
Eray bixinta oo dalka Soomaaliya laga adeegsanayo waxaan anigu maqlay wixii loo soo gaaray sannadkii 2009-kii xilligaasoo ay sii laba jibaarmeysay cududa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Eraygan oo micnihiisu yahay (Dhabba gal) ayaa maanta kamid noqday eray bixinada dagaalka kuwooda ugu caansan ee ay war baahintu adeegsato, waxaana ugu wacan iyadoo ficil ahaan loo fuliyo had iyo goor.
Haddaad dhageysato war baahinta siiba kuwa islaamiga ah waxaad maqleysaa: Kaamiin ka dhacay Iidow Jallaad oo gaadiid looga gubay Amisom ama Kamiin loo galay madaxweynaha ama lagu dilay mas’uul hebal.
Run ahaantii dhagaha un baan ka maqli jiray wararkaas, laakin uma arag si toos ah marka laga yimaado waqtiyada qaar oo aan ka daawado filimaanta Al-kataa’ib.
Haddaba maalintii shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 11-11-2014 ayaa anigoo maraya isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho indhahayga ku arkay Kamiin dhacaya!!.
Goor aan iska eegayo dhinacyada si aan laamiga u gooyo ayaa waxay mar qura indhahaygu qabteen gaari aad u qurux badan oo rasaas ooda looga qaadayo.
Markiiba waxaan kamid noqday shacab badan oo cararay si aaney wax yeelo usoo gaarin, balse xoogaa kadib oo aan wax xabad ah la maqleyn kuna soo laabtay isgoyska si aan gaari uga raaco ayaan arkay baabuurkii rasaasta lagu dhoobay oo meydadka laga saarayo.
Runtii waxaan isaga tagay goobta anigoo ku wareersan cidda Kamiinkan loo dhigay, hase yeeshee habeenkii xalay ayaan maqlay afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Abuu Muscab oo sheegaya in qofka KM4 lagu galay uu ahaa taliye ku xigeenkii hey’adda socdaalka kana tirsanaa Interpol.
Qaab Laga Taxadaray In Shacabku Wax Gaaraan.
Halka uu kamiinku ka dhacay ee KM4 waxay ahayd meel bulsho badan, haddana cid shacab ah wax kuma gaarin, sababtoo ah ragga hawl galka fuliyay oo ahaa kuwa aan qalqalsaneyn oo tiigsanayay hadaf u calaamadeysan.
Wey fiicneyd inaan maqaalkan ku sheego Kamiinka siduu u dhacay min bilow illaa dhamaad, laakin wadnahayga ayaan ii saamixin inaan marka hore halkeyga taagnaado oo aan dhacdada daawado.
Muhiimadda Halka Uu Kamiinku Ka Dhacay.
Kamiinku wuxuu ka dhacay isgoyska KM4 oo ah meesha ay ugu dhaqdhaqaaqa badan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa ajnabiga ah, wuxuuna kamiinkan iyo kuwa lamidka ah kuu muujinayaan in uu is badan galay dagaalka magaalada Muqdisho, dhanka kalana ay amni ahaan u fashilan yihiin dowladda iyo saaxibadood.
Kamiinka Maanta Ka Dhacay Wada Jir.
Sidoo kale waxaan maanta war baahinta ka dhageystay in weerar kamiin ah lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii degmada Hawl-wadaag Yuusuf Hilaal iyo istaafkiisa xilli ay marayeen Suuqa weyn ee degmada Wada Jir.
Tani waxay ka marqaati kacaysaa in weerarada Kamiinku usoo gudbeen magaalada Muqdisho, haddey xaaladdu sidan kusii socotana waxaa macquul ah in dowladda iyo ciidamada shisheeye aad u naafoobaan.
Kamiinada Xamar Ka Dhacaya Oo Ka Duwan Kuwa Kale.
Kamiinada ka dhacaya magaalada Muqdisho waa ay ka duwan yihiin kuwa ka dhaca meelaha ka baxsan caasimadda, waayo kuwaas waxaa loo adeegsadaa Baasuuke ama hub ka culus laakin kuwan waxaa loo isticmaalaa boobayaasha.
Hadda waxaan is weydiineynaa Axmad macquul ma tahay inaad la kulanto Kamiin Baasuuke loo adeegsanayo!!.
Axmed Warfaa Qoraa Madaxbanaan
Fadlan la wadaag qoraalka asxaabtaada.
Like this:
Like Loading...