DHAGEYSO:-Aqoonyahan Max’ed Xassan “Ciidanka Dowlada Federaalka ah Hoonkoodu Waa Xabad”

33758338

Argagax iyo cabsi xad dhaaf ah ayaa haysata ciidamada dowladda federaalka ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho. kolka ay koontaroolada ku baarayaan gaadiidka dad weynaha waxay ka baqayan gaariga iyo qofka wataba sida uu sheegayo aqoonyahan Maxamed Xassan oo Muqdisho jooga.

Wuxuu sheegayaa in aqoon darro balaaran sidoo kale haysato oo ay qalabka dadku wataan u qaataan in ay wax yaabo qarxa yihiin. Wuxuu intaas ku daray markii gawaarida ciidamadu wataan ay jidadka marayaan in aanay Hoon yeerin ee ay xabado badan furaan si jidka looga kala cararo kadibna asigoo banaan ay u maraan. sababtaas ayuu ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in halkaas loogu gambado dabadeedna wax qarxa lala eegto.

Halkan Ka Dhageyso Aqoon yahan maxamed xasan.lite

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

DHAGEYSO:-Barre Hiiraale: “Wadanka Gumeysi Ayuu Ku Jiraa Anigana Maxbuus Ayaan Ahay”

33525241

Hogaamiye kooxeedka Barre Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday in wadanka Soomaaliya uu gacan gumeysi ku jiro siiba Itoobiya iyo Kenya oo uu tilmaamay qaar kamid ah gobolada ay maamulaan.

Sidoo kale Barre ayaa sheegay in isagu uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho, taasoo uu eedeeda dusha ka saaray xukuumaddii Cabdiwali iyo Xassan Sheekh.

Wuxuu sheegay in hab dhagar ah lagu keenay magaalada Muqdisho dhowr bilood ka hor xilligaasoo loo soo sheegay inuu ka qeyb galayo shir dib u heshiisiin loogu yeeray oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Barre ayaa sheegay in shirkaasi loo diiday isagana lagu xabisay Xamar, wuxuu meesha ka saaray in shirkaasi dad lagu heshiisiiyay isagoo intaasi raaciyay in shirkaasi uu ahaa mid ay maamulayeen saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyaan ah.

Hogaamiye kooxeedka Axmad Madoobe ayuu ku eedeeyay inuu xasuuq ba’an ka geystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose. Sidoo kale waxay uu eed kala dul dhacay N/Key ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo dhawaan maamulka Gumeystaha ka hoos shaqeeya ee Axmad Madoobe Ammaanay.

Barre oo warkan siiyay warbaahin dhanka dibadda ah ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland ay door weyn ku leeyihiin dhagaraha isaga loo geystay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta Maareeye ”Dowladdu wax taageero ah kama heysato Shacabka Soomaaliyeed”

33462969 (1)

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan dowladdu wax taageero ah kama heystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney shacabku aad u mucaaradsan yihiin dowladda heer ay gaareen buu yiri’ ineysan canshuur inoo ogoleyn.

Inkastoo ay dowladdu ganacsatada xoog uga qaado lacagaha canshuurta ayaa haddana waxaa jira iney eedo badan kala kulanto ganacsatada.

Waxaa madaxda dowladda la weydiiyaa hadeysan ammaankeena sugi karin oo ciidamadiinu na dhacayaan sidee baan canshuur idiinku siinaa.?

Cabashada dowladda ee ah ineysan wax taageero ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneeyaa iyadoo la shaqeysa shisheeye taasoo keentay in  shacabka oo ilaashanaya caqiidadooda ay xiriirka u jaraan dowladda.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

DHAGEYSO:Tarsan “Ammaanka Muqdisho Faraha Ayuu Kasii Baxayaa Waddooyinka oo dhagxaan lagu gooyo waxba sooma kordhinayaan”.

33433229

Maxamuud Nuur Tarsan guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ugu magacaawnaa DF-ka ayaa ka hadlay ammaan darrada ka taagan magaalada Muqdisho.

Tarsan oo mid kamida warbaahinta Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in ammaanka caasimadda uu noqday mid faraha ka baxay islamarkaana maamulka hadda jira uu ku fashilmay sugidda ammaanka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka gobolka Banaadir ay muujinayaan in ammaan laysku hallayn karo uusan jirin.

“ammaanku faraha ayuu kasii baxayaa magaalada Muqdisho,biraha iyo dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka amni laguma sugi karo waxaana wada dad dana gaar ah leh”ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Nuur ayaa ka dayriyay in Muqdisho amnigeeda ay hantaan kumanaanka askari ee shisheeyaha AMISOM iyo kuwa DF-ka isagoona ka shanqariyay in qeybo badan oo shacabka Muqdisho katirsan aysan la shaqeyn dowladda Federaalka.

HOOS KA DHAGYSO

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Cabdullaahi Axmed “Xeebta LIIDO ‘MUQDISHO’ Khamri ayaa lagu cabbaa”

32693908

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya fisqiga ay la yimaadaan qurba joog kusoo dhaqan badalmay Dalka Dibadiisa.

Maamulka Cabdalcasiis ee Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay anshaxa xumada ka jirta Xeebta Liido ee Cabdalcasiis.

Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdalcasiis Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in xeebta liido khamri lagu cabo islamarkaana dhaqan xumo ay ka jirto.

Wuxuu sheegay inaysan ogolaan doonin ficilada ka dhacaya xeebta liido oo ay tilaabo ka qaadi doonaan dadka.

HOOS KA DHAGEYSO

 

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Sharaxay Argagaxa Dowladda Ku Haysta Muqdisho.

32572886

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgallo qorshaysan oo shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Maxamed Xasan oo ah AqooNyahan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay Howlgallo dhacay Labadii Cisho ay sababeen kala shaki iyo Argagax soo wajahay madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay howlgalada shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Gobalka Banaadir ay sabab unoqotay in xitaa Magaalada ay isku rasaaseeyaan askarta Dowladda.

Wuxuu faafaahiyay fashilka amni ee Muqdisho iyo sirdoonka shabaabul mujaahidiin sida ay ugu xoogeesteen Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aqooyahan Maxamed Xasan

Xigasho:idaacadda alfurqaan

31349878

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.