Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

MAQAAL:-Kaadariinta Damu-Jadiid iyo Gafanayaasha Soomaalida ah ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo ku Shirkoobey Lugooyada Soomaaliya.

32291194

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

14238117_1213601845358416_2918943527493924010_n

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii Soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

32291317

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso Soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka Soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo Soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo Xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.
Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Soomaaliya Soomaalibaa leh

1958151_586714604765779_2746861196185063106_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:-Wiil Yar oo Ciidamada Shisheeye”AMISOM” Gabay u Tiriyey.

32245514

Wiil yar oo Magaciisa ku soo gaabiyey Osama ayaa Gabay u tiriyey Ciidamada shisheeye ee Amisom sidoo kale Wiilkaan wuxuu sheegay in uu Kitaabka Ilaahay iyo Sunada Nabiga CS uu ka bartay in aan gaalo wanaag la doonaynin Muslimiinta ee ay dagaal kula jiraan hirgalinta Shareecada Islaamka!.

Dumarkii Muslimiinta iyo Caruurtii wali waxay ku sugan yihiin Fidradii Islaamka, halka Wadaaddadii Kitaabada Towxiidka Akhrin jiray ay ka xuubsiibteen Shareecada Islaamka!.

32245571

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:- Abwaan Heelaale muxuu ka yiri Gumaysiga ku Gabgable leh Gayiga Soomaaliyeed.

32235018

Ciidamada shisheeye ee maalmihii lasoo dhaafay ku raafaadsanaa galidda degmada Baraawe ayaa saaka gudaha u galay

32234897

Ciidamada shisheeye ee maalmihii lasoo dhaafay ku raafaadsanaa galidda degmada Baraawe ayaa saaka gudaha u galay magaalada iyagoo wata Dabaabaad, Eeyo fara badan iyo xoogaa ciidamo Soomaali ah oo ay rasaasta isaga hor mariyaan.

Gudaha degmada Baraawe oo ay saaka galeen shisheeyaha ayaa waxaa haatan laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo waaweyn kuwaasoo aan faah faahin laga heyn khasaarahooda iyo waxa ay yihiin.

Dhammaan suuqyada magaalada oo aad u camirnaan jiray ayaa xiran, waxaa kale oo lamid ah iskuulada, isbitaalada, kawaanada, bacadlaha iyo dhammaan adeegii bulshada.

Dadka ayaa waxay ku xiran yihiin guryohooda iyagoo ka baqaya iney wax yeelo kala kulmaan ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda oo looga bartay dil, dhac, kufsi, xarig iyo handadaad.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Sida Itoobiya u Ciqaabto Dumarka Soomaaliyeed.

32161203

Wararaka naga soo gaaraaya dhulka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay kordhiyeen ugaarsiga ay ku hayaan dumarka Soomaaliyeed kuwaasi oo ay u geesanayaan dhibaatooyiin qof waliba oo Muslim ah uu ka qiiroonayo.

Itoobiya ayaa dhibaateenta dumarka Soomaaliyeed waxay garab kaga heleysaa maleeshiyaadka ay soo carbiyeen ee loo yaqaan  Liyu Boolis kuwaasi oo Itoobiya u farmuuqa isla markaana tusiya dadka Muslimiinta.

Dumarka kunool dhulka Itoobiya gumeysato looma ogala inay xirtaan Niqaabka iyo Xijaabka waxaa intaasi usii dheer kufsiga iyo dhibaatooyiinka kale ee hal Qormo lagu soo koobi karin.

1959280_582811375156102_1239755476785975357_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Itoobiya: “Annaga ayaa Axmad Madoobe Fariisinay Madaxtooyada Kismaayo”

Mid kamid ah madaxda Itoobiya ee sida gaarka ah u qaabilsan burburinta Soomaaliya iyo qabsashadeeda oo khudbad ka jeediyay shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa si cad oo aan ka leex-leexasho lahayn u sheegay in iyagu ay Axmad Madoobe fariisiyeen madaxtooyada magaalada Kismaayo!!

Ninkan oo lagu magacaabo Shaul ayaa sheegay inuu kasoo qeyb galay aas-aaska maamuladii ugu horeeyay ee lagu billaabay kala qeybsanaanta sida kan Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay iney farxad u tahay in xilliganna uu xaadir ahaado magaalada Kismaayo oo uu ka jiro maamul ay iyagu sameysteen.

 

32101046

Voice Of Somalia-Banaadir Post