DHAGEYSO:- Faarax Macallim oo ka Hadlay Qaabka Soomaaliya loo Gumeysanayo.”Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay iney qabsato Itoobiya lana badalo diinta iyo dadka muslimiinta ah ee ku nool”

30493691

Faarax Macallim gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa jeediyay khudbad uu ku cabirayo xaaladda Soomaaliya iyo khataraha xilligan dul saaran.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay iney qabsato dowladda Itoobiya lana badalo diinta dadka muslimiinta ah ee ku nool.
Faarax ayaa muujiyay in Itoobiya gumeysigeeda xitaa uu saameyn ku leeyahay Kenya, isagoo tusaale usoo qaatay arin naxdin leh oo ay ku sameeyeen safiirka DF u fadhiya magaalada Nayrobo Maxamad Cali Ameerika.
Wuxuu soo hadal qaaday gumeysiga hadda ka jira jig jiga iyo dhibaatada halkaasi ka taagan. Hadalka faarax oo dheex ayaa waxaa ku dhex jira baaq digniino wata oo ku wajahan ummada Soomaaliyeed.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks

SIDEE SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HOOS NOOLAAN DOONAAN MAAMUL GOBOLEEDYO AY CIIDAMADOODU AJAANIIB YIHIIN?

33532740

Inta badan maamul goboleedyada Federaalka waa dhisay dalal shisheeye ah oo ay Itoobiya ugu horeyso waxaana ilaaliya oo ciidamo u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo aan run ahaantii kamid ahayn kuwa AMISOM markii laga reebo inay magacaas mushaar saanad milateri ku qaataan.

Talada maamuladaasna waxaa gacanta ku haayo ururka IGAD oo ah isla kuwa ay ciidamadoodu dalka haystaan hadda.

Sidaas daraadeed madaxda maamuladu waa kuwo u hogaansan talada dalalka IGAD islamarkaana ku hoos nool ciidamada Amisom, waxaana halkaas ka muuqanaysa inaysan ahayn dad u madax banaan hogaaminta dalkooda.

Haddaba waxaa su,aal ah sidee shacabka Soomaaliyeed ugu hoos noolaan karaan maamul ku fac ah inta ay ciidamada shisheeye dalka joogaan oo ku shaqeynaya fikrado shisheeye?

Mise xaalku waaba sikaloo ciidamada shissheeye ayaanba meelna uga socon oo ku nagaan raba arligeena inta ay madaxda goboladu yihiin kuwo ubaahan oo aan jiri karin la,aantood?

QORE: Talowadaagta Qaranka.

DHAGEYSO:-Barre Hiiraale: “Wadanka Gumeysi Ayuu Ku Jiraa Anigana Maxbuus Ayaan Ahay”

33525241

Hogaamiye kooxeedka Barre Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday in wadanka Soomaaliya uu gacan gumeysi ku jiro siiba Itoobiya iyo Kenya oo uu tilmaamay qaar kamid ah gobolada ay maamulaan.

Sidoo kale Barre ayaa sheegay in isagu uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho, taasoo uu eedeeda dusha ka saaray xukuumaddii Cabdiwali iyo Xassan Sheekh.

Wuxuu sheegay in hab dhagar ah lagu keenay magaalada Muqdisho dhowr bilood ka hor xilligaasoo loo soo sheegay inuu ka qeyb galayo shir dib u heshiisiin loogu yeeray oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Barre ayaa sheegay in shirkaasi loo diiday isagana lagu xabisay Xamar, wuxuu meesha ka saaray in shirkaasi dad lagu heshiisiiyay isagoo intaasi raaciyay in shirkaasi uu ahaa mid ay maamulayeen saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyaan ah.

Hogaamiye kooxeedka Axmad Madoobe ayuu ku eedeeyay inuu xasuuq ba’an ka geystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose. Sidoo kale waxay uu eed kala dul dhacay N/Key ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo dhawaan maamulka Gumeystaha ka hoos shaqeeya ee Axmad Madoobe Ammaanay.

Barre oo warkan siiyay warbaahin dhanka dibadda ah ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland ay door weyn ku leeyihiin dhagaraha isaga loo geystay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Itoobiya oo Sheegtay in Ciidankeeda Ku Duulay Soomaaliya ay isaga bixi doonaan Sanadda 2016.

33499025

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ciidankeeda ku sugan soomaaliya ay isku diyaarinayaan ka bixitaan dhameystiran marka la gaaro sanaddi 2016.

R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayaa sheegay in kumanaanka Askari ee ka jooga Soomaaliya ay heystaan fursad hal sana ah kadibna ay dib ugu laaban doonaan gudaha Itoobiya.

Wuxuu ka dhawaajiyay in waxa loogu yeero Q.Midoobe ay Itoobiya heshiis kula galeen sii heysashada soomaaliya inta laga qabanayo doorashooyin madaxtinimo bartamaha sanadda 2016-ka.

Wuxuu muujiyay sida Itoobiya ay u doonayso kala qeybinta dalka Soomaaliya isagoona carrabka ku adkeeyay in muhiim aysan aheyn xukuumadda Xasan Sheekh ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

 “Xukuumad dhexe oo fadhigeedu yahay Muqdisho muhiim ma ahan waxa muhiimadda in lasiiya mudan waa maamul goboleedyada oo ammaanka soo celin kara waa in beesha caalamka taasi ogaataa”ayuu yiri Hailemariam.

Itoobiya ayay ciidankeedu duullaan gardarro dhul boob ah kusoo qaadeen soomaaliya waana dalka ugu ciidanka badan ee shacabka soomaaliyeed kusoo duulay.

FADEEXAD:Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia oo markii ugu horeysay ka Hadlay Gabadh uu kufsaday.

33485868

Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumada Gumeysiga  Ethiopia  Tedros Adhanom, ayaa markii ugu horeesay  ka hadalay Faraxumeyn uu ku geystay Gabdhyar  ka Timid Wadanka Austrilai  Asal ahaana  ka soojeeda wadanka Ethiopia gaar ahaan Qoomiyada  Orimoya.

Faraxumeynta gabadha ayaa waxaa  siwayn maalmahan u hadal hayay warbaahinta dawlada Yurub iyo Maraykanka  su’aalo ka keenay sida gabadhan da’da yari  uu  u kufsaday Dr.Tedros Adhanom

hadaba  Wasiirka ku sheekga ayaa  markii ugu horeysay barta oo ku leeyahayFacebook  soo dhigay hadal kooban oo uu ku saabsan qaabka uu wax u dhacay, wuxuuna yidhi”Anigu gabdha waan la kulmay laakiin waxba ku masameynin ee ceebta haleyga daayo”

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

FAALLO:-Maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysata Xabashida ?

kaalmo

Waxaa waayadan caada u noqotay Soomaalida Kaalmeysata Xabashida fashil iyo guuldarooyin aan ka dhamaad lahayn,ha noqdeena Soomaalidaasi kuwa sheegta dowlad, urur ama qabiil. Qormadan, ayaa runtii noqon doonto mid xasaasi ah maxaa yeelay, Waxa ay ka jawaabi doontaa su’aal ay in badan isweydiiyaan dadka Soomaalida iyo waliba dadka daneeya arimahooda. Su’aashaasi oo ah maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysta Xabashida ?
Su’aashani, ayaa waxa ay madax xanuun ku riday dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Ajaanibba, Waxa ayna dhinacyadaasi rabaan in ay jawaabo u helaan sababta keeneysa in ay mar walba laga adkaado kuwa Amxaarada Kaalmeysata xitta haddii ay helayaan taageero nooc walba ah.

Tusaale ahaan, Waxa ay dhinacyadaasi fahmi la’yihiin sababta ay u shaqeyn weysay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf, taas oo ay gardaadin ku keeneen Magaalada Muqdisho ku dhawaad 50.000 oo Itoobiyaan ah.

Su’aashani, ayaa waxa ay sidoo kale ku lamaanan tahay su’aale kale oo la isweydiiyo, taas oo ah maxaa looga adkaan la’yahay kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida, gaar ahaan marka la isticmaalayo ciidamada Itoobiya oo lagu tiriyo in ay yihiin ciidan dhisan, islamarkaana si fiican u yaqaana dagaalka Jabhadeynta ah laakiin aad hadda mooddo in laga qash dhacay. Waxaana isku dayi doonaa inta aan ku gudajiro qormada inaan keeno tusaalayaal dhowr ah oo muujinayo in ay guuli ka fog tahay mid kasta oo Amxaaro kalmeysta magaca uu doonaaba ha watee.

Hadabo si aan uga jawaabno su’aasha qormadeena ee nuxurkeedu yahay maxay mar walba la fashilmaan Soomaalida Kaalaameysata Xabashada ? Aan bal marka hore ka waranno sida ay Soomaalidu u aragto Xabashada iyo kuwa taageeraba, Maxaa yeelay aratidaasi, ayaa waxa ay sawir sax naga siineysa sabab ay guuldarooyinkan iyo fashilka u xanbaartaan Amxaaro Kalkaalada.
Dadka Soomaaliyeed, ayaa u arka Xabashada cadowgooda koowaad, Kaas oo sabab u ahaa dhibaatooyin badan oo soo gaaray Qoyskan Muslimka ah (Soomaali). Waxa ayna aaminsan yihiin in ay Iyadu masuul ka ahayd burburkii ku dhacay Qarankoodii xoogga badnaa, inkastoo ay shaqadaasi ku gacansiiyeen kuwa Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale rumaysan yihiin in ay Amxaaradu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha qaran Soomaaliyeed oo leh ciidan xooggan.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo taageersan Dowladda Federaalka, kuwaas oo aan la sheekeystay, ayaa waxa ay ii sheegeen marar badan in Xabashidu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha ciidan qaran. Tusaale ahaan, mid ka mid ah dadkaasi, ayaa waxa uu ii sheegay in ay adag tahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo xooggan inta ay jirto saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalalka horboodda siyaasadda Caalamka.

Hadaba aragtidaasi ay dadka Soomaalidu ka qabaan Xabashida, ayaa waxa ay abuurtay jawi naceyb ah oo loo qaado qof kasta oo Soomaali ah, kaas oo jaal la noqda Iyada. Taasna, waxa ay ugu danbeyn keentay in goob kasta looga adkaado kuwaasi (Amxaaro-Kalkaalada) maadaama loo arkayo dabadhilifyo qatar ku ah jiritaanka Umaddooda. Aan soo qaadano tusaalayaal dhowr ah oo aan is leeyahay, waxa ay noo ifinayaan xaqiiqda aan ka waramayo maanta.

1- Hogaamiye Kooxeedyadii: Dagaaladii dhexmarayey Hogaamiye Kooxeedyadii dalka, Waxa inta badan gadaal ka riixayey Maamulka Xabashadida, Kaas oo doonayey in uu dalka u gacan geliyo kooxo Soomaali ah oo Isaga taageersan. Waxaana ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadaasi Jen. Morgan, Kaas oo ay colaad ba’ani kala dhaxeysay Col. Barre Hiiraale oo ku aadan cidda maamuleysa Gobolada Jubooyinka.

Jen. Morgan, ayaa duulaamo dhowr ah ku qaaday gobolada Jubooyinka si uu u qabsado gaar ahaan Magaalada Kismaayo, Isagoo markaasi taageero dhinac walba ah ka helayey Taliskii Xabashida ee uu hormuudka u ahaa Malaz Zanawi. Waxa ayna duulaamadaasi dhamaantood ku soo dhamaadeen guuldaro iyo fashil ka dib markii ay ciiddu ka hiilisay Jen. Morgan iyo xulafadiisa, inkastoo ay saad iyo saanadba ka fiicnaayeen kooxda Barre Hiiraale. Ma is weydiin karta sababta looga adkaaday Jeneraalka iyo Xulafadiisa ?

Waa aan Nayroobi ku sugnaa 2006, ayaa waxa aan wareystay rag ka qeyb galay mid ka mid dagaaladaasi, Waxa aana weydiiyey raggaasi sababta mar walba looga adkaanayey. Waxa ayna si gooni gooni ah iigu sheegeen jawaab isku mid ah, taas oo ahayd “Adeer ciiddaa nala dagaalantay” Mar kale, waxa aan weydiiyey su’aal kale, taas oo ahayd side buu ahaa muraalkiina ? Mid ka mid ah, Waxa uu iigu jawaabay hadalkan “Nin ay Amxaaro kaalmeysneyso xagee muraal ka keenayaa”. Mar kale Barre Hiiraale, waxa uu dagaal kaga adkaaday kooxo ka kala socday SNF/SRRC, RRA iyo Kooxda Morgan. Dagaalkaasina, Waxa uu ka dhacay Magaalada Baardheere.

2- Maxkamadihii iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho: Dagaalkii dhexmaray Maxkamadihii islaamiga ahaa iyo Hogaamiye Kooxeedyadii, Waxa uu runtii ahaa tusaale kale oo cajiib ah, kaas oo banaanka u soo saaray in taageerada Shacabku tahay midda go’aamineysa natiijada loolanka. Waxa uu sidoo kale dagaalkaasi cadeeyey in taageerada Shisheeyaha aanu waxba qaadi Karin marka uu Shacabku istaago.

Maxkamadaha Islaamiga, ayaa muddo gaaban gudahood kaga adkaaday Hogaamiye Kooxeedyadii xoogga badnaa sida Muuse Suudi,Qanyare,Cabdi qaybdiid,Maxamed Dheere iyo waliba Bashiir Raage, Kuwaas oo taageero dhinacyo badan ah ka helayey dowlado ay Itoobiya ka mid ahayd. Guushii ay gaareen Maxkamadaha ayaa loo aaneeyaa taageeradii ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aad mooddo in ay oraneysay Shisheeye iyo Shaatigiisuba Shantaan kaga shaqeyneynaa.

3- Dowladdii C/laahi Yuusuf iyo Muqaawamadii: Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Eebe ha u naxariistee, Ayaa Magaalada Muqdisho la keenay dhamaadkii 2007, Iyadoo lagu wado Uuraalo Itoobiyaan ah ka dib markii ay in mudda ah ku go’doonsaneyd Magaalada Baydhabo. Waxaana dheelmintaasi qar iska tuurka ka qeybqaatay Kumaanan Kun oo Itoobiyaan, Kuwaas oo dagaalkooda ka soo bilaabay Gobolada Dhexe (Bandiirley) ilaa ay ka soo gaareen Xaduud beeneedka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya sida Raaskaanbooni oo kale.

Sanad ka dib, Dowladdii C/laahi Yuusuf ee lagu galbiyey 50.000-ka Kun ee askari, Waxa ay dib ugu uruurtay Villa Soomaaliya, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee keenay Magaalada Muqdishana ay dalka isaga carareen, Iyagoo waliba lugaynayo. Hadaba waxaa maxay sababta keentay in ay Dowladdaasi ku uruurto Xeyndaabka Villa Soomaaliya ? Adiga is weydii.
Tusaalayaashaasi aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay noo cadeynayaan in ay guuli ka fog tahay qof kasta oo Soomaali ah magac kastaaba ha watee sida dowlad, urur iyo xisbi, Kaas oo miciinbida Amxaaro iyo taageeradeeda in wixiisu ku soo dhamaanayaan guuldaro iyo fashil. Hadaba aan is weydiine xagguu ka imaanayaa fashilka ? Su’aashani, Waxa ay leedahay labo Jawaabood oo kala duwan.

1- Fashilku, Waxa uu ka imaanayaa Shacabka Soomaalida oo iska bari yeelayo, islamarkaana iska diidayo cid walba oo kaalmeysata Xabasho magacay doonaanba ha wataanee. Taasna, Waxa ay ugu danbeyn keeneysaa in ay kooxdaasu dhaqaaqi weyso.
2- Xabashida oo ay caado u tahay in ay lugoyso, islamarkaana ay horumarka kala dagaalanto cid kasta oo ay ku shaqeysato. Tusaale ahaan, lama arag nin ay Amxaaro barbaarisay oo hadana guuleystay. Maxay ku sameysay C/laahi Yuusuf, Cumar Xaaji Masala,Maxamed Dheere,Maxamuud Sayid Aadan iyo kuwa kale oo badan. Aaway Raggii xilalka ka soo qabtay Soomaali Galbeed ? Dhamaantood waxa ay ku baxeen gacanteeda.

Labadan qodob, ee aan soo sheegnay marka ay isku raacaan qofka Soomaaliga ee jaalka la ah Xabashada, Waxa uu sugaba waa fashil iyo guuldaro aan dhamaad lahayn. Ninka inta Muqdisha ka orday ee Maqaley istaagay, Walibana gishtay Koofida injirta badan. Muxuu ka filayaa Shacabka Soomaaliyeed oo aan ahayn habaar iyo canaan ? Mase is weydiiyey dhibaatada ay arintaasi u keeni karto mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo waliba taageerayaashiisa.

Waxaa Isaga (Xasan Sheekh) ka daran Atoorayaasha Maamul Beeleedyada, Kuwaas oo kala garan la’ Federaalka ay ka tirsan yihiin ma kan Soomaaliya mise kan Itoobiya. Midda kale, haddii Itoobiya la tago ma in la dhaanteeyaa ? Waa maxay dhaantadan joogtada ah !
Anigu, runtii waxa aan ka mid ahaa dadka taageera Xasan Sheekh iyo Dowladdiisa laakiin marka aan arkay meesha loo socdo, Waxa aan go’aansaday inaan iska aamuso waayo aamuska ayaa ii wanaagsan. Tusaale ahaan, Sidee damiirkeyga uu u aqbali karaa in uu gacal iyo gaashaan ka dhigto ninkii Shalay burburiyey Qarankeygii maantana mar kale hortaagan ?
Gaba gabadii, Waxa aan leeyahay fashil iyo guuldaro waa u diyaar kooxda Tuunjo Amxaaro ee ay hormuudka u yihiin Atoorayaasha Maamul Beeleedyada iyo waliba Dowladdooda fadhiidka ah inta ay Gabre iyo wax la mid garabsanayaan.

Gunaanudkii, Waxa aan leeyahay Soomaali ha noolaato hana israacdo.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdul2006@hotmail.com

11036485_651340598303179_4279413817735034350_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Goormaan Amxaaro Walaalownay inteense ku Walaalownay ?

33441002

Waxaa waayadan soobaxay Siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo meel walba la taagan walaalaheena Itoobiya iyo erayo ka sii xun waxaasi. Siyaasiyiintan, ayaa badan kooda ah dad waaweyn oo si fiican ula socda taariikhda u dhaxeysa labada Umadood ama labada dal, Waxa ayna sheegaan in uu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyey labada dal. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye goormaan Amxaaro walaalownay inteense ku walaalownay ?

Waxa ay dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba og yihiin colaadda ka dhaxeeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ama haddan si kale u dhigo Umadda Soomaalida iyo Xabashida ku nool Geeska Afrika. Kuwaas oo ay Colaaddoodu soo bilaabatay Qarniyo ka hor ilaa maanta ay taaagan tahay. Bal inta aanan u gelin goorta la walaaloowbay iyo meesha lagu walaaloobay aan marka hore dulmaro taariikhda labada Umaddood.

Sida aanu og nahay Anaga iyo Amxaaro waxaa na dhextaalo colaad gaamurtay, taas oo salka ku hayso arimo badan oo ay ka mid yihiin isbalaarin iyo isa sheegasho ka imaaneysa dhanka Xabashida ilaa maantana socota, Waxa ayna isbalaarintaasi ugu danbeyntii keentay in labada Umadood ay isaga horyimaadaan dagaalo badan. kuwaas oo aan ka xusi karno dagaaladii dhexmaray Axmed Gurey iyo Xabashaddii waagiisii nooleyd. Waxaa sidoo kale ka mid ah dagaalada dhexmaray labada Umadood dagaalkii Barakaysnaa ee 77, Kaas oo ay hormuudka u ahayd Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barrre ee lagaga gol lahaa xureynta dhulka Soomaali Galbeed.

Dadaalo dheer ka dib oo ay Xabashidu ku dooneysay in ay ku qabsato dhulka Soomaalida ama ay ku dooneysay in ay ku badasho diintooda, Ugu danbeyn, waxaa u suurtagashay Xabashidu in ay hanato dhul Soomaaliyeed oo aad u ballaaran. Kaas oo uu ku wareejiyey Ingiriistii gumeysanayey Waqooyiga dalka. waana dhulka maanta loo yaqaano Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu xoogga ku haysato.

Ka dib markii ay Umadda Soomaalidu iska xureysay Gumeystihii qaashimka ahaa ee reer Yurub, Islamarkaana la dhisay Qaran Soomaaliyeed oo xooggan. Ayaa waxaa laga dalbaday Taliskii Xabashida ee waagaasi jiray sida kii Xayle Salaase iyo Mingiste in ay soo wareejiyaan dhulkii gardartada lagu siiyeyey balse nasiibdaro Amxaaro dheg jelaq umaysan siinin dalabkaasi, taasi oo markii danbe keentay in ay labada Umadood dagaalo isaga horyimaadaan sida dagaalkii 1977 oo kale. Dagaalkaasi oo runtii ahaa mid cadowga lagu xanuujiyey, islamarkaana loogu dhigay casharo aysan ilaawi doonin waligood.

Dagaalo ay dhiig badani ku daateen ka dib, Waxaa u suuragashay ciidamadii Soomaalida in ay qabasadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu xoogga ku haystay,taas oo tuntii ahayd guul taariikhi oo ay soo hoyeen Ciidamadii Soomaalida inkastoo markii danbe dib looga soo baxay dhulkaasi, ka dib markii ay dagaalka soo farageliyeen dowlado ay ka mid ahaayeen Ruush,Kuuba iyo kuwa kaleba.

Umadda Soomaalida, ayaa dagaalkaasi u gashay sidii ay u soo ceshan lahad dhulkii laga haystay ilaa maantana laga haysto. Waxaana dagaaladaasi ku shahiiday Kumanaan wiil oo Soomaaliyeed halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale. Dagaalkaasi ka dib, Waxa ay Xabashidu go’aansatay, Iyadoo kaashaneysa dalal ay jaal yihiin in la burburiyo dowladnimada Soomaalida, si aysan mar danbe u dhicin in uu duulaan danbe kaga yimaado dhanka Jamhuuriyadda Soomaalida.taas oo ay ugu danbeyntii ku guulaysatay ka dib markii ay isticmaashay Jabhado Soomaali ah, kuwaas oo jilbaha u dhigay Qarankii xoogga badnaa.

Intaasi kuma aysan ekaanin ee waxa ay marar badan gudaha u soo gashay dalka ilaa ay markii danbe soo gaartay Magaalada Muqdisho oo ahayd halkii laga soo abuubulay dagaalkii barakaysnaa ee 77. gaar ahaan, waxa ay ciidamooda saldhigyo ka dhigteen Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waliba Madaxtooyadii dalka, Iyagoo qoslayo inkastoo markii danbi ay carar wax ka dayeen ka dib markii ay cashar u dhigeen wiilal uu ilaahay barakeeyey.

Inkastoo ay waagaasi carartay, hadana waxa ay geeysatay dhibaato baaxad leh. tusaale ahaan, waxa ay Magaalada muqdisho ku dishay kumaan kun oo Soomaali ah, Iyadoona dhinaca kale burburisay hanti badan, taas oo ay ka marqaati kaceen Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ah. Marka la iskudaro dhibaatada ay Xabashidu ka geysatay dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Jamhuuriyada, waxaa la oran karaa waxaa dhacay xasuuq ba’an. tusaale ahaan, hal magaalo oo ku taallo gobolka Gedo, waxa ay ku dishay maalin qura 70 iyo dhowr qof, halka afartan kalena ku dishay banaanka Magaalada.

Laga bilaabo maalintii Xabasho dhulkaasi la siiyey ilaa maanta ma jirto meel ay Labada Umadood uga heshiiyeen sida laga yeelayo dulka iyo dadka maqan, haddii Iyada la siinayo iyo haddii ay soo celineyso intuba. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye kuwan ku hayo walaalaheena Itoobiya xagey warkaan ka keeneen, xageese lagu walaalowbay ? Mase noo sheegi karaa isbadalka dhacay ee keenay in la walaaloobo ?

Dadka Soomaaliyeed, ilaa maanta ma oga meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo waliba meel lagula heshiiyey intuba. Bal waxa ayna og yihiin oo kaliya in ay Xabashi wali haysato dhulkoodii (S/Galbeed), islamarkaana ay Iyadu si dadban u maamusho qeybo badan oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda haday ahaan lahayd kuwan isku sheega Maamul Gobleedyada sida Soomaaliland,Puntland,Koofor Galbeed,Jubooyinka iyo waliba kooxda Suufiyadda oo ah runtii gacan ka mid ah gacmaha ay Itoobiya ku fowdeyso dalka. Allow ha igu darin adigaa raxmaane kuwa darka Nabiga (SCW) laga celin doono.

Sow ma’ahan marka hore inta aan la walaaloobin in laga heshiiyo wixii dhacay, lana isu celiyo wixii la kala haystay ? Jawaabtu waa haa haddii kale ma jireyso wax walaaltimimo dhab ah. calaakilixaal, waxaan ka rabtaa kuwan iimaan laawayaasha ah ee ku waashay walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baan fureynaa in ay noo keenaan wixii isbadalay goorta ay isbadleen iyo meesha ay iskubadleen, haddii kale waxaan leenahay iska aamusa aamuska ayaa idiin wanaagsane.

Soomaali dhibaatada maanta haysta inteeda badan waxa ay uga imaaneysaa waa faragelinta Xabashida. Tusaale ahaan, Al-shabab ma jirin ka hor duulaankii ay Xabashidu ku soo qaaday dalka 2007. Tusaale kale, kuwa maanta hortaagan Dowladdan Federaalka ee ay ka shaqeyn la’dahay waa taageerayaasha Xabashida haday ahaan lahaayeen Maamul Goboleedyada iyo haday ahaan lahaayeen kuwan Suufiyada ahba.

Waa wax laga xumaado runtii in qof Soomaali ah oo og dhibaatada ay Amxaaro u geysatay Umadda Soomaaliyeed, in uu Umadda la soo hor istaago maalin kasta walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baa noo furmay, Iyadoo ay dalka ka socdaan dhibaatooyinka ay Xabashidu masuulka ka tahay. Wali ma arag kuwan ka hor nin cadowgiisa ku tilmaamayo walaal.

Midda kale, yaa wali arkay siyaasiyiinta Xabashida oo ku hadaaqayo walaalaheena Soomaaliyeed iyo waan ka heshiinay wixii dhacay ? Kolay Anigu ma arag mana maqal, Waxaanse hubaa in ay Xabashi ku howlan tahay burburinta waxa haray ka dibna ay si toos ah u shaacin doonto damaceeda ku aadan dhulkan. Yaa dabada ka riixayo nidaamkan federaalka ah ? yaase hurinayo colaadan ka aloosan gobolada qaar ? Yaad u malayneysaan in uu u been sheegayo Soomaaliland ? Yaa mar walba Adis Ababa uga yeero atoorayaasha Maamul Goboleedyada ? dhamaan Jawaabaha su’aalahani waxaa soo wada waqtiga ee yaan la dhararin.

Anigu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Waxa aan waday xog uruurin ku aadan dareen dadka iyo sida ay u arkaan qatarta ka soo socota joogista ay ciidamada Xabashidu joogaan gudaha dalka iyo saameynta ay arintaasi ku leedahay mustaqbalka. Waxaana runtii ii soo baxay in ay dadku muujinayaan walaac badan oo ku aadan mustaqbalka, gaar ahaan khilaafaadkan joogtada iyo fargelinta ka imaaneysa Xabashida. Tusaale ahaan, Waxa ay dadku ka walaacsan yihiin sida ay Xabashidu gacanta ugu dhigayso dhamaan shaqsiyaadka horbooda Maamulada ka jira dalka min heer Dowlad Dhexe ilaa heer degmo.

Gaba gabadii, Waxaan leeyahay Anagu ma ogin hadaanahay Shacabka Soomaaliyeed meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo goor lala walaaloobay intuba, ee haddii ay jiraan rag og haday rabaan ha noqdaana Islaaxii wadaadnimada sheegan jiray ee ha noo keenaan cadeyn muujineysa meeshii lagu heshiiyey ee lagu walaaloobay haddii kale Umadda ha laga daayo jahawariirinta iyo u garba duubka cadowga.

Ugu daneyn, Waxaan ugu bishaareynayaa Umadda Soomaaliyeed meel kastaaba ha joogtee in ay soo socoto Shabakada Wadani ah oo u istaagi doonto haddii uu Rabbi idmo danaha Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka qeyb qaadan doonto joojinta dhiiggan daadanayo iyo raadinta hanaan dib-uheshiisin oo miradhala. Fadlan igala qeybqaado joojinta dhiiggaan daadanayo iyo raadinta xal waara.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

 

XASUUQA SHACABKEENA XORNIMAA KA DAMBAYSA

33396178

Waxaan maalmahan si wanaagsan ula socday baroordiiqda ka socota daafaha dunida oo ay dhigayaan Jaaliyadaha Ogaadenya iyagoo qabanaya kulamo waa wayn oo loogu ducaynayo dadkii uu cadowgu gumaaday isagoon u kala aaba yeelin Saqiir iyo Kabiir toona. Kulamada waxaa lagu daawanayay filimo halis ah oo ka awood badan damiirka qofka bani,aadamka ah waxaase guul ahaa dadka oo wacad kumarayay inayna xaqooda baadi goobkiisa dib uga labanaynin taasoo guumaystaha ku abuuri doonta inuu dib uliqo Candhuuftiisa.

Sideedaba waan inaan Sunnada rabaaniga ah dib u milcsano, mar hadii wax badan Eebe inooga warramay guud ahaamba xasuuqyadii dunida soo maray oo uu ka mid ahaa kii loo gaystay reer Bani’Isra’iil, kadibna markay ilaahay talo saarteen ee ay isku tashadeen ay kabaxeen guumaysigii. Ruuxii awooda ha akhriyo markuu Rabi tilmaamayo guumaysiga iyo Cadaabkii lala beegsaday qoladaas aan kor kusoo xusay – Suuratu Dukhaan Aayadaha 30-31. Hadaba inuu guumaysi jiro, iska caabina jirto, Gargaarka Eebana jiro waa Dariiq furan oon marna labadali doonin. Umadeena karaamada badan waxaa kaliya oo la gudboon inay ku taagnaadaan Tubta iyo hayaanka loogu jiro Xorriyadda, Xasuuqa shacabkeenana Xorimo deg degaa kadambaysa Insha Allaah.

Waxaann tacsi Tiiraanyo leh hawada u marinayaa shacab,waynaha geesiga ee u adkaystay inay dulmiga ka dhiidhiyaan xaqoodana soo dhacsadaan gumaadka baahsan ee lagula kacay Dumarkoodii, Caruurtoodii, Duqaydoodii iyo Bar iyo Beer waxay lahaayeen, anigoo leh ilaahay ha aqbalo shahaadadooda intii dhimatay, inta dhaawaca ahna Alle haboogo dhayo, inta Xabsiyadda ku jirtana ha kasoo daayo. Aamiin!

Gabagabadii waxaan ku soo khatimi lahaa qormadan hadalka mar walba laga rabo umada Muslimka ah ee ay masiibadu ku habsatay oo ah- INNA LILLAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN!

Qoraa madax banaan
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
samatobaxe2014@hotmail.com

DHAGEYSO:-Maxay Itoobiya naga rabtaa?

33364697

Aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo ka mid ah Soomaalida qurbaha ku nool ayaa tilaamay in Itoobiya cadaw ku tahay umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah loona baahan yahay in la iska celiyo.

Wuxuu sheegay in ay doonayso marka la gaaro 2016 in ay tiraahdo Soomaaliya waa qaran fashilmay ee anig aiyo kenya ha naloo qeybiyo arinkaasna aanuu Soomaalida u cuntami karin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnyahay in la abaabulo kacdoon cusub oo cadawga ka dhan ah gaar ahaanna Itoobiya.

Cabdulqaadir wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay umadda Soomaaliyeed in la mideeyo laguna xukumo shareecada Islaamka.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

Maalinta Xasuuqa Ogadenia (Ogaden Massacre Day)

33331721

Waa Maalin kuweeyn Umada Somalida Ogadenia Bishan Febaraayo oo ah Bil kulmisay wax yaba badan haba ugu badnadeen Xasuuqa Shacabka Somalida Ogadenia ay u gaysteen una Gaysanayaan Ciidamada Gumaysiga Ethiopia dadka Shacabka ee somalida Ogadenia lagu gumaadayo Dhulkoodii hooyo. Hadaba Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadenia (OYSU) oo ah Urur u tagaan Gudbinta Xaquuda Shacabka Somalida Ogadenia laga galo Ayaa waxay soo diyaariyeen Qoraalkan, Qoraalkan ayaa wuxuu yahay Qoraal ku xusan dadkii Lagu xasuuqay bishan Febaraayo Gudaha Ogadenia iyo Tacadiyadii loo gaystay dadka Birimagaydada ah,Hadaba ma wada hali karno dhamaan dadka bishan gudaha Ogadenia loogu xasuuqay iyo tacadiyadaha kala gadisan ee bishan ka dhacay Gudaha Ogadenia haba ugu danbeeyaan kuwii ka dhacay isla bishan Febaraayo 8 – 02 – 2015 Gobalka Shabeele, Magaalooyinka kala ah,Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawe iyo Dagmada Dhanaan. Qoraal Laguma Soo koobi karo Laakiinse inta Alla naga Garansiiyay Taariikhduna Qortay ayaa waxaan jacelnahay in aan la wadaagno dhamaan Umada Muslimiinta ah Gaar ahaan Umada Somaliyeed 20 kii sane ee ugu danbaysay Xasuuqa ay ugaysatay Ethiopia dadka Shacabka ah ee ku nool Gudaha Ogadenia, Hadaba Qoraalkii oo kooban waa sidan -:

06 Febraayo 1994 Waa Maalintii  ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya bilaabeen Xasuuqa iyo Isir goynta shacabka Somalida Ogaden waana maalintii magaalada Wardheer ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho Odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda oo ahaa in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.

10 Febraayo 1994 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen Magaalada Qalaafe Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa Gudoomiyihii Dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan, arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.

Sidoo kale waxaa dad lagu xasuuqay magaalooyinka kala ah Qabridahare,  Qoriile, iyo Gunagado. Iyadoo Qabridahare lagu xasuuqay30 dhalinyaro ah  2005 kii, Qoriile lagu xasuuqay 20 rayid ah 2008, Gunagado lagu xasuuqay 30 shacab ah 2010.  Dhamaan dadkaasi shacab ayay ahaayeen.

15 Febraayo 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadeenya, Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin.

17 Febraayo 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.

Go’aanka Baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doortaan kalsoonina ka haystay dadwaynaha, sidoo kale go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadeenya.

17 Febraayo 1994 Waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go’aankii Barlamanbka isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar, isla Badhtamihii Febraayo 1994 Ururkii ONLF Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Itoobiya

22 Febraayo 1994 Waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo sidoo kale waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Allah ha u naxariistee Marxuum SheikhIbraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

23 February Waxay ciidamada Itoobiya gurigiisa kala bexeen magaalada Dhagaxbuur Mukhtaar Gadhweyne isaga oo ay ku hortogteen xaaskiisa Xaliimo Haybe Mohamuud, isla habeenkaas waxay dileen Dhuux Siyaad, Sidoo kale waxay isla xiligaas dileen nin magiciisa naloogu sheegay Taagwaa, waxay sidoo kale si waxash nimo ah ugu dileen isla magaalada Dhagaxbuur Ina Ahmed Nuur oo ahaa Macalin bare Dugsiga Hoose Dhagaxbuur. Sidoo kale Gudoomiyhii gobalka Dhagaxbuur Bulbul oo ilaa hadda aan lahaynin geeri & nolo.

24 February: Xasuuqii Magalada Wardheer Lagu Xasuuqay Dad kor u dhafayo 85 Ruux kuwaas oo dhamaantoodba ahaa Shacab Birimagayda ah. Xasuuqan ayaa wuxuu  dhacay kadib markii Ciidamada Ethiopia Amar lagu siiyay inay Joojiyaan Banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah.

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba, Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus ayaa waxay  xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada Wardheer waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo labadaba waxay huwan yihiin murugo marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo waliba burburkii dhismayaashii Magaaladda iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre, Qalaafe iyo Dhagaxbuur iyo Dhamaan Gudaha Ogadenia, dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda una qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya iyagoo difaacay madaxdii iyo magacii umadda.

Waxayna noqotay arrin lagu faani karo taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kii ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo sida ay u difaaceen Magaaladda iyo madaxdii shacbiga, inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen, waxay mudan tahay maalintaasi xusuus gaara.

8-9 February 2015: Gobalka Shabeele Gaar ahaan Magaalooyinka kala ah- Beercaano,Ceelweyne,Hadhaawaxaa lagu Xasuuqay dad shacab ah oo aan wax galabsan,Dhamaan dadka Magaalooyin kaas lagu xasuuqay ayaa Maydkooda waxaa la isugu Keenay Garoonka Magalada Godey, iyadoo dadkii magaalada Murugo iyo ciil ay ku reebtay arinkaasi.

Xasuuqa caynkan oo kale ah ayaa dhaqan u ah Gumaysiga Itoobiya waana caadadooda inay intay dad shacab ah oon waxba galabsan laayaan kadibna in la Aaso u diidaan.

Isku soo wada duuboo Bishan February Taariikhadaas ayeey kulmisay Waxayna Shacabka Somalida Ogadenia xusaan Bishan iyadoo ah bil Murugo Waxayna utagantahay Xadgudub iyo Xasuuq loo gaystay dhamaan Bulshada noocayadeeda kala duwaan haba ugu badnaadaan Dadka Birimagaydada ah.

Dhinaca kalana waxay u tahay Halgan xaq udirir ah Maadama dadweynaha Somalida Ogadenia utagan yihiin in ay Gumaysiga madow iska qadaan dhib walbana u adkaystaan.

OYSU World Wide.

33331729Voice Of Somalia-Somali Leaks.

VIDEO:ETHIOPIA A FAILED STATE!-Maraykanka oo Itoobiya Ku Tilmaamay inay tahay Dawlad Fashilantay.

33242382

Warbixin dheer ayay dawlada maraykanka kadiyaarisay Dawlada gumaysiga Ethiopia, warbixintan ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay tahay dawlad fashilantay, waxay soo qaateen taariikh dheer oo kusaabsan xiligii ay qabiilka tirada yari ee Tigreegu qabsadeen wadanka Ethiopia iyo Ogaden, warbixinta ayaa lagu sheegay in qabiilkan uu galay danbiyo kabaxsan bini’aadam nimada, waxaa lagu sheegay gobolada ay xasuuqa kagaysteen kooxda TPLF gaar ahaan wadanka Ogaden Ganbeela iyo Xabashida,

 

Warbixintan ayaa lagu sheegay in ay Ethiopia udhamaatay maadama ay kamid noqotay dawladaha fashilmay dawlad nimadoodii, arintan ay soo saartay dawlada Maraykanka ayaa dhaka faar waxay kunoqotay kooxda TPLF, oo iyadu layaaban warbixintan maqalka iyo muuqaalka ah ee ay soo diyaariyeen maraykanku,

 

Waxaa kaloo kooxdan laga dhawrayaa in ay kajawaabaan sida lagu yaqaanay oo ay indhaha iska cameeyaan, warbixinta Maraykanka ayaa kusoo aadaysa xili dawlada Ethiopia laga dayrinayo doorasha kusheegta lafilayo in ay dhawaan kaqabsoonto dalka Ethiopia, hadaba yaanan hadal kugu daalin ee indhahaaga ku arag waxa laga soo saaray.

Voice Of Somalia- Somali Leaks

Intuu Aabahay Dilay Ayuu Doonayaa Inuu Hooyadey Dumaalo!!

33161164

Marka qof walba uu aqriyo cinwaanka maqaalkan waxaa durbadiiba maskaxdiisa kusoo dhacaya qof dhib weyn loo geystay oo aan waxba loo reeban islamarkaana aamusi kari waayay.

Ujeedada qormadan waxay iga tahay qeyllo dhaan kadib markii aan arkay gumeysi aad u daran oo doonaya inuu hantiyo gabi ahaanba dalkeena Soomaaliya.

Inkastoo dadka Soomaaliyeed wada garwaaqsan yihiin in Itoobiya tahay cadawgeena kowaad, ayaa haddana waxaa laga yaabaa in dadka qaar aaney la socon dhibaatada ay maanta inagu hayso.

Arrinta aan ka hadlayo ma ahan ciidamada faraha badan ee ay dalka soo galisay, taas waad ka wada warqabtaan laakin waxaan arkaa labo qodob oo halistooda leh una baahan in laga wada hor tago.

 Midda kowaad waxay tahay In Itoobiya gacanta ku dhigtay mid kamid ah hey’adaha ugu muhiimsan dowladda Federalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Sidoo kalana xarunta Madaxtooyada ka dhex sameysatay xafiis jaan gooya siyaasadda DF-ka.

Itoobiya waxay gacanta ku heysaa Xeer ilaalinta guud ee dowladda iyadoo xafiiskaasi u dhiibatay Axmad Cali Daahir oo ah nin xilal kasoo qabtay dowladooda siiba dhulka ay gumeysato ee Soomaali galbeed.

Ninkan ayaa waxa uu Muqdisho iyo gobolada ay shisheeyaha joogaan ku dhex leeyahay awood ka badan tan Xassan Sheekh, waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa mas’uuliyiin heer wasaaradeed ah oo uu xabsiga u dhaadhiciyay.

Qof ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo aanan idan uga heysan inaan magaciisa xigto ayaa ii sheegay in ujeedada ay Itoobiya ula wareegtay xeer ilaalinta ay tahay sidii ay u maamuli lahayd laamaha dowladda oo dhan, weyna ku guuleysatay.

Intaa waxaa dheer oo tan ka halis badan In dowladda Ioobiya ay madaxtooyada ku dhax leedahay xafiis wata magac safaaradeed oo laga hago madaxda dowladda, kaas oo uu hogaamiye ka yahay ninka lagu magacaabo Gabre oo kamid ah saraakiisha loo soo tababaray qabashada Soomaaliya.

Xafiiskan ayaa mararka qaar ka mashquul badan madaxd dowladda, waxaana lagu arkaa wasiirro, xildhibaano, odayaal iyo wadaad xumayaal sandareero iyo mansab ka doonaya amxaarada.

Xaruntan ay Itoobiya ku dhex leedahay madaxtooyada ayaa waxay maamulka Addis-ababa ka gacan siisay sameynta maamul goboleedyo hor leh oo iyada ka amar qaata sida:- kan Kismaayo iyo Baydhabo iyadoo si lamid ah laga hagayo midka hadda la doonayo in laga dhiso gobolada dhexe.

Arrimahan waxay imanayaa xilli Muqdisho iyo gobolada dalka ay dhooban yihiin hooyooyin dhibanayaal ah iyo kumanaan caruur ah oo ay agoonteeyeen ciidankii Xabashida ee sannadkii 2007-dii caasimadda qabsaday. Waxaa wali sii muuqda dhiigga dadkii ay gumaadday iyo raadadka daarihii iyo masaajidii ay burburisay.

Markaan arkay waaqican aan maanta ku nool nahay, waxaan soo xusuustay hadal taariikhi ah oo uu Sh/Maxamad Rishaad Allaah u naxariistee uu ka jeediyay shir looga hadlayay duullaankii Xabashida ee gobolka Gedo 1996-dii.

Sheekha ayaa sheegay in Itoobiya degtay istaraatiijiyad ah in Soomaaliya loo qeybiyo qabaa’illo iyo gobol gobol kadibna la wada hoos geeyo Itoobiya.

Haddaba marka la fiiriyo halista aanu ku jirno ayaa waxaa lagu macneyn karaa nin aabahaa dilay oo doonaya inuu hooyadaa dumaalo. Marka diin ahaan la eegana waa arrin aan bannaaneyn in dad Muslimiin ah u hogtaan gumeysigooda.

Ugu dambeyntii waxaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed dal iyo dibadba ugu baaqayaa in ay garawsadaan meesha maanta xaal marayo, ayna garab istaagaan dhallinyarada xaq u dirirka ah ee har iyo habeen hor taagan gumeysiga. Maanta waxaa qormeysa taariikh ee qof walboow ama qabiil walbow ka fakar halka aad ku qormi doonto berri iyo maalinta aakhiro.

W/Q Saxafiga Jaamac Dhoorre.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

SAWIRO+WARBIXINO:-Ururka Ictisaam oo Taageeray Duullaanka Itoobiya Ee Soomaaliya,Kulan Shaqooyin Lagu Kala Qeybsaday oo Villa Somalia Ka Dhacay.

33161016

Ururka Al Ictisaam oo ay ku mideysanyihiin inta badan wadaada Xumaasha Soomaaliyeed ayaa iclaamiyay in uu taageersanyahay duullaanka ciidanka shisheeye ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaasha Al Ictisaam ayaa geed fadhi u noqday agaasinka duullaanada ka dhanka ah wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyagoona sharciyad siiyay maamullada gumeystuhu ku adeegto.

Haddii Kaalinta Wadaada Al Ictisaam ay ahaan jirtay dacaayadeynta Jihaadka Soomaaliya iyo mujaahidiinta Jidka Alle ku dagaalamaysa maanta marxaladdaasi way ka gudbeen waxayna bilaabeen in galaangal toos ah ku yeeshaan duullaanka saliibiga ah ee dalka Soomaaliya lagusoo qaaday.

Fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee loogu tashanayo shacabka Soomaaliyeed waxaa dhax taagan wadaad kamid ah wadaada xumayaasha “Ictisaam” isku magacaabay iyagoo fataawaad la doolareeyay soo saaraya.

Kulamo Muqdisho iyo Garoowe Ka Dhacay.

Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake R/wasaaraha DF-ka ayaa magaalada muqdisho kulan kula qaatay saraakiil Ictisaam katirsan oo uu kamid yahay Sheekh Bashiir Axmed Salaad hoggaamiyaha kooxda wuxuuna kulanku ahaa mid arrimo badan looga hadlay.

Ilo xog ogaal ah oo ay SomaliMeMo ka heshay dhanka xafiiska R/wasaaraha ayaa sheegaya in labada dhinac isla garteen xoojinta dagaalka lagula jiro islaamiyiinta Soomaaliya ka halgamaya.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa Ictisaam u balanqaaday in xilal wanaagsan lagasiin doono xukuumadda islamarkaana ay muhiimad gaar ahn siinayso Wadaada xumayaasha.

Ina Cabdi Rashiid oo hadlayay ayaa yiri “Kooxda Al-shabaab waa koox baadi ah, kamana turjumayaan u jeedooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka. Xukuumadda aan soo dhisi doono waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siin doonto culimada si loo cirib tiro fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool, laf-dhabarna u ah horumarka dalka, waxaana kaalin mug leh laga siin doonaa talada dalka iyo go’aamada la gaarayo”.

Bashiir Axmed Salaad ayaa isagoo wajigiisa farxad laga dareemayay Cumar Cabdi Rashiid u sheegay in dhankooda ay bixinayaan taageero walba oo lagula dagaalamayo xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay u yaqaanaan “Khawaarij,Ghulaad,Argagaxiso”.

Kulanka Xafiiska Cumar Cabdi Rashiid ka dhacay oo wajiyo kala duwan oo culimaa’usuuga kamid ah kasoo muuqdeen ayaa gaba gabadii wuxuu isku bedelay sedax geesood,laba kamid ah hoggaamiyaasha Ictisaam iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa ku kali noqday waxaana la xaqiijiyay in dukumiintiyo lagu kala saxiixday.

Hoggaanka Ictisaam ayaa DF-ka u xaqiijiyay in fakar ahaan ay taageersanyihiin guluf dagaaleedka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin iyo shacabka ay maamulaan ayna u arkaan dagaal xaq ah!!.

“Dagaalka ka dhanka ah kooxahan baadiyaysann melleteri oo kali ah laguma najaxin karo waa in dhanka Fikirka la xoojiyaa” sidaasi waxaa yiri Bashiir Salaad oo Al Jazeera lahadlay.

Ictisaam ayaa N.Kay iyo Cumar Cabdi Rashiid u gudbiyay talooyin dhowr ah oo dhammaantood ku saabsan qaabka loo wiiqi karo mujaahidiinta Soomaaliya.

Kulan kale oo Garowe ka dhacay:Xubno katirsan Ictisaam ayaa booqday qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garowe waxaana kulankaasi ku wehliyay sarkaal katirsan maamulka Puntland.

Xubnaha Ictisaam ayaa qunsulka Itoobiya ugudbiyay dalab ay ku sheegeen “ogolaashiyaha dacwa faafin gudaha dhulka soomaalida Itoobiya gumeysato ah”,isla kulanka Garoowe ayay Ictisaamku u sheegeen Itoobiyaanka in ay taageersanyihiin maamulka Puntland ayna la shaqeynayaan maamulka Cabdi ileey ee dhulka Somaligalbeed kajira.

Shaqoon ay kala qeybsadeen Ictisaam iyo Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa sheegaya in Kooxda Ictisaam iyo DF-ka ay kala qeybsadeen shaqooyin ka dhan ah jihaadka soomaaliya dhammaantoodna lagusii dheeraynayo cimriga gumeystaha dalka soomaaliya kusoo duulay.

Shaqooyinka Ictisaam loo xil saaray waxaa kamid ah xiriirinta maamullada Axmed madoobe,Puntland iyo DF-ka waxaana lafilayaa in dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ay galaangal siyaasadeed ku yeeshaan.

in waxbarashada Soomaaliya lagala dagaalamo jihaad iyo wax iska caabinta sharciga ah dhalinyaradana loo diyaariyo hanqal taagga siyaasadda ku dhisan dabadhilifnimada.

Kooxdan ayaa saraakiil laga siiyay sirdoonka DF-ka iyo howlwadeenno ka shaqeyn doono wasaarado dhowr ah oo dowladda Federaalka katirsan halka Ictisaamka Puntland ay wasiirro ku leeyihiin maamulka Cabdi Wali Gaas.

Dalka soomaaliya ayaa maraya marxalad xasaasi ah ciidan ku dhaw 100-kun oo Askar Itoobiyaan ah ayaa qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ku xad-gudbayaan sharafka hablaha muslimaadka ah,hantidii shacabka soomaaliyeed ayuu gumeystuhu qaadanayaa.

Baybalka baadilka ah ayay calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta ah ku faafinayaan gobollada dalka qofkii isku daya in uu ka hortagana Ictisaam ayaa ku tiimbaraynaya “Khawaarid,Argagaxiso” iyo erayo kale oo kasii liita.

Mar sidaan oo kale dadkii waxgaradka iyo culimada loo nisbeynayay ay safka gumeystaha kusii qulqulayeen ayuu gumeysi siid soomaaliyeed ku duceystay “Alloow lakala miiranye Mililik hana raacsiin”.

Mar walba oo xogaha xaqiiqda ah ay warbaahinta islaamiga ah ka qorto Ictisaam ayay ictisaam ku hadaaqaan “SomaliMeMo sida Yahuudda ay u dhaqantaa,Culimada ayay gaalaysiiyeen IW”.
https://i2.wp.com/wata.cc/up/2014/12/images/w-696878ca38.jpg
https://i1.wp.com/wata.cc/up/2014/12/images/w-d3738f107c.jpg
https://i2.wp.com/wata.cc/up/2014/12/images/w-6083ca8ab4.jpg
https://i1.wp.com/wata.cc/up/2014/12/images/w-88e760a497.jpg
Bashiir Salaad iyo Nuur Baaruud oo ka qeyb gelaya shir loogu magac daray la dagaalanka Argagaxisada oo Muqdisho ka dhacay.

33161094

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Soomaalidu maxay ugu xilatay Itobiya?

33130473

Run ahaantii ma’ihi qoraa, murti iyo halabuura uma dhalanin, balse waxaan qabaa waxa igu kalifay in aan ka qoro qoraalkan.

Su’aashani waa mid xanbaarsan murti balaadhan, balse dadku ay ku kala gadisnaan karaab ,jawaabaheeda,aan dib u fiirino taariikhda soojireenka ah iyo xaqiiqda dhabta ah.

Waxaan qoraalkan kaga hadli doonaa 6 qaybood oo itoobiya aan mid naba looguxilan Karin, Waxayna Kalayihiin Lixda Qodab Sidatan.

1:Diinta

2:Dhaqanka

3:Dhaqaalaha iyo Technologyada.

4:Dhulka.

5:Maamulkaiyocadaalada.

6.Dabar goynta,burburinta iyo boobka dhulka iyo dadka soomaaliyeed.

Qodobka 1aad Diinta.

Markaaan kahadlayno diinta itoobiya waxaa kunool 73 qowmiyadood oo mid walba kuhadasho luuqad ugaarah, aaminsan diino kala gadisan, hadaad akhrido tastuurka Itoobiya waxuu qeexayaa in diinta kaliya ee muqadaska ah ee shucuubta itoobiya in ay tahay mida orthodocska, islamarkaana waxaa lagu qeexay calanka itoobiya oobarta jaalaha ah, waxay utaagantahay diinta ,marka diintee weeye?calaamada jaalaha ah ee kutaala calanka itoobiya,Jawaab: waxay u taagantahay diinta ortodocska.

markii loo qalayo xoolaha nool ciidanka itoobiya waxaa lagu qalaa itoobiya ha israacdo taas waxay kuucadaynaysaa in wax diin ah oolagu qalay neef kaasi uu san jirin sababtoo ah Laguma xusin magaca ilaahay waana shay xaaraan ah in lacunaa.

markii la barbardhigo diinta dad ka soomaali du aamin san yihiin waadiinta Islaamka 100%. diinta islaamku waa mid waadix ah oo uu ku cad yahay talaabo walba oo laqaadayo, laqaaday ama laqaadidoono iyo dhaqanka suuban ee ibniaadamnimo.

waxa kunool itoobiya dad islaam ah balse laga soobilaabo xiligii Iimam Axmed Ibrahim (Axmed Guray) intii kadanbaysay waa dad ay haysato dawlad gaala ah oogumaysata.

Waxaa kamid qowmiyadahan islaamka ka ah: Somali, Oromo, Canfar, Harariyiinta, Binishangulka, Qaar kamida guraagada iyo qaar kale.

Marka mala odhankaraas oomalidu waxay ugu xilatay itoobiya waa diin, maya marka haday jawaabtu tahay maya maxaa ku kalifay madaxda soomaaliyeed in ay itoobiya u aadaan sidii xajka, ama mid kasta oo xil loo dhiibo uu ugu dabadha qaa itoobiya, maxaa kalifay in wadaniyadii, islaanimadii iyo soomalinimoda laga raaco itoobiya, waxaan cusbayn oo jirtay in laga soo bilaabo 1995 ilaahada , maamulada soomaaliyeed,ayu adeegaan itoobiya iyaga oo, dad soomaaliyeed oo walaaladooda ah, oo kasoo cararay cadawga madow dib gacanta cadawga u galinayay.

Waxaa jirtay odhaah soomaaliyeed loogu jawaabay mid kamid ahaa, u adeega yaasha itoobiya oo lagu yidhi( isku dar labada dhanba oo imisaa soomaali laga dilay).

Waxaa kale oo Iyana aan cusbayn in nabad galiyadii lagu waayay walaal tinimo, ee ay ku baa ba’een da’yar farabadan oo soomaaliyeed manta cabsida Gabre kukeeno, ma is waydiisay maxay tahay, rabitaanka dhabta ah ee itoobiya, ee ku aadan dhulka soomaaliyeed?, ma akhriday, 2007 waraaq da uu madax waynihii hore ee itoobiya Mengistu xayle Mariam usoo diray Melese Zenawi, kadib markii ciidamada itoobiya aysoo galeen soomaliya, Mengistu waxuu qoray waraaq bogaadin ah, isaga oo sheegay in uu M.Zenawi dhamaystiray riyadii uu aamin Sanaa mudo badan, taas oo ahayd ( ciidamada itoobiya oo ka talinaya xamar dakadeeda).

Kadib markuu Zenawi helay waraaqdan waxuu ku dhawaaqay in uu cafiyay Mengistu oo isagu ka cararay wadanka markii laga qabsaday 1991 kunanool koonfurta Africa.

Lasoco qaybta Danbe ee qoraal kan iyo dhaqanka.

Mahadsanidiin.

Abshir mohamed

Minneapolis,USA

Taariikdu Waa Cibaaro.Wax ka Ogow Kibirkii Boqor Xayle Salaase iyo Duligii uu ku Dambeeyey

33011259

Taariikhda aadmigu soo maray tan iyo intii uu Ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa cibaaro miiran oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato.Marka uu Ilaahay(SW) uu innooga warramayo raggii qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga bayrno waddadii ay qaadeen Fircoon iyo raggii la midka ahaa, isla markaana aynnu u marno dariiqa toosan ee ay ambiyadii innoo jeexeen. Qarni kasta waxa dunida soo mara rag tacaddiyo geysta oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay amma u jabay.
Waxaan qoraalkan kooban doonayaa inaan kaga hadlo qayb yar oo ah sooyaalka mid ka mida boqorradii daallimiinta ahaa ee soo maray gobolkan bariga Afrika. Boqorkaas baan sidii uu u dhaqmayey, isla weynidiisii iyo halkii uu ku dambeeyey soo qaadanaynaa. Boqorkaan ka warramayo waa Hayle Silaasihii mar ka talin jiray dalka Itoobiya oo 45 sannadood boqor ahaa.

Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadii Xabashida sannadkii 1928kii.(Dhaxalka meella kamuu soo galayn). Intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah waxa la oran jirey Tefarri Mokonnen. Waxa aabbo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael oo u shaqayn jirey boqorkii waagaa ee Xabashida, Menelik. Menelik markii uu qabsaday xaruntii Islaamka geeska Afrika ee Harar sannadkii 1887kii,waxa uu Raas Mokonnen oo Hayle Silaase aabbihii ahaa u magacaabay inuu noqdo guddoomiyihii u horreeyey ee Amxaar ah ee xukuma Harar,halkaas oo uu tacaddiyo badan ka geystay. 1930kii ayuu Hayle Silaase isku caleemasaaray inuu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya(Emperor).Intaa waxa uu dheera oo uu sheegan jiray
(Roi des Rois) (Boqorkii boqorrada)
Lion Conquérant de la Tribu de Juda( Libaaxa guusha ee Yuhuudda)
Élu de Dieu ( Kii Ilaah doortay)
Défenseur de la Foi ( Kii difaacayey iimaanka)
Lumière du Monde ( Iftiinka dunida) iyo qaar kale oo badan.Sheegashadan waxaa aaminsanaa dadka Amxaarada oo gaaray heer ay u sujuudaan isla markaana ay ku dhaartaan Hayle Selaase.

Boqortooyadii Itoobiya kaniisadda ayey aad ugu xirnayd,waxayna isku ahaayeen ul iyo diirkeed. Go’aamada uu qaadanayo boqorku, qaarkood kaniisadda ayuu kala tashan jirey. Xitaa qofka boqornimada loo dhiibayo iyagaa go’aamin jiray sidaa daraaddeed ul iyo diirkeed bay isku ahaayeen boqortooyada iyo kanniisaddu.Dalka Itoobiya waa dal kiristaana ayuu oran jirey isagoo inkiray xuquuqda ay leeyihiin dadka muslimiinta reer Itoobiya Distoorka dalka Itoobiyana si qayaxan buu ugu qornaa in dalku yahay Kiristaan.Maalmaha ciidaha Kiristanka waa laga nasan jiray shaqada hasa yeeshee ciidaha Islaamka waa la shaqayn jiray.

Haile Selaase sannadihii uu boqorka ahaa dadka Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen ayuu ka saaray gaar ahaan dhinaca waxabarashada iyo dhaqaalaha. Xukunka, maamulka iyo ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu inay addoomo yihiin ayey u aqoonsanaayeen boqorka iyo nidaamkiisu.Qawmidda Oromada aad bay u xaqireen reer boqor oo Gaalla ayey ugu yeeri jireen, cuqdad weyn bay taa ka qaadeen Oromadu,heer waxay gaareen inay Amxaaroobaan oo qawmiyaddoodii u arkaan mid liidata gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Shawa iyo Wallagga.
Hayle Selaase xukunkiisa sees adag oo uu is lahaa cidi ma gilgili karto ayuu u dhistay. Ra’iisalwasaaraha iyo wasiirrada oo dhan, aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha gobollada,saraakiisha maamulka, safiirrada, saraakiisha ciidammada iyo qaadiyada maxkamadaha dhammaan isagaa soo magacaabi jiray.Guddoomiyaha maxkamadda sare isaga laftiisa ayaa ahaa intii uu noolaa oo dhan. Hoggaamiyayaasha qawmiyadaha dalka oo dhan si toosa ayuu ula xiriirayey, kuwa daacadda u noqdana xoolo badan iyo darajooyin buu ku tixi jiray.

Hayle Selaase iyo qoyskiisu heer bay gaareen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin oo kale, saddex wiil iyo saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn, gobollada dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xiran bay ku lahayeen.Cuntada ay cunaan qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yiraa ayaa France looga keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray. Baabuurta lagu raaxaysto kolba ka u dambeeya ayey wadanayeen, boqorka keligii oo qura baabuurta u gaarka ah ee raaxada badan 73 bay ahaayeen.Qasriga boqortooyada meelo ugaadha iyo dugaagga lagu dhaqaaleeyo ayaa ka samaysnaa.Ganacsiga waawayn sida warshadaha,beeraha waaweyn, huteellada iyo guryaha waaweyn oo dhan boqorka innamadiisa, hablihiisa, kuwa uu soddogga u yahay, inta ku dhawdhaw iyo kanniisadda ayaa iska lahaa.1974kii markii xukunka laga tuuray hantida boqorka dibadda u taallay waxa lagu qaddaray 20 bilyan oo Dollars.

Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000 Birka Itoobiya ah. Intii uu boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay.(Arrinta gabowga, Allaha u naxariistee Ugaaskii Ciisaha,Ugaas Xasan Xirsi baa laga weriyey)
Intaa waxa dheeraa cabsi joogta ah oo lagu hayey qawmiyadaha Itoobiya oo dhan.Cabsi gelintu tan iyo boqorradii isaga ka horreeyey siyaasad ay ku dhaqmaan bay u ahayd si dadka oo dhan loo tuso xoogga boqortooyada isla markaana loo oggolaysiiyo xukunka Amxaarada.
Bilawgii jabka boqortooyada

Dhiil waliba markuu buuxsamo waa uu daataa,sannadkii 1971kii ayaa bilaw u ahaa burburka boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu Ilaahay ku salliday ardaydii jaamicadaha Addis Ababa, kuwaas oo dhigay bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu rabbaystay,waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu babanayey.Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka ardayda weyse u suuroobi wayday.Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu Ilaahay qaddaray in gobolka Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-1973kii.Abaartaas oo Hayle Selaase iyo wasiirradiisiiba si weyn u dafireen iyagoo ku andoocoonaayey in dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro ka jirin.Tefishanka (BBC) da ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka Wallo, intaa waxa la daba dhigay Hayle Selaase oo qasriga boqortooyada dugaaggii ku noolaa hilib u qaybinaya.Dadkii abaartaasi ku dhintey waxa lagu qaddaray laba boqol oo kun oo ruux.mudaaharaaddadii iyo shaqo ka fariisigii ayaa sii xoogayestay,ciidammadii iyo saraakiishii hoose ayaa iyaguna gadooday.Hadal iyo dhammaan taariikhdu markay ahayd 12kii Sebtambar 1974kii ayaa xukunkii Hayle Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen.Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa.Maalmo ka dib waxa dhegta dhiigga loo daray ra’iisal wasaarahii, wasiirradii,saraaskiishii sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray,kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof. Wiilkii dhaxalka lahaa oo la
oranayey Asfa Wossen iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer boqor xabsiyada ayaa lagu guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la wareegtay.27kii Ogost 1975kii ayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase dhintay oo la aasay.

Sida uu u dhintay iyo halka lagu aasay midna lama sheegin.

Boqor Hayle Salaase. yaa afgambiyey,siduu u dhintay, halkee lagu aasay?
Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto. Ninkii darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystay
addoomaha, waa Korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yiraahdo Walaamo ee degta koonfurta Itoobiya.
Mangistu16kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa ah ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey.
1991kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray.Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay maydkiisa.Sannadkii 1992kii ayaa nin ogaa halkii lagu xabaalay soo baxay.Maalintii uu ninku horkacayey dadka si loo soo saaro qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey telefishannada caalamka qaar ka socday.Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii madaxtooyada, waa la yaabay, lagama harinse oo waa la daba socdaa,xafiiskii Mangistu fariisan jirey ayuu daf yiri, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay maydka Hayle Selaase. Waa la jebiyey gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.
Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey ee Hayle Selaase waxa musqushiisa ku xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey mid ka tirsan kuwii uu u haystay addoomaha. Waa cilmi Ilaahay wax in nagu tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta amma koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab aakhiro.
Tusaale yar aan raaciyo

Sannadkii 1979kii boqorkii dalka Iraan Shaah Raasa Bahlaawi oo 40sannadood dalkaa xukumi jiray ayaa isna taladii xoog looga tuuray.Isagoo dullaysan ayuu dalkiisii hooyo ka cararay.Boqor Shaah isagoo haystay hanti lagu qaddaray bilyanno dolar oo dibadaha u taallay ayuu waayey dal soo dhaweeya, haad geed u
fariisto waayey buu noqday, aakhirkiina silic iyo dulli buu ku dhintay.

Qalinkii: Cabdalla Xaaji Cusmaan.

 

Voice Of Somalia-Somalia Leaks

DHAGEYSO:-Sheekh C/lahi Raabi oo ka hadlay Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle.

32671101

Sheekh Cabdulaahi Raabi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caasan islamarkaana ah Sheekh si aad ah wax uga qora taariikhda ayuu faahfaahiyay taariikhda madow ee General Camar  Xaaji Masalle oo  ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Sheekha waxa uu xusay in ninkan uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ciidamada Xabashida Itoobiya soo galiyay dalka Somaliyeed’waxaana sidoo kale Sheekha uu taabtay in Cumar Xaaji  Masalle oo culimo  ku laayay gobalka Gedo.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

FADLAN AQRI:-Maxaad ka taqaan Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle?

32663224

Waxaa marag madoonto ah haddii qolo lagu tilmaami karo inay ceeb ka  simanyihiin inay Soomaalidu ka simantahay qoris la,aanta taariikhda iyo diiwaan galin la,aanta dhacdooyinka , taasaana keentay inay umada hortaagnaadaan raq ku noloshii dalka qaarna gubay qaarna gatay , xumaan waji kastoo ay leedahay Soomaaliya waa ka dhacday , dilbaa dhacay , bililiqaa dhacaday , kufsibaa dhacay , dadkii xornimada u soo halgamay baa waxna la  dilay waxna la duuflaalshay , ( Xabagtii waxaa cunay kuwii Xaawo gawracaye ) waxaasoo dhib ah waxaa gaysanayay u adeegayaashii gumaysiga shalay iyo maantaba , waa boqol sano intay na gumaadayaan , waligoodna ma toobad keenin .

Haddaba maxaan goor walba u cafinaynaa danbiilayaasha ? hadaanse cafinay kii  dorraad gumaystaha u shaqaynayay , kan maantay hadba dagaan cusub dabka  saaraya , kan had iyo goor u taagan inaan dadka maantay nool qofina ka harin   si,aan danbigiisii agoonta loogu sheegin , maxaan wali ugu ogolnahay inay  kaligood hogaanka siyaadda qabtaan oo hadba god madaw nagu tuuraan ?

Maxaan u aqbalaynaa inay marba magac noola baxaan , oo nagu beer laxawsadaan Ehel Walaalnimo ,iyo Islaanimo IWM ? waa dhab waa waqtigii agoonka loo sheegi lahaa ninkii aabihiis dilay , waxaa waqtigii maxkamada la saari lahaa burcadda siyaasada ee laynta shacabka codka iyo magaca ku raadsada , waxaa la hubaa in lala dagaalo oo bulshada horteeda laga leexiyo , inay ka dhibaato yaraan lahayd intay dadka horjoogi la haayeen oo hadba dab cusub na galin lahaayeen ,maxaa yeelay waa dulmiilawyaal aan wax khayr ah looga baran . Ayeeyadu waa inay wiilkeeda u sheegtaa ninkii awowgiis dilay , hooyaduna waa inay u xafidaa uur ku harka ninka asayda u saaray , umaduna waa inay aruurisaa akhbaarta burcada siyaasada si maxkamad loogo soo taago.

Anagoo arimahaas iyo kuwo la mid ah tixgalinayna waxaa nala haboon inaan Qawlaysatada na hortaagan waxay yihiin is waydiino , waxay galeen iyo waxay gaysteenna is xasuusinaa,taasaana igu kaliftay inaan qoraalkan sameeyo.

CUMAR XAAJI IYO XILLIGII DOWLADDA

Jen.Cumar wuxuu ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu muddo dheer caan ku ahaa khamra cabidda wuxuu ahaa sarkaal kii loo xil saaray  toogashada tobankii wadaad ee sanadkii 1975tii lagu toogtay Xamar kadib markay diideen in xeer madaxtooyo lagu badalo aayadda quraanka ah,Jen.Cumar oo uu aad u kool koolinayay madaxwayne M.S.Barre ayaa gaaray sideetameeyadii darajada Generaal iyo waliba wasiirka gaashaandhiga ,runtiina labada darajaba waxaa
lagu siiyey qaab musuqmaasuq ka muuqday oo saraakiisha xoogga dalka ka caraysiisay , hasa yeeshee muddo gaaban kadib 1981kii ayaa magaalada baydhabolaga soo xiray iyadoo lagu eedeeyey in uu jaajuus ahaa sidaasna waxaa ku qoray Buugiisa qarannjabkii soomaaliya Aw Jaama Cumar Ciise ,sidoo kale idaacadda  BBCda ayaa soodaysay codkii Axmed Suleymaan Dafle oo 1982dii ku eedaynaya jaajuus inow  ahaa Xabashida iyo dalal kale , waxaa kaloo arintaas  xaqiijiyey saraakiil kamid ah ciidamadii SSDF ta ee kagarab dagaallami jiray ciidankii Itoobiya iyagoo sheegay inay Xabashidu xogta ugu badan ka heli  jirtay Cumar Xaaji inta badanna lagu go,aan qaadan jiray xog warrankiisa ,waa yaabe waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyadoo laga fageynayo ciidanka kaddib markii la ogaaday inow  sirdoonka Maraykanka xiriir hoose la leeyahay ,hadal uu u jeediyey shaqaalihii wasaaradda caafimaadka ayuu ku yiri “aniga  waxaa la i baray sida naf loogooyo idinkana waxaa la idinbaray sida naf loo  badbaadiyo marka aan sidaas kuwada shaqayno”waxaa muuqata inuu jananku wali  kujiro ku dhaqanka aqoontii labaray ee ahayd sida naf loo gooyo!!.

CUMAR & MAAMULKII URURKA SNF.

MARKII AY BUR BURTAY qarannimadii Soomaaliyeed dalkuna uu galay dagaalkan hadda kow iyo taban jirsaday , Cumar wuxuu ka mid ahaa Jananadii dhiigga umadda magaca & kursiga ku raadinayay , beeshuu ka dhashayna waxay u dooratay gudoomiyaha ururka SNF , inkastoo markii la dooranayay odayaal wax garad ahi  ku taliyeen in la doorto Awr hayin ah oo gur gurshaa ah ee aan la dooran
qaalin buub ah , taladaasise dhaga awdan bay ku dhacday oo waxaa la doortay  buubaaagii , dhacdaas kaddib wuxuu Jananku qayb wayn ka qaatay bur burkii iyo  baabi , ii dalka ka dhacay , boobkii & bililiqadii ayuu saamigiisa kaqaatay ,shirarkii dib u heshiisiinta badankood wuu ka qayb galay , ragii caqabadda ku ahaa ayuu mid ka ahaa , siday dad xog ogaal ahi sheegeen sanadkii 1992 kii wuxuu magaalada NAIROBI kula shiray sarkaal safaarada Maraykanka ka tirsan , wuxuuna u sheegay in ciidanka beeshiisa ee jooga Buurhakaba aysan fara galin ku samayn dagaallada ka socda Xamar ee u dhexeeya labada garab ee ururka USC ,halkoodana ay ku nagaadaan , waxaa kaloo loo sheegay in ay go,aan deg deg ah
ka soo gudbiyaan joogida madax waynaha gobolkiisa , danta Maraykanku waxaa doonto ha noqotee Jananku arrintaas waa fuliyay , wuxuuna Baydhabo u diray  wafdi ka kooban rag ay isku dhawaayeen jen. Gaanni oo waagaas amaanduule u  ahaa ciidankii dhanka Gedo kala dagaalamayay ciidankii USC da , islamarkiina  waxaa bilawday xiriir dhex maray Caydiid & Gaani oo aan dhabtii wali la  fahmin nooca uu ahaa & cidda ka danbaysay , iyo khilaaf beeleed oo dhex maray Gaani & M. S. Bare ,kaasoo sababay in muddo yar kadib degmooyinka Gedo oo dhan ay gacanta u galaan ururkii USC da. Markii uu Caydiid Gedo qabsaday Jananku waxuu u qaxay dalka Suuriya , hase yeshee markii laga saaray mudo kadib ayuu  soo laabtay , gobalka oo nabad ah laguna jiro ka soo kabashada dagaaladii sokeeye , markaan waxaa dabada ka waday xafiisyadii Unisom , wuxuu la yimid dhulka waa in laga saaro asalraaca , muddo gaaban gudaheed wuxuu gobalka geliyay xasaasiyad &xiisad dagaal , wuxuu qabtay shirar tiro badan oo dadka gobalka colaad looga dhex abuurayo , dadaal ha bixiyee kuma uuna guulaysan in uu dagaal huriyo, colaadda uu Cumar beeshiisa u hayo ma ahayn mid ku dhisan mabda, oo kaliya , waase colaad soo taxnayd ilaa muddadaii xariggiisa .

1994 tii Cumar rag saaxiibadiis ah ayuu u sheegay ha dhawaato ama ha dheeraatee  inuu mar un cida dagaal ka dhex shidi doono.

Tillaabo walba ayuu isku dayay oo ay ugu darnayd warqaddii diin la,aantu ka muuqatay ee uu u qoray 1994 kii  safaaradaha reer galbeedka iyo Ethoipia ee kenya degan ,warqaddaas oo aad u   dheerayd wuxuu ku soo gaba gabeeyay ( haddaan reer galbeedku si deg deg ah  itixaadka wax uga qaban , Soomaaliya waxaa ka dhalan doonta dawlad islaam ah oo sida tan Suudaan ay hadhaw dhib noqon doonto si loo bur buriyo ) waxaase la yaab leh sida uu Cumar u soo minguuriyay taladii uu soo jeediyay Andro wisky  sanadkii 1992 kii . Odayaal reer Garbahaaray ah ayaa usoo jeediyay in lagu dhaqo gobolka  shareecada islaamka , wuxuuna ka bixiyay shareecada tusaalahan foosha xun , isagoo adeegsanaya falsafaddii shuuciyada ayuu yiri

(Saddex qof oo indha la , ayaa loo keenay Maroodi ,midbaa dabada ka taabtay midna iligga ayuu ka  taabtay midna dhabarka ayuu ka taabtay,Markii mid walba la waydiiyay Maroodi ka warran ayaa mid yiri waa laf dheer oo adag , midna wuxuu yiri waa wax buuran oo duf leh , midkii kalaa wuxuu yiri waa wax dhuuban oo faraq leh , mid waliba meeshii uu taabtay ayuu u fahmay maroodi , kolka diinta waa qofba siduu u fahmo ) xaqiiqada eraygaani waa in aysan diinta islaamku lahayn asal jira oo la raaco , cid walbana siday doonto ay ka yeesho)
CUMAR XAAJI & ETHOIPIA

Jen. Cumar wax uu hagankaas indha la, ku jiraba , waxaa u cadaatay inaysan  suurta gal ahayn inuu gobalka ka rido dagaal sokeeye , wuxuu go,aan ku gaaray in cadaw shisheeye la,adeegsado in ay lama huraan tahay ,oo waa kuma  cadawgaasi ? taladii Tigree waa dhaafi wayday , si, uu hawshaas u guda galana wuxuu bishii May 1996 dii kula shiray safaarada Xabashida ee Nairobi wakiillo Itooboyaan iyo Maraykan,halkaas ayaana lagu go,aanshay weerarkii Xabashidu ku qabsatay qaybo ka mid ah gobolka Gedo , si hawshaas loo dhamays  tirana wuxuu saraakiil itoobiyaan ah kula shiray  Suufka bishii July ee 1996 dii xaga Soomaalida waxaa Cumar ku wehliyay shirkaas afar nin oo kale,nimankaasi waxay ahaayeen niman ka tirsan lafo kala duwan si Xabashida looga dhaadhiciyo imaashahooda dadkoo dhani sugayo ubaxna lagu soo dhawayn doono , ragaase kuwee ahaayeen halkeese ku danbeeyeen?:
1. Dr: Cali Nuur oo reer Xasan ah , ugu danbayntiina waxaa lagu dilay weerar
Xabashidu soo abaabushay.
2. Xasan Ugaas oo Talxe ah asna waxaa lagu dilay isla dagaalkii Cali Nuur lagu
dilay.
3.Xassan Deer oo reer Axmed ah , isla dagaalkaas ayaa waxaa qafaalatay  Tigreeda meel uu ku danbeeyey nolol iyo geeri toona lama oga!.
4.Xaaji Yuusuf oo Calidheere ah , isana wuxuu si dirqi ah uga fakaday  dagaalkaas saaxiibadi lagu gaba waray .

Haddii afartii nin ee shirqoolkii  dadkooda iyo dalkooda kala qayb galay Cumar Xabashidu sidaas u gashay muxuu  ugu quus qaadan la,yahay ? Gabyaa baa yiri :
“Duulkii Ibliis saar u tumo oo la sababaayo  Salka meel ma dhigo balo nimay soo kac leedahaye”( Abwaan Tansaaniya ).

Ugu danbayntiina Ethoipia Gedo waa soo weerartay , dad iyo duunyo badanna  cagtay marisay , haddaba sidee wax u dhaceen ? , subaxdii jimcaha 9.8.1996 kii ayay ciidamada Ethoipia weerar millateri kusoo qaadeen degmooyinka Luuq , B/xaawo , & Doolow sadexdaba gacanta ayay ku dhigeen waxay halkaas ku dileen  ilaa 200 oo qof , hanti badan bay qaateen , guryo badan waa gubeen , Luuq & B/xaawo waxay ku garaaceen madaafiic cul culus , Diyaaradana waa ku dukheeyeen, kaddib markii dagaalkii kafool kafool ka ahaa kululaaday , Maktabadihii iyo Masaajiddii magaalooyinkaas wixii Kutub yaallay waa rarteen, kadibna waa  gubeen , dhacdadaas jananku kama nixin , kamana xumaan , maadaama ay dadka la laayay ahaayeen dad uusan dan ka lahayn, Xabashiduna  ay xaq darisnimo nagu leedahay waa siduu yiriye.

Hadalkaas wuxuu u sheegay wargayska Al-xayaat ee ka soo baxa dalka Ingiriiska & idaacaadda BBC da laanta Af  Soomaaliga , mar labaad ayay ciidanka Xabashido weerar kusoo qaadeen isla  sadexdaas degmo 12.6.1997 dii , labadaas weerar & dagaaladii u dhexeeyayba  Itoobiyaanku waxay dileen dad ka badan 700 oo qof , oo rag ,haween iyo  caruurba leh , waxay rarteen madaafiicdii lidka Diyaaradaha ee yaallay xerada libsida ee degmada Luuq , intaasoo dhan Cumar Xaaji ogolaanshihiisay ku  sameeyeen , asaguna markay waxaasu dheceen ayaa diyaarad ciidan looga soo  dajiyay B/xaawo halkaasuu ka khudbeeyay isagoo sheegay inayan abaalka Ethoipia gudi karin , wuxuu naxariis la,aan ugu digtay dadkii dhacaankooda dhulka la dhigay , ragbaa maalintaas ku cel celinayay tixdii Faarax Xusseen Sharmaake:
“Ninna aanadiis kama damana Dir & Daaroode Dulmi qaadan maayoo fir ceeb diiddan baan ahaye  Ninkii aniga iga doorranaw hay dakanadayda”
Su,aashu waa wuxuu filayay maxaase dhacay ? wuxuu filayay in ay Amxaaro  fuliso heshiisyadii lagu gaaray Nairobi &Suufka oo ay kamid ahaayeen :
1.In Cumar lagu soo wareejiyo hubkii Jen. Gaani ciidamada Ethoipia ka  qabsadeen markuu u socday dhinaca Galgaduud 1992 kii , hubkaas oo dhamaa 35  Tikniko ah iyo hub yar yar oo fara badan.

2.In lasiiyo taagaara dhaqaale oo u suuro galinaysa in uu maamulo gobollada  koonfureed siiba Gedo & labada Juba , iyo in uu noqdo ninka mustaqbalka danaha Maraykanka & Ethoipia ka fuliya Soomaaliya , ayaguna ay dhinac walba ka garab istaagaan. Maxaase dhacay ?

Amxaaro ayaa gaddeedii la soo baxday , ninkii Cumar ahaa waa la garab bidixeeyay , Afartii nin ee heshiiska Suufka la saxiixday ,laba waa ladilay mid waa la qafaashay midna waa fakaday, mar uu Addis tagay si uu arrimahaas madaxda sare ee Ethoipia ugala hadlo waxaa la amray in uu laba xiddig laha Doolow jooga wuxuu u baahdo kala xiriiro , waxaa la tusay inay naftiisu khatar ku jirto wax loo qabto iska daaye , waxaa loo sheegay in hadduu tagana aan boos banaanaanayn oo Buraale & Burkuus baa u malabsanaya xilkiisa , Cumar talaa ku caddaatay ( Gablan talo adduuney maxay galabba heer joogtay ) , siduu ragiisa u sheegay hanti maraykanku siiyay waxaa leexsatay Tigreeda , haddaba oraahdii Amxaaro afkay kugu shumisay kugu qaniintaa , ayaa Cumar ka soo ifbaxday , waxaase nasiib darraa inuusan qaniinyada dareemayn ilaa la goosto , Cumar iyo Tigree waa u kala dhammaatay ,oo halkeebuu jaanta saari ?aanu isla aragno. 

CUMAR XAAJI , SALBALLAAR & INA CAYDIID

kaddib markuu jananka ka soo xirmay qandaraaskii tigreedu wuxuu jaanta saaray dhanka maamulkii Salballaar ee uu dhaxaltooyada ku maamulayay Xuseen M. Caydiid , maamulkaas oo laftiisu liicayay ayay ula muuqatay in ay Cumar Xaaji ku dad badsan karaan , waxay ina caydiid isla tageen wadamo ay ka midyihiin Masar , Liibiya & Kenya , intuu jananku isbahaysigaas ku jiray wuxuu BBCda ka sheegay in ay Ethoipia dhulka soomaaliya duullaan ku hayso !!, hase yeeshee  ina caydiid layskuma daahin , oo waayo ? waxaa Cumar ku eedeeyay dhawr arimood:
1.In intii booqashooyanka lagu jiray uu Xusseen u talinayay , masuuliyiintii  la qabilayayna uu kaligi la xaajoonayay isagoo ragga kale ku shaagay in ay yihiin taageerayaalkii aabbihi oo isagu dhaxlay !!.

2. In wixii dhaqaale ahaa ee la helay ayan gacanta Agoonka soo dhaafin.
3.Taas waxaa dheer iyadoo Jananka looga shakiyay in uu sir badan u gudbiyay Amxaarada siiba xiriirkii lala lahaa Oromada.

Guntii hadalka jidkaasina waa xirmay oo waliba agoonka si fool xunbaa loo dagaalamay , tolow halkee qaban doonaa ? malaga yaabaa in uu markaan maskax  fayaw ku fakaro oo uu ceebtaan joogtadaa lugaha kala baxo , Ilmihiisa Denmark ku dac daraysanna xanaanaysto ? haba ka yaabin Waayo ? mar labaad xasuuso:
Duulkii Obliis saar u tumo ee la sababaayo Salka meel madhigo balo nimay soo kac leedahaye !!

CUMAR & SHIRKII DJABUTI &DAWLADDA KMG

Waxaan soo tilmaanay in ay jananka wadooyinkii oo dhani kasoo xirmeen , tii beeshiisa , tii Ethoipia ( sida muuqatay ) iyo ugu danbayntii tii salballaar , isagoo xaalkiisu sidaas marayo kob uu jaan &cirib dhigana garan la, ayaa lagu dhawaaqay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Djabuti , wuxuu ka mid  ahaa dadkii ugu horeeyay ee shirkaas tagay , ma wado kalaa u foran ? Jananku  wuxuu ku han waynaa in uu dawladda halkaas lagu dhisi doono madaxwayne ka noqdo !!waxaase waa ku baryay markii beeshiisa oo garanaysa halkuu dhacaankooda dhigay ay kareebeen xubnaha baarlamaanka u galaya , gar & gardarro Cumar baarlamaankii waa lagu daray , kaddib markii nin kursigiisii uga tanaasulay , wuxuuse meel dhigtay in uu yahay wasiirka Gaashaandhigga , waa labaad baa ku baryay kolkii la magacaabay wasiirrada iyo ku xigeennadooda magiciisiina uu ka waayay , waxaa u caddaatay inaan dhanna laga jeclayn , Albaabkaanina waa isa soo laabay , Markaanna halkee qaban doonaa ? Sow mar kale iyo jamhaddii EPRDF ma,aha , Qaalinkii buubka ahaa wuxuu ka dagay Nairobi,mar kale ayay safaaradii Maraykanku u kala dab qaadday isaga & Tigree , cidkastoo qaranimada Soomaaliya diidani waa saaxiib Amxaaro e waa la soo dhaweeyey , wuxuu tegay Kismaayo si,uu dadka Dhiilo dagaal u galiyo , ugu danbayntiina wuxuu ka qayb galay shirkii Ceelbarde si,uu dawladdii Koonfur galdeed Ethoipia u bixisay wax uga dhiso , Wxaa lagu qasbay in uu BBCda ka cadeeyo in uu Dawlada KMG ah ka baxay lana diriri doono , waqtigaas laba todobaad ka hor ayuu BBCda ka sheegay in uu Dawladda KMG ah xubin baarlamaan ka yahay lana shaqaynayo , Allaw sarriigta hanaga qaadin. Waxaa iswaydiin mudan jananku maka helay Dawladii Ceelbarde ee Ethoipia dhoodhoobaysay jagaduu ku taamayay ? waa nin inkaar waalid qabee waxaa lakala dooransiiyay laba jago midood waa mide in uu madxwayne ku xigeen sadexaad u noqdo Shaati guduud & Jen. Aadan gabyaw , waatan labaade in uu kuxigeenka taliyaha ciidanka u noqdo Jen. Moorgan , arrintaasi aad ayay uga caraysiisay janaka , lama filaanna way ku noqotay , waa mar kale iyo safaaraddii Maraykanka ee Nairobi , si ay  Ethoipia uga dhaadhiciso jagadii la siin lahaa Cumar Xaaji , dhex  dhexaadintaasi kuwii hore ma dhaami doontaa ? waanu u wada joognaa.

.GUNTII & GABA GABADII HADALKA

Ugu danbayntii Cumar Xaaji wali kama daalin waddadii gudcurka ahayd ee uu u hayay in uu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya , walina kama daalin ku dhaqanka cilmigii uu bartay ee ahaa in naf la gooyo , filina maayo in uu daali doono inta noole jiro , ama asaga godka lagalinaayo , waa yaabe maxaa wada ? Jagaa u bidhaantay wuxuu is tusay iyadoo madaxwayne la leeyahay , baaba,aas uu dalka u gaystayna Wiil , Walaal , iyo waalid toonihi ugama dhiman , hantiyi ugama  guban hoyna ugama bur burin , haddaba waxaa yaab leh maxaanu isaga qaban la , nahay isaga iyo inta la jaadka ah ? dhibaatada uu soomaaliya u gaystay waa mid aan la koobi karin , siiba gobalka Gedo oo aan weli kasoo kaban bur burkii Ethoipia u gaysatay ,1993 kii waxaa gobolkaas ka dhisnaa xadex dugsi dhexe , oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin jaamacadeed , iyadoo dhamaadka 1996 dii lagu tala jiray furidda dugsi sare , maantase waxaa ka furan hal dugsi dhexe oo kaliya , sidaasoo ay tahay wuxuu hadda usoo xaydanayaa in uu gobollada  koonfureed dagaal cusub galiyo , wiilashoodana ku laayo in ay yihiin  Jabuutiyiin , halka uu kuwii hore ku laayay in ay yihiin Sacuudiyiin , miyaanuu garba duubnaan doonnaa inta uu nawada gabawarayo mise gacantaan kala hormari doonnaa ?
Waxaan qraalkan yar kusoo xirayaa laba maaso oo curiyay Sayid Maxamed C/lle  Xasaan , bal in ay tusaale u noqoto dhuuni qaatayaalka dhulkoodii u gubaya  cadawga dantiisa , wuxuuyiri:
Ha , itiri horaa rag ugu lumay himiladoodiiye
Hawadooda beentaa ayay hebello eedeene
Waxay hoosta gaal uga jiraan inuu u hiishaaye
Asna inuu halaaguu rabaa hogob ka tuuraaye
Uu u horkacaa naarta iyo holacyadeediiye
Hunguraa u geeyaye anfaco hooya muu orone
Hantidooda inuu dhoofiyuu haabka ku hayaaye
Oo weliba uu ugu hanjebi dhiifna ku hadlaaye
Ay hoos indhaha ugu rogaan sida haweenkiise
Habaar baa ku biiriyo cuqubo waalidoo hare e
Inuu hoysto mooyee wax kale shaw umay harine !!

( yaa huba kuwaan inaan la
hoysan ) , sayidku wuxuu kaloo yiri:
Dadaw maqal daduubtaan ku iri ama dan how yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorka yeelkiisa
Nin ragey dar daaran u tahaye doqon ha moogaado
Daw lagama helo gaal haddaad daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga aad u debcaysaane
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u go , aysaane
Marka horedabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oran duunya dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraade ???.
Geba gebadii hadalka waxaan ka codsanayaa qof kasta oo wax xog ah ka haya  dagaal oogayaalka in uu iisoo gudbiyo si,aan ugu kaashado qoraallo & baaritaan aan ka samaynayo arintaas. Waxaa qoray.
DAAHIR CUSMAAN KAYNAAN
E – MAIL: KAYN25@USA.NET

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

dilkii-culmaudiinka-soomaaliyeed

DHAGEYSO:-Cabdulqaadir Cali Yarow “Maamul Gobaleedyada iyo Federaalkuba waxay ka mid yihiin Federaalka Itoobiya”

 

32606201

Aqoon yahan Cabdulqaadir Cali Yarow oo ka mid ah Soomaalida qurbo joogta ah ayaa  sheegay in maamulada dalka ka jira ee watta magac dowladeed dhamantood looga taliyo dalka Itoobiya,Wuxuu tilmaamay in federaalka la sheegayo ee ay maamul gobaleedyadu hoos tegayaan aanuu ahayn midka xamar ka jira ee uu yahay midka Itoobiya.

32606447

Aqoon yahanka ayaa hoosta ka xariiqay in federaalka Xasan Sheekh madaxda ka yahay qudhiisu uu qeyb ka yahay kuwa Itoobiya laga xukumo.
Wuxuu soo qaatay tusaalooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay in haddii laba maamul is qabato Itoobiya arintooda lagu soo xaliyo taasuna ay ka marqaati kaceyso in halka looga taliyo ay Adis ababa tahay.
Wuxuu dadka Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay xoriyadooda u dagaalamaan asigoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiinna ku dhiirri geliyay in ay wacyi gelin u sameyso bulshada la qaldday ee cadawga sokeeyaha looga dhigay.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay Xarakadu in ay soo dhaweysato dadka wadaniyiinta ah ee ay ka go’an tahay in dalka la xoreeyo.


1441484_604288793008360_6447355569277674421_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

QORMO XASAASI AH:-Qawmiyada Tigreega ee Itoobiya xukunta Bulsho aad u weyn oo Soomaali ah ayay Gumaysataa oo Madaxa kaga taagan tahay. Tobannaan Qawmiyadood oo kale ayay ku haysaa Xaalad aan dhaamin Addoonsi

photo

Waa dhab maahmaahda tiraahda ”Lax waliba shillalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa”. Umadda Soomaalida dibindaabyo aanay iyadu sababsan shisheeye uma geysan. markii ay ahayd Ummad Hagaagsan oo si dabiici ah u dhaqan xataa iyada oo itaal yar ayaa laga haybaysan jiray.

Gumaysigii reer Yurub wuxuu kacay oo uu ka dhaqaajiyey markii uu xaqiiqsaday in aanu sii joogi Karin Soomaaliya.Sannadihii toddobaatannadii, markii ay Soomaalidu is yara abaabushay, Faransiis waa kii har Cad Baqoolay, Itoobbiya iyo Kiiniyana waxay qarka u saarnaayeen dhulalka ay haystaan in ay ka yaacaan. Maantana waa taas Qawmiyadda tirada yar ee Tigreegu Soomaalidii ku cayaaraysa. Odayadii, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo qabiilooyinkii Soomaaliyeed ee sharafta lahaa Maanta waa kuwaas u Gumoobay Tigreega Itoobiya xukuma.

Taliska Tigreega ee Qawmiyadaha Itoobiya gumaysta waxaa laga kari la yahay in uu Soomaalida faraha kala baxo. Haddii ay jiraan dalal arrimaha Soomaalida ugu jira in ay danahooda meel u helaan, Tigreegu waxay ugu jiraan oo keliya in ay ka shaqeeyaan in aan dadka Soomaalida lugi lug u raacin. Koox kasta oo u dhego nuglaata hub ayay siinayaan si ay koox kale oo dhego adaygtay ugu dilaan. Haddana cid kasta oo isu dhiibta tari mayaan taageero ka badan in ay ka dhigtaan ul ay Soomaalida kale la dhacaan.
Soomaalida oo dhami iyaga oo guuraya haddii ay u tegi lahaayeen Melez Zenaawi intuu noolaa oo ay oran lahaayeen ”Adiga ayaannu Addoomo kuu nahay ee Dawlad aad raalli ka tahay noo dhis” ma kula tahay in uu u dhisi lahaa? Ha ka yaabin, kuwaas Addoomaha u wada noqday ayuu sii kala qaybin lahaa oo isku Baabbi’in lahaa. Waa taas siyaasadda Tigreega ee Soomaalida ku saabsani. Soomaaliduna iyaga oo xaqiiqadaas wada og ayay haddana runta is diidsiiyaan oo aanay xataa naftooda u qiranayn. Qaybo badan oo umadda ka mid ahi iyaga oo runta sidaas u og ayay haddana isu sheegayayaan Tigreegu in uu iyaga saaxiib la yahay oo dantooda wado.Taliska Tigreegu wuxuu og yahay, aadna ugu faraxsan yahay, cadawtinnimo badan oo uu Soomaalida la damacsanaa in ay dad Soomaaliyeed u fulinayaan. Sidaas darteed Tigreega iyo maamulkiisa xaaraanta ah ee ku dhisan keli talisnimada, gumaysiga iyo cunsurinnimadu maanta naftiisa ayuu Bogaadinayaa oo u hambalyaynayaa. Soomaaliduna maalinba ta ka dambaysa ayay sii gumoobayaan. Gobol uu joogaba Faca Soomaaliyeed ee maanta Barbaarayaa wuxuu ku barbaarayaa Gunnimo iyo Daciifnimo. wuxuu ku Garaadsanayaa in ay isaga Tigreegu ka sarreeyaan mar haddii ay Sandulle ugu taliyaan.

Qawmiyadda Tigreegu waxay addoonsataa tobannaan Qawmiyadood oo qaarkood iyada aad uga tiro badan yihiin. Qawmiyadahaas ma jirto wax ka dhexeeya aan ahayn in dusha lagaga wada tuuray magac faalso ah oo la yiraado ”Itoobiya”. Waa Qawmiyado kala dad ah, kala diin ah, kala af ah oo kala dhaqan ah. Beri fog ayaa dhulkaas lagu naanaysay ”Madxafkii Ummadaha”. Itoobiyadaas faalsada ah ee xoogga la isugu hayaa daqiiqad kasta ayay kala daadan doontaa laguna kala dhaqaaqi doonaa. Cid walba oo si fir fircoon siyaasadda gudaha ee dalkaas dan ka lihi si aad u fudud ayay kacdoon iyo fawdo uga dhex abuuri kartaa. Magaca ”Itoobiya” waa doqon nasiib leh.

Haddaba Tigreegu mar haddi ay xaalad sidaas u nugul xoog iyo xaaraan kaga taliyaan, Guri Quraarad ama Muraayad ahna ku jiraan, waxay ahayd in ay ka dhawrsadaan faro gelinta iyo fidnada ay ka dhex wadaan bulshada Soomaalida ee isku aabbaha iyo hooyada ah. Taas in ay yeelaan daaye waxay caado ka dhigteen, awoodda oo dhanna saareen, soomaalida in ay isku baabbi’iyaan oo kala daadiyaan.Marka la eego dhulka Soomaalida laga haysto iyo Godobta Gaamurtay, ee la eego sida aanay Itoobiyaanku u ahayn dad wax isu ah, dhammaan waxyaalaha ay Tigreegu Soomaalida ka dhex wadaan waa waxyaalihii ay Soomaalidu Itoobbiya ka dhex samayn lahayd. Soomaalidu haddii ay ahaan lahayd ummad feker qumman oo talo habboon run ahaantii dalka loo yaqaan ”Itoobiya” beri fog ayaa lagu kala tegi lahaa. Laakiin Soomaalidu waxay ku shuqlan yihiin in ay sidii Foodlay Ari jir ah dhexdooda u Murmaan.

Maanta ciidammada Tigreegu iyaga oo aad u hubaysan ayay soohdinta iyo gudaha dhulka Soomaalida hoganayaan. Kun digniinood ayaa Tigreega loo diray. Xil kaska Soomaalida iyo ummadaha duniduba waxay kula taliyeen in ay dhulka Soomaalida ka baxaan, arrimaheedana faraha kala baxaan. Ha ahaatee waa tii hore loogu maahmaahay ”Rag i daa kuguma daayo ee aynu isdayno ayuu kugu daayaa”. Mid kalena waa tii ahayd ”Nin aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho”. Tigreegu Soomaalida ayay ka il heleen. Iyaga oo qaar innaga mid ah oo ay taladu ka xumaatay iska soo horraysiinaya waa kuwaas soo Maqiiqan ee soo Qamaamaya.
Bulsho aad u weyn oo Soomaali ah ayay Qawmiyadda Tigreegu Gumaysataa oo madaxa kaga taagan tahay. Tobannaan Qawmiyadood oo kale ayay ku haysaa xaalad aan dhaamin addoonsi. Malyuumaad bani aadam ah oo leh dhaqammo, diimo, afaf iyo isirro kala duwan ayaa taliskaas Arxanlaawaha ah ku Hoos dulman. Intaas oo fursadood ayaa jira haddii la doono in Tigreega looga jawaabo fawdada ay dhulka soomaalida ka wadaan.

Geeska Afrika waxaa nabad iyo xasillooni lagu celin karaa laguna ilaalin karaa haddii la isu dheellitiro awoodda Qawmiyadaha geyigan ku wada dhaqan. Taasina waa in ay ka bilaabataa Tigreega in si dhab ah loogu sheego in ay xushmeeyaan Qawmiyadaha kale, haddii ay yeeli waayaanna waa in la tusaa Muruq ay ka baqaan. Imika ka dib warqadda keliya ee Tigreega lala ciyaari karaa waa dagaalka ay Soomaalida ka dhex hurinayaan oo gudaha Itoobiya loo raro.

Qalinkii: Ibraahim Hawd.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.