
Waxa ay soo socdaanba qormooyinka dhab ka hadalka ahi, waxaan maanta WEYNEYSO ku eegi doonaa Safaaradda Soomaalida ee dalka Masar oo arimaha ka jira ay ka qarsoon yihiin Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo dalalka kale.
Ujeedada qormada oo ah mid isugu jirta soo bandhigid wax qabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Qaahira iyo soo bandhigidda musuqmaasuqa ka jira waaxaha qaar ee safaaradda sababtoo ah waxaan doonayaa in Buslahada Soomaaliyeed la baro dhaqanka la xisaabtanka masuuliinta.
Safaaradda Dowladda Somaliya ay ku leedahay dalkani Masar waxay ka mid tahay safaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda Somalia ay ku leedahay daafaha caalamka, marka laga eego wadanka ay ku taalo iyo Siyaasadda dalalka carabta. Sidoo kale, Safaaradda dhulkeeda iyo dhismaha ay ku fadhido intaba waa hanta qaranka Soomaaliyeed sababtoo ah dowladdii Kacaanka ee Somalia ka jirtay ayaa ku dhistay canshuuraha laga soo qaaday dadka Soomaaliyeed ee wagaas qaranimada jeclaa, marka Safaaradda Somalida ee Qaahira ayaa ka mid noqoneysa safaaradaha fara ku tiriska ah ee aan laga xigin qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.
Hadaan ku hormaro, kaalinta Diblomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaalida ee Masar oo ka DAAHSOON Soomaalida inteeda badan ayaa waxay tahay mid u baahan in la iftiimiyo, inta qaranka Somalia uu burbursanaa oo mararka qaar la soo dhisayay dowladaha tabarta daran, Safaaradda Soomaalida ayaa waxay cayaartay Kaalin mugleh oo dhinaca Diblomaasiyadda ah taasoo keentay in marnaba Calanka dowladda Soomaaliga laga weyn fadhiyada dalalka carabta.
Guushaas dhinaca Diblomaasiyadda oo xitaa qofka Qabyaaladdu ay dilootin uusan qarin Karin waxaa ka mid ah Safaaradda ay ilaalisay inuusan lumin guud ahaan xiriirka Dowladda somaliya ay la lahayd dunida carabta, Guulahaas oo dhana waxaa soo hooyin Danjiraha dowladda Somalia u fadhiyo Dalka Masar ahna wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda carabta DR Cabdullaahi xasan Maxamuud.
Dhab ahaantii, Safiir Cabdullaahi oo Danjire ka ahaa Dalkani Masar in ku dhow Rubac qarni kuma ekaan kaliya Howlihii loo egmaday kaliya balse waxa taageero weyn la garab istaagay Madaxdii loo soo magacaabi jiray Wasaaradda Arimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo dowladdii uu hogaaminayay Madaxwyene Cabduqaasim ilaa dowladda Haatan jirtay ee Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud hogaamiyo, sababtoo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa iska ahayd mid Baylah oo aan loo soo magacabai jiray Howladeeno mug leh oo la jaan qaadi kara Luuqadaha dunida iyo dhaqamada ka jira caalamka.
Sidaas darteed, Danjire Cabdullahi Xasan ayaa u fududeyn jiray Wasiirada ama Madaxda qaar ee Somalia ay yeelatay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe inay Fahmaan Protocol-lada carabta,
Siyaasadda, iyo qoridda Qudbadaha ku baxaya luuqadda Carabiga, taasoo sababtay in Danjire Cabdullahi u raaco Wasiir, Raizul wazaare ama Madaxwyene Kasta oo ka qayb galayay Shirweyne carbeed inuu garab istaago si uu masuulkaas ka socda Dowladda Somalia la jaan qaado fadhiyada carabta.
Sheekooyinka Qosolka badan ee aan goob jooga u ahaa ayaa wuxuu ahaa xilligii dowladaha kumeel gaarka in Masuul ka socday dowladda Soomaaliya lagu soo qorey wargeysyada ka soo baxa dalka Masar, waxaa dhacday masuulkaas isagoo Fadhiya Gudaha Safaaradda in uu codsaday in loo turjumo waxa laga qorey, taasoo Safaaradda ay ka caawisay.
Waxqabadka Safaaradda Soomaaliya ee dhinaca Diplamaasiyadda qoraal laguma soo koobi karo laakiin waxaan si kooban u dhahaya in Danjire Cabdullahi Xasan Maxamuud uu gutay wax ka badan waajibkiisa loo igmaday sababtoo ah waa qofka kaliya ee u qumay in Masuuliinta ka socda dowladda ee shirarkaa la qaadanayo Madaxda Carbeed inuu u sharxo xiriirka aanu lahayn dowladaha carabta hadii ay noqon lahayd dhinaca Diblomasiyadda, Ganacsiga iyo Militeirga, taasoo inta badan masuuliinta cusub aysan aqoon u lahayn waxa uu noqon kara xiriirka ay yeelanayaan laba dowladood iyo protocol laga doonayo masuulkaasi.
Marka laga soo tago Guulaha safaaradda ay ka soo hoysay dhinaca xiriirka dowladaha carbeed iyo sida ay u garab istaagtay madaxda wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ee aqoonta aan u lahayn Diplomaasiyadda, hadana waxaa jira meelo badan oo Safaaradda Soomaalida ay ka gaabisay kuwaasoo sababay Dadka Soomaalida ee ku nool Masar inaysan helin Adeegyadii iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen Safaaraddooda.
Aadane tabasho kama dhamaato, hadii uu yahay qof Soomaalina ugu sii daran, hadaba waxyaabaha Dadka Soomaalida ay ka sheeganayaan Safaaradda oo horey ay u jirtay hadana waxa ay cirka isku shareertay xilligii meesha uu ka baxay Diblomaasi Ismaaciil oo ahaa Qunsulka Soomaaliya u fadhiyay Dalka Masar.
Xaqiiqdu waxay tahay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar inay tahay kuwa Abaal u haya safiir Cabduyllahi iyo Qunsul Ismaaciil, sababtoo ah marka ay labadooda joogeen safaaradda ayaa waxay ahayd mid dadka Soomaalida dhibaato weyn aysan kala kulmin adeegyada ay u baahnaayeen. Sidoo kale, waxaa aad u yaraa waxyaabaha xanuunka badan ee hada dadka ay ka sheeganayaan safaaradda sida Muqsuqmaasuq baahsan oo dhinaca Deeqaha waxbarshada ah iyo waliba Adeegyada kale ee safaaradda ay fududeyso.
Xafiiska Danjire Cabdullahi Xasan mooyee oo dhinaca Diplomaasiyada ah, qaybaha ama waaxaha kale ee safaaraddu ay leedahay ayaa waxaa ka jira Musuqmaasuq aad u balaaran oo hada maraayo meeshii ugu xumeyd abid.
Qaybta ugu daran waxaa weeye waaxda waxbarashada ee safaaradda taasoo uu ka jiro musuqmaasuqa naxariis la’aan ah; sida la wada ogyahay Ardeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Masar waxay Online ahaan ka xareysteen Internetka, ka dib marka ay helaan minxada ama deeqda waxbarasho waxaa loo soo marsiiyaa Safaaradda, hadaba maxaa dhacay sanadihii ugu dambeeyay oo Ardeyda qaar ay la amakaageen.
Waxaa jira Ardey badan oo Soomaali ah oo dhowr sanadood minxo ama deeq waxbarasho l’aan ah, halka ay jiraan Ardey badan oo Soomaali ah oo heysta dhalashada wadamada Reer galbeedka Sida US, UK , Canada iyo dowlado kale ay heystaan deeqaha waxbarasho ee bilaashka lagu dhigto ka dib markii waalidkooda ay u iibiyeen minxada.
Sheekada ugu daran ayaa waxay tahay in Qaar ka mid ah Ardeyda dibadaha ka yimid oo walaalo ah ay heystaan Deeq waxbarasho ayagoo loo sameeyay Somali passport, taasoo xaq daro ah, sababtoo ah deeqdaas waxbarasho waxaa u baahan wiil ama gabar miskiin oo Qaxooti ku ah dalka Masar.
Arimaha dadka maskax xanuunka ku riday ayaa waxaa ka mid ah in ay jiraan Muqalasiin Soomaali ah oo xiriir dhow la leh waaxda waxbarashada kuwaasoo iib-geeya Deeqaha waxbarasho gaar ahaan kuliyadaha Caafimaadka iyo Injineeriyadda. WAA ARIN MACRUUF A AH QAAHIRA, xitaa aniga shaqsiyan waxaa ii yimid qof ku xiran muqalasiintaas oo igu yiri, qofkii u baahan kuliyadaha aan soo sheegay waa loo hayaa, waa lacag, waxaasne ugu jawaabay hadal AAN GEED UGU GAMBAN, oo waxaan iri saaxiib waa ku xaaraan qofka iibinayo iyo qofka laga iibinayo labadaba.
Dhinaca kale, sanadihi dambe oo safaaradda howladeeno cusub ku biireen waxaa soo baxday culeysyo ka dhan ah Soomaalida gaar ahaan dadka reer Xamarka ah (Banaadiri) gibil cadka, Soomalida reer waqooyiga, oo marka Safaaradda ay tagaan oo ay dalbadaan Passport ama dukuminti kale waxaa lagu yiraahdaan maxaa cadeynaay inaad Soomaali tahay, qolyaha reer xamarka waxaa la yiraahdaan yaa og inaad tihiin Yamaniyiin? Halka reer waqooyiga lagu yiraahdo maxaa cadeynaayo inaadan ahayn Jabuutiyaan.
Dhab ahaantii, arimahan guracan oo dadka ka yaabiyay mararka qaar waxaa xaliya safiirka oo Soomaalida oo dhan ay u siman tahay, waxa uuna mararka qaar ugu soo degaa xafiiskiisa sare si uu ugu hiiliyo muwaadinka Soomaaliyeed ee shakiga la galinayo Soomaalinimadiisa, waa sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka dhibaatada kala kulmay Safaaradda.
Waxyaabaha amaanta mudan oo u baahan in la sheego waxaa ka mid ah; in danjire Cabdillaahi Xasan Safiirka dowladda Soomaliya u fadhiya Qaahira, in asaga ay u joogto Soomaali waa Soomaali, taasi waxaa kuu cadeynaya in marka qof Ardey ah u tagay oo ka sheeganaya in minxada uusan heysan inuu si toos ah ugala hadlo Waaxda Waxbarashad Safaaradda si xaqa Muqaadinkaas loo so dhiciyo.
Waxyaabah xusidda mudan waxay tahay in Danjire Cabdullahi gacan furan ku soo dhaweeyo qofkastoo u baahan in loo qoro warqad uu ku raadsnayo Tacliinta sare, laakiin Nasiib daro Sida ay ii sheegeen dadka deganaa 1990 ilaa iyo iminka magaalada Qaahira, waligeyd ma dhicin in safiirka shaqsiyan uu is hortaago wiil ama gabadh Soomaaliyeed oo waxbarasho u yimid, balse garab ayuu ku siiyaa sidii ardeyga u xaqijin lahaa himiladiisa. laakiin, sanooyinkii dambe Safaaradda Soomaaliyeed waxaa JAANTAA ROGAN ka dhigay howladeeno aan khibrad u lahaydn howsha ay gacanta kula jiraan oo u baahan in Danjire Cabdillahi iyo Madaxda Dowladda Federaalka wax ay ka qabtaan, si loo joojiyo Musuqmaasuqa qaawan.
Hadaan hadalka soo xooriyo guud ahaan Ardeyda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin in wax laga qabto Musuqmaasuqa hareeyay waaxda waxbarashada iyo howladeenada laga tabanayo ee safaaradda ka dhigtay hoy ay leeyihiin.
Saxnuuni, Cairo, Egypt.
Fadlan la wadaag qoraalka asxaabtaada.
Like this:
Like Loading...