Nin Daad Qaaday Xumbo Cuksay Seeraar “Al Shabaab Kudhaa Qabiil Gaar ah ayay ku Laayeen”!!

32546917

Maamulka dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Kudhaa gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Axmed Madoobe Cabdi Naasir Seeraar ayaa shabakadda Aljazeera u sheegay in dhankooda 25 askari laga dilay 30 kalane dhaawacyo halis ah gaareen.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay qabsadeen Kudhaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bakhaaradii hubka iyo saanado dagaal oo ciidankoodu ka carareen.

Maamulka gumeysi Kalkaalka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa isku dayaya in uu waji kale uyeelo halaagga ka gaaray dagaalkii taariikhda galay ee Kudhaa.

Iyadoo lawada ogyahay in ciidanka gumeysiga Kenya ee Jubbada Hoose kusoo duulay ay ku adeeganayaan maleeshiyaad diinlaawayaal ah ayuu Seeraar warbaahinta ka sheegay in mujaahidiintu qabiil gaar ah beegsadeen!!.

“Annagu waan ognahay in shabaabku qaab qabiil u beegsadeen ciidankeena”ayuu yiri Seeraar,sida lawada ogyahay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa bariga Afrika ku hoggaaminaysa dagaal caalami ah oo aan xuduud iyo wadan laheyn arrinkaasi xataa waxaa qirsan shisheeyaha dalka kusoo duulay waxaana wax aan larumeysan Karin ah in Al Shabaab qabiil lagu sifeeyo.

Haddii hadalka Seeraar aan uraacno oo ah in Maleeshiyaadka Khuwanada ah ee meesha lagu laayay ay ahaayeen qabiil gaar ah Maxay Wakiillo ugu yihiin dowladda Nasaarada Kenya oo ay dhulka soomaaliyeed ugusoo hoggaamiyeen.

Hadallada isburinaya ee maamulka Axmed Madoobe waxaa kamid ah “waxaan nahay maamul goboleed qabiillada Jubbooyinka udhayihiin”!! Misne Shabaabul Mujaahidiin ayay ku eedeeyeen in qabiil gaar ah ay laysay aaway Maamulkii Jubballand oo ay sheeganayeen mise haddii laga itaal roonaaday ayay qabiil Noqdeen.

C/Naasir Seeraar ayaa bishii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay ku sheegay in ciidanka (maamulka Jubbaland) iyo ciidanka Kenya ay qabsadeen deegaanka Buulaguduud ee duleedka Kismaayo isagoo guulo ballaaran sheegtay! Balse maanta wuxuu isku bedelay qabiil! Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin Daad-qaaday Xumba cuksay”.

Afhayeenka Beelaha Absame “Halaagga Murtadiinta Axmed Madoobe gaaray waan ku diirsanay waana loo badinayaa bi’idnillaahi”.

Nabadoon Ismaaciil Xaaji Haaruun Afhayeenka beelaha Jubbooyinka oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in weerarkii Kudhaa ka dhacay uu ahaa edbin la edbinayay maleeshiyaad uu Murtadiin kutilmaamay oo uu ula jeedo ciidanka Axmed Madoobe ee shalay lagu laayay deegaanka Kudhaa wuxuuna ugu baaqay ciidanka shabaabul Mujaahidiin in ay kordhiyaan laynta maleeshiyaadka indhaha u ah ciidanka gumeysiga Kenya.

“Haddaan nahay qabaa’illada Jubbooyinka dega aad baan ugu riyaaqnay wixii Kudhaa ka dhacay,murtadiinta Kenya ku adeegato waa in si kadaran sida ciidanka Kenya loola dagaalamayo loo xanuujiyo sababtoo ah iyagaa dalka gumeystaha kusoo hoggaamiyay”ayuu yiri Ismaaciil Haaruun.

Gummaadkii Maleeshiyaadka ee Ceel-Waaq iyo Xayo Muxuu uga duwanyahay gummaadkii Kudhaa.

Sanaddii 2012 ayay cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen degmada Ceel-waaq oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad Soomaali dabadhilifyo ah oo gudaha dalka Kenya lagusoo tababaray.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ciidanka muslimiinta ayaa Ceel-Waaq qabsaday balse halkaasi waxaa ka dhacay gummaad loo geystay dabadhilifyada dagaalkaasi waxaa lagu dilay inkabadan 55 katirsan Maleeshiyaad uu taliye u ahaa Cabaas Gureey oo ku magacaaban Taliyaha ciidanka DF-ka ee gobolka Gedo.

isla sanaddii 2012 ayay mujaahidiintu dagaal culus oo ka dhacay tuulada Xayo waxay ku dileen 45 katirsanaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe kuwaasi oo hor socday ciidanka gumeysiga Kenya ee waqtigaasi usii gurguuranayay dhanka magaalada Kismaayo.

sanadan 2013 bilaawgeed ayay mujaahidiintu maleeshiyaad DF-ka katirsan oo ku sugnaa degmada Mahadaay waxay gaarsiiyeen khasaara lixaad leh iyagoona gaadiid dagaal kasoo qabsaday.

sanaddan 2013 weerar ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Bay iyo Bakool ku qaadeen deegaanka Toosweyne ee duleedka Ceelbarde waxay ku dileen 25 maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah iyagoona ka qaatay hubkii ay itoobiya soo siisay.

Dhammaan howlgalladaasi iyo kuwa kale oo Hiiraan iyo shabeelaha Hoose  ka dhacay ayaa ah edbin la edbinayo maleeshiyaadka Soomaalida ee gumeystaya Afrikaanta indhaha u ah iyadoona hoggaanka mujaahidiinta soomaaliya uu dhowr mar ku celceliyay in ay beegsanayaan cid walba oo cadawga soo duulay lashaqeeya heybta uu doono halahaatee.

Seeraar Ma wuxuu na leeyahay:-

Dagaal Mahadaay Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Ceelwaaq Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Buula Burde Reer Hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Hoosweyne Reer Hebel ayaa lagu laayay.

Dabcan waxaa xaqiiq in Seeraar uu Aaminsan yahay in weeraradaas lagu xasuuqay Ciidamada DF ee ka kala dhacay Mahadaay, CeelWaaq, Buula-burde iyo Toosweyne lagu xasuuqay kuwa dowladeed, Aanu lagu tirineynin qabaa’ilada ay ka soo jeedaan sidaas darteed waa in uu isna uu ogolaadaa in Maleeshiyada laga laayey ay yihiin ciidam maamul, Maadama uu sheegtay maamulka “Jubbaland” ama uu Umadda u cadeeyaa in Maamulkiisa uu yahay Maamul Qabiil, Markaas waa ka ogolaan karnaa in waxa Kudhaa lagu laayey ay yihiin Maleeshiyo Qabiil.

Kaliya waxa aan ka sugnaa waa Burundigii Dayniile Lagu laayay iyo Itoobiyaankii Ceelbuur lagu laayay ama Kenyaatigii Faxfaxdhuun waxay ahaayeen Reer hebel oo Soomaali ah.

Markale “Nin Daad Qaaday Xuma Cuksay”
WD Warfaa Kheyrdoon

DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Hosingow”Dad ayaa ku waashay Duqeyn Kenya horay kaga Gaysatay Hosingow”

32528471 (1)

Gudoomiyaha Hosingow ee Maamulka  waxa loogu yeero Jubbaland  Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa bixiyay wareysi xasaasi ah uu kaga sheekeynayo dhibaato ka taagan deegaanka.

Wuxuu sheegay saameyn balaaran oo ka dhalatay duqeyn 2011 Kenya ka gaysatay Hosingow hadda laga dareemayo Hosingow.

“Ma dhicin sida loo duqeeyy Hosingow  meel loo duqeeyay dad badan ayaa ku waashay caruur iyo haweena wey ku dhinteen”ayuu yiri Aadan Ibraahim Dhaqane oo la hadlay Alfurqaan.

“Waxaa jira haween aanan dhalin oo caadada kaga tagtay duqeynta ba’an ee loo gaystay Hosingow”ayuu yiri Axmed Aadan.

Dhagayso Wareysiga Aadan Ibraahim Dhaqane Gudoomiyaha Hosingow.lite

aminarts-kenya

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Banaadir Post

JUBBADA HOOSE:-Waa Sidee Saaka Xaalada Kudhaa.? Yaa Gacanta Ku Haya.? Mana Dhab-baa in La arkay Maydad Hor Leh.

32528471

Jaziirada Kudhaa oo  lagu hardamay  wey degantahay, waxaana deegaanka ku sugan oo difaacyo adag ka sameystay dagaal yahano katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Maleeshiyaadka  Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Kudhaa oo shalay qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Markab dagaal oo laga leeyahay Kenya ayaa lagu arkayaa xeebta Kudhaa kaasi oo xiliyada qaar soo ridaya qoriga lidka diyaaradaha oo markabka ku xiran.

isgaarsiinta Kudhaa ayaa jaran waxaana wararka deegaanka ku helnay qadka helo helo loo yaqaan ee taarka.

“Calanka madow ee uu ku dhex qoranyahay kalimada towxiid ayaa ii muuqdaayuu sabaax ku yiri nin kamid ah dadka deegaanka oo diiday magac ahaan inaan xigano

Afhayeenka Ciidamada shabaabul mujaahidiin Abuu Muscab oo wareysi siiyay idaacadda afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Kudhaa gacantooda ay ku jirto islamarkaana  dagaalkii shalay ku dileen 64 askri

Dhanka kale maydadka askari oo katirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo  ay soo tuftay badda ayaa saaka lagu arkay kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasaya maydadka askar badan oo yaala agagaarka saldhiga Kudhaa kuwaasi oo 20 askari ku dhaw.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Al-Shabaab fighters re-take strategic Kudha island, after deadly battle

32520158

Fighters belonging to the Islamist Al-Shabaab movement have taken over the strategic island of Kudha in the Lower Jubba region this morning, after engaging in a heavy battle with forces loyal to the Jubba Interim Administration.

Heavily armed Al-Shabaab fighters commenced their attack on the island from two sides shortly after dawn, which resulted in fierce clashes lasting for about two hours, after which the militants overpowered the stationed Jubba troops present. “We awoke to the raging sound of gunfire, fearing for our lives we remained in our homes. At around 8:00 AM the fire ceased and we found out Al-Shabaab had taken over the place and were hoisting their black flag” a resident told Harar24. ”There were bodies, estimating around thirty, littering the streets. Most of them seemed to be from the Jubba forces” he added.

Kudha island, which lies around 130km south-west of the port town of Kismayo, had been taken over by JIA forces late last month after having been under Al-Shabaab control for seven years.

Al-Shabaab have been losing towns in the past months in the face of an AMISOM offensive, withdrawing most of the times without putting up much resistance, however concerns are high that counter-attacks such as today’s are more likely, especially in areas where Somali troops are left to fend on their own, who are often believed to be vulnerable without the AMISOM backing.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GALGADUUD:-Xaalad Kacsanaan ah oo ka Taagan Magaalada Dhuusamareeb.

32490647

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha degmada taasi oo timid kadib markii hub isku qaateen maleeshiyaadka dowladda iyo haraadigii maleeshiyaatkii Suufiyada oo kuwada sugan gudaha degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay fiidkii bandaw lagusoo rogay Dhuusamareeb kadib markii maleeshiyaad colaadi ka dhaxayso ay hub lasoo galeen magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxo kawada tirsan taageerayaasha Itoobiya ay isku maandhaafsanyihiin maamulka magaalada waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo ladoonayay in colaadda lagu xalliyo.

Ciidamada Xabashida Ithoobiya ee ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa indhaha oo kaliya ka eeganayo maleeshiyaadka isku heysta gudaha degmada’waxaana suura gal ah in halkaasi uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya labada maleeshiyo.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:- Dhaqtar Soomaali ah oo Amisom ku Eedeeyay inay Faafineyso Cudurka Ebola.

 

32275236 (1)Dr Xanafi Cabdi sheekh Aadan oo kamid ah dhaqaatiirta sida gaarka ah ugu taqasusay Daawada ayaa ka hadlay cudurka la dagay galbeedka Afrika.

Wuxuu soo hadal qaaday war kasoo baxay Dowladda Siiraliyoon oo ahaa in ciidamo caafimaad qaba ay usoo direyso Soomaaliya.

Wuxuu ka digay Qatarta Ciidankaasi ay la imaan karaan Soomaaliya oo aanan lahayn dowladda awood leh.

Wuxuu sheegay in Amisom ay faafinayso Cudurka Dilaaga Ebola oo dilay dad ka badan 4 kun oo qof.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

BARAAWE:-Diyaarad Siday Xasan Sheekh oo si dirqi ah ku Badbaaday

32283648

Ilo wareedyo ku sugan degmada Baraawe ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in tiro madaafiic ah lala beegsaday diyaarad siday madaxweynaha dowladda federaalka oo dooneysay iney ka degto garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.

Diyaarada siday Xasan Sheekh ayaa si dirqi ah kaga badbaaday madaafiicda ka dhacda Lidka diyaaradaha oo XSHM ,Qalqal xoogan oo soo wajahay diyaaradda waxey u carartay dhanka Badda waxeyna ugu dambeyntii ku degtay fagaaraha Tabuuk’waxaana sidoo kale qalqal iyo cabsi xoogan soo wajahday   Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday.

Waxaa iska cad in aan waxba  in guushii ay sheegteen amisom iyo Maleeshiyo beeleedka Dowladda ay tahay mid aan dhamaystireen maadama aysan waxba ka qaban karin weerada ka yimaada XSHM,waxaa kale oo la wada ogyahay inaysan soo qaban hal wiil iyo qorigiisa,taaso ah guuldarada haysa kuwa soo duulay.

 

 

Wixii ka soo kordha la soco.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:-Wiil Yar oo Ciidamada Shisheeye”AMISOM” Gabay u Tiriyey.

32245514

Wiil yar oo Magaciisa ku soo gaabiyey Osama ayaa Gabay u tiriyey Ciidamada shisheeye ee Amisom sidoo kale Wiilkaan wuxuu sheegay in uu Kitaabka Ilaahay iyo Sunada Nabiga CS uu ka bartay in aan gaalo wanaag la doonaynin Muslimiinta ee ay dagaal kula jiraan hirgalinta Shareecada Islaamka!.

Dumarkii Muslimiinta iyo Caruurtii wali waxay ku sugan yihiin Fidradii Islaamka, halka Wadaaddadii Kitaabada Towxiidka Akhrin jiray ay ka xuubsiibteen Shareecada Islaamka!.

32245571

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:- Abwaan Heelaale muxuu ka yiri Gumaysiga ku Gabgable leh Gayiga Soomaaliyeed.

32235018

DHAGEYSO:-Nikolas Key oo soo fara Galiyay Xiisadda Puntland iyo Galmudug.

32161431

Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya N/key ayaa soo fara galiyay xiisaddii maalmahanba ka dhex oogneyd labada Cabdi ee kala hogaamiya maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

N/Key oo la hadlay labada dhinac ayaa ku taliyay in la joojiyo xiisadda isagoo ballan qaaday iney jiri doonaan qodobo lagu kala boxo oo dhinac walbaahi ka daweynaya tabashadiisa.

N/key ayaa Cabdi Qeybdiid amar ku siiyay inuu ka laabto go’aankiisii ahaa inuu xiran yahay garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay in shalay uu shir jaraa’id qabto Cabdi qeybdiid kana tanasulo go’aankii hore.

HOOS KA DHAGEYSO

32161467

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Qax ka jira Jowhar.

32040371

Wararka naga so gaaraya magaalada jowhar ee gobolka SH/Dhe xe ayaa sheegaya in Xaafado katirsan magaaladaasi dadka ay bilaabeen inay kabarakacaan kadib markii saaka Lagu soo toosay  Wabiga Shabeele oo kudhow inuu Karkaarka jabsaday xili wabiga Shabeele uu dhawaan fatahaad ka sameeyay deegaano SH/Dhaxe sida deegaanka Xawaadley ee hoostaga degmada Balcad.

Dad ku sugan Jowhar ayaa sheegay in xaafado kamid ah Magaalada Jwohar dadka ay bilaabeen inay isaga so baxaan una guuraan meelo  kale ama daafaha magaalada kadib markii xaafadaha qaar Looga baqay inuu Saameen ku yeesho fataahaad uu sameeyo Wabiga Shabeele.

Inkasta oo fatahaad uu wabiga Shabeele dhanka iyo Jowhar kasameeyay jirin hadana shacabka ayaa ah kuwo kabaqaya in wabiga uu fatahaad sameeyo.

Ma muuqato wax maamulka dowlada Soomaaliya ugu magacaaban magaalada jowhar ay kaga hortagayaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeele.

Deegaanka Xawaadley ayaa dhawaan wabiga Shabele uu fatahaad kasameeyay inkasta oo Fatahaadsi aan lagu tilmaamin mid buuran hadana waxay saameen kuyeelatay dadka shacabka ah.

Jowhar ayaa sanooyin hore nabad ahayd,waxaana  ka jiri jiray  dagaal adag lagu qaaday  wabiga inti iaysan gaarin Amisom iyo Maleeshiyaadka Cabdi Jiinow ka hor,kuwaas oo fuqsaday ama qaatay Alwaax loo dhigay inay biyaha celiyaan.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

Gabar 14 Jir Soomaaliyeed ah oo 40 Madaxweyne ay Waddankeedu ka taliyaan Africaan Aids qabana uu Arladeeda ku kufsaday baan ahaye Yaan eersadaa Dadoow??

32025040 (1)Ayaan baa la’i yiraahdaa magaceyga 14 Sano ayaa ii buuxsantay Waxana aan ku noolahay Casimaddii Waddankeyga Soomaaliya. Su’aasha aan soo bandhigay ee ah yaan eersadaa maanta?, Waxan weeydiinayaa nafsaddeyda ee ma weeydiinayo Soomaalida Lab iyo dheddiga leh ee Qoraalkeygan Aqrisan doonta, Maxaayeelay, Waxan hubaa in Xitaa jawaabta Su’aashaas aysan ku heshiin karin oo ay Qolaba meel la’aadeyso, Waxana uusan caad iga saarneyn in Qof walboo Soomaali ah oo isku daya in uu Su’aashaas ka jawaabo uu Eedeyn dusha kaga tuurayo Qabaa’il ama Jufooyin aan ahayn Kan uu isagu kasoo jeedo, Isagoo Jufadiisana ceeb ka-saliim ka dhigaya.
Anigu inta aanan isaga jawaabin Su’aashaas aan nafsadeyda weeydiiyey horta aan waxyar ka sheego Mashaqada igu dhacday iyo Afrikaanka i kufsaday ee Caasimadeyda igu dhex kufsaday, Iyo Weliba cidda u fududeysay in uu i kufsado iina geysay.

Waxan Maalin Arboco ah Daawo u doontay Xerada Xalane ee ay Afrikaantu ku leeyihiin Isbitaalka Baas ee Haweenka lagu dago ee Xalane, Anigoo Daawadana uga raadiyey Hooyadeey oo aad u xanuunsaneyd, Waxana aan weliba Xalane ku tagay qaab Muqalasnimo ah oo Wiil Soomaali ah oo Turjubaan ka ah Xero barakacayaal ah oo aan kusoo qaxnay markii Dagaalladu ay ka dheceen Gobolka Sh/Hoose ayaa iifududeeyay in aan galo Xeradaas Xalane.
Walaakeey oo 13 jir ah oo markii hore loo qorsheeyay in Dawada uu ka raadiyo Xalane waxaa diiday Wiilkii Turjubaanka ahaa oo waxa uu talo ahaan inoogu sheegay in ay dhici karto Wiilkan in lagu dhego oo lagu shaabadeeyo Qolyaha Dhallinyarada ah ee Dagaalka ka wada Soomaaliya, Sidaa beyna ku dhacday inaan Aniga Dawada Hooyadeey u raadiyo. Xerada waxaa kusoo qaxay Aniga Hooyadeey iyo Walaalkeey oo qura, 6 kamid ah  Qoyskeenna oo uu Aabahey ku jirayna waxay ku dhinteen Dagaalladii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay Sh/Hoose, Waxay ahaayeen 4 Wiil iyo Gabar walaalahey ah iyo Aabahay, Madaafiic iyo Xabbado Wiifto ah ayaa dishay, 3deenna oo kaharay Qoyskeenna ayaa Xeradaas barakacayaasha kusoo qaxay.
Ma doonayo in aan waqti dheer idinkaga lumiyo sharraxaadda dhammaan wixii dhibaato ahaa ee aan soo marnay, balse nuxurka ayaan idinkaga taabanayaa Mushkiladda igu qabsatay Xero baaska Xalane, Waxa dhacday in Turjubaankii Soomaaliga ahaa ee joogay Xerada aan degganeyn markii aan tagay Xalane uu si toos ah iigu shirqoolay 7 Ugaandheys ah oo halkaa igu sugayey, waxay ila galeen Guri ku dhex yaalla xeradooda si aan macquul ahayn ayeyna ii xoogeen (Kufsadeen) oo Anigoo saanta la dhac-dhacaya ayaa laad la’iiga soo saaray Xeradii Xalane.Waxaa Xeradii barakacayaasha ee aan ku jiray igu soo celiyey Haween Soomaaliyeed oo Xerada Albaabkeeda iga soo qaaday oo ii sheegay in ay ka shaqeeyaan Hay’adaha Xuquuqda Dumarka oo i wareystay Mushkiladda igu dhacdayna aan u sheegay, waxana markii ay Xeradii aan ku noolaa ee barakacayaasha i keeneen ay igula taliyeen in aanan warbaahinta la hadlin si aanan la’ii xirin, Iyagoo iga ballanqaaday in Dhibaatadeyda ay gaarsiin doonaan madaxda Dowladda iyo hay’adaha ku shaqada leh Arrimahan ee United Nationka.

Haweenkii maalmo kadib beey igu soo noqdeen Iyagoo ii sheegay in madaxdii Dowladda ay Waraaqo u direen Hay’adda Xuquuqda Aadana u dooddana weey ii keeneen oo halkaas baa Wareysi la’iiga qaaday Maqal iyo Muuqaal ah.

Wiilkii turjubaanka ahaa ee iishirqoolay Afrikaanta Maalintaas ayaa iigu dambeysay Xeradiina waa laga bedelay oo Wiil kale oo isna howshiisii xerada kasiifuliya baa la keenay Xerada, Maadaama Qorshuhu uu ahaa in hadba Ninkii wax shirqoola Xerada laga bedelo oo mid kale lagu soo bedelo, Si Howshaas kufsiga ah ay meesha uga siisocoto.
Waxyaabaha aan la’ooyay Ciilkana igu reebay ee aan ka seexan la’ahay waxa kamid ah Wiilka Walaalkeey ah ee Soomaaliga ah ee iishirqoolay Cawaanta Afrikaanta ah, Waxa kale oo aan aad ula qarracmay Hadalka ay gabdhihii isoo qaaday ay igu yiraahdeen ee ahaa “Naa Warbaahinta haddaad la hadasho oo dhibka kugu dhacay aad u sheegto Madaxda Dowladdu weey ku xireysaa”, Bal u fiirso waxaas, Waxan is weeydiiyey Madaxda baas Iyagu Gabdho miyeysan dhalin, Mas’uuliyadda iyo madaxtinnimada halkeeda haba joogtee?,.
Waxan kaloo aad uga murgooday Dhibka Kufsiga ah ee Gabdhaha Soomaaliyeed lagu hayo ee aysan jirin cid moog iyo cid ay laxaw ku hayso oo ka gadoodaya, Weliba qofkii Dumar ah oo ku dhiirada in uu ka hadlo oo dhibkiisa sheegtana Xabsi baa la geynayaa oo lasii jirdilayaa Kufsigii ay ka cabaneysay baana loo joogteynayaa iyadoo Xabsigaas ku jirta.
Waxan iskula hadlay “Maxaa Soomaali kaa dhaliyey”, Anigoo u qaatay in Soomaalidu yihiin Dadka ugu Nasiibka daran Dunida, Uguna Damiirka xun, Waa intooda badane, Waxana aan is tusay oo aan iska dhaadhiciyey si aan u samro inaan eego Dadka iga daran ee Xerada igula jira oo dhibka i haysta mid ka daran uu xerada ku dhex haysto.
Su’aalo dhowr ah oo qalbigeyga kusoo dhacay tii iigu dhibka badneyd ayaa noqotay “Ayaaneey yaad eersataa?.
Horta marka ugu horreysa waxan ka dhex bixi waayey in aan eersado nafsaddeyda oon ku canaanto inaan Aaminay Wiilkii Turjubaanka ahaa ee Daawada Xalane kasoo doono igu yiri (Naive) qofsifudud loo ajari karo in aan ahaybaan isku canaantay, Waxan kaloo isku eedeeyay in aan sideydaba rumeystay Qof Soomaali ah, Anigoo isula sheekeystay Dadka aan ka dhashay in ay yihiin Dad aad u liita oo aan waxba laga rumeysan karin, Waxba aan la’aamini karin, Wax walba kugu shirqoolaya, Cid walbana kuu shirqoolaya xitaa haddii aad tahay qofka dad ugu xiga.
Raadiyaha markaan ka maqlo Afartanka Madaxweyne Jufeed, Iyo Afarta Boqol ee Wasiir-beeleed ee ay soo xusheen,Matag baa igu soo istaaga, Waxana aan filayaa Maanta Silicdilyeyn (torture) waxa iigu filan in Maalin walba aan Idaacadaha ka maqlo Kuwaas Madaxda sheeganaya oo dhammaantood Anigu aan is leeyahay waxa ay la mid yihiin Wiilkii Turjubaanka ahaa ee iishirqoolay Afrikaanta Aidiska qabta ee Arligeyga igu kufsaday.

Ugu dambeyntii Waxan is leeyahay Kuwaas Madaxda Soomaaliya sheeganaya Eed iyo dhaleeceyn xitaa xaggeyga kama astaahilaan, maxaayeelay qofka la eedeynayo ama la dhaleeceynayo waa Qof Wanaag laga filayey laga waayey ama Qalad aan laga fileyn ku dhacay, Marka Kuwaasi Anigu Awalba Wanaag kama fileynin, Xumaan aanan ka fileynin oo cusubna ma aysan sameynin, Sidaadarteed ayaanan Waqti ugu lumineynin inaan dhaleeeceeyo, Balse waxa ila qumanaatay oo iisoo baxday in Maanta Anigu aan Nafsaddeyda eersado!!!!.

Walaashiin Dhibbane Ayaan!!

In Somalia don’t dare touch their women

32025040

If anyone of us believes that the African soldiers “Peacekeepers” come to Somalia or elsewhere in Africa for “mercy” missions, we better think twice. The following is what the Chief of Staff of Uganda told his soldiers when they were under training to go to Somalia.  This is probably part of the statement of the Ugandan Chief of Staff that could be made public. However, it is enough information on their miss-behaviour during their mission abroad.

According to Lt. Gen. Aronda Nyakairima, Uganda’s Military Chief, this group of soldiers were in the Congo (DRC) on similar mission.

Mind you foreign soldiers can do whatever they wish with ZERO punishment as they enjoy immunity and they can be taken to court only in their homeland. About the “Sexual Exploitation and Abuse (SEA) by African Union Forces in Somalia”, issued by Human Rights Watch (HRW)” see the African Union reaction.

The New Vision of Uganda on 7 March 2005 published a report in which it quoted Lt. Gen. Aronda Nyakairima, Uganda’s Military Chief as saying to the Ugandan soldiers under training for the said development in Somalia: “IGADSOM” would be deployed throughout Somalia, with the exception of the self-declared republic of Somaliland. We shall deploy from Puntland all the way to the south.”

“We hail your shining achievement in helping clear the LRA (Lord Residence Army) from Tesso, Lango and Kitgum, flushing the terrorists back to southern Sudan, killing some, capturing others, recovering weapons, and rescuing inductees.”

While the General spoke hundreds of the soldiers yelled, “Tuko tayari. Tuta songa mbele. Kazi tutaifanya (we are ready. We move forward. We shall execute the assignment).

The General does not warn his officers that action will be taken in case of repetition. He only advises them:

“Unlike in the past when commanders were mobile merchants, don’t command and operate kiosks. Don’t steal soldiers’ salaries. Behave well. Learn their culture. Somalia is not like the DRC, where we sent 400 soldiers and received back 600 including 200 wives. In Somalia don’t dare touch their women.” There was thunderous applause to the statement. He went on to caution: “Guard against HIV.” “You are young and healthy. Remember HIV/AIDS kills.”

A week later, President of Uganda, Yowery Museveni, as the Chairman of IGAD, speaking at the IGAD Defence Ministers’ meeting in Entebbe said on 15 March 2005: “We are going to deploy with or without the support of the warlords,” “Why should the warlords for example reject Ethiopia and Kenya?” He rhetorically asked: “If the two countries go there, what will happen?” “What are we waiting for? “You should work out the deployment programme as soon as possible”, he said.

Nearly ten years later, on September 9, 2014, the Somali Government expressed about the allegations of rape against Somali women and girls by African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops.

“The government condemns all forms of abuse against the Somali people and remains committed to ensuring perpetrators of any crime against its civilians are brought to justice,” Somali prime minister’s office said in a statement.

Human Rights Watch (HRW) released a report recently that drew upon 21 interviews with women and girls that said AMISOM soldiers had committed rape and traded food aid for sex.

The soldiers that the Uganda government selected for Somalia ten years ago, in 2005, are those who have committed all that General Nyakairima told them not to repeat again. But the call has fallen into deaf ears. Somalis cared less about the merchandise they bring in the streets of Mogadishu. But rape of girls and mothers is indeed humiliation.

As for the current event of rape by the African forces, a statement issued by the Somali Prime Minister’s office said: “The government condemns all forms of abuse against the Somali people and remains committed to ensuring perpetrators of any crime against its civilians are brought to justice.”

In the latest events, if the government of Somalia is convinced that rape has in fact, taken place, it is “committed to ensuring perpetrators of any crime against its civilians are brought justice”

According to BBC news report dated 8 September 2014, said “Last year, there was a huge public outcry following claims that AU and government soldiers had gang-raped a woman in Mogadishu.

A joint investigation by the AU and government dismissed the allegation as unfounded, even though neither the woman nor independent witnesses had been interviewed.

Only one rape case, in which the victim was a child, is before Uganda’s military court in Kampala, BBC added.

The best way to deal with such abuses committed by those who claim  immunity  although their crime has nothing to do with their official duties,  is to ask their governments to strip the immunity from them so that they can be brought to  justice.  If the response is negative, then the Somali Government has no alternative but to declare the perpetrators of crime against Somali civilians PERSONA NON GRATA and order them to leave the country within 24 hours.

So, for their heinous action against Somalis, particularly women and girls, they have to pay the price by losing their immunity, privilege and handsome salaries etc.. And the Somali people and the families of the victims will note that the Somali government has taken the necessary steps before they are taken to a Court of Justice.


Mohamed Osman.
mohd.osman75@gmail.com

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

VIDEO:-Afhayeenka AMISOM Jabuutiyaanka Cali Xaamud oo difaacay Kufsiga AMISOM, una gafay dadka Soomaaliyeed.

31998102

Su’aalo adag oo la xariira  Warbixiintii dhowaan soo baxday ee ku aadan Kufsiga iyo Galmada Khasabka ah ee Ciidamada Amisom ay u gaystaan Haweenka Soomaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa waxay noqotay mid aad u kulul, Waxaana Afhayeenka Amisom uu gaashaanka ku dhuftay arintaasi, Wariyahaa ayaa u akhriiyey Warbixinta kadibna waydiiyey Maxaad Beeninaysaa In Ciidamada AMISOM ay kufsadeen Haween soomaliyeed adigoo Difaacaya SUMCADA Amisom !!.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Idaacadaha KULMIYE iyo SIMBA ee Muqdisho oo Maanta Albaabda la isugu dhuftay iyo Guure oo Godka Jilicow la galshay.

10593044_563997917037448_8394943390874127793_n

Khaliif Ereg oo ku magacaaban wasiirka arrimaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa isku dayaya in uu afka qabto saxaafadda kadib markii uu ku fashilmay sugidda ammaanka Muqdisho.

Idaacadaha Shabelle iyo SKY News ayaa muddo ka badan bil albaabadu u xiranyihiin iyadoona wariyaal iyo mas’uuliyiintii idaacadahaasi xabsiga Godka Jilacoow ku xiranyihiin.

Go’aan isbuucii lasoo dhaafay kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda isku magacaawday ayaa amar lagusiiyay saxxaafadda madaxa banaan in aysan baahin karin codka mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin tallaabadaasi oo ay ka caga jiideen intabadan warbaahinta madaxa banaan.

 

Idaacadda Simba oo xalay baahisay kalimad uu jeediyay Sheekh Cali dheere ayaa albaaba loo laabay,mid kamida howlwadeenada idaacadda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wajiyad soo xirtay ay gudaha ugaleen idaacadda ayna amar ku bixiyeen in hawada laga saaro FM-ta.

Sidoo kale idaacad xarunteedu tahay guriga hooyooyinka ayay xireen ciidamada Naba sugidda waloow aan la ogeyn inta ay idaacadaasi sii xirnaan karto.

Radio Kulmiye ayaa albaabada loo laabay iyadoona maamulkii idaacadda  Abwaan Guure ayaa lagu  riday  xabsiga Godka Jilacoow,magaalada Muqdisho waxaa ka socda caburis kii ugu darnaa abid oo ay la kulanto saxaafadda Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Sheekh Kaba Kudukade: “Dabin ayaan u dhignay shisheeyaha, waana u diyaarsannahay”

31897083

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba kudukade waaliga Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in ay qidad wanaagsan u dageen ciidamada shisheeye islamarkaana ay rajeynayaan in gobolka Sh/dhexe noqdo qabuurohoodii.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka war bixinayay dagaal khasaare badan dhaliyay oo mujaahidiinta iyo shisheeyaha ku dhex maray degaanka Fiidow isagoo sheegay in sadax gaari ay ku gubeen dagaalka kuwaasoo mid kamid ah ay leeyihiin shisheeyaha, halka labada kale laga gubay dowladda.

Sh/Yuusuf Kaba kudukade ayaa guud ahaan ummada Soomaaliyeed u dardaarmay iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa shisheeyaha kusoo duulay.

HOOS KA DHAGEYSO

31897224

Voice Of Somalia-Banaadir Post