GABAY:-Abwaan Xassan oo Gabay ka Tiriyay Burburka gaaraya Isbahaysiga duulaanka ah.

32110857

Abwaan Xassan Maxamuud Cusmaan oo kamid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa gabay xiiso badan ka tiriyay gabi dhacleynta Mareykanka iyo dhiig baxa kasoo gaaray dagaalada uu la galay muslimiinta.

Gabaygan oo loogu magac daray (Hadaf) ayuu abwaanku sidoo kale kusoo hadal qaaday Soomaaliya iyo sida ay mar walba dhibaatada ugala kulanto wadamada cadawga ah ee Kenya iyo Itoobiya.

32090383 (2)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO-Gaarigii qaaska ah ee Uhuru Kenyatta oo aysan Rasaastu karin oo la dhacay iyo Su’aalo ka dhashay Arrintaas!

31886712

Gaariga Uhuru Kenyatta ayaa la dhacay xilli uu Madaxweynuhu booqasho ku joogay magaaladda Mombasa.Darawalka Madaxweynaha oo lagu magacaabo Dan Machui ayaa lagala degay gaarigaasi oo noociisu ahaa BMW 5, oo aysan xabbaduhu ka dusi karin,Waxana gaariga kala degay saddex dabley ah oo hubeysan gaarigana soo daba raacay, markii uu Madaxweynuhu kaga haray Mombasa.

 

Dableyda Gaariga dhacday waxay dharka ka wada xayuubiyeen Darawalkii, kana qaateen bistoolad uu watay.Dableyda hubeysan ayaa la sheegay inay Gaariga lasoo aadeen magaalada Nairobi, Dabadeedna muddo dhowr saacadood ah ayey gaarigii ku dhex marayeen magaallada Nairobi, iyagoo Darawalkii ay gaariga ka dheceenna kursi dambe fariisiyay, isagoo aan dhar wadanin.

Abbaarihii 02:30 habeennimo ayey Darawalkii watay gaariga Madaxweynaha isaga dejiyeen Deegaanka Mihango oo ku dhow Kulliyadda Tababarka Maamulka Booliska ee Embakasi, Halkaas ayeyna Gaarigii kula baxsadeen. Gaariga ayaa markii ugu muuqaal dambeysay ku sii jeeday Deegaanka Muguga, laakiinse wax yar kadib, waxaa la waayey calaamadda lagala socday dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo Ciiddanka Booliska iyo kuwa ka hortagga Dembiyada ay baadigoobayaan Gaarigaasi.

Voice Of Of Somalia-Banaadir Post

 

Weerar khasaara badan dhaliyay oo markale lagu qaaday dalka Kenya.

pizap.com14057712006281

Booliska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay weerar hor leh oo xoogag hubeysan ay ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Lamu ee xeebta saaran.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagu qaaday gudaha Kenya xilli ammaanka wadankaasi uu faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay.

Xoogag hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee deegaanka Witu, Njenga Merri oo ah taliyaha booliska ee degmada Lamu ayaa waregeyska Daily Nation u sheegay in 5 qof oo lamid ah ay yihiin booliska lagu dilay weerarka cusub ee xoogaga hubeysan ku qaadeen Witu.

“Kooxo hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee Witu durbadiiba booliska ayaa dabagal ku sameeyay kadibna 3 qof ayay toogteen 2 booliska katirsana way dileen”ayuu yiri Njenga Merri.

Bishii lasoo dhaafay Lamu waxaa ka dhacayay weeraro ay ku dhinteen inkabadan 100 qof oo Kenyan ah waxaana weeraradaasi sheegtay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya kula dagaalamaysa soo duulayaasha Kenya iyo kuwa dahsoon oo dagaalka kula jira.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:- Uhuru Kenyatta oo la Baroortay Weeraradii ka Dhacay Laamu.

 

 

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay weeraradii xalay iyo habeen hore ka dhacay magaalooyin hoos yimaada Laamu.

Uhuru ayaa khilaafay hadaladii ay shalay jeediyeen saraakiishiisa iyo wasiirka arimaha gudaha ee dowladdiisa ee ahaa in weerarka ay ka dambeeyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu sheegay in weeraradu ka dambeeyaan isla dadkiisa Kiristanka ah!!

Hadalo badan oo ku jira shirka jaraa’id ee Uhuru waxay muujinayeen baaxadda culeyska kaga imanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

21_dec_2011

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Kenya oo Sheegtay in 800 oo askari looga dilay Soomaaliya.

Image

Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Kenya, ayaa daaha ka rogtay in dalka Soomaaliya looga dilay ilaa 800 oo askari, kadib markii Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Rachael Omamo oo ah Wasiirada Wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya, ayaa waxay sheegtay Ciidamadaan in intooda badan lagu dilay dagaalo qaraar, oo ay Shabaabku kula galeen Xuduudaha.

Wasiirada waxay kaloo sheegtay Ciidamada Al Shabaab in laga soo fogeeyay Xuduudaha Kenya, ayna maanta ku sugan yihiin deegaano boqolaal kiilo mitir (KM) ka baxsan Xuduudaha.

Rachael Omamo, ayaa sheegtay Ciidamada Kenya in ay u istaageen difaaca dalkooda, ka gadaal markii ay sheegtay argagaxisada in ay carqalad ku noqotay nabadda Kenya.

Omamo, ayaa waxay Ciidamada Kenya ugu baaqday inaysan niyad jab ka muujin dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Ururka Al Shabaab, ilaama ay ka wiiqayaan awoodooda.
Ciidamada Kenya, ayaa gudaha u soo galay 14-kii bishii October ee sanadkii 2011-ka, ka gadaal weeraro afduub ah oo ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Warkan oo Ay Qoreen Warbaahinta Kenya Hoos Ka Aqriso.

http://www.standardmedia.co.ke/mobile/?articleID=2000121041&story_title=800-soldiers-have-deserted-kdf-since-2011

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Qeybtii Labaad “Nabarada Dagaalka”Warbixinada Taxanaha ah ee ay Diyaariyeen Standard iyo KTN Oo looga Hadlaya Murugada Kenya ay Ka Dhaxashay Duulaanka Soomaaliya.

Image

Warbixinada Taxanaha ah ee ay Diyaariyeen Standard iyo KTN oo loogu magac daray “Nabarada Dagaalka” waxaa lagu soo bandhigayaa Qisooyin xanuun badan oo ku saabsan Qoysaskii ay ka tageen Askarta dowladda Kenya kaga  geeriyootay Dagaalka Soomaaliya iyo kuwa Iyagoo dhaawacyo ah weli raadinaya magdhow-ga dhiigooda.

Qeybta Labaad ee Warbixinada Taxanaha ah waxey Wargeyska The Standard iyo Tv-ga KTN oo ka mid ah Warbaahinada ugu caansan dalka Kenya kusoo gudbinayaan hooyo Nasaara Kenyaati ah oo daawatay meydka wiilkeeda oo lagu jiid jiidayo wadooyinka magaalada Kismaayo, kaasi oo kamid ahaa tiro askar Kenyaati oo lagu dilay dagaal 01-09-2012 ka dhacay degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=_Wt86z3POgQ

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Warbixinada Taxanaha ah oo ay Diyaariyeen Standard iyo KTN oo loogu magac daray “NABARADA DAGAALKA”

Image

Warbixinada Taxanaha ah ee ay Diyaariyeen Standard iyo KTN oo loogu magac daray “Nabarada Dagaalka” waxaa lagu soo bandhigayaa Qisooyin xanuun badan oo ku saabsan Qoysaskii ay ka tageen Askarta dowladda Kenya kaga  geeriyootay Dagaalka Soomaaliya iyo kuwa Iyagoo dhaawacyo ah weli raadinaya magdhow-ga dhiigooda.

Wargeyska The Standard iyo Tv-ga KTN oo ka mid ah Warbaahinada ugu caansan dalka Kenya ayaa baaritaan wada jir ah oo ay sameeyeen waxay ugu kuur-galeen Sida Duulaankii Kenya ee Soomaaliya  u kala fogeeyey lamaanayaashii wada noolaa iyo Sida uu caruurta reer Kenya ugu qasbay in ay Waalid la’aan noolaadaan.

https://www.youtube.com/watch?v=a9Sc4YClpOY

VOice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:- Sheekh Nuur Macalin Cabdiraxman”Muslimiinta Soomaaliya Degan ayaa la rabaa in Lagu Badelo Kirishtaan iyo kuwa kale”

Image

Sheekh Nuur Macallim Cabdiraxmaan oo kamid ah culimada rabaaniyiinta ah ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada ay gaaladu ku heyso dunida muslimka oo ay Soomaaliya ku jirto.
Sheekha ayaa arintaasi u sababeeyay dhowr arimood, isagoo sidoo kale tilmaamay waxa looga xoroobi karo gumeysiga gaalada.
Sidoo kale Sheekha ayaa dul istaagay duullaanka isbahaysiga ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya iyo ujeedadiisa.
Wuxuu si khaas ah uga hadlay Xabashida Itoobiya iyo cadaawadda ay u qabto ummada muslimka ah guud ahaan gaar ahaan ummada Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii Sheekh Nuur ayaa ku baaqay in la iska dhiciyo Xabashida Itoobiya iyo dadka kusoo hor kacay wadanka.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Tourism in Kenya’s Mombasa hit by unrest

Image

A total of 129 suspects, arrested following clashes between police and Muslim youth in a mosque on Kenya’s coast, will appear in court on Friday.

Years of unrest has cast a hefty toll on Kenya’s tourism industry since 2007, as frequent grenades and clashes scared away tourists, leaving beaches almost deserted even during the high season.

Catherine Soi reports from Mombasa on how the growing unrest is affecting the country’s tourism.

Source:
Al Jazeera

MAQAAL:-Gilgiladka reer Muqdisho iyo gama’ siinta Shisheeyuhu wado. Qore-Cabdullaahi Soomaali.

Image

Dadka ku dhaqan Muqdisho waxa ay Muujiyeen damiir iyo dhiig aanay ka fileyn Ciidamada Gumeystaha iyo Saraakiisha kale ee gaalada Magaalada degan.

Shacab fara badan oo dibad bax dhigaya ayaa xiray wadada Makka Almuka rama  taasoo halbowle u ah isu socodka Ciidamada Shisheeye, Dowladda Federaalka ah, iyo hay’adaha kale ee Sirdoonka Ajaanibta ah Maadaama Jidkaasi isku xiro Garoonka Muqdisho iyo Aqalka Madaxtooyada.

Dibad baxayaashu waxa ay aad u caroodeen Markii mid ka mid ah gaadiidkii gaashaaman ee Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho joogaa uu dardaray Nin tagsiile ah oo la oran jiray  Saalax kaasoo goobta ku qurbaxay.

Kolonyadii gaadiidka Shisheeye ee kan Saalax dilay ka mid ahaa ma aanay istaagin dibna uma aanay soo eegin wixii ay geysteen sidii ay waayadii horeba ay ku kaci jireen ,laakiin shalay culeys aanay u baran ayaa soo kordhay waxaanay ka baqeen in durba uu bilowdo kacdoon iyaga ka dhan ah.

Lama arki jirin dad dibad baxaya marka ay sidaan oo kale dad dilaan ee waxaaa warku ku koobnaa jiray in Idaacaduhu tebiyaan Meydkana la aaso. Haddese xaalka ayaa sidaas ka bedelan dadkana fahan iyo baraarug bartii ayaa ka Muuqda.

“haddii askeri Shisheeyaha ah koofidu ay ka dhacdo gaariga uu saaran yahay waa la joojiyaa kadibna wuu soo degaa oo koofida ayuu qaataa laakiin marka gaarigu qof Soomaali ah dardaro lama joojiyo maxaa yeelay Ciidamada gaaladu waxa ay aaminsan yihiin in kan ay dileenu yahay cadaw ka haray” sidaas waxaa igu yiri wariye dhacdadii Shalay si weyn ula socday kuna Sugan Muqdisho  oo aan Taleefoonka kula hadlay welow uu Magaciisa in aan shaaciyo diiday sababo amaankiisa la xariira.

Inkastoo Ciidamada Uganda iyo Burundi ee  Maraykanka, wadamada Reer yurub qaarkood iyo Qaramada Modoobay wataan Caasimadda Soomaaliya gacanta ku hayaan hadana waxaa Howl gallo ka fuliya  Mujaahidiinta oo habeen waliba weeraro ka geysta dhinaca kalena waxaa jira guux iyo hadal hayn badan oo la xariirta in dalku gumeysi ku jiro.

Sidaas daraadeed Gaaladu shalay isu soo baxa waxa ay u aragtay in uu bilow u noqo karo midnimo iyo israac ay yeeshaanUmaddaan gumeysiga ay ku haystaan ee laakiin iminka aan is wada raacsanayn haddii taasu dhacdana waxay is tustay guul Taariikhi ah oo Soomaalida u soo hoyatay in uu qarxi karo dagaal sida foolkaanadii ah cidda ku afjarmeysana ay iyaga noqo karto.

Tilaabada ka dhineyd dibad baxayaasha waxa ay hayd in ay dhowr qori raadsadaan kadibna ay Xabad ku bilaabaan gaalada iyo kaaliyaasheeda u daacadda ah waxaana xaqiiqa ah haddii ficilkaa ay la imaan lahaayeen in arinku wejji kacdoon xoriyad doon ah yeela lahaa mase dhicin taasi.

Si loo hurdiyo kuwii ka dhiidhiyay dilkii arxan darada iyo Muslim naceybka huwanaa ee saalax loo geystay iyo kuwa kale ee la midka ka ah welina Iimaankooda,Wadaniyadooda, dadnimadooda  iyo damiirkoodu nool yahay waxaa la qaaday tilaabooyin siyaasadeysan waxaana warbaahinta loo sheegay warar qancin ah oo Umadda la isaga jeedinayo ha yeeshee intii wax garataa fahmi karto in ay geed kora waab iyo hudhuu hadhaa yihiin.

Ciidmamada Shisheeye ayaa Darawalkii iyo gaarigii uu Ninka jiirsiiyay Keenay Xarunta Ciidamada Taraafikada Dowladda federaalka ah ee Shisheeye asalkeedaba yagleeshay  waxaana dadka loo sheegay in Howlgal Taraakifadu sameyeen lagu soo qabtay.

Madaxweynuhu Awood malahane sidee Taraafikadu ku lahaan?

Marka xaqiiq loo hadlo ee aan la is indha tireyn Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka ah, Ra’iisalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiirada Dowladda midkoodna awooddiisu ma gaarsiisna heer ay xabsi gey karaan askeri ka tirsan Ciidamada Gaalada ee ilaalada iyaga iyo Maamulkooda ka  haya.

Waxaa jira ficilo badan oo na tusaya in Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ay yihiin gumeystayaal leh awood ay ku socodsiiyaan ahdaafta loo soo xilsaartay Dowladda Federaalkuna waxa ay ka dhigan tahay shaqaale fuliya Howsha iyaga iyo gaalada kale u diraan oo keliya.

Deegaano kaabiga ku haya Garoonka Muqdisho oo uu ka mid yahay Dugsigii Tabarka Meleteriga ee Xalane waxaa degan gaalo caddaan ah oo Yurub iyo Maraykan u badan Ciidamadaan Ugandda iyo Burundi ayaana u xilsaaran ilaalinta amaanka halkaas welow gudaha dhismayaasha ay joogaan ciidamo caddaan ah oo hubeysan kuwaasoo leh xabsiyo dadka Diinta ku dhegan ee Jiaadka u istaagay ama kuwa looga shakisan yahay in ay tubtaa hayaan ee la soo qabtoay  ku jirdilaan.

Halkaas Madaxwene Xasan Sheekh weligiisa cagaha ma geyn marka laga reebo qol qaramada Midoobay iyo midka Madaxda Ciidamadaan dadka ku qaabilaan.

Sanadkii hore Xasan Sheekh Taliyaha Baliiska Dowladiisa oo la yiraahdo Janaraalk Cabdi-xakiin Saacid ayuu u diray waxa halkaas ka socda in uu soo kormeero laakiin Saraakiisha Ciidamada Shisheeye ayaa ka horjoogsaday shaqadii loo soo diray.

Wuxuu isku dayay in uu ku adkeesto fulinta qorshe howleedkiisa ha yeeshee waxa ay arintu tagtay in aakhirkii la feero dibna loo soo qadaan qadiyo oo xoog lagu soo celsho.

Saxaafadda qaarkeed ayaa dhacdadaas goob joog u ahayd oo duubtay Codka Janaraal Cabdi-xakiin saacid oo luuqadda Ingiriiska ku hadlaya aadna u qeylinaya markii la qadaan qadinayay.

Geesta kale Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisalwasaaraha Midkoodna awood uma lahayn I uu gurigiisa ku hooyo qof aanuu ogolaashe uga heysan Ciidamada Shisheeye ee aqalada ay degan yihiin ilaalada ka ah.

Ciidamadaas waxa ay haystaan liiska magacda dadka guryahaas Madax in ay seexdaan loo ogol yahay cid aan kuwaas ahayne amar uma haystaan in ay hoyato.

Tani waa xaqiiq waana qorshaha Amaanka kuwaan la gumeystayaasha ah ee lagu shaqeysanayo lagu ilaaliyo si kalena haddii loo eego lagu bahdilayo Maxaa yeelay Nin Madaxweyne sheeganaya ayaan hooyadiisa ama walaashiis gurigiisa ku hayo Karin.

Haddii Madaxweynuhu u baahdo in ruux aan shaqaalaha Madaxtooyo degan ahayn doono in uu Caawo wax ka joogo Madaxtooyo waa in uu waco Taliyaha Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee Deeganka Xalane degan si uu amar u siiyo Taliyaha Ilaalada qaaska ah Madaxtooyada gaaladu u xil saaratay.

Haddii Madaxweynihii awooddiisu halkaas mareyso Maxaad u maleysaa dadka asiga ka hooseeya?

Sidee ayay nooga gedmeysaa oo Maskaxdeena looga dhaadhicinayaa Taliyaha Ciidanka wadooyinka Muqdisho ayaa awood u leh in uu Soo qabto askeri si bareer ah u dilay qof Muslim ah kaasoo rumeysan inuu qaarijiyay mid uu dilkiisa xaq  u lahaa?

Dilkeenay derejo iyo deeq ku helaan

Kani ma ahan askeri iska daa in xukun kale ku dhacee xattaa dhowr maalin xabsi lagu haynayo waayoo iska daa asigee Dowladda federaalka ah shaqada loo unkay waxaa ku jirta in ay wax badan ka disho dadkaan gaalnimada qaada diiday welow ay jiraan in badan oo la leexsaday.

Maamulka iminka ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha looga dhigay iyo Maamuladii ka horeeyay ee Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdulaahi Yuusuf midba mar hogaaminayay ayaa dilay dad aan tira koobkooda la hayn boqolaalna ka badan hadaanay kumanaan gaareyn mana jirto cid wax iska weydiisay.

Waxaan xasuustaa sanadihii 2008- 2009- 2010 iyo 2011 Madaafiicdii aan loo meel dayin ee Suuqa bakaaraha ee Muqdisho, iyo Xaafadaha kale ee Muqdisho qaarkood loo qeybinayay ayna ridayeen Ciidamada Uganda iyo Burundi.

Dhacdooyinkaas badankood goob joog ayaan u ahaa in badan ayaana qaaday Meydadka sidii bal isu dul saaran waxaana dhibaatada ugu daranu ka dhici jirtay Suuqa bakaaraha.

Ciidamadii xasuuqaas Caruur, Haween, Nin yar iyo Nin weyn aan loo kala soocin fuliyay ayaa ku raaxeysanaya Ilaha dhaqaalaha ee Muqdisho oo ay ku jiraan Garoonka diyaaraha iyo Dekedda iskana daa in wixii ay geysteen wax laga weydiiyee waxa ay gurtaan dhaqaalaheenna iyo dhaqaale kale oo gaalada kale ku abaalmarisay maadaama ay howshii loo soo dirtay fuliyeen.

Waxaa kordhay garaadada iyo derejada Ciidan ee ay joogeen iyagoo abaalkaas ku Mutay Muslimiinta Soomaaliya ee ay in badan xasuuqeen in kalena gumeystaan kuwa ka sii badana fasahaadiyeen.

Isweydii ma wax aan kuwaas laga qaban iyo ciqaab aan loo qeysan ayaa askeri laga yaabo in uu ka andacoodo in in dilku shil ku yimid laga qabanayaa?

Waxaa kale oo aad isweydiisaa haddii Galkaan saaxiibadii kale garaado iyo guno dheeraad ah lagu siiyay Muslimiin ay gumaadeen sidii asiga looga qadinayaa?

Jawaabtu waa in tixgelin gooni ah la sii doono sida kuwii hore in la dhibo warkeedba daaye.

Maxmadeyn iyo Magdhaw lagulama Heshiin

Waqti aan u u maleynayo in uu ahaa horaantii sanadkii tegay ee 2013 ama dhamaadka kii ka horeeyay waxaa jiray guddi Dowladda Federaalka ahu u xilsaarty in Ciidamada Uganda iyo Burundi ay kala xaajoodaan dhibaatooyinka ay geystaan oo dilku ka mid yahay.

Gudoomiyihii gudigaas waxa uu Saxaafadda u sheegay in Taliska Ciidamadu ku war geliyeen in markii horeba aan lagula heshiin in ay magdhaw ka dhiibaan ciddi ay dilaan cid u qabsa karta ama Maxkmad u soo taagi kartana aanay jirin.

Arintaas ayay sheegeen in Midowga Afrika Magaalada Adis ababa uu sanadkii 2007-di ugu saxiixay Danjirihii Dowladdii Ku Meelgaarka ee Soomaaliya u qaabilsanaa Midowga Afrika iyo Dalka Itoobiya Cabdi-kariin faarax laqanyo.

Waxay tilmaameen in lagula heshiiyay in ay Ilaaliyaan Madaxda Dowladda Soomaaliya wixii ay dilaana aan la iska warsa doonin.

Laqanyo ayaa 2009-ki ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Dalka Soomaaliya halkaasoo asiga iyo wasiirkii Amiga Cumar xaashi Aaadan iyo xubno kale ku qur baxeen.

Dardaaran

Sida aan ognahayDadka Muslimiinta ah Jihaad ayaa ku waajibaya haddii taako dhulka Muslimiinta ka mid ah Gaalo soo gasho inagana Taako iska daaye asigii oo dhan ayaaba Maamulidiisa lala wareegay.

In badan oo naga mid ah ayaa la adoonsadaa kuwana hoohooyinkood ayaa lagu hor kufsadaa iyaguna Mushimaha kalama qaadi karaan.

Waxa aan ku nool nahay xayaato aad u xun Ciqaabkii Allaahna waa na sugeysaa haddii aynaan Jihaadin.

Hadaba waa in aan gil gilanaa oo aan u istaagno in aanu Sharafkeeni soo ceshano.

Sow halkii aad ku aadaneyd Islaamka cadaw kama soo gelin haddii adigoo arkaya Diinta Allaah lagu tumanayo aadana qalabka qaadan?

Xaqiiqadu waxa ay tahay waxa dagaalka Jihaadka ah kaa reebaya in ay yihiin aduunyo Jeceyl iyo geeri Naceyb.

Isweydii miyaad dhaafeysaa ama ka hor dhimaneysaa waqtigii laguu qoray adigoo boqol iyo labaatan habeen Uurka hooyadaa ku jiray?

Maansadeydi darab gudee kaalay waxaa ku jiray in aan qofna waqtigiisa dhaafeyn iyo in gaaladu ay isku dayayaan in ay sidii dumarkii oo kale noogu galmoodaan hadaanaan la dagaalamin waxaanay ahaayeen.

 

Dabaq kii ku dhuunta iyo dogobyo hoostooda,

midki orod is daayee cagaha dubku uga hoolmo,

fuleynimo  daraadeed halkii dirirta  aadin,

Nin kastoo Daneeyaba ma helo Duni ku waarkeede,

Raggi kaa dareeryoo Jihaad doonay badankiiye,

Dalabkii Ilaahay adaa diiday Maqalkiiye,

lagaa dabaryay Kheyrkoo wanaag kala dibooteene,

Gaaladu dumar iyo niman kalama doortaane,

hadba ruuxey doonaan ayay Derinta geystaane,

waxa  raacay dooqqa ayay dood ka dhigayaane

 Diric xiro ayaad sugi iyo darab gudee kaalay.

Waxaan ku soo geba gebeynayaa quducyo ka mid ahaa Maansadeydii Gowrac dhega dhaaf ah oo ka hadlaysay Jihaadka iyo Xoriyadda kuwaasoo filayo in aad wax badan ka faa’iidi doontaan.

 

Nin waliba hadduu gaabsayee Isha gulucsiiyo,

Ee  dagaalka sii gala  dhahee jooga gurigiisa,

Gorgorkiyo Gallayrada iyo Gudiri qaabkoode,

Gaadiidkiyo hubkow sido  miyaa  keligood gooshaaya?

Oo Cadawga Gaadada u dhigi boobay geyigeena?

 Gudcur iyo koley tahay dharaar gaabis laga roone,

Guluf iyo waxaa lagu helaa Geeri iyo dhiige,

gacmohoo la laabtaan Xorriyad Cidi ku gaareyne,

koley waan garaarsaa hubkiyo godimeheygiiye,

Ninki gabase yeelkii  wuxuu Guulle farayaaye,

Aduunyadaan geshiinada ahoon Gabari joogeynin,

Ninki Gacal u qaadaa ku dhaca God iyo haadaane,

Waajibkii qofkaan gudanine gaar isaga weecsha,

Ninki go’a nasiibkii asoon Diinta u gargaarin.

 

W QORAY CABDUlLAAHI YAASIIN JAAMAC (CABDULAAHI-SOOMAALI)

Cyaasiin10@hotmail.com

VIDEO:- Jubba considered buffer zone between Somalia and Kenya!.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

WAR DEG DEG AH:-Dad Kenyan ah oo Bartamaha Muqdisho Laga Qafaashay.

Image

Xoogag hubeysan ayaa goordhaw oo maanta ah magaalada Muqdisho ku qafaashay muwaadiniin u dhalatay dalka Kenya.

Rag ku labis dareeska ciidanka DF-ka ay fagaaraha Tarabuunka ay ka qafaasheen dadka Kenyaatiga ah illaa iyo hadda lama oga halka loola dhaqaaqay.

Muwaadiniintaani ayaa lagala dagay gaari ay lasocdeen oo marayay isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan iyadoona gaarigii ay lasocdeen istaajiyeen rag ku labisnaay dareyska Maleeshiyaadka Villa Somalia, waxeyna muwaadiniinta Kenyaatiga ah saarteen gaari ay ragaasi wateen waxaana ilaa iyo hada  si rasmi ah aan  u caddeen waxey ahaayeen ragaasi qafaalka geystay iyo halka ay la aadeen muwaadiniintaasi Kenyaatiga ah ee saacado ka hor laga qafaalay gudaha magaalada Muqdisho.

Lasoco waxii kusoo kordha.

29520673 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

THE STANDARD:- “Sanadka geba gabada ah waa kii ugu xumaa ee soo mara wadanka Kenya”

Image

Sanadka 2013 oo hadda maraya heer gaba gabo ah  islamarkaana ku dhamaanaya munaasabadda xuska ciidda kirismaska oo ay dadka kirishtaanka ahi aad u weyneeyaan ayaa waxaa ku hareereysan cabsi, murugo iyo xusuus wadnaqabad ah oo hareysay quluubta dadka ku dhaqan wadanka Kenya.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa wadanka Kenya oo warbixin dheer ka diyaariyay sanadkan 2013 ah iyo sida xaaladda wadanka Kenya ahayd ayaa tilmaamay inaanuu wadankan soo marin sanad kaga murugo badan 2013 oo heer dhamaad ah maraya.

“Dhab ahaan lama filayo in dadku ay si wanaagsan u soo dhoweeyaan sanadaka cusub ee 2014 oo foodda nagu soo haya sababtoo ah dadka waxaa ka guuxaya waxyaabihii halista ahaa ee dhacay sanadkan dhamaadka ah” ayaa lagu yiri warbixinta The Standard”

Inkasta oo wadanka Kenya iska ahaa wadan aan nidaam maamul iyo mid amni oo fadhiya lahayn hadana xaaladda ayaa kaga sii dartay markii ay beerteen qodxo dheeraad ah iyadoo dowladda Kenya ay kumanaan ciidamo ah u soo dirtay Soomaaliya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo digniino dheeraad ah iska daba jeedisay kuwaasi oo Kenya kaga digayay cawaaqib xumada ka dhalan karta duulaanka ay soo qaadeen ayaa ka warcelisay iyadoo gil gishay guud ahaan Kenya kana dhigtay dab iyo holac dadka wada saameeyay.

Dhacdooyinkii ka dhacay Kenya oo ah kuwo kala daran islamarkaana aan si gaar ah loo xusi karin dhibaatadooda ayaa waxaa ugu weyn tii ka dhacday Suuqa Westgate Shopping Mall ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Weerarkaasi oo ahaa mid ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa saameyn dhanka maskaxda, amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ahba ku yeeshay guud ahaan dadka iyo dalka Kenya waxaana ku baxay boqolaal Kenyan ah taasi oo dadka nool u diidan inay farxad ku ciidaan sanadka maadaama aanay weli ka dhamaan tacsi iyo tiiraanyada weerarkaasi.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

MAQAAL:-Jaalle Madaxweyne qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa ee Qaadka ka mamnuuc dalka inta aad kataliso, xiriirka Kenyana soo gaabi.‏

Image

Waxaan mararka qaar isweydiiyaa madaxweyne Xasan Shiikh ma damqado  miyaa? muxuu weli ugu sii janjeeraa meel aan laga rabin? ma inuu isliido ayuu guul ku gaar isleeyahay?

Soomaalida oo dhan intii wax garata way aragtaa dhaqan xumada ay kenya kula kacdo Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed,ayadoo weliba si xoog ah ku haysato dhulkii ay hore nooga boobtay iyo gobolada ay hadda qabsatayba.

Sidaas oo ay tahay ayaa madaxda Soomaalida laga la,yahay inay halmarna Allaha kadhigee afka soo mariyaan inay Kenya kusoo xadgudubtay dalkeenna oo ay dulmi nagu hayso.

Waan ognahay inay madaxdeennu u afduuban tahay Beesha Caalamka oo aysan ku dhicin inay ka horyimaadaan qorshaha ay kenya kawado dalkeena ee ay beesha caalamka masuulka uga tahay, laakiin waxaan meesha qaban inay madaxdu kursi daraadiis ayaguna ay shacabka ugu been sheegaan oo ay afka iyo gacmahaba ka xiraan ayagoo kursigooda ilaashanaya.

Taas waxaan ula jeedaa haddii aysan madaxdu hadli karin runta ha u sheegaano shacabka si dalka loo badbaadiyo oo aan madaxda kaliya loogu haleyn. Soomaalidu waxay tiraahdaa” kuu dhaami maa dhagareey ka roon tahay”
Sidaas daraadeed jaalle Madaxweyne waxaa lagaa rabaa inaadan naceebeynin oo aadan cadowga noo jebin ee udhaqan sidii nin daldhan masuul ka ah,hana ku ekaanin kaliya inaad ka fikirto afarta sano wixii kaharay ee aad meesha sii joog isleedahay,jaalle haddaad dhimeyso dhareerka waa layska duwaa.

Dhaqaalaha Kenya wuxuu maanta sitoos ah ugu xiran yahay dalka Soomaaliya iyo Soomaalida Qaadka cunta ee aduunka daafihiisa kunool ,kaasoo burbur shacbiyeed nagu haayo,qaasatan waxa maanta ciidanka dowladda noocaas kadhigay ee facood kareebay waa QAADKA. sidaas daraadeed jooji oo weliba jooji Qaadka islamarkaana culayska saar sidii ay Kenya kusoo wareejin lahayd maamulka Dekeda iyo Airboorka Kismaayo,amaba ay guud ahaan uga bixi lahayd daleenna.

Jaalle Madaxweyne Qayaano Qaran ayaan u aragnaa inaad Alshabaab ku tilmaanto cadowga Qaranka Soomaaliyeed oo aad uga hiiliso kuwa cadowga runta ah ee ay is haayaan sida Itoobiya iyo Kenya. waxaana aad uga xunahay inaad adiga iyo Madaxda kaleba cadowgeena runta kutilmaantaan Walaalaheen oo aad taariikhda been kasheegtaan. u dulqaadan mayno in dalka kursi lagu doorsado Jaalle Madaxweyne.waxaadna ogaataa inaysan Kenya kuu aqoonsanayn Madaxweyne Soomaaliyeed inta aad ufasaxayso inaad dadkaaga layso dalkaagana qabsato.

W/Q, Xagaleey.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

SOMALIMIDNIMO.COM:-Tafaftiraha Webka Hiiraan Iyo Taageerayaasha Xassan Gurguurte oo ka Xanaaqay in aan Xassan Gurguurte Sida Madaxweynayaasha Afrika Loogu soo Dhaweyn Garoonka Jomo Kenyatta.

Image

Who is listening to whom? President Uhuru and President Mohamud.

NAIROBI:- Tafaftiraha Webka Hiiraan iyo Taageerayaasha Xassan Gurguurte ayaa ka xanaaqay in aan Madaxda Dalka Kenya aysan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ugu soo dhaweynin Maamuuskii Nin Madaxweynaa lahaa Xassan Gurguurte. Qormada aad hoos ka Akhrin doontaan waxaa qoray, Tafaftiraha Webka Hiiraan iyo Maxamed Cali America oo ah Safiirka Kenya u fadhiya Xassan Gurguurte.

Dowladda Kenya ayaa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta si heer saraa ugu soo dhaweysay horjoogayaal ka socday, Dalalka Sudan, Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana kamid ahaa Raggii sida wanaagsan loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya!.

Dhammaan Taageerayaasha Xassan Gurguurte ayaa ka xanaaqay, Maxamed Cabdi Affay kaliya in uu soo dhaweeyo Xassan Gurguurte, halka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Wasiiro iyo horjoogayaasha kale ee Kenya ay diideen in ay Garoonka ku soo dhaweeyaan Xassan Gurguurte!.

Taageerayaasha Xassan Gurguurte ayaa ku baraarugay Muuqaal aan hadda kahor ka hadalnay oo ahaa bahdil kii ugu xumaa, kaas oo ah Xassan Gurguurte oo Labada Gacmood hoorsanaya sidii Nin ducaysanaya iyo Uhuru Kenyatta oo Xabadka ama Laabta ka galinaya gacantiisa Xassan Gurguurte.

Kooxda sida Indha la’aantaa u taageersan Xassan Gurguurte ayaa xoogaa kadib ka saaray qoraalkii ay Webkooda soo galiyeen, balse Annaga ayaa kaydinay oo dib u daabacnay.

Akhri Qoraalka Hiiraan inta Bogga hore la soo saaray haddana Dadka laga qariyey, Riix Halkaan Ama Guji

Maxamed Xaamud 
Somalimidnimo.com

1551496_668174769902177_1611579704_n

Kenya oo ka shaleysay duullaankii ay kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Image
Muddo laga joogo qiyaastii laba sano iyo dhowr bilood ayeey dowladda Kenya qaadatay go,aan taariikhi ah oo uhorseedayey burbur iyo xasilooni la,aan.

Kahor inta inta aysan dowladda Kenya kusoo duulin dalka Soomaaliya waxay ku naalooneysay nabad gelyo iyo kobac dhaqaalo oo kasoo gala xagga dalxiiska, dhoofinta qaadka, canshuuraha laaluushka u badan iyo dhaqaalo fara badan oo kusoo gala magaca qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda kusugan.

Xagga nabad gelyada waxay ahayd wadan illaa xad laysku halayn karay inkastooy leeyihiin tuugo cawaan ah oo dadka laysa.
Dhinaca xadka Soomaaliya wax dhibaato ah kama aysan haysan waayoo waxaa inta badan goboladaas gacanta ku hayey Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay kala dhexeysay deris wanaag iyo nabad kawada shaqeyn.

Waxaana dhacday dhowr jeer in ay Alshabaab qabteen baabuur iyo alaabo badan oo niman burcad ah ay kasoo dhaceen dhinaca Kenya,kuwaasoo aan dhowrjeer aragnay ayadoo ay Shabaabku u celinayaan dadkii iyo dowladda Kenya,xataa waxaan filayaa inay mar Shabaabku soo furteen dad u shaqeynaayey hayadaha QM oo niman burcad ahi ku afduubteen gobolka Bay.

Dadkaas la afduubtay ayaa filayaa inay kujireen qaar u dhashay dalka Kenya , kuwaasoo ayadoo aan wax furasho ah laga qaadin loo celiyey dalalkoodii ayadoo dhammaantood laga dejiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Haddaba dowladda Kenya oo is ilowsiineysa wanaagga iyo deris wanaagga Alshabaab ay laleedahay ayaa ugu dambeyntii ka beensheegtay Xarakada Alshabaab ayadoo ku nabtay inay afduubteen labo naagood oo ushaqeynaayey ururka dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn una dhashay dalka Spain.

Inkastoo looga digay, inkastoo lawada ogaa dhibka iyo khasaaraha kasoo gaari kara fikirkeeda qaldan ,haddana dowladda Kenya waxay ku adkeysatay inay kusoo duusho dalka Soomaaliya.

Hadda labo sanadood iyo weliba dheeraad ayay kenya dhaafi la,dahay 2km oo magaalada Kismaayo kamid ah oo ay u qabteen ugu yaraan shan dowladood oo ku caawiyay naqshad, Diyaarado iyo Maraakiib dagaal si ay mar uun udhex joojiyaan magaalada Kismaayo oo ay muddo sanad ah madaxa soo gelin weysay.

Ugu dambeyntii kenya waxay duullaankaas ka dhaxashay taariikh xumo aan kahari doonin abidkeed sida tii WESTGATE MALL kadhacday ,iyo amni darro kudambeyn doonta in wixii kadambeeya sanadka bilaabanaya ee 2014 ay Kenya noqon doonto dalka labaad ee kubur bura geeska Afrika,Soomaaliya kadib.

Fursadda ay Kenya ku ceyman karto ma aha in ay reer galbeedku kusii caawiyaan joogitaanka dalka Soomaaliya ee waxay ku ceyman kartaa inay sida ugu dhaqsaha badan ciidamadeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya. raali gelinna kabixiso qaladkii ay kagashay qaranka Soomaaliyeed.

Kenya waxay dhex taagan tahay laba irdood , tii doorato ayeeyna ku nagaan doontaa aniga aragtideyda. runtii Xarakada Alshabaab ma,aha awood la dheyelsan karo,laakiin waa awood mudan in laga baqo oo laga cabsado.

Qore:- Rajo iyo Ogaal-Somalia.

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Harari. Kenya maxay ka dhaxashay Duulaankeedii Soomaaliya?

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

CHANNEL 4 VIDEO: Inside an Al-Shabaab Training Camp

29152542Among the most feared of al-Qaeda’s affiliates, al-Shabaab was behind the Westgate shopping mall attack in Kenya. Jamal Osman attended one of its training camps in the Somali bush.

They chant: “We are al-Shabaab! We are al-Qaeda! We are terrorists!” In a secret location, deep in the Somali bush, I met al-Shabaab, one of the most feared al-Qaeda-affiliated organisations in the world. Around 300 newly trained fighters, who have completed a six-month course, parade in the training camp.

Al-Shabaab is the jihadist group behind the attack at the Westgate shopping mall in Kenya two months ago that left 67 people dead. The terrifying images from that attack showed al-Shabaab fighters casually walking through the mall as they shot civilians. But for al-Shabaab, the Westgate operation was a victory and is now being used to inspire new soldiers.

The latest recruits had the same military training as the Westgate attackers. At their graduation ceremony, they were rewarded with a visit from al-Shabaab’s spokesman, Sheikh Ali Dhere.

Speaking to the new recruits, Sheikh Ali Dhere said: “See what the Kenyans are facing today. Men were like you, had the same training as you, gave up their lives for God’s cause and brought huge victory for Muslims.”

‘Stop fighting us’

The men comprise young Muslims from all over the world: Arabs, Kenyans and even, I was told, some from Britain. They chanted in several languages, but I wasn’t allowed to speak to them.

The group was one of two fully armed battalions I saw during my stay. They are determined men who want to crush the western-backed Somali government in Mogadishu. The weak government is propped up by African Union troops, including Kenyan forces who invaded southern Somalia two years ago. That is why al-Shabaab regard the Westgate attack as revenge.

We have said to Kenya many times: stay away from us. They refused. So we decided to spill blood to send the message.Sheikh Ali Dhere

Sheikh Ali Dhere, the public face of the group, told me: “We have said to Kenya many times: stay away from us, leave our land, our people and stop fighting us. We warned them again and again. They refused all of that. So we decided to spill blood to send the message.

“Their women are not better than ours. Their sons are not better than ours. Their children are not better than ours. When they kill our people we kill theirs.”
Some of the new soldiers at the graduation ceremony showed off their gymnastic skills to impress Sheik Ali Dhere.

29152566

Read more: hero's life awaits al-Shabaab's Westgate suspects

Suicide waiting list

Highly organised, these latest additions will soon decide which unit within al-Shabaab to join. They can remain regular fighters, become bomb-makers or work for the Amniyat, al-Shabaab’s security network.

But the most popular unit is the Istishhadyin unit, the suicide brigade. And believe it or not, there’s a long waiting list of several years. With months of training, only the best recruits will be accepted.

Sheikh Ali Dhere had a message for those wanting to join.

“When we fight and are martyred, we hope to be with God in paradise. What are the infidels hoping for? Nothing.”

Alternative government

Al-Shabaab has been designated as a terrorist organisation by several western nations. And after losing control of four major cities, the Islamists were thought to have been defeated. But they still control large parts of the country and see themselves as an alternative government.

I visited Bulo Burte, a key strategic crossing point on the Shabelle river. It’s an al-Shabaab stronghold.

When we fight and are martyred, we hope to be with God in paradise. What are the infidels hoping for? Nothing.Sheikh Ali Dhere

It also happens to be the town where one of the Westgate attackers came from. The number and identities of the Westgate attackers still remains a mystery. Kenyans claim they were only four. But locals in the al-Shabaab areas suggest there were more and some are even believed to have returned to Somalia.

The spokesman said Westagte was “something that happened at the heart of their country, and they still don’t know whether the men have escaped or not and how many they were. That shows their weakness.”

‘Victory is close’

Unlike other parts of southern and central Somalia, there’s peace under al-Shabaab’s strict sharia law. Women do go to school and are allowed to run their own businesses.

I followed the Hizbat, the al-Shabaab police, on their beat. The first stop was a restaurant, where they told the female owner to remove the rubbish from outside. They then made their way to the local hospital, where they checked the pharmacy and the cleanliness of the rooms. They seem satisfied. Our final stop was a mini supermarket where they checked product expiry dates.

But as soon as they heard the call to prayer, everything stopped. People headed to the mosque for midday prayer, whether they liked it or not. The al-Shabaab police made sure that everyone went to the mosque. Passing vehicles are pulled over.

The mosque quickly fills up, with some having to pray outside in the heat. It’s a good opportunity for Sheikh Ali Dhere – this time in civilian clothes – to drum up more support.

“It’s you who are meant to deal with the infidels,” he tells the congregation. “It’s you who should defend Islam. God willing, we’ll be victorious. Victory is close. The infidels haven’t got much left. They are in the eleventh hour.”

CHANNEL 4

http://www.channel4.com/news/al-shabaab-somalia-kenya-westgate-al-qaeda

Image

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Harari. Kenya maxay ka dhaxashay Duulaankeedii Soomaaliya?

29123564

Aqooyahan Abul Xafsa Harari oo udhuunduleela xaalada cakiran Kenya ayaa la hadlay xaalada cakiran ee dalka Kenya ka din duulaankii ku soo galeen gayiga Soomaaliyeed.

Wuxuu si gaar ah kaga hadlay Kenya waxay ka dhaxashay Duulaankeeda Soomaaliya marka loo eego dhan dhaqaale iyo dhan Amni.

wuxuu sheegay in Dowladda Kenya oo ay dagaal galiyeen reer galbeedka aysan sii wadi karin dagaalada Soomaaliya ay kaga jirto oo dhulka galiyay Dhaqaalaheedii.

MAQALKA WAXAA ISKA LEH RADIO ALFURQAAN.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Odinga”Uhuru Kinyatta Waad Ku Fashilantay Hoggaaminta Dalka Jabhado Dagaal ayaadna ku Furtay Kenya”

28926190 Raila Odinga ayaa ku sheegay dowladda Kenya ee uu hoggaamiyo Uhuru Kinyatta mid ku fashilantay maamulka dalkaasi oo xaalado  isbaheystay oo dhanka ammaanka uu ugu horreeyo.

War saxaafadeed lahjad adag ku qornaa oo uu soo saaray Odinga ayaa lagu yiri madaxweynaha iyo xukuumaddiisa wexey ku fashilmeen hoggaanka dalka, wuxuu intaasi kusii darray in xiligani ay go’aan sadeen iney aamusiyaan dadka si aan loo sheeg sheegin xaaladda.

Uhuru Kinyatta ayaa lagu eedeynayaa inuu wado qorshe lagu aamusinayo warbaahinta dalkaasi oo kaalin firfircoon ka ciyaartay tebintii weerarkii Shabaabku  ay ku qaadeen magaalada Nairobi  dhisme  ku yaalla oo muddo ku dhawaad hal isbuuc ah ay ka dagaalamayeen.

Iyadoo laga duulayo aamusin warbaahinta iyo dadka  waxgaradka ah ee diidan in ciidamo ka socda dalkoodu sii joogaan Somaliya ayuu hadalkani kusoo aaday.

Raila Odinga oo ah mucaaradka ugu weyn ee hortaagan dowladda Kenya ayaa si cad u sheega in dhinac waliba oo laga eego dowladda Kenya ay tahay mid xalin u baahan maadama ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Wuxuu soo hadal qaaday in shirkadaha soo gudbiya macluumaadyada Kenya ee quseeya dhanka ammaanka sida Beyl Kenya shirkadda lagu magacaabo ay ku fashilmeen ammaanka dalkaasi iyo wax ka qabashadiisa, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in illaa haatan ay soo gudbin waayeen  macluumaad ku aadan weerarkii Westgate oo Shabaab ka fuliyeen iyadoo lagu yiri waxey ku guuleysan waayeen baaritaankii ay hayeen oo waqtigiisa sii dhaafay.

Dastuurka ay wadato dowladda Kenya ayaa isna uu ku tilmaamay Odinga inuu yahay mid afqabasho ah, isagoo yiri waa in shacabka Kenya ay ogaadaan xaqiiqda dastuurkaasi kaasoo ay kasoo horreeyaan handadaadyo ka dhan ah cid waliba oo ka hadashay tasarufaatka dowladda Uhuru.

Waxaa warsaxaafadeedkani lagu soo gabagabeeyay in dalka Kenya uu xiligani ka  jiro maamul jabhado dagaal kusoo furay dalka sida dagaalka muuqada oo XSHM ay ka wadaan dalkaasi.

Voice Of Somalia-Banaadir Post