SIDEE SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HOOS NOOLAAN DOONAAN MAAMUL GOBOLEEDYO AY CIIDAMADOODU AJAANIIB YIHIIN?

33532740

Inta badan maamul goboleedyada Federaalka waa dhisay dalal shisheeye ah oo ay Itoobiya ugu horeyso waxaana ilaaliya oo ciidamo u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo aan run ahaantii kamid ahayn kuwa AMISOM markii laga reebo inay magacaas mushaar saanad milateri ku qaataan.

Talada maamuladaasna waxaa gacanta ku haayo ururka IGAD oo ah isla kuwa ay ciidamadoodu dalka haystaan hadda.

Sidaas daraadeed madaxda maamuladu waa kuwo u hogaansan talada dalalka IGAD islamarkaana ku hoos nool ciidamada Amisom, waxaana halkaas ka muuqanaysa inaysan ahayn dad u madax banaan hogaaminta dalkooda.

Haddaba waxaa su,aal ah sidee shacabka Soomaaliyeed ugu hoos noolaan karaan maamul ku fac ah inta ay ciidamada shisheeye dalka joogaan oo ku shaqeynaya fikrado shisheeye?

Mise xaalku waaba sikaloo ciidamada shissheeye ayaanba meelna uga socon oo ku nagaan raba arligeena inta ay madaxda goboladu yihiin kuwo ubaahan oo aan jiri karin la,aantood?

QORE: Talowadaagta Qaranka.

DHAGEYSO:-Diyaaradii ugu Horeysay oo Dowladda Kenya Looga Soo Riday Dalka Soomaaliya.Sheekh C/raxmaan Xudeyfa“Waxaan heynnaa Burburka Diyaarada iyo Duuliyaha waday oo Gubtay”

32740388

Halka Loo yaqaano Dhasheeg Waamo oo qiyaastii 45 km ujirta Kismaayo waxaa maanta galinkii danbe kusoo dhacay diyaarad Miig ah oo uu kaxeynayay duuliye Kenyaan ah.

Diyaarada ayaa soo dul martay  Degmada Jamaame, waxaana lala helay mid kamid ah lidka diyaaradaha iyadoo aanan gaysan wax Qasaaro.

Dad xoolo raacato ah iyo ciidamo katirsan Shabaabka ayaa dul tagay burburka diyaarada, waxaana goobta lagu arkay maydka duuliyaha.

Waa markii ugu horeysay Diyaarad Dagaal oo Miig ah Kenya looga soo rido Wadanka Soomaaliya oo ay kusoo duushay 2011.

Diyaaradaha khumaatiga ukaca ayaa horay Kenya looga soo riday Soomaaliya.

Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo Kenya ay ka gaysatay duqeymo ayaa sidoo kale laga dareemay farxad ku aadan soo dhicista Diyaarada Miiga.

Kenya wali kama aysan hadlin diyaarada looga soo riday Soomaaliya.

Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa Caawa wareysatay waaliga Jubooyinka sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Allaah ayaa ku mahadsan oo noo suurtagaliyay inaan kor istaagno diyaarad ay soo rideen ciidamada la dirira diyaaradaha ee Mujaahidiinta”ayuu yiri sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

Waaliga Jubooyinka ayaa sheegay diyaarada inay ku dhacday Tuulada Dhasheg Waamo oo ku taala  galbeedka Buulo gaduud.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa“Waxaan heynnaa Burburka Diyaarada iyo Duuliyaha waday oo Gubtay”

“Waxaan heynnaa burburka diyaarada iyo Duuliyihii  waday oo gubtay”ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa.

 

Dhagayso Wareysiga Sh Cabdiraxmaan Xudeyfa Waaliga Jubooyinka.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Dheere: “Inta Ciidanka Kenya Duullaanka Ku Joogaan Soomaaliya, Dhiigga Shacabka Kenya Wuu Sii Daadan Doonaa”

32726649

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ka war bixiyay weerarkii habeenkii  ka dhacay duleedka Mandheera, kaasoo la  sheegey  iney ku dileen afartan ruux oo Kiristan ah.

Sheekh Cali ayaa sheegay in dhiig baxa ku socda Kenyaatigu ay salka ku hayaan duullaanka ay ciidankoodu ku joogaan gayiga Soomaaliya, isagoona wacad ku maray in weeraradu sii socon doonaan illaa Kenyaanku ay dalka ka baxaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday is casilaada uu ku dhaqaaqay taliyihii Boliska Kenya iyo tallaabada uu madaxweynaha dalkaasi ku casilay wasiirkii arimaha gudaha, wuxuu sheegay inaaney arimahaasi waxba soo kordhiyi doonin inta madaxweyne Uhuru uu ku taagan yahay siyaasadda khaldan ee islaam la dirirka ah iyo qabsashada Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Barakac xoogan oo ka socda magaalada Mandheera.

32670172 (1)

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera oo qeyb ka ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia waxey sheegayaan in barakac xoogan uu ka jira kadib markii shaqaalaha dowladda Kenya iyo kuwa hey’adaha gaalada Caalamka ee ku sugan magaalada cabsi xoogan ay ku abuurtay weerarkii dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyeen duleedka magaaladaasi.

Kumanaan ruux oo isugu jira shaqaalaha iskuulada dowladda iyo kuwa caafimaadka ee  Kenya ayaa isaga cararay magaalada’iyagoona sheegay iney nafsadooda u baqeen maadaama amniga magaalada uu yahay mid aan la isku haleyn karin.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

SOMALIA & KENYA:La taliyaha Uhuru Kenyata”Alshabaab waxay doonayaan in dagaal diimeed uu ka dhaco Kenya”

32646284 (1)

Xukuumadda Kenya ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa weerarada ka dhanka ah dadka nasaarada ee dib ugasoo cusboonaaday wadankaasi xilli ammaanka Kenya faraha kasii baxayo.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in weeraradii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay duleed magaalada Mandheera.

Kenya ayaa wadnaha farta ku heyso in dadka Kenyatiga ah ee diimaha kala duwan heysta,lataliyaha Uhuru ayaa sheegay in dagaalka udhaxeeya muslimiinta iyo Nasaara uu Kenya gelin doono mashaakilaad dhan walba ah.

Al Shabaab waxay doonaysaa in dagaal dhanka diinta ah ka dhax abuurto muslimiinta iyo Nasaarada Kenya shacabka waxaan leenahay is xakameeya oo dulqaata”ayuu yiri lataliyaha Kenyatta.

 Dadka arrimaha Kenya falanqeeya ayaa sheegaya in muslimiinta degta dhulka xeebaha ay baraarugeen ayna bilaabeen in ay ka aargoostaan Nasaarada talada heysa.

Howlgallo ka dhan ah dadka muslimiinta ah oo maalmo ka hor ka dhacay magaalada Mombaasa ayaa banaanka soo bandhigay sida ciidanka Kenya ubartilmaameedsanayaan muslimiinta.

Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo warbaahinta lahadlay ayaa muslimiinta Kenya ku booriyay in ay hurdada ka kacaan oo sharafkooda difaacdaan.

“Suurtagal Ma ahan in Shacabka Kenya Raaxa ku noolaadaan Shacabka Soomaaliyeedna Kabta Askarta Kenya ku hoos noolaadaan”

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sh.Cali Dheere MP3

Nin Daad Qaaday Xumbo Cuksay Seeraar “Al Shabaab Kudhaa Qabiil Gaar ah ayay ku Laayeen”!!

32546917

Maamulka dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Kudhaa gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Axmed Madoobe Cabdi Naasir Seeraar ayaa shabakadda Aljazeera u sheegay in dhankooda 25 askari laga dilay 30 kalane dhaawacyo halis ah gaareen.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay qabsadeen Kudhaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bakhaaradii hubka iyo saanado dagaal oo ciidankoodu ka carareen.

Maamulka gumeysi Kalkaalka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa isku dayaya in uu waji kale uyeelo halaagga ka gaaray dagaalkii taariikhda galay ee Kudhaa.

Iyadoo lawada ogyahay in ciidanka gumeysiga Kenya ee Jubbada Hoose kusoo duulay ay ku adeeganayaan maleeshiyaad diinlaawayaal ah ayuu Seeraar warbaahinta ka sheegay in mujaahidiintu qabiil gaar ah beegsadeen!!.

“Annagu waan ognahay in shabaabku qaab qabiil u beegsadeen ciidankeena”ayuu yiri Seeraar,sida lawada ogyahay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa bariga Afrika ku hoggaaminaysa dagaal caalami ah oo aan xuduud iyo wadan laheyn arrinkaasi xataa waxaa qirsan shisheeyaha dalka kusoo duulay waxaana wax aan larumeysan Karin ah in Al Shabaab qabiil lagu sifeeyo.

Haddii hadalka Seeraar aan uraacno oo ah in Maleeshiyaadka Khuwanada ah ee meesha lagu laayay ay ahaayeen qabiil gaar ah Maxay Wakiillo ugu yihiin dowladda Nasaarada Kenya oo ay dhulka soomaaliyeed ugusoo hoggaamiyeen.

Hadallada isburinaya ee maamulka Axmed Madoobe waxaa kamid ah “waxaan nahay maamul goboleed qabiillada Jubbooyinka udhayihiin”!! Misne Shabaabul Mujaahidiin ayay ku eedeeyeen in qabiil gaar ah ay laysay aaway Maamulkii Jubballand oo ay sheeganayeen mise haddii laga itaal roonaaday ayay qabiil Noqdeen.

C/Naasir Seeraar ayaa bishii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay ku sheegay in ciidanka (maamulka Jubbaland) iyo ciidanka Kenya ay qabsadeen deegaanka Buulaguduud ee duleedka Kismaayo isagoo guulo ballaaran sheegtay! Balse maanta wuxuu isku bedelay qabiil! Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin Daad-qaaday Xumba cuksay”.

Afhayeenka Beelaha Absame “Halaagga Murtadiinta Axmed Madoobe gaaray waan ku diirsanay waana loo badinayaa bi’idnillaahi”.

Nabadoon Ismaaciil Xaaji Haaruun Afhayeenka beelaha Jubbooyinka oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in weerarkii Kudhaa ka dhacay uu ahaa edbin la edbinayay maleeshiyaad uu Murtadiin kutilmaamay oo uu ula jeedo ciidanka Axmed Madoobe ee shalay lagu laayay deegaanka Kudhaa wuxuuna ugu baaqay ciidanka shabaabul Mujaahidiin in ay kordhiyaan laynta maleeshiyaadka indhaha u ah ciidanka gumeysiga Kenya.

“Haddaan nahay qabaa’illada Jubbooyinka dega aad baan ugu riyaaqnay wixii Kudhaa ka dhacay,murtadiinta Kenya ku adeegato waa in si kadaran sida ciidanka Kenya loola dagaalamayo loo xanuujiyo sababtoo ah iyagaa dalka gumeystaha kusoo hoggaamiyay”ayuu yiri Ismaaciil Haaruun.

Gummaadkii Maleeshiyaadka ee Ceel-Waaq iyo Xayo Muxuu uga duwanyahay gummaadkii Kudhaa.

Sanaddii 2012 ayay cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen degmada Ceel-waaq oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad Soomaali dabadhilifyo ah oo gudaha dalka Kenya lagusoo tababaray.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ciidanka muslimiinta ayaa Ceel-Waaq qabsaday balse halkaasi waxaa ka dhacay gummaad loo geystay dabadhilifyada dagaalkaasi waxaa lagu dilay inkabadan 55 katirsan Maleeshiyaad uu taliye u ahaa Cabaas Gureey oo ku magacaaban Taliyaha ciidanka DF-ka ee gobolka Gedo.

isla sanaddii 2012 ayay mujaahidiintu dagaal culus oo ka dhacay tuulada Xayo waxay ku dileen 45 katirsanaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe kuwaasi oo hor socday ciidanka gumeysiga Kenya ee waqtigaasi usii gurguuranayay dhanka magaalada Kismaayo.

sanadan 2013 bilaawgeed ayay mujaahidiintu maleeshiyaad DF-ka katirsan oo ku sugnaa degmada Mahadaay waxay gaarsiiyeen khasaara lixaad leh iyagoona gaadiid dagaal kasoo qabsaday.

sanaddan 2013 weerar ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Bay iyo Bakool ku qaadeen deegaanka Toosweyne ee duleedka Ceelbarde waxay ku dileen 25 maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah iyagoona ka qaatay hubkii ay itoobiya soo siisay.

Dhammaan howlgalladaasi iyo kuwa kale oo Hiiraan iyo shabeelaha Hoose  ka dhacay ayaa ah edbin la edbinayo maleeshiyaadka Soomaalida ee gumeystaya Afrikaanta indhaha u ah iyadoona hoggaanka mujaahidiinta soomaaliya uu dhowr mar ku celceliyay in ay beegsanayaan cid walba oo cadawga soo duulay lashaqeeya heybta uu doono halahaatee.

Seeraar Ma wuxuu na leeyahay:-

Dagaal Mahadaay Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Ceelwaaq Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Buula Burde Reer Hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Hoosweyne Reer Hebel ayaa lagu laayay.

Dabcan waxaa xaqiiq in Seeraar uu Aaminsan yahay in weeraradaas lagu xasuuqay Ciidamada DF ee ka kala dhacay Mahadaay, CeelWaaq, Buula-burde iyo Toosweyne lagu xasuuqay kuwa dowladeed, Aanu lagu tirineynin qabaa’ilada ay ka soo jeedaan sidaas darteed waa in uu isna uu ogolaadaa in Maleeshiyada laga laayey ay yihiin ciidam maamul, Maadama uu sheegtay maamulka “Jubbaland” ama uu Umadda u cadeeyaa in Maamulkiisa uu yahay Maamul Qabiil, Markaas waa ka ogolaan karnaa in waxa Kudhaa lagu laayey ay yihiin Maleeshiyo Qabiil.

Kaliya waxa aan ka sugnaa waa Burundigii Dayniile Lagu laayay iyo Itoobiyaankii Ceelbuur lagu laayay ama Kenyaatigii Faxfaxdhuun waxay ahaayeen Reer hebel oo Soomaali ah.

Markale “Nin Daad Qaaday Xuma Cuksay”
WD Warfaa Kheyrdoon

JUBBADA HOOSE:-Waa Sidee Saaka Xaalada Kudhaa.? Yaa Gacanta Ku Haya.? Mana Dhab-baa in La arkay Maydad Hor Leh.

32528471

Jaziirada Kudhaa oo  lagu hardamay  wey degantahay, waxaana deegaanka ku sugan oo difaacyo adag ka sameystay dagaal yahano katirsan shabaabul Mujaahidiin.

Maleeshiyaadka  Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Kudhaa oo shalay qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay.

Markab dagaal oo laga leeyahay Kenya ayaa lagu arkayaa xeebta Kudhaa kaasi oo xiliyada qaar soo ridaya qoriga lidka diyaaradaha oo markabka ku xiran.

isgaarsiinta Kudhaa ayaa jaran waxaana wararka deegaanka ku helnay qadka helo helo loo yaqaan ee taarka.

“Calanka madow ee uu ku dhex qoranyahay kalimada towxiid ayaa ii muuqdaayuu sabaax ku yiri nin kamid ah dadka deegaanka oo diiday magac ahaan inaan xigano

Afhayeenka Ciidamada shabaabul mujaahidiin Abuu Muscab oo wareysi siiyay idaacadda afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Kudhaa gacantooda ay ku jirto islamarkaana  dagaalkii shalay ku dileen 64 askri

Dhanka kale maydadka askari oo katirsan maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo  ay soo tuftay badda ayaa saaka lagu arkay kudhaa.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasaya maydadka askar badan oo yaala agagaarka saldhiga Kudhaa kuwaasi oo 20 askari ku dhaw.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Somali Leaks

Al-Shabaab fighters re-take strategic Kudha island, after deadly battle

32520158

Fighters belonging to the Islamist Al-Shabaab movement have taken over the strategic island of Kudha in the Lower Jubba region this morning, after engaging in a heavy battle with forces loyal to the Jubba Interim Administration.

Heavily armed Al-Shabaab fighters commenced their attack on the island from two sides shortly after dawn, which resulted in fierce clashes lasting for about two hours, after which the militants overpowered the stationed Jubba troops present. “We awoke to the raging sound of gunfire, fearing for our lives we remained in our homes. At around 8:00 AM the fire ceased and we found out Al-Shabaab had taken over the place and were hoisting their black flag” a resident told Harar24. ”There were bodies, estimating around thirty, littering the streets. Most of them seemed to be from the Jubba forces” he added.

Kudha island, which lies around 130km south-west of the port town of Kismayo, had been taken over by JIA forces late last month after having been under Al-Shabaab control for seven years.

Al-Shabaab have been losing towns in the past months in the face of an AMISOM offensive, withdrawing most of the times without putting up much resistance, however concerns are high that counter-attacks such as today’s are more likely, especially in areas where Somali troops are left to fend on their own, who are often believed to be vulnerable without the AMISOM backing.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Maydadka Ciidamada Kenya oo Saaka Laga Dhoofiyay Kismaayo.

32482454

 

Diyaarad gaar ah garoonka Kismaayo ay ka qaaday maydadka  Askar katirsan Ciidamada Kenya kuwaasi oo shalay ku dhintay dagaallo ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Maydadka ayaa xalay lagu hayay isbitaal gaar ah oo Ciidamada Kenya ku leeyihiin Garoonka Axmed Gurey ee Dulleedka Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa shalay lakulmay mid kamid ah dagaalada qasaaraha badan ay ka dhaxleen ee ku qabsaday Dulleedka Kismaayo.

Ciidamada lalaayay ayaa kasoo baxay Kismaayo kuwaasi oo gurmad u ahaa ciidamada kaga sugan Buulo gaduud balse waxaa qabsady Dagaal iyo Qaraxyo.

Sarkaal katirsan Ciidamada Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxdooda ay u tageen Saraakiisha Kenya iyagoo kaga tacsiyeeyay geerida badan ee ku timid ciidankooda.

Alshabaabka  jubbooyinka ayaa u muuqda kuwa dhinac la dhigi la’yahay iyagoo fashiliyay duullaan Kenya iyo lajiarayaashooda ku doonayeen inay ku qabsadaan Jilib iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Warbixin Kahadleysa Hal Sano Kadib Weerarkii Westgate.

32090082

21-kii September ee sanadkii hore waxay ahayd Markii ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab  Magaalada Nairobi kafuliyeen macrikadii Westgate  oo si gaar ah mujaahidiinta ugu Beegsadeen xaruun laf-dhabar u ahayd isu Socodka ganacsiga ee wadanka Kenya.

In kabadan 100 ruux oo ay ku jiraan Muwaadiniin reergalbeed ah ayaa lagu dilay weerarkaas, halka 200 oo kalena lagu dhaawacay, Waxaana jawaab celin u ahaa Duulaankii Dowladda Kenya ay ku soo gashay dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-DIIRADA JIMCAHA- Hal sano kadib weerarkii Westgate

 

Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta lagu soo qaatay mowduuc muhim ah oo ku saabsan dhacdadii Westgate oo ay hal sano kasoo wareegatay.

https://soundcloud.com/bana-4/dhageyso-diirada-jimcaha-hal-sano-kadib-weerarkii-westgate

 

XOGTA  RADIO ALFURQAAN.

http://radioalfurqaan.com/?p=20646

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Somalia sues Kenya at top UN court over maritime border

31848150

The Hague – Somalia took its maritime border dispute with Kenya to the United Nations’ top court on Thursday, which could decide the fate of potentially lucrative oil and gas reserves off east Africa.

The dispute has been simmering for years, keeping investors away because of the lack of legal clarity over who owns potential offshore oil and gas reserves.

The internationally-backed government in Mogadishu is seeking to claw back authority over Somalia’s territorial waters, including the area bordering Kenya that is potentially rich in oil and gas deposits.

Kenya, which has had troops in southern Somalia since 2011, first as an invading force and then as part of an African Union peacekeeping force, lays claim to a triangle of water stretching for more than 100,000 square kilometres (40,000 square miles) that Mogadishu also claims.

Nairobi has already awarded exploration contracts to international firms despite the legal uncertainty.

“Somalia requests the court ‘to determine, on the basis of international law, the complete course of the single maritime boundary dividing all the maritime areas appertaining to Somalia and to Kenya in the Indian Ocean’,” the International Court of Justice (ICJ) said in a statement.

Somalia, which lies to the north of Kenya, wants the maritime border to continue along the line of the land border, to the southeast.

Kenya however wants the sea border to go in a straight line east, giving it more sea territory.

Both countries have recognised the court’s jurisdiction, the ICJ said, a prerequisite for cases there to continue.

“Diplomatic negotiations, in which their respective views have been fully exchanged, have failed to resolve this disagreement,” the ICJ quoted Somalia as saying in its application.

Kenya’s large military presence in Somalia is part of the African Union force supporting the country’s fragile government.

Cases at the Hague-based court can take years.

Established in 1945, the ICJ is the UN’s highest judicial body and the only one of five principal UN bodies not located in New York.

31761584

 

Uhuru accuses international community of isolating Kenya in fight against terror

31651986 (2)

President Uhuru Kenyatta has criticised the international community for doing little to support Kenya’s fight against terrorism. a

He said the country is increasingly feeling isolated by other nations-which he did not mention-in the fight against terror and even accused them of supporting extremists through their issuance on travel advisories.

“We do feel like the World is not doing enough to support us in confronting the challenges that we face,” Uhuru said in an interview aired by CNN yesterday.

The President was referring to the ongoing fight against Islamic extremism that has been the cause of heightened terror activity in Kenya responsible for dozens of attacks.

Al Qaeda-linked Al Shabaab has specifically been the single largest security threat for the country, to which Uhuru said his Government had ‘tremendously increased investment in the security sector’ to mitigate.

Several countries including the US have issued travel advisories asking their citizens to avoid Kenya owing to the rising terror threat.

“They do not necessarily hurt us but give encouragement to the very same people that we want to defeat,” President Kenyatta said.

He said the World rallied behind the US when it was a target and fails to understand why it should be any different for Kenya. In Somalia where Amisom forces are fighting Al Shabaab, the President said: “we need support from the international community to support the forces and the Somalia Government to reduce their area of operation.”

He defended the growing ties with China, saying Kenya is only looking for a “partner who is going to give us the best deal for growth”

Source: Standard

Weerar khasaara badan dhaliyay oo markale lagu qaaday dalka Kenya.

pizap.com14057712006281

Booliska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay weerar hor leh oo xoogag hubeysan ay ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Lamu ee xeebta saaran.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagu qaaday gudaha Kenya xilli ammaanka wadankaasi uu faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay.

Xoogag hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee deegaanka Witu, Njenga Merri oo ah taliyaha booliska ee degmada Lamu ayaa waregeyska Daily Nation u sheegay in 5 qof oo lamid ah ay yihiin booliska lagu dilay weerarka cusub ee xoogaga hubeysan ku qaadeen Witu.

“Kooxo hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee Witu durbadiiba booliska ayaa dabagal ku sameeyay kadibna 3 qof ayay toogteen 2 booliska katirsana way dileen”ayuu yiri Njenga Merri.

Bishii lasoo dhaafay Lamu waxaa ka dhacayay weeraro ay ku dhinteen inkabadan 100 qof oo Kenyan ah waxaana weeraradaasi sheegtay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya kula dagaalamaysa soo duulayaasha Kenya iyo kuwa dahsoon oo dagaalka kula jira.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerarkii Xeebaha Kenya

pizap.com14047320176561

Warar dheeraad ah oo naga soo gaaray weeraradii Xiriirka ahaa ee Xalay XSHM  ku qaadeen deegaano iyo tuulooyin ku teedsan Xeebaha Kenya ayaa ku waramaya in ay jiraan 3 Tuulo oo kale oo xalay la weeraray oo hoos yimaadda Hindi oo ku taala Laamu. sadaasina ay ku noqonayaan goobaha la weeraray xalay 5 goobood oo kala duwan.

Sidoo kale waxa aad u kordhay Khasaaraha dhimashada ee kasoo gaaray  Kenya weeraradaasi, waxayna cagacagaynayaan 50 dhimasho ah.

Weeraradan isdaba jooga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka bilaabeen gudaha Kenya ayaa jawaab u ah weerarkii Kenya ay kusoo gashay gayiga Soomaaliyeed  gaar ahaan Jubooyinka iyo magaalooyin ka mid Gedo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Twitt

Magaalooyinka Dalkeena iyo Sida loo Qeybsaday

31352511
1-Doolow,Beledxaawo,Luuq,Garbahaareey,Buurdhuubo,Baardheere,Xudur, Waajid, Buurhakaba, Ceelbuur, Beledweyne, Buuloberde , Matabaan , Guriceel,Dhuusomareeb iyo Mudug waxaa qabsaday Itoobiya.

2-Xamar, Jowhar ,Balcad ,iyo Shabeelada hoose waxaa qabsaday Ugandheys iyo Burundheys.

3-Jubada hoose iyo qeybo kamid ah gedo sida Ceelwaaq,Ceel cadde ,Fafaxdhuun iyo Badhaadhe waxaa qabsaday Kenyaati.

Way dhici kartaa inaad adigu aaminsan tahay in dowladda dhexe loo qabtay oo nala saacidaayo, laakiin aniga shaqsiyan waxaan aamin sanahay in nagala qabsaday maxaa yeelay haddii dowladda loo qabtay waxaa kajiri lahaa maamul canshuuro qaada iyo shacab dowladooda ku kalsoon.

MEEQA JANARAAL AYEEY SOOMAALIYA LEEDAHAY OO MAANTA NOOL? WAA MEEQA CIIDAMADA SHISHEEYE EE DALKEENA KUSUGAN GUUD AHAAN? GOORMAY NAGA BAXAAYAAN??


10525858_310088405824698_4721240915783656958_nQore-Rajo iyo Ogaal-Somalia.

VIDEO:- Diyaarad KHAAT usoo Wadday Muqdisho oo Garoonka Diyaaradaha Nairobi ku Burburtay.

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in diyaarad khaad usoo wadday dalka Soomaaliya in Saaka ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Diyaaradda ayaa ku dhacday dhismo kuyaal garoonka waxaana markaasi kadib goobta ka kacay dab kaasi oo sababay in ay burburto diyaaradda.

Afar ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro kale ay dhaawacyo kasoo gaareen sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliiska dalka Kenya Benson Kibui oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa A Fokke 50 in dab ka kacay gudaheeda uu sababay burburka isagoona xusay in burburka diyaaradda ay ku nafwaayeen ilaa Afar ruux oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa Diyaaradda.

Majiro wali wax war ah oo intaasi dhaafsiisan balse waxaa suuragal ah in uu khasaaraha intaasi kasii bato maadaama diyaaraddaani Saaka ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ay dhalisay burbur iyo khasaare baaxad leh.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

KENYA oo Sanad kasta 13,000 Carruur ah ay la Dhashaan Cudurka HIV!.

Image

Wasaaradda Caafimaadka ee Wadanka Kenya ayaa baahisay War nacdin galiyay Muwaadiniinta Kenya ee dadka dalxiiska ujooga Dalkaasi.

 

Warbixinta Ayaa Lagu Sheegay in 13,000 carruur ah Sanad kasta ay la  dhashaan HIV  Taasi oo macnaheedu uu yahay  in Maalin kasta ay dhashaan 35 carruur oo ah  dhallaan qaba HIV.

 

Xoghayaha Wasaarada  Caafimaadka Kenya James Macharia ayaa sheegay in tirakoobka lasoo saaray ay yihiin kuwa werwer leh islamarkaana loo baahanyahay in xal laga gaaro oo isbadal lala yimaado.

 

“Arrintaan lama aqbali karo’ waana in isbadal lala yimaado waayo Waxaa loo baahan yahay in la  xaqiijiyo daryeelka hooyada iyo wacyigalinta Dhalinyarada maxaa yeelay Tani waxay tirtiraysaa hooyadu inay gudbiso ilmaheeda  HIV iyo in la yareeyo dhimashada hooyada iyo ilmaha,” ayuu yiri James.
Dalka Soomaali waxaa ku sugan Ciidamo kasocda Dowlado badan oo ay kamid yihiin Kenya iyo Ugandha  kuwaasi oo in  badan oo iyaga kamid ah ay la ildaranyihiin Cuduro uu kamid yahay Eedhiska.

 

Sheekadaan Waxa ay ka qoreen Warbaahinta Kenya Linkiga Hoose Ka Aqriso.

http://www.the-star.co.ke/news/article-170420/13000-babies-born-hiv-each-year

KENYA-In kabadan 750 qof oo ka shaqeyn jiray Dalxiiska ayaa shaqada laga eryay.

30999200

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in hoos u dhac ballaaran uu ku yimid dalxiiska wadankaasi tan iyo wixii ka dambeeyay markii weeraradu joogta ku noqdeen gudaha Kenya.

Mas’uul katirsan dowladda Kenya ayaa wakaaladda Wararka AP u sheegay in lacago malaayiin  dollar ah ku waayeen weerarada joogtada ah ee xoogaga hubeysan ka wadaan Kenya.

Agaasimaha laamaha socdaalka Kenya ayaa isna sheegay in hoos udhac aan horay loo arag uu ku yimid dadka reer galbeedka ee usoo tamashla tegi jiray Kenya.

Inkabadan 750 qof oo ka shaqeyn jiray hoteellada iyo baraagadaha lagu dabaasho ayaa shaqala laga eryay,wasaaradda dalxiiska Kenya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin khasaaraha kasoo gaaray  ammaan darada.

Dowladaha Ingiriiska,Australia,Mareykanka iyo Faransiiska ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usafraan Kenya waxaana magaalada Mombaasa ee xeebta dhacda laga daadgureeyay boqolaal dalxiisayaal ah oo ingiriiska udhashay.

Ciidanka Kenya ayaa soomaaliya kusoo duulay sanaddii 2011 wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay xoogag muslimiin ah oo latacaadufay muslimiinta soomaaliya weeraro ku qaadayeen magaalooyinka waaweyn ee Kenya iyadoona xarakada Al Shabaab ay marmarka qaar sheeganaysay mas’uuliyadda weeraro Kenya ka dhacay sida Weeraradii Westgate iyo Mandheera.

Liibaan Jeexoow Cabdi