DHAGEYSO- GABAY:Halgankii Imaam Axmed Gureey iyo Sayid Maxamed

33027477

Gabay qiiro badan oo ka hadlaa Halgankii Imaam Axmed Gureey Sayid Moxamed ilaa maantana Halgankaas Xabashida iyo Reer Galbeedka lagula oo ka  jiro Dhulka Soomaaliyeed  oo idil.

“Godoonkiyo shirkii la isla galay guriga baarliina ,

Afrikada markeey kaala gateen , ee la kala goostay
Geyigaan laheyniyo , dhulkeey gogosho noo tiilay

Gurmadaay dad guul laga sitaa , geed ma jiifsadaa e'”Abwaan Axmed Heelaale.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:- GABAYGII KOOFIL IYO SAYID MAXAMED.

32921306

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield,Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe.  Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.

Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.

Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay.  Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey.  Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil.  Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.

Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen.  Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

 

  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda

 

  • Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
  • Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh

 

  • Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
  • Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
  • Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

 

  • Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
  • Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
  • Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji

 

  • Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
  • Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
  • Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh

 

  • Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
  • Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
  • Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh

 

  • Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
  • Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
  • Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh

 

  • Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
  • Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
  • Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh

 

  • Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
  • Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh

 

  • haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
  • Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
  • Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.

Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire.  Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.

Dagaalkaas waqtigaas i jiray oo kale ayaa maanta ka jita gayiga Soomaaliyeed,qof kasta oo qeyb ka noqdaana taariikhda ayaa xusi doontaa,dhinaca oo doono ha ku jiree,xumaan iyo simaan,xaq iyo Baadil.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Gabaygii Gudban Gaalo Leged iyo Sayid Maxamed

32090082 (1)

Gabayada Sayidka’Raxiimulaah’ kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah waxaa ka mid  gabayga ‘Gudban’ amase ‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

“Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sayid Maxamed “Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataan,Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaay,Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane”

 

 

Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.
  • 31623278

“Nin ILAAH yaqaan oo sharciga ku isticmaala” Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Raxiimulaah.

 

31469584
Ingiriisku wuxuu isku dayey inuu Sayid Maxamed si walba ula dagaalamo. Dhinaca diinta, dhinaca qabyaalada, dhinaca siyaasadda iyo dhinac kasta oo suuragal ah wuxuu Ingiriisku ku dadaalay inuu Sayidka ka weeraro.

Isagoo isticmaalaya daacaayad iyo niman Soomaali ah oo gabya ayuu Ingiriis wuxuu Sayidka ku cambaareeyey inuu yahay hoggaamiye nacab ah, laayaan aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn iyo xaabqaad aan xataa maal agoomeed dhaafaynin. Dacaayadda noocaa ah oo dhabcan been iyo huuhaa iska ahayd wuxuu Ingiriisku ku faafin jiray gabayo ay tiriyaan rag dhawr ah oo halgankii Daraawiishta giniga Ingiriiska ka doortay. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale.

Sayidka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, maahir ayuu ku ahaa, daacayadda Ingiriiskana mid lid ku ah oo ka lugo badan ayuu ka horgayn jiray. Siduu Cabdiqaadir Xirsi Yamyamba u yidhi: “haddii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa” Sayidku karti ayuu isku muujiyey wuxuuna ku guulaystay inaan cadowgiisu qeexin shaqsiyadiisa ee uu isagu Soomaali isbaro isagoo gabay, wadaniyad, diin aqoon, cabsi Alle, hoggaamin siyaasadeed iyo mid dagaal iyo gacan furnaan aan caadi ahayn isku darsaday.

Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay gabayada uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdaradda ahayd. Wuxuu yidhi:

Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey
Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro
In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado
Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil aw ma aha?

Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro
Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo
Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin
Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?

Adhi badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay
umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

31469690

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-GABAY: Abwaan Qamaan Bulxan iyo Xabsigii Itoobiya

Qarnigii 19-aad bilawgiisii (1913) ayay ahayd Markuu Dhintay Ninkii Abasiinya Xukumi jiray Mudada dheer (Minilik-2). Waxaana la’aaminsan yahay Minilik inuu ahaa Ninka Abasiniya Sida Rasmiga ah Dhidibada ugu taagay Wuxuuna ku Caan baxay Dhul balaadhisi iyo inuu Shucuubtii dariska la ahayd Maalinba Qolo kuduulo.

Hadaba Minilik Taariikhdaa Kor kuxusan Markuu Dhintay waxaa Xukunkii Lawareegay oo Abasiiniya Boqor ka noqday Nin Muslim ah waxaana Xarun u noqotay Magaalada Herer oo Horay Xabashida iyo Boortaqiisku ugala wareegeen Soomaalida.

Waxaana aad ugu farxay Dhimashada Minilik iyo Xukunka Gacanta usoo galay Ninka Muslimka ah Dhamaan Shucuubtii Islaamka ahayd ee Ethiopia Dariska la ahayd oo ay Kamid tahay Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida Galbeed ee Dagan Ogadenia waxayna u arkayeen inay karaysan doonaan Gulufkii Colaadeed ee uu kuhayay Geeska Africa Minilik-ga bakhtiyay, Boqorkan Cusub-na waxay u arkayeen inuu Noqon doono Nin ay daris wanaag ku wada noolaan doonaan Maadaama uu yahay Nin Muslim ah.

Waxaana Xusid Mudan oo kamid ahaa Dadkii Soodhaweeyay isbadalka Ka dhacay Abasiniya Al-mujahid Sayid Mohamed C. Xassan oo isagu Halgan kulul kula jiray Gumaystaha Xabashida ee uu Minilik Madaxa ka ahaa iyo Gumaystihii reer Yuruba.

Inay ku Farxeen Arinta dhacday oo kaliya kuma Ekaanin Hawshu ee Dhamaan Wadamadii iyo Shucuubtii islaamka ahayd ee Dariska la ahayd Ethiopia waxay usoo direen waftiyo si ay Calaaqaad wanaagsan u yeeshaan Boqorkan Cusub ee Muslimka ah waxaana Kamid ahaa wufuudii sida isdaba jooga ah u imanaysay Magaalada herer si ay ula kulmaan Boqorka Cusub wafti Balaadhan oo kasocday Soomaalida Galbeed oo ka kooban Ugaasyo iyo wax garadkii kale, Waxaana kamid ahaa Waftigaas Abwaan Qamaan Bulxan.

Markii uu Talada Ethiopia lawareegay Nin Muslim ah waxaa ka Hinaasay arintaa oo Fajac iyo ama kaag ay ku noqotay Madaxdii Kaniisadaha Ethiopia iyo Madaxdii Ciidanka waxayna u arkeen Dhaxal wareeg inay tahay arintan Dhacday.

Hadaba waftigii kasocday Soomaalida Galbeed oo kusugan Herer ayaa waxaa lagu Fuliyay Boqorkii Muslimka ahaa Afganbi Mudadii yarayd ee uu Xukunka hayayba laga shaqaynayay. Dadkii Magaalada Herer ku noolaana Qolyahan inqilaabka Sameeyay waxay ka dhigeen wax ay laayaan iyo wax ay Nolol ku Qabtaan Kadibna ay Xabsi Ciqaab kulul ku ridaan Waxaana kamid ahaa dadka Nolosha Lagu qabtay waftigii kasocday Soomaalida Galbeed waxaana loo taxaabay Xabsi ay Dhibaatooyin badan ku muteen sida aan Tixda Qamaan ku arki doono.

Abwaan Qamaan Bulxan oo sidaan soo sheegnayba Kamid ahaa Waftiga Soomaalida ah ayaa ku Tiriyay Xabsiga dhexdiisa Gabayga Hoos ku Qoran oo ah Dhanbaal uu Abwaanku Allah sw udirayo ama kula Khidhaabayo, wuxuuna kahadlay Xabsigu Nooca uu yahay iyo sida loogu Ciqaabay iyo Cadawtinimada Ethiopia aynu isu hayno iyo inaan wax isir iyo Dhalasho ah ayna Abasiniya inoo galin abid keen ama inaga Dhaxaynin. Gabaygan oo Abwaanku uu Allah sw ugu Dacwoonayo ayaa Wuxuu waydiistay allah sw inuu u gar-gaaro oo uu Xabsigan Ciqaabta badan iyo Gacanta Cadawga kasii daayo ama uu Xagiisa u oofsado oo Nafta ka qaado si uu udhaafo Silica ay ku noolyihiin isaga iyo Saaxiibadii illeen “ Nafey naf Matahay looma noolaado way kugu Jirtaana looguma Mintido ee”

Wuxuuna ilaahay ka aqbalay Ducada Qaybta Hore oo Xabsigii wuu Kasiidaayay wuxuuna dib usii noolaa 12 Sano.

 Waanakan Dhanbaalkii uu Qamaan uu Allah sw u Diray ee Akhris Wacan.

Gabayga Xabsiyada.
• Eebow Dhistiyo ways hayaan, Dhagaxda waaweyne
•Eebow in dhuub la’eg Cirkay, nagaga Dhaar teene
• Eebow Dhulkay naga qarsheen, dherarka loo yaale
• Dhudhumadiyo eebow nin xidhan, Dhaadadkaan ahaye
• Eebow bir lays dhaafshay bay, Dhab igu siiyeene
• Eebow kolkay dhababi waan, Dhogor Xumaadaaye
• Eebow Axmaar dhirifsan baan, dhab ula seex daaye
• Dhiigayga eebow ka jecel, dhadiyo Hoobaane
• Oo Dhalasho laysugu naxaa, Nama dhex taal gaale
• Eebow dharkiyo way marshaan, Dhex-xidhka naaguhuye
• Eebow dhaqaaq maleh ninkii, lagu dhidbaa daare
• Eebow dhalaan sidii galbaan, Dhadan dhateeyaaye
• Eebow ma dheelmado intii, dhagax latuuraaye
• Eebow Dhurwaa sidii hadaan, dhibi lahaa ruuxa
• Eebow dhir baan mari lahaa, dhacamyo oo deede
• Hadaad dharagto Eebow baryaad, dhaxal ka haysaaye
• Eebow dhadhamo fool-xun waa, lagu dhukaanaaye
• Eebow waxaan dhuun yanaa, labo dhar baanoode
• Eebow masoo kala dhacaan, labada dhoomoode
• Dhan uun noorid Aakhiro janaan Dhagag sanaynaaye.

Axmed Faarax Idaajaa oo ah Ninka aan Kasoo Xigtay Gabayga iyo Qisadaba Wuxuu Magac uga Dhigay Gabaygan Qamaan “Maansada Xabsiyada” Aniga oo Qalin u badalayna waxaan Hadiyad uga Dhigayaa Maansadan Dhamaan Maxaabiista Xaqdarrada ugu Xidhan Xabsiyada Ku yaalla Ogadenia Gaar ahaan kuwa lagu Ciqaabo Jeel Ogaden. Maansadan wuxuu Curiyay Qamaan Sanadkii 1916, wakhtigaas oo hada Laga joogo 98 Sano iyo ilaamanta Shacabkeenu wuxuu iska dhaxlaa Raadinta Xaqiisa iyo inuu Xabsiyada Cadawga ka Buuxo.

W/Q Abdihakim.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED-“Maalin Murugo 19.12.1919 Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed” – W/Q. Abdulkadir Yusuf Ali

Image

Sagaal iyo tobankii Bishii December sanadkii 1919kii waxaa magaalada Taleex laga gaystay duqayn aan loo meel dayin  iyo xasuuq gumaysi, kaasi oo ay ka gaysteen Ciidamadii booqortooyada Ingiriiska (ROYAL AIR FORCE). waa maalin u suntan dhamaan ummada Soomaaliyeed in la xasuusnaado oo la xusana inaga mudan.

Inkastoo aan qoraal lagusoo koobi karin halaagii iyo hoogii maalinkaa meesha ka dhacay bal aan wax yar ka taabano.
Diyaaradu waxay duqaysay Daraawiish December  19, 1919, waxayna noqotay halgankii waddaniga ahaa ee qaaradda Africa ugu horeeyey oo diyaarad lagula dagaalamo.  si ay taariikhdu iyadu isu fasisho, waxaan soo qaadanaynaa gabayadii caanka ahaa qaybo ka mida. Sayid Maxamed Cabdulle Xassan  (Raximahu laah) isagoo ka waramaya duqayntii maalintaasi iyo say wax u dhaceen Wuxuu yidhi,

– Coomaade duulayey Cadan ka keenee neeh
– Cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday cararaqdoodiiyeh
– Adiguba caqlaad leedayee carar maxaa dhaamaa.

Goor subaxa ayaa xarumihii Darawiish losoo diray dayuuradaha dagaalka  ee Ingiriiska kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay inay haayeen lix dayuuradood oo nooca dagaalka ah, Kuwaasi oo isku mar dabka saaray dhamaanba goobihii ay ku tuhunsanaayeen Daraawiish taasi oo ay ka dhalatay in halkaasi ay ku naf wayaan dad tiro badan xoolo geel, adhi, iyo lo’o ba leh iyo waliba magaaladii oo dhulka lala simay gabi ahaanba iyo bara kac. maalintaasi Daraawiish waxay ku guulaysteen inay dhulka soo dhigaan mid ka mida lixdii diyaaradood ee duqaynta  gaysanayey. dayuuradahaan waxaa kaliya oo loo dirijirey goobaha boqortooyada Ingiriisku ay u aragto inay khatar wayni kagasoo fool leedahay. Sida aan la socono Ciidamadii isbaahaysiga ee Ingiriiska xabashida iyo Taliyaaniga oo ay Daraawiish gooba badan fooda  isku dareen hoog iyo guul daro ayay kala kulmeen Ingiriis iyo garabkiis,  goobaha aadka loo xasuusto waxaa ka mida dagaalkii Ruuga ama Dul-madoobe waa dagaalkii daraawiishtu ku dishay Richard Corfield waxaa wax ka qoray Taariikhyahan Canadiana oo lagu magacaabo Ray Beachey, Buugiisa ,The Warior Mullah: The Horn Africane, London 1990. Wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid xeelad adag ay Daraawishtu ku dagaalantay, ciidanka Ingiriiska wuxuu ahaa 110 oo Burco ka yimid, 35 goobtii baa lagu dilay ay ka mid ahaayeen (Corfield, Dunn, Ducaale), 17 dhaawac xun baa gaaray, 24 waa fakadeen lamana helin raq iyo ruux, 10 goobtii ayey ka carareen.
Ismaaciil Mire (Raximahu laah) wuxuu hogaaminayey ciidankii dagaalka ku qaaday ciidamadii Ingiriiska ee uu hogaaminayey Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii.
Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dilkii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela.
Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Mahammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Ismail Mire Cilmi gabaygiisii waxaa ka mid ahaa:

– Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,
– Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,
– Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay.
– Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,
– Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,
– Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray.
– Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,
– Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,
– Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.
– Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,
– Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,
– Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.
– Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,
– Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,
– Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.

Markaa ka ddibna Sayid Mohamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey, oo wuxuu yidhi:

– Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
– Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla’aaneede
– Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
– Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
– Jameecooyinkii iyo haddaad, jawi aragto
– Sida Eebahey kuu jirabay, Mari jawaabteeda
– Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
– Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
– Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
– Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
– Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
– Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Dagaalkii diyaaradda ee Taleex Waxaa gumaysigii isku dayey in uu qabto Sayid Maxamed  Cabdulle Xassan, waxaase Sayidkii u talaabay Iimey iyo Ethiopia isagoo sii maray Baydhaba, wuxuuna markaas tiriyey tix uu ummadda Soomaaliyeed kula dar daarmayo, ayna ka mid ahayd:

– Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan
– Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiiseh
– Nin rageey dardaaran way u tahaye doqoni waa moogeh
– Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiyeh
– Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
– Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada eh
– Marka xigaa dushuu idinka rari sida dameeraha eh
– Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay
– Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiyeh.

Waxaa halkaas ku hakaday halgankii waddaniga ahaa ee Daraawiish, Soomaalidiina waxay gacanta u gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi oo heshiis ku ahaa la dagaalanka Daraawiishta. Markaasaa Ingiriiskii gacanta ku dhigay Suldaan Mohamoud Ali Shire, loona masaafuriyey Seychelles 3’dii Bishii May  1920, iyada oo la sii mariyey mombay, India, iyadoo oo la sii saaray markab.
Sidaas si leeg Talyaani wuxuu soo gaadhay Gobalka Bari, wuxuu kale oo 1923 ka bilaabay Afgoye iyo Janaale in uu dadka beeraha ku falo, webigana kaga talaabo, waxaana ka mid ahaa goobtii caanka noqotay ee Kelli Asaylle, ee ragii ku dhintay dumarkoodii asay u qaadeen, halkaas oo magucu ka yimid.

Ugu dambayntii Xukunkii Daraawiishtu wuxuu gaadhay xagga Bari Ilaa Ayl, Waqooye Badda Cas, Koonfur ilaa Wardheer iyo Galbeed ilaa Kiridh.

W/Q Abdulkadir Yusuf Ali.

 

DHAGEYSO-Gabaygii Gudban Gaala Leged iyo Sayid Maxamed.

Image

Sayidku wuxuu in badan isku dayey inuu Soomaali oo dhan kasbado oo si uu ku kasbadaba uu ku guulaysto inay dhinac uga soo wada jeedsadaan gumaysiga.  Gabay ammaan ah, mid guubaabo ah, mid goodi ah iyo mararka qaarkood mid wax ka sheeg ah ayuu ku dayey.  Mar wuxuu ku dayey diin iyo wacdi iyo jeclaysiin uu isleeyahay diinta jeclaysii, cabsida iyo cibaadada Eebbena ku dhalaali.

Marar kale wuxuu isku dayey wax siin uu maal badan dhinac walba u diray isagoo qof kasta oo magac ama maamuus leh farqaha u buuxiyey.  Intaas oo dhan markii waxba Alle ka aabayn waayey, waxay Sayidka iyo Daraawiishba la ahaatay in bal ay xeelad kale ku dayaan.

Iyagoo diinta cuskanaya ayey waxay goosteen in dadku labo midkood yahay.  In jihaadka taageersan oo Daraawiishta la jirta iyo in gumaysiga taageersan oo Daraawiish kasoo horjeeda.  Mar haddaan gumaysiga la jahaadayno ninkii noo soo raaca ama si uun u kaalmeeya waa noola mid ayey ku qanceen.

Mar haddii ay sidaa is tuseen waxay noqotay inay Soomaali badan coloobaan, qof Alla qofkii gaalka usoo raacana ay sida gaalka ula xarbiyaan.

Haddaba Sayidku isagoo isku daraya taariikh hore iyo sifayn xumo badan oo Daraawiish iyo Soomaali idilkeedba lagu falay, xusid nin karmeed badan oo Daraawiish laga makalay iyo sida ay Daraawiishi arimahaa uga gilgilan doonto ayuu wuxuu tiriyey gabaygan hoose.  Gudban ayaa loo yaqaan gabayga, dadka qaarkiina Gaalolegad ayuu ugu yeedhaa.  Waxaa la sheegay in Daraawiish oo dhammi xafidsanayd gabaygan.  Wuxuu yidhi Sayidku:

Awal maanso waataan gudboo, gudhiyey waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gasheeyo tii xalay hurdada, gama’a ii diiday

Galladaha Illaahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gandal-dheere waataan wax badan, guuyaduu madhaye
Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey
Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye
Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
haddeynan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene
Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene

Gobowgii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey
Gegida Yuusuf jiifuu tukuu, gabas-dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, guduridii siiyey
Gus-ku-taajir baa ii hadhoon, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

Majeerteenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge
Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye
Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi Reer Nuure

gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye
goobbay ku wada lee’an sidii, goosan weer helaye
Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’daydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh

Guulaamo roob da’ahayiyo, gababaxdiisii dheh
Unkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh

Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh

Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh
Xariir lagu gimmaamadahayiyo, gole firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

Gobo’ kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey

Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaarraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri i boodheeyey,
Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey

Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay

Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geydhtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu

War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma galaasyo miidaan ku shubay, gamashigii dayrta
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay

Godobtaydu way wada jirtaa, goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waan, dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan, gurubsanaayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Gayigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

Nin ganaananayaan ahaan, gabadhna dhaafayne
Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne

Wixii guul darraystaba naflaha, wow gagabayaaye

Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye
Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go’aha Iidoore

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e
Gooddiga Arooraa fardaha, lagu garmaamayne
Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise

Galaayuubta Hagar Aadan baan, gaaddow marine
Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga
Inshaa Allaahu way gudhahayaan, sida gal miireede

Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka Reer Dalale
Gaas baa ku caran Reer Subeer, goborra weyntiiye

Kolaan Goora Cobolleey ka dayo, amase Geel-loo-kor
Huwan waa ka gabangaabsadaye, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geyn, Goha miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo

Waan gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraardaayo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo
Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaadda Weyn jiraye
Waa ii garaad li’i dantay, inaan ka gaaftaaye
Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

Go’na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam’i lahaaye
Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebbow way gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde

Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay, galowga taabteene
Eebbow geesigii Ina Dherey, ugu guduudsheene

Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu, ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e

Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne
Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane
Eebbow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaadhi bay Reer Warfaa, guradiii saareene
Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye
Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede

Gaaggii ka hadhay Reer Shawaa, caydh la golosleyne
Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile
Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiisha ahe

Cali-geri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye
Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede
Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole

Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne
Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
Eebow anaa kugu garlehe, guusha ha I seejin.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Qoraagii Taariikhyahanka ahaa Aw Jaamac Cumar Ciise oo Jabuuti ku Geeriyooday.

Image

Waxaa Maantay Jabuuti ku geeriyooday, Qoraagii Taariikhyahanka ahaa Aw Jaamac Cumar Ciise Ilaahay ha u naxariisto, wuxuu Aruuriyey Taariikhda Soomaalida gaar ahaan Halgankii Daraawiish iyo Suugaantii  Sheekh Sayid Maxamed Cabdulle Xassan,AUN.

Bahda Tixraac ee Afka Soomaalida iyo Dhaqanka xilweyn iska saaray ayaa dhinaca Aakhiro u sii socda xilli Dalka Soomaaliya ay qabsadeen gumaystayaal, dhawaan ayey ahayd, markii Rag Bahda Tixraac kamida ay geeriyoodeen sida C/qaadir Xirsi Yamyam.

Dadkii Soomaalinimadu ku jirtay ee Cadowgooda yaqaannay, waxay u socdeeleen Aakhiro, laakiin waxay Soomaalida oga tageen, Taariikh iyo Suugaan ku qoran Luuqadda Hooyo ee Afka Soomaaligaa.

Bal aan dhagaysano oo daawanno, Aw Jaamac Cumar Ciise oo Gabaygii Sayidka ee Adigaa Kuufiyow Jiitay, ku luuqaynaya.

29437308

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:-Xaaji Aadan “Afqalooc” iyo gabaygii geeridii Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf ka dib sannadkii 1947-Burco.Somalia. “Bisinka xoog ha lagu daro” Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf.

29216226

Sheekh Bashiir Sheekh Yusuf wuxu ahaa geesi, caan baxay oo si cad oo bareer ah uga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska.
Sheekha waxa halhays u ahayd “Bisinka xoog ha lagu daro” oo uu hore u soo shirrabay. tijaabiyay.Wuxuu lahaa dadyahaw ka kaca uu DIINKEENA iyo dalkiina idinkaa iska leh oo maamulan kara, iskana ery……a saancaddaalaha,gaalka iwm.
Sidaa darteed ayuu ciidan abaabulay, wuxuuna si cad u diiday gaalada dagaalna ku soo qaaday magaalada Burco horraantii afartamaadkii,dagaalkaa waa lagaga xoog roonaaday Sh. Bashiir, laakiin sidaa kumuu shiiqin halgankiisii ee wuxuu u rogay dagaalka loo yaqaan “ku dhufoo ka dhaqaaq” isagoo saldhig ka dhigtay meel aan ka durugsanayn magaalada Caynabo.

Markii maamulkii Ingiriisku khaatiyaan istaagay ee harsan waayey, jiifi waayey ayuu go’aansaday inuu weerar ku qaado ciidanka Sh Bashiir,sannadkii 1947kii ayaa la dilay Sh Bashiir,maydkiisiina waxa la keenay magaalada Burco.

Hadaba Xaaji Aadan Axmed”Afqalooc” oo aad uga tiiraanyooday geerida Sheekh Bashiir, kana xumaaday qaabkii loo dilay geesigii ummadda Somaliyeed ayaa gabaygan ka tiriyey,wuxuu canaan dusha ka saarayaa dadka oo uu leeyahay idinka ayaa la idinka arkay, ee waxay ahayd inaad ka dagaallantaan.

-Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe

-Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane

Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene

-Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide

-Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye

-Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey

-Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna

-Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene

-Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene

-Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.

-Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye

-Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye

-Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye

-Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey

-Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede

Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

<<<<<<<<<Dhamaad>>>>>>>>>>>>

Raxmad Waasac  ah ALAHA siiyo labadaba,waxaad moodaa in shalay maanta u egtahay oo aad arkayso iyadoo dhulka Somaliyeed gumayste meel kasta ka soo galay loo kala maqanyahay in laga hortago.Waxaad kaloo aad ogatiin in waligiis dhulka Somaliyeed laga diidi jiray in gumaystaha  loo gacan galsho,waxaana diidi jiray dad yar oo Somali ah marka hore,laakin waa loo badan jiray dhankaas xaqo jiro marka ugu danbeysey.Iska diida sidaad shaly u diidi jirteen,Xabashada iyo kuwa la socda gacal Somaliyeed ma ahan.
Image
Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

Mataalo Dhisid baa Mise Waa Tir-tirida Taariikhda Sayidka?

28873288Jumcadii aan Soodhaafnay Waxaa Lagataagay Magaalada Jigjiga Taalo ay Yidhaahdeen Waxaa Loodhisay Sayid Maxamed C. Xassan Hadaba Taalo Sayidku Wuu Mudan yahay In Loodhiso Laakiin Su’aasha is Waydiinta Mudan ayaa Waxay Tahay Wa ayo Cida udhisi? Goorma ayaase Loodhisi? Ma Waxaa udhisi Gumaystihii uu Ladagaalamayay? Mise Dhulkiisii oo Wali Kuhoosjira Gumaystihii uu Ladagaalamayay baa Looga Dhisi? Suurtagal Miyay Tahay Israel inay Tidhaahdo Yaasir Carafaat baan Taalo Udhisi? Illeen Saas bay Kadhigan tahay Ethiopia oo Tidhaahda Sayid M. C. Xassan baan Taalo Udhisaynaa ee? Su’aalahaasi Marka ay isu Kaaqaban Waayaan ma is Waydiisay Danta uu Kaleeyahay Gumaystuhu Taalada Sayidka?.

Sida aan Lawadasocono Gumayste Kasta Wuxuu isku Dayaa Umada uu Gumaysanayo inuu Baabi’yo ama Dhalan rog Kusameeyo Taariikhdooda Gumaysiga Ehiopiana Wadadaas buu Hayaa oo Wuxuu Geed dheer iyo Mid gaabanba u Fuulayaa siduu Ku Dhalan rogi Lahaa Taariikhda Shacabka uu Gumaysto ee Soomaalida Ogadenia.

Taalada uu Gumaystuhu Ku Yidhi gacanyarayaashiisa Sayidka u Dhisana Wuxuu uga Goleeyahay inuu Dhalan rog kusameeyo Taariikhda Sayidka oo uu Dadka u Sawiro inuusan Sayidku Ladagaalamaynin Ethiopia ee Ingiriiska uun Ladagaalamayay isna uu ahaa Ethiopian, Gumaystuhu isaga ayaana is Duqayn oo Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Waa kii Maalin Dhaweyd Afkiisa Ka Qirayay Ogadenia inaysan Ethiopia Kamid ahayn Wixii Kahoreeyay 1948 oo Xiligan ay Odayaashu Doorteen Ethiopia inay Kamid Noqdaan Waasuu Hadalka Udhigay ee, Laakiin Odayaal Madooranin ee Wuu Ku Been Abuuranayaa.

Sayid M. C. Xassan Wuxuu Ladagaalamay Gumayste Sadex Geesood ah oo Kala ahaa Ingiriis, Ethiopia iyo Talyaaniga kuwaa sooqaybsaday Guud ahaan Dhulkii Umada Soomaaliyeed Hadafkiisuna Wuxuu ahaa inuu Kaxoreeyo Waxa Shanta Soomaaliyeed Loogu Yeedho Hada Gumaystayaashaas Qaybsaday.

Ethiopia Hadii ay Rabto Shacabka Soomaalida Ogadenia inay Maanta u Sawirto ama Kadhaadhiciso Sayid Maxamed inuusan ahayn Cadawga Ethiopia ama iyadu ayna Cadaw u arki Jirin isaga ayaa Cadaynaya sayidku Wuxuu ahaa oo Gabayadiisa ayay Kabuuxdaa isaga iyo Xabashidu Meesha ay Kala Joogeen.

Gabayga Lamagac baxay “Nin ilaah yaqaan” oo uu Sayidku Tiriyay uuna isagu Waxa uu yahay Barayay Dadkiisa Xabashida iyo Ingiriiskaba Wuu Kuxusay isku Meel inay Kajoogeen oo Labaduba Cadaw ay u ahaayeen Baa Kuxusan Waanakan Qayb Kamida:

Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?.

Hadii Tusaale Kale aan sooqaadano oo Kusaabsan Xabashi Cadawtinimadii ay Sayidka u Haysay, Gabaygii uu sayidku Cali Dhuux ugu Jawaabayay Wuxuu Ku Sheegay isaga iyo Xabashida inay Cadaawadi kadhaxayso Wuxuuna Yidhi Sayidku:-

Nin Amxaara Mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, Ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, Agabsanaayaay.

Qoraal Kuma sookoobi Karo Meesha ay sayidka iyo Xabashi Kala Joogeen Gabayadiisa ayaana inoogu Filan Markhaati. Waxaan facebook-ga Ku arkayay Maalmahan Dhalinyaro Ladhacsan oo Kuhaysa Sayidkii baa Loodhisay Taalo Dhalinyaradaasi Way Kumahadsanyihiin Dareenkooda iyo sayidku Sida uu Ula Waynyahay Laakiin Waxaa Meesha Kujira Aragtidaa Guracan een Soo Xusay ee Lasocda, Insha allah Dalkeena oo Xor ah ayaan Uga Dhisaynaa Wax kasta oo uu Mudanyahay.

Aniguna Waxaan Kucabiray Dareenkayga Tixdan Gabayga ah.

· Duulaanka Gaalkii Kuyimid Dagalka Ciideena

· iyo Kuwaan Damiir Lagu Ogayn ee udaba Maydha

· Taariikhdii Darwiish kay Rabaan inay Daboolaane

· Danbas iyo Waxay Marinayaan Daamur aan Gu’ine

· Da’yartiyo Dhalaan kayrabaan inay Ka Duugaane

· Ama Dawba Meel aan ahayn ula Dawaafaane

· Doqonimo Halkaa Gaadhay baan Daawo looheline

· Hadaad Dooni Taariikh Cadoon Daahnu Qarinaynin

· Oo Marnaba aan Duugoobin oo Dayax sidiisii’a

· Shamso Duhur Lamoodaayo oon Ciduna Diidaynin

· Dafiraadna aan Gali-karayn Duudsi iyo Duugid

· Diiwaanka Gabayaduu Lahaa yaad Kadaalacane

· Dib Umilcso Taariikhdu Waa Shay aan Doorsamine.

By: Darwiish.

28574741

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Naf dalkaaga doonaysa, ”Gabay Xusuusin ah” Sayid Maxamed Cabdille Xassan

26812269

22506671

Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mudo hadda laga joogo 100 sano. Sayidku wuxuu ka gabyey xilligaas xaalada halgankii jihaadka ee daraawiishta. Maantana waxaad arkaysaa inuu isla gabayganu khuseeyo arinta maanta taagan waayo waagaas uu ka gabayayey munaafaqiintii ama dadkii caqabada ku ahaa halganka iyo danaha umada Soomaaliyeed ee u adeegayey cadawga maantana way u adeegayaan. Tixdan markaad dhuuxdo waxaad ogaanaysqaa micnaheeda qarnigii tagay iyo qarniganban.

Wuxuuna ku bilaabay sidan: 
1. Doodan waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurtoo
2. Dadkii idinka waynaa hadday idin duleeyeen
3.Dambi kama ay yaabine cuntay idinka doorteen
4. Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen
5.Dameerkuna ma yeelen halkay talo ku daysteen
6.Dab intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
7.Doox intay qodeen bay ciid idinku daadsheen
8. Nin idiin damqanayaa idinkama dambeeyee
9. Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye
10.Duleedada kufaartaa dacas idinku laynoo
11.Naf dalkaaga doonaysaa firaash looma daadshee
12.Dabkan aan shidaayaa daawadiina weeyee
13.Dariiqii rasuulkiyo dawga ha ka baydhina

23085838

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Naf dalkaaga doonaysa, ”Gabay Xusuusin ah” Sayid Maxamed Cabdille Xassan.

26812269

22506671

Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mudo hadda laga joogo 100 sano. Sayidku wuxuu ka gabyey xilligaas xaalada halgankii jihaadka ee daraawiishta. Maantana waxaad arkaysaa inuu isla gabayganu khuseeyo arinta maanta taagan waayo waagaas uu ka gabayayey munaafaqiintii ama dadkii caqabada ku ahaa halganka iyo danaha umada Soomaaliyeed ee u adeegayey cadawga maantana way u adeegayaan. Tixdan markaad dhuuxdo waxaad ogaanaysqaa micnaheeda qarnigii tagay iyo qarniganban.

Wuxuuna ku bilaabay sidan: 
1. Doodan waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurtoo
2. Dadkii idinka waynaa hadday idin duleeyeen
3.Dambi kama ay yaabine cuntay idinka doorteen
4. Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen
5.Dameerkuna ma yeelen halkay talo ku daysteen
6.Dab intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
7.Doox intay qodeen bay ciid idinku daadsheen
8. Nin idiin damqanayaa idinkama dambeeyee
9. Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye
10.Duleedada kufaartaa dacas idinku laynoo
11.Naf dalkaaga doonaysaa firaash looma daadshee
12.Dabkan aan shidaayaa daawadiina weeyee
13.Dariiqii rasuulkiyo dawga ha ka baydhina

23085838

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MAQAAL-Adna Jiilka dambaa ku Jeclaan.Qore:-Idiris A.Dooxa-joog.

27829877Waa dhowr warqadood oo lagu soo koobay taariikhda dhulka Soomaalida , waxaa soo daabacay macalinka Afka Soomaaliga ee Iskuulka , waxaa loo dhigay Caruurta Soomaaliyeed casharaddaas ku xardhan Waraaqahaas , waxa uu Macalinku usoo ururiyey in ardaydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal dibbadeedkaanu Bartaan taariikhda dhulkooda.

Ku ka mid ah ardaydda oo sidta waraaqahaas ayaan iri aan eeggo , waxaa ku tilmaaman Taariikhdaas in Daraawiishtu ahayd Halgamayaal , kolkaas ayaan Iswayddiiyey oo haddaa AL-shabaab-na maxaa loogu dhigi waayey illayn waa laba Isku cayn ahe labaddaas dhaqdhaqaaq.

Kooxdi dagaaladda kula gashay goobaha kala dhigan gumaystihi Ingiriiska ee dalkeena ku soo duulay ee la macag baxday DARAAWIISH ee ahayd koox diineedku waxay leedahay taariikh laba dhinac leh ,tu wanaagsan oo ah dagaal ugu soo bixida gumaystaha soo gooshay ee heeryadda u cabiidsanaha saarsaday dadka Soomaaliyeed .
Iyo mid ay ka muuqato siyaasad ku hoosaynta kolka ay gudaha dalka arrimuhu joogaan ee ka dhigan kasbashadda dadka Soomaaliyeed iyo curinta aragti la isugu keenaayo bulshadda Soomaaliyeed si qoto dheerna loogu macnaynaayo doonitaanka gumaystaha iyo in ay waajib tahay ka hortagiisu iyadda oo laga duulaayo illaalinta bulshadda Soomaaliyeed diintoodda iyo khayraadka dhulkooda sidoo kale laga hortagaayo in taraarka ay ka meel marto dhulka Soomaalida sida uu la damacsan yahay gumaystuhu.
Halgan Socday 21-sanno oo daraawiishtu kula jirtay gumaystaha waxa uu ku soo gabagaboobay guul daro , waxaase tu sheegan oo maalmuhu sugayaan ah dagaaladdi ay Daraawiishtu ugu soo baxeen Gumaystaha , taasu waxay noqotay mid gayiga Soomaalida oo dhan ka tilmaaman sidoo kale ka guud ahaan dunnida ka sheegan .

Dhulka Soomaalidu waxa uu soo maray Marxaladdo kala duwan , tobanki dambe ee qarnigu Labaatanaad inti dalka Soomaaliya la oran jiray oo muddo soddon sanno ah dawlad lahayd waxay dib ugu noqotay habki hore ee Soomaalidu u dhignayd ka hor gumaystaha ee ahayd qaab reer Guuraanimo ee ay u kala yaaliin koox odayeedyo isneceb dadka Soomaaliyeed , dhibaatona dhexdooda isku ah , iskuna qaada duulaano koox odayeesan (Qabyaaladdaysan)
Isbadal u raadin iyo dib dawlad ugu doonid dalka Soomaaliya loogu hello dawladnimo waa lagu fashilmay dad dibaddeed iyo dad Soomaaliyeedba ,Waxaa 2006-di ka soo baxay dalka Soomaaliya koox diineed la macag baxday MAXAAKIIMTA isbadal ayay ka sameeyeen koonfurta Soomaaliya oo qalalaasaha ka dhashay dawlad la’aanta dhibkiisu usii gaar yahay koonfurta aynnuna oran karo waa kiisa sii durugsani dhibka dhulka Soomaalida , sababtuna tahay Caasumadda dalka Soomaaliya oo koonfurta ku taala.

Kooxdaas Maxkmadduha waala jabiyey waxaana soo baxday kooxda AL-SHABAAB ee haatan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka arrimisa ee koox diineedka ah , dagaaladdana kaga soo horjeedda ciidamadda shisheeye ee dalka Soomaaliya jooga .

Qormaddeennaan aan ugu magac horaan qabanay Adna Jiilka dambaa ku Jeclaan !

waxaynnu ku faaqiddaynaa iddeen isu ekaanshaha AL-SHABAAB Iyo DARAAWIISH .

Tu kasta gaarkeedda ayaan u tusmaynaynaa dhaqdhaqaaqyaddaas kala gooraha ah ee dhulka Soomaalida ka soo shaac baxay haatana ay wali mid sii joogto dalka Soomaaliya dirirna ay kula jirto kuwa ka soo horjeedda ee ay ugu yeeraan Cadoowga diinta Islaamka iyo dalka Soomaaliya waa siday qabaane .

aynnuse xusno kolka hore in ay dhankayga jirto aqoonsi ah in Al-shabaab iyo Daraawiish ay yihiin kuwo isku cayn ah , sidaas saynnu u leenahay ayaa ah kor ayaad ku so martay aqriye WAYSKU CAYN .
Daraawiish .

 

Daraawiish iyo hoggaamiyaheeddi Sayid Muxamed C/lle Xassan waxay halgan la galeen gumaystihi Ingiriiska , Daraawiishtu waxay ku dhawaaqayeen Jihaad , waxaynna isu aqoonsanaayeen jihaadiistayaal , doonitaankoodduna waxa uu ahaa in ay guud ahaan geyiga Soomaalida ka dhaliyaan dawlad.

Sayid Muxamed hoggaamiyihi Daraawiishtu waxa uu guud ahaan Soomaalida ugu baaqay in ay usoo baxaan Jihaadka ay Daraawiishtu kala soo horjeedo Gaaladda soo duushay , ee gardaradda dhulkooda ku timi .

dhanka la dagaalanka gumaystaha waxay daraawiishi galeen dagaalo naf hurnimo ah aynnuna ugu yeeri karo Mujaahidiin aan cabsi lahayn ayay ahaayeen kolka aad aqrido Taariikhda laga dhigay siday dhigayso .

qaybo ka mid ah dagaaladdaas waxa gacanta sarre lahaa Daraawiishta sida Dagaalki Cagaar-wayne oo aaffo daran loo gaystay ciidamaddi Ingiriiska ,
isbadalo badan ayay daraawiishtu martay muddadi 21-sanno ee jiritaankoodu jiray ahayd ,waxaynnu soo qaadanaynaa hab dhaqanka Daraawiishi kula dhaqantay Soomaalidi ka soo horjeeday .

Waxay Daraawiishtu xeeraysay in dadka dhanka Gumaystaha ka soo safan ee Soomaaliyeed ay bannaan tahay ka soo mahoobinta xoolahooda si Daraawiishtu ay u hesho duunyo ay ku dhaqanto kuna dagaal gasho .

Sidoo kale waxay daraawiishi dagaal ku qaaday koox odayeedyo badan oo Soomaaliyeed , waxaa iyadduna jirta in koox odayeedyo Soomaaliyeed isu soo urursaddeen Daraawiishta si ay u jabiyaan , dhanka ciidamadda ajaanibta ah waxaa horgalayaal u ahaa dadka Soomaaliyeed , badanka Soomaalidu way ka soo horjeesteen daraawiishta , waxaynna u riyaaqsannaayeen in la cirib tiro daraawiish.

Daraawiishta oo ahayd koox diineed haysta dariiqadda Saalixiyadda kuna tilmaaman Jihaadiistayaal waxay ka soo horjeesteen dariiqooyinki kale ee dalka Soomaaliya ka jiray kuna tilmaameen kuwo dadka ku hoosaasinaaya heeryadda gumaystaha , aanna ka dhiidhiyayn gaaladda dhulka timi ee dadka Soomaaliyeed diintooda in ay ka suuliyaan usoo dagay , waxaynnuna ka soo qaadan karaa iska hor imaadka Daraawiish iyo culimaddi kale dilki Daraawiishtu u gaysatay Sh, Uweys Maxamed Al-baraawi ee dilkiisa ay daraawiishi dishay aynnu ku caddayn karo Gabaygii Sayidka ee meerisyaddiisa ay ka midka ahaayeen .

Waxuu dookhadleeyoo xumaan dali la meeraaba 
Dambiguu falaayaa Uways loogu dawgalaye 
Candho dogoble goortaan dilluu roobku noo da’e 
Dariiqadda Saalixiya waa oog aan damihayne 
Dikrigiyo Ixwaankii miyaa Eebe darajeeyey .

 

Hoggaamiyayaashi Koox odayeedyadda ayay daraawiishtu ka hor timi kuna tilmaameen kuwo ku jira dabeecadda kala qoqobnaanta unna janjeera dhanka Gumaystaha sidaas darteedna waxay ismaandhaafkaas ku dileen Garaad ka mid ah Oday dhaqameedyaddi Xiligaas .
Xasuusaha kale waxaa jira in Daraawiishtu lahayd Xeer la dhaho waa xujoobay oo ahaa dil laguna fuliyey dad bannaanka ka ah Daraawiish iyo kuwo ka tirsanaa Daraawiishta .

Isbadalki ka dhacay Soomaaliya 1960-ki ee qayb dhulka Soomaalida ka mid ahi ay dawladnimadda heshay waxaa loo aqoonsadday muddo ka dib Sayid Muxamed Iyo Daraawiishba HALGANKA dhulka Soomaalida Soo mara kan ugu horyaalsan, Sayidkuna waxa uu noqday Qofka Koowaad ee Soomaali ah ee ka mid ah dadka Sheegan ee Soomaaliyeed .

Al-shabaab .

 

Al-shabaab waa koox diineed ku sheegan jihaadiistayaal siday isu aqoonsan yihiin waxay soo shaac baxeen 2007-2008 Waxay dagaallo kala hortageen ciidamo shisheeye oo ku soo duulay dalka Soomaaliya , bal ay hor boodayaan Soomaali iyo dawlad ku magacaaban dawladda Dalka Soomaaliya .
Badanka dhulka koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayay Al-shabaab qabsaddeen , muddo ka dib waxaa dalka Soomaaliya soo buux dhaafiyey ciidamo shisheeye oo dalal dhowr ah ka socda .

Waxaana haatan muuqda in Al shabaab laga qabsadday dhul badan oo ka mid ah dhulki ay horay u maamuli jireen .

Haddaba aan iswayddiine waa sidee Hab dhaqanka Al shabaab , Al shabaab waxay dagaallo la galaan ciimadda is weheshan ee ah ajaanibta iyo kuwa Soomaaliyeed , waxay Al shabaab leeyihiin Xeer ah Waa Murtad oo ay ku beegsaddaan madaxda dawladda Villa-Somalia iyo dad ka tirsan Maamuladda Koox odayeedyadda (Maamul Goboleedyo) , Si aynnaan u hayn xaqiijin dhab ah waxay Soomaalidu ku sheegaan in Al shabaab ay dileen dhowr wad-aad oo dalka Soomaaliya lagu dilay .

Waxaa jirta in Al-shabaab iyo hoggaamiyayaasha Koox odayeedyaddu (Odayaal Qabyaaladdeed) kala fog yihiin shirar la isugu keenay oday dhaqameedyadda kuwo loogu yeero oo lagu sheegay kuwo xaalka Soomaaliya looga hadlaayo waxay Al shabaab ugu yeeraan Oday koox odayeedyaddaas kuwa ku tusmoobay dhibaateeyayaal diinta , dadka iyo dalka.

Al shabaab waxay ka soo horjeeddaan kooxo diineedyadda kale ee dhulka Soomaalida ka jira kuna tilmaamaan kuwo dhibaato ku ah dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka ee ay haystaan .

Al shabaab waxay ka madax bannaan yihiin koox odayeedsiga waana dad ay isu keentay Mabaadiida ah doonitaankooda ee ah in Guud ahaan dhulka Soomaalida dib la isugu soo dumo aynna ka arrimiso dawlad ku dhisan Sharciga diinta Islaamka .

Waysku Cayn .

Innaha sarre ee aan ka tilmaamnay DARAAWIISH iyo AL-SHABAAB hab dhaqanaddooda kuwo ka mid ah waxaynnu usoo qaadanaynaa in aan isku cayn ahaanshaha ama isu dhowaanshahoodda hab dhaqan dhaqdhaqaan aan xog ka hello .

Si urursan u dhihid waxaan leenahay sidaan hoose .

Daraawiish waxay ku sheegnayd Jihaadiiste , Al-shabaabna waa ku tilmaaman tahay sidaas , waa siday Labadduba isu aqoonsanaayihiin

Al-shabaab waxaa ka soo horjeedda badanka Soomaalida , Daraawiishna sidaas oo kale .

Daraawiish waxay dagaal la galeen ciidamo ajaanibeed iyo Soomaali isku dhinac ah , Al shabaabna caynkaas .

Al-shabaab waxay ka soo horjeeddaan koox diineedyadda kale , Daraawiishina sidaas si la mid ah ayay ahayd.

Daraawiish waxay lahayd Waa xujoobay Xeer La dhaho , Al-shabaabna waa Murtad

Faallo kooban .

Waa jiraan meello ay ku kala duwan yihiin Daraawiish iyo Al shabaab bal aysan kala duwannaanshahaasu kuwo badan ahayn , sidoo kale waxaa kala dhigan xilliyadda oo aan dunnidu isku cayn ahayn .

Waxaase tu huban sidaan taariikhda Daraawiish iyo hab dhaqanka haatan ee Al-shabaab ka arki karo in ay dhinacyo badan isaga dhow yihiin , dhaqdhaqaaqyadduna sida ay u socdaan ay inno badan isaga egyihiin .
Isywayddiin .

 

Haddii Daraawiish loo aqoonsadday kuwo mudan maamuusid , halgamaa lagu hal qabsaddo uu noqday Sayid Muxamed C/lle Xassan saw ma ahan Al-shabaabna in ay noqdaan kuwo daraawiish la cayn ah Amiir Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane-na loogu yeero Halgamaaga Hadda , Maaddaama ay leeyihiin dhinacyo badan oo is leh ?

Maxaynnu ugu aqoonsanaynaa Daraawiishta Kuwo milgaysan Al-shabaabna u leenahay waa muqaribiin ?

Daraawiish waxay dishay dad Soomaaliyeed , Gumaystahana dagaal ayay kala hortageen , Al shabaab sidoo kale , kolkaas saw ma ahan in aan cadaalad samayno oo isku si u aragno , haddii wanaagsannaan lagu tilmaamo Daraawiish aan Al-shabaabna ku sheegno , haddii Xumaan lagu asteeyo Daraawiish , AL-shabaabna aan ku sunnudno ?

Idlayn.

Waxaa sabab u ah in labaddaas dhaqdhaqaaq loo kala arko laba cayn oo kala dhigan iyagga oo dhinacyo badan isaga eg , mabaada’a guudna ka midaysan , in dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo marka qofku dhinto lib siiya , halka kan nool ay diidayso Qabyaaladdu in loo aqoonsaddo ku wanaag horseedde u ah .

Sidoo kale waxaa tu aan haboonayn bal Soomaalidu ku sheegan tahay ah in laba isku cayn ah midna la dhaho waa milgaysane kan kalena la dhaho waa muumuus mid aan mudnayn oo Muqarib ah .

Waxaa jiraysa in jiilasha dambe ay ku caddaadinayso sida maalmuhu sugayaan in ay u aqoonsaddaan Al shabaab iyo Amiir Axmed Godane kuwo Halgamayaal.

Iillama muuqato mid aan dhacayn in Axmed Godane loo dhisaayo Taallo taariikheed , laguna xusaayo buuggaag badan taraarka sababtuna tahay Sayid Muxamed-ba waa kan Muqdisho Bartankeedda Taalladda Halgamaanimo uga mudan tahay .

Guud ahaan kolka aad Taariikhda daraawiishta dheehato waxaa kuu soo baxaysa in Al shabaab iyo Daraawiish isu dhow yihiin hab dhaqanaddoodu, kolkaas Aqriyoow u wadda aqoonso kuwo isku mid ah xumo iyo samo kan aad u aragto , oo isku dhinac ka dhig .

Ugu dambayn waxaynnu oran ADNA JIILKA DAMBAA KU JECLAAN oo ka dhigan Haddii Sayid Muxamed iyo Daraawiish Soomaalidi ay xilligaas hore la joogeen ay ka jeesteen  haatanna uu Mid maamuusan yahay Axmed Godane iyo Al shabaabna jiilasha dambe ayaa u aqoonsan kuwo Milgayn mudan .

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:- Daaroodism , Hawiyiisam,Irirnimo iyo Sheekh Boqolsoon oo Wadaaddo Dagaal ku qaadeen markuu Soomaalida runta u sheegayey!.

25992010Walaalkeen Shahiid, Sheekh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon Ilaahay ha u naxariistee, markuu Soomaalida Runta u sheego oo gaalaysiiyo Dadka gaaloobay, Wadaaddo Soomaaliya ayaa dagaal kula jiray Dacwadiisa, xaqiiqadii Sheekh Maxamed Boqol Sano ayuu ka horeeyey Wadaaddo badan oo aanan xattaa Wargaysyada Caalamka Akhrisan jirin ama hadda Waaqica ay ku nool yihiin wax badan kala socon.

Sheekh Maxamed Axmed Rooble wuxuu Cajalkiisa Qabyaaladda kaga hadlay, Jamhadihii Mujrimiinta ahaa, ee Majeerteenka, Hawiyaha, Daaroodka Isaaqa iyo Shayaadiinta kale, wuxuu Sheekh Boqolsoon gaalaysiinayaa Dad badan oo Mujrimiina, si cad ayuu ugu sheegayaa in aysan Muslimiin ahay xattaa waa habaarayaa waxaan ka baqaynaa Wadaadkaas Awliyadaa in habaarkiisii Soomaalida uu kudhacay!.

Sheekh Maxamed wuxuu leeyahay oo ka hadlayaa Arimo badan oo aad moodayso in uu Maantay nool yahay sida Jamhadaha Itoobiya tagi jiray, waxaana og nahay wali Mujrimiinta Soomaaliya in ay Itoobiya Shidaalka kasoo qaataan, waxaaba Itoobiya isku dhiibay Wadaaddo Salaf sheegan jiray oo Sheekh Maxamed dagaal kula jiray Dacwadiisa.

Sheekh Maxamed Manhajkiisu waa caddaa cidna uma joojin jirin, Manhajkii uu Umadda Soomaaliyeed ugu yeerayey Rag badan oo Xarakada Mujaahidiinta kamida ayaa xanbaarsan oo Sharciga Ilaahay Muslimiinta Soomaaliyeed ku maamulaya. Mararka qaarkood markii aan Qabiilada Mujrimiintaa ka hadalno Dadka qaar ayaa xanaaqa, waxaan leenahay Sheekh Maxamed ayaa nooga horeeyey waligiinba Afka buura, muxuu noo sheegayaa Mujrim Shareecada Islaamka la dagaalamaya hirgalinteeda.

Dad badan oo Soomaaliya Muslimiin ma’ahan, si wanaagsan u dhuux hadalka Sheekh Maxamed Axmed Rooble, Dad Diintii Ilaahay ka cararaya oo shirqool u maleegaya miyaa Islaamnimada lagu dhajinayaa?, Ninkii Qabiilkiisa difaacaya ama Gobal uu kasoo jeedo waa Nin Ilaahay Kitaabkiisa iyo Sharafta Islaamnimadu ayan u qiimaysnayn.

Shareecada Islaamka waxa dagaalka kula jira waa Soomaali, Gedo, Gobalada Waqooyi Bari, Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo Xarakada Al shabaab waxaa la dagaalamaya oo Xafladaha Qurbaha kawada waa Qabiilada Soomaalida qaar kamida, marka Muslimiin ma’ahan yaan Salaadda lagu xiran Ninkasta oo Durbaan u tuma Xassan Gurguurte, Faroole iyo Axmed Madoobe.

Nala Dhagaysta 13 Daqiiqo Sheekh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon Insha Allah, Xalaqaad ayaan ka samayn doonnaa Muxaadaraadka Sheekh Boqol Soon.

Dhagayso Sheekh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Maxamed Xaamud 
Somalimidnimo.com 

VIDEO:-Qabiilka Iyo Qaxarkiisa Sh Boqolsoon,RAXIIMULAAH.

 

25991044

 Voice Of Somalia-Banaadir Post.

TAXANAHA TAARIIKHDA:-Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday keeba Gardaraa W.Q. Axmed F. Cali “Idaajaa”

25984825

Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.

Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey.  Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen.  Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd.  Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:

  •  Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye

  •  Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

  •  Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!

  •  Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane

  •  Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahayne

  •  Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

  •  Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye

  •  Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey

  •  Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!

  •  Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

  •  Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

  •  Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!

  •  Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e

  •  Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene

  •  Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene

  •  Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne

  •  Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye

  •  Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!

Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah.  Waa gabayga ‘Gudban’ amase

‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

“Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’.

“Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen.  Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen’. 

Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

  •  Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

  •  Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

  •  Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!

  •  Eebbow sidii guun haween ‘gii’du waa aniye

  •  Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye

  •  Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!

  •  Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

  •  Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne

  •  Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!

  •  Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye

  •  Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

  •  Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!

Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba.  Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.  

Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.

Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, “cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa”, sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:

 Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey

 iyo kii ‘duleedshaay’ ku yiri wax isma doorshaane!

Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin.  Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, ‘gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal’ ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:

pizap.com14451031991761

  •  Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin

  •  Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara

  •  Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada

  •  Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira

  •  Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

  •  Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba.  Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le’an jireen, hantidoodana ku waayi jireen.  Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.  

25984794

Voice Of Somalia-Banaadir Post.