
Maalmihii u danbeeyey waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka Cabdiweli Axmed Maxamed, inkasta oo khilaafku ahaa mid la hadal hayey bilihi u danbeeyey ayaa Madaxweynuhu noqdey ninkii u horeeyey ee afkiisa laga maqlo jiritaanka dhabnimada khilaafka mar uu waraysi siinaayey Idaacadda Codka Maraykanka.
Khilaafku ma ahan wax ceeb ah, kala aragti duwanaanshuhu waa wax rabbi ku uumey aadmigiisa, waxaana uu qur’aanka ku yiri “marna kama suulayaan in ay is khilaafaan”, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa carab iyo ilko ayaa isugu dhaw iyaguna waa is qaniinaan iyaga oo u soo xigta markii kuwa wada shaqeyn dhextaalo ay shaqada isku qabsadaan, Inkasta oo macnihii dowladnimo Soomaalidaba isaga yaraadey ayaa caalamku kuwada shaqeeyaa kala aragtid duwanaanshaha “let’s agree to disagree”, Imaam Xasanul Banaa ayaa laga sheegaa hadal ah “Aynu isugu kaalmeyno wixii aan isku waafaqsanahay, isla amrkaana isugu cudur-daarno wixii aan isku khilaafsanahay, Haddaba waxaa dad badan is weydiinayaa tan iyo Dowalddii ugu horeysey ee kumeel gaar ahayd ee lagu soo dhisey Carta Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka aha Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa hoggaamiyaashii Madaxweynaha loo doortey ay markasta luqunta isula galaan Raysalwasaarayaashii ay iyagu magacaabeen ee dastuurku siinaayey, maxaa loo waayey hal mid oo ay ku wada shaqeyn karaan waxa ay isku waafaqsan yihiin iyaga oo kala aragti duwan sidii Adan Cadde iyo Cabdirashiid 1960 -1964, Sidoo kale waxaa dadku is weydiinayaa Xildhibaanadu miyaaney ka xishoon waxa cauurtu ogtahay ee ah Mooshinka laga macaasho iyo in ay ka beensheegaan wixii ay u dhaartaan, hadbana la saftaan kii jebkiisu buuxo, goorma ayaa la arki doonaa Xildhibaanada oo ga-qaada khilaafkana xaliya iyaga oo aan mid meesha ka saarin.
Sidoo kale dad badan waxay su’aal ka qabaan Xildhibaanadu iyaga ayaa doortey Madaxweynaha ee shacab ma soo dooran, maxaa loo arki waayey Xildhibaanada oo dariiqa ku soo celiya madaxweynaha haddii uu ka baydho, haddii uu diidana xilkaba ka qaada sida dastuurku siinaayo.
Marka aan u soo noqono gunta khilaafka hadda dhexyaala Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa ah mid ka baacweyn sida loo maleynaayo, labada masuul ma dhexyaalo khilaaf weyn oo xalkiisu noqdo in mid buurta laga tuuro sida labadooduba sheegeen ee baroortu orgigaga ka weyn waxaa la isku hayaa masiirkii dadka iyo dalka Soomaaliyeed 2016 wixii ka danbeeya.
Hadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu raadinaayo Raysalwasaare ka tarjumaaya talooyinkii horey loo siiyey kaas oo ka tanaasula dhamaan shaqooyinka iyo salaaxiyaadka dastuurku siinaayo wuxuu haysan lahaa Raysalwasarihii hayinka ahaa, hadalka macaanaa isla markaana shaqooyin badan oo uu lahaa oo dastuurku siinaayey uga harey Madaxweynaha ee Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), laakiin Xasan Shiikh waxa uu Saacid ku galay waxay ahayd in uu beesha caalamka oo dhabarka u sii jeedineysey soo jiito mar kale kalsoonina ka helo denbiyada iyo musq-maasqua dowladiisa loo tiiriyeyna uu dhabarka u saaro xukuumaddii Saacid.
Khilaafka hadda taagan waxaa saldhig u ah oo aan ku soo koobi karnaa afar qodob:
- Dastuurka Federaalka oo la doonaayo in wax badan laga beddelo ka hor 2016 loona diyaariyo in uu sugayo afti dadweyne, iyada oo meelaha sida weyn loo faro gelinaayo ay ka mid yihiin awoodaha Raysalwasaaraha iyo maamulada Gobolada.
- In la fashiliyo nidaamka Federaalka ah ee lagu heshiiyey.
- In hoos loo dhigo Awoodda Raysalwasaaraha, lana muujiyo qumanaanta Madaxweynaha markasta.
- Iyo in loo gogol xaaro sidii awoodda dalka loo sii haysan lahaa 2016 kadib, loona fashilin lahaa doorashooyin ka duwan kuwii hore in ay dhacaan
Dastuurka iyo wax ka beddelkiisa
Xerta Damul-jadiid ee ka agdhaw Madaxweynaha sida isaguba uu fadhi Telefishan ka qirtey waxaa kamid ah qorshayaashooda ugu weyn ee ka hor 2016 in dastuurka federaalka wax weyn laga beddelo ama dib loo wada qoro, waana sababta keentey in Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka la isugu daro Faarax Cabdulqaadir oo ah maskaxda Damul-jadiidka, Dastuurka hadda jira oo horey si dhuumaaleysi ah wax looga beddalay kii la isku ogaa, isla amrkaana ay ansixiyeen ergooyin lagu sheegey cod xanaabarayaal ayaa ah mid xerta Damul-jadiid ay u aragto mid dadka Soomaaliyeed korka looga keeney, una baahan in wax weyn laga beddalo.
Fashilinta Federaalka
Qorshaha labaad ayaa ah in la fashiliyo nidaamka Federaalka, lagu furo tawshiish, gobolo aan is qaadan karin la isku raro, kuwo hore maamulo uga tirsanaa kuwa kale loo soo wareejiyo taas oo abuureysa xasilooni darro, dagaal iyo khilaaf aan dhamaan, waxaana ay taasi soo dedejineysaa in dib loo dhigo nidaamka federaalka iyo dhismihiisi, iyada oo beesha caalamka la tusaayo sida nidaamka federaalka ee Soomaaliya uu yahay BARIGA DHEXE waxaana tusaale fiican ugu filan Gobolka Mudug qorshihii ay u dejiyeen, waxaa dad badan is weydiinayaan in Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh lagu maago gobolka Mudug ayuu kala jarey!!, Puntland waxay dhisneyd 17 sano, dadka Mudug dega ilaah ayaa is bedey laakiin waxaa la is weydiinayaa waxa beesha Koonfurta Mudug degtaa 1998 -2006 ay sugayeen oo Puntland wax ugu darsan waayeen taas oo ka talisa inta badan degmooyinka Mudug, Dowladda Federaalka ahse ma in maamul horey u jirey la dumiyo ayaa uga fududaatey in Waqooyiga Mudug loo soo wareejiyo Koonfurta Mudug oo ah maamul aanba jirin, arrimahaani waxay ifafaale u yihiin carqaladeynta nidaamka Fedeaarlka iyo duminta kuwii horey u jirey ka hor 2016, laakiin dadka Mudug degaa iyagaa toodii ka tashtey ogna sida xoolona uguwada daaqayaan ayna kuwada noolaan karaan sidii ay horey ugu noolaayeen.
Doorashooyinka 2016
Marka hore waxaa habboon in dhab ahaan loo fahmo Soomaaliya waa Qaran madaxbanaan, waxayse ku tiirsan tahay taageerada beesha caalamka gaar ahaan Qaranada Midoobey, Midowga Yurub iyo Maraykanka, waxay bixiyaan waxa ugu hooseeya ee ay ahayd in maamul qabsado oo ah musharaadka ciidamada iyo tababaradooda.
Qorshaha 2016 waxa uu ahaa barnaamijyada ugu waaweyn ee Dowladda Xasan Shiikh looga fadhiyey in dalka la xasiliyo, Dasuurka afti loo qaado, shacabkuna soo doorto Xildhibaanadii baarlamaanka 2016 markii u horeysey tan iyo sanadkii 1968. Xildhibaan taageersan qorshaha madaxweynaha ee raysalwasaaraha looga takhalusayo oo lagu magacaabo Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegey in nidaamka 2016 ee doorashooyinka uu la mid yahay geedkii orodka lagu koray in orod looga soo degaayo waxaana uu ku tilmaamey qorshe aan soconeyn, hadalka Mr. Boodaaye maaha mid uu keli ku yahay waxaa la qaba xera Damul-jadiid.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dasuurku waxay noqotey mid ciyaari karta doorweyn marka la eego isbeddelka dalka gelaayo 2016, waana midda keentey in Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo kamid ah kaadiriintii Xisbigii Madaxweynaha iyo weliba maskaxda Damul-jadiid in laga soo wareejiyo Wasiiru Dowlaaha madaxtooyada oo la keeno Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, kadib markii raysalwasare laga dhigey Cabdiweli Shiikh Axmed, Wasaaradda Caddaaladdu waxay noqotey hawlbowlaha isbbeddelkan. Dad ku dhaw Raysalwasaaraha waxay sheegayaan in Wasaaraddaasi noqotey mid isaga ka baxsan iyo xukumadiisaba toosna u hoostagta Xafiiska Madaxweynaha.
Xerta Damul-jadiid waxay qabaan sida Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye in doorashooyin shacab aysan dhaceyn 2016 beddelkeedana ay noqon doonto sidii hore, waxaana doorkii ” Technical Selection Committee” ee sanadkii 2012 qaadanaya wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, tan ayaa wood u siineysa in ay awood ku yeeshaan baarlamaanka imaandoona 2016. taas oo awood u siineysa in awooodda dalka ay sii haysaan 2016 kadib.
Sida la yiraahdo Qiiq ma jireen haddaan dab la’aan, Raysalwasaruhu wuxuu dilaaciyey halkii u danbeysey waxaana uu sameeyey isku shaandheyn loogu danlahaa qaar kamid ah kaadiriinta Damul-jadiid ee fadhiyey Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda, waxaana uu fariin cad u direy beesha caalamka si indhaha loogu hayo waxa socda.
Raysalwsaare maqaar saar ah
Qodobka u danbeeya ayaa ah fulinta talooyinkii horey loo siiyey Madaxweynaha ee ahaa awoodda raysalwasuha. waxaana ka mid ahaa sida uu daabacay Cabdi Caynte oo hore talooyin u siiyey Madaxweynaha. Cabdi Caynte ayaa ah Madaxa hay’ad ama machad (Think-Tank)oo loogu magacdaray (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), hay’adan oo talooyin ka bixin doonta arrimaha siyaasada iyo go’aanada dowlada ayaa bishii Janaayo 2014 looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Hay’adan oo lagu tilmaamay midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Soomaaliya looga dhawaaqay.
Inta badan wadamada horumaray ayaa hay’adaha noocaan ah ee xog aruuriya ama loo yaqaan Think Tank badanaa dowladahooda talooyin kasiiya arrimaha siyaasada, waxaana aad looga yaqaan dalka Maraykanka oo uu horey usoo degenaan jiray Cabdi Caynte oo mar soo ahaa suxufi.
1- In Wax laga bedalo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo qoraal dheer oo talo bixin ah oo uu Madaxweyne Xassan u qoray kula taliyey in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan taageero ummada ka heysan isla markaana ay dusha ummada uga keeneen hogaamiyayaashii Dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.
2- Taladiisa labaad ayaa ahayd in xilka Raysalwasaaraha uusoo magacaabayo uu noqdo mid awoodiisa ay kooban tahay oo aan faraha la gelin siyaasada sare ee dalka.
http://horseedmedia.net/2012/09/11/somalia-appointment-of-president-hassan-sheikh-mohamud-signals-change-and-challenges-by-abdi-aynte/
Inkasta oo Cabdi Caynte ay isaga qaldantey marka Madaxweynaha loogu yeerayo mid la doortey iyo marka kale ayuu u istcmaaley in aysan suurta gal ahayn Madaxweyne la doortey uu ka awood yaraado Raysalwasaare isagu magacaabey, Madaxweynaha waxaa dooortey Xildhibaano la soo xuley oo aan la soo dooran ee ma aysan dooran Xildhibaano shacabku soo doorteen oo xanbaarsan codkii shacabka waana midda u diideysa in madaxweynuhu sifada uu siiyey leh., waana midda Qaramada Midoobey hambalyadii Xasan Shiikh Maxamuud 10.09.2012 ay u isticmaaleen “Secretary-General Ban welcomes selection of new Somali president”
Dad badan ayaa aaminsan in Raysalwasaare Cabdiweli Axmed Maxamed uu ku noqdey madaxweynaha timirba laf kama fileyn, waxa uu dalka yimid isla maalintii lagu dhawaaqayey magaabistiisa waxaana uu ahaa nin ku cusub siyaasadda, Mooshinka ka dhanka ah waxa uu si toos ah dhabada ugu xaarayaa in la helo rasysalwasaare ku qanca in aanu faraha gashan arrimaha sare ee Dowladda ee ku qanca magac keliya, iyada oo la fulinaayo talooyonkii horey loo siiyey Madaxweynaha, waana halka dastruuka ula booca leh loogu tukubaayo.
Haddaba waxaan dhihi karnaa khilaafku kama imaan isku shaandheyn xukuumadeed, kama imaan saraakiil la beddelo ee waxa uu salka ku hayaa talada dalka 2016 wixii ka danbeeya, iyo in meesha laga saaro nidaamka federeaalka ah ee in badan oo Soomaali ka mid ah ay xal u arkaan iyo wax dib la isugu aamini karo.
Maantey iyo shalay
Maantey waxaa Xamar ka socda wixii shalay ka socdey, odayaal gur-guuranaya oo goor-xun soconaaya, shirar aan kala joogsi lahayn iyo gor-gortan dhaqaale iyo awoodeed.
Xildhibaanadii 2012 wixii ka soo doogtey hillaac ayaa u baxay saxansaxo udgoona sanka ayey la raacayaan, isbeddel, wasiiro ama lacag ayaana muska u wada yaal, waxaase maanta ugu daran in Beesha caalamku indhaha ku hayso waxa dhacay, maxayse tahay fariinmta aan adduunka u direynyo kadib Mooshinkii Saacid sanadkii hore iyo kan hadda abaabulkiisi soo idlaadey? Soomaali sidaan ma ku sii wada joogi kartaa? Mise waa…
Hussein Farah
Voice Of Somali-Somali Leaks

Fadlan la wadaag qoraalka asxaabtaada.
Like this:
Like Loading...