“Apostasy is crime in Islam,” said Sheikh Abdallar Kheir, a religious scholar at Kenyatta University in Nairobi. “It is mentioned in the Quran and the traditions of the prophet. It is like treason.

“But there conditions and situations in which the rule is applied,” Kheir added. “It must be in an Islamic state, there must be dialogue and reasoning before it is applied, and it is applied if the person in the new faith causes disturbance to Muslims or the Islamic faith.”

Since the book’s launch, Ismail says he has received death threats, and warnings not to return to Somalia where his wife and three children still live. He has also been branded a devil and infidel on social media, with radical clerics calling for the banning and burning of his book.

He had traveled to Kenya to publish the book, since he could not find a willing publisher in Somalia. He was kicked out of hotels in Nairobi and Kampala, Uganda.

“Every day, I fear fanatical supporters of Somali extremists here in Kenya and Somalia may harm me,” he said. “I have been warned they may even try to kill me.”

But Ismail is defiant, saying the threats will not stop him from expressing his opinion on crucial religious debates. He views this as a way of reforming Islamic thought in Somalia, and rehabilitating and reconstructing his war-torn country.

But Ismail admits the subject is controversial and he only began researching and writing about it after it became clear that there was nobody brave enough to confront it.

Ismail’s book is selling secretly in Kenya and Somalia, after booksellers removed it from their shelves in the wake of Muslim clergy protests. It is available in the Somali language on Amazon.

YS/AMB END NZWILI

Book on apostasy in Islam earns writer the moniker ‘Somalia’s Salman Rushdie’

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Banaadir Post

GABAY:- Sababteeda Yaan Loo Qoqobin Qaranka Soomaali

32426063

Qalad dhacay qasaarihii xigiyo, qoonsi iyo boobki

qanci waagi dhiiggii qulqulay, qoorya xiro beelki

qaribkiyo halkay quustay shalay qoysas kala guurki

iyo qaanta weli taagan oon cidina qiimaynin

cid waliba qasaaruhu ka gaar qeybta teedaahe

sababteeda yaan loo qoqobin qaranka Soomaali

Quwad laysu sheegtaahi waa qaxar bilowgiise

qax iyo tahriib bay dhashaa qaarad kale aade

qaxootiyo waxaa laga dhaxlaa qaaddo gaaleede

qabka iyo waxaa kaaga dhiman duul qaraabaahe

qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qarni rubac ayaa nooga tegay qas iyo ceebaale

qushigiin kuwii nagu lahaa baad qadarisaane

waxa teena qaabkaan ka dhigay qiira li*ideene

qasad laysu laayiyo kataga fikir qabyaaleedka

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qunaashaha ninkii diida baad qiil u yeeshaanoo

midka kala qoleynaayo baad qabar ka dhowrtaane

qandi maran ninkii loo tolee qeyrki tuugaayo

ee talo kasoo qaata baad qosol dhoweysaane

qunful beelo baa idinku jaban badiyo qaarkiine

qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda

oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene

Qudha laysma siinoo qabraa lays qod dhigayaaye

qodobada shisheeyiyo waxaad moodi qaanuunka

qowlkii ilaah baa ka weyn qaadirka ahaaye

uqushuuca quraankiyo sunnaha aad uqiimeeya

wada qaata qiyaamaha hortii baad qancaysaane

oo qolalkii janaad baa hadhoow qaadir ina geyne

qalbigana isu fura muddaad kala qawaafteene

oo qaranka soomaaliyeed qaab unooleeya.

w/t;  Xagaleey.

32426065

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

YAAB!!-Ra’isulwasaaraha Soomaaliya”Labada Dowladood ee Puntland iyo Soomaaliya ayaa wada xaajoonaya”

32291383

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Garoowe ka furay shir lagu sheegay inay kuwada xaajoonayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Puntland, waa sida hadalka loo dhigaye, Shirkaasoo Muddo 3Maalmood ah ka socon doona magaalada Garoowe.
Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed oo furtitaanka shirka uu ku weheliyay Madaxweynaha Puntland, CabdiweliMaxamed Cali Gaas, Ayaa labadaba waxay sheegeen in ay kala hoggaaminayaan ergooyin ka kala socda LabadaDowladood ee Puntland iyo Soomaaliya, Sida lagu sheegay Hadal ay meesha ka jeediyeen, Waxana ay Labadoodubaku doodeen in laga wada hadlayo Mad-madoow soo kala dhex galay Dowladaha Pntland iyo Soomaaliya, Yaabbadanaa!!
Shirkan ayaa looga hadlayaa baa la yiri arrimo ay ka mid yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada Dowladood, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex-maray xukuumadihii hore ee Puntland iyo Soomaaliya. Waxana 3 Maalmood kadib la sheegay in laga soo saarayo shirka Qoraal buuxa haddii la’isku afgarto.
Dhanka kale Ra’iisulwasaare C/weli ayaa la geeyay maanta xarumaha dowladda Puntland ee ku yaalla Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, TV-ga iyo Idaacadda Puntland, Wasaaradaha Caddaaladda, Deegaanka iyo xabsiga dhexe, isagoo halkaas kula kulmay Madaxda iyo Wasiirrada Wasaaradahaas la geeyay.
Haddaba Xildhibaannada Dowladda Soomaaliya ayaa markii Warbaahinta ay ka maqleen Hadalka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo leh waxaa wadahadlaya 2 Dowladood, Islamarkaana ay arkeen Qoraallada lagu dhejiyey Xarunta uu shirku ka socdo ee Garoowe qaabka ay u qoran yihiin oo ah in 2 Dowladood oo Puntland iyo Soomaaliya la kala yiraahdo ay wadahadlayaan, waxay Xildhibaannadu sheegeen in Arrinkaas ay meelkadhac ku tahay Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed, Islamarkaan Ra’isulwasaaraha lagula xisaabtami doono markii uu Muqdisho kusoo laabto.
Maamul-Goboleedyada ka dhisan gudaha Soomaaliya ayaa haatan waxay qaar kamid ah u xuubsiibteen Dowlado, Iyagoo iska dhigaya dowlado deris la’ah Soomaaliya oo si Madaxbannaan ula hadlaya ulana gorgortamaya Dowladda Soomaaliya, Waxana Arrintaasi ay keentay isbar-baryaac iyo Jahwareer, Kaasoo ay horay uga soo shaqeeyeen dowladaha Deriska ah iyo Reer Galbeedka markii Ummadda Soomaaliyeed loo soo xawilay wax la yiraahdo Federaal Beeleed lagu talagalay in Shacabka Soomaaliyeed loogu qeybiyo Qoysas, Dabadeedna Qoys walba goonidiis loo gumeysto.

32291383 (1)

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Banaadir Post

DHAGEYSO:-Ismaaciil Haaruun“Nin habeenkii Godka uu seexanayo Dhinac kaga Saxaroonaya lama oran karo Dhul buu haystaa”

32265618

Afhayeenka golaha dhaqanka Islaamiga ahe e jubooyinka ayaa ka warbixyay dhibaatooyyinka haysta ciidamada kenya ee dalka Soomaaliya duulaanka ku jooga asigoo tilmaamay in ay la kulmaan dagaalo kaga imaanaya xarakada shabaabul mujaahidiin.

wuxuu meesha ka saaray in kenyaatiga sidii ay qorsheynayeen u hirgashay waxaanuu tilmaamay in dhaq dhaqaaqoodu kooban yahay marka laga hadlayo gudaha magaalooyinka iyo deegaanada kale ee ay haystaan.

“nin habeenkii godka uu u hoyanayo dhinacna ka seexanaya dhinacna kaga saxaroonaya lama orankaro dhul buu haystaa” sidaas waxaa yiri nabadoon Ismaaciil haaruun.

Wuxuu dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalo jihaad ah oo cadawga lagu soo afjarayo ay qaadaan.

 Wuxuu tilmaamay in shisheeyuhu markaan aad u taag daran yahay laga soo bilaabo Maraykanka sidaas aawgeed ay lagama maarmaan tahay in loo guntado xornimo iyo xididda u siibkiisa.

HOOS KA DHAGEYSO

CODKA WAXAA ISKA LEH:RADIO ALFURQAAN-SOMALIA.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Banaadir Post

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin oo u jawaabay ninka diinta u gefay dadkana uga digay buugiisa xun.

32069815

Nin la yiraahdo  Cabdicaziiz Cabdi ismaaciil ayaa waxaa wareystay  idaacadda dowladda Ingiriiska ee BBC iyo tan Maraykanka VOA,wuxuuna sheegay  hadal gef weyn ku ah Diinta Islaamka, isagoo sheegay in xukunka Xadu-ridaha aanu ahayn wax jira oo diinta kamid ah.

Hadaba Buugaan ayaa waxaa qoray nin calmaani murji’o ah oo hadalkiisu u muuqdo sidii inuusanba diinta islaamka ku jirin markaad u fiirsato hadaladiisa oo waxaa ka mid ah “haddaa islaam tihiin maxaad u diideen in gabadha muslimka ah ay guursato nin gaal ah?” Waxaad umalaysaaba ninka nala hadlaya inuu diin kale haysto balse adigaa xukumi doono akhristoow.

Buugaan ayuu ugu magac daray Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Buuggaan wuxuu qoray 5 sano kahor 2009 kii balse kan ayaa ah daabacadii labaad qoraaguna wuu qariyay inu mar hore soo daabcay oo kan ayuu ka dhigay midkii ugu horeeyay.

 

Hadalka ninkan oo ay la cajabeen dadkii dhageystay ayaa waxaa ka jawaabay Sheekh Cali Cabdullaahi Cali Katiin oo la dhageysiiyay, wuxuu sheegay in ninkan uu inkiray aayado Qur’aan ah oo tilmaamaya murtadka iyo hadalkii nabigeena ee ahaa “dila qofki badala diintiisa”.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

SAWIRO:-Buug Diinta lagu Caynayo oo Nairobi lagu soo Bandhigay iyo culimada ictisaam oo ka qayb gashay,Qofkii Riddoobo Lama Dili Karo!

 

32059971

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Mahad oo dhan allay u sugnaatay allahii noosoo dajiyay diin dhamaystiran oo aan dhaliil iyo duleel midna lahayn allahaas ayey usugnaatay mahad oo dhan awalkeed iyo aakhirkeed.
Kadib waxan rabaa halkaan inaa ku difaaco diintayda oo aan la seexan waayey labadii habeen ee la soo dhaafay waxaana allaah waydiisanayaa qalinkaygaan aan ku difaacayo diintiisa inu abaalkeeda isiiyo maalinta qiyaame ee xisaabta iyo xilku yaaliin, waxaana allaah uga baryayaa dhamaan inta diintiisa difaacaysa inu ka abaal mariyo kii qori ku difaacaya iyo kii qalin ku difaacaya.
Labo bari ka hor ayaa magaalada Nairobi waxaa lagu soo bandhigay Buug laku tilmaamay inuu difaacayo diinta soona celinayo xaq maqan balse buuggaas bilowgiis ilaa dhamaadkiisa waxaa lagu caynayaa diinteena macaan ee islaamka ee kala saartay xaqqa iyo baadilka xalaasha iyo xaaraanta, diinteena macaan ee na bartay sidaan ugu noolaan lahayn caalamkan uu allaah nagu abuuray, caalamkaan oo u jeedka naloo keenay ay tahay in allahii na abuurtay oo qura lagu caabudo laguna adeeco wixii uu farayna aan raacna wixii allah iyo rasuulkiisu SCW nooga digeena ka digtoonaano.

Hadaba Buugaan ayaa waxaa qoray nin calmaani murji’o ah oo hadalkiisu u muuqdo sidii inuusanba diinta islaamka ku jirin markaad u fiirsato hadaladiisa oo waxaa ka mid ah “haddaa islaam tihiin maxaad u diideen in gabadha muslimka ah ay guursato nin gaal ah?” Waxaad umalaysaaba ninka nala hadlaya inuu diin kale haysto balse adigaa xukumi doono akhristoow.

Buugaan ayuu ugu magac daray Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Buuggaan wuxuu qoray 5 sano kahor 2009 kii balse kan ayaa ah daabacadii labaad qoraaguna wuu qariyay inu mar hore soo daabcay oo kan ayuu ka dhigay midkii ugu horeeyay.

Buugaan ayaa waxaa culimo ka ah culamaa’u suuga caadaystay diinta islaamka inay caayaan oo ceebeeyaan waxaana kow ah Qardaawi oo uu qoraagu ka dhiganayaa shiikhiisa khaaska ah balse qurunka iyo diin cayga ayey ku midaysanyihiin.

Ninkaan buugga qoray ayaa faqro kasta oo buuga ka mid ah wuxuu ku caynayaa diinteena islaamka iyo culimadeena hore iyo kuwa hadda culimadaas oo diinta ka run sheegay oo ah culimo rabaaniiyiin ah wuxuuna ka soo reebanayaa inta la fikirka ah sida culimada kala qayb gashay fadhigii lagu soo bandhigayey Buuggaas.

Qoraagan ayaa dhowr meelood oo qoraalkiisa ka mid ah ku simaya ragga iyo dumarka balse inta badan qoraalkiisa qurmuun wuxuu ku weerarayaa culimada iyo diinta islaamka isagoo waydiinaya su’aalo gaalnimo ah oo kasoo hor jeeda ayaado quraan ah oo ku dhigan quraanka, waxaana ka mid ah qiso ka dhacday maalin dhawayd dalka sudan oo uu soo qaatay.

Qisadan yar ayuu qoraagi u hadlayaa sidii nin khamriyaysan sababtoo ah qisada ayuu wuxuu ku leeyahay waxay ka dhacday suudan waxayna ku dhacday gabar maryam la dhaho oo dhakhtarad ah gabadhaas oo muslimad ah waxayna guursatay nin kiristan ah maxkamad ku taal sudan ayaa ku xukuntay gabadha marka hore 100 jaldaad maadama ay u galmootay nin gaal ah galamadaasna ay xaaraan ahayd ninkaasina uusan ku xirnayn maadaam uu gaal yahay kadib intaas ayaa maxkamadda waxay waydiisatay gabadha inay diinta islaamka ku soo noqoto 3 bari gudaheed kadibna gabdhii ayaa diiday, qaadigiina wuxuu ku xukumay daldalaad qoraagu wuxuu gadaal ku leeyahay gabadhu waligeed muslim maysan noqon oo kirastan ayey ahayd ee maxaa loo dilay horeyna wuxuu ku soo yiri gabadhu waxay ahayd muslim waa hadal is burinaya oo aad umalayso inuu sarqaansanaa markuu qorayey, qoraaga hadalkiisan qurmuun wuxuu ku difaacaya gabadha oo uu leeyahay xor ayey u tahay ee maxaa loo dilay wuxuuna leeyahay dilkaasi maaha mid diinta ku jira.

Qoraagaan ayaa wuxuu qabaa gabi ahaanba inaan qof loo dili Karin inu ka baxay diinta wuxuuna beeninayaa axadiista kusoo aroortay xukunkaan iyo aayadaha quraanka ee tilmamaya inaysan jirin diin kale oo la aqbalayo ilaahay agtiisa iyo in qofka ka baxaa diintaan uu yahay mid uu buray camalkiisu naarna ay tahay meesha uu u hoyanayo.

دين الإسلام الذي لا يقبل الله من أحد دينا سواه، قال تعالى: (اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) وقال:( ان الدين عند الله الإسلام)، وقال:( ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين)،
Qoraagan ayaa isaga oo sii wata qisadii gabadha maryan ayuu wuxuu leeyahay sidatan.

Halkan ka eeg nushko kamid ah buugga
Wuxuu yiri qoraagu “Su’aal u baahan in la is waydiiyo waxay tahay waa maxay sababta ragga muslimka ah loogu ogolaaday inay guursadaan gabdhaha aan muslimaadka ahayn, lakin maxaa gabadha muslimaadka ah loogu diiday inaysan guursan ragga aan muslim ahay?” waa su’aal foolxun oo ka soo baxday af qurmuun oo aan diin iyo islaamk midna wax ka haysan.

Faqrada ku xigta taas wuxuu ku leeyahay “Culimada islaamku xoogoodu waxay qabaan in dumarka islaamka ah aysan banaanayn inay guursadaan ragg aan muslim ahayn, Run ahaantiina mawqifkaas waa kii yahuuda iyo kiristanka”.
Qoraagan aayadii quraanka ahayd ee
قال تعالى :
وَلاَ تَنكِحُواْ الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلأَمَةٌمُّؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلاَتُنكِحُواْ الْمُشِرِكِينَ حَتَّى يُؤْمِنُواْ وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌمِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ أُوْلَئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِوَاللّهُ يَدْعُوَ إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِوَيُبَيِّنُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ}(221) سورةالبقرة
iyo xukunkii alle ayuu ka dhigayaa mid culimada xoogooda ay qabaan oo kaliya, wuxuuna hoos ku mucaaradayaa in gabadha muslimada ah loo diido inay guursato ninka gaalka ah, waxaa qoraagaan u hadalayaa gabi ahaantiisaba qaab calmaanimo wuxuuna farayaa inuu qofku gali karo diinta uu doono aysana banaanayn in ladilo ama xitaa maxkamad la soo taago.

Qoraagaan ayaa dhaliilaya dhamaan meelaha la isku xukumo shareecada islaamka wuxuuna ku tilmaamayaa kuwa aan ka tarjumayn islaamka.

Qofkii u baahan wuu akhrisan karaa buugaas wuxuuna ka soo saari karaa khaladaad manhaji iyo caqadi ah oo uu ninkaasi ku dhacay.

Waxaa layaabka leh ayaa waxay tahay culimada usoo fariisatay maamuusida buugaas iyo faafidiisa iyagoo meeshaa lagu marti qaaday iyagoon marnaba soo hadal qaadin khaladaadka buugaan ee ka hor imaanaya diinteena.

Culimada Ictisaam oo ah kuwa lagu marti qaaday madashaas ayna ka muuqdaan sawirka ayaa amaan iyo bogaadin kala dul dhacay buuga iyo qoraaga waxayna xuseen in lagu dhaqmo iyadoo ay ogyihiin in buugu uu xukumayo in gabi ahaanba la tuuro xukunka ridada oo uusan jirin wax xukun ah oo islaamku uu ku fulin karo qofka diinta ka baxa, xadiiska tilmaamaya arintaana uu yahay siyaasadayn iyo xunguruf hoose oo qofkaas la xukumayo loo qabo.

Buugaan ayaa markii la soo bandhigay waxaa lagu marti qaaday warbaahinta soomaaliyeed ee maqalka iyo muuqaalka ah kuwaas oo gata fikirka loo soo bandhigo iyagoon fiirin waxani islaamka wax ma u dhimayaa mise maya waxayna fiirsadaan oo qura lacagta ay ka qaadayaan soo bandhigaha buugaan ama qoraaga.

Mid ka mid ah warbaahinta ugu caansan soomaalida oo ah hiiraan ayaa faafiyay warkaan oo si dheer uga hadlay balse mid ka mid ah dadka la dhacsan fikirka uu wato ninkaan calmaaniga ah ee diinta ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku muujiyay fikirkiisa tacliiq ama comment uu ka bixiyay wuxuuna yiri sidatay.

Waxaa la iisheegay in Nairobi laga wado in maalinta jimcaha lagu soo bandhigo misaajida qaar khatarta iyo khaladaadka ku jira buugaas oo aan ka tarjumayn inuu qoray qof islaamka difaacaya balse u eg ayna tahay inuu qoray qof islaamka qar ka tuuraya.
Shan iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay waxaa soo baxay culimo iyo xukaam carbeed kuwaas oo u olallaynayey sidii la isugu keeni lahaa diimaha oo loo midayn lahaa waxaana ka mid ah culimadaas uguna caansan Shiikh yuusuf al-qardaawi oo si iskiis ah isugu magacowday caalimka culimada iyo muftiga dhan ee diinta islaamka loogu noqdo wuxuuna har iyo habeen ka shaqeeyaa sidii uu u hir galin lahaa fikirkaas oo culimadu rabaaniyiinta ahi ku tilmaameen qof wada fikirka noocaas ah inuu ridoobay oo uusan islaam ahayn.

Culimaa’u suuga ayaa waxay ka gudbiyeen diinta islaamka fikir fool xun oo muujinaya bahdilnimo iyo inuu islaamku yahay mid dhankii loo jiidaba ujiidma waxaana maalinkasta maqalnaa fadeexooyin ka imaanaya culimadaas kuwaas oo mararka qaar lagu soo sheego iyagoo dhex fadhiya xaflada dumarka ay ugu dabaal dagayaan 8 marso marna nala tuso iyagoo dhex fadhiya shir ay qabanyso AMISOM oo lagula dagaalamayo diinta iyo dadka soomaaliyeed sida cali wajiis marna waxaa la soo sheegayaa culimo ka qayb galaysa kulan lagu taageerayo galintaanka ciidamada Kenya ee soomaaliya ay galeen sida sheikh umal marna waxaa la soo sheegayaa culimo ku marti qaaday misaajid gudihiisa gaalo sida safiirka Kenya u fadhiya maraykanka oo kabaha lasoo galay misaajidka abu bakar ee minyabulis waxaana kusoo dhaweeyay sheikh cabdiraxmaan cumar mararka qaar waxaad maqlaysaa xaflad lagu soo bandhigayo dastuurka soomaaliya iyo sidii loo hir galin lahaa iyadoo ka qayb galaya dhamaan kulamadaas iyo fadeexooyinkaas ay la kulmayaan ictisaam maysan ahayn mid muuqday ee waxay ahaayeen mis sir ah balse dhalinyara maskaxda furini ay soo bandhigayeen muuqaalo ka markhaati kici kara kulamadaas qarsoodiga ah.

Diinteena difaaceeda qof walba oo msulim ah waajib ayey ku tahay waxaan ka codsanayaa muslimiinta soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan diiintaan u gargaar af iyo adin maalin iyo muruq qori iyo qalin, marnaba ha u ogolaanina sumcad xumayn iyo aflagaado lagula kaco diinteena.

Dadkaas u istaagay inay diinta u gafaan oo ka hor yimaadaan quraanka iyo axaadiista rasuulka SCW aduunkaan meel xun ayaa u dambaysa aakhirana abaalkooda ilaahaay agtiisa ayey ka helayaan walaalaha muslimiinta ee u taagan oofinta kitaabka alle maalinta ay qabtaan nimankaas qoraya waxan oo kale waa inay xukunka islaamka mariyaan abaalkooda ka jaaseeyaan.

Inkastoo markii aan warbaahinta ka arkay in buug la gu soo bandhigay Nairobi aan ka raadiyay dalka aan joogo balse iima aysan suurta galin inaan ka helo nuskhad buugaas ka mid ah waxaana laygu sheegay nin hadiyad ahaan loogu soo dhiibay ninkii ayaa ii ogolaaday uun inaan sawirka safxada jaalaha ah ka qaato.

Waxaan gadaal kasoo gudbin doonaa maqaal faahfaahsan oo aan ku radin doono ninkaas insha’allaah madaama aysan iisuurta galin inaan buuga gacanta ku dhigo oo wada akriyo balse aan ku sameeyay dul mar iyo akhrin dheeraysa anigoo taagan intaanina waxay iga tahay digniin hordhac ah iyo baraarujin culimada u istaagi doonta malinta jimcada radinta ninkaas iyo culimadii agfariisatay ee sadiqday ama soo dhawaysay.
W/D Abuu Dujaana oo Nairobi jooga

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin”Shacabka Muqdisho haka qiiroodaan Gumeysiga iyo Dhibaatada lagu hayo”

31829772

Sheekh Cali Katiin oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa ka hadlay dhibaatooyin laba jibaarmay ee ciidanka dowlada iyo shishuuyuhu kula kacayaan shacabka Muqdisho.

Dadka Muqdisho waxay ahaayeen kuwa ka qiirooda gumeysi kasta oo kaga yimaada shisheeyaha,waxay iska celiyeen oo ay iska saareen Itoobiya’ayuu yiri sheekh Cali katiin isagoo ugu baaqay shacabka inay iska dulqaadaan Ciidamada heysta.

Sheekh Cali ayaa sidoo kale dardaaran Muhiim ah ujeediyay Ganacsatada ku dhaqan Suuqa bakaaraha oo ku dhaqaaqay gadood ka dhan ah dowlada.

31826737

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Increase in khat import leaves Somali society in further crisis

31638558

The importing of khat, a leafy drug, to Somalia has soared highly ever since the drug was banned from being imported to the United Kingdom several weeks ago, as reported by khat chewers and dealers.

The khat leaves, which are illegal in many countries, are commonly consumed in Somalia , Djibouti and Yemen. The leaves are imported mainly from Kenya and Ethiopia into Somalia by planes to different parts of the country. “Before the ban imposed by the United Kingdom three to four planes used to land at Mogadishu’s airport carrying khat, they would come from Kenya. However, after the ban the number of planes delivering the drug have reached ten” a khat dealer in Mogadishu said.

The khat leaves reach the country far and wide, as around twenty-two to twenty-five planes arrive daily to deliver and distribute the drug to major cities such as Hargeisa, Kismayo, Bosaso and Baidoa, whereas border towns receive the drug by cars who deliver it from neighboring countries.

The increased influx of khat into the country combined with banning of the drug in Al-Shabaab controlled territories has left dealers at loss whereby they’re forced to significantly lower the price of the leaves which are for sale in government controlled areas. “Khat is banned in Al-Shabaab areas, anyone found carrying the leaves will have his vehicle and the leaves burned. This has led us to lose out on a lot of profit to be made as we are forced to sell the leaves at a lowered down price in the government held areas” said Sa’id Ga’amey, a local khat dealer.

The significant drop in the price of khat in Mogadishu has also had an adverse effect on society and brought with it an increase of health, social and financial problems. According to experts millions of dollars are spent monthly on khat by addicts in Somalia, with the hardest hit addicts being Somali soldiers who spend most of their money on khat. Families and households are also some of the most affected, with the breadwinners in the family often becoming addicted, spending extravagantly on the drug, leaving the family with little to survive on.

“The drop in the price of khat has only increased the problems for the populace, many families are suffering now as many providers of families are addicted and spend their money on khat, instead of their children’s food, upbringing and education” said a Mogadishu based female activist. Our country has become the dump yard of other nations, expired medicine, food and banned drugs are all imported and sold openly. It’s destroying our society, and we urge the Somali government to take measures to prevent the import of such items” she added.

There has lately also been an increasing call by civil organizations, activists and Somali diaspora communities for khat to be banned in Somalia, however these calls have fallen on deaf ears, considering that a large number of khat consumers are Somali government soldiers and officials themselves, with khat dealers and traders being some of the most powerful individuals who profit from their trade.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Puntland oo xiriirka u jartay Dowladda Federaalka ‘Villa Somalia’

31595419

Maamulka Puntland ayaa  ku dhawaaqay  in si toos ah  xiriirkii ugu jareen dowladdaFederaala ee fadigeedo yahay Villa Somalia, kadib shir deg deg ah oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen golaha wasiirada ee maamulka lamagac baxay Puntland oo uu shir gudoominayay Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulanka kadib  saxaafada wuxuu u aqriyay warsaxafadeed kasoo baxay shirkooda isagoona sheegay in  Puntland muddo 15 cisho u qabatay dadka kasoo jeeda dhulkeeda ee ku jira xukuumada Soomaaliya inay yimaadaan gudaha Puntland gaar ahaan Garoowe si buu yiri wadatshiyo loola sameeyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay kaso horjeedaan  heshiiskii  ka dhacay magaalada Muqdisho ee ku aadanaa ansaxinta maamul u sameynta gobolada dhaxe.

HOOS KA DHAGEYSO

VoiceOf Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Hooyada Dhashay mid Kamid ah Afarta Wiil oo ay Dowladda Muqdisho dishay!.

31535194

Dowladda Federalka ah ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay afar dhallinyaro oo lagu kala magacaabo 1-Nuur Cabdulle Cawaale 2-caawiye Axmad Jaamac 3-Mustaffa Maxamuud Shidane 4-Cabdi Naasir Khaliif Maxamad kuwaasoo ay ku eedeysay iney mujaahidiin yihiin.
Dowladdu ma aaney soo bandhigin wax cadeymo ah oo ay ku muujisay eeda ay u jeedisay raggan. idaacadda islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa la xiriirtay ehelada dhallinyaradan si aan dhankooda wax uga weydiino dareenkooda iyo wax ka jira eedeymaha sababta looga dhigay dilka wiilashooda.

 

Waxaa inoo suura gashay inaan wareysano hooyada dhashay Cabdinuur Cabdulle Cawaale oo 21 jir ah laguna eedeeyay inuu hoobiye isticmaali jiray taasoo sheegtay inuu wiilkeedu u xamaali jiray aabihiisna uu waa hore dhintay. Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay eeda loo jeediyay.

 

 Hooyadu waxay bixisay wareysi uu la ilmeynayo qof walba oo muslim ah iyadoo ka war bixisay qaabka wiilkeeda loo qabtay iyo sida lagula dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

 

In Gabdhaha iyo Wiilasha ay kala Qol ahaadaan, ma dhaqan Argagixisaa, mise waa dhaqan Islaam?!!!

pizap.com14055068989771

Waayadaan dambe waxaa aad usii laba lixaadsaday mashruuca ay reer galbeedku u yaqaaniin la dagaalanka argagixisada oo dhaqaalo farabadan lagu bixiyo sidii looga hirgelin lahaa dalalka soo koraaya gaar ahaan dalalka islaamka intooda jilicsan.

 

Mashruucaan oo aan lasoo koobi karin dhaqaalaha iyo waqtiga lagu bixiyo ayaa sixowli ah uga socda dalkeena Soomaaliya oo waayadaanba kamid ahaa meelaha ugu dabacsan adduunyada ee cidwaliba haweysato inay danaheeda ka fushato. sikastaba ha,ahaatee dhowr siyaabood ayuu u taabtay qorshahaani dhaqanka iyo diinta shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed oo hadda la moodo in laysu qaraareeyey maadaama dadka badankiisu aysanba isku mashquulin sidii ay uga hortegi lahaayeen dhagaraha loosoo maleegayo qarankeenna.

 

Tusaale waxaan usoo qaadan karnaa dhowr waxyaalood oo muddooyinkii ugu dambeeyey laga hirgeliyey dalkeenna kuwaasoo ay qaarkood horeba ujireen qaarna hdda lagu daray oo ay nagu cusub yihiin.

Arimahaan aan sheegayo ayaa hadda loogu yeeraa ladagaalanka dhaqanka argagixisada ayadoo aan filaayo inaadan inta badan afkooda ka maqlin kuwa kuwa mashquulsan hirgelinta mashruuca balse aad ka dareemi kartid meelaha ay ka taliyaan sida ay uga dhaqan geliyaan iyo cidda ku biisho ee dhaqaalaha kusiisaba.

Waxaa ugu horeeya ee hadda ay dhammaan maamulada dalka kajira ee federaalka ahi isla qaateen fikirkii ahaa ISDHEXGALKA DHALINYARADA oo ah mashruuc lagu baabi,inayo dabeecadihii ama amaradii ay maxaakiimta Islaamku kahirgeliyeen qeybo badan oo dalkeena ah markii dambana ay shabaabku sii wadeen illaa maanta.

Mahruucaan waxaa wada oo dhiirigelinaayo dad aqoonyahanno ah oo qaarkood ay degan yihiin dalka Mareykanka ,kuwaas oo hadda kawada maamulka Puntland ayadoo Xamarna ay uga horeysayba oo loo furay Idaacado laga baahiyo iyo dad soo xero geliya dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha ah ee la doonaayo inay isdhex fariistaaan oo ay Muusik wada cayaaraan, halka qaarkoodna labaro wixii awel lala xishoon jiray ee SHUKAANSIGA ahaa.

 

Sidoo kale waxaa Masaajidda inta badan laga mamnuucay in gaalada dhibka ku haysa Muslimiinta laga habaaro ayadoo xaafadaha ama magaalooyinka qaarna uusan qudbada jimcaha dujin karin shiikh aan warqad aqoonsi kawadan maamulka degmada ama xaafadda.

 

Waxaa la dumiyey Duqsiyo Quraan oo aan tiradooda halkaan kusoo koobi karin halka qaarkood laga barakiciyey meelihii ay ku yaaleen dabadeedna laga furay iskuullo Musikada lagu barto iyo heesaha Turkiga.

 

Haddaba aan isweydiinee madhaqan argagixiso ayaa lala dirirayaa mise diinteenna iyo dhaqankeenna??

Qore Rajo & Ogaal.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

SIR LA HAYO:-Waa kuma Taliyaha Cusub ee Boosliska Muqdsho Maxamed Xasan Ismaaciil

31394465

Wareegto ka soo baxdey xafiiska Raysal wasaraha C/wali Sh Axmed ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabey ciidanka Booliska Muqdisho,kasoo oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Ismaaciil.
Hadaba waa kuma ninkaan? nala baro, ceebaha taariikhda iyo sooyaalka xun ee ninkaan uu ku caan baxay xiligii kacaanka iyo wixii qabsadey markii uu u qaxay dalka Canada oo uu dib ooga soo cararey.
Maxamed Xasan Ismaaciil waxa uu u dhashay beesha R/Waaraha ee Mareexaan waxayna isku sii yihiin reer Diini. Sanadihii sideetameeyada waxa uu ahaa Taliyaha Danbi baarista gobolka Banaadir, xiligaas waxaa uu ninkani baad iyo dhac u geysan jirey bulshada kala duwan sida ganacsatada iyo danyarta xamaalata isagoo lacago baad ah ka qaadi jirey, qaarna xoolahooda oo dhan ka xoogi jirey.

31394463

Ceebtii Timo jarihii Hoteel Jubba.

Taliyuhu dadka uu shaarka ciidanka maalinkasta ku baadi (xoogi) jirey waxaa ka mid ahaa nin timo jare ka ahaa hoteel Jubbba oo timaha u jari jirey dadka mas’uuliyiinta ah ee dowladda sida wasiirada iyo taliyayaasha.Ninkaas  magaciisa haddama xasuusanin laakiin arinta asaga iyo Taliyaha Maxamed Xasan kala qabsatey waxay ahayd mid caan baxdey sanadihii sideetameeyada, ka dib markii uu sil silad qoraallo ah ka sameeyey fadeexadaas wargeysii Ogaal ee xiliyadaas soo bixi jirey. Arintaas oo markii danbe gayeysiieyey in Maxamed Xasan dalka isaga cararo.
Taliye Maxamed sida wargeysku barigaas faafiyey wuxuu maalinkasta ka qaadan jirey waxa ninkaan xoogsatada ah ee miskiinka ah uu shaqeysto, taas oo markii danbe uu ogaadey Tifatirihii wargeyska oo ahaa nin horu socod ah xiligaana isku dayey inuu ka hor tago dulmigii jirey.
Maamulkii wargeyska Ogaal markii ay arintii ka war heleen waxay go’aansadeen in ay banaanka soo dhigaan fadeexada iyo tuugnimada Taliyaha CIDa gobolka Banaadir Maxamed Xasan Ismaaciil, waxayna heshiis la galeen ninkii xoogsatada ahaa iyagoo kaamara iyo Rikoor qarsoon ku xirey qolkii tima jaraha, ka dibna waxa uu wargeysku bilaabay inuu baahiyo silsilad qoraalo ah oo ka sameeyey waxa dhacay iyadoo aan la sheegin magaca taliyaha, taasoo noqotey sheeko caan baxdey oo Xamar oo dhan laga wada akhrisan jirey.
Hase ahaatee waxaa dhacay in markii danbe oo sheekadii dhamaad ku dhawdahay uu wargeysku sheegey in cadadka soo socda uu ku baahin doono magaca Taliyaha tuuga ah, waxaana arintaas ka dhiidhiyey oo isku dayey in ay hor istaagaan rag ay qaraabo ahayeen oo dawladda awood kulahaa.

Waxaase arintii gaartey madaxdii sare ee Dalka, waxaana lagama maarmaan noqotey in la fasaxo wargeyska si uu howshiisa u wato, iyadoo isagiina si deg deg ah loogu duuliyey dalka Talyaaniga ceeb darteed.

Muxuu uga soo uga soo cararey Canada?

Taliye Maxamed Xasan Ismaaciil isaga oo jooga dalka Talyaaniga ayaa waxaa bur burtey dowladii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna goostey in uu u hijroodo dalka Canada oo ay dad badan oo qaraabo ahaayeen kusii qul qulayeen xiligaas, wuxuuna nolol qaxootinimo ka bilaabay halkaas.
Laakiin maxaa dhacey?!! .. Waxaa dhacey dhacdo kale oo taliye Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil ku qasabtay inuu barqo cad kasoo cararo dalka Canada.
Waxaa isna dalka Canada qaxootinimo ku tagey xiliyadaas dagaalada sokeeye dalka ka jireen ninkii Timo jaraha ahaa ee timacaha ka jari jirey Hoteel Jubba, kasoo muddo dheer uu baadi (xoogi)jirey Taliyuhu oo wax kasta oo uu shaqeysto ka furan jirey.
Ninkii Timojaraha (Raysle) ahaa waxaa uu ogaadey in Maxamed  Xasan Ismaaciil uu Canada dhinac ka joogo, wuxuuna goostey inuu dacwad ku oogo si looga abaal mariyo xumaantii uu umadda masakiinta ah u geystay.
Sidaas ayaa waxaa ku furantay dacwadii  Taliye Maxamed Xasan Ismaaciil ku eedeynaysay inuu yahay tuug burcad ah , waxayna dantu ku qasabtay inuu si dhuumasho ah uga soo cararo Canada oo iska joogo wadamada dariska la ah Soomaaliya.


Dhaqan xumada Taliyaha

Hadda intii aan loo magacaabin Taliyaha Booliska Maxamed Xasan oo darajada Col. Si bootis ah ku helay waqtigii Maxamed Siyaad barre dalka ka talinayey, ayaa waxa uu ku caan ahaa shaxaadka iyo gacan hoosrisiga isagoo ku wareegeysan jirey hoteelada Xamar maadama aanu haysan awoodii uu ku baadi jirey dadka.

Laakiin ay dhabtahay in uu xiliga soo socda dib boorka uga jafi doono howlihiisii hore maadama mididii oo tii hore gacanta loo galiyey.

 

XIGASHO MEEL KALA DUWAN!

10525696_545081112262462_3009870571738421441_n (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

VIDEO:- Diyaarad KHAAT usoo Wadday Muqdisho oo Garoonka Diyaaradaha Nairobi ku Burburtay.

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in diyaarad khaad usoo wadday dalka Soomaaliya in Saaka ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Diyaaradda ayaa ku dhacday dhismo kuyaal garoonka waxaana markaasi kadib goobta ka kacay dab kaasi oo sababay in ay burburto diyaaradda.

Afar ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro kale ay dhaawacyo kasoo gaareen sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliiska dalka Kenya Benson Kibui oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa A Fokke 50 in dab ka kacay gudaheeda uu sababay burburka isagoona xusay in burburka diyaaradda ay ku nafwaayeen ilaa Afar ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa Diyaaradda.

Majiro wali wax war ah oo intaasi dhaafsiisan balse waxaa suuragal ah in uu khasaaraha intaasi kasii bato maadaama diyaaraddaani Saaka ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ay dhalisay burbur iyo khasaare baaxad leh.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Xildhibaan Jeesow “Xasan Sheekh, Aniga ayaa Diiday Maamulka aad aqoonsatay ee igu Dacweey Afeey”

Image

Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa ka hadlay tilaabadii dowladda iyo dalalka shisheeye  ku aqoonsadeen maamul saddex gobal kumagacaaban.

Daahir Amiin Jeesow ayaa weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo  Cabdiwali Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta ugu goodinaya in Danjire Afeey uu tilaabo ka qaadayo cidda kasoo horjeesata maamulka saddaxda gobalka ee Bay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

“ Xasan Sheekh  Aniga ayaa Diiday Maamulka aad Aqoonsatay ee igu Dacweey Afeey”

ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxaa isa soo taraya dadka ka horyimid xafladii ka dhacday Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo heshiis lagu dhex dhigay xubno ka socday maamulada 3-da gobal iyo 6-da Gobal.

sawir-maamul-gobaleedyada

Voice Of Somalia-Banaadir Post

AFRO TV-Tarsan “Hanjabaad joogta ah ayaa la igu hayey”

Image

31223010

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO Hoteello ay ku Tuntaan Madaxda Dowladda Fedeeraalka iyo Qurba-joogta oo Muqdisho laga furay!.

Image

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa sanadadii lasoo dhaafay kusii kordhayay fisqiga iyo fasaadka ay gacmaha ku wataan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Haddii sanadihii 2009,2010,2011 qeybo badan oo Muqdisho katirsan shareecada islaamka lagu maamulayay ayna ku yaraayeen fawaaxishta iyo dhaqamada gaalada hadda xaaladdu sidaasi ma ahan oo markii maamulkii islaamiga ahaa uu magaalada ka baxay Muqdisho qeybo kamid ah waxaa lamoodaa Addis Ababa ama Kampala waa marka laga hadlayo Hoteellada.

Wariye katirsan Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho laga dhageysto ayaa dhawaan socdaal qarsoodi ah ku tegay mid kamida Hoteellada lagu iibiyo qamriga,Xashiidda iyo hablaha jirkooda ka ganacsada.

Warbixinta ayaa ku bilaabanaysa dhawaqa Nin 40 sana jir ah oo fadhiya qeybta soo dhaweynta Hoteelka wuxuu wariyaha iyo dad kale oo Hoteelka gelayay u sharaxay qaabka Hoteelka xummaanta loogu sameeyo! Isagoo ka dhawaajinaya qiimaha maandooriyaha iyo hablaha fusuqada ah ee goobta ugu xarreysan.

Waa dimuquraaddiyadda Xasan Sheekh,Hay’adaha Turkiga iyo AMISOM ay ladoonayaan shacabka muslimiinta magaalada Muqdisho waxaana hubaa ah in haddii aan ficilladan foosha xun ay xaaladdu faraha kasii bixi doonto Ciqaabta Allana soo degdegi doonto.

Qofkii Hoteelkan iyo kuwa lamid ah gala looma ogola in uu kaligiis dalbado qamri ama cunto waxaa shardi ah in uu gacanta kasoo qabsado mid kamida Hablaha Jirkooda ka ganacsada ee Hoteelka ku sugan dhankaas wuxuu ka shaabahaa Hoteellada Itoobiya oo badankood sidaasi ah!!.

Saxafiga warbixinta diyaariyay wuxuu xaqiijiyay in mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka oo sheeganaya in ay xil umadeed hayaan lagu dhax arkayay iyagoo qamri iibsanaya islamarkaana gacmaha ka heysto hablaha Jirkooda ka ganacsada!,waa qeyb yar oo kamid ah fasaadka Hoteellada Muqdisho kajira oo warbaahintu ku dhiiratay in ay banaanka soo dhigto.

Qofkii qowl ama ficil arrintan uga dhiidhiya wuxuu noqonayaa Al Shabaab ugu yaraanna waxaa lagu tilmaamayaa Xagjir ku dhegan dhaqamadii Hore!! way yartahay qof ku oranaysa waxaa tahay geesi diinkiisa iyo dadnimadiisa uqiirooday!

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Iiraan oo Xoojisay Shiiceynta ay Ka wado Muqdisho!

Image

Hey’ad lagu Magacaabo Khumeyni ayaa Muqdisho kawada ololo balaaran oo ka dhan ah shacabka Muslimiinta ee ku dhaqan Muqdisho.

Hey’ada ayaa ka howlgalaysa xerooyinka barakacayaasha iyadoo iskuulo iyo masaajid ka dhistay Magaallo madaxda Soomaaliya Ee Muqdisho.

Hey’adda Khumeyni ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad ay isugu mehrisay dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira oo kor udhaafaya 30 ruux.

Ustaad Maxamed Xasan oo kamid ah aqooyahanada Muqdishoo oo si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa hey’adda khumeyni ay ka wado Muqdisho ayaa Alfurqaan siiyay wareysi ku aadan Manhajka shiicada ee lagu dhex faafinayo Muqdisho.

Dhanka kale Culimada rabaaniyiinta ayaa dhankooda soo saaray qatarta uu xanbaarsanyahay Manhajka shiicada ee lagu dhex fidinayo dadka ku dhaqan Gobalka Banaadir.

Sheekh Mustafa Asalafi ayaa ka hadlay shiicada Iiraan waxa ay yihiin isagoo dardaaran ujeediyay shacabka Muqdisho.

HOOS KA DHGEYSO -Sheekh Mustafa Asalafi.

 

 

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Abuu Cabdala”Dagaal Beeleedyada ka Socda Shabeelaha hoose waa Dimuqraadiyadii ay Wadeen AMISOM”

Image

Maamulka islaamiga ah Shabeelaha Hoose ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedyo kasocda degmooyin  katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo Wareysi gaar ah siiyay idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay Dagaallo Culus oo Ciidamo beeleedyo  ku dhexmaraya Magaalooyinka Marko,Janaale iyo Shalaanbood kuwaasi oo saameeyay dadka ku abtirsada Maleeshiyaadka dagaalamay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay dagaalada socda in dadku ay soo xasuusiyeen xiligii hogaamiye kooxeedyada  marka loo eego hab dhaqanka dadka dagaalamaya oo bilaabay in maatida ay laayaan oo gawaarida iyo guryaha kala baxaan.

Wuxuu sheegay in Shisheeyaha Amisom ay hubeynayaan qabiilada dagaalamaya iyadoo waliba Xerooyin ay kuleeyihiin goobaha Maleeshiyaadka ay ku dagaalamayaan.
“Dagaal Beeleedyada Ka Socda Marko,Janaale iyo Shalaanbood Waa Dimuqraadiyadii ay Wadeen Amisom”ayuu raaciyay hadalkiisa Abuu Cabdala.
Waaliga Shabeelaha Hoose Abuu Cabdala ayaa sidoo kale kawareysanay waxbarasho diini oo si xowli kaga socota goobaha Gobalka Mujaahidiintu ay ka joogaan.

HOOS KA DHAGEYSO

ISHA MAQALKA ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Banaadir Post