DHAGEYSO:-Sh Maxamed Cabdi Umal Shalay iyo Maanta (Dowladii Cabdullaahi Yuusuf Vs Dowlada Xasan Sheekh

33446121

Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo kamid ah wadaadihii caanka ku ahaa taageerida Jihaadka, balse sannadihii dambe isku rogay bilcagsi kana soo horjeestay in lala jihaado shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa waxaa meel walboo uu tago xujo ku noqotay su’aal ah: “Sheekhow shalay waxaad sheegtay iney riddo tahay dowladdii C/llhi Yuusuf sidoo kalana ay sharci tahay in lala jihaado iyada iyo gaalada, maantana waxaad leedahay riddo ma ahan dowlad iyo maamulo taas kasii daran, jihaadkiina waad kasoo hor jeesatay ee sidee wax kaa yihiin”.

Su’aal tan lamid ah ayaa Sheekh Umal lagu weydiiyay dalka Zaambiya oo uu dhowr maalmood kahor kasoo laabtay, laakin Sheekha ayaa si ayba su’aashan uga harto hadda kadib ka ku dhaqaaqay inuuba iska inkiro inuu raddiyay dowladdii Kenya lagu soo dhisay ee amxaaro kalkaalka ahayd.

Qofkii su’aasha weydiiyay ayuu Sheekhu ku xujeeyay inuu keeno codkiisa ama cadeymo xaqiijinaya inuu radiyay dowladdii C/llhi Yuusuf. Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa soo bandhigtay mid kamid ah hadaladii tirada badnaa ee uu Sheekhu ku raddiyay dowladdii C/llhi Yuusuf.

Wuxuu sheegayaa in dowladdaasi ay tahay dowladda iyada la wato oo ay amxaaradu kusoo dhistay Nayroobi, waxa uu ku sifeynayaa dowladda aanan madax bannaaneyn isagoo tusaale usoo qaadanaya sida ay Xabashidu jagada uga qaadi jirtay hadba ninkii ay doonto gaar ahaan marka madaxdu is khilaafto.

Sheekha ayaa hadalkan ku inkiraya wadaado taageerayay C/llhi Yuusuf isagoo si cad u sheegaya in dowladdaasi ay ku dhacday (muwaalaatul-kufaar) wuxuu soo bandhigaya aayadaha loo daliishado iyo ijmaac ay soo guuriyeen culimada.

Qodobkan ayaa waxaa qeyb ka ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka hadlaya waxa u sababta ah isbadalkan sibiqda ku galay Sheekh Maxamad Cabdu Umal.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DAAWO VIDEO:- Xasan Sheekh “Waa Dhamaatay Xiligii Shakhsi aan Dadku Raali ka ahayn uu talo sii hayo”

t_770570004pizapw1416046557

Xasan Sheekh  ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadiisa ay guulooyin la taaban karo ka soo hoyisay howlihii loo igmaday mudadii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uu dhamaaday xilligii qof ama maamul aan dadka raali ka ahayn uu talada sii heyn lahaa.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili loo balansanyahay Mooshin  lagu wado in xildhibaanada ay mar kale  ku qaadaan   Cabdiweli Sheekh oo si ba’an isku hayaan Xasan Sheekh!.

32581190

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Ballan si hoose loowada galay oo leysaga baxay Dastuurku malagu xallin karaa?‏

 

32561477Maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad loo hadal haayaa khilaafka soo kala dhexgalay Madaxwenaha iyo Raisal wasaaraha oo heerkii ugu xumaa gaaray. waxbadan ayaa la falanqeeyey oo wax laga yiri hase ahaatee waxaan lays weydiinin arin muhiim ah oo meesha kujiri karta.

 

Taasoo ah inay jiri karaan ballamo hoose oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Raisalwasaaha waqtigii xulashada uu kujiray madaxweyne Xasan Shiikh ee uu soo doortay Cabdiweli Shiikh Axmed.

 

Sida ay dadka badankiisu maleyn karaan waxaa jirtay baa laleeyahay inuu madaxweynuhu xubnaha wasiirada ku darsaday dhowr wasiir oo xilal cayiman loo dhiibay oo ay dhici karto in lagu ballamay inaan raggaas laga taaban Madaxweynaha Raisal wasaaruhuna uu aqbalay oo ay sidaas raali isaga ahaayeen.

 

Sida loo badinaayo ragga dhinaca Madaxweynaha ka socday waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdikariim Guuleed iyo wasiirka hadda qalalaasuhu kabilowday ee dastuurka Faarax Cabdulqaadir.

 

Haddaba inkastoo ay jiraan arrimo kale oo dhowr ah oo inta badan hore looga faalleeyey inay sababeen isqab qabsiga madaxda sare haddana marna faallooyinkaas kuma aanan arag qodobkaan aan hadda halkaan kuqoray oo ah heshiiska hoose ee ay dhici karto in laysaga baxay.

 

Haddii uu arinkaasi jiro sidee qodobada Baarlabaanku iyo doodaha Xildhibaanadu ku xallin karaan khilaafka , mar haddaan xeer jajab lagu deyeyn?

 

Xaggee buuse kabaxay qodobkii Dastuuriga ahaa ee shalay murankii SAACID iyo Xasan Shiikh u ogolaaday in baarlabaanka la horgeeyo?

Mise xildhibaanada ayaan ahayn kuwii shalay gartaas galay ee saacid jagada ka qaaday? Guddoomiye Jawaari maxaa iska bedelay R/wasaare Saacid Shirdoon kadib?.

warbaahinta Soomaalida maxaa su,aalaha ku yareeyey??

 War jiraaba cakaaruu iman.

W/Q; Xagaleey.

10469770_597874013649838_2393164234511796223_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

VIDEO-Ciyaalasuuqnimadii Baarlammaanka Muqdisho!!

32552991

Halkan hoose ka daawo Xildhibaannadii Maanta Bannaday kulankii Baarlammaanka iyo Ciyaala-suuqnimada ay ka dhex sameeyeen gudaha Golaha laaluushka.

32552991 (1)

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Yididiilo Been ah.‏ Qore- Idiris Axmed Dooxajoog

32543472

Bulshadu waa la hogaamiyayaal oo hagayaasha dadka ayaa horumar ama dib u dhac u kala horseeda dadkooda  , Hadaad aragto bulsho ku nagaatay goob mar hore dhigeeda oo ah dadyoow kale oo dunida ku nooli ka hayaameen looguna yeero dad dambeeya oo noloshoodu ciriiri ku jiro waxaa iska leh sababta hogaamiyayaasha .

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku nooshahay nolol dhibaatadu dhex ceegaagto , nolosha dadka Soomaaliyeed waa tu adag , waxaan jirin dawlad dadkeeda adeeg siisa , Sida kala xukminta dhexdooda dhibaatooyinka ka dhaca  oo si cadaalad ah loogu kala gar naqo , sugida amniga dadka oo ah ka hor istaaga iswaxyeelaynta dhexdooda ah iyo ka ilaalinta cadoow dibadeed  , Xalinta baahi bulsheedyada ay la daalaa dhacayaa danyarta oo ah badanka Bulshada IQK oo dawlad u qabato dadkeeda .

Dalka Soomaaliya waa mid dib dhacsan si guud Dadka Soomaaliyeed waxay qabaan baahi dawladeed , dawlad la’aanta waxaa keenay damaca siyaasigi danaystaha ahaa ee dumiyeey dawladnimadi , ku isku macangagiya iyo mid ka marooqso maamulka usoo miciya listay .

Ku kala tagi wadaagi dawladnimada iyo dib ugu noqoshadi noloshi hore ee dawlad li’ jirka waxaa laga dhaxlay nolosha aynu garanayno ee marba  marka ka sii dambaysa sii adkaanaysa .

Ka sheegashada nolol xumaanta dalka ka jirta  dadka Soomaaliyeed way kuu tilmaamayaan dhamaantood , waxayse eedayn usoo jeedinayaan dad kale oo Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah dhibkuna u haysto si isku mid ah  .

Dawlad la’aanta kuwaas ayaa u sabab ah iyo kooxdaas ayaa dawlad diid ahi waa mid dadka Soomaaliyeed intooda xaqiiqdu ka diimoon tahay ee siyaasiga u hayinsan reer hebelnimada aaminsani ay qabaan .

Taas ( Eedaynta) Dhigeeda waxay ku hima-gashan yihiin yididiilooyin been ah oo uu ugu baaqay siyaasi si koox odayeedsan  u haysta caqliyadooda ayna u yihiin adoomo isaga ayidsan  ase itaal daran oo nolol abaaraysan ku nool .

Aaminaada Yididiilada Beenta ah ee siyaasigu suuq gaysto waa tan bulshadan hoday , waa isaga oo ku leh annigu waan dhanaa Soomaalida soohdintaas dagan ee Koox odayeedkaas ah , Taraarkana (Mustaqbalka) waxaa  innoo soo socda horumar waxaase hor taagan reer Hebelkaas oo inna Nebec .

Waa Tan Yididiiladi beenta ahayd noqotay tu joogtaysan , dhibaatadina ka soo rayn daaye ka sii dar ay maalinba maalinta ka dambaysa horay ugu sii soconayso .

Yididiilada Beenta ahi dhowaanaha ma bilaaban ee waa mid ku lamaansan Sooyaalka Soomaalida , dhaqanka Soomaalidu kol hadii uu yahay mid samaha dhinac marsan , hogaamiyayaasha siyaasadu waxay adeegsadaan QABYAALADA , waxay kala qaybiyaan bulshada si ay u gaaraan danahooda gaar ah sida doonitaanka Xil laga dhaxlo Maal ama Maamuuska Maangaabku u hayo  kan noloshiisa silicsanaanta baday  .

Dhaqanka Soomaalida ka hor inta aan la baran dawlad dhulka Soomaalida waxaa jiray in Yididiilada beenta ah iyo Balaayo  ku baraarujinta uu qaabilsanaa Oday dhaqameedku , Waayadan dambe waxaa ku soo darsamay oo Bulshada dhanka noloshooda isbadalkeeda tilmaamay Siyaasiga , waxa uu ugu yeeraa dadka QABYAALADA oo ku dhisan isnacbaan iyo Isdagaalid

Baaqa balaysan iyo xumo ku hogaamintu waxay samaysay bulsho garasho gaab ah oo hab fakar liita  wacyi hooseeyana ku nool  , akhlaaq xun oo jecel ekeekanka iyo ilaaqda , dagaal badan oo isdilka u hamuun qaba .

Intaas ayuu ku dhiira galiyaa siyaasigu bulshada , si cad umagu  sheego , oo wax uu kula hadlaa afka Qabyaalada oo ah kay garanayaan una jeel baqaan , Qabyaalad ku hayntaas iyo horu sii wadkeeda siyaasigu sido ayaa samaynaysa bulshada qaabka daran ee qalafsan .

Siyaasiga oo ka faa’iidaysanaaya Bulshadaas liidata , Mala Qabyaaladu u adeegiduna dhab ka tahayba oo wax qalbiga kaga xardhan ay tahay oo uu u daacad yahay . ayaa tusinaaya rajo aan la gaarin dadka , Rajadaas aaan Imaan ayaa ah Yididiilo Been ah Aqriye ,iyaguna (Dadku ) way ku aamin qabaan hogaankooda siyaasadeed ee qabyaalada ay aaminsan yihiini usoo xirxirtay  .

Bulshadu eed ma leh oo waxay  hidaysanaaya wixi horeeyey , hataana la sii haysto , waxaase leh xuma oo dusha saaranaaya Hogaamiyayaasha xumaantaas faafinaaya ee midba kii ka horeeyey dariiqiisi qaaday .

Isbadal Soomaalida ku dhaca si u fakarkooda iyo wacyi nololeedkooda waxay u hoos fadhiyaan siyaasiyiin ka duwan kuwo hore , dunida maan-xirnaanshahana ka kaxeeya dadka oo u fura waa hor leh jiilasha soo aadan si aysan u daba haysan sooyaalka xumaantu ku xardhan tahay iyo aaminaadan Aduun iyo aakhiroba u xun .

Ugu dambayn Yididiilada beenta ahi waa tan ay la nool yihiin malaayiinka Soomaaliyeed ee kala hoos fadhiya siyaasiyiinta kala soohdimeeyey dhulka ee dawladnimada iyo qabyaalada is dhex qaadsiiyeey , iyagu nool nolol damiir lawayaasha dadnimada ka liitaa ay noolaadaan ee ah dadka aad  hogaanka siyaasiga ah u tahay xumo ku hogaami oo wax aan dantooda ahayn ugu baaq samayntiisa , ha ku noolaadaan nolol tan ugu hoosaysa adiguna dharag-sanoow ,

Malaha xayawaankaba kooda hogaamiyaa kuma daawado maxasta nolol mabacaysan oo waa arxan dhamaa siyaasiga Soomaaliyeed  !

Idiris Axmed Dooxajoog

 Dooxajog5@hotmail.com

 Dooxajoog5@gmail.com Facebook: Halkaan Riix Bog qoraalleed :Idirism

10801697_978978795452571_156810740729348485_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe ee Kudhaa la xasuuqay oo Gaalkacyo la geeyay.

Galkacyo Hosbital

 

 

 

 

 

Maleeshiyaad  fara badan maamulka Axmed madoobe dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqday  dagaal ka dhacay jaziiradda Kudhaa waxaana la  magaalada Gaalkacyo la geeyay dhaawacyada tiro ka tirsan maleeshiyaada Axmed Madoobe.

Inta la xaqiijiyay ilaa 33 askari oo maamulka Axmed Madoobe kaga dhaawacantay dagaalkii Kudhaa iyo sidoo kale dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada hoostaga Kismaayo ayaa maanta la dhigay isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.

Dhaawacyadan oo ahaa kuwoo culus ayaa wax looga qaban waayay isbitaalka magaalada Kismaayo,yadoona sidoo kale dhaqaatiirta isbitaalka Gaalkacyo ay ka deeriyeen xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada askarta Axmed Madoobe ee maanta la gaarsiiyay isbitaalka magaaladaasi.

Dad badan ayaa is weydiiyay sababta Muqdisho Ama Nairobi loogu qaadi waayay dhaawacyada Ciidamada Axmed Madoobe.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.

VIDEO:- Ciidanka Mareykanka oo Gacmahooda Ku Burburinaya Saldhigyadooda Afghanistan 13 sano ka dib!.

32520277

Ciidanka Isbaheysiga NATO ee duullaanka ku qaaday wadanka Afghanistan waqti laga joogo 13 sanadood ayaa bilaabay in ay burburiyaan saldhigyo darbi adag ka sameysan oo ay ku leeyihiin gudaha wadankaasi.

Muuqaal ay baahisay wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa muujinayay ciidanka Mareykanka oo dhulka dhigaya qeybta raashinka iyo hoyga Bagraam iyagoo qorshaynaya in bilaha soo socda ay isaga baxaan saldhigga.

Gobollo kale oo Afghanistan katirsan ayay ciidanka Mareykanku si buuxda uga guureen waxaana deegaanada ay ka baxeen lawareegay ciidamada mujaahidiinta Daalibaan.

Hoos Ka Daawo Muuqaal muujinaya ciidanka Mareykanka oo burburinaya Saldhigyadooda.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

MAQAAL:-Cabdi Cadde “Ninka Madaxa Xiiran Ma ogola in uu Gurguurte Ka Amar Qaato Khilaafku wuxuu ku dhammaan doonaa sidii Geedi iyo Yuusuf”.

32512982
SiyaasiyiintaiyowaxgaradkamagaaladaMuqdishoayaakahadlayisqab qabsiga markale soo kala dhax galay  madaxda kooxda Villa Somalia ee dabadhilifyada u ah shisheeyaha Soomaaliyakusooduulay.
CabdiCadde ookamid ahruugcadayaasha kudhaqanmagaaladaMuqdishoayaakhilaafkacusub eesoo kala dhaxgalay Gurguurte iyo C/WaliSheekh u arka mid  halis gelin kara jiritaanka waxuu ugu yeeray xukuumadda Kartoonka Villa Somalia.
“Waa wax lawada ogaa in dhabarka ay isku jeedin doonaan madaxda DF-ka sababtoo ah waxa isku keenay waa masaalix gaar ah ma ahan dan soomaaliyeed,maalmo ayay warbaahinta isku marin doonaan warar liddi isku ah kadibna waxaa kala xukmin doona madaxdooda oo uu ugu horreeyo N.Kay marka yaanan isku oomin ka hadalka kuwaan liita”ayuuyiriCabdiCadde.

Marka dib loo eego taariikhda DF-ka ee bishii October 2004 lagusoo dhisay xerada doofaareey ee duleedka magaalada Nairobi waxaa ku cad khilaafaad soo jireen ah oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxaana lafilayaa in madax ku sheegyadu ay kusii socdaan wadadii ay jeexeen Cali Geedi iyo Cabdullaahi Yuusuf!.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay isku hayaan Gurguurte iyo Cabdi Wali Sheekh ayaa ah awoodda dhanka maamulidda golaha wasiirrada balse iskuma heystaan maamulidda dalka sababtoo ah iyaguba way ogyihiin in dal ay maamulaan uusan jirin.

“Ninka odayga ah ee madaxa xiiran ma ogola in uu wax uyeero xasan sheikh waxa kaliya oo ay isku hayaan waa maamulidda golaha wasiirada maadaama aysan jirin wadan ay maamulaan waxaan filayaa in wax ku dhammaan doonaan sidii Col.Yuusuf iyo Cali Geedi oo kale ama Shariif iyo Farmaajo”Cabdi Cadde.

32513046

Abuurista khilaafaadka waxaa ku lug leh qaar katirsan dowladaha gacanta ku haya DF-ka ee ciidamadoodu soomaaliya ku suganyihiin danta ay leeyihiin ayaa lagu sifeeyay helidda R/wasaara cusub oo ujeedooyinkooda fuliya.

Waxaa loo badinayaa in Cabdi Wali uu meesha ka bixi doono kadibna waxa beesha caalamka loogu yeero ay Nin kale keeni doonaan.

Shacabka soomaaliyeed ayaa isku raacsan in Hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara xukuumadda Villa Somalia uu yahay Xasan Sheekh marka dhan walba laga eego sida dabadhilifnimada,dadnimada waxaana Gurguurte lagu xusuustaa mawaaqiftiisii liidatay ee uu ka qaatay Xasuuqa shacabka Soomaalida ee xaafadda Islii iyo ciidanka gumeysiga Itoobiya oo uu ku tilmaamay walaalo shacabka soomaaliyeed leeyihiin sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaka dalka ayuu shisheeye ugcan geliyay Tusaale ahaan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo dowladda Turkigu maamusho!

 32512990
Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Abwaan Cabdulle Axmed Geeda Naar oo Ku Dhawaaqay inow isaga tagay La Shaqeynta AMISOM iyo DF-KA Muqdisho.

 32503284

Abwaan Cabdulle Axmed oo Geeda Naar ku magac dheer ayaa ku dhawaaqay inow isaga  la shaqeyntii Shisheeyaha AMISOM iyo DF-KA MUQDISHO.

Geeda Naar oo caan ku ahaa la shaqeynta  Shisheeyaha AMISOM iyo DF-KA MUQDISHO wuxuuna  tagay egmada Towfiiq Ex,Masaajid Cali Guduud ee gobolka shabeelaha dhexe wuxuuna sheegay in uu raalli gelin kabixinayo gabayo uu ku dacaayadeyn jiray jihaadka Soomaaliya kuna ammaani jiray gumeystahay dalka kusoo duulay.

Halkan ka degso Wareysiga Abwaan Geeda Naar

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

32503409

Voice Of Somalia-Somali Leaaks.

SAWIRO:-Cabdulqaadir Siidii ‘Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaada hoose’ iyo Calanka Itoobiya

32465901

“Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene

Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)” Sayid Maxamed Cabdille Xasan,AUN.

1017754_593160714121168_4520473749979122831_n10382458_591948217575751_7731777651604832017_n

10557414_588636877906885_3325705541243201523_n

 

Dagaalkii Villa Somalia oo u Wareegay Hoteelada Muqdisho

32442817

Iyadoo uu wali taagan yahay Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa ayaa waxaa soo baxaya hardan dhanka xildhibaanada ah kaasoo dhinac waliba uu doonayo inuu helo xildhibaano badan oo taageera fakarkiisa.

Xiisadda ugu badan waxaa ay ka taagneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia balse hadda wax weyn ayaa arrintaasi iska baddalay kaddib markii hotelada Muqdisho gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn ay noqdeen barta uu ka dhaco gorgortanka siyaasadeed ee dhinacyada is haya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xildhibanada taageersan fakarkiisa ay gaarayaan illaa 150 xildhibaan halka dhinaca kalena xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaarha ay iyaguna haatan marayaan illaa 50 xildhibaan iyadoona aad mooddo in xildhibaanada taageeraya raiisal wasaaruhu ay labadi maalin ee ugu dambeysay isa soo tareen.

Warar lagu kalsoonyahay oo  la helayo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen kuwaasoo doonaya in ay dhinacooda kala saftaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.

Hotel Xayaad  ee ku yaala agagaarka KM4  ee magaalada Muqdisho ayaa  lagu soo waramayaa in ay ku shireen oo ay isugu tageen  Xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaraha .

Warar isi soo taraya oo laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa ku warramaya in ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay uu weli isku dayayo xal u helidda muranka siyaasaddeed ee soo kala dhexgelay madaxda sare, kuwaasoo khilaafkoodu markale sii xooggeystay kaddib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiiradda qaarkood waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu saamayn ku yeeshay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta ee uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee lagu tiriyo xulafo dhow oo uu lee yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Midowga Afrika oo inta badan ku lug leh soo celinta nabadda iyo xasillinta waddanka Soomaaliya ayaa si cad ugu taabtay labada masuul ee muransan in ugu yaraan xalku noqdo “gacmo geel jire hoos loo dhaqay”, taasoo shacabka uga dhigan shuushoow bax.

Soomaaliya oo aan la hayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa muddo ka badan 20 sanno ayey caado u tahay cilaaqtamiddu cidkastoo la ciirsado!

Si kastaba ma ahan arrin cusub in markasta oo dhaca Khilaaf xildhibanadu ku yaacaan hoteelada si markaasi loo diyaariyo mooshin mana ahan waxa ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed , (Habar dhali weyday aleelo ku waalatay !!!! )balse waxanoo dhami waa wax shacabku ka dheregsan yahay isla markaana  sii caddeyneysa sida madaxda Soomaalidu wali aanay daacad uga  ahayn in dalka iyo dadkuba dhibaatada ka baxaan .

Beer-lula Haji

maxaadhacay.net

t_770570004pizapw1414665687

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

WARBIXIN:-Waxqabadka Safaaradda Soomaalida ee Dalka Masar iyo Musuqmaasuqa ka jira !!

32426245

Waxa ay soo socdaanba qormooyinka dhab ka hadalka ahi, waxaan maanta WEYNEYSO ku eegi doonaa Safaaradda Soomaalida ee dalka Masar oo arimaha ka jira ay ka qarsoon yihiin Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo dalalka kale.

Ujeedada qormada oo ah mid isugu jirta soo bandhigid wax qabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Qaahira iyo soo bandhigidda musuqmaasuqa ka jira waaxaha qaar ee safaaradda sababtoo ah waxaan doonayaa in Buslahada Soomaaliyeed la baro dhaqanka la xisaabtanka masuuliinta.

Safaaradda Dowladda Somaliya ay ku leedahay dalkani Masar waxay ka mid tahay safaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda Somalia ay ku leedahay daafaha caalamka, marka laga eego wadanka ay ku taalo iyo Siyaasadda dalalka carabta. Sidoo kale, Safaaradda dhulkeeda iyo dhismaha ay ku fadhido intaba waa hanta qaranka Soomaaliyeed sababtoo ah dowladdii Kacaanka ee Somalia ka jirtay ayaa ku dhistay canshuuraha laga soo qaaday dadka Soomaaliyeed ee wagaas qaranimada jeclaa, marka Safaaradda Somalida ee Qaahira ayaa ka mid noqoneysa safaaradaha fara ku tiriska ah ee aan laga xigin qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah.

Hadaan ku hormaro, kaalinta Diblomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaalida ee Masar oo ka DAAHSOON Soomaalida inteeda badan ayaa waxay tahay mid u baahan in la iftiimiyo, inta qaranka Somalia uu burbursanaa oo mararka qaar la soo dhisayay dowladaha tabarta daran, Safaaradda Soomaalida ayaa waxay cayaartay Kaalin mugleh oo dhinaca Diblomaasiyadda ah taasoo keentay in marnaba Calanka dowladda Soomaaliga laga weyn fadhiyada dalalka carabta.

Guushaas dhinaca Diblomaasiyadda oo xitaa qofka Qabyaaladdu ay dilootin uusan qarin Karin waxaa ka mid ah Safaaradda ay ilaalisay inuusan lumin guud ahaan xiriirka Dowladda somaliya ay la lahayd dunida carabta, Guulahaas oo dhana waxaa soo hooyin Danjiraha dowladda Somalia u fadhiyo Dalka Masar ahna wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda carabta DR Cabdullaahi xasan Maxamuud.

Dhab ahaantii, Safiir Cabdullaahi oo Danjire ka ahaa Dalkani Masar in ku dhow Rubac qarni kuma ekaan kaliya Howlihii loo egmaday kaliya balse waxa taageero weyn la garab istaagay Madaxdii loo soo magacaabi jiray Wasaaradda Arimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo dowladdii uu hogaaminayay Madaxwyene Cabduqaasim ilaa dowladda Haatan jirtay ee Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud hogaamiyo, sababtoo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa iska ahayd mid Baylah oo aan loo soo magacabai jiray Howladeeno mug leh oo la jaan qaadi kara Luuqadaha dunida iyo dhaqamada ka jira caalamka.
Sidaas darteed, Danjire Cabdullahi Xasan ayaa u fududeyn jiray Wasiirada ama Madaxda qaar ee Somalia ay yeelatay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe inay Fahmaan Protocol-lada carabta,

Siyaasadda, iyo qoridda Qudbadaha ku baxaya luuqadda Carabiga, taasoo sababtay in Danjire Cabdullahi u raaco Wasiir, Raizul wazaare ama Madaxwyene Kasta oo ka qayb galayay Shirweyne carbeed inuu garab istaago si uu masuulkaas ka socda Dowladda Somalia la jaan qaado fadhiyada carabta.

Sheekooyinka Qosolka badan ee aan goob jooga u ahaa ayaa wuxuu ahaa xilligii dowladaha kumeel gaarka in Masuul ka socday dowladda Soomaaliya lagu soo qorey wargeysyada ka soo baxa dalka Masar, waxaa dhacday masuulkaas isagoo Fadhiya Gudaha Safaaradda in uu codsaday in loo turjumo waxa laga qorey, taasoo Safaaradda ay ka caawisay.

Waxqabadka Safaaradda Soomaaliya ee dhinaca Diplamaasiyadda qoraal laguma soo koobi karo laakiin waxaan si kooban u dhahaya in Danjire Cabdullahi Xasan Maxamuud uu gutay wax ka badan waajibkiisa loo igmaday sababtoo ah waa qofka kaliya ee u qumay in Masuuliinta ka socda dowladda ee shirarkaa la qaadanayo Madaxda Carbeed inuu u sharxo xiriirka aanu lahayn dowladaha carabta hadii ay noqon lahayd dhinaca Diblomasiyadda, Ganacsiga iyo Militeirga, taasoo inta badan masuuliinta cusub aysan aqoon u lahayn waxa uu noqon kara xiriirka ay yeelanayaan laba dowladood iyo protocol laga doonayo masuulkaasi.

Marka laga soo tago Guulaha safaaradda ay ka soo hoysay dhinaca xiriirka dowladaha carbeed iyo sida ay u garab istaagtay madaxda wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ee aqoonta aan u lahayn Diplomaasiyadda, hadana waxaa jira meelo badan oo Safaaradda Soomaalida ay ka gaabisay kuwaasoo sababay Dadka Soomaalida ee ku nool Masar inaysan helin Adeegyadii iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen Safaaraddooda.

Aadane tabasho kama dhamaato, hadii uu yahay qof Soomaalina ugu sii daran, hadaba waxyaabaha Dadka Soomaalida ay ka sheeganayaan Safaaradda oo horey ay u jirtay hadana waxa ay cirka isku shareertay xilligii meesha uu ka baxay Diblomaasi Ismaaciil oo ahaa Qunsulka Soomaaliya u fadhiyay Dalka Masar.

Xaqiiqdu waxay tahay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar inay tahay kuwa Abaal u haya safiir Cabduyllahi iyo Qunsul Ismaaciil, sababtoo ah marka ay labadooda joogeen safaaradda ayaa waxay ahayd mid dadka Soomaalida dhibaato weyn aysan kala kulmin adeegyada ay u baahnaayeen. Sidoo kale, waxaa aad u yaraa waxyaabaha xanuunka badan ee hada dadka ay ka sheeganayaan safaaradda sida Muqsuqmaasuq baahsan oo dhinaca Deeqaha waxbarshada ah iyo waliba Adeegyada kale ee safaaradda ay fududeyso.

Xafiiska Danjire Cabdullahi Xasan mooyee oo dhinaca Diplomaasiyada ah, qaybaha ama waaxaha kale ee safaaraddu ay leedahay ayaa waxaa ka jira Musuqmaasuq aad u balaaran oo hada maraayo meeshii ugu xumeyd abid.

Qaybta ugu daran waxaa weeye waaxda waxbarashada ee safaaradda taasoo uu ka jiro musuqmaasuqa naxariis la’aan ah; sida la wada ogyahay Ardeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Masar waxay Online ahaan ka xareysteen Internetka, ka dib marka ay helaan minxada ama deeqda waxbarasho waxaa loo soo marsiiyaa Safaaradda, hadaba maxaa dhacay sanadihii ugu dambeeyay oo Ardeyda qaar ay la amakaageen.

Waxaa jira Ardey badan oo Soomaali ah oo dhowr sanadood minxo ama deeq waxbarasho l’aan ah, halka ay jiraan Ardey badan oo Soomaali ah oo heysta dhalashada wadamada Reer galbeedka Sida US, UK , Canada iyo dowlado kale ay heystaan deeqaha waxbarasho ee bilaashka lagu dhigto ka dib markii waalidkooda ay u iibiyeen minxada.

Sheekada ugu daran ayaa waxay tahay in Qaar ka mid ah Ardeyda dibadaha ka yimid oo walaalo ah ay heystaan Deeq waxbarasho ayagoo loo sameeyay Somali passport, taasoo xaq daro ah, sababtoo ah deeqdaas waxbarasho waxaa u baahan wiil ama gabar miskiin oo Qaxooti ku ah dalka Masar.

Arimaha dadka maskax xanuunka ku riday ayaa waxaa ka mid ah in ay jiraan Muqalasiin Soomaali ah oo xiriir dhow la leh waaxda waxbarashada kuwaasoo iib-geeya Deeqaha waxbarasho gaar ahaan kuliyadaha Caafimaadka iyo Injineeriyadda. WAA ARIN MACRUUF A AH QAAHIRA, xitaa aniga shaqsiyan waxaa ii yimid qof ku xiran muqalasiintaas oo igu yiri, qofkii u baahan kuliyadaha aan soo sheegay waa loo hayaa, waa lacag, waxaasne ugu jawaabay hadal AAN GEED UGU GAMBAN, oo waxaan iri saaxiib waa ku xaaraan qofka iibinayo iyo qofka laga iibinayo labadaba.

Dhinaca kale, sanadihi dambe oo safaaradda howladeeno cusub ku biireen waxaa soo baxday culeysyo ka dhan ah Soomaalida gaar ahaan dadka reer Xamarka ah (Banaadiri) gibil cadka, Soomalida reer waqooyiga, oo marka Safaaradda ay tagaan oo ay dalbadaan Passport ama dukuminti kale waxaa lagu yiraahdaan maxaa cadeynaay inaad Soomaali tahay, qolyaha reer xamarka waxaa la yiraahdaan yaa og inaad tihiin Yamaniyiin? Halka reer waqooyiga lagu yiraahdo maxaa cadeynaayo inaadan ahayn Jabuutiyaan.

Dhab ahaantii, arimahan guracan oo dadka ka yaabiyay mararka qaar waxaa xaliya safiirka oo Soomaalida oo dhan ay u siman tahay, waxa uuna mararka qaar ugu soo degaa xafiiskiisa sare si uu ugu hiiliyo muwaadinka Soomaaliyeed ee shakiga la galinayo Soomaalinimadiisa, waa sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka dhibaatada kala kulmay Safaaradda.

Waxyaabaha amaanta mudan oo u baahan in la sheego waxaa ka mid ah; in danjire Cabdillaahi Xasan Safiirka dowladda Soomaliya u fadhiya Qaahira, in asaga ay u joogto Soomaali waa Soomaali, taasi waxaa kuu cadeynaya in marka qof Ardey ah u tagay oo ka sheeganaya in minxada uusan heysan inuu si toos ah ugala hadlo Waaxda Waxbarashad Safaaradda si xaqa Muqaadinkaas loo so dhiciyo.

Waxyaabah xusidda mudan waxay tahay in Danjire Cabdullahi gacan furan ku soo dhaweeyo qofkastoo u baahan in loo qoro warqad uu ku raadsnayo Tacliinta sare, laakiin Nasiib daro Sida ay ii sheegeen dadka deganaa 1990 ilaa iyo iminka magaalada Qaahira, waligeyd ma dhicin in safiirka shaqsiyan uu is hortaago wiil ama gabadh Soomaaliyeed oo waxbarasho u yimid, balse garab ayuu ku siiyaa sidii ardeyga u xaqijin lahaa himiladiisa. laakiin, sanooyinkii dambe Safaaradda Soomaaliyeed waxaa JAANTAA ROGAN ka dhigay howladeeno aan khibrad u lahaydn howsha ay gacanta kula jiraan oo u baahan in Danjire Cabdillahi iyo Madaxda Dowladda Federaalka wax ay ka qabtaan, si loo joojiyo Musuqmaasuqa qaawan.

Hadaan hadalka soo xooriyo guud ahaan Ardeyda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin in wax laga qabto Musuqmaasuqa hareeyay waaxda waxbarashada iyo howladeenada laga tabanayo ee safaaradda ka dhigtay hoy ay leeyihiin.

Saxnuuni, Cairo, Egypt.

TV-GA ALJAZEERA-“Warbaahinta Muqdisho Ma Tabin Karto Wax War ah oo Kasoo Baxa Alshabaab”

32308816

Tv-ga Caanka ah Ee Aljazeera ayaa warbixin ka qoray Cadaadiska Dowladda ku heyso saxaafada Muqdisho.

Tv-ga ayaa soo xigtay wariye Maxamed Bashiir oo uxiran Dowladda kaasi oo ushaqeynayay Idaacadda Shabeelaha.

“Waan ogahay inay i qaban  doonaan. Waan ogahay in ay iJirdil doonnaa. . Laakiin aamuslama yeeli  karo” ayuu yiri Maxamed Bashiir.

Bishii Agoosto bartamaheedii ciidamada Dowladda waxay weerareen laba idaacadood oo kala  Shabelle FMiyo SKY FM.

 hawada ayaa laga saaray iyadoo la xiray  Sagaal iyo toban shaqaale ah oo ka mid ah labada idaacadood inkastoo mar danbe , 15 kamid ah shaqaala lasii daayay.

Bishii Agost gabagabadeedii, Heyada Sirdoonka iyo Amniga  Qaranka (NISA) ayaa kulan isugu yeertaymilkiilayaasha warbaahinta iyagoo laga dalbaday  inay isaga aamusaan wararka la xiriira al-Shabab iyohawlgal Indian Ocean.

Warbixinta ayaa lagu sheegay warbaahinta Soomaalida inaysan tabin karin warar kasoo baxa Alshabaab iyo dagalada dhexmaraya shabaabul Mujaahidiin iyo Dowladda.

Tv-ga wuxuu sheegay warbaahintu inay noqdeen kuwa aanan waxba arkin waxna maqlin marka loo eego cadaadis dowladda saartay Saxaafada.

Warbixinta Taleefishinka ayaa sidoo kale lagu muujiyay in saxaafada cadaadis ay kala kulanto  ciidanka Nabadsugida kuwaasi oo wariyayaal badan ku xiray Godka Jilicow.

Warbixinta Tv-ga Aljazeera Hoos ka aqriso.

http://blogs.aljazeera.com/blog/africa/somali-media-deaf-and-blind-0

Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa adeegsata warbaahin xoog leh oo lagu magacaabo Al-andalus iyadoo tabisa wararkooda.

Alshabaab ayaa sidoo kale warar siiya wakaaladaha wararka waxaana ay bixiyaan warar caalami ah oo warbaahintu caalamiga ah tabiso.

Ma muuqato in wax saameyn ah shabaabku ku yeelan doonto cadaadiska la saaray idaacaddaha Muqdisho Balse waxaa meesha ka bixi doonoadhageystayaal badan oo ku xirnaa idaacadaha  Muqdisho kuwaasi oo kala socon jiray wararka la xeriira hardanka udhaxeeya shabaab iyo dowladda Federaalka.

Mamaulka Puntland ayaa horay dhankooda u cadaadiyay warbaahinta iyagoo ku amray inaysan baahin karin warar shabaabka kasoo baxay iyo dagaalada ka dhacay Gobalka Bari.

 “Hadaad dhagaysato Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacada Qaranka Radio Muqdisho uma baaahnid inaad sii dhagaysato idaacadaha kale maxaa yeelay waa isku war wax madax banaani idaacadeed la yiraahdana kama jirto Muqdisho ”ayuu sabaax ku yiri Oday Cabdiraxmaan Gacal oo kamid ah indheerad garadka Muqdisho.

XIGASHO-SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

CADOWGA LA ILAAWAY!- Wada shaqaynta ka dhaxaysa Damu-Jadiid iyo Sirdoonka Itoobiya.Qore:Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

32308713

Dowlad Soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin Soomaali ah.Kuwaso oo Warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan.

Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti, Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii.

Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ah Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha Soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray.

Waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah in Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Faragelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra’iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. Waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay.

Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi, dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.

Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan; Wasiirka Gaasahaandhiga, Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid, raggaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin.

Waxaa Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin, musuq maasuqa ka fog, cadaalada jecel lehna Aqoon, Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.

Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah;

“Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.”.

32308713 (1)

W/Q Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

XOG LA HELAY:-Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

32300011

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta magaalada Muqdisho loogu geystay wariye ka howlgelayay warbaahinta madaxa banaan iyo macalim wax ka dhigayay jaamacadda Soomaaliya.

rRag hubeysan degmada Howl-wadaag dhawaac halis ugu gaystay  agaasimihii telefeshinka Somalichanel C/risaaq Black.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidan katirsan Nabad sugidda Dowladda Federaalka oo lasocday gaari kaarib ah ay rasaas ku fureen wariyaha iyo qof kale oo wada fadhiyay afaafka hore ee gurigiisa oo kuyaal Howl-wadaag waxaana ku dhacay illaa iyo 6 xabadood kuwaasi oo ka haleelay dhanka caloosha,feeraha iyo gacanta.

 Muxuu Eersaday C/risaaq Black?

Saxafiga lagu beegsaday Muqdisho ayaa bilo ka hor wuxuu ku dhiiraday in uu wareysi ka qaado haweenay soomaaliyeed oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ku kufsadeen magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha AMISOM oo kaashanaya Nabad sugidda DF-ka ay go’aamiyeen in ladilo wariye walba oo isku daya in uu baahiyo codka haweenka lakufsado.

Inkastoo aysan jirin cid sheegata dilalka saxafiyiinta magaalada Muqdisho balse dhacdadan ayaa waxbadan ka duwan dhacdooyinkii hore waxayna kusoo aadday waqti saraakiisha ammaanka DF-ka ay amar kusiiyeen warbaahinta madaxa banaan in ay joojiyaan wararka mujaahidiinta soomaaliya islamarkaana ay dhan walba kala shaqeeyaan AMISOM iyo xulufadeeda iyadoona warbaahintii ka dhega adeygta wariyaasheeda godka jilacoow lagu gurayo madaxdeedana sida Black oo kale loo tooganayo.

Dhowr mar ayay saraakiisha Dowladda Federaalka ku eedeeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse kiiska ku saabsan weerarka C/risaaq Black iyo dil horay loogu geystay Saxafi C/salaam Xiis ayay caddaatay in DF-ka mas’uul ka tahay.

C/risaaq Black Wuxuu eersaday Wareysiga  Haweenay ay Kufsadeen Ciidamada AMISOM!!

GABAR SOMALIYEED OO MUQDISHO LAGU KUFSADAY 10 08 2013

https://voiceofsomalia.net/2013/08/10/video-laga-naxo-hooyo-soomaliyeed-oo-ciidanka-xassan-gurguurte-u-afduubeen-amisomwadarna-loo-kufsaday/

Voice Of  Somalia-Somali Leaks.

 

MAQAAL:-Kaadariinta Damu-Jadiid iyo Gafanayaasha Soomaalida ah ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo ku Shirkoobey Lugooyada Soomaaliya.

32291194

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

14238117_1213601845358416_2918943527493924010_n

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii Soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

32291317

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso Soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka Soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo Soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo Xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.
Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Soomaaliya Soomaalibaa leh

1958151_586714604765779_2746861196185063106_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.