WAREYSI-Tarsan Oo Muujiyay In Dalku Gumeysi Ku Jiro.

33539666

Tarsan ayaa sheegay in dowladdu ku fashilantay federalka sababo la xiriira isagoo qabyaaladeysan oo sabab u noqday kala qeybsanaan iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah.

Waxa intaa dheer oo uu tarsan sheegay in Federalku uu yahay qorshe ay shisheeyuhu wataan oo dowladda Xassan Sheekh sanka laga galinayo ama lagu dirqinayo, wuxuu tusaale usoo qaatay wixii dhacay markii ay dowladdu diiday maamulka Axmad Madoobe xilligaasoo uu sheegay in Xabashitu dowladda ku amartay iney aqbalaan maamulkaasi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd: N/key waxa uu isaga kala gooshaa gobolada dalka iyadoo la og yahay in maalin maalmaha kamid ah uu Subaxeedii ka quraacday Muqdisho, duhurkeedii ka qadeeyay Garowe, habeenkeediina ka casheeyay Hargeysa, Xassan Sheekhna sidaas oo kale uma tagi karo gobolada wadanka ee maxaa dhacay? ayuu ku jawaabay in taasi muujineyso cuqdada la kala dhex dhigay Soomaalida, isagoo dhaliilay Xassan Sheekh.

Sidoo kale marka la eego sida ay dowladda awaamiirta uga qaadato shisheeyaha ayuu Tarsan ku tilmaamay dullinimo ay sabab u yihiin madaxda dowladda “Haddaad daciif iska dhigtid oo aad weydiiso sidaas musqusha u tagi lahayd, fageytada saad u qabsan lahayd, meesha aad cuntada ka cuni lahayd waa nasiib darro” ayuu yiri Tarsan isagoo madaxda dowladda u sheegay ineysan macquul ahayn iney ummad hogaamiyaan marba haddii iyaga la hogaamiyo.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay wadooyinka u xiran dowladda iyo ciidamada shisheeye, wuxuu sheegay inaan dhagxaan lagu sugi karin ammaan loona baahan yahay in dhibka laga dul qaado shacabka gobolka Banaadir.

Tarsan wuxuu kusoo caan baxay bannaan baxyadii looga soo hor jeeday duullaankii Xabashida ee Muqdisho, waxaana la weydiiyay su’aal ku saabsan waxa iska badalay mowqifkii wadaniyeed ee uu ku muujin jiray sida aanu u ogoleyn in ciidamada Xabashidu joogaan ciida Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii hogaamiye kooxeed Barre Hiiraale uu shaaca ka qaaday in dalku gumeysi ku jiro isaguna uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Tarsan

33539732

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta Maareeye ”Dowladdu wax taageero ah kama heysato Shacabka Soomaaliyeed”

33462969 (1)

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan dowladdu wax taageero ah kama heystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney shacabku aad u mucaaradsan yihiin dowladda heer ay gaareen buu yiri’ ineysan canshuur inoo ogoleyn.

Inkastoo ay dowladdu ganacsatada xoog uga qaado lacagaha canshuurta ayaa haddana waxaa jira iney eedo badan kala kulanto ganacsatada.

Waxaa madaxda dowladda la weydiiyaa hadeysan ammaankeena sugi karin oo ciidamadiinu na dhacayaan sidee baan canshuur idiinku siinaa.?

Cabashada dowladda ee ah ineysan wax taageero ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneeyaa iyadoo la shaqeysa shisheeye taasoo keentay in  shacabka oo ilaashanaya caqiidadooda ay xiriirka u jaraan dowladda.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

DHAGEYSO:-Cabdi Waal “Xasan Sheekh iyo Maleeshiyaad Calooshood U shaqeystayaal ah ayaa kusoo duulay Shacabka Guriceel”

33324737 (1)

Siyaasiga Cabdi Nuur Siyaad oo mid ahaa dagaal oogayaashii Soomaaliya ayaa ka hadlay colaadda ka aloosan magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Cabdi Waal oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in Xasan Gurguurte uu mas’uul ka yahay wax uu ugu yeeray gummaadka dadweynaha Guriceel.

Dagaalladii maalmo ka hor ka dhacay Guriceel ayuu ku sifeeyay kuwa dadka deegaanku ay isaga difaacayeen maleeshiyaad kusoo duulay isagoo DF-ka eedeeyay in ay dalka ka iibisay shisheeye.

HOOS KA DHAGEYSO

33324737

Voice Of Somalia-Somali Leaks

MARKA AY NOOL YIHIIN WAA CIIDAMMO MARKII LA LAAYANA WAA SHACAB!!!

بسم الله الرحمن الرحيم 

  وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياءوالمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

33011068

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Cabdullaahi Maxamed Xirsi, looguna yeeri jiray Salaan Carrabey ayaa gabay uu tiriyey qarnigii hore waxa mirihiisa kamid ahaa:

Xeerbeegti murantaa gartay, xeelli hadashaaye,

Afku wuxuu la xoog yhahy magliga xawda kaa jara’e

Xaasha’e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaabe.

Tuducyan yar oo muujinaysa in hadal aan macno ku fadhiyin, beenna u badan uusan ninka ragga ah waxba yeeli karin, in la xasdo mooyee. Gabaygan iyo cinwaanka maqaalkaba waxa aan u soo qaatay, caqli xumo iyo been-been dhaaftay oo afkooda laga kari waayey qolada dawladda sheegata, Taankiga calooshood u shaqaystayaashana saaran, sida geed geed kale ka baxay ama geed saar oo kale ah. Qoladaasi waa qolo caadeysatay been aan, runtii, ahayn mid maskax iyo xirfad ku dhisan. Beentaasi waxa ay gaadhay in ay inkiraan ciidammadooda marka laga laayo, ama goobaha ay saldhigyada ka dhigtaan la weeraro. Waa kuwo ku hadaaqa, marka dhib gaaro in ay yiraahdaan waxa la laayey waa dad shacab ah, iyada oo cid waliba og tahay in meelaha ay qurunka iyo xaaraanta ku haystaan aan shacab imaan karin, soona haweysan karin.

Sida la wada ogsoon yahayba rugaha ama goobaha ciidammadu ma aha mid dad rayid ah loo oggol yahay ama ay suuurtagal tahay in ay galaan, mana jirto wax dan ah oo ay ka raadsanayaan, dadkuna waa og yihiin meelaahasi in ay yihiin meelo yool ah, weerarna saaran yahay saacad walba.

Beenaha ay sheegaan waxa kamid ah:-

1.waxa weerar lagu qaaday xarunta ciidammada amniga ama nabadsugidda, waxa uuna ahaa mid fashilmay, waxaana ku waxyeeloobay, dhawr qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay laba ama hal askari. Dadka shacabka ah ee geeriyooday waxa ku jiray Islaan shaah meesha ku gadanaysay iyo laba islaamood oo ahaa dadka tuugsada(baryootama).

2.Wararka beenta ah oo ay fidiyaan waxa kale oo kamid ah, qolada nabad-diidka ayaa weeraray xarumaha ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaana ku waxyeeloobay dad shacab ah oo baaris caafimaad u joogay Isbitaalka ciidammada nabad ilaalintu gacanta ku hayaan.

3.Qof naftiisa halaagaya ayaa weerar ku soo qaaday ciidammada qaranka oo socdaal ku jiray, iyaga oo ammaanka sugaya, waxaana soo dhex galay gaari laga soo buuxshay waxyaalaha qarxa, waxa uuna ahaa mid ay fashiliyeen ciidammadu, waxaana ku waxyeeloobay gaari rakaab ah oo dad shacab ahi saarnaayeen, waxaana ku dhintay tiro dhawr shacab ah, waxaana dhaawac ka soo gaaray laba askari oo ciidammada amniga ka tirsan.

4.Waxa weerar lagu qaaday xaruntii Xalane ee ay fadhiyeeyn ciidammada dalka Gumeysiga ku haya, waxa ay weriyeen in ay ku dhinteen dad shacab ah, iyada oo la ogyahay in aan xerada Xalane shacab iyo kuwa dawladda sheeganayaa midna geli karin in dan laga leeyahay, oo meesha la geeyo mooyee.

Haddaba su’aasha la is-weydiin karaa waxa ay tahay marka ciidammadoodu nool yihiin ma ciidanbaa, markii la laayanna ma dad rayid ah baa?

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa dhawr maahmaahood oo ku saabsan beenta iyo sida beenlowgu mar walba u fashilmo, xataa haddii uu yahay mid xeelada iyo farsamoba badan. Soomaalidu waxa ya ku maahmaahdaa ”Beenloowoow xusuustaadu ha badnaato”, waayo haddii aad been badan tahay, ilowshiinyona ku darsato waxa laga yaabaa in aad adigu is beeniso, sidaa darteed beentii aad sheegtay ahow mid xusuusta.Waxa kale oo Soomaalidu tiraahda ”Been sheegoo, been run u ’eg sheeg”.

Arriimaha kale ee dhegaha dadka kusoo dhaca waxa kamid ah, haddii la weeraro kuwa Soomaaliga ku hadla ee darbiga u ah calooshood u shaqaystayaasha iyo calooshood u shaqaystaashaba, waxna laga laayo, waxa markiiba soo boodaya mid af-Soomaali ku hadlaya isaga oo beeninaya in wax laga laayey kuwa gumeysiga ah, wuxuuna sheegaa in kuwa Soomaalida ah dhawr laga dilay ama laga dhaawacay, laakiin uu geerida kala leexanayo kuwa uu darbiga u yahay ee dalka ku soo duulay.

Laba nin oo Soomaali ah, beenna lagu xanto ayaa mid kamid ahi kii kale ku yiri:- “been sheeg aan run u’ ekeysiiyee ama been aan sheego oo run u’ ekeysii”. Kii kale ayaa yiri been ayaan sheegayaaye run u’ ekeysii adigu. Mid kamid ah raggii ayaa soo booday oo yiri:- “nin ayaa inta uu qori qaatay Sakaaro ama Sagaaro, ninba sida uu u yaqaan, addinka dambe iyo dheg xabbad wada qabadsiiyey”. Markii uu intaas yiri, ayaa dadkii dhegeysanayey waxa ay ku jawaabeen “war beenta nagadaa addinka dambe iyo dhegta Sagaaradu isma soo gaari karaan, ninna xabbad kuma wada dhufan karee”. Kii dambe ee lagu ballamay in uu beenta run ka dhigo ayaa soo booday oo yiri:- “oo billaa xoqnaysay”, waayo Ariga iyo Sagaaraduba raafka dambe ayey ku xoqdaan, sidaa darteed waa suuragal in iyada oo xoqanaysa dhegta ay xabbadda la kulanto.

Haddaba waxa aad loola yaabo weeye in been intaa le’eg nidaam laga dhigto, dad badanina run moodaan, oo sida carruurtii la hadaaqaan, haddii aan qofku Alle(swt) ka xishoon waayana cid kale oo uu ka xishoonayaa ma jirto. Hadda iyo dan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed afka ha ku laynina marka idinka iyo gumeystaha aad la joogtaanba la laayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu-Cabduraxmaan)

DHAGEYSO:- Maxay yihiin Ciidanka Gaashaan”ALFA”,Yaa Sameeyay,Maxaa loo sameeyay?

33002479

Aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Yarow  ayaa sawir guud ka bixiyay ciidamada ALFA ama GAASHAAN  oo  ah magac looga yaqaan Muqdisho,wuxuuna sheegay in  Mareykanku u sameystay ciidankan.

Ciidanka Gaashaan ayaa ayaa waxaa gaaray qasaaro xoog badan ka dib markii qarax lala helay.

Aqoonyahanka ayaa intaa ku daray in ciidanka Alfa iyo kuwa lamidka ah ee shisheeye mari doonaan wadada kuwii iyaga uga soo horeeyay Soomaaliya iyo sidoo kale dhabbihii ay qaadeen ciidamadii Mareykanka ee ku duulay Afganistaan.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Sambalooshe oo loo wado Safiirka Kenya ka dib markii Beelaha Muqdisho diideen inow noqdo Duqa Gobolka Banaadir.

32241196 (1)

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Xasan Sheekh  uu Safiirka Kenya u magacaabi doono Abtigiis Sambalooshe, oo horey ugu fashilmey Safiirnimadii Ingiriiska  Iyo Hayada Nabad Sugida Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa  isku dayay inow abtigiis u dhiibo gobolka Banaadir  oo Muungaab laga qaado,maadama aysan isku fiicnayn Muungaab iyo Xasan,ka dib weerarkii Madiina iyo Axmed Daaci lagu qaaday,maxaa yeelay Muungaab iyo Axmed Daaci waxay isku yihiin jufo  hoose halka Xasan Sheekh yahay  Jugo kale.

Waxaa diidmo cad  kala hor yimid Beelaha dega gobolka Banaadir in maamulka Banaadir loo dhiibo  Sambalooshe  oo ay aad u neceb yihin dadka Muqdisho,waana tan keentay in meelo kale loo raadsho.

Hadaba Sambalooshe oo Shaqadii Dowlada ku fashilmey in  xil Safiir mar kale loo magacaabo waa nasiib daro weyn Iyo Maamul-xumo. Dowlada Ingriiska ayaa dhowaan Socdaalkii uu UK ku tagey  Abdiwali Sheekh ku canaantey sida uu Sambalooshe uu la dhaqmey Dowladaas Iyo isagoon buuxin shuruudii dibulomaasiyad ee ee Wasaarada Arrimaha Dibbada Ingriiska uu isaga tagey Xilkii Safiirnimo isagoon la socod siin Dowlada Ingriiska.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

DHAGEYSO:-Ganacsatada Bakaaro: “Gumeysi ayaan ku Jirnaa”

31812306

Mid kamid ah tujaarta Suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay ku sugan yihiin marxalad murugo leh oo aanan waligood soo marin taasoo ay kala kulmayaan dowladda iyo ajaanibta maamusha dekedda magaalada Muqdisho.

Ganacsadahan ayaa sheegay in marka ay raashinka lasoo degaan dekedda dhexdeeda looga qaado canshuur wajiyo badan, sidoo kale  marka ay soo baxaan wadooyinka looga qaato lacago baad ah, kadibna inta suuqa looga daba yimaado bakhaaradooda lagu canshuuro.

HOOS KA DHAGEYSO

31812306 (1)

Voice  Of Somnalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Aadan Sune”Ficilada ay geystaan Ciidanka RRU Diinta Islaamka ayaa Looga baxayaa”

pizap.com14082641752171

Sheekh Aadan sune oo kamid ah culimada ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay dhibaatada sii baaheysa ee Ciidanka Sirdoonka RRU kula dhaqmaan dadka ahlu diinka ah.

Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay udaatay guryo ay ku sugnaayeen culumaaudiin iyagoo xiray.

Sheekh Aadan sune wuxuu sheegay in ciidanka RRU u shaqeeyo Maraykanka islamarkaana ficiladooda looga baxayo diinta islaamka.

Wuxuu xusay Hargaysa in ay ku noolyihiin baadaraliyaal faafiya diinta Kirishtanka kuwaasi oo ku nool baqdin la’aan balse dadka ahlu diinka ah lagu hayo xarig iyo jirdil.

https://www.youtube.com/watch?v=OIHuPzZ6A0U

Voice Of Somalia-Banaadir Post

TUURYARE OO BUUFIS QAADAY ” Waxaa i dilaya Shabaab iyo Beel Hebel”

31651986

Saraakiisha Dowladda Federaalka ee sida tooska ah ugu lugta leh dagaalanka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin ayaa ka sheeganaya cabsi iyo deganaan la’aan.

Inanka Jeega xiirka ah ee dhawaanahan warbixinada siinayay warbaahinta maxalliga ah kuna magacaaban guddoomiyaha maxkamadda ciidanka hubka sida C/Raxmaam Tuur Yare ayaa wajahaya cabsi gelin kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.

Mid kamida Ehellada Tuur Yare ayaa Saxaafada maxaliga ee  Muqdisho  u sheegay in qabaa’illo reer Muqdisho ah ay qoyskooda ugu hanjabeen aargoosi haddii wiilkooda gacamaha qaban waayaan.
“Cadaadis aan caadi aheyn ayaa qoyskeena soo wajahay qabaa’iilo Muqdisho deggan oo C/Raxmaan Tuur Yare wiilashooda xukuno dilal ah ku riday ayaa ku hanjabaya in ay naga aargudanayaan”ayuu yiri mid kamida ehellada Tuur Yare.

Sidoo kale Tuur Yare ayaa amar ku bixiyay in laga bedelo laba kamid ah ciidankii ilaalada u ahaa ka gadaal markii uu uga shakiyay in ay maleegayaan qorshe isaga ka dhan ah.

Askarta ilaala u aheyd sarkaalkan ee labedelay ayaa deggan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha maxkamadda melleteriga DF-ka uu cabsi daran ka qabo dhinacyo kala duwan oo Shabaabul Mujaahidiin kamid tahay.

“Cabdi Raxmaan habeenadan saq dhexe ayuu hurdada kasoo kacaa marmarka qaarna isagoo qeylinaya oo shabaab iyo beel hebel ayaa idilaysa ku qeylinaysa ayuu soo toosaa”ayuu yiri mid kamida ilaalada Tuur Yare.

Isagoo BBC-da lahadlayay ayuu Tuur Yare ku faanay in uu yahay “Rajul Amni ah” oo macnaheedu yahay waxaan ahay “Nin dhiifoon oo amnigiisa ilaashan kara” balse waqtiga iyo maalmaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii Tuur Yare ka nabad galo dadkii uu dhalinyarada ka laayay.

Xasan Muungaab guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa qorshaynaya in Tuur Yare uu siiyo mid kamida gaadiidka aysan xabaddu Karin oo bishii May ay Dowladda Imaaraadka carabta ugu deeqday DF-ka.

Tuuryare ayaa hada waxaa la siiyay EEYO amnigiisa suga,waxaana  soo siiyay laamaha Sirdoonka oo Xalane degan,waxaana Eyahaas ku howl gala wiilal Soomaaliiyeed “Ardaal”.

Liibaan Jeexoow.

31651986 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Ayan Hersi oo Yahuuda taageero yaab leh siisay,”XAMAAS iyo inta taageerta in la tirtiro kaliya ayaa xal lagu heli karaa”

31628997

Ayaan Hersi Ali oo ah haweeneey ku caan baxdey ihaaneynta diinta islaamka iyo Musliinta, isla markaana sheegata in ay tahay haweeneey u dooda xuquuqda haweenka ayaa si weyn looga hadal hayaa dunida kadib wareysi ay siisay Wargeys kasoo baxa Isra’el oo lagu magacaabo Israel Hayom’sYael Lerner.

Ayan Hersi oo wax laga weydiiyay dagaalka ka socda Qaza ee u dhaxeeya Falastiin iyo Yahuuda ayaa sheegtay in aan xal iyo nabad laga gaari doonin ilaa iyo inta ay jiraan waxa ay ugu magac dartey Muslimiinta mayalka adag ee Jihaad doonka ah.

Ayaan ayaa intaas kusii dartey in XAMAAS iyo inta taageerta oo la tir tiro kaliya xal lagu heli karo, maadaama ay ku sheegtay in Isra’el ay xaq u dirir tahay, halka ay Xamaas qas wadayaal wax qariba ku sifeysay.

Waxaa kaloo gaalo raac Ayaan Hersi ay eedeysay dowladaha Islaamka gaar ahaan dalalka Carabta ee Saliidda qaniga ku ah, kuwaasoo ay ka mid yihin Qatar, ayadoo ku tilmaantey in ay taageero xoog leh siiyaan Xamaas iyo Alqaacida kale ee mayalka adag sida ay hadalka u dhigtey.

Ayaan Hersi oo gaalo raac noqotey, sidoo kalena mar hore cadeysatey in ay Islaamka aad u neceb tahay ayaa doodaha iyo wareysiyada ay ka qeyb gasho ku ihaaneysata islaamka iyo muslimiinta waxa ayna marwalba ku cel celisaa in diinta Islaamku aaney aheyn sida la sheego (DIIN NABADEED).

Ugu danbeyna ayadoo qosleysa ayey Ayaan Xirsi si yaab leh u tiri, Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu wuxuu mudan yahay in la siiyo billada Nabad doonka aduunka (Nobel Peace Prize) ayadoo weliba sii raacisay in uu shaqo fiican qabtey cadaadis badan oo saarana aanu ka gaabinin in uu dadkiisa dulman ee Israaiiliyiinta uu ka difaaco cadowga kusoo duulaya, sida ay Ayaan Hersi hadalkeeda kusoo geba gebeysay.

HALKAN KA AKHRI WAREYSIGA AYAN HERSI OO ENGLISH AH

10423920_10153016204530760_7721364730493175154_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Jabal “Dhalinyarada Maanta Muqdisho Lagu dilay Al Shabaab Kama Tirsaneyn Nafiso Cismaana Annagu Madilin”

31442299

Sheekh Cali Max’med Xuseen Sheekh Cali Jabal oo xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa war kasoo saartay rag maanta Muqdisho lagu dilay.

Mas’uulkan oo caawa shir Jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay in dhalinyarada maanta ladilay aysan katirsanayn shabaabul Mujaahidiin islamarkaana gabadha Nafiso ee Yaaqshiid lagu dilay aysan Al Shabaab wax lug ah ku laheyn.

Sheekh Cali Jabal ayaa si faah faahsan u sheegay in haba yaraatee dhalinyarada ladilay aysan ku lug laheyn shabaabul Mujaahidiin oo ay kamid ahaayeen dadka caadiga ah ee caasimadda ku dhaqan.

“Maanta waxay warbaahintu soo bandhigtay Rag ay murtadiintu Muqdisho ku dileen iyagoo ku sheegaya in ay mujaahidiinta katirsan arrinkaasi waa been aan waxba kajirin Ragga ladilay meelna kamasoo galaan shabaabul Mujaahidiin dadka caadiga ah ee magaalada degan ayay qeyb ka ahaayeen marnaba kama mid noqon shabaabul Mujaahidiin”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Sheekh Cali Jabal"Al Shabaab dadka ay disho maqarsato oo way sheegataa"

Sheekh Cali Jabal wuxuu xaqiijiyay in Al Shabaab cidda ay dagaalka kula jirto uu cad yahay islamarkaana dadka ay dilaan ay warbaahinta ka sheegtaan balse wiilashii Muqdisho lagu toogtay iyo gabadhii horay loogu dilay Yaaqshiid ee Nafiso Cusmaan aanay iyago ka dambeyn.

“Markale waxaan sheegaynaa in aan dilin gabadha reerkeeda waxaan leenahay annugu bari’ii ayaan ka nahay falkaasi namasoo galo,annagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Jabal.

Ugu dambeyntii  Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in gummaadka shacabka uu halkiisa kasii amba qaaday Khaliif Ereg oo horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir balse ay tallaab ka qaadi doonaan.

HOOS KA DHAGEYSO

Banaadir Post

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Recently deployed Government forces in Lower Shabelle accused of crimes by Local District Chiefs

Image

Several district chiefs from areas surrounding Afgoye including the district chief of Marerey have fled their respective areas after Somali government troops reached their areas.

The Somali troops were sent to several areas in the Lower Shabelle region in an attempt to stop looting and uproot illegal checkpoints in the region, however locals have complained of the ruthless and corrupt behavior of a lot of the soldiers.

The district chief of Marery known as Siid Mayow Balle complained of the actions undertaken by the soldiers and that they are involved in robbing people at the checkpoints they were sent to eliminate.

“The local people have come complaining to me about the crimes committed by these soldiers, they rob and loot, no one is spared from their crimes” he said while urging the government in Mogadishu to take action. “I was forced to flee my town of residence and I can’t go back now, I fear for my life” he added.

Harar24 spoke to several clan leaders and elders in the Lower Shabelle who also complained of the behavior of the troops sent there. One clan elder told Harar24: “We believe these are just militias clad in uniform, they’re no different than the criminals who they replaced, we don’t understand why the government sent them here.” Another said: “These militias are majority Habargidir and Abgal based who’ve come to take revenge on us, they’re fighting a clan based war.”

This comes a day after government forces which consisted of the Habargidir tribe aided by recently deployed soldiers in the region belonging to the Abgal tribe jointly expelled local government forces in the area belonging to the Biyomal tribe.

Fighting between clan based Government troops has become a  persistent problem within the Somali National Army  and is costing the lives of many soldier and civilians  alike, it’s a problem on the rise and yet to be tackled by the Somali government.

Harar24.

GABAY-Xarigii Sheekh Xasan Daahir

Image

Afeef; runtii majeclayn inaan arintaan ka Gabyo ama Maanso katiriyo inta ay arinta Sheekhu cakiran tahay,laakiin waxaa calooshayda ka go,i weyday oo igusoo noqnoqatay in ayadoo Sheekkh Xasan Daahir Aweys xabsi kujiro weliba Xamar ah ay madaxda sare ee dowladdu soo dhoweyso oo ay u yeerato ciidamo Xabashi ah oo aan ognahay cadowtinimada ay nooqabaan iyo xasuuqii ay kageysteen Koonfur Soomaaliya.sidaas daraadeed way ii noqon weyday inaan arintaas ka aamuso.caawa taariikhdu waa 25 janaayo sanadka 2014. BISMILLAH.

Xirsiyoow xasaaraa jirtiyo xeydashiyo eede
xawaarihi duqeydii ladiray ee xaggaa aaday
Ximin iyo markii ay tageen Xeeb raggii joogay
xujadii lasii faray markii lagu xil weyneeyey
xilkasnimo la aasiyo wixii lagu xanuun dhaartay
xarigle iyo intii loo igmaday xiddigle beeleedka
xildhibaanadaa ugu darnaa xanaf la nuurshaaye
Xarakaat Taleefoonadii lagu xayaab saaray
xaqa diidmadiisii marqura laysla wada xoojay
xumeey iyo dhibaatada qarsoon xabad garaaceede
xiniinyaha duqii lagu ogaa laga xayuubaayey
Xawilaadda damacii badnaa xaalki daba yaaley
dhammaantood waxay soo xardheen xaariskii laadye
Xalka galay xasan daahiroo xarigga loo dhuujo
oo xerada gaaleed ladhigo Xamar dhexdeedii ah
baan lagu xuroobeyn amaan xasilba keeneyne
waa xeer gaddoon iyo xanaaq xaabo loo shidaye
markay xoog kuqaateen duqii sida xamuul baasto
reer Xaaji iyo xeynti kale lagu Xariifowye
isxajiya goorteey dheheen xagasho jiid jiidki
waa laysku xiiqoo rag baa xeelkaluu degaye
sidii xuun caroodoo kaleey xowli badiyeene
xanjafeeya goortay maqleen bay xis beeleene
la xanuuji Xaaji iyo Wadaad xaafid iyo wiile
xagal dhiigtay xulus feer ku dhacay xusuladoo duuban
xuurtiyo dhib weyn baa kuhelay xero Ugaandheyse
askartii ku xoomtaa dhigeen xulalki hoosaade
Xabsigii khadiijeey gelsheen lama xurmeyneyne
xaqdareey tirsaayaan sidaan helay xogteediiye
xinkaba waxaa uga darraa waa xaqirayeene
inkastuu xannaaneyn mudnaa iyo xariir seexin
xaaraan aruurtaa heshiyo xaasid iyo tuuge
xigtada kuwii loo qabay baa xirxirayeene
xisbigii xumaa baa heliyo xulafadoodiiye
war xukuumad maahoo kuwaas nama xiriirshaane
xaawaleyda liitiyo carruur maba xasuus taane
xeer beegta waa neceb yihiin iyo xigaalkoode
xinjiraha dadkoodeey cabaan xuunsho weeyaane
xirsigii xasuuqeey sitaan iyo xiriir gaale
maba ay xisaabshaan inay tegi xabaashiiye
inteey xididdo dheereyn haddaan layska xooreynin
xiiseeya waa xuq iyo ciil waxaad xambaarteene.
W/T; Nuurshe.
27586005
Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGAYSO: Sheekh Cali Katiin oo ka Hadlay Mowliidkii lagu dhigay ViLLA SOMALIA oo Kirismaska iyo Sanad Gaaleedka 2014 Maalmo kahor loogu dabaal dagay!.

Image

Saraakiil Suufiyaal ah oo katirsan Kooxda Villa Soomaaliya gaaladu ku waardiyeeyaan waxay dhigeen Xaflad ay dheheen waa Mowliidkii Nabiga CS ama Dhalashadii Nabiga CS!. Waxaa layaab ah, Maalmo kahor ayaa isla goobtaas loogu dabaal digay, Kirismiska iyo Sanad gaaleedka 2014, haddana Dhalashadii Nabiga CS ayey kudhigeen!.

Sheekh Cali C/laahi Cali Katiin ayaa ka hadlay, Mowliidka Dadka keenay in ay yihiin Niman lagu sheegay Faadumiyiin ama Cubaydiyiin, wuxuu Sheekhu sheegay in Nabiga CS ciddii jecel loo baahan yahay in ay kudaydaan ee ma’ahan in ay Bidco la yimaadaan oo khilaafaan Nabiga CS.

Sheekh Cali ayaa xaqiijiyey in aanan Nabigu CS waligiis u dabaal digin Dhalashadiisa sidoo kalana Saxaabadu RC aysan u dabaal digin.

ISHA WARAYSIGA WAA RADIO ALFURQAAN.

1538824_654211614642400_817267727_n

bidco-600x400

IMG_8756

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

 

 

 

TAXANAHA TAARIIKHDA:-FAROOLE “Diinta Islaamku ma dhammaystirna”

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post.