Ciidamada Itoobiya oo ku jabay dagaalkii looga qabsaday CEEL-GARAS.

31998102 (1)

Kadib dagaal xoogan oo xalay ka dhacay degmada Ceelgaras kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Xabashida Itooobiya iyo ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa saaka gabi ahaan waxey ciidamada Xabashida Itoobiya isaga baxeen degmadaasi oo ka tirsan gobalka Galgaduud,galbeedna kaga aadan Ceelbuur.

Xabashida ayaa go’odoon ku ah Ceelbuur oo ay qabdaseen dhowr bil ka hor mana jiraan wax jid ah   oo u furan,ma jiraan wax shacab ah oo Ceelbuur  ku nool,marka laga reebo  Maleeshiyaad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 19 qof!

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ka cararay degmada waxey abaareen dhanka magaalada Dhuusa-mareeb oo ay markii hore kaga soo duuleen degmada Ceel-garas.

Degmada Ceelgaras waa degmadii ugu horeysay oo gacanta ay ku dhigaan ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab kadib geeridii   Sheek Abuu Zubeyr Amiirkii Alshabaab oo Maraykanku ku dilay Dron.

VoiceOf Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO- Muxuu ka yiri Aqoonyahan Cabdi Shakuur Mire Aadan geeridii Sheekh Abuu Zubayr ka dib iyo Alshabaab

31987805

Cabdi Shakuur Mire Aadam oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in dilka Abuu Zubeyr uu sii xoojin karo awoodda Al Shabaab isagoo carrabka ku adkeeyay in Mareykanku sii hurinayaan dabka ka holcaya Soomaaliya.

“Al Shabaab way sii jiraysaa dilka Godane wax saameyn ah kuma yeelin doono sababtoo ah salafiyiinta Jihaadiga ah waxay leeyihiin mabda’ adag oo aan ku xinayn dhimashada shakhsi,shakhi ahaan waxaan aaminsanahay in Shabaab dagaalkeedu xoogeysan doono bilaha soo socda inta ay dalka joogaan ciidan shisheeye”ayuu yiri Cabdi Shakuur.

Siyaasigan ayaa xaqiijiyay in dhammaan dhinacyada ku loolamaya Soomaaliya aysan Al Shabaab ku gaarin diin Jaceylka iyo wadan Jaceylka.

“Soomaalinimada dhabta ah Al Shabaab ayay ku dambeysaa iyagaana diin iyo dal difaacid ku dagaalama dhammaan dhinacyada Soomaaliya kajira wax soomaalinimo haya malahan”ayuu yii Cabdi Shakuur.

31987886

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Fu’aad o o Farriin u diray Mareykanka, Kana Hadlay Geeridii Sheekh Abu Zubeyr.

31968052

Sheekh Fu’aad Maxamad Khalaf oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jeediyay kalimad muhim ah oo uu kaga hadlay istish-haadka Sheekh Abu Zubeyr Amiirkii Mujaahidiinta isagoo sidoo kale farriin adag u diray dowladda Mareykanka.

Sheekha ayaa qeybaha hore ee kalimadiisa kaga hadlay Istish-haadka Sheekh Abu Zubeyr oo ay si weyn u dareemeen ummada muslimiinta caalamka, wuxuuna Sheekhu wax ka taabtay astaamihii jihaad ee Amiirkii hore.

Sheekh Fu’aad Maxamad Khalaf ayaa sidoo kale fariin culus u diray dowladda Mareykanka gaar ahaan madaxweynahooda Obaama oo ah ninka calanka u sida dagaalka lagu hayo muslimiinta caalamka.

Wuxuu sheegay inaanu dayacmi doonin dhiiga Sheekh Abu Zubeyr, waxna ay ka dambeyn doonaan, ugu dambeyntina wuxuu sheegay in jihaadku uuba ku bulaalo dhiigga shuhadada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO- DARDAARANKII uu ka tagay Sheekh Abu Zubeyr oo ku Saabsan Sida la yeelayo Markii Amiir SHAHIIDO.

31957400

Amiirkii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ahaa caalim cilmigiisa ku camal fala ayaa wuxuu aqriyay duruus aan lasoo koobi karin kuwaasoo midkood aan kasoo qaadanay dardaaran muhim ah oo uu siiyay huud ahaan ummada muslimka ah, gaar ahaan Mujaahidiinta, dardaarankaas oo ku saabsan sida loola tacaamulayo marka Amiir shahiido.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

GABAY:- Gabayadii uu ka tagay Sheekh Abuu Zubeyr.

Abuu-Zubeyr-618x320 (1)

Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr Amiirkii Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo maalmo ka hor ku shihiiday duqeyn diyaaradaha Mareykanka ka geysteen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose waxa uu ahaa ruux Allaah uu siiyay cilmi fara badan iyo xikmad dheer.

Abuu Zubeyr sidoo kale waxa uu ahaa qof wax curiya islamarkaana abwaan ah’isagoona curiyay gabayo fara badan oo isugu jiro kuwoo uu kula hadlayo Muslimiinta iyo gabayo gaalada uu kula hadlayo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Xasan Nuur “Magaalo ama Tuulo ay Itoobiya iyo AMISOM Qabsadaan Alshabaab halgankooda ma saamaynayso”

31829715

Xilli kumanaan ciidamo afrikaan ah oo ka socda inkabadan 6 dowladood taageerana ka helaya waxa loogu yeero beesha caalamka ay soomaaliya kusoo duuleen ayay sii xoogaysanaysaa awoodda iska caabinaysa cadawga.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muddo todobo sanadood ah soomaaliya kula halgamaysa quwada shisheeye,Al Shabaab waxay ku guuleysatay in cadawga hororka ah ay ka caabiso cadawga iyadoona dagaalka gelisay qabaa’illada Soomaaliyeed ee Axraarta ah.

Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa AMISOM isku magacaabay ayaa qabsaday magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya walina waxay u tafa xaydanayaan qabsashada degmooyin kale.

 Dhammaan magaalooyinkii cadawga soo jireenka ah qabsaday wax nabad gelyo ah kama jirto magaalooyinka qaarna cadawga ayaaba lagu go’doomiyay iyadoona mujaahidiintu degeen waddooyinka soo gala.

Haddaba waxaa isweydiin mudan magaalooyin cadawgu qabsado ma wiiqi kartaa shabaabul Mujaahidiin?.

Khubarada melleteri iyo kuwa ka faalooda istiraatiijiyadda jamaacaadka jihaadiga ah ayaa aaminsan in dagaalka guurguura ee ku dhufo ka dhaqaaq uu yahay midka kaliya ee dhabarka looga jebin karo quwadda nidaamiga ah.

Shabaabul Mujaahidiin ayaa bishii Augst 2011 soomaaliya ka bilaawday dagaalka “Xarbul Cisaabaadka “ loo yaqaan kaasi oo lagu naafeeyay shisheeyaha soo duulay.

Siyaasiga Xasan Nuur oo in mudda ah usoo joogay isbed-bedellada siyaasadda soomaaliya iyo marxaladihii dalku soo maray ayaa aaminsan in Al Shabaab aan looga adkaan doonin magaalo laqabsado iyo deegaan laga riixo.

“Al Shabaab Soomaaliya way ku xididaysatay Fikirkeeda jihaadiga ah ee shisheeye iska dhicinta ah wuxuu ka gadmay intabadan bulshada soomaalida ee ku dhaqan gobollada Koonfureed,taariikhda ayaa wax walba xusi doonta shisheeyaha soo duulay gaar ahaan Itoobiya magaalooyin ay qabsadaan guul kuma gaarayaan”ayuu yiri Xasan Nuur.

Siyaasigan ayaa soo hadal qaaday wada shaqeynta ka dhaxaysa shabaabul Mujaahidiin iyo bulshada ay muddo ku dhaw 7 sanadood sharciga islaamka ku maamulaysay.

Isagoo tusaale usoo qaatay sida maamullada islaamiga ah ay ugu guuleysteen daminta dab colaadeedkii ka dhaxeeyay beelaha islamarkaana nabad gelyo waarta ugusoo dabaaleen min dhoobleey illaa iyo Xarardheere.

“Al Shabaab waa cunsur muhiim ah oo bulshada soomaaliyeed qalbiga ka degay adeegyada ay qabteen walina haayaan ee ammaanku ugu horreeyo ayaa qabaa’illada soomaalida ku riixaysa in ay garab iyo gaashaan unoqdaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Nuur.

Hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr mar sheegay in ay ka go’antahay in cadawga soo duulay ay waqtiga ku dheereeyaan si ugu dambeyntiina iyagoo jabay oo dallaan dalka uga baxaan.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka dhanka Melleteriga Shabaabul Mujaahidiin ayaa mar uu ka hadlayay qorshaha dagaalka ay cadawga kula jiraan yiri “Annaga degdeg dhanka dagaalka ah nama hayso dagaalkan Nabi ciise ayaan ku simaynaa illaa qiyaamahana waa sii socanayaa balse cidda waqtigu ceyrsanaya ee qandaraaska soo qaadatay waa gaalada dalka kusoo duushay”

Liibaan Jeexoow Cabdi

SAWIRO:-Sida looga Ciiday Magaalada Galhareeri iyo Ceelbuur oo markii ugu horeysay aan laga Tukan Salaada Ciidul Fidriga!.

31568685

Kumanaan katirsan shacabka muslimiinta magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud ayaa si wanaagsan ugu damaashaadaya munaasabadda Ciidul fidriga.

 

Carruur farxad ka muuqato wajiyadooda ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada inta aan salaadda latukan ka hor ayaa dadka fuqarada ah lasiiyay zakaatul fidriga.

31568687

Sawiradan Hoose waa fagaaraha salaadda ciidul fidriga magaalada Galhareeri