DHAGEYSO:Tarsan “Ammaanka Muqdisho Faraha Ayuu Kasii Baxayaa Waddooyinka oo dhagxaan lagu gooyo waxba sooma kordhinayaan”.

33433229

Maxamuud Nuur Tarsan guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ugu magacaawnaa DF-ka ayaa ka hadlay ammaan darrada ka taagan magaalada Muqdisho.

Tarsan oo mid kamida warbaahinta Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in ammaanka caasimadda uu noqday mid faraha ka baxay islamarkaana maamulka hadda jira uu ku fashilmay sugidda ammaanka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka gobolka Banaadir ay muujinayaan in ammaan laysku hallayn karo uusan jirin.

“ammaanku faraha ayuu kasii baxayaa magaalada Muqdisho,biraha iyo dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka amni laguma sugi karo waxaana wada dad dana gaar ah leh”ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Nuur ayaa ka dayriyay in Muqdisho amnigeeda ay hantaan kumanaanka askari ee shisheeyaha AMISOM iyo kuwa DF-ka isagoona ka shanqariyay in qeybo badan oo shacabka Muqdisho katirsan aysan la shaqeyn dowladda Federaalka.

HOOS KA DHAGYSO

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Dam Jadiid Ahlu sunna Galguduud ma kaga adkaan doontaa ?

amin

Dagaal ka ka dhacay Dagmada Guri ceel ee gobolka Galguduud ayay iskaga hor yimaadeen ciidamada koox diimeedka Ahlu sunna iyo kuwa dawladda ee daacada u ah ururka hoggaanka dalka Soomaaliya haya ee Dam jadiid , sida la sheegay gacanta sare Ahlu sunna ayaa yeelataya , waloow aan lagu kala bixin oo gobolka qaybo ka mid ah ay joogaan ciidamada Dam-jadiid abaabushay .

Dagaalka ayaa ka dhashay isku day Dam Jadiid ku doonayso in ay qabsato Gobolkada Galguduud iyaga oo gashan magaca dawladnimada dalka iyada oo arrinku ku qotomo ku soo baxaan madaxtinimada maamulka Gobolka Galguduud iyo qayb Mudug ah loo dhisaayo ee lagu wado in lagu soo yagleeyo shirka Cadaado ee loogu magac daray shirka Gobolada dhexe .

Kooxda Ahlu sunna ayuu ka daadagi waayey damaca Dam-dajiid ee ah in ay maamulka gobolkaas qabsadaan iyada oo Ahlu sunna dagaalo usoo gashay haysashada gobolka qaybo ka mid ah oo ay ka eryadeen kooxda Al-Shabaab iyaga oo kaashanaaya dawladda Itoobiya .

Dhan kale Ahlu Sunna ayaa u aragta koox diimeedyada la isku yiraahdo Wahaabiyiinta , Sida Al-shabaab , Al-ictisaam , Islaax iyo Dam-dajiid oo Islaax ka dhambalmay kuwo isku mid ka ah dhinacyo badan iyagana cadoow ku wada ah .

Odayada Gobolka qaybtood , siyaasiyiinta aan siyaasad iyo diin isku lifaaqan u xaglin , qaybaha kala duwan ee bulshada badankoodku waxay taageersan yihiin Ahlu sunna , halka Dam-jadiid ay lacago badan ku furfurayso cid kasta oo ay u aragti in ay ka hor imaan karto qorshaheeda .

Waxaa deegaanada in maamul loo sameeyo la isku dayaayo qaybo ka mid ah ka jira Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Gal Mudug oo siyaasiyiinta hoggaamiya la oran karo dantoodu waxay ka dhex arkaan Ahlu Sunna .

Sida la malayn karo , qorshaha Dam-jadiid ee Mustaqbalkooda ka talinta dalka , ayaa u dagsan in ay qabsadaan maamulka Gobolada dhexe iyo mid kale oo lagu wado Shabeelada dhexe iyo Hiiraan in ay yeeshaan .

Dam dajiid oo ku soo galaaya doorashada 2016-ka haddii ay dhacdo Xisbiga PDP (Peace and Development Party) Af Soomaali na ku ah Xisbiga Nabadda iyo Hurmarka ayaa isu gaysanaaya in ay ka taageerayaal codkooda siiya oo badan ka helaan labada maamul ee ay qorshaynayaan qabsashada madaxtinimadooda iyo Muqdisho , waxaana loolanka la gali doona siyaasiyiin hoggaaminaaya xisbiyo ka soo horjeeda oo ka socda Maamulada xiriirka wanaagsani ka dhaxeeyo ee laba ka mid ah mataanaha dadkoodu ugu yeeraan , Puntland , Jubba-land iyo Koonfur Galbeed .

Sida uu ku dhaboobi karo qorshaha Dam dajiid ee ay ku doonayaan mudo dheer in ay ka arrimiyaan Soomaaliya ayaa ahay si fudud , iyada oo kooxda lagu sheego mid siyaasaddaynta ku hoosaysa .

Ugu dambayn damaca Dam-jadiid ayaa wajahaaya loolan siyaasaddeed adag oo ay iskaga horyimaadaan urur kale ee laga taabac san yahay maamulada aan kor ku soo xusay , Gobolada Somaliland la isma oran karo doorasho ayaa ka dhacaysa ,marka laga soo tago deegaanadda Puntland iyo Khaatumo ka arrimiyaan Somaliland sheega to .

 

Idiris Makiinad .

Dooxajog5@hotmail.com

Cabdi Wali Sheekh “Mooshinka Sharci Darrada ah Waxaa Lagu Difaacayaa Wasiir Saaxiib La ah Madaxweynaha”.

32662009

Waqti uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka ayay dhinacyadu xalka kama dambaysta ah door bidayaan baarlamaanka.

Cabdi Wali Sheekh R/Wasaaraha DF-ka oo shalay gelinkii dambe warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in shiqroollo halis ku ah maamulkiisa lagasoo abaabulayo dhanka Madaxtooyada.

Wuxuu eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte iyo wasiirka Garsoorka Faarax Cabdu Qaadir isagoo hadlayay ayuu yiri “”Madaxtooyada waxaa laga soo abaabulay mooshin sharci darro ah oo caqabad ku ah habsami usocodka xukuumadda,shacabka soomaaliyeed waxaan usheegaynaa in dad dana gaar ah leh ay doonayaan in ay khal-khal geliyaan hay’adaha qaranka”.

Markii ugu horraysay ayuu daabolka ka qaaday halka ay iska arkeen Xasan Sheekh wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dad saaxiiba la ah hoggaamiyaha DF-ka ay khilaafka horay usii riixeen.

Cabdi Wali Sheekh ayaa si diirran usoo dhaweeyay buuqii ay ku dhaqaaqeen qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka wuxuuna ku sifeeyay ku difaacaya wax uu ugu yeeray “Xukuumad Sharci ah”.

Dhageyso C/Weli OO Madaxweynaha eedeeyey.lite

32662021

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Sharaxay Argagaxa Dowladda Ku Haysta Muqdisho.

32572886

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgallo qorshaysan oo shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Maxamed Xasan oo ah AqooNyahan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay Howlgallo dhacay Labadii Cisho ay sababeen kala shaki iyo Argagax soo wajahay madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay howlgalada shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Gobalka Banaadir ay sabab unoqotay in xitaa Magaalada ay isku rasaaseeyaan askarta Dowladda.

Wuxuu faafaahiyay fashilka amni ee Muqdisho iyo sirdoonka shabaabul mujaahidiin sida ay ugu xoogeesteen Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aqooyahan Maxamed Xasan

Xigasho:idaacadda alfurqaan

31349878

Ballan si hoose loowada galay oo leysaga baxay Dastuurku malagu xallin karaa?‏

 

32561477Maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad loo hadal haayaa khilaafka soo kala dhexgalay Madaxwenaha iyo Raisal wasaaraha oo heerkii ugu xumaa gaaray. waxbadan ayaa la falanqeeyey oo wax laga yiri hase ahaatee waxaan lays weydiinin arin muhiim ah oo meesha kujiri karta.

 

Taasoo ah inay jiri karaan ballamo hoose oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Raisalwasaaha waqtigii xulashada uu kujiray madaxweyne Xasan Shiikh ee uu soo doortay Cabdiweli Shiikh Axmed.

 

Sida ay dadka badankiisu maleyn karaan waxaa jirtay baa laleeyahay inuu madaxweynuhu xubnaha wasiirada ku darsaday dhowr wasiir oo xilal cayiman loo dhiibay oo ay dhici karto in lagu ballamay inaan raggaas laga taaban Madaxweynaha Raisal wasaaruhuna uu aqbalay oo ay sidaas raali isaga ahaayeen.

 

Sida loo badinaayo ragga dhinaca Madaxweynaha ka socday waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdikariim Guuleed iyo wasiirka hadda qalalaasuhu kabilowday ee dastuurka Faarax Cabdulqaadir.

 

Haddaba inkastoo ay jiraan arrimo kale oo dhowr ah oo inta badan hore looga faalleeyey inay sababeen isqab qabsiga madaxda sare haddana marna faallooyinkaas kuma aanan arag qodobkaan aan hadda halkaan kuqoray oo ah heshiiska hoose ee ay dhici karto in laysaga baxay.

 

Haddii uu arinkaasi jiro sidee qodobada Baarlabaanku iyo doodaha Xildhibaanadu ku xallin karaan khilaafka , mar haddaan xeer jajab lagu deyeyn?

 

Xaggee buuse kabaxay qodobkii Dastuuriga ahaa ee shalay murankii SAACID iyo Xasan Shiikh u ogolaaday in baarlabaanka la horgeeyo?

Mise xildhibaanada ayaan ahayn kuwii shalay gartaas galay ee saacid jagada ka qaaday? Guddoomiye Jawaari maxaa iska bedelay R/wasaare Saacid Shirdoon kadib?.

warbaahinta Soomaalida maxaa su,aalaha ku yareeyey??

 War jiraaba cakaaruu iman.

W/Q; Xagaleey.

10469770_597874013649838_2393164234511796223_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

CADOWGA LA ILAAWAY!- Wada shaqaynta ka dhaxaysa Damu-Jadiid iyo Sirdoonka Itoobiya.Qore:Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

32308713

Dowlad Soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin Soomaali ah.Kuwaso oo Warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan.

Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti, Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii.

Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ah Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha Soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray.

Waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah in Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Faragelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra’iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. Waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay.

Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi, dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.

Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan; Wasiirka Gaasahaandhiga, Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid, raggaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin.

Waxaa Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin, musuq maasuqa ka fog, cadaalada jecel lehna Aqoon, Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.

Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah;

“Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.”.

32308713 (1)

W/Q Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

MAQAAL:-Kaadariinta Damu-Jadiid iyo Gafanayaasha Soomaalida ah ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo ku Shirkoobey Lugooyada Soomaaliya.

32291194

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

14238117_1213601845358416_2918943527493924010_n

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii Soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

32291317

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso Soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka Soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo Soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo Xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.
Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Soomaaliya Soomaalibaa leh

1958151_586714604765779_2746861196185063106_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Sambalooshe oo loo wado Safiirka Kenya ka dib markii Beelaha Muqdisho diideen inow noqdo Duqa Gobolka Banaadir.

32241196 (1)

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Xasan Sheekh  uu Safiirka Kenya u magacaabi doono Abtigiis Sambalooshe, oo horey ugu fashilmey Safiirnimadii Ingiriiska  Iyo Hayada Nabad Sugida Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa  isku dayay inow abtigiis u dhiibo gobolka Banaadir  oo Muungaab laga qaado,maadama aysan isku fiicnayn Muungaab iyo Xasan,ka dib weerarkii Madiina iyo Axmed Daaci lagu qaaday,maxaa yeelay Muungaab iyo Axmed Daaci waxay isku yihiin jufo  hoose halka Xasan Sheekh yahay  Jugo kale.

Waxaa diidmo cad  kala hor yimid Beelaha dega gobolka Banaadir in maamulka Banaadir loo dhiibo  Sambalooshe  oo ay aad u neceb yihin dadka Muqdisho,waana tan keentay in meelo kale loo raadsho.

Hadaba Sambalooshe oo Shaqadii Dowlada ku fashilmey in  xil Safiir mar kale loo magacaabo waa nasiib daro weyn Iyo Maamul-xumo. Dowlada Ingriiska ayaa dhowaan Socdaalkii uu UK ku tagey  Abdiwali Sheekh ku canaantey sida uu Sambalooshe uu la dhaqmey Dowladaas Iyo isagoon buuxin shuruudii dibulomaasiyad ee ee Wasaarada Arrimaha Dibbada Ingriiska uu isaga tagey Xilkii Safiirnimo isagoon la socod siin Dowlada Ingriiska.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

FAALLO;-Maxay ku kala duwanyihiin Aala Sheekh iyo Damul-Jadiid?

32241196

Waxaan sahmiyay 11-ka Qodob ee ugu muhiimsan oo kooxdii hore ee Sheekh Shariif ee ‘Aala Sheekh’ ay uga fiicanyihiin kooxda ‘DamJadiid’ ee Xasan Sheekh.

 

1 – Kooxda DamJadiid waxay dalka ku soo hoggaamiyeen ciidanka Tigreega Itoobiya, oo aan oggoleyn jiritaankeena dadnimo, diin ahaan iyo dhul intaba, waxay noo badasheen koofida ciidan, howlgalkooduna waa dil iyo xirig, halka Kooxda Aala Sheekh iyagoo kaashana Soomaali oo idil ay wadanka xabad iyo wada hadal uga saareen ciidanka Itoobiya oo 2006 nagu soo duulay. Itoobiyaanku waxay dileen dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 30,000, waxay dhac iyo bur-bur u geysteen hanti Soomaaliyeed oo lagu kor u dhaafeysa 3 bilyan oo dollar.

 

2 – Kooxda DamJadiid haba yaraatee wax macaamiil ah lama lahan shacabka Soomaaliyeed, taasina waa midda keentay dib u dhaca siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo nololeed, halka kooxda Aala Sheekh ay ka war hayeen shacabka iyo halka xaaladiisu mareyso, isla markaana oggolaa in lagala doodo masiirka iyo mustaqbalka dalka, xiriir toos ahna la lahaa muwaadiniinta dal iyo dibad.

 

3 – Kooxda DamJadiid iyo madaxweynahoodu waxay si gaaban u fahmeen dowladnimada, eeg waxa ka socda Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu isku soo wareejiyay rag ku heyb ah, oo hadana ku xisbi ah, laga soo billaabo qolada nadaafadda u qaabilsan madaxtooyada ilaa agaasimaha madaxtooyada waa hal qolo, halka kooxda Aala Shekh ay ahaayeen dad Soomaali oo idil ka kooban, waxaan u soo joogay madaxweyne Sheekh Shariif oo Turjubaankiisa, agaasimihiisa madaxtooyada, xogheyntiisa gaarka ah, la taliyaashiisa iyo dadka sirta madaxtooyada haya ay ahaayeen Soomaaliweyn isku dhafan, halka Xasan SHeekh uu isku badashay agaasimayaal midna wiilkiiisa yahay, midna aanu ka dheereyn.

 

4 -. Kooxda DamJadiid waxay aaminsantahay in dadka fikikooda heysta ama xisbigooda ka mid ah maahane inta kale ay rooti yihiin, ma jirto qof ay u roon yihiin, eeg sida ay bannanka u dhigeen dadkii wax qabadka heybadda iyo kartida u lahaa ee Saacid, Tarzan, Mayan Qaasim, Fiqi, Yusra Abraar, General Diini, Shariif Sheekhunaa iyo muwaadinin kale oo xirfadleyaal ahaa.

 

5 – Kooxda DamJadiid uma qorna qorshe waqti dheer ah oo ay ummada Soomaaliyed uga saari lahaayeen dhibaatada ay ku jirto, laakiin sida muuqata waxaa waqtigooda dheer uu hada yahay sidii ay 2016 ku soo noqon lahaayeen oo kaliya, taasna hadda ayay qorshaheeda ku jiraan, waxay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda ka dhigeen Faarax Cabdulqaadir oo diyaarinaya qorshe cusub oo ah in afka laga sheego in doorashada soo socota ay dadku codeyn doonaan, laakiin xaqiqadu ay tahay in dabayaaqada sanadka ay ku dhawaaqaan inaan doorasho nuucaas ah aysan dhici karin markaasna ay diyaariyaan tiisa hadda ay ku guuleysteen oo kale, taas oo sida la aaminsanyahay aheyd iibsi madaxweyne, halka kooxdii Sheekh Shariif ay fikir intaas ka ballaaran oo wadaniyadeed ay ku jirtay qorshayaashooda hore ee xilliga dheer. FG: Shaki ayaa ku jira inayba gaari doonaan 2016.

 

6 – Kooxda DamJadiid waxay dalka uga faa’iideyn waayeen fursada ay heystaan oo ah dowladnimo buuxda oo codkeedu shaqeynayo, waxay kasban waayeen aaminaadii caalamka, waxay meel marsiin waayeen soo xero galinta dhaqaalihii ay wadadiisa diyariyeen kooxdii Sheekh Shariif, sida The New Deal oo ka dhashay shirkii 1-aad ee London February 2012. Sidoo kale waxaa halis ku jira taageeradii walaalaha kaliya ee Soomaaliyeed ee Turkey.

 

7 – Kooxda DamJadiid waxay dayaceen dalka iyo dadka, waxayna na galiyeen baqdin ah in Soomaaliya ay ka baxdo qariiradda caalamka, waayo markii aad aragtid Sawaaxiliga Kenya ee Kukukuuyada ah oo Qunsul u magacaabaya qeyb ka mid ah dalka, Xarifgii qunsulkii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee Islii, Casuumaadii Itoobiya ee C/weli Gaas ee shirkii madaxda geeska Africa, iyo midnimada dalka oo gabaabsi sii mareys, intaas oo dhan markii aad qiimeyso waxaa ku galaya cabsi weyn oo DamJadiid masuul ka yihiin.

 

8 – Nolosha qofka Soomaaliga ah ee maanta waxay mareysaa meel halis ah, sicir bararka, ammaan la’aanta, abaaraha, biyo la’aanta, abaaraha, raashin yarida iyo colaaduhu waxay saameeyeen guud ahaan qof kasta, Maanta kiishka sokorta ah wuxuu Muqdisho ka joogaa 35 dollar, halka gobolada qaarna uu laba u jibaar lacagtaas marayo, si looga baxo musiibooyinkaas oo dhan DamJadiid kuma jiro fikir is badal ah qiiro wadaniyadeed.

 

9 – Dhismaha CIidan Qaran, hey’ado dowladeed oo shaqeeyn kara, adeeg bulshada la gaarsiiyo iyo dhaqaalah dalka oo la soo kabo waxay ahaayeen qorshihii ay suuqa ku soo galeen DamJadiid, hase ahaatee waxay ku biya shubteen dhinaca kale ee liddiga ku ah.

 

10 – Dhaqaalaha dalka Intiisa ugu badan waxay ka soo xaroodan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, ma jirto hanti ka laga helo Boosaaso, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Bar-bara midna, taas badalkeeda waxay kooxda DamJadiid ay si doodi ka dhalan karto ugu ciyaareen dhaqaalaha dalka, eeg Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu safray 42 goor muddo 20 bilood ah, halka madaxweynaha dunida ugu xoogga badan ee Obama uu sameeyay 39 socdaal muddo 65 bilood ah. Waxaa xusid mudan in kooxdii Sheekh Shariif ee Aala Sheekh ay iyagu fureen Dekada iyo Garoonka sanadkii 2006, kuwaas oo xirnaa muddo 16 sanadood ah.

 

11 – Iyo Ugu dambeyntii Kooxda Aaala sheikh waxay qolada xilligan ee DamJadiid uga wanaagsanaayeen xagga wacyiga iyo soo jiidashada dadka, Sheekh Shariif wuxuu ahaa madaxweyne Aftahan ah oo hadana ku darsaday in marka uu hadlayo uu khudbadiisa ku soo daro quraan iyo axaadiith wacdi ah, waxaa ku jiray ama taageersanaa fikirka Aala Sheekhnimada culimo iyo rag badan sida Allaha u naxariistee Cadow iyo Waayeel iyo Janaqoow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Yusuf Caynte iyo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Rooboow oo markii dambe argagixiso noqday iyo rag kale oo badan, hase ahaatee weli dhagaheygu kuma soo dhicin Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo hadaladooda ay ku jiraan quraan, axaadiith iyo wacdi midna!!!.

 

W/Q: Farah Blue

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

GABAY:- Abwaan Heelaale muxuu ka yiri Gumaysiga ku Gabgable leh Gayiga Soomaaliyeed.

32235018

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

DHAGEYSO:-Sambalooshe “Dagaal socda iyo Shaag wareegaya ayaan soo dhex galay Waxana Waddankaan uu ka degi la’ yahay Dad aan Shaqeyneyn in la shaqeeyana aan oggoleyn”

32080190

Sambalooshe oo ka hadlayey xarigga Xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in falkaasi uu u dhacay si kama’ ah ama kedis ah oo durbana lasii daayay Xildhibaanka, markiisida uu sheegay uu maqlay xarigga Xildhibaanka uuna isaga sii daayay.
C/laahi Maxamed Cali(Sanbaloolshe) ayaa meesha ka saaray jiritaanka wararka ku aaddan in ergo dhanka xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ka socotay oo xarigga Xildhibaanka kala hadlirabtay isaga uu aflagaadeeyay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah.
Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay Sanbaloolshe, arrinta ku aaddan hub ka dhigistii uu ka waday Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in muhiimadda koowaad ay tahay in amniga Magaalada Muqdisho la dhowro, tan iyo markii Magaalada Muqdisho uu ka billaabay hub ka dhigista ammaanka Magaalada wuxuu noqday buu yiri mid si weyn u hagaagay oo noloshii Magaalada ay caadi kusoo noqotay.
“Magaalada markaan imid waxaan ugu imid meel waliba oo tikniko carareyso waan yaabay yaa Shabaab ah yaase Dowlad ah waan kala saari waayay, Dowladda weerar ayaa ku socday Xildhibaannada ayaa la dilaayay, xarumaha Dowladda ayaa la weeraraayay marka waxaa muhiim ah in la kala saaro Shabaab iyo Dowladda cidda udhaxeysa ee hubka ku dhex-haysatay Magaalada Muqdisho”Ayuu hadalkiisa siiraaciyay Sambalooshe.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay Su’aal ku saabsaneyd caburintii uu ku sameeyay Saxaafadda Magaalada Muqdisho oo uu ka mamnuucay baahinta wararka ku aadan Shabaab, balse wuxuu muujiyay inuu ku saxan yahay go’aanka uu Warbaahinta ku caburiyay.
Sambalooshe ayaa ku jawaabay “Saxaafadda waa midda kaliya ee aan ka dar-daarmi doono markii aan xilka ka tagaayo sababtoo ah waxa ay baahiyaan codadka Cali Dheere iyo tusaale Godane oo kale oo malaayiin qof oo Soomaali ah ay gaarsiinayaan, marka waa Barobogaanka kaliya ee ay isticmaali jireen Shabaab oo lagu faafin jiray howlgalladooda, Turkiga waad aragtay doorashadii markii ay dhaceysay Twitterka iyo Facebooka waa la xiray si doorashada ay nabadgelyo ugu dhacdo”
Cabdullaahi Maxamed Cali(Sambaloolshe), ayaa xilka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya haayay 2 Bilood oo qura, ugu dambeyna 7-diiBishan ayaa xilka sirasmi ah Golaha Wasiirada ay uga xayuubiyeen.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Katiin oo u jawaabay ninka diinta u gefay dadkana uga digay buugiisa xun.

32069815

Nin la yiraahdo  Cabdicaziiz Cabdi ismaaciil ayaa waxaa wareystay  idaacadda dowladda Ingiriiska ee BBC iyo tan Maraykanka VOA,wuxuuna sheegay  hadal gef weyn ku ah Diinta Islaamka, isagoo sheegay in xukunka Xadu-ridaha aanu ahayn wax jira oo diinta kamid ah.

Hadaba Buugaan ayaa waxaa qoray nin calmaani murji’o ah oo hadalkiisu u muuqdo sidii inuusanba diinta islaamka ku jirin markaad u fiirsato hadaladiisa oo waxaa ka mid ah “haddaa islaam tihiin maxaad u diideen in gabadha muslimka ah ay guursato nin gaal ah?” Waxaad umalaysaaba ninka nala hadlaya inuu diin kale haysto balse adigaa xukumi doono akhristoow.

Buugaan ayuu ugu magac daray Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Buuggaan wuxuu qoray 5 sano kahor 2009 kii balse kan ayaa ah daabacadii labaad qoraaguna wuu qariyay inu mar hore soo daabcay oo kan ayuu ka dhigay midkii ugu horeeyay.

 

Hadalka ninkan oo ay la cajabeen dadkii dhageystay ayaa waxaa ka jawaabay Sheekh Cali Cabdullaahi Cali Katiin oo la dhageysiiyay, wuxuu sheegay in ninkan uu inkiray aayado Qur’aan ah oo tilmaamaya murtadka iyo hadalkii nabigeena ee ahaa “dila qofki badala diintiisa”.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:- Xaad: “Aniga Maahi Ninkii ka Cabanayay Xassan Sheekh, ee waa mid ii eg!!”

32018987

Maxamad Xassan Xaad oo kamid ah odayaasha taageera ciidamada shisheeye iyo dowladda oo dhawaan shaaca ka qaaday in madaxweyne Xassan Sheekh uu hanjabaad kala kulmay, wadankuna gumeysi ku jiro ayaa u muuqda mid cadaadis la saaray, isagoo sheegaya inaanu isagu ahayn qofkii cabanayay!!

Isagoo u waramayay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayuu si cad gaashaanka ugu daruuray arintaas illaa markii dambe la dhageysiiyay codkiisii qeylo dhaanta ahaa.

Maxamad Xassan Xaad ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay duullaanka ay xabashidu kusoo qaaday wadanka, abaaraha iyo arimo kale oo muhim ah.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Somalia’s police boss called ‘war criminal’ in Canada

31605452

Mogadishu’s new police commissioner was once wanted in Canada as a “war criminal” after a refugee and immigration board concluded he was “responsible for the ruthless torture of prisoners” while serving with Somalia’s police force during the 1980s.

Mohammed Hassan Ismail Farah fled Somalia as the Siad Barre government collapsed in 1991, living for seven months in the United States before crossing into Canada to make a refugee claim.

According to federal court documents obtained by the Toronto Star, he testified at an immigration and refugee board hearing that he feared persecution if forced to return to Mogadishu and denied claims made by government witnesses that he had beaten prisoners and used electrical shocks during interrogations.

The Immigration and Refugee Board (IRB) questioned the veracity of Farah’s claim, turning down his application in 1993.

“The claimant struck us as an intelligent, well-educated man whose casual arrogance tells of great self-confidence,” the board wrote. “He adopted an openly mocking attitude toward some of the testimony of the minister’s witnesses.”

One Toronto witness, Yussuf Mohamed Issa, testified that he met Farah during his three-month detention after taking part in a 1984 student demonstration in Hargeisa, the capital of Somaliland.

Issa told the Toronto hearing that Farah was part of the police’s Criminal Investigation Department (CID) — not the anti-drug squad as Farah claimed — and came to Hargeisa in July 1984 as the head of a delegation sent by Barre to deal with the students.

“When (Issa) failed to give satisfactory answers, the claimant ordered that he be tortured. His maltreatment included being subjected to electric shocks and resulted in broken teeth and a scar on the chin.”

Issa had also gone public with his treatment in a documentary by CBC’s Fifth Estate, describing how he was left hogtied for more than 24 hours.

Farah denied the allegation or claims that he was in Hargeisa in 1984 — a defence dismissed by the refugee board. “Rigorous cross-examination did not uncover any inconsistencies in (Issa’s) testimony,” the IRB states. “We found Mr. Issa to be a credible witness and accept his testimony as truth.”

In turning down his application the IRB concluded: “We consider the torturing of helpless prisoners to be a crime against humanity.”

Little is known about Farah’s whereabouts after his application was turned down, but in 2011, the Canada Border Service Agency posted Farah’s photo as one of 30 war criminals wanted in Canada. Although believed to be the same person, the CBSA listed Farah’s birth date at Sept. 24, 1954, and Farah told the IRB hearing he was born July 27, 1954. The CBSA would not comment on the specifics of the case.

The “most wanted list” was controversial when announced, and in December, Canada’s Privacy Commissioner criticized the CBSA for “potentially misleading” the public by using the label of “war criminal,” since a finding by immigration officials is not the same as a criminal conviction.

CBSA spokesperson Esme Bailey confirmed that Farah was no longer on the list but would not specify when he was taken off or why, citing only that individuals are removed either 30 days after their apprehension, if they’re removed from the country, or if “new information arises” showing they are no longer in Canada.

After more than two decades of war in Somalia — driven by the fighting between clans, devastating foreign policies, and in recent years, Al Qaeda’s East Africa group, Al Shabab — it is not uncommon to have leaders with bloodied pasts.

A common refrain in Mogadishu as it embarks on a slow recovery is that moving forward means forgiving the past.

But many Somalis interviewed by the Star say Farah’s reputation for torture cannot be forgotten.

Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed dismissed the head of national security and police commissioner, Canadian Gen. Abdihakim Dahir Saeed, following a July 8 attack on the presidential palace — the most recent in a spate of targeted Shabab strikes and assassinations.

In an interview with the Star from Mogadishu earlier this year, the prime minister had praised the advances of the security services and said he anticipates the police will have a bigger role in the future, even surpassing that of the military once the security situation stabilizes.

And he acknowledged that Somalis have an inherent mistrust of their political leaders after years of corruption. “Somali politics are not stable, because of the clan issues, tribe issues . . . we have a long way to go,” he said from his office.

Saeed at first refused to step down — questioning the constitutionality of Farah’s appointment — but later conceded.

“Everybody inside and outside Somalia are shocked,” Saeed said in a telephone interview from Mogadishu. “Change is normal but they have to hire someone in this position whose record is clean.”

Farah has declined to be interviewed.

The prime minister, who is also Canadian, was not available for an interview but a spokesperson from his office sent an emailed statement.

“The prime minister stands by his decision to relieve the outgoing police commissioner,” a spokesperson wrote, adding that “already there have been positive changes to the security situation following the July 8th incident.”

By-The Star-Canada.

 

DHAGEYSO:-Malaaq Showri: “Xassan Sheekh hantidii uu ka dhacay ummada wuxuu u dhiibtay Shirkado ku yaala K/Afrika”

 

31493147

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu ka socdo boob aan xad lahayn kaasoo ay geysanayaan shisheeyaha iyo dowladda uu hogaamiyo Xassan Sheekh.

Malaaqa ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dalkan ka geystay dhac baahsan, isagoo hantida uu dhoco ku shubta shirkado ku yaala dalka K/afrika.

Sidoo kale malaaqa ayaa soo hadal qaaday fashilka amni ee dowladda iyo ciidamada shisheeye ku heysta magaalada Muqdisho iyo waxa lagu qiimeyn karo xaaladda guud ee magaalada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-DOWLADA FEDERAALKA AH oo Sheegtay inay Lacag aad u Badan ay ka Hesho Ehelada Dadka laga Raafo Muqdisho.

Image

Xaashi Cilmi Nuur oo ah gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay iney sannad walba ay soo xareeyaan dhaqaale aad u badan oo ay ka qaadaan ehelada dadka laga raafo magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu goob joog ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO VIDEO:-Dowladda iiraan oo Xoojisay Mashaariicda Shiiceynta ay ka wado Magaalada Muqdisho.

Image

Dowladda Iiraan oo kamid ah dowladaha faragalinta kuhaya Dalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka hirgalisay iskuulo ay wax kubartaan ubad Soomaaliyeed.

Hey’ada Khumeyni ee Iiraan ayaa dardar galisay mashaariicdeeda shiiceynta Magaalada Muqdisho waxaana ay hadda la falgalaysaa dadka barakacayaasha oo ah dad danyar oo lagu dhex fidin karo sunta Hey’adda.

Hey’adda ayaa dhaqaallo adag kubixisay dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira oo ay si wadareed isugu guurisay Muqdisho.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa isha ka daawanaysa shiiceynta ka socota Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Shiicada ayaa sidoo kale ku fidaya Magaalooyinka Galguduud ay ka joogaan Suufiyada halkaasi oo mashaariic ay kawadaan.

Hoos Ka Daawo Filim Muujinaya Shiiceynta Iiraan Ee Muqdisho.

 

XIGASHO SABAAX.COM