DAAWO:-Al-Kataa’ib oo baahisey Qeyb kamid ah Taariikh Nololeedka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

32582202

Mu’assasada Al-Kataa’ib garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisey kalimad maqal iyo Muuqaal ah oo ku baxeysa Luuqadda Carabiga,taas oo uu jeedinayo Sheykh Cali Maxa’muud Raage Sh.Cali dheere oo ah Afahayeenka Xarkada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheykh Cali Dheere ayaa ka Hadley Qeyb kamid ah Taariikhda Sheykh Mukhtaar Cabdi Raxmaan Abuu Zubeyr-Amiirkii hore ee Mujaahidiinta Soomaliya-wuxuuna ku dheeraadey ka hadalka halgankii Sheykh Mukhtaar uu u galey inuu dhiso Awood Islaami ah,taas oo u babac dhigi karta Duulaanada Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya.

Sheykh Cali Dheere wuxuu sheegey in Taariikhda Abuu Zubeyr loog sheekeyn Karin saacad iyo wax lamid ah,wuxuna ku tilmaamey in Abuu Zubeyr uu yimid Soomaaliya,iyadoo kala tag-tagsan,ugu dambeyntiina uu ku guuleystey inuu ku mideeyo Wilaayaadka Islaamiga ah.

Sheykh Abuu Zubeyr ayaa ahaa mid kormeera howlgallada Mujaahidiinta,wuxuun naftiisa geyn jirey Saaxaadka Dagaalka,iyadoo sidaas ay tahayna kama daalin inuu baahi tiro Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ee ku dhaqan Wilaayaadka,sida uu sheegey Sheykh Cali Dheere Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheykh Abuu Zubeyr wuxuu sidoo kale aad u mutaabaceyn jirey Axwaasha Muslimiinta Caalamka,sida kuwa Filastiin,Borma,iyo Afrikad dhexe,wadamaas oo dhamaantooda lagu dhibaateeyo Muslimiinta.

Gebegebada Filimka Sheykh Cali dheere wuxuu ugu baaqey Muslimiinta barig Afrika iyo Soomaaliya iney u aargudaan Sheykh Abuu Zubeyr,islamarkaana ay sii laba laabaan halka Jihaadka,isagoo dhanka kale wacad ku marey inuu sii socon doono Jihaadka Soomaaliya.

 Daawo Kalimadda oo uu jeedinayo Afahayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Xigasho: Alfurqan Radio

JUBBADA HOOSE:-Waa Sidee Saaka Xaalada Kudhaa.? Yaa Gacanta Ku Haya.? Mana Dhab-baa in La arkay Maydad Hor Leh.

32528471

Jaziirada Kudhaa oo  lagu hardamay  wey degantahay, waxaana deegaanka ku sugan oo difaacyo adag ka sameystay dagaal yahano katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Maleeshiyaadka  Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Kudhaa oo shalay qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Markab dagaal oo laga leeyahay Kenya ayaa lagu arkayaa xeebta Kudhaa kaasi oo xiliyada qaar soo ridaya qoriga lidka diyaaradaha oo markabka ku xiran.

isgaarsiinta Kudhaa ayaa jaran waxaana wararka deegaanka ku helnay qadka helo helo loo yaqaan ee taarka.

“Calanka madow ee uu ku dhex qoranyahay kalimada towxiid ayaa ii muuqdaayuu sabaax ku yiri nin kamid ah dadka deegaanka oo diiday magac ahaan inaan xigano

Afhayeenka Ciidamada shabaabul mujaahidiin Abuu Muscab oo wareysi siiyay idaacadda afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Kudhaa gacantooda ay ku jirto islamarkaana  dagaalkii shalay ku dileen 64 askri

Dhanka kale maydadka askari oo katirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo  ay soo tuftay badda ayaa saaka lagu arkay kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasaya maydadka askar badan oo yaala agagaarka saldhiga Kudhaa kuwaasi oo 20 askari ku dhaw.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks

SAWIRO;-Aqoonsiyada Saraakiil Itoobiyaan ah oo Ceelgars Lagu Dilay.

Faah Faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal dagaal khasaara badan dhaliyay oo maalmo ka hor degmada Ceelgaras ee gobolka Galguduud ku dhaxmaray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kuwa Xabashida Itoobiya.

25 Askar iyo saraakiil ah ayaa dagaalka lagu dilay sida uu xaqiijiyay Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Galguduud oo warbaahinta u sheegay.

Jeebabka ciidanka Itoobiya waxaa laga helay sawirka ay caanka ku yihiin Nasaarada Baadiyaysan oo ah wax ay ku sheegaan Nabi Ciise Caleyhi Salaam iyo Maryama waana wax lagu dagaal geliyo ciidamada kirishtanka Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.



https://i1.wp.com/wata.cc/up/2014/09/images/w-4c163f856b.jpg




Al-Shabaab oo Raashin Gaarsiiyay Qoysas ku Dhibaateysan Gedo.

32150560

Xafiiska gargaarka wilaayada Islaamiga Gedo ayaa gurmad lixaad leh ufidiyay boqolaal qoys oo ku saamoobay abaaraha ku dhuftay deegaanno Gedo katirsan.

Deegaanno hoos yimaad magaalada Garbahaarey ayay mujaahidiintu geeyeen raashin,Dawo iyo biyo xilli shacabku ladhibaateysanyihiin duruufo kala duwan.

Mas’uuliyiinta wilaayada Gedo waxay sheegeen in Tuulo Barwaaqo iyo tuulooyin hoos yimaad ay ka qeybiyeen raashin nafaqeysan oo carruurta iyo haweenka taakta daran wax weyn utari doono.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jirta abaar daran oo dad iyo duunyaba saameysay, waxaana ugu sii daran dhulka ay joogaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo haddii wax la gaarsiin lahaa aaney suura gal ahayn.

32150621

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Dagaal Culus oo ka Socda Degmada Ceelgars ee Gobolka Galgaduud.

32120826

War goordhow naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay qaybo katirsan difaacayada hore oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Alshabaab ee  Galgaduud iyo ciidamda shisheeye ee Itoobiya.

Dagaalka oo hada socda ayaa ka badalan dagaaladii hore waxaana dagaalka uu yahay mid ay soo qaadeen ciidamda shisheeye ee Itoobiya oo ay kusoo qaadeen goobo dhaca Afaafka hore ee degmada Ceelagrs halkaasi oo ay kusugnaayeen Ciidamada Alshabaab.

 

Dagaalka oo markii hore ka bilowday afaafka hore ee degmada Ceelgars ayaa wararkii ugu Dambeeyay ee dagaalka ka heleyno waxay sheegayaan in dagalka uu ku faafay Gudaha Degmada Ceelgaras oo magaalada dhexdeeda hada dagaalka uu yahay mid ka Socda.

 

Waxaa jira qaniimo farabadan oo dagaalka hada socda ay kufurteen ciidamada Mujaahidiinta sida Qoryo Rasaas iyo hub noocyadiisa kala duwan iyo baqtiyo Ciidamada Itoobiya kaga carareen goobaha dagaalka ka Socdo ayuu sarkaalka aynu lahadlnay inoo xaqiijiyay .

Diyaarad nuuca dagaalka ah ayaa shalay gelinkii dambe meydad iyo dhaawacyo ka daabushay degmada Ceelgaras waxaana muuqata in dhiigbax aan caadi aheyn uu ku socdo soo duulayaasha Itoobiya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Gabaygii Gudban Gaalo Leged iyo Sayid Maxamed

32090082 (1)

Gabayada Sayidka’Raxiimulaah’ kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah waxaa ka mid  gabayga ‘Gudban’ amase ‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

“Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-DIIRADA JIMCAHA- Hal sano kadib weerarkii Westgate

 

Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta lagu soo qaatay mowduuc muhim ah oo ku saabsan dhacdadii Westgate oo ay hal sano kasoo wareegatay.

https://soundcloud.com/bana-4/dhageyso-diirada-jimcaha-hal-sano-kadib-weerarkii-westgate

 

XOGTA  RADIO ALFURQAAN.

http://radioalfurqaan.com/?p=20646

Voice Of Somalia-Banaadir Post