DHAGEYSO:-Aqoonyahan Max’ed Xassan “Ciidanka Dowlada Federaalka ah Hoonkoodu Waa Xabad”

33758338

Argagax iyo cabsi xad dhaaf ah ayaa haysata ciidamada dowladda federaalka ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho. kolka ay koontaroolada ku baarayaan gaadiidka dad weynaha waxay ka baqayan gaariga iyo qofka wataba sida uu sheegayo aqoonyahan Maxamed Xassan oo Muqdisho jooga.

Wuxuu sheegayaa in aqoon darro balaaran sidoo kale haysato oo ay qalabka dadku wataan u qaataan in ay wax yaabo qarxa yihiin. Wuxuu intaas ku daray markii gawaarida ciidamadu wataan ay jidadka marayaan in aanay Hoon yeerin ee ay xabado badan furaan si jidka looga kala cararo kadibna asigoo banaan ay u maraan. sababtaas ayuu ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in halkaas loogu gambado dabadeedna wax qarxa lala eegto.

Halkan Ka Dhageyso Aqoon yahan maxamed xasan.lite

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

DHAGEYSO:-Dowladda Federalka oo naxsan “Amisom Waxay Ka Bixi Rabaan Degmooyin Kale”

33599771

Dowladda federalka oo si aad ah uga naxsan tallaabadii ay ciidamada shisheeye uga bexeen qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijisay iney jiraan dhul hor oo ay Amisom dooneyso iney ka baxddo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo degaan ahaan ku ab-tirsada gobolka Sh/hoose kana gaabsaday in la adeegsado magacooda ayaa inoo sheegay in ciidamada shisheeye go’aansadeen iney ka baxaan gobolka.

Mid kamid ah xildhibaanada ayaa yiri’ “labadii bilood ee lasoo dhaafayba waxay Amisom ku mashquulsanaayeen istaraatiijiyadda ay uga bixilahaayeen Sh/hoose, haddana waxay billaabeen in u baxaan qaabkii ay u qorsheysteen”.

Sidoo kale gudoomiyaha Sh/hoose ee dowladda Cabdul-qaadir Maxamad Nuur “Siidii” oo u waramay warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay iney ka xun yihiin tallaabada ay ciidamada shisheeye uga bexeen Bariire iyo Aw-dheegle, isagoo ku calaacalay iney xeero iyo fandhaal kala dheceen.

Illaa iyo hadda lama oga duruufaha ciidamada shisheeye ku khasbay iney bixitaan billaabaan, laakin waxay u badan tahay dhiig baxa ku socda iyo arimo siyaasadeen oo isku biirsaday.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

WAREYSI-Tarsan Oo Muujiyay In Dalku Gumeysi Ku Jiro.

33539666

Tarsan ayaa sheegay in dowladdu ku fashilantay federalka sababo la xiriira isagoo qabyaaladeysan oo sabab u noqday kala qeybsanaan iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah.

Waxa intaa dheer oo uu tarsan sheegay in Federalku uu yahay qorshe ay shisheeyuhu wataan oo dowladda Xassan Sheekh sanka laga galinayo ama lagu dirqinayo, wuxuu tusaale usoo qaatay wixii dhacay markii ay dowladdu diiday maamulka Axmad Madoobe xilligaasoo uu sheegay in Xabashitu dowladda ku amartay iney aqbalaan maamulkaasi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd: N/key waxa uu isaga kala gooshaa gobolada dalka iyadoo la og yahay in maalin maalmaha kamid ah uu Subaxeedii ka quraacday Muqdisho, duhurkeedii ka qadeeyay Garowe, habeenkeediina ka casheeyay Hargeysa, Xassan Sheekhna sidaas oo kale uma tagi karo gobolada wadanka ee maxaa dhacay? ayuu ku jawaabay in taasi muujineyso cuqdada la kala dhex dhigay Soomaalida, isagoo dhaliilay Xassan Sheekh.

Sidoo kale marka la eego sida ay dowladda awaamiirta uga qaadato shisheeyaha ayuu Tarsan ku tilmaamay dullinimo ay sabab u yihiin madaxda dowladda “Haddaad daciif iska dhigtid oo aad weydiiso sidaas musqusha u tagi lahayd, fageytada saad u qabsan lahayd, meesha aad cuntada ka cuni lahayd waa nasiib darro” ayuu yiri Tarsan isagoo madaxda dowladda u sheegay ineysan macquul ahayn iney ummad hogaamiyaan marba haddii iyaga la hogaamiyo.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay wadooyinka u xiran dowladda iyo ciidamada shisheeye, wuxuu sheegay inaan dhagxaan lagu sugi karin ammaan loona baahan yahay in dhibka laga dul qaado shacabka gobolka Banaadir.

Tarsan wuxuu kusoo caan baxay bannaan baxyadii looga soo hor jeeday duullaankii Xabashida ee Muqdisho, waxaana la weydiiyay su’aal ku saabsan waxa iska badalay mowqifkii wadaniyeed ee uu ku muujin jiray sida aanu u ogoleyn in ciidamada Xabashidu joogaan ciida Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii hogaamiye kooxeed Barre Hiiraale uu shaaca ka qaaday in dalku gumeysi ku jiro isaguna uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Tarsan

33539732

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

FADEEXAD:Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia oo markii ugu horeysay ka Hadlay Gabadh uu kufsaday.

33485868

Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumada Gumeysiga  Ethiopia  Tedros Adhanom, ayaa markii ugu horeesay  ka hadalay Faraxumeyn uu ku geystay Gabdhyar  ka Timid Wadanka Austrilai  Asal ahaana  ka soojeeda wadanka Ethiopia gaar ahaan Qoomiyada  Orimoya.

Faraxumeynta gabadha ayaa waxaa  siwayn maalmahan u hadal hayay warbaahinta dawlada Yurub iyo Maraykanka  su’aalo ka keenay sida gabadhan da’da yari  uu  u kufsaday Dr.Tedros Adhanom

hadaba  Wasiirka ku sheekga ayaa  markii ugu horeysay barta oo ku leeyahayFacebook  soo dhigay hadal kooban oo uu ku saabsan qaabka uu wax u dhacay, wuxuuna yidhi”Anigu gabdha waan la kulmay laakiin waxba ku masameynin ee ceebta haleyga daayo”

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:- Reer Muqdisho “Annagu dowlad ma haysano, niman na iibsanaya iyo gumeysi baa na haysta”

33470338

iyadoo dowladda federaalka  shacabka muqdisho ku eedeynayso in aanay la shaqeyn ayaa hogaamiyaasha bulshadu waxay sheegayaan in aanay dowlad haysan laakiin ay arkeen niman dhiigooda daadinaya kuna gura xabsiyada kadibna iibsada iyo gumeyste.

Nabadoon Warsame iyo Nabadoon Maxamuud oo reer Muqdisho ah ayaa iyagoo u waramayay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxay ku dheeraadeen dhibaatada magaalada ka jirta.

Waxay ku taliyeen in loo baahan yahay in dagaal la isku xoreynayo  loo istaago.

HOOS KA DHAGEYSO

33468074

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta Maareeye ”Dowladdu wax taageero ah kama heysato Shacabka Soomaaliyeed”

33462969 (1)

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan dowladdu wax taageero ah kama heystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney shacabku aad u mucaaradsan yihiin dowladda heer ay gaareen buu yiri’ ineysan canshuur inoo ogoleyn.

Inkastoo ay dowladdu ganacsatada xoog uga qaado lacagaha canshuurta ayaa haddana waxaa jira iney eedo badan kala kulanto ganacsatada.

Waxaa madaxda dowladda la weydiiyaa hadeysan ammaankeena sugi karin oo ciidamadiinu na dhacayaan sidee baan canshuur idiinku siinaa.?

Cabashada dowladda ee ah ineysan wax taageero ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneeyaa iyadoo la shaqeysa shisheeye taasoo keentay in  shacabka oo ilaashanaya caqiidadooda ay xiriirka u jaraan dowladda.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaanOdawaa “Al Shabaab Dagaal ugama adkaan karno waana Koox Warfaafin Xooggan leh”

33395691

Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte ayaa ku dhawaaqday in melleteri ahaan aysan uga adkaan Karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shisheeyaha soo duulayaasha Afrikaanta ah kula halgameysa Soomaaliya.

C/raxmaan Max’med Xuseen Odawaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa wareysi uu siiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera wuxuu ku sheegay in awoodda xarakada Al Shabaab aan ladhayalsan Karin isagoona walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee Muqdisho.

Odawaa ayaa soo hadal qaaday warbaahinta xooggan badan ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin uga qeyb qaadanayso dagaalkeeda jihaadka ee ka dhanka ah gumeystaha dalka kusoo duulay.

 “Al Shabaab waxay si aad ah muhiimad usiisay warbaahinta waana wax ay kooxaha kale ee xagjirayaasha ah kaga duwantahay runtii Al Shabaab warbaahinta way ku firfircoontahay”ayuu yiri Odawaa.
Wasiirkaarrimahagudahaayaacaalamkaugubaaqay inaysanyaraysanhanjabaadahakasooyeeraya AlShabaab ee kuaaddan in ayweeraro kageysanayaandibaddaiyowadamadaciidankoodukusooduuleenSoomaaliya.“Runtii ma ahan in aan yareysano Al Shabaab waxay gaysan karaan weeraro sidii dhawaan ka dhacday Hoteelka Central Muqdisho” Odawaa.Mar wax laga weydiiyay sida ay uga adkaan karaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayuu quus ka muujiyay in Al Shabaab awood melleteri lagu muquunin karo wuxuuna doorbiday in dhanka fikirka lagula dagaalamo sida tashwiishinta jihaadka iyo adeegsiga dacaayado rakhiis ah.

“Xarakada Al Shabaab awood melleteri laguma muquunin karo waa in dhanka fikirka lagu wajaho oo afraadooda iyo saraakiishooda wadahadal lala furo siyaasadana lagusoo daro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay C/raxmaan odawaa.

Caddeymahan uu bixiyay wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa kusoo aadaysa xilli isku dhax yaacsanaan laga dareemayo xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana mujaahidiinta Soomaaliya sii xoojiyeen halganka lagu dhiig bixinayo shisheeyaha soo duulay.

Liibaan Jeexoow.

33395713Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay Itoobiya naga rabtaa?

33364697

Aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo ka mid ah Soomaalida qurbaha ku nool ayaa tilaamay in Itoobiya cadaw ku tahay umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah loona baahan yahay in la iska celiyo.

Wuxuu sheegay in ay doonayso marka la gaaro 2016 in ay tiraahdo Soomaaliya waa qaran fashilmay ee anig aiyo kenya ha naloo qeybiyo arinkaasna aanuu Soomaalida u cuntami karin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnyahay in la abaabulo kacdoon cusub oo cadawga ka dhan ah gaar ahaanna Itoobiya.

Cabdulqaadir wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay umadda Soomaaliyeed in la mideeyo laguna xukumo shareecada Islaamka.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

WARBIXIN XASAASI AH: Qorshaha Gabre iyo Geedi ee Hiiraan Iyo Shabeellada Dhexe

 

33311916

 

 

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow waxaa jira qorshe Ex PM Cali Maxamed Geedi iyo Jen.Gabre eey isla wadaan, oo madaxweyne Xassan Sheekh iyo odey-dhaqameedyada “Beesha” Geedi kadhasheyba lagu qancinayo, kaasoo ah in labada gobole Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan inta la mideeyo, maamulna loosameeyo, dibadeedna Geedi “Madaxweyne” looga dhigo, si waliba qasab iyo sandulle ah, oo lamid ah sidii Shariif Sakiinba loo boqrey, ee waliba Itoobiya ugu amartey Dowlada Dhexe in eey isaga ookaliya taageerto, si Kal-iyo-Laab ah ulashaqeeyso, waxa kaloo dhanna qashinka kushubto. Waana sida dhab ahaan u dhacday! Xaalku waa: “Shariif-Sakiin dooran doorta xoowdhahdeen, Digil iyo Miraflana xoow dambaajiseen”

Beelaha walaalaha ah ee dhamaan wadadaga labadaa Gobole: Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, iyana sidaa si lamid ah ayaa larabaa in lawada maquunimo. Waxaan maqlijirey, “Fad ama hafadin, wallee waa lagu fadsiin”.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in lawada jajuubo siyaasiyiinta kalee labadaa gobol dhalasho ahaan kasoo jeeda, ee damaca siyaasadeed uu kujiro, si markaa uu Geedi uun ugusoo boxo “Madaxweynenimada”. Waxaa sidoo kale qorshaha ka mid ah in Geedi uu billoowga hore inkiraad lasoo taagnaado, isagoo dhahaya jago Maamul-Goboleed wax kufalimaa, sida horeba uu udhihijirey, balse gadaal ayuu kasoo rogaalcelinayaa. Dabcan nin Ra’isulwasaare dalka kasoo noqdey oo “Maamul-Goboleed” beeshiisu dhisatey hoos ugu dhaadhacayna Cabdiweli Gaas baa ubilaabay, oo kaga horeeyey.

Shirkii qorshaha arintan billoowga uahaa waakan GEEDI uu kasoo dhexmuuqday, isagoo dhinaca kuhaya Ugaaskii beeshiisa, oo waliba kuqanacsan sida wax usocdaan, waloow laga yaabe in aanu qorshaha waxbadan kala socon, cidina aaneey wax sihoose ugu faahfaahin, maadaama qorshe rag wataahi yahay, isagana odey-dhaqameed lasharfey oo kaliya noqonkaro.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa lagu xantaa in uu aad ugu roonyahay “Reer Abtiyaashii” oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn Gobolka Hiiraan, ayaa ka mid noqondoona beelaha ladamacsanyahay in lawada xaq-duudsiiyo. Madaxweyne Xassan waa kan mar isugu daray Wasiirkii Arimaha gudaha (Goodax) iyo Taliyihii Nabad-Sugidda (Sanbaloolshe), waloow RW Cabdiweli uu arintaa isbadal aan lamahdin kusameeyey.Waa tan khudbadiisii ugu horeeysey ee uu Hiiraan kajeediyey dhibka weyn usoojiidey, ugu dambeynna waa kan hadda wiil walaalkii dhahay oo reer Abtiyaashii ah wasiirkii Amniga kadhigay, sidaa daraadeed uma sahlana in uu arintaa yeelo, balse marka laisku daro in Geedi maanta Madaxtooyada dhexjiifo, oo Xassan Sheekh lataliye uyahay, oo waliba saameyn ku yeeshay qaabka uu Madaxweyne Xassan Sheekh ula dhaqmayo Beelaha qaar, ee sida joogtada ah ninkastoo udhashey shaqada looga eryayo, taasoo lagusiidaray awaamirta Itoobiya iyo Jen.Gabre, howshaa waxbadan baa ka suurtagal noqonkara.

Guud ahaan, Jen.Gabre wuxuu taaganyahay ninka inaga inooshaqeeya, ee diyaarka u ah in uu danahiisa gaarka ah inooga gato danaheena qaranka Itoobiya, Soomaaliya wuxuu doono ayaan kadhigeeynaa, taageerana ugu heleeynaa, si siyaasi kastee Soomaaliyeed oo damacba kagajiro siyaasada Soomaaliya, uu inoogu soo ordo, sidaana uu Kaba-Qaad/Madiidan inoogu noqdo. Tusaalaha ugu dhow ee arintan waa in shalay markii Beelweeynta Digil iyo Mirifle iyagoo mideeysan eey maamul “Lix Gobol” kakooban dhisteen, waliba “Madaxweyne” eey kuwada qanacsanyihiina udoorteen, beey Itoobiya iyo ninka maamulaha uga ah siyaasada Soomaaliya ee lagu magacaabo: Jen.Gabre inta waxoo dhan cagta mariyeen, oo waxba kamajiraan kasoo wadaqaadeen, beey Shariif Sakiin oo naceybkiisa eey ummada Digil iyo Mirifle maalin cad Beeydhaba ugu mudaharaadeen, beey si qasab ah dusha uga saareen oo “Madaxweyne” uga dhigeen, waxoo dhanna “Sadex gobol”  kusoo koobeen, oo caasimadana uga dhigeen magaalada dekadda leh ee Baraawe, si dalkaa Itoobiya ee aan Xeebta laheyn (land locked),  uu uga faa’ideeysto sidii dekaddaaa Baraawe sidii dekadd eey iyagu leeyihiin oo kale, waxeeyna ugu biireeysaa tani dekaddaha kalee Maamul-Beeleedyada (Somaliland iyo Puntland) ee ay ka faa’ideeystaan hadaba.

Shariif-Sakiin wuxuu arintan kumuteeystey in uu ahaa ninkii saxiixey documents-kii lagu ogolaadey in Itoobiya dalka ay soogasho xilligii Col.C/llaahi Yuusuf iyo Geedi, markasoo eey xasuuqii ba’naa ka geeysteen Gobollada Koofureed, gaar ahaa Gobolka Banaadir. Wuxuu sidoo kale ahaa waligii madiidan ay Itoobiya isku hubtey waligeed, kuna faana in uu yahay nin eey Itoobiya wadato, ama u shaqeeya.Waa arin wadamada xorta ah la isugu xukumo dil, maxaayeelay waa khayaano qaran ama waxa afka qalaad lagu dhoho“Treason”.

Maantana sidaa si lamid ah ayey Geedi ugu abaalmarinayaan Xasuuqii ba’naa ee uu ka geeystey Koonfurta Soomaaliya, waliba kii ugu darnaa ee uu dadkiisa Gobolka Banaadir daga eey isaga, Col.C/llahi Yuusuf, maryacalastoodii, iyo waliba Itoobiyaanka ay ugu wada geeysteen xilligii uu Ra’isulwasaaraha ahaa, iyo waliba sida waligiisba uu ula shaqeeyn jirtey, hadana ulashaqeeyso Itoobiya waliba isagoo Madaxtooyada/Villa Soomaaliya subaxkasta kasoo toosa.

TALO SOOJEEDIN

1-Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa, “Quraankii Alif ka hallaaba, Al-Baqro kama tooso”, sidaa daraadeed waa in howsha mideeynta iyo maamul usameeynta gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan aan billowga laga halleyn.

2-Waa in shirarka laqabanayo ee Maamul usameynta Gobolladaa eey noqdaan kuwo loodhanyahay, oo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee gobolladaa wada daga uwada dhanyihiin.

3-Waa in si cadaalad, wadatashi, istixgalin iyo isxaqdhowr ah waxwalba lagu saleeyaa.

4-Waa in ummadaa dagta labadaa gobol aan shaqsi ku eedeeysan in uu dambiile-dagaal (War Criminal) aan loowada afduubin masiirkooda dhan ee ummadeed, dowladuna sidii maamulkii Shariif-Sakiin dhacdeyba aaneey ugu sharaf beelin, balse eey taageerto maamul xalaal ah oo ummadaa eey kudhanyihiin, kuna wada qanacsanyihiin, si simanna uwada matala. Waloow Jen. Gabre iyo madaxdiisa kasareeysa saameeynta eey dalka kuleeyihiin Dowlada Dhexe ay tahay mid aah xad laheyn “Limitless”.

5-Ugu dambeynna dowladu waa in eey dhextaagnaataa ololaha maamul usameynta labadaa gobol, kaalin firfircoona ka qaadataa, iyadoo ilaalineeysa sawirka guud ee nabad iyo walaaltinimo kuwada noolaashaha dhamaan beelahaa walaalaha ah ee kuwada dhaqan labadaa gobol.

Qoraa: C/Qaadir M. Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Bare/Macallin ka ahaa
Al-Madinah International University.
Abdulkadirphd@hotmail.com
Minnesota, USA. (342)

DHAGEYSO:ICTISAAM-Goormee saxanyahay Bashiir Salaad Shalay &Maanta?

33293724

Hoggaamiyaha Wadaada Xumayaasha Soomaaliya ayaa ah kuwa  jahareer badan hayo ka dib markii ay mudo dheer kala hadlayeen,waxaana  ku wareerara mudo Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somalia Leaks.

Dagaalka USA ee Somaliya Waa Fashilmay.W/Q Idiris Xasan.

33265053

Soomaaliya waa dal hodan ah allaahna uu ku manaystay khayraad badan oo ay ka indh la’yihiin Soomaalida.

Soomaalida oo ah dad isla qob weyn ayaa hadda noqday kuwa duli uu ku dul habsaday mid kastana uu udhuumanayo Dowladda Itoobiya oo Soomaaliya ka leh dano guracan.

In badan Soomaalida waxaa kamid ah siyaasiyiin wadaniyiin ah oo si weyn kaga soo horjeeda faragalinta lagu hayo Soomaaliya,waxaana siyaasiyiintaasi kamid Idiris Xasan Faarax oo ku sugan Finland.

Idiris Xasan Faarax ayaa qoraallo badan  ku sheegay inuu fashilmay colaada reer gabeedku ka hurinayaan Somaliya iyo adeegsiga ay adeeg sanayaan ciidamada cadawga Xabashida Tikreega,Kenyatiga iyo waxa loogu yeero AMISOM.

“Soomaliya waa wadan muslim ah 100%. Hadaba sideebay ku dhici kartaa in Soomaliya laga suuliyo dhaqanka islaamka ama loo sheego siday u noolaanayaan, qaabkay dawlad u dhisanayaan, sharciga ay samaysanayaan iwm,isla markaana ay Soomalida oo dhana sidaa wada aqbalaan!!?Ayuu Idiris ku yiri qoraal uu soo saaray oo nuqul kamid ah soo gaaray mareegta sabaax.

“Caga juglayn maan ooga tagnaa dhammaan waxa aan xaquuq u leenahay oo dhan!!? sideen u wada aqbalnaa in gaal Maraykan ah nagu xukumo wadankeena!! oo kii diidaana uu argagixiso u noqdaa!!!? miyayna idiin muuqan inaan ka nimid dawladnimo , daris wanaag,cisi iyo sharaf!! hadana aan taaganahay, baaba, colaad, gumaysi, iyo daciifnimo!! sideen u aqbalnaa in nagula caawiyo inaan is xasuuqno kadibna nala gumaysto sida hada taagan!!! ?hada waxaa afka furtay ninka la sheego inuu wakiil uyahay waxa lagu sheego qaramada midoobay!! asagoo leh hiigsigii 2016 baa mugdigalay!!!Ayuu hadalkiisa raaciyay Idiris Xasan Faarax.

Ugu danbeyntii Idiris Xasan Faarax ayaa sheegay hiigsiga  2016 inuu yahay hiigsiga gumaysiga Soomaliya islmarkaana aysan usuurtagalaynin.

 

 

W/Q Idiris Xasan.

DHAGEYSO:GABAY CIIL AH-Hooyo Ubadkii laga qaatay Cidlana looga tagay.

33201800

Gabay calool xumo ah oo Gabadh ninkeedi Xumaan ka Tirsatay ku muujiyey cabasho weyn iyo habaar sugaaneed Intii la arkay kii Ugu weyna abid oo dad badan dareen naxdin leh galiyey.

Waa dhaqan ama caado xun oo Sooomaalido leedayahay in la is dulmiyo,cadaalad daraduna waa shuqul xun oo Soomaalido leedyahay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Intuu Aabahay Dilay Ayuu Doonayaa Inuu Hooyadey Dumaalo!!

33161164

Marka qof walba uu aqriyo cinwaanka maqaalkan waxaa durbadiiba maskaxdiisa kusoo dhacaya qof dhib weyn loo geystay oo aan waxba loo reeban islamarkaana aamusi kari waayay.

Ujeedada qormadan waxay iga tahay qeyllo dhaan kadib markii aan arkay gumeysi aad u daran oo doonaya inuu hantiyo gabi ahaanba dalkeena Soomaaliya.

Inkastoo dadka Soomaaliyeed wada garwaaqsan yihiin in Itoobiya tahay cadawgeena kowaad, ayaa haddana waxaa laga yaabaa in dadka qaar aaney la socon dhibaatada ay maanta inagu hayso.

Arrinta aan ka hadlayo ma ahan ciidamada faraha badan ee ay dalka soo galisay, taas waad ka wada warqabtaan laakin waxaan arkaa labo qodob oo halistooda leh una baahan in laga wada hor tago.

 Midda kowaad waxay tahay In Itoobiya gacanta ku dhigtay mid kamid ah hey’adaha ugu muhiimsan dowladda Federalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Sidoo kalana xarunta Madaxtooyada ka dhex sameysatay xafiis jaan gooya siyaasadda DF-ka.

Itoobiya waxay gacanta ku heysaa Xeer ilaalinta guud ee dowladda iyadoo xafiiskaasi u dhiibatay Axmad Cali Daahir oo ah nin xilal kasoo qabtay dowladooda siiba dhulka ay gumeysato ee Soomaali galbeed.

Ninkan ayaa waxa uu Muqdisho iyo gobolada ay shisheeyaha joogaan ku dhex leeyahay awood ka badan tan Xassan Sheekh, waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa mas’uuliyiin heer wasaaradeed ah oo uu xabsiga u dhaadhiciyay.

Qof ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo aanan idan uga heysan inaan magaciisa xigto ayaa ii sheegay in ujeedada ay Itoobiya ula wareegtay xeer ilaalinta ay tahay sidii ay u maamuli lahayd laamaha dowladda oo dhan, weyna ku guuleysatay.

Intaa waxaa dheer oo tan ka halis badan In dowladda Ioobiya ay madaxtooyada ku dhax leedahay xafiis wata magac safaaradeed oo laga hago madaxda dowladda, kaas oo uu hogaamiye ka yahay ninka lagu magacaabo Gabre oo kamid ah saraakiisha loo soo tababaray qabashada Soomaaliya.

Xafiiskan ayaa mararka qaar ka mashquul badan madaxd dowladda, waxaana lagu arkaa wasiirro, xildhibaano, odayaal iyo wadaad xumayaal sandareero iyo mansab ka doonaya amxaarada.

Xaruntan ay Itoobiya ku dhex leedahay madaxtooyada ayaa waxay maamulka Addis-ababa ka gacan siisay sameynta maamul goboleedyo hor leh oo iyada ka amar qaata sida:- kan Kismaayo iyo Baydhabo iyadoo si lamid ah laga hagayo midka hadda la doonayo in laga dhiso gobolada dhexe.

Arrimahan waxay imanayaa xilli Muqdisho iyo gobolada dalka ay dhooban yihiin hooyooyin dhibanayaal ah iyo kumanaan caruur ah oo ay agoonteeyeen ciidankii Xabashida ee sannadkii 2007-dii caasimadda qabsaday. Waxaa wali sii muuqda dhiigga dadkii ay gumaadday iyo raadadka daarihii iyo masaajidii ay burburisay.

Markaan arkay waaqican aan maanta ku nool nahay, waxaan soo xusuustay hadal taariikhi ah oo uu Sh/Maxamad Rishaad Allaah u naxariistee uu ka jeediyay shir looga hadlayay duullaankii Xabashida ee gobolka Gedo 1996-dii.

Sheekha ayaa sheegay in Itoobiya degtay istaraatiijiyad ah in Soomaaliya loo qeybiyo qabaa’illo iyo gobol gobol kadibna la wada hoos geeyo Itoobiya.

Haddaba marka la fiiriyo halista aanu ku jirno ayaa waxaa lagu macneyn karaa nin aabahaa dilay oo doonaya inuu hooyadaa dumaalo. Marka diin ahaan la eegana waa arrin aan bannaaneyn in dad Muslimiin ah u hogtaan gumeysigooda.

Ugu dambeyntii waxaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed dal iyo dibadba ugu baaqayaa in ay garawsadaan meesha maanta xaal marayo, ayna garab istaagaan dhallinyarada xaq u dirirka ah ee har iyo habeen hor taagan gumeysiga. Maanta waxaa qormeysa taariikh ee qof walboow ama qabiil walbow ka fakar halka aad ku qormi doonto berri iyo maalinta aakhiro.

W/Q Saxafiga Jaamac Dhoorre.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:- Maxay yihiin Ciidanka Gaashaan”ALFA”,Yaa Sameeyay,Maxaa loo sameeyay?

33002479

Aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Yarow  ayaa sawir guud ka bixiyay ciidamada ALFA ama GAASHAAN  oo  ah magac looga yaqaan Muqdisho,wuxuuna sheegay in  Mareykanku u sameystay ciidankan.

Ciidanka Gaashaan ayaa ayaa waxaa gaaray qasaaro xoog badan ka dib markii qarax lala helay.

Aqoonyahanka ayaa intaa ku daray in ciidanka Alfa iyo kuwa lamidka ah ee shisheeye mari doonaan wadada kuwii iyaga uga soo horeeyay Soomaaliya iyo sidoo kale dhabbihii ay qaadeen ciidamadii Mareykanka ee ku duulay Afganistaan.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DAAWO :- Australia oo Geella lagu xasuuqayo weli iyo ALLAH oo Noogu Yeeray inaan u fiirsano Geella.

Geella ayaa leh mucjiso uu kaga duwanyahay xayawaanka kale ee ku nool Dunida,Geella waa xayawaanka kaliya ee ku noolaan kara saxaraha marka loo eego xayawaanka intiisa kale.

Allaah ayaa quraanka kariimka kaga hadlay Geelle iyadoo geello uu waxtar badan uleeyahay insaanka.

Geelle waxa uu awoodaa inuu udulqaato raashin iyo biyo la’aan muddo 18 maalmood ah.

Can a Qatari former camel herder find an alternative to the mass killing of camels underway in Australia?

32969769

 

This was unthinkable for the Asian camel herders. They disobeyed the order, and set the animals loose in the outback.

 

Today’s Australian camels are the great, great grandchildren of the animals that helped explore and establish modern Australia. There are 1.2 million camels in the Australian outback – the largest wild camel population in the world.

“My goal was to give the audience a sense of involvement in the scene. I wanted them to feel like they were there with us.The huge distances, and vast, uninhabited areas of the outback were definitely exhausting to travel through.

Filming the scene with the camels that had been shot dead is something I will never forget. The smell was unbearable, and we were covered in flies.

During the camel chase scene, I attempted to film while standing in the back of a jeep that was involved in the chase. In spite of all my precautions, I ended up with a fractured rib when the jeep bounced over some uneven ground. It’s a souvenir I’ll keep for a while.

– Fadi ElBenny, cameraman

The Australian government sees them as an environmental problem and pests to farmers. They say the camels compete with livestock, destroy property and raid small towns looking for water.

Culling camels

In 2009, the government put up AUD$19m ($19.7m) to cull almost one-third of them.

Over the last few years, private contractors and hunters have been shooting the camels from helicopters and leaving the carcasses to rot in the desert.

Some Australians oppose the cull, saying the government is wasting an opportunity to make use of a natural resource.

Qataris and other Arabs are horrified at the Youtube videos and photographs of the camel cull. For the Arabs, camels occupy an important place in culture, history and economics.

Al Jazeera World goes to Australia with Ali Sultan Al Hajri, a Qatari who grew up in the desert, illiterate and raising camels until he was 17.

Now a successful, self-made businessman in the country’s capital, Doha, Ali still keeps a herd of camels, and knows each one of them by name, face and personality.

Ali travels to Australia with Al Jazeera producers Yasir Khan and Mansour Almansouri, and cameraman Fadi ElBenny, to witness the killings and to meet the people who support the camel cull and those who oppose it.

Al Hajri aims to find out if there is a better way to deal with an animal that he loves, rather than the current Australian government’s policy of mass killing.

32969767Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:- GABAYGII KOOFIL IYO SAYID MAXAMED.

32921306

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield,Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe.  Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.

Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.

Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay.  Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey.  Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil.  Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.

Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen.  Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

 

  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda

 

  • Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
  • Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh

 

  • Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
  • Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
  • Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

 

  • Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
  • Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
  • Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji

 

  • Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
  • Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
  • Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh

 

  • Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
  • Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
  • Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh

 

  • Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
  • Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
  • Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh

 

  • Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
  • Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
  • Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh

 

  • Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
  • Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh

 

  • haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
  • Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
  • Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.

Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire.  Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.

Dagaalkaas waqtigaas i jiray oo kale ayaa maanta ka jita gayiga Soomaaliyeed,qof kasta oo qeyb ka noqdaana taariikhda ayaa xusi doontaa,dhinaca oo doono ha ku jiree,xumaan iyo simaan,xaq iyo Baadil.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-TURKIDA oo sumaynaya Ceelasha Biyaha Muqdisho.

32875494

Waxaa  ka dhacday degmada Yaaqshiin arin aad looga naxo markii la sumeeyay ceelka biyaha siiya degmadaas iyo degmooyinka ku wareegsan,ceelkaas oo aad looga yaqaan xafadahaas,waa Cee4laka Ramadaan  kaasoo dad badana ay u waxyooloobeen.
ku dhawaad 50 ruux ayaa la soo sheegayaa inay u dhinteen biyahaasi sumeyssan.

Tiro kale oo dhan 150 ruux ayaa la ildaran kuwaasoo shuban ka qaaday biyaha ay cabeen waxaana lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka.

Waxaana soo baxday in Turkido ka danbeyso in Ceelasha la sumeeyo,waxaana la ogaaday in sumayn rabo ceelasha loogu cabis badan yahay magaalada Muqdisho.

Dhageyso Hooyo Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:-Turkiga oo ku naaxay Dhaqaalaha Soomaalida.

 

32760912

lacag malaayiin doolar ah ayaa Turkiga ka soo gasha dekedda Magaalada Muqdisho taasoo diyaarado lagu qaado si magaalooyinka Turkiga loo geeyo.

Ganacsatada dekadda wax kala soo degta ayaa sheegeysa in qarashkii ay waayadii hore bixi jireen mid ka badan ay iminka dhiibaan.

waxay tilmaamayaan in  dowladda federaalka ah inkastoo turkigu lacagta uu qaado ay la qeybsato hadana ay jiraan xafiisyo kale oo ay lacago ku qaado oo dekedda gudaheeda ku yaal.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Wasiiradii C/weli Sheekh oo laga mamnuucay inay Muqdisho ka baxaan Ilaa …!

10420429_362648497229890_7804201809888985010_n
Warqad maanta gelinkii dambe kasoo baxday xafiiska kuwa loogu yeero  Xeer illaaliyaha Guud iyo kan Hanti Dhawrka Guud ayaa waxaa lagu sheegey in dhamaan xubnaha ka tirsan golaha wasiirada aysan da dibada u dhoofin karin illaa ay ka wareejinayaan xilka ay hayaan.

Warqadda ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in marka xilka la wareejinayo ay qasab tahay in ay goobjoog ahaadaan Xeer Illaaliyaha Guud, Hanti Dhawrka Guud iyo Garyaqaanka Guud.

Waxa ay intaasi warqadda ku dareysaa in marka intaasi dhamaato kadib haddii ay doonaan in ay dalka banaanka uga safraan, in ay soo wargaliyaan sedexdaasi xafiis.

Waxaa halkani ka muuqan kara saansaan ah in ay suurogal tahay in dambiyo lunsi hanta dadweyne lagu soo oogi karo qaarkood.

32757300

Voice Of Somalia-Somali Leaks.