GABAYO

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN.

36288010

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste.

1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee Gloucester (Henry William Frederick Albert) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska.

Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah.

Hal abuurka, Maxamed Ismaaciil Baasarce “Balaayo-Cas” ama loo yaqaan “Barkhad Cas” isagoo diidan in ninkaas la soo dhaweeyo, sheegayana xumaanta
uu Gumaysigu leeyahay , wuxuu yidhi:ii

Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki
karin.

Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo  ay soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimo ku sheegii 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin.

“Awowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay addoonsaday
Ninkii anigana i iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey
Lidaan li’i baa ishaa i bidee
Haddaan ogohoon ka aarsan karayn
Haddaan, Aadanow, unuunka jarayn!

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Isagoo Iglan jooga buu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimaysoo
Waa taa aramidu i oofa tirtee
Asaag li’i baa ishaa i bidee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!Arladii ka samroo adduun ma hayee
Haddii la ilaashay afkaygii
Haddaan ikhtiyaar aqoontay hadlayn
Haddaanan erey qudha shirkaa odhanayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Wixii arrineen Ilaahay jecleyn
Haddaanan addimada ku oolin karayn
Aayaadka Quraanka wada aragtoo
Udgoonena yidhi “Indhaha ka qarshee”
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!

Ugaadha ninkii dhaqdee ururshaa
Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee
Raggiinnii ogaa horruu u arkee
Ninkii ooridiisa u geynahayow
Inkeeg iyo shaal ayuu ku arkine
Iimowdey axankaaga weynee!

Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey
Abuuriin lo’da joogta baa urisee
Oodday jebisaa in ay u dhacdoo
Anshaxuu markaa ka guraa idilkeed
Waa kaa Ingiriis iidahayee
Idinna u dabbaaldegoo ariyahow!
Ayaanu ninna oran “Soomaalaan ahee”
Ordoo magacana ka iibsada!

Maxamed Ismaaciil (Barkhad-Cas) – 1925 – 1962.