DAAWO :- Australia oo Geella lagu xasuuqayo weli iyo ALLAH oo Noogu Yeeray inaan u fiirsano Geella.

Geella ayaa leh mucjiso uu kaga duwanyahay xayawaanka kale ee ku nool Dunida,Geella waa xayawaanka kaliya ee ku noolaan kara saxaraha marka loo eego xayawaanka intiisa kale.

Allaah ayaa quraanka kariimka kaga hadlay Geelle iyadoo geello uu waxtar badan uleeyahay insaanka.

Geelle waxa uu awoodaa inuu udulqaato raashin iyo biyo la’aan muddo 18 maalmood ah.

Can a Qatari former camel herder find an alternative to the mass killing of camels underway in Australia?

32969769

 

This was unthinkable for the Asian camel herders. They disobeyed the order, and set the animals loose in the outback.

 

Today’s Australian camels are the great, great grandchildren of the animals that helped explore and establish modern Australia. There are 1.2 million camels in the Australian outback – the largest wild camel population in the world.

“My goal was to give the audience a sense of involvement in the scene. I wanted them to feel like they were there with us.The huge distances, and vast, uninhabited areas of the outback were definitely exhausting to travel through.

Filming the scene with the camels that had been shot dead is something I will never forget. The smell was unbearable, and we were covered in flies.

During the camel chase scene, I attempted to film while standing in the back of a jeep that was involved in the chase. In spite of all my precautions, I ended up with a fractured rib when the jeep bounced over some uneven ground. It’s a souvenir I’ll keep for a while.

– Fadi ElBenny, cameraman

The Australian government sees them as an environmental problem and pests to farmers. They say the camels compete with livestock, destroy property and raid small towns looking for water.

Culling camels

In 2009, the government put up AUD$19m ($19.7m) to cull almost one-third of them.

Over the last few years, private contractors and hunters have been shooting the camels from helicopters and leaving the carcasses to rot in the desert.

Some Australians oppose the cull, saying the government is wasting an opportunity to make use of a natural resource.

Qataris and other Arabs are horrified at the Youtube videos and photographs of the camel cull. For the Arabs, camels occupy an important place in culture, history and economics.

Al Jazeera World goes to Australia with Ali Sultan Al Hajri, a Qatari who grew up in the desert, illiterate and raising camels until he was 17.

Now a successful, self-made businessman in the country’s capital, Doha, Ali still keeps a herd of camels, and knows each one of them by name, face and personality.

Ali travels to Australia with Al Jazeera producers Yasir Khan and Mansour Almansouri, and cameraman Fadi ElBenny, to witness the killings and to meet the people who support the camel cull and those who oppose it.

Al Hajri aims to find out if there is a better way to deal with an animal that he loves, rather than the current Australian government’s policy of mass killing.

32969767Voice Of Somalia-Somali Leaks

Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii 2AAD ee Mandhera

BMgdXrACUAAEx2E

Bayaan kasoo baxay Ururka Al Shabaab ayaa waxa looga hadlay weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Mandhera ee lagu laayey Shacab shaqaale ahaa oo meel dhismo ah kusugnaa.

Bayaanka Al Shabaab ay soo daabaceen ayaa ku qornaa luuqada Afka Ingiriiska waxaana kusaxiixnaa Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Guutada la yiraahdo Salaax Nabhaan ayaa la sheegay inay weerarkaasi geysteen laguna dilay 37 qof sida Bayaanka Al Shabaab lagu sheegay.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO BAYAANKA AY SHABAAB SOO SAAREEN OO ENGLISH KU QORAN

Halkan ka Akhriso bayaanka oo PDF ah

DAAWO:-Al-Kataa’ib oo baahisey Qeyb kamid ah Taariikh Nololeedka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

32582202

Mu’assasada Al-Kataa’ib garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisey kalimad maqal iyo Muuqaal ah oo ku baxeysa Luuqadda Carabiga,taas oo uu jeedinayo Sheykh Cali Maxa’muud Raage Sh.Cali dheere oo ah Afahayeenka Xarkada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheykh Cali Dheere ayaa ka Hadley Qeyb kamid ah Taariikhda Sheykh Mukhtaar Cabdi Raxmaan Abuu Zubeyr-Amiirkii hore ee Mujaahidiinta Soomaliya-wuxuuna ku dheeraadey ka hadalka halgankii Sheykh Mukhtaar uu u galey inuu dhiso Awood Islaami ah,taas oo u babac dhigi karta Duulaanada Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya.

Sheykh Cali Dheere wuxuu sheegey in Taariikhda Abuu Zubeyr loog sheekeyn Karin saacad iyo wax lamid ah,wuxuna ku tilmaamey in Abuu Zubeyr uu yimid Soomaaliya,iyadoo kala tag-tagsan,ugu dambeyntiina uu ku guuleystey inuu ku mideeyo Wilaayaadka Islaamiga ah.

Sheykh Abuu Zubeyr ayaa ahaa mid kormeera howlgallada Mujaahidiinta,wuxuun naftiisa geyn jirey Saaxaadka Dagaalka,iyadoo sidaas ay tahayna kama daalin inuu baahi tiro Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ee ku dhaqan Wilaayaadka,sida uu sheegey Sheykh Cali Dheere Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheykh Abuu Zubeyr wuxuu sidoo kale aad u mutaabaceyn jirey Axwaasha Muslimiinta Caalamka,sida kuwa Filastiin,Borma,iyo Afrikad dhexe,wadamaas oo dhamaantooda lagu dhibaateeyo Muslimiinta.

Gebegebada Filimka Sheykh Cali dheere wuxuu ugu baaqey Muslimiinta barig Afrika iyo Soomaaliya iney u aargudaan Sheykh Abuu Zubeyr,islamarkaana ay sii laba laabaan halka Jihaadka,isagoo dhanka kale wacad ku marey inuu sii socon doono Jihaadka Soomaaliya.

 Daawo Kalimadda oo uu jeedinayo Afahayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Xigasho: Alfurqan Radio

DAAWO VIDEO:- Xasan Sheekh “Waa Dhamaatay Xiligii Shakhsi aan Dadku Raali ka ahayn uu talo sii hayo”

t_770570004pizapw1416046557

Xasan Sheekh  ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadiisa ay guulooyin la taaban karo ka soo hoyisay howlihii loo igmaday mudadii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uu dhamaaday xilligii qof ama maamul aan dadka raali ka ahayn uu talada sii heyn lahaa.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili loo balansanyahay Mooshin  lagu wado in xildhibaanada ay mar kale  ku qaadaan   Cabdiweli Sheekh oo si ba’an isku hayaan Xasan Sheekh!.

32581190

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Ballan si hoose loowada galay oo leysaga baxay Dastuurku malagu xallin karaa?‏

 

32561477Maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad loo hadal haayaa khilaafka soo kala dhexgalay Madaxwenaha iyo Raisal wasaaraha oo heerkii ugu xumaa gaaray. waxbadan ayaa la falanqeeyey oo wax laga yiri hase ahaatee waxaan lays weydiinin arin muhiim ah oo meesha kujiri karta.

 

Taasoo ah inay jiri karaan ballamo hoose oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Raisalwasaaha waqtigii xulashada uu kujiray madaxweyne Xasan Shiikh ee uu soo doortay Cabdiweli Shiikh Axmed.

 

Sida ay dadka badankiisu maleyn karaan waxaa jirtay baa laleeyahay inuu madaxweynuhu xubnaha wasiirada ku darsaday dhowr wasiir oo xilal cayiman loo dhiibay oo ay dhici karto in lagu ballamay inaan raggaas laga taaban Madaxweynaha Raisal wasaaruhuna uu aqbalay oo ay sidaas raali isaga ahaayeen.

 

Sida loo badinaayo ragga dhinaca Madaxweynaha ka socday waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdikariim Guuleed iyo wasiirka hadda qalalaasuhu kabilowday ee dastuurka Faarax Cabdulqaadir.

 

Haddaba inkastoo ay jiraan arrimo kale oo dhowr ah oo inta badan hore looga faalleeyey inay sababeen isqab qabsiga madaxda sare haddana marna faallooyinkaas kuma aanan arag qodobkaan aan hadda halkaan kuqoray oo ah heshiiska hoose ee ay dhici karto in laysaga baxay.

 

Haddii uu arinkaasi jiro sidee qodobada Baarlabaanku iyo doodaha Xildhibaanadu ku xallin karaan khilaafka , mar haddaan xeer jajab lagu deyeyn?

 

Xaggee buuse kabaxay qodobkii Dastuuriga ahaa ee shalay murankii SAACID iyo Xasan Shiikh u ogolaaday in baarlabaanka la horgeeyo?

Mise xildhibaanada ayaan ahayn kuwii shalay gartaas galay ee saacid jagada ka qaaday? Guddoomiye Jawaari maxaa iska bedelay R/wasaare Saacid Shirdoon kadib?.

warbaahinta Soomaalida maxaa su,aalaha ku yareeyey??

 War jiraaba cakaaruu iman.

W/Q; Xagaleey.

10469770_597874013649838_2393164234511796223_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

VIDEO-Ciyaalasuuqnimadii Baarlammaanka Muqdisho!!

32552991

Halkan hoose ka daawo Xildhibaannadii Maanta Bannaday kulankii Baarlammaanka iyo Ciyaala-suuqnimada ay ka dhex sameeyeen gudaha Golaha laaluushka.

32552991 (1)

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Nin Daad Qaaday Xumbo Cuksay Seeraar “Al Shabaab Kudhaa Qabiil Gaar ah ayay ku Laayeen”!!

32546917

Maamulka dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Kudhaa gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Axmed Madoobe Cabdi Naasir Seeraar ayaa shabakadda Aljazeera u sheegay in dhankooda 25 askari laga dilay 30 kalane dhaawacyo halis ah gaareen.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay qabsadeen Kudhaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bakhaaradii hubka iyo saanado dagaal oo ciidankoodu ka carareen.

Maamulka gumeysi Kalkaalka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa isku dayaya in uu waji kale uyeelo halaagga ka gaaray dagaalkii taariikhda galay ee Kudhaa.

Iyadoo lawada ogyahay in ciidanka gumeysiga Kenya ee Jubbada Hoose kusoo duulay ay ku adeeganayaan maleeshiyaad diinlaawayaal ah ayuu Seeraar warbaahinta ka sheegay in mujaahidiintu qabiil gaar ah beegsadeen!!.

“Annagu waan ognahay in shabaabku qaab qabiil u beegsadeen ciidankeena”ayuu yiri Seeraar,sida lawada ogyahay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa bariga Afrika ku hoggaaminaysa dagaal caalami ah oo aan xuduud iyo wadan laheyn arrinkaasi xataa waxaa qirsan shisheeyaha dalka kusoo duulay waxaana wax aan larumeysan Karin ah in Al Shabaab qabiil lagu sifeeyo.

Haddii hadalka Seeraar aan uraacno oo ah in Maleeshiyaadka Khuwanada ah ee meesha lagu laayay ay ahaayeen qabiil gaar ah Maxay Wakiillo ugu yihiin dowladda Nasaarada Kenya oo ay dhulka soomaaliyeed ugusoo hoggaamiyeen.

Hadallada isburinaya ee maamulka Axmed Madoobe waxaa kamid ah “waxaan nahay maamul goboleed qabiillada Jubbooyinka udhayihiin”!! Misne Shabaabul Mujaahidiin ayay ku eedeeyeen in qabiil gaar ah ay laysay aaway Maamulkii Jubballand oo ay sheeganayeen mise haddii laga itaal roonaaday ayay qabiil Noqdeen.

C/Naasir Seeraar ayaa bishii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay ku sheegay in ciidanka (maamulka Jubbaland) iyo ciidanka Kenya ay qabsadeen deegaanka Buulaguduud ee duleedka Kismaayo isagoo guulo ballaaran sheegtay! Balse maanta wuxuu isku bedelay qabiil! Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin Daad-qaaday Xumba cuksay”.

Afhayeenka Beelaha Absame “Halaagga Murtadiinta Axmed Madoobe gaaray waan ku diirsanay waana loo badinayaa bi’idnillaahi”.

Nabadoon Ismaaciil Xaaji Haaruun Afhayeenka beelaha Jubbooyinka oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in weerarkii Kudhaa ka dhacay uu ahaa edbin la edbinayay maleeshiyaad uu Murtadiin kutilmaamay oo uu ula jeedo ciidanka Axmed Madoobe ee shalay lagu laayay deegaanka Kudhaa wuxuuna ugu baaqay ciidanka shabaabul Mujaahidiin in ay kordhiyaan laynta maleeshiyaadka indhaha u ah ciidanka gumeysiga Kenya.

“Haddaan nahay qabaa’illada Jubbooyinka dega aad baan ugu riyaaqnay wixii Kudhaa ka dhacay,murtadiinta Kenya ku adeegato waa in si kadaran sida ciidanka Kenya loola dagaalamayo loo xanuujiyo sababtoo ah iyagaa dalka gumeystaha kusoo hoggaamiyay”ayuu yiri Ismaaciil Haaruun.

Gummaadkii Maleeshiyaadka ee Ceel-Waaq iyo Xayo Muxuu uga duwanyahay gummaadkii Kudhaa.

Sanaddii 2012 ayay cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen degmada Ceel-waaq oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad Soomaali dabadhilifyo ah oo gudaha dalka Kenya lagusoo tababaray.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ciidanka muslimiinta ayaa Ceel-Waaq qabsaday balse halkaasi waxaa ka dhacay gummaad loo geystay dabadhilifyada dagaalkaasi waxaa lagu dilay inkabadan 55 katirsan Maleeshiyaad uu taliye u ahaa Cabaas Gureey oo ku magacaaban Taliyaha ciidanka DF-ka ee gobolka Gedo.

isla sanaddii 2012 ayay mujaahidiintu dagaal culus oo ka dhacay tuulada Xayo waxay ku dileen 45 katirsanaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe kuwaasi oo hor socday ciidanka gumeysiga Kenya ee waqtigaasi usii gurguuranayay dhanka magaalada Kismaayo.

sanadan 2013 bilaawgeed ayay mujaahidiintu maleeshiyaad DF-ka katirsan oo ku sugnaa degmada Mahadaay waxay gaarsiiyeen khasaara lixaad leh iyagoona gaadiid dagaal kasoo qabsaday.

sanaddan 2013 weerar ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Bay iyo Bakool ku qaadeen deegaanka Toosweyne ee duleedka Ceelbarde waxay ku dileen 25 maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah iyagoona ka qaatay hubkii ay itoobiya soo siisay.

Dhammaan howlgalladaasi iyo kuwa kale oo Hiiraan iyo shabeelaha Hoose  ka dhacay ayaa ah edbin la edbinayo maleeshiyaadka Soomaalida ee gumeystaya Afrikaanta indhaha u ah iyadoona hoggaanka mujaahidiinta soomaaliya uu dhowr mar ku celceliyay in ay beegsanayaan cid walba oo cadawga soo duulay lashaqeeya heybta uu doono halahaatee.

Seeraar Ma wuxuu na leeyahay:-

Dagaal Mahadaay Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Ceelwaaq Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Buula Burde Reer Hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Hoosweyne Reer Hebel ayaa lagu laayay.

Dabcan waxaa xaqiiq in Seeraar uu Aaminsan yahay in weeraradaas lagu xasuuqay Ciidamada DF ee ka kala dhacay Mahadaay, CeelWaaq, Buula-burde iyo Toosweyne lagu xasuuqay kuwa dowladeed, Aanu lagu tirineynin qabaa’ilada ay ka soo jeedaan sidaas darteed waa in uu isna uu ogolaadaa in Maleeshiyada laga laayey ay yihiin ciidam maamul, Maadama uu sheegtay maamulka “Jubbaland” ama uu Umadda u cadeeyaa in Maamulkiisa uu yahay Maamul Qabiil, Markaas waa ka ogolaan karnaa in waxa Kudhaa lagu laayey ay yihiin Maleeshiyo Qabiil.

Kaliya waxa aan ka sugnaa waa Burundigii Dayniile Lagu laayay iyo Itoobiyaankii Ceelbuur lagu laayay ama Kenyaatigii Faxfaxdhuun waxay ahaayeen Reer hebel oo Soomaali ah.

Markale “Nin Daad Qaaday Xuma Cuksay”
WD Warfaa Kheyrdoon

DHAGEYSO:-Khatarta Xanta Iyo Sida Looga Hor Tagi Karo.

32536908 (1)

Xantu waxay kamid tahay dhibaatooyinka ugu badan ee ka taagan bulshada dhexdeeda, iyadoo dadka qaar ay dhaqan ka dhigteen.

Haddaba sidaa darteed ayuu Sheekh Cali Cabdullaahi (Katiin) ka hadlay khatarta ay leedahay Xanta, waxa u sababta u ah ee keena in qof uu xanto qof kale oo walaalkii ah iyo sida la isaga ilaalin karo.

Halkan Ka Dhageyso Sh Cali Katiin Iyo Khatarta Xanta

Xigasho:idaacadda Alfurqaan

Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe ee Kudhaa la xasuuqay oo Gaalkacyo la geeyay.

Galkacyo Hosbital

 

 

 

 

 

Maleeshiyaad  fara badan maamulka Axmed madoobe dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqday  dagaal ka dhacay jaziiradda Kudhaa waxaana la  magaalada Gaalkacyo la geeyay dhaawacyada tiro ka tirsan maleeshiyaada Axmed Madoobe.

Inta la xaqiijiyay ilaa 33 askari oo maamulka Axmed Madoobe kaga dhaawacantay dagaalkii Kudhaa iyo sidoo kale dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada hoostaga Kismaayo ayaa maanta la dhigay isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.

Dhaawacyadan oo ahaa kuwoo culus ayaa wax looga qaban waayay isbitaalka magaalada Kismaayo,yadoona sidoo kale dhaqaatiirta isbitaalka Gaalkacyo ay ka deeriyeen xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada askarta Axmed Madoobe ee maanta la gaarsiiyay isbitaalka magaaladaasi.

Dad badan ayaa is weydiiyay sababta Muqdisho Ama Nairobi loogu qaadi waayay dhaawacyada Ciidamada Axmed Madoobe.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.

DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Hosingow”Dad ayaa ku waashay Duqeyn Kenya horay kaga Gaysatay Hosingow”

32528471 (1)

Gudoomiyaha Hosingow ee Maamulka  waxa loogu yeero Jubbaland  Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa bixiyay wareysi xasaasi ah uu kaga sheekeynayo dhibaato ka taagan deegaanka.

Wuxuu sheegay saameyn balaaran oo ka dhalatay duqeyn 2011 Kenya ka gaysatay Hosingow hadda laga dareemayo Hosingow.

“Ma dhicin sida loo duqeeyy Hosingow  meel loo duqeeyay dad badan ayaa ku waashay caruur iyo haweena wey ku dhinteen”ayuu yiri Aadan Ibraahim Dhaqane oo la hadlay Alfurqaan.

“Waxaa jira haween aanan dhalin oo caadada kaga tagtay duqeynta ba’an ee loo gaystay Hosingow”ayuu yiri Axmed Aadan.

Dhagayso Wareysiga Aadan Ibraahim Dhaqane Gudoomiyaha Hosingow.lite

aminarts-kenya

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Banaadir Post

JUBBADA HOOSE:-Waa Sidee Saaka Xaalada Kudhaa.? Yaa Gacanta Ku Haya.? Mana Dhab-baa in La arkay Maydad Hor Leh.

32528471

Jaziirada Kudhaa oo  lagu hardamay  wey degantahay, waxaana deegaanka ku sugan oo difaacyo adag ka sameystay dagaal yahano katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Maleeshiyaadka  Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Kudhaa oo shalay qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Markab dagaal oo laga leeyahay Kenya ayaa lagu arkayaa xeebta Kudhaa kaasi oo xiliyada qaar soo ridaya qoriga lidka diyaaradaha oo markabka ku xiran.

isgaarsiinta Kudhaa ayaa jaran waxaana wararka deegaanka ku helnay qadka helo helo loo yaqaan ee taarka.

“Calanka madow ee uu ku dhex qoranyahay kalimada towxiid ayaa ii muuqdaayuu sabaax ku yiri nin kamid ah dadka deegaanka oo diiday magac ahaan inaan xigano

Afhayeenka Ciidamada shabaabul mujaahidiin Abuu Muscab oo wareysi siiyay idaacadda afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Kudhaa gacantooda ay ku jirto islamarkaana  dagaalkii shalay ku dileen 64 askri

Dhanka kale maydadka askari oo katirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo  ay soo tuftay badda ayaa saaka lagu arkay kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasaya maydadka askar badan oo yaala agagaarka saldhiga Kudhaa kuwaasi oo 20 askari ku dhaw.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Al-Shabaab fighters re-take strategic Kudha island, after deadly battle

32520158

Fighters belonging to the Islamist Al-Shabaab movement have taken over the strategic island of Kudha in the Lower Jubba region this morning, after engaging in a heavy battle with forces loyal to the Jubba Interim Administration.

Heavily armed Al-Shabaab fighters commenced their attack on the island from two sides shortly after dawn, which resulted in fierce clashes lasting for about two hours, after which the militants overpowered the stationed Jubba troops present. “We awoke to the raging sound of gunfire, fearing for our lives we remained in our homes. At around 8:00 AM the fire ceased and we found out Al-Shabaab had taken over the place and were hoisting their black flag” a resident told Harar24. ”There were bodies, estimating around thirty, littering the streets. Most of them seemed to be from the Jubba forces” he added.

Kudha island, which lies around 130km south-west of the port town of Kismayo, had been taken over by JIA forces late last month after having been under Al-Shabaab control for seven years.

Al-Shabaab have been losing towns in the past months in the face of an AMISOM offensive, withdrawing most of the times without putting up much resistance, however concerns are high that counter-attacks such as today’s are more likely, especially in areas where Somali troops are left to fend on their own, who are often believed to be vulnerable without the AMISOM backing.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

MAQAAL:-Cabdi Cadde “Ninka Madaxa Xiiran Ma ogola in uu Gurguurte Ka Amar Qaato Khilaafku wuxuu ku dhammaan doonaa sidii Geedi iyo Yuusuf”.

32512982
SiyaasiyiintaiyowaxgaradkamagaaladaMuqdishoayaakahadlayisqab qabsiga markale soo kala dhax galay  madaxda kooxda Villa Somalia ee dabadhilifyada u ah shisheeyaha Soomaaliyakusooduulay.
CabdiCadde ookamid ahruugcadayaasha kudhaqanmagaaladaMuqdishoayaakhilaafkacusub eesoo kala dhaxgalay Gurguurte iyo C/WaliSheekh u arka mid  halis gelin kara jiritaanka waxuu ugu yeeray xukuumadda Kartoonka Villa Somalia.
“Waa wax lawada ogaa in dhabarka ay isku jeedin doonaan madaxda DF-ka sababtoo ah waxa isku keenay waa masaalix gaar ah ma ahan dan soomaaliyeed,maalmo ayay warbaahinta isku marin doonaan warar liddi isku ah kadibna waxaa kala xukmin doona madaxdooda oo uu ugu horreeyo N.Kay marka yaanan isku oomin ka hadalka kuwaan liita”ayuuyiriCabdiCadde.

Marka dib loo eego taariikhda DF-ka ee bishii October 2004 lagusoo dhisay xerada doofaareey ee duleedka magaalada Nairobi waxaa ku cad khilaafaad soo jireen ah oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxaana lafilayaa in madax ku sheegyadu ay kusii socdaan wadadii ay jeexeen Cali Geedi iyo Cabdullaahi Yuusuf!.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay isku hayaan Gurguurte iyo Cabdi Wali Sheekh ayaa ah awoodda dhanka maamulidda golaha wasiirrada balse iskuma heystaan maamulidda dalka sababtoo ah iyaguba way ogyihiin in dal ay maamulaan uusan jirin.

“Ninka odayga ah ee madaxa xiiran ma ogola in uu wax uyeero xasan sheikh waxa kaliya oo ay isku hayaan waa maamulidda golaha wasiirada maadaama aysan jirin wadan ay maamulaan waxaan filayaa in wax ku dhammaan doonaan sidii Col.Yuusuf iyo Cali Geedi oo kale ama Shariif iyo Farmaajo”Cabdi Cadde.

32513046

Abuurista khilaafaadka waxaa ku lug leh qaar katirsan dowladaha gacanta ku haya DF-ka ee ciidamadoodu soomaaliya ku suganyihiin danta ay leeyihiin ayaa lagu sifeeyay helidda R/wasaara cusub oo ujeedooyinkooda fuliya.

Waxaa loo badinayaa in Cabdi Wali uu meesha ka bixi doono kadibna waxa beesha caalamka loogu yeero ay Nin kale keeni doonaan.

Shacabka soomaaliyeed ayaa isku raacsan in Hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara xukuumadda Villa Somalia uu yahay Xasan Sheekh marka dhan walba laga eego sida dabadhilifnimada,dadnimada waxaana Gurguurte lagu xusuustaa mawaaqiftiisii liidatay ee uu ka qaatay Xasuuqa shacabka Soomaalida ee xaafadda Islii iyo ciidanka gumeysiga Itoobiya oo uu ku tilmaamay walaalo shacabka soomaaliyeed leeyihiin sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaka dalka ayuu shisheeye ugcan geliyay Tusaale ahaan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo dowladda Turkigu maamusho!

 32512990
Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

QORMO XASAASI AH:-Qawmiyada Tigreega ee Itoobiya xukunta Bulsho aad u weyn oo Soomaali ah ayay Gumaysataa oo Madaxa kaga taagan tahay. Tobannaan Qawmiyadood oo kale ayay ku haysaa Xaalad aan dhaamin Addoonsi

photo

Waa dhab maahmaahda tiraahda ”Lax waliba shillalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa”. Umadda Soomaalida dibindaabyo aanay iyadu sababsan shisheeye uma geysan. markii ay ahayd Ummad Hagaagsan oo si dabiici ah u dhaqan xataa iyada oo itaal yar ayaa laga haybaysan jiray.

Gumaysigii reer Yurub wuxuu kacay oo uu ka dhaqaajiyey markii uu xaqiiqsaday in aanu sii joogi Karin Soomaaliya.Sannadihii toddobaatannadii, markii ay Soomaalidu is yara abaabushay, Faransiis waa kii har Cad Baqoolay, Itoobbiya iyo Kiiniyana waxay qarka u saarnaayeen dhulalka ay haystaan in ay ka yaacaan. Maantana waa taas Qawmiyadda tirada yar ee Tigreegu Soomaalidii ku cayaaraysa. Odayadii, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo qabiilooyinkii Soomaaliyeed ee sharafta lahaa Maanta waa kuwaas u Gumoobay Tigreega Itoobiya xukuma.

Taliska Tigreega ee Qawmiyadaha Itoobiya gumaysta waxaa laga kari la yahay in uu Soomaalida faraha kala baxo. Haddii ay jiraan dalal arrimaha Soomaalida ugu jira in ay danahooda meel u helaan, Tigreegu waxay ugu jiraan oo keliya in ay ka shaqeeyaan in aan dadka Soomaalida lugi lug u raacin. Koox kasta oo u dhego nuglaata hub ayay siinayaan si ay koox kale oo dhego adaygtay ugu dilaan. Haddana cid kasta oo isu dhiibta tari mayaan taageero ka badan in ay ka dhigtaan ul ay Soomaalida kale la dhacaan.
Soomaalida oo dhami iyaga oo guuraya haddii ay u tegi lahaayeen Melez Zenaawi intuu noolaa oo ay oran lahaayeen ”Adiga ayaannu Addoomo kuu nahay ee Dawlad aad raalli ka tahay noo dhis” ma kula tahay in uu u dhisi lahaa? Ha ka yaabin, kuwaas Addoomaha u wada noqday ayuu sii kala qaybin lahaa oo isku Baabbi’in lahaa. Waa taas siyaasadda Tigreega ee Soomaalida ku saabsani. Soomaaliduna iyaga oo xaqiiqadaas wada og ayay haddana runta is diidsiiyaan oo aanay xataa naftooda u qiranayn. Qaybo badan oo umadda ka mid ahi iyaga oo runta sidaas u og ayay haddana isu sheegayayaan Tigreegu in uu iyaga saaxiib la yahay oo dantooda wado.Taliska Tigreegu wuxuu og yahay, aadna ugu faraxsan yahay, cadawtinnimo badan oo uu Soomaalida la damacsanaa in ay dad Soomaaliyeed u fulinayaan. Sidaas darteed Tigreega iyo maamulkiisa xaaraanta ah ee ku dhisan keli talisnimada, gumaysiga iyo cunsurinnimadu maanta naftiisa ayuu Bogaadinayaa oo u hambalyaynayaa. Soomaaliduna maalinba ta ka dambaysa ayay sii gumoobayaan. Gobol uu joogaba Faca Soomaaliyeed ee maanta Barbaarayaa wuxuu ku barbaarayaa Gunnimo iyo Daciifnimo. wuxuu ku Garaadsanayaa in ay isaga Tigreegu ka sarreeyaan mar haddii ay Sandulle ugu taliyaan.

Qawmiyadda Tigreegu waxay addoonsataa tobannaan Qawmiyadood oo qaarkood iyada aad uga tiro badan yihiin. Qawmiyadahaas ma jirto wax ka dhexeeya aan ahayn in dusha lagaga wada tuuray magac faalso ah oo la yiraado ”Itoobiya”. Waa Qawmiyado kala dad ah, kala diin ah, kala af ah oo kala dhaqan ah. Beri fog ayaa dhulkaas lagu naanaysay ”Madxafkii Ummadaha”. Itoobiyadaas faalsada ah ee xoogga la isugu hayaa daqiiqad kasta ayay kala daadan doontaa laguna kala dhaqaaqi doonaa. Cid walba oo si fir fircoon siyaasadda gudaha ee dalkaas dan ka lihi si aad u fudud ayay kacdoon iyo fawdo uga dhex abuuri kartaa. Magaca ”Itoobiya” waa doqon nasiib leh.

Haddaba Tigreegu mar haddi ay xaalad sidaas u nugul xoog iyo xaaraan kaga taliyaan, Guri Quraarad ama Muraayad ahna ku jiraan, waxay ahayd in ay ka dhawrsadaan faro gelinta iyo fidnada ay ka dhex wadaan bulshada Soomaalida ee isku aabbaha iyo hooyada ah. Taas in ay yeelaan daaye waxay caado ka dhigteen, awoodda oo dhanna saareen, soomaalida in ay isku baabbi’iyaan oo kala daadiyaan.Marka la eego dhulka Soomaalida laga haysto iyo Godobta Gaamurtay, ee la eego sida aanay Itoobiyaanku u ahayn dad wax isu ah, dhammaan waxyaalaha ay Tigreegu Soomaalida ka dhex wadaan waa waxyaalihii ay Soomaalidu Itoobbiya ka dhex samayn lahayd. Soomaalidu haddii ay ahaan lahayd ummad feker qumman oo talo habboon run ahaantii dalka loo yaqaan ”Itoobiya” beri fog ayaa lagu kala tegi lahaa. Laakiin Soomaalidu waxay ku shuqlan yihiin in ay sidii Foodlay Ari jir ah dhexdooda u Murmaan.

Maanta ciidammada Tigreegu iyaga oo aad u hubaysan ayay soohdinta iyo gudaha dhulka Soomaalida hoganayaan. Kun digniinood ayaa Tigreega loo diray. Xil kaska Soomaalida iyo ummadaha duniduba waxay kula taliyeen in ay dhulka Soomaalida ka baxaan, arrimaheedana faraha kala baxaan. Ha ahaatee waa tii hore loogu maahmaahay ”Rag i daa kuguma daayo ee aynu isdayno ayuu kugu daayaa”. Mid kalena waa tii ahayd ”Nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”. Tigreegu Soomaalida ayay ka il heleen. Iyaga oo qaar innaga mid ah oo ay taladu ka xumaatay iska soo horraysiinaya waa kuwaas soo Maqiiqan ee soo Qamaamaya.
Bulsho aad u weyn oo Soomaali ah ayay Qawmiyadda Tigreegu Gumaysataa oo madaxa kaga taagan tahay. Tobannaan Qawmiyadood oo kale ayay ku haysaa xaalad aan dhaamin addoonsi. Malyuumaad bani aadam ah oo leh dhaqammo, diimo, afaf iyo isirro kala duwan ayaa taliskaas Arxanlaawaha ah ku Hoos dulman. Intaas oo fursadood ayaa jira haddii la doono in Tigreega looga jawaabo fawdada ay dhulka soomaalida ka wadaan.

Geeska Afrika waxaa nabad iyo xasillooni lagu celin karaa laguna ilaalin karaa haddii la isu dheellitiro awoodda Qawmiyadaha geyigan ku wada dhaqan. Taasina waa in ay ka bilaabataa Tigreega in si dhab ah loogu sheego in ay xushmeeyaan Qawmiyadaha kale, haddii ay yeeli waayaanna waa in la tusaa Muruq ay ka baqaan. Imika ka dib warqadda keliya ee Tigreega lala ciyaari karaa waa dagaalka ay Soomaalida ka dhex hurinayaan oo gudaha Itoobiya loo raro.

Qalinkii: Ibraahim Hawd.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Abwaan Cabdulle Axmed Geeda Naar oo Ku Dhawaaqay inow isaga tagay La Shaqeynta AMISOM iyo DF-KA Muqdisho.

 32503284

Abwaan Cabdulle Axmed oo Geeda Naar ku magac dheer ayaa ku dhawaaqay inow isaga  la shaqeyntii Shisheeyaha AMISOM iyo DF-KA MUQDISHO.

Geeda Naar oo caan ku ahaa la shaqeynta  Shisheeyaha AMISOM iyo DF-KA MUQDISHO wuxuuna  tagay egmada Towfiiq Ex,Masaajid Cali Guduud ee gobolka shabeelaha dhexe wuxuuna sheegay in uu raalli gelin kabixinayo gabayo uu ku dacaayadeyn jiray jihaadka Soomaaliya kuna ammaani jiray gumeystahay dalka kusoo duulay.

Halkan ka degso Wareysiga Abwaan Geeda Naar

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

32503409

Voice Of Somalia-Somali Leaaks.

XAGAL-DAACU WAA HALKEE:Ma Madaxweynahaa? Ma Raysalwasaarahaa? Ma Xildhibaanadaa? Ma Dastuurka? Mise Waa…?

32498442

Maalmihii u danbeeyey waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka Cabdiweli Axmed Maxamed, inkasta oo khilaafku ahaa mid la hadal hayey bilihi u danbeeyey ayaa Madaxweynuhu noqdey ninkii u horeeyey ee afkiisa laga maqlo jiritaanka dhabnimada khilaafka mar uu waraysi siinaayey Idaacadda Codka Maraykanka.

Khilaafku ma ahan wax ceeb ah, kala aragti duwanaanshuhu waa wax rabbi ku uumey aadmigiisa, waxaana uu qur’aanka ku yiri “marna kama suulayaan in ay is khilaafaan”, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa carab iyo ilko ayaa isugu dhaw iyaguna waa is qaniinaan iyaga oo u soo xigta markii kuwa wada shaqeyn dhextaalo ay shaqada isku qabsadaan, Inkasta oo macnihii dowladnimo Soomaalidaba isaga yaraadey ayaa caalamku kuwada shaqeeyaa kala aragtid duwanaanshaha “let’s agree to disagree”, Imaam Xasanul Banaa ayaa laga sheegaa hadal ah “Aynu isugu kaalmeyno wixii aan isku waafaqsanahay, isla amrkaana isugu cudur-daarno wixii aan isku khilaafsanahay, Haddaba waxaa dad badan is weydiinayaa tan iyo Dowalddii ugu horeysey ee kumeel gaar ahayd ee lagu soo dhisey Carta Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka aha Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa hoggaamiyaashii Madaxweynaha loo doortey ay markasta luqunta isula galaan Raysalwasaarayaashii ay iyagu magacaabeen ee dastuurku siinaayey, maxaa loo waayey hal mid oo ay ku wada shaqeyn karaan waxa ay isku waafaqsan yihiin iyaga oo kala aragti duwan sidii Adan Cadde iyo Cabdirashiid 1960 -1964, Sidoo kale waxaa dadku is weydiinayaa Xildhibaanadu miyaaney ka xishoon waxa cauurtu ogtahay ee ah Mooshinka laga macaasho iyo in ay ka beensheegaan wixii ay u dhaartaan, hadbana la saftaan kii jebkiisu buuxo, goorma ayaa la arki doonaa Xildhibaanada oo ga-qaada khilaafkana xaliya iyaga oo aan mid meesha ka saarin.

Sidoo kale dad badan waxay su’aal ka qabaan Xildhibaanadu iyaga ayaa doortey Madaxweynaha ee shacab ma soo dooran, maxaa loo arki waayey Xildhibaanada oo dariiqa ku soo celiya madaxweynaha haddii uu ka baydho, haddii uu diidana xilkaba ka qaada sida dastuurku siinaayo.

Marka aan u soo noqono gunta khilaafka hadda dhexyaala Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa ah mid ka baacweyn sida loo maleynaayo, labada masuul ma dhexyaalo khilaaf weyn oo xalkiisu noqdo in mid buurta laga tuuro sida labadooduba sheegeen ee baroortu orgigaga ka weyn waxaa la isku hayaa masiirkii dadka iyo dalka Soomaaliyeed 2016 wixii ka danbeeya.

Hadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu raadinaayo Raysalwasaare ka tarjumaaya talooyinkii horey loo siiyey kaas oo ka tanaasula dhamaan shaqooyinka iyo salaaxiyaadka dastuurku siinaayo wuxuu haysan lahaa Raysalwasarihii hayinka ahaa, hadalka macaanaa isla markaana shaqooyin badan oo uu lahaa oo dastuurku siinaayey uga harey Madaxweynaha ee Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), laakiin Xasan Shiikh waxa uu Saacid ku galay waxay ahayd in uu beesha caalamka oo dhabarka u sii jeedineysey soo jiito mar kale kalsoonina ka helo denbiyada iyo musq-maasqua dowladiisa loo tiiriyeyna uu dhabarka u saaro xukuumaddii Saacid.

Khilaafka hadda taagan waxaa saldhig u ah oo aan ku soo koobi karnaa afar qodob:

  1. Dastuurka Federaalka oo la doonaayo in wax badan laga beddelo ka hor 2016 loona diyaariyo in uu sugayo afti dadweyne, iyada oo meelaha sida weyn loo faro gelinaayo ay ka mid yihiin awoodaha Raysalwasaaraha iyo maamulada Gobolada.
  2. In la fashiliyo nidaamka Federaalka ah ee lagu heshiiyey.
  3. In hoos loo dhigo Awoodda Raysalwasaaraha, lana muujiyo qumanaanta Madaxweynaha markasta.
  4. Iyo in loo gogol xaaro sidii awoodda dalka loo sii haysan lahaa 2016 kadib, loona fashilin lahaa doorashooyin ka duwan kuwii hore in ay dhacaan

Dastuurka iyo wax ka beddelkiisa

Xerta Damul-jadiid ee ka agdhaw Madaxweynaha sida isaguba uu fadhi Telefishan ka qirtey waxaa kamid ah qorshayaashooda ugu weyn ee ka hor 2016 in dastuurka federaalka wax weyn laga beddelo ama dib loo wada qoro, waana sababta keentey in Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka la isugu daro Faarax Cabdulqaadir oo ah maskaxda Damul-jadiidka, Dastuurka hadda jira oo horey si dhuumaaleysi ah wax looga beddalay kii la isku ogaa, isla amrkaana ay ansixiyeen ergooyin lagu sheegey cod xanaabarayaal ayaa ah mid xerta Damul-jadiid ay u aragto mid dadka Soomaaliyeed korka looga keeney, una baahan in wax weyn laga beddalo.

Fashilinta Federaalka

Qorshaha labaad ayaa ah in la fashiliyo nidaamka Federaalka, lagu furo tawshiish, gobolo aan is qaadan karin la isku raro, kuwo hore maamulo uga tirsanaa kuwa kale loo soo wareejiyo taas oo abuureysa xasilooni darro, dagaal iyo khilaaf aan dhamaan, waxaana ay taasi soo dedejineysaa in dib loo dhigo nidaamka federaalka iyo dhismihiisi, iyada oo beesha caalamka la tusaayo sida nidaamka federaalka ee Soomaaliya uu  yahay BARIGA DHEXE waxaana tusaale fiican ugu filan Gobolka Mudug qorshihii ay u dejiyeen, waxaa dad badan is weydiinayaan in Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh lagu maago gobolka Mudug ayuu kala jarey!!, Puntland waxay dhisneyd 17 sano, dadka Mudug dega ilaah ayaa is bedey laakiin waxaa la is weydiinayaa waxa beesha Koonfurta Mudug degtaa 1998 -2006 ay sugayeen oo Puntland wax ugu darsan waayeen taas oo ka talisa inta badan degmooyinka Mudug, Dowladda Federaalka ahse ma in maamul horey u jirey la dumiyo ayaa uga fududaatey in Waqooyiga Mudug loo soo wareejiyo Koonfurta Mudug oo ah maamul aanba jirin, arrimahaani waxay ifafaale u yihiin carqaladeynta nidaamka Fedeaarlka iyo duminta kuwii horey u jirey ka hor 2016, laakiin dadka Mudug degaa iyagaa toodii ka tashtey ogna sida xoolona uguwada daaqayaan ayna kuwada noolaan karaan sidii ay horey ugu noolaayeen.

Doorashooyinka 2016

Marka hore waxaa habboon in dhab ahaan loo fahmo Soomaaliya waa Qaran madaxbanaan, waxayse ku tiirsan tahay taageerada beesha caalamka gaar ahaan Qaranada Midoobey, Midowga Yurub iyo Maraykanka, waxay bixiyaan waxa ugu hooseeya ee ay ahayd in maamul qabsado oo ah musharaadka ciidamada iyo tababaradooda.

Qorshaha 2016 waxa uu ahaa barnaamijyada ugu waaweyn ee Dowladda Xasan Shiikh looga fadhiyey in dalka la xasiliyo, Dasuurka afti loo qaado, shacabkuna soo doorto Xildhibaanadii baarlamaanka  2016 markii u horeysey tan iyo sanadkii 1968. Xildhibaan taageersan qorshaha madaxweynaha  ee raysalwasaaraha looga takhalusayo  oo lagu magacaabo Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegey in nidaamka 2016 ee doorashooyinka uu la mid yahay geedkii orodka lagu koray in orod  looga soo degaayo waxaana uu ku tilmaamey qorshe aan soconeyn, hadalka Mr. Boodaaye maaha mid uu keli ku yahay waxaa la qaba xera Damul-jadiid.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dasuurku waxay noqotey mid ciyaari karta doorweyn marka la eego isbeddelka dalka gelaayo 2016, waana midda keentey in Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo kamid ah kaadiriintii Xisbigii Madaxweynaha iyo weliba maskaxda Damul-jadiid in laga soo wareejiyo Wasiiru Dowlaaha madaxtooyada oo la keeno Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, kadib markii raysalwasare laga dhigey Cabdiweli Shiikh Axmed, Wasaaradda Caddaaladdu waxay noqotey hawlbowlaha isbbeddelkan. Dad ku dhaw Raysalwasaaraha waxay sheegayaan in Wasaaraddaasi noqotey mid isaga ka baxsan iyo xukumadiisaba toosna u hoostagta Xafiiska Madaxweynaha.

Xerta Damul-jadiid waxay qabaan sida Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye in doorashooyin shacab aysan dhaceyn 2016 beddelkeedana ay noqon doonto sidii hore, waxaana doorkii ” Technical Selection Committee” ee sanadkii 2012 qaadanaya wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, tan ayaa wood u siineysa in ay awood ku yeeshaan baarlamaanka imaandoona 2016. taas oo awood u siineysa in awooodda dalka ay sii haysaan 2016 kadib.

Sida la yiraahdo Qiiq ma jireen haddaan dab la’aan, Raysalwasaruhu wuxuu dilaaciyey halkii u danbeysey waxaana uu sameeyey isku shaandheyn loogu danlahaa qaar kamid ah kaadiriinta Damul-jadiid ee fadhiyey Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda, waxaana uu fariin cad u direy beesha caalamka si indhaha loogu hayo waxa socda.

Raysalwsaare maqaar saar ah

Qodobka u danbeeya ayaa ah fulinta talooyinkii horey loo siiyey Madaxweynaha ee ahaa awoodda raysalwasuha.  waxaana ka mid ahaa sida uu daabacay Cabdi Caynte oo hore talooyin u siiyey Madaxweynaha.  Cabdi Caynte  ayaa ah Madaxa hay’ad ama machad (Think-Tank)oo loogu magacdaray (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), hay’adan oo talooyin ka bixin doonta arrimaha siyaasada iyo go’aanada dowlada ayaa bishii Janaayo 2014 looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Hay’adan oo lagu tilmaamay midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Soomaaliya looga dhawaaqay.

Inta badan wadamada horumaray ayaa hay’adaha noocaan ah ee xog aruuriya ama loo yaqaan Think Tank badanaa dowladahooda talooyin kasiiya arrimaha siyaasada, waxaana aad looga yaqaan dalka Maraykanka oo uu horey usoo degenaan jiray Cabdi Caynte oo mar soo ahaa suxufi.

1- In Wax laga bedalo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo qoraal dheer oo talo bixin ah oo uu Madaxweyne Xassan u qoray kula taliyey in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan taageero ummada ka heysan isla markaana ay dusha ummada uga keeneen hogaamiyayaashii Dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

2- Taladiisa labaad ayaa ahayd in xilka Raysalwasaaraha uusoo magacaabayo uu noqdo mid awoodiisa ay kooban tahay oo aan faraha la gelin siyaasada sare ee dalka.
http://horseedmedia.net/2012/09/11/somalia-appointment-of-president-hassan-sheikh-mohamud-signals-change-and-challenges-by-abdi-aynte/

Inkasta oo Cabdi Caynte ay isaga qaldantey marka Madaxweynaha loogu yeerayo mid la doortey iyo marka kale ayuu u istcmaaley in aysan suurta gal ahayn Madaxweyne la doortey uu ka awood yaraado  Raysalwasaare isagu magacaabey, Madaxweynaha waxaa dooortey Xildhibaano la soo xuley oo aan la soo dooran ee ma aysan dooran Xildhibaano shacabku soo doorteen oo xanbaarsan codkii shacabka waana midda u diideysa in madaxweynuhu sifada uu siiyey leh., waana midda Qaramada Midoobey hambalyadii Xasan Shiikh Maxamuud 10.09.2012 ay u isticmaaleen  “Secretary-General Ban welcomes selection of new Somali president”

Dad badan ayaa aaminsan in Raysalwasaare Cabdiweli Axmed Maxamed uu ku noqdey madaxweynaha timirba laf kama fileyn, waxa uu dalka yimid isla maalintii lagu dhawaaqayey magaabistiisa waxaana uu ahaa nin ku cusub siyaasadda, Mooshinka ka dhanka ah waxa uu si toos ah dhabada ugu xaarayaa in la helo rasysalwasaare ku qanca in aanu faraha  gashan arrimaha sare ee Dowladda ee ku qanca magac keliya, iyada oo la fulinaayo talooyonkii horey loo siiyey Madaxweynaha, waana halka dastruuka ula booca leh loogu tukubaayo.

Haddaba waxaan dhihi karnaa khilaafku kama imaan isku shaandheyn xukuumadeed, kama imaan saraakiil la beddelo ee waxa uu salka ku hayaa talada dalka 2016 wixii ka danbeeya, iyo in meesha laga saaro nidaamka federeaalka ah ee in badan oo Soomaali ka mid ah ay xal u arkaan iyo wax dib la isugu aamini karo.

Maantey iyo shalay

Maantey waxaa Xamar ka socda wixii shalay ka socdey, odayaal gur-guuranaya oo goor-xun soconaaya, shirar aan kala joogsi lahayn iyo gor-gortan dhaqaale iyo awoodeed.

Xildhibaanadii 2012 wixii ka soo doogtey hillaac ayaa u baxay saxansaxo udgoona sanka ayey la raacayaan, isbeddel, wasiiro ama lacag ayaana muska u wada yaal, waxaase maanta ugu daran in Beesha caalamku indhaha ku hayso waxa dhacay, maxayse tahay fariinmta aan adduunka u direynyo kadib Mooshinkii Saacid sanadkii hore iyo kan hadda abaabulkiisi soo idlaadey? Soomaali sidaan ma ku sii wada joogi kartaa? Mise waa…

Hussein Farah

Voice Of Somali-Somali Leaks

32434807 (1)