Itoobiya oo Dalkii loo gacan geliyey! Qore: Cabdulaahi Ibrahim Cumar.

32752069

Siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa dalkii u gacan geliyey taliska Xabashida ee ay hormuudka u tahay Qowmiyadda Tigreeda xilli rajo laga qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana madax banaan, waana waxa ay ku saabsan tahay qormadan gaaban.

Itoobiya ayaa si dadban u la wareegtay dalkii, Iyadoo ka faa’iideysaneysa kala qeybsanaanta dadka Soomaalida ah iyo waliba waxtar-xumida Siyaasiyiintooda.

Maadaama ay labada dal u dhaxeyso colaad gaamurtay oo salka ku hayso muran xagaa dhulka ah iyo waliba cidda hurmuudka u noqoneysa Mandaqan Geeska Africa, ayaa waxa ay taasi keentay in labada dal uu midba midka kale u arko cadow ay qasab tahay in la burburiyo.waana siyaasadaa ay Itoobiya kula dhaqmeyso dalka Soomaaliya ilaa maanta.

Iyadoo ay Itoobiya ka duuleyso aragtida aan kor ku soo xusay oo ay waliba la qabto Walaasheeda, taas oo uu markii danbe cadeeyey Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Ara Moi sanadku markuu ahaa 2003 xilli uu khudbad ka jeedinayey Jaamacad ku taallo Dalka Maraykanka.Aragtidaas oo oroneysa Soomaaliya oo leh dowlad xoogan waxa ay qatar ku tahay jiritaanka dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Markale Iyadoo Itoobiya ka falcelineyso, weerarkii ay Soomaaliya ku qaaday Itoobiya Sanadku markuu ahaa 1977. kaas oo ugu danbeyn keenay, in ay ciidamada Soomaalida muddo gaaban gudahood ku qabsadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu ka haysatay dadka Soomaalida ka dib markii loo xoogsheegtay ciidamadooda.Intii waqtigaasi ka danbeeysay, Waxa ay Dowladda Itoobiya u kabagashatay sidii ay u burburin lahayd dalka Soomaaliya wadda kastaaba ha u marto.

Dagaalkii 77 ka dib, Waxa ay Itoobiya bilowday qorshe ay ku burburineyso Soomaaliya, Iyadoo isticmaaleysa jabhado Soomaali ah. Qorshahani ayaa saldhig looga dhigay siyaasadda qeybi oo xukun,Kaas oo ugu danbeyn keenay in la rido Dowladdii markaasi jirtay.

32743566 (1)

Jabhadaha SNM,SSDF,USC iyo SPM ayaa ugu danbeyntii suurtageliyey in ay fusho riyadii ay Itoobiya ku riyoon jirtay ee ah in ay aragto Soomaaliya oo burburto, Islamarkaana lagu kala carara.

Hadaba maxaa sameysay Itoobiya markii ay dhacday Dowladdii Soomaaliyeed ? ma faraha ayey kala baxday arimaha Soomaaliya mise halkeedii ayey ka sii waday faragelintii iyo fowdadii ay waday ?

Markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Maxamed Siyaad, Waxay ay Itoobiya halkeedii ka sii waday qorshaheedii burburinta ahaa,Iyadoo sii hurineysay dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday, sidoo kalena hubeysneysey hadba qabiilka ama Jabhadda ay u aragto in uu fulinayo maslaxddeeda si uu u sii socda dagaalka iyo burburka.

Iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ka kooban labada qodob ee kala ah, in marka hore la fashiliyo iskuday kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad Soomaliyeed oo xoogan, iyo haddii uu fashilmo iskudaygaasi, in gacanta lagu dhigo shaqsiyaadka horbooda siyaasadda Soomaaliya laga bilaabo heer degmo ilaa heer qaran, taaso oo ugu danbeyn  u suurtagelineysay in ay gacanta ku hayso dowlad kasta oo la dhiso.

Hadaba si ay u xaqiijiso qodobkaasi danbe waa Itoobiye, islamarkaana aysan Soomaaliya u maamulin kooxo iyo Shaqsiyaad aan Iyada xiriir la lahayn, Waxa ay qaaday duulaamo dhowr ah oo ay kula dagaalameyso ururadaasi,Waxaana ka xusi karnaa duulaamadaasi kii ay ku qaaday Maxkamadihii Islaamiga, Iyadoo markaasi ku marmarsiineysay in ay caawineyso Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf.Alla muxuu taariikh madow ka tagay.

Hadaba si ay gacanta ugu dhigto maamulada dalka ka jira haday ahaan lahaayeen heer degmo,heer gobol iyo waliba heer qaran Waxa ay soo barbaarisay Siyaasiyiin Soomaali ah,kuwaas oo ugu danbeyn u suurtageliyay in ay si dadban ula wareegto dalka, Islamarkaana ay Iyadu noqoto cidda kaliya ee wax laga weydiiyo mustaqbalka Soomaaliya iyo waliba nooca dowlad ee loo dhisayo.

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye siyaasiyiinta Soomaalidu dalkii ma u gacan geliyeen Itoobiya  mise maya ? Jawaabtu waa haa maxaa yeelay, ma jiro deegaan ku yaallo Soomaaliya oo aysan Itoobiya saameyn toos ah ku lahayn marka laga reebo inta yar ee ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.Waan ku celinayaa mar kale ma jiro deegaan ku yaalo Soomaaliya oo aysan Itoobiya si toos ah u maamulin haday ahaan lahayd Somaliland,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo waliba Gobolada Dhexe.

Sidaan kor ku xusayba,Waxa ay awood u leeyihiin Sirdoonka Itoobiya in ay cidda ay rabaan ka soo qabtaan dhamaan deegaanada uu ka kooban yahay dalkan marka laga reebo deegaanada ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabab.taasna waxaan u malaynayaa in ay ila qabaan dad badan oo Soomaaliyeed oo aan xaqiiqda ka gabaneynin.Amma beenaalayaasha iyaga ayey u taal

Bal si ay u qancaan dadka Soomaaliyeed ee jecel wanaagga dalkooda, Islamarkaana ay u ogaadaan in Siyaasiyiintooda ay dalkoodii u gacan geliyeen Xabasho, Xilli laga rajo qabay qaran Soomaaliyeed oo mid ah, islamarkaana madax banaan  bal aan keeno tusaalayaal dhowr ah.

1-Waxaan maalin dhexdaasi ah la hadlay, nin ka tirsan maamul ka mid ah gobolada soomaaliya,Waxaana weydiiyey goorta la dhisayo maamulka gobalka iyo degmooyinkiisa.Waxa uuna ii sheegay ninkaasi, in la sugayo ninka Itoobiya u qaabilsan gobolkaasi marka uu yimaadana la dhisi doono maamulka gobolka.Waxaan weydiiyey aaway maamul goboleedkii la sheegayey iyo Dowladdii Federaalka ? Waxa uuna iigu jawaabay Anaga Itoobiya ayaa nalaga xugumaa, Iyada ayaana sugeynaa !!

2-Waxaa maalin dhexdaasi ka dhacday Magaalada Baydhabo,rawaayad aad u qosol badan oo ay Itoobiya ku soo bandhigtay Magaalada, ka dib markii ay si qasab ah uga dhigtay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Iyadoo ganafka ku dhufatay Maamulkii ay dhisteen dadka reer koonfur Galbeeed,taaso oo runtii ku tusineysa heerka ay gaarsiisan tahay saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalka.

3-Itoobiya, Waxa ay dhawaan heshiis ballaaran la gashay Maamulka Somaliland xilli ay dalka ka jirto Dowlad Dhexe,Taas oo muujineyso in ay Itoobiya sameyn karto waxa ay rabo, islamarkaana ka sameyn karto gobolka ay doonto, Iyadoo xitta aysan  jirin cid ku canaanatay heshiiskaasi sharcidarada ah walaa Madaxweyne walaa Xildhibaan walaa Xeer-ilaaliye Qaran.

Dhamaan qodobadii aan xusay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay na tusayaan in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay dalkii u gacan geliyeen Xabashi, taas oo runtii ah wax laga xumaado. tusaale ahaan waxaad arkaysaa mararka qaar siyaasiyiin ku doodayo in aysan suurtagal ahayn in xil sare laga qabto Soomaaliya hadaanan taageero laga haysan Itoobiya.

Waxyaabaha layaabka badan ee la sheega waxaa ka mid ah, in ay wasiiro ka yihiin Dowladda Federaalka ah rag ku xiran sirdoonka Itoobiya,Kuwaas oo gudbiya sirta Madaxda Soomaalida gaar ahaan Dowladda Federaalka.taas oo runtii ceeb iyo yaxyaxba ku ah dadka Soomaaliyeed ee taageera Dowladda Federaalka oo aan Aniguba ka mid ahay.

Waxaan runtii isweydiiyaa mararka qaar sida aan u taageeri karno siyaasiyiin noocan ah. tusaale ahaan waan yaxyaxaa markaan maqlo Gabre ayaa la isku cabsiyaa Xamar. ama Madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa isku garbiyo taageerada Dowladda Itoobiya. taas waxaa ka daran markii ay ogolaadeen Siyaasiyiinta Soomaalida ah, in ay Itoobiya ka mid noqoto Howlagalka Amisom, Iyagoo og xasaasiyadda ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan ciidamada Itoobiya.
Maadaam ay jirto colaad gaamurtay u dhaxeysa labada dal, Islamarkaana uu jiro dhul ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya, Waxa ay ahayd inaanan marna la ogolaanin, in ay ciidamado Itoobiyaan ah cagta soo dhigaan ciidda Soomaaliya daruuf kasto oo jirtaba laakiin dad ay siyaasiyiin u yihiin Cabdi wali Gaas iyo wax ka mid ah xagay gaarayaan.Midda kale haddii ay sidan noqotay Tigreedii Shalay la caawiyey sow ma mudna in la isweydiiyo in la soo dhaweysan karo Amxaar qowmiyad kastaaba ha ka soo jeedee ?

Gaba gabadii, waxaa ku leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ceebay idin ku tahay inaad dalkiina u gacan gelisaan dal cadow ku ah qaranimadiina.Sidee ku ogolaateen in la idinka xukumo caasimaddii Shalay laga burburiyey dalkiina ? Aaaway damiirkiinii sowse ma ogodiin in ay qormeyso taariikh oo la oran doono hebel waxa uu ahaa ninkii sidaas iyo sidaas sameeyey. Ma ogtihiin inaad isku darsateen karti-xumo,musuq maasuq,qabyaalad,dabadhilifnimo iyo waliba muran badan. Ilaahow kuwan naga qabo adaa qaadiree.

Hadda maxaa lagu tilmaami karaa Siyaasiyiinta ku shirsan Magaalada Istanbuul ee ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Mamul Beeleedka Somaliland.Haddii ay dhab ka tahay in la wadahadlo maxaa diiday in lagu wadahadlo gudaha dalka sida Magaalooyinka Muqdisho,Hargeysa,Boosaaso iyo Baydhaba ? Dalxiis iyo tamashle iga dheh.

Maadaama ay ku fashilmeen Siyaasiyiinta Soomaalida hogaaminta dalka iyo waliba dhismaha qaran Soomaaliyeed, sidoo kalena ay dalkii u gacan geliyeen cadowgii soo jireenka ahaa hadaba waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta Soomaalida ah talooyinka soo socda :-

 

  1. In aad la timaadaan aragtidii lagu dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mid ah islamarkaana Madax banaan.
  2. Hadaydan keeni Karin aragtidaas inaad Umadda ka hor leexataan si dalka loo badbaadiyo
  3. In aad dalka ka saartaan dhamaan ciidamadan ka soo jeeda Dowladaha Dariska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo runtii qatar ku ah jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo mid ah.

 

Codsi: Waxaan weydiisanyaa Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan dadka aqrin doona qormadan inaan  ka helo feedback si aan u ogaado in la ila wadaago aragtida aan ka qabo Siyaasiyiinta Soomalida iyo waliba saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalkeena.

W/Q: Cabdulaahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

siyaasiga-soomaaliya-maanta-copy

DHAGEYSO:-Diyaaradii ugu Horeysay oo Dowladda Kenya Looga Soo Riday Dalka Soomaaliya.Sheekh C/raxmaan Xudeyfa“Waxaan heynnaa Burburka Diyaarada iyo Duuliyaha waday oo Gubtay”

32740388

Halka Loo yaqaano Dhasheeg Waamo oo qiyaastii 45 km ujirta Kismaayo waxaa maanta galinkii danbe kusoo dhacay diyaarad Miig ah oo uu kaxeynayay duuliye Kenyaan ah.

Diyaarada ayaa soo dul martay  Degmada Jamaame, waxaana lala helay mid kamid ah lidka diyaaradaha iyadoo aanan gaysan wax Qasaaro.

Dad xoolo raacato ah iyo ciidamo katirsan Shabaabka ayaa dul tagay burburka diyaarada, waxaana goobta lagu arkay maydka duuliyaha.

Waa markii ugu horeysay Diyaarad Dagaal oo Miig ah Kenya looga soo rido Wadanka Soomaaliya oo ay kusoo duushay 2011.

Diyaaradaha khumaatiga ukaca ayaa horay Kenya looga soo riday Soomaaliya.

Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo Kenya ay ka gaysatay duqeymo ayaa sidoo kale laga dareemay farxad ku aadan soo dhicista Diyaarada Miiga.

Kenya wali kama aysan hadlin diyaarada looga soo riday Soomaaliya.

Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa Caawa wareysatay waaliga Jubooyinka sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Allaah ayaa ku mahadsan oo noo suurtagaliyay inaan kor istaagno diyaarad ay soo rideen ciidamada la dirira diyaaradaha ee Mujaahidiinta”ayuu yiri sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Waaliga Jubooyinka ayaa sheegay diyaarada inay ku dhacday Tuulada Dhasheg Waamo oo ku taala  galbeedka Buulo gaduud.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa“Waxaan heynnaa Burburka Diyaarada iyo Duuliyaha waday oo Gubtay”

“Waxaan heynnaa burburka diyaarada iyo Duuliyihii  waday oo gubtay”ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

 

Dhagayso Wareysiga Sh Cabdiraxmaan Xudeyfa Waaliga Jubooyinka.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

VIDEO:-Xafladii Caleemo Saarka Shariif Xasan iyo sida Ethopian u Maamusheen

32732204

Maalmo kahor waxaa magaalada baydhabo lagu doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee seddexda gobol  Shariif Xasan oo hore usoo qabtay jagooyin kala duwan sida wasiirka maaliyadda ee dowladdii Shariif Shiikh Axmed iyo guddoomiyaha baarlabaanka,waxaana caleen saarkiisa ka weyn galay Xasan Sheekh Maxamud oo Xamar laga waday iyo wakiilka Xabashida ee gobolada koofuureed.

Maamulkaan ayaa noqday maamulka ugu mashaqada iyo isqabqabsiga badan ee dalka soomaray illaa iyo hadda maxaa yeelay xataa gobolada la doonaayo inuu maamulo ayaa inta badan wuxuu gacanta ugu jiraa Xarakada Alshabaab markii laga reebo goobo yar oo ay degan yihiin ciidamada shisheeye ama ay xabbadoodu gaarto.

32735183

Laakiin dhinaca kale wuxuu maamulkaani suurto geliyey inay isku mowqif ka noqdaan maamulka puntland iyo dowladda federaalka ah oo aan weli la arag wax ay toos isugu raaceen. sidoo kale waxaa maamulkaan aad usoo dhoweeyey maamulka jubbaland oo fursad fiican u arka maadaama uu doonaayo in meesha laga saaro maamulka axmed madoobe ee lixda gobol oo carriiri badan ku haayey.

 

Siyaasiyad ahaan Shariif Xasan wuxuu cayaaray kaarto meel cariiri ah ku jirtay oo uu ogaa inay Puntland iyo Jubalanba raalli ka yihiin ,asagoo dhanka kalena kalsooni buuxda ka haystay dowldda Itoobiya ee ciidamadeedu kataliyaan xaafado badan oo magaalada Baydhabo ah.

32743566

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Dheere: “Inta Ciidanka Kenya Duullaanka Ku Joogaan Soomaaliya, Dhiigga Shacabka Kenya Wuu Sii Daadan Doonaa”

32726649

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ka war bixiyay weerarkii habeenkii  ka dhacay duleedka Mandheera, kaasoo la  sheegey  iney ku dileen afartan ruux oo Kiristan ah.

Sheekh Cali ayaa sheegay in dhiig baxa ku socda Kenyaatigu ay salka ku hayaan duullaanka ay ciidankoodu ku joogaan gayiga Soomaaliya, isagoona wacad ku maray in weeraradu sii socon doonaan illaa Kenyaanku ay dalka ka baxaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday is casilaada uu ku dhaqaaqay taliyihii Boliska Kenya iyo tallaabada uu madaxweynaha dalkaasi ku casilay wasiirkii arimaha gudaha, wuxuu sheegay inaaney arimahaasi waxba soo kordhiyi doonin inta madaxweyne Uhuru uu ku taagan yahay siyaasadda khaldan ee islaam la dirirka ah iyo qabsashada Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Kenya leader sacks minister after massacre

Uhuru Kenyatta announces security shake-up, firing interior minister after al-Shabab claims slaughter of 36 people.

Uhuru Kenyatta, the Kenyan president, has sacked his interior minister and accepted early retirement for the head of the police, hours after Somalia’sarmedgroupal-Shabab said its fighters had killed at least 36 people at a stone quarry in the northeastern city ofMandera.In a televised address, Kenyatta on Tuesday vowed to continue the fightagainstal-Shabab and announced a security shake-up in which Interior Minister JosephOleLenko was dismissed.Kenyatta named an opposition politician and retired army general, JosephNkaissery, to be the new interior minister, in charge of security.At a news conference in the capital Nairobi, David Kimaiyo, the police chief, announced he was stepping down and that the president had accepted his early retirement.

The two men have been responsible for the east African nation’s security, which has deteriorated amid a wave of deadly attacks blamed on al-Shabab.

Security weakness

“My government has invested heavily in terms of increasing recruitment of security personnel; improving their welfare … Despite this progress, we also acknowledge some weakness in our security architecture,” he said.

Kenyatta added that he had asked top security officials to work with legislators and find out whether there were administrative and legal hurdles that limit the country’s “ability to deal with this real and existential threat”.

The scene at the Mandera quarry [The Kenya Star]

About 20 gunmen, described by the Kenyan government as “heavily armed bandits” opened fire at the quarry in the early hours of Tuesday morning after separating Muslims and non-Muslims, sources said.

Several people were beheaded, while others were shot in the back of the head, sources told Al Jazeera.

Al-Shabab claimed responsibility for the attack, calling it “another successful operation carried out by the Mujahideen”.

“This latest attack was part of a series of attacks planned and executed by the Mujahideen to serve as a response to Kenya’s occupation of Muslim lands and their ongoing atrocities therein, such as the recent air strikes on Muslims in Somalia,” al-Shabab spokesman Sheikh Ali Mohamud Rage said in a statement emailed to journalists.

The dead are reportedly miners who worked in the quarry, located just outside the town. Shortly before the attack they were woken by the gunmen and forced to leave the tents where they were sleeping.

Frequent attacks

Al Jazeera’s Catherine Soi, reporting from Nairobi, said the government had been under a lot of pressure to fire the two security chiefs.

The attacks had become frequent and the two men have been blamed by Kenyans for failing to provide adequate security, said our correspondent.

She also said the Red Cross was at the scene of Tuesday’s attack and that the military and army were heading to the site, which is just 5km from the border with Somalia.

“We are being told that many of the people who work in the quarry are not from Mandera,” she said, adding that those killed were non-Muslims.

“This comes at a time when security in Mandera has been beefed up because of recent attacks. We just returned from Mandera and the security forces there assured us they are in control of the situation, but they said that the border there is also very porous.”

The scene of the latest attack is about 30km from the November 22 raid on a bus in which 28 non-Muslims were separated from the Muslim travellers before being executed.

The shooting in the quarry comes after an attack on a night club in the Kenyan town of Wajir on Monday night.

One person was killed and at least 12 injured as gunmen hurled grenades and sprayed bullets at the building, the government said.

The Kenyan government, in a statement, said investigations were under way to look into both incidents.

Kenya sent troops to neighbouring Somalia in 2011 to rein in al-Shabab after raids on its coastal cities blamed on the armed group. It has since come under a wave of deadly attacks, including the September 2013 assault on the Westgate shopping mall, which killed at least 67 people.

Al-Shabab has called for the withdrawal of the troops which have since joined forces with African Union peacekeepers in the Somali capital Mogadishu.

http://www.aljazeera.com/news/africa/2014/12/kenyan-leader-vows-fight-against-al-shabab-2014122125624159279.html

 

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin oo Baaq u Diray Beelaha Mudug ku Dagaalamaya.

32700998

Sheekh Cali Katiin oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay beelaha walalaha ah ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobalka Mudug iney joojiyaan dagaalada dhiiga micna darada ah ee iska daadinayaan’isagoona ugu baaqay beelahaas iney u midoobaan la dagaalanka shisheeyaha soo duulay.

Deegaano ka tirsan gobalka Mudug waxaa ku dagaalamaya beelo walala ah yadoona dagaal beeleedyadaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro dad ah oo qeyb ka ah beelaha dagaalamaya.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Dr Xanafi “Waxaa jira Dhaqaatiir isku Xiran oo si Burcadnimo ah kaga Ganacsada Kilyaha Shacabka Soomaaliyeed”

 

32700859 (1)

Shisheeyaha Soomaaliya gumeysta ayaa la xaqiijiyay in ay la socdaan dhaqaatiir dadka Soomaaliyeed kilyaha iyo beerka kala baxa.

Dhawaan dadka ku dhaqan deegaanka Qooqaani ee gobalka jubada hoose ayaa Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan u sheegay in askarta Kenya nin ka mid ahaa dadka deegaanka ay dileen kilyahana ay kala baxeen.

Hadaba Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan wuxuu ku sheegay in xubnaha uur ku jirta sida kilyaha iyo beerka lala baxo ayna jiraan dhaqaatiir iyo shirikado burcad ah oo ka ganacsada.

Wuxuu tilmaamay in inta badan loo iib geeyo isbitaalada ku yaal Yurub iyo Maraykanka.

Dadka Soomaaliyeed ayuu dhaqtarku u digay, waxaanuu u sheegay in ay ka fogaadaan xarumaha cadawga.

Halkaan ka dhageyso.

Xigasho:idaacadda Alfurqaan.

GACAN KU DHIIGLE & GACAN QAADE.

32693518

Inaaalilaahi Wa inaa Illayhi Raajicuun, geeridu waa xaq, Jooge baaqi ahaade waa Allaah SWT kor ahaaye. Geeridu aqoon ayeey kugu dishaa ama ehelnimo. Waxaan Illaahay uga baryeynaa inuu u naxariisto Axmed Yusuf Cali Faahiye (AXMED GUREY) iyo Mustafe Yusuf Cali Faahiye. Waxaa dhalay labadoodaba adeerkay Yuusuf Cali Faahiye, labadaba waxaa dilay gacan ku dhiigle Gabre & ciidamadiisii.

Axmed Yuusuf Cali waxaa ciidamada Ethiopia ay ku dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisha isagoon hubeysnayn oo aan wax uu galabsadayna la garaneyn. Axmed Gurey waxay geeridiisu timid inyar kadib markuu xaafada oo ku dhoweyd Shiinemo Liibaan uu kasoo tagay. Arintani waxay naxdin iyo argagax ku riday dadkii ehelka ahaa gaar ahaan kuwii gurigii uu xiligaas kasoo tagay kula noolaa oo muuqiisa inyar kahor nolol ku ogaa.

Naxdintani waxay dhalisay in uu murugo iyo maskax wareer ka qaado Mustafe Yusuf Cali Faahiye oo ahaa wiil aad u yar oo aan xamili karin madaafiicdii dhacaysay iyo murugada usoo hoyatay qoyska. Mustafe oo Shock ka qaaday iyo reerkii oo xamili waayay gantaalaha ay ciidamada Ethiopia la bar tilmaameedsanayeen xaafadaha shacbkeena ee caasimada dalkeena ayaa u barakacay magaalada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmo kooban kadib markii ay reerka ku sugnaayeen magaalada Afgoye oo ay xasilooni iyo nabad dareemeen isla markaasna ay caafimaad iyo dabiib u heleen Mustafe oo miyir doorsoon ka qaaday grridii murugada lahayd ayeey hadana ayaan daro usoo hoyatay. Maalinimadaas waxaa magaalada Afgoye Kormeer ku yimid Col. Gabre oo kormeerayay ciidamada Ethiopia oo ku sugnaa Afgoye, gaar ahaan Buundada Afgoye. Mustafe Axmed Cali oo sidii caadada ahayd dhex maraya magaalada ayaa waxaa rasaas geeridiisa sababtay ku furay ciidamadii Col Gabre taasoo sabab u noqotay inuu dhaawac halis ah soo gaaro. Sida ay xaqiijisay websiteka Qaadisiya oo uu xiligaas qori jiray Abdirahim Isse Cabdiraxiim Ciise Cadow oo hada katirsan shaqaalaha Radio Muqdisho ayaa soo daabacay dhaawaca kadib in uu gaariga kasoo dagay Col Gabre oo ciidamadii la socday u sheegay inaanu ninkaan badbaadi doonin oo uu gaaray dhaawac halis ah, sidaas darteedna ay fiican tahay in loo fududeeyo. Arintaas oo ninkii turjubaanka ahaa uu ka biyo diiday taasoo kaliftay inuu Col Gabre lasoo boxo bastoolad uu sadex xabadood madaxa kaga dhufto, si uu u dhameystiro.

Arintani waxay noqotay murugo kale oo usoo hoyata qoyskii awalba la il darnaa tabaalaha murugada leh ee ay ciidamada Ethiopia ay ku kalifeen inay kasoo barakacaan guryahii nabdoonaa ee ay ku noolaayeen duqeynta iyo xasuuqa ay Ethiopia ku haysay dadka caasimada darteed. Waxayna noqotay inay hadana dib uga qaxaan oo ay u cararaan Ceelasha oo ka nabdooneyd Afgooye.

Wuxuu tabaalaha dunida qofba meel ka tuuroba, waxaan ahaa dadka fara ku tiriska ah ee la tacalayay sidii ay u dhiiri galin lahayeen murugada qoyska haysatay oo qofba meel ku heysay. Waxay reerku mudo dheer baadi goobayeen sidii ay u heli lahayeen fursad ay kaga aar gutaan gacan ku dhiiglaha, balse waxaa marwalba isku horgudba kuwa magaca iyo muuqa inala wadaaga.

Anigu waxaan kamid ahay dadka dadaalka u galay sidii Meles iyo Masfin iyo weliba Gabre looga aar gudan lahaa safka hore kaga jiray, Illaahay wuxuu ii gartay inaan geeridii Meles & Raqdiisiiba taagnaado si ay u dhacdayba. Balse nasiibku iima saamixin inaan gacantayda ku guto waajibkaas. Masfin oo saacada aan qorayo la il daran Sun kilyaha fariisisay kili kamida oo aan aaminsanahay inuu sababsan doono iyo Gabre oo godintu u taagan tahay goorey qabataba oo aan waayaha u daayay.

GACANQAADKA GACAN KU DHIIGLAHA.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Sagaaradii Bada ku kaadisay Naceedey warisay. Waayo sagaaro waa ogtahay hadey Bada ku kaadiso inaanay Kaadi Sagaaro Bada waxba ka dhibeynin, balse ay nacaybka ay bad u qabto muujinayso. Adigu gacanqaadkaaga dhibanayaasha Gacan ku dhiiglaha waxba u dhimi meyso, balse waxaad warisay xumaanta aad u qabto dadkii dhibanayaasha ahaa oo hadaad garanweysay inaad afkooda ku hadasho, waxay ahayd inaad wadaniyada beenta ah ee aad noo sheegan jirtay ku matasho.

Balse waxaa yaab iyo murugo ah inaad tiraahdid WIIL MUQDISHO KAAGAMA DHIMANIN ADIGA IYO REERKIINABA. QOLODA AAD KA DHALATAYNA IYAGAA ETHIOPIA KEENAY. Aniga qolada aan ka dhashay iyo Ethiopia miyaan kala jeclahay, haday Ethiopia la socdaan. Waan ogaa inaad RAQA RAAC tahay, balse inaad af adayga igula dhiiran karto ma moodeyn.

Caruurtu Bulaca ciyaarbay u dishaa, isagana waa u qurgooyo.

AUN Abwaan Abduqaadir Xirsi Yamyam ayaa laga hayaa.

Waa u dheel inay ubad yaryari,
Mulac dharbaaxaane,
Isagana Naftoo dhaaftay iyo,
Dhimasho weeyaane.

XIGASHO-https://www.facebook.com/hiirad7/posts/10154915926865457

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Sheekh C/lahi Raabi oo ka hadlay Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle.

32671101

Sheekh Cabdulaahi Raabi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caasan islamarkaana ah Sheekh si aad ah wax uga qora taariikhda ayuu faahfaahiyay taariikhda madow ee General Camar  Xaaji Masalle oo  ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Sheekha waxa uu xusay in ninkan uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ciidamada Xabashida Itoobiya soo galiyay dalka Somaliyeed’waxaana sidoo kale Sheekha uu taabtay in Cumar Xaaji  Masalle oo culimo  ku laayay gobalka Gedo.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Barakac xoogan oo ka socda magaalada Mandheera.

32670172 (1)

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera oo qeyb ka ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia waxey sheegayaan in barakac xoogan uu ka jira kadib markii shaqaalaha dowladda Kenya iyo kuwa hey’adaha gaalada Caalamka ee ku sugan magaalada cabsi xoogan ay ku abuurtay weerarkii dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyeen duleedka magaaladaasi.

Kumanaan ruux oo isugu jira shaqaalaha iskuulada dowladda iyo kuwa caafimaadka ee  Kenya ayaa isaga cararay magaalada’iyagoona sheegay iney nafsadooda u baqeen maadaama amniga magaalada uu yahay mid aan la isku haleyn karin.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Generaal Cumar Xaaji Masale oo Geeriyooday, Qof noocee ah ayuu ahaa?.

32662009 (1)

Wararka ka imaanaya Magaalada Leicester  ee dalka Ingiriska waxey sheegayaan in halkaasi uu ku geeriyooday General Cumar Xaaji Masale oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare dowladda Shuuciyada Muxamed Siyaad Barre.

Sargaalkan geeriyooday ayaa ahaa taliyihii hogaaminayay ciidamadii sanadkii 1975 magaalada Muqdisho ku tooktay toban wadadaad oo dil uu ku xukumay Siyaad Barre kadib markii ay kasoo horjeesteen arin gaalnimo ah oo ay ku dhaqaaqday dowladdii Siyaad Barre.

Sidoo kale sargaalkan geeriyooday waxa uu ahaa sargaalkii ugu horeeyay oo Soomaali ah islamarkaana ciidamo Itoobiyaan ah kusoo hogaamiyay dhulka  Somaliyeed’waxaana sanadkii 1996 ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya uu soo galiyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

 Sanooyin  ayaa kasoo wareegatay maalintii madoobayd ee ay ciidamada dowlada Xabashida iyo ciidaankii ururka SNF gumaadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo gumaysi diid ah.Ciidamadan weerarka soo qaaday oo ku  hubeysnaa gawaarida gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga u duula (Helicopters) ayaa weerar si wanaagsan loosoo abaabulay mar qura ku qaaday degmooyinkaas.

Waxey aheyd 9 August 1996 markey ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha ururka SNF Gen.Cumar Xaaji Masale iyo Ra’iisul Wasaaraha Xabashida Melez Zenawi weeraro kusoo qaadeen degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow oo dhamaanba ka tirsan gobolka Gedo,Cumar Xaaji Masale wuxuu falay khalad la galo kii ugu weynaa waayo wuxuu dab qabadsiiyay gurigiisii, wuxuu  gumaaday shacabkiisii, wuxuu iibsaday dadkiisii, dhulkiisii, damiirkiisii iyo dadnimadiisii. Khaladkaas uu galayna waa kan maanta ka saaray saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya kana dhigay qaxooti ka fekera nolol maalmeedkiisa oo qura.

Cumar Xaaji Masale ayaa ku noolaa dalka Ingiriiska oo ku noolaa nolol qaxooti aad u xun,qof walba oo gumaystaha soo horkacanaa wuxuu mari doonaa jidkaas.

Dhulka Soomaaliyeed ayaa weli waxaa ku sugan kuwa soo horkacaya gumaysiga gaar ahaan kuwii Xabashida oo Cumar Xaaji soo hor kici jiray.

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Cabdi Wali Sheekh “Mooshinka Sharci Darrada ah Waxaa Lagu Difaacayaa Wasiir Saaxiib La ah Madaxweynaha”.

32662009

Waqti uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka ayay dhinacyadu xalka kama dambaysta ah door bidayaan baarlamaanka.

Cabdi Wali Sheekh R/Wasaaraha DF-ka oo shalay gelinkii dambe warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in shiqroollo halis ku ah maamulkiisa lagasoo abaabulayo dhanka Madaxtooyada.

Wuxuu eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte iyo wasiirka Garsoorka Faarax Cabdu Qaadir isagoo hadlayay ayuu yiri “”Madaxtooyada waxaa laga soo abaabulay mooshin sharci darro ah oo caqabad ku ah habsami usocodka xukuumadda,shacabka soomaaliyeed waxaan usheegaynaa in dad dana gaar ah leh ay doonayaan in ay khal-khal geliyaan hay’adaha qaranka”.

Markii ugu horraysay ayuu daabolka ka qaaday halka ay iska arkeen Xasan Sheekh wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dad saaxiiba la ah hoggaamiyaha DF-ka ay khilaafka horay usii riixeen.

Cabdi Wali Sheekh ayaa si diirran usoo dhaweeyay buuqii ay ku dhaqaaqeen qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka wuxuuna ku sifeeyay ku difaacaya wax uu ugu yeeray “Xukuumad Sharci ah”.

Dhageyso C/Weli OO Madaxweynaha eedeeyey.lite

32662021

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Makarafoonkii Jawaari oo la jajabiyey!.

32653490

Buuq iyo Fowdo ka dhalatay Mooshinkii oo si qarsoodi ah loo qeybiyey sida ay sheegayaan Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda ayaa waxa ay sababtay in xitaa buugii Xildhibaanada isku xaadirinayeen la jeex jeexay.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka laga keenay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa waxay bur buriyeen sida wararka ku helayno Makarafoonkii Xarunta Baarlamaanka Somaliya.

Wixii faah faahino ah ee kasoo kordho dib kala socda insha allah

SOMALIA & KENYA:La taliyaha Uhuru Kenyata”Alshabaab waxay doonayaan in dagaal diimeed uu ka dhaco Kenya”

32646284 (1)

Xukuumadda Kenya ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa weerarada ka dhanka ah dadka nasaarada ee dib ugasoo cusboonaaday wadankaasi xilli ammaanka Kenya faraha kasii baxayo.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in weeraradii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay duleed magaalada Mandheera.

Kenya ayaa wadnaha farta ku heyso in dadka Kenyatiga ah ee diimaha kala duwan heysta,lataliyaha Uhuru ayaa sheegay in dagaalka udhaxeeya muslimiinta iyo Nasaara uu Kenya gelin doono mashaakilaad dhan walba ah.

Al Shabaab waxay doonaysaa in dagaal dhanka diinta ah ka dhax abuurto muslimiinta iyo Nasaarada Kenya shacabka waxaan leenahay is xakameeya oo dulqaata”ayuu yiri lataliyaha Kenyatta.

 Dadka arrimaha Kenya falanqeeya ayaa sheegaya in muslimiinta degta dhulka xeebaha ay baraarugeen ayna bilaabeen in ay ka aargoostaan Nasaarada talada heysa.

Howlgallo ka dhan ah dadka muslimiinta ah oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Mombaasa ayaa banaanka soo bandhigay sida ciidanka Kenya ubartilmaameedsanayaan muslimiinta.

Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo warbaahinta lahadlay ayaa muslimiinta Kenya ku booriyay in ay hurdada ka kacaan oo sharafkooda difaacdaan.

“Suurtagal Ma ahan in Shacabka Kenya Raaxa ku noolaadaan Shacabka Soomaaliyeedna Kabta Askarta Kenya ku hoos noolaadaan”

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sh.Cali Dheere MP3

Dagaallo ka kala dhacay Banaadir, Sh/hoose,Hiiraan iyo Galgaduud.

32646284

Ciidamada XSHM ee gobalka Shabeelada hoose waxey dagaallo culus ku qaadeen qaar ka mid ah deegaanada ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaatdka dowladda ay kaga sugan yihiin gobalka Shabeelada hoose.

Deegaanada Shalambood iyo Golweyn oo ah deegaanada xalay dagaalada ka dhaceen waxey ciidamada XSHM   ka galeen dhowor jihao iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay gooba ka fog deegaanadaasi.

Dhanka kale ciidamada XSHM  gobalka Banaadir waxey xalay weerareen isbaarada maleeshiyaadka dowladda ay dhigteen halka loo yaqaana Baar Jowhar oo ka tirsan xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafada badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho’waxeyna dadka ku dhaqan xaafadaasi xaqiijiyeen in markii dagaalka muddo socday maleeshiyaadka dowladda goobta isaga carareen.

Dhanka kale ciidamada XSHM gobalka Galgaduud waxey xalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Xabashida Ithoobiya ay ka sameysteen degmada Ceel-garas oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada XSHM   weerar khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya ku qaadeen deegaanka Ceel-lahelay oo hoostaga degmada Ceel-garas.

Ciidanka XSHM  ee  Hiiraan ay ka  fuliyeen deegaanno hoos yimaad degmooyinka Buula Barde ,Maxaas iyo Jalalaqsi ayay ku xaaqeen maleeshiyaad mooryaan ah oo cadawgu soo abaabulay,ciidamada XSHM  ayaa  xaaqay maleeshiyaad ay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee Hiiraan kusoo duulay ay soo hubeeyeen si ay khal-khal ugeliyaan ammaanka lagu diirsaday ee degmooyin iyo deegaanno Hiiraan katirsan kajira.

Maleeshiyaadka ayaa uqeybsamay kuwa ladilay,kuwa laqabtay iyo kuwa u cararay degmooyinkii Amxaarada iyo Itoobiya kasoo agaasimeen ee Maxaas iyo Jalalaqsi.

Dagaalada ayaa kuwa joogta ka ah goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye iyo  Maleeshiyo Beeleedka ka garab dagaalama.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:- Abwaan kaga hadlay geeridii Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr.

32619760

Abwaan Muuse Yuusuf waa mid kamid ah abwaaniinta Soomaaliyeed  ayaa  tiriyay gabay,Gabayga ayuu abwaanku kaga hadlay geeridii Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr Amiirkii Shabaabul Mujaahidiin  oo ku baxay gacanta Maraykanka laguna dilay daiyaadarahada Dronka.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO WAREYSIGA:Madoobe Nuunow “Baydhabo islama joogi doonno innaga iyo Shariif Xasan”

32606037

Madoobe Nuunow oo hogaamiye u ah Garab kamid ah  maamulo iska soo horjeeda ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

isagoo Baydhabo ku sugan ayuu wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan ku sheegay Madoobe Nuunow in sharci daro ay ahayd doorashada iyo in maamul dhisan laga hoos dhiso maamul kale.

Wuxuu sheegay in isagu yahay madaxweyne sharci ah oo ay doorteen dadka.

Madoobe Nuunow ayaa sheegay in Baydhabo aysan isla joogi doonin iyaga iyo qolyaha Shariif  Xasan.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO -RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:- Gaadiidleyda Shabeelaha Hoose oo ka cabanaya Isbaarooyin.

32597253

Isbaarooyin badan ayay maleeshiyaadka Dowladda soo dhigteen qeybo kamid ah shabeelaha Hoose.

Gaadiidlayda xamuulka ee ka shaqeeya Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in lacag malaayiin ah ay kaga baxdo isbaarooyinkaasi.

Darawal kaxeeya gaari uu leeyahay ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay  isbaarooyinka iyo lacagta looga qaado.

Dowladda ayaa ku celcelisay inay qaaday isbaarooyin yiilay shabeelaha hoose balse taasi waxay noqotay mid aanan sii shaqeyn oo isbaarooyinkii dib ayaa loo soo dhigtay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Boob Lagu Hayo Ciida Soomaaliya.

32597174

Konteenaro ay ka buuxdo ciid ayaa maalin walba laga qaadaa dekedda magaalada Muqdisho, taasoo loo raro dalka dibaddiisa.
Amiin Axmad oo indhihiisa ku arkay konteenarada ciida ah kana waramay meelaha laga qaado ayaa  sheegay in lala yaaban yahay arrintan.

HOOS KA DHAGEYSO.

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.