DHAGEYSO:-Dr Xanafi “Waxaa jira Dhaqaatiir isku Xiran oo si Burcadnimo ah kaga Ganacsada Kilyaha Shacabka Soomaaliyeed”

 

32700859 (1)

Shisheeyaha Soomaaliya gumeysta ayaa la xaqiijiyay in ay la socdaan dhaqaatiir dadka Soomaaliyeed kilyaha iyo beerka kala baxa.

Dhawaan dadka ku dhaqan deegaanka Qooqaani ee gobalka jubada hoose ayaa Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan u sheegay in askarta Kenya nin ka mid ahaa dadka deegaanka ay dileen kilyahana ay kala baxeen.

Hadaba Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan wuxuu ku sheegay in xubnaha uur ku jirta sida kilyaha iyo beerka lala baxo ayna jiraan dhaqaatiir iyo shirikado burcad ah oo ka ganacsada.

Wuxuu tilmaamay in inta badan loo iib geeyo isbitaalada ku yaal Yurub iyo Maraykanka.

Dadka Soomaaliyeed ayuu dhaqtarku u digay, waxaanuu u sheegay in ay ka fogaadaan xarumaha cadawga.

Halkaan ka dhageyso.

Xigasho:idaacadda Alfurqaan.

DHAGEYSO:-Boob Lagu Hayo Ciida Soomaaliya.

32597174

Konteenaro ay ka buuxdo ciid ayaa maalin walba laga qaadaa dekedda magaalada Muqdisho, taasoo loo raro dalka dibaddiisa.
Amiin Axmad oo indhihiisa ku arkay konteenarada ciida ah kana waramay meelaha laga qaado ayaa  sheegay in lala yaaban yahay arrintan.

HOOS KA DHAGEYSO.

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Axmed Daaci oo Ku Baaqay in Maxkamad lasoo taago Wasiirkii hore ee Amniga A.Guuleed.

Image

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci oo warbaahinta la hadlay waxa uu ka warbixiyay sida uu u arko is casilaadii maalmo ka hor uu ku dhawaaqay wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Axmed Daaci waxa uu sheegay in Guuleed uu yahay nin baabi’iyay dalka iyo dadka isagoona kula taliyay baarlamaanka iyo xubnaha ugu sareeya dowladda in sharciga la horkeena wasiirkii hore ee amniga oo sidaasi aan looga aamusin.

Sidoo kale Axmed Daaci waxa uu ku baaqay in isbadal lagu sameeya taliyaasha maleeshiyaadka  iyo guud ahaan xubnaha ay ka kooban tahay dowladda Villa Somalia.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

Mogadishu residents denied the right to protest against Kenya’s treatment of Somalis

Image

For the past three days police and security forces in the Somali capital have been dispersing the masses of people who have been attempting to gather in protest of the inhumane treatment of Somalis held in Kasarani Stadium and other facilities.

 

Demonstrations have been held in many Western countries, especially in the United Kingdom outside the Kenyan embassy where Somalis gather in support of those detained at Kasarani and protesting against the discriminative treatment Somalis, including women, children and elderly.

 

However, many would expect that the most outrageous and angriest reaction would come from Somalia, however protesters have been prevented from protesting against the treatment of Somalis due to what the interior ministry described and deemed as a “security risk”.

 

Many of the Somali public have been angered by this hindrance, Halimo Yusuf who was one of the protesters said: “We went to the minister of interior affairs and the local police to receive permission to demonstrate, however our request was rejected by what they claim to be “security risks”.

 

Maryam Abdullahi another protester spoke to Harar24 about her anger regarding the hindering of protesting against the treatment of those kept in Kasarani stadium. “I am very saddened and angered by the government’s reaction, they haven’t done anything for those poor people kept there, and when the public wish to voice their anger regarding the issue they attempt to silence them” said Maryam who’s sentiments are echoed by many other Somalis. “I can only call it double standards, whenever the government sees something in their interest they rally the people to demonstrate, however when it’s against their interest they silence them” added Maryam who accused the government of trying to preserve their ties with Kenya at the stake of the public interest.

 

Human rights activists in Mogadishu have expressed their concern over this policy of preventing from their freedom of expression and attempts to silence the public, while adding that the new administration of Mogadishu led by mayor Mungab are starting off their administration in way that violates the rights of the public.

http://harar24.com/?p=12778

DHAGEYSO:-Cabdi Nuurre Siyaad: “Xassan Sheekh waa maqaar Saar, Dalkana Itoobiya ayuu gacanta u wada gali rabaa”.

Image

Siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad ayaa  sheegay in dalka Soomaaliya uu khatar ugu jiro inuu gacanta u wada gali Xabashida Itoobiya.

Ujeedooyinka ay dalka ka damacsan tahay Xabashida ayuu wax badan ka tilmaamay Cabdi Nuurre, isagoo xusay in dowladda Xassan Sheekh tahay midida uu gumeystuhu u isticmaalayo gawraca ummadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu soo hadal qaaday shisheeyaha kale ee ay Kenya ka mid tahay iyo damaceeda ku aadan dalka Soomaaliya, wuxuuna uumada Soomaaliyeed dareensiiyay in la doonayo in dalkooda la qabsado lana gaaleysiiyo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MAANSO:-Ologo Urkutaaladaan iyo Idiris Dooxa Joog.

1.Aheey Ummaddaydiyeey .

2.Cadoowgeed Aamintooy .

3.Addoonsi u yeerataay .

4.Dhulkeedana Iibsataay .

5.Iyaddu isu muuqataay.

6.Dhexdeeda akeekantaay .

7.Ilaaqtan ku oogaanayn .

8.Amleey isu haysataay .

9.Odayo goor hore tagiyo .

10.Abtirisku  aabbaansadaay .

11.Mabda laga aawdayee

12.Addow Inna aayo iyo .

13.Isirraysi u oomaneey .

14.Bal eegaay aaffaddaan  .

15.Ollogo Uurkutaaladdaan

16.Amuurtaan daawadday .

17.Arkaay Ubadkaan yaryare.

18.Itaalka yareen ordaynnin

19.Ildaran ee uubataysan .

20.Ilmadda qubayee anfiirsan .

21.Tabcasho aan aadi karin .

22.Waxbana aan awoodsan karin.

23.Adoogood waxa ajalay .

24.Ogoonimo iyaga baday .

25.Ablownimo soo istaajay.

26.Ummaydood uurxumeey .

27.Abaayo Asay u saaray .

28.Kuwaas Amisomta sheegta.

29.Ajnabiga Islaamka diidan .

30.Gaaladda arligeena joogta .

31.Arooryeey aabbahood .

32.Asoo u irsaaqad tagay .

33.Asuun cidna eed ka galin.

34.Ayay asarariddood .

35.Si ulla kaca armigood .

36.Dul mariyeen aabbinimo .

37.Markay Ilmihii Baxeen .

38.Adeerkood ay wateen .

39.Ashtako amintay galeen .

40.Andoco ay ulla tageen .

41.Albaabkaa laga ceshoo.

42.Ul bay la dhaceen ogoow .

43.Us ! Baa lagu yiri Waryaa .

44.Haddeeray ooyayaan .

45.Aradanyiin oomanyiin .

46.Oontana inniqeedda hayn .

47.Bal Eebay leeyihiin .

48.Amaantiintiis yihiin .

49.Oheey Innagays Dillaye.

50.Dib yaynoo ururin kara .

51.   Alkumi kara Dawladdino .

52.   Aaasas adag yeeli kara .

53.Bulshadda u addeegi kara .

54.Aragti Quman keeni kara .

55.Midnimo nagu aadi karin.

56.Dhulkeenaan uduga badan .

57.Ugbaadka ahee Irmaan .

58.Aggaha wabiyadda agmara .

59.Abuurka ku daadin kara .

60.Indheergarad Muusan jirrin .

61..Iltood maynnaan lahayn.

62.Abwaanki Maxaa ku dhacay .

63.Damiirki Miyaa engagay .

64.Wadanigi miyuu ambadday .

65.Ma iilkuu naga jiraa .

66.Diinteenu Afkuun miyaa .

67.Waxaan ku ebyaynayaa .

68.Afmeeriddu ay ahaan

69.Kusoo ibbo gooynayaan .

70..Siday Illa tahay anniga .

71.Middaan ogahaan ahayd .

72.Dadkeena kuwaan aqtula .

73.Ijbaarka innoola yimi .

74.Kuwaan iddankeen ku iman .

75. Ikhyaarkana nagala tagay

76.Ugaandha Itoobiyaan .Ø

77. Ilbaadsada badahanaga,

78.Amrikaankood sarre .

79.Eglaandayskii kol hore .

80..Soomaalida kala abtaray

81..Amxaarka u geeyey qayb

82.Kuway ku addeeyagaan

83. Amarka ay siinayaan

84.Waxay nagu odhanayaan

85.Anfaco bay noo waddaan .

86.Amniga bay sugahayaan .

87.Irdhasheedeey ahaan.

88.Midday inna leeyihiin .

89.Iswayddiintaan ku eeg .

90.Intaan Al-shabaabtu iman .

91.Maxaakiin aan askumin .

92.Dagaal ooguhu arliga.

93.Markuu kala eegtayeen .

94.Muqdisho kala awdaynayd.

95.Kolkaas aaggaysi jirray .

96.Hadday arxan falahayaan .

97.Maxaa eeggaas ku dhacay ??

98.UjJeedo kalay wataan .

99.Ajande Rogan bay sitaan .

101.Afkay ka dhawaajiyaan .

102.Iclaamkay sii marshaan .

103.Axsaan baydiin falaa .

104.Uurkuna waa arrimo kale .

105.Aayadka Illaahaniyo .

106.Samaawigan aaminiyo .

107.Udgoonoow Nabiga iyo .

108.Axaadiistaa na tiri .

109.Ijmaacuna wadda qabaan

110.Adduunkan intuu jirrabo.

111.Intaan Alle amag ka siin .

112.Afjarin oo soo idlayn.

113.Ayaanta Dambeeto iman .

114.Intaad Abid nooshihiin .

115.Dagaalbay diin ahaan .

116.Marnaba Ha illaawina .

Waa hadal suugaamayntii .

Idiris A. Dooxa-joog

Image

MAQAAL:-Nabad-diidka iyo Nabad ilaaliyaasha Soomaaliya Halloo Kala Gar-qaado!!!.

Image

Maalin kamid ah maalmaha ilaaheey ayaan kasoo baxay gurigeyga oo kuyaal magaalada Muqdisho waxay aheyd waqti galab ah oo dadku ku shaahayeen baararka halka kuwa kale ay kasii rawaxayeen goobahooda shaqada.

Dabcan waxaan u shaah iyo sheeka doontay baar kuyaal isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho halkaasi waxaa fadhiyay Gar Madoow iyo Gar Cas dhammaan waa lawada fadhiyay qaar kamid ah dadka ayaa afka isku mud-mudayay oo aayar u sheekeysanayay qaarka kalane waxay dhageysanayeen Idaacadda BBC-da alaanta Afka Soomaaliga.

Aniga iyo mid aan wada fadhinay oo aan isbar garanayne waxaan u dheg raaricinnay warka idaacadda ka baxayay oo ku saabsanaa dagaallo ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Bakool.

Wariyihii warka akhrinayay ayaa yiri “Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay degmooyin katirsan gobolka Bakool”.

Wariyaha ayaa warkiisa sii jilciyay islamarkaana farta ku goday in ciidanka Itoobiya oo magaca Nabad ilaalin wata iyo xarakada Al Shabaab ay ku dagaalameen Bakool.

Markii ay dhammaatay xogta gaarka u aheyd idaacaddu waxay wareysatay Mid lagu sheegay mas’uul DF-ka katirsan balse aan dhihi karno “waa qeyrul mas’uul mooryaan ah”.

Ninkaasi isaga ah wuxuu yiri “Nabad diidkii shabaab Xudur waan ka saarnay ciidamada Nabad ilaalinta Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa ka adkaaday”!!,intii lawareysanayay waxka badan 6 jeer ayuu kusoo celceliyay Erayga “Nabadiid” sidaasi si lamid ahna Nabad ilaaliyaasha Itoobiya ayuu soo celceliyay.

Idaacadda Codka Mareykanka ayaa iyana sidaasi si lamid ah aad u buun buunisa gumeystaha Itoobiya iyo AMISOM waxayna u bixisay hal ku dhigga “Nabad ilaaliyaasha AMISOM”,dhammaan madaxda DF-ka ayaa Nabad diid ugu yeera xarakada Al Shabaab.

Nabad-diidka iyo Nabad ilaaliyaash Soomaaliya Halloo Kala Gar-qaado.

Magaalooyinka lagu maamulo shareecada Islaamka ee dhaca bariga iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kajirta Nabad gelyo iyo ammaan laysku hallayn karo.

Xarakada Al Shabaab dhulka baaxadda leh oo ay gacanta ku heyso waxaa laga ciribtiray kooxaha burcadda iyo tuug dhammaantiis taasi waxaa ka marqaati kacaya dadka ku dhaqan.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sanaddii lasoo dhaafe isagoo ciidankiisa lahadlayay qiray in Al Shabaab ay sugtay ammaanka deegaanada iyo degmooyinka ay maamusho.

Nabad ilaalinta Itoobiya: Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa kale ee afrikaanta ah magaalooyinka ay qabsadaan dadku way isaga yaacaan waxayna aadaan deegaanada ay xarakada Al Shabaab maamusho sidaasi waxay uyeelayaan nabad darada ay wadaan cadawga.

Tusaale nool waxaa noogu filan degmooyinka Xudur,Waajid,Buurdhuubo iyo degmooyin kale markii ay Xabashida Itoobiya qabsatay dadkii deganaa way isaga yaaceen.

Eray bixinta Nabad-diid iyo Nabad ilaaliyaal waxaa bixiyay warbaahinta cadawga waxaana sii qaad qaadaya kuwa dabadhilifyo diin-laawayaal ah.

Haddii aan soo xooriyo qormadeyda Nabad-diid waa AMISOM iyo Calal-uusta shareeca diidnka ah Nabad ilaaliyaasha saxda ah waa wiilashada gumeystaha kula halgamaya dalka Al Shabaab  iyo hoggaamiyaasha qabaa’ilada axraarta ah.

WD. Warfaa Kheyrdoon

Duqeyn

29701301