TAARIIKH

Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan

36300746

Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa ninkii ugu horreyey oo la dagaalamay isticmaarkii reer Yurub, wuxuu ku dhashay Balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo 7 Mayl waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle, markii taariikhdu ahayd 7dii bisha Abriil 1856dii. Sida la sheegay, Sayid Maxamed wuxuu Qur’aanka dhammeeyey asagoo 10 jir ah. Markii uu 19 jirsadeyna wuxuu noqday sheikh laga dambeeyo oo aqoon diimeed oo fiican leh. Sayid Maxamed wakhtigaas kadib wuxuu aqoon kororsi u aaday Harar, Muqdisho iyo meelo kale.

Markii dambe wuxuu aaday Makka iyo Madiina asagoo la socday 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen si ay u soo xajiyaan. Intii uu Makka joogey wuxuu la kulmay Sayid Maxamed Saalax oo uu wax ka bartay. Taasina waxay dhaxalsiisay Sayid Maxamed Cabdille Xasan inuu ka mid noqdo dariiqada Saalixiyada oo ka jirtey Makka wakhtigaa.

Markii uu Berbera ku soo noqday sanadku markuu ahaa 1895kdi, ayuu wuxuu bilaabay inuu wacdiyo dadkii reer Berbera oo ka waaniyo Cunista Qaadka iyo dhaqamada shisheeyahu keenay waddanka sida cabida khamriga IWM. Magaalada Berbera markaas waxaa ka jirtey dariiqada Qaadiriyada, culumadii joogteyna uma guuxin dariiqada Saalixiyada ee uu Sheekhu la yimid.

Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa sii kordhiyey halgankiisa fidinta diinta Islaamka iyo la dagaalanka isticmaarka markii uu arkey xarun laga furay Berbera oo dad Faransiis ahi ka fidinayeen diinta masiixiga, Waxaase taas ka sii darnayd markii uu la kulmay wiil yar oo xarunta masiixiga jooga, oo yiri magacayga, waxaa la yiraahdaa John Cabdillahi (Lewis, 2000).

Markaa kadib Sayid Maxamed, wuxuu bilaabay inuu abaabulo rag la dagaal gala si gumeystaha diinta masiixga waddanka ku fidinaya loo eryi laha. Sanadkii 1897dii Sayidku wuxuu u kacay xaga miyiga Burco si uu taageero ugu helo halgankan cusub oo uu bilaabay. Sayidku wuxuu degey ceel la yiraahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco kana xiga geesta koofur-bari. Halkaas wuxuu Sayidku ka dhisay unugii ugu horreyay ee ciidamadii Daraawiishta, Ciidan xoog leh oo gaaraya 5,000 oo nin ayaa Sayidku isu dumay sanadkii 1899kii, wuxuuna iclaamiyey jihaad uu ku qaadayo isticmaarka khaasatan Ingiriiska iyo Xabashida. Sanadkaas warqado hanjabaad ah waxaa isweydaarsaday Sayidka iyo qunsulkii Ingiriiska u joogey Soomaaliland. Halkaasna waxaa ka bilowday dagaalkii uu Sayidku la galay dowladahii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida oo socday muddo 20 sano.

Ciidamadii Ingiriiska dagaal ayey ku soo qaadeen ciidamada Sayidka markii taariikhdu ahayd Abriil 1901kii, waxaana dagaalkaas loo yiqiin dagaalkiiAfbakeyle, goobtaasi waxay 40 mayl galbeed ka xigtaa magaallada Laascaanood. Halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacba geystay, waxaase libtii raacday Daraawiish oo ka adkaatay Ingiriis. Isla sanadkaas, Ingiriiska iyo Daraawiish, waxay isaga horyimaadeen dagaal kale oo ka dhacay meesha la yiraahdo Oodagooye oo u dhow Laascaanood, waxaa asna guuleystay ciidankii Daraawiishta. Sanadkii 1902dii ciidamada Daraawiishta oo ka koobnaa 15,000 oo nin, 12,000 oo ka mid ahi ay fardooley yihiin iyo 1,500 oo qoryo ku hubeysan, waxay mar seddexaad isku haleeleen ciidankii Ingiriiska meesha la yiraahdo Beerdhiga, halkaas oo khasaare ba’ani soo gaarey ciidankii Ingiriiska.

Dagaalkaas Beerdhiga kadib, ciidamada Ingiriiska oo dhammaa 2,400 askari, waxaa lagu soo kordhiyey 1,200 oo kale. Wuxuuna Ingiriisku qorsheyey iney Daraawiishta ka soo weeraraan seddex jaho, kuwa ka imaanaya dhinaca Hobyo si ay u qabsadaan Mudug, kuwa ku imaanaya wadada Berbera-Buuhoodle iyo ciidan 5,000 gaaraya oo Xabashi iyo saraakiil Ingiriis ah isugu jira, oo soo maraya dhinaca webiga Shabeelle si ay uga horjoogsadaan Sayidka inuu u baxsado dhinaca Soomaali Galbeed.

Ciidamadii ka imaan lahaa Hobyo, waxay socdaalkooda soo bilaabeen 22kii Febraayo 1903dii, waxaase dhacday in ciidamadii Daraawiishtu ay u gurteen dhinaca Walwaal iyo Wardheer, si ay uga baxsadaan dabinka loo dhigay. Sanadkii 1903dii, Daraawiishi waxay isku haleeleen ciidamadii Ingiriiska laba goobood oo ay ugu horreyso Gumburi, taas oo ay ciidamadii isticmaarku ku hoobteen. Meesha kale oo la isaga horyimid waxay ahayd Daratoole oo iyana dagaal kharaari ka dhacay. Dagaalladaas ka dib Sayidku, wuxuu u guurey Nugaal.

Ciidamadii Daraawiishta iyo ciidankii Ingiriisku waxay kaloo dagaal isaga horyimadeen meesha la yiraahdo Jidbaale. Dagaalkaas ciidanka Ingiriiska oo dhammaa 8,000 askari iyo kuwa Daraawiishta oo lagu qiyaasay 6,000 illaa iyo 8,000, waxaa lagu jabiyey ciidankii Daraawiishta, oo waxaa soo gaaray khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Sanadkii 1904tii dagaalka Jidbaale kadib, Sayidka iyo ciidamadiisii waxay u guureen Bari, markii ay ballanqaad ka heleen Boqor Cismaan.

Sanadkii 1905tii, dowladihii Talyaaniga iyo Ingiriiska waxay isla ogolaadeen in Sayidku uu yeesho dhul uu asagu xukumo oo aan lagu soo faragelin. Waxaa la isla ogolaaday inuu xarun ka dhigto magaalada Eyl. Heshiiska Illig, waxaa jebiyey dowladihii saxiixay kadib dagaalkii kowaad ee aduunka, ayagoo dagaal ku soo qaaday ciidamadii Sayidka. Sanadkii 1907dii, Sayidka wuxuu sii waday halgankiisii uu isticmaarka kula jirey khaasatan ciidamadii Ingiriiska, asagoo dib ugu soo noqday dhinacii Ingiriisku xukumay.

Sanadkii 1913kii, ciidamada Daraawishta, waxay dagaal ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska oo saldhigoodu ahaa magaalada Burco. Halkaas Daraawiishtu waxay geysatay khasaare aad u baaxad weyn, waxayna soo dhaceen xoolo farabadan. Ciidan uu wato Richard Corfield nin la oran jirey oo madax u ahaa ciidamadii Ingiriiska (Camel Corps) iyo raggii lahaa xoolihii Daraawiishi soo dhacday, ayaa soo raacdeystay Daraawiishta iyo xoolihiiba. Xoolihii oo maraya meesha la yiraahdo Beer, ayey garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda. Waxay isku haleeleen buurta Dulmadoobe, taas oo ciidankii Ingiriiska lagu jebiyey. Goobtaas waxaa lagu dilay Richard Corfield oo Soomaalidu u taqaan Koofil, waxaana Sayidku u tiriyey gabay dheer oo aan intan yar ee soo socota ka soo qaatay:

“Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeyne

Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede

Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jahato

Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleye

Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto

Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar igama deyn tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinii dheh.”

Ciidamadii Ingiriiska markii ay u caalwaayeen Daraawishta Sayidka, waxay isticmaaleen diyaarado ay ku duqeeyeen xarumihi Daraawiishta. Bishii Jannaayo sanadkii 1919kii ayaa Ingiriis ka soo duuley cir iyo dhulba. 8dii diyaaradood ee ugu horreyey, waxay duqeeyeen meelaha la kala yiraahdo Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo ay Daraawiishtu qalcado ku lahaayeen. (Sh. Jaamac Cumar Ciise, 1974).

Daraawiish markii ay aragtay in lagula dagaalamay hub aney haysan, waxay go’aansatay iney u guurto koofurta Soomaaliya oo ay xarumo ku lahayd. Waxay degeen meelaha la kala yiraahdo Qorra, Shinniile iyo Horushagax. Daraawiishtii oo dagaal rogaal celin ah isu diyaarineysa ayaa waxaa ku dhacay cudur saf mar ah oo rag badani u dhinteen, intii kalena waxaa ku soo duuley oo laayey ciidan Ingiriisku soo dumay oo Soomaali u badnaa madaxna uu ka ahaa nin la oran jirey Sir Archer. Daraawiish wixii ka haray, waxay u baxsadeen Qarrijiqood oo ay markii dambena uga sii gudbeen Iimey oo ah meeshii Sayidku ugu dhintay cudurka duumada.