DHAGEYSO:-Aqoonyahan Max’ed Xassan “Ciidanka Dowlada Federaalka ah Hoonkoodu Waa Xabad”

33758338

Argagax iyo cabsi xad dhaaf ah ayaa haysata ciidamada dowladda federaalka ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho. kolka ay koontaroolada ku baarayaan gaadiidka dad weynaha waxay ka baqayan gaariga iyo qofka wataba sida uu sheegayo aqoonyahan Maxamed Xassan oo Muqdisho jooga.

Wuxuu sheegayaa in aqoon darro balaaran sidoo kale haysato oo ay qalabka dadku wataan u qaataan in ay wax yaabo qarxa yihiin. Wuxuu intaas ku daray markii gawaarida ciidamadu wataan ay jidadka marayaan in aanay Hoon yeerin ee ay xabado badan furaan si jidka looga kala cararo kadibna asigoo banaan ay u maraan. sababtaas ayuu ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in halkaas loogu gambado dabadeedna wax qarxa lala eegto.

Halkan Ka Dhageyso Aqoon yahan maxamed xasan.lite

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

MARKA AY NOOL YIHIIN WAA CIIDAMMO MARKII LA LAAYANA WAA SHACAB!!!

بسم الله الرحمن الرحيم 

  وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياءوالمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

33011068

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Cabdullaahi Maxamed Xirsi, looguna yeeri jiray Salaan Carrabey ayaa gabay uu tiriyey qarnigii hore waxa mirihiisa kamid ahaa:

Xeerbeegti murantaa gartay, xeelli hadashaaye,

Afku wuxuu la xoog yhahy magliga xawda kaa jara’e

Xaasha’e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaabe.

Tuducyan yar oo muujinaysa in hadal aan macno ku fadhiyin, beenna u badan uusan ninka ragga ah waxba yeeli karin, in la xasdo mooyee. Gabaygan iyo cinwaanka maqaalkaba waxa aan u soo qaatay, caqli xumo iyo been-been dhaaftay oo afkooda laga kari waayey qolada dawladda sheegata, Taankiga calooshood u shaqaystayaashana saaran, sida geed geed kale ka baxay ama geed saar oo kale ah. Qoladaasi waa qolo caadeysatay been aan, runtii, ahayn mid maskax iyo xirfad ku dhisan. Beentaasi waxa ay gaadhay in ay inkiraan ciidammadooda marka laga laayo, ama goobaha ay saldhigyada ka dhigtaan la weeraro. Waa kuwo ku hadaaqa, marka dhib gaaro in ay yiraahdaan waxa la laayey waa dad shacab ah, iyada oo cid waliba og tahay in meelaha ay qurunka iyo xaaraanta ku haystaan aan shacab imaan karin, soona haweysan karin.

Sida la wada ogsoon yahayba rugaha ama goobaha ciidammadu ma aha mid dad rayid ah loo oggol yahay ama ay suuurtagal tahay in ay galaan, mana jirto wax dan ah oo ay ka raadsanayaan, dadkuna waa og yihiin meelaahasi in ay yihiin meelo yool ah, weerarna saaran yahay saacad walba.

Beenaha ay sheegaan waxa kamid ah:-

1.waxa weerar lagu qaaday xarunta ciidammada amniga ama nabadsugidda, waxa uuna ahaa mid fashilmay, waxaana ku waxyeeloobay, dhawr qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay laba ama hal askari. Dadka shacabka ah ee geeriyooday waxa ku jiray Islaan shaah meesha ku gadanaysay iyo laba islaamood oo ahaa dadka tuugsada(baryootama).

2.Wararka beenta ah oo ay fidiyaan waxa kale oo kamid ah, qolada nabad-diidka ayaa weeraray xarumaha ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaana ku waxyeeloobay dad shacab ah oo baaris caafimaad u joogay Isbitaalka ciidammada nabad ilaalintu gacanta ku hayaan.

3.Qof naftiisa halaagaya ayaa weerar ku soo qaaday ciidammada qaranka oo socdaal ku jiray, iyaga oo ammaanka sugaya, waxaana soo dhex galay gaari laga soo buuxshay waxyaalaha qarxa, waxa uuna ahaa mid ay fashiliyeen ciidammadu, waxaana ku waxyeeloobay gaari rakaab ah oo dad shacab ahi saarnaayeen, waxaana ku dhintay tiro dhawr shacab ah, waxaana dhaawac ka soo gaaray laba askari oo ciidammada amniga ka tirsan.

4.Waxa weerar lagu qaaday xaruntii Xalane ee ay fadhiyeeyn ciidammada dalka Gumeysiga ku haya, waxa ay weriyeen in ay ku dhinteen dad shacab ah, iyada oo la ogyahay in aan xerada Xalane shacab iyo kuwa dawladda sheeganayaa midna geli karin in dan laga leeyahay, oo meesha la geeyo mooyee.

Haddaba su’aasha la is-weydiin karaa waxa ay tahay marka ciidammadoodu nool yihiin ma ciidanbaa, markii la laayanna ma dad rayid ah baa?

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa dhawr maahmaahood oo ku saabsan beenta iyo sida beenlowgu mar walba u fashilmo, xataa haddii uu yahay mid xeelada iyo farsamoba badan. Soomaalidu waxa ya ku maahmaahdaa ”Beenloowoow xusuustaadu ha badnaato”, waayo haddii aad been badan tahay, ilowshiinyona ku darsato waxa laga yaabaa in aad adigu is beeniso, sidaa darteed beentii aad sheegtay ahow mid xusuusta.Waxa kale oo Soomaalidu tiraahda ”Been sheegoo, been run u ’eg sheeg”.

Arriimaha kale ee dhegaha dadka kusoo dhaca waxa kamid ah, haddii la weeraro kuwa Soomaaliga ku hadla ee darbiga u ah calooshood u shaqaystayaasha iyo calooshood u shaqaystaashaba, waxna laga laayo, waxa markiiba soo boodaya mid af-Soomaali ku hadlaya isaga oo beeninaya in wax laga laayey kuwa gumeysiga ah, wuxuuna sheegaa in kuwa Soomaalida ah dhawr laga dilay ama laga dhaawacay, laakiin uu geerida kala leexanayo kuwa uu darbiga u yahay ee dalka ku soo duulay.

Laba nin oo Soomaali ah, beenna lagu xanto ayaa mid kamid ahi kii kale ku yiri:- “been sheeg aan run u’ ekeysiiyee ama been aan sheego oo run u’ ekeysii”. Kii kale ayaa yiri been ayaan sheegayaaye run u’ ekeysii adigu. Mid kamid ah raggii ayaa soo booday oo yiri:- “nin ayaa inta uu qori qaatay Sakaaro ama Sagaaro, ninba sida uu u yaqaan, addinka dambe iyo dheg xabbad wada qabadsiiyey”. Markii uu intaas yiri, ayaa dadkii dhegeysanayey waxa ay ku jawaabeen “war beenta nagadaa addinka dambe iyo dhegta Sagaaradu isma soo gaari karaan, ninna xabbad kuma wada dhufan karee”. Kii dambe ee lagu ballamay in uu beenta run ka dhigo ayaa soo booday oo yiri:- “oo billaa xoqnaysay”, waayo Ariga iyo Sagaaraduba raafka dambe ayey ku xoqdaan, sidaa darteed waa suuragal in iyada oo xoqanaysa dhegta ay xabbadda la kulanto.

Haddaba waxa aad loola yaabo weeye in been intaa le’eg nidaam laga dhigto, dad badanina run moodaan, oo sida carruurtii la hadaaqaan, haddii aan qofku Alle(swt) ka xishoon waayana cid kale oo uu ka xishoonayaa ma jirto. Hadda iyo dan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed afka ha ku laynina marka idinka iyo gumeystaha aad la joogtaanba la laayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu-Cabduraxmaan)

DHAGEYSO WAREYSIGA:Madoobe Nuunow “Baydhabo islama joogi doonno innaga iyo Shariif Xasan”

32606037

Madoobe Nuunow oo hogaamiye u ah Garab kamid ah  maamulo iska soo horjeeda ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Shariif  Xasan Sheekh Aadan.

isagoo Baydhabo ku sugan ayuu wareysi uu siiyay idaacadda Alfurqaan ku sheegay Madoobe Nuunow in sharci daro ay ahayd doorashada iyo in maamul dhisan laga hoos dhiso maamul kale.

Wuxuu sheegay in isagu yahay madaxweyne sharci ah oo ay doorteen dadka.

Madoobe Nuunow ayaa sheegay in Baydhabo aysan isla joogi doonin iyaga iyo qolyaha Shariif  Xasan.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO -RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Joojinta Buuqa Xildhibaanada u Adeegsanaya AMISOM iyo Ciidanka Nabad Sugidda.

32588913

Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka carooday habdhaqanka ay lasoo bexeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdi Wali Sheekh kuwaasi oo fashiliyay qorshe lagu eryi rabay Wasiirka koowaad.

Xildhibaanada taabacsan Cabdi Wali Sheekh ayaa shalay markii 2-aad ku guuleystay in ay dib udhigaan soo bandhigista mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ee gacanta guddoomiyaha baarlamaanka kujira.

Xasan Gurguurte oo xalay shirar kala gooni gooni ah laqaatay saraakiisha ciidanka Nabad sugidda ayaa kala hadlay sida ugu macquulsan ee lagu joojin karo fowdada ay ku dhaqaaqayaan xildhibaanada Cabdi Wali Sheekh taabacsan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan uu damacsanyahay adeegsiga ciidanka Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM kuwaasi oo si hoose lacag uga qaatay xafiiskiisa.

Taliyaha ciidanka Uganda ee Muqdisho ku sugan ayaa xalka gaarista mashaakilaadka ka taagan fadhiyada baarlamaanka kala hadlay N.Kay oo ah xaakimka gumeystaha uqaabilsan Soomaaliya waxayna ubadantahay in AMISOM loo diido faragelinta khilaafka madaxda DF-ka ka dhaxtaagan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu lasafanyahay dhanka R/wasaaraha islamarkaana uu ka meer meerayo in kulanka baarlamaanka sidii larabay uqabsoomo.

Waqtiga ayaa guraya Xasan Gurguurte oo ku taamayay in inta aan lagaarin maalinta arbacada uu soo afjaro R/wasaaranimada Cabdi Wali sheikh si shirka Denmark ka dhici doono uu uga qeyb galo.

32588913 (1)

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

Ganacsigii Suuqa Bakaaro oo Xiran iyo Dibad baxyo xoogan oo hada socda,kadib Lacago Baad ah oo DF dul dhigay.

31803703

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay dibad baxyo ay uga cabanayaan khal khal dhanka ammaanka ah oo maalmihii lasoo dhaafay uga imaanayay maleeshiyaadka dowladda Xasan Sheekh.

Kumanaan kamid ah ganacsatada danyarta ah ayaa isugusoo baxay waddooyinka Suuqa waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah DF-ka.

Suuqa qeybaha dharka,Kabaha,Badarka iyo waratada ayaa ah meesha ugu daran ee dibad baxyadu ka dhaceen waxaana la arkayay ganacsatada oo banaanka ka taagan goobahooda ganacsiga.

Maleeshiyaad  katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa suuqa dhax wareegayay iyagoo ganacsatada ku amrayay in ay bixiyaan lacago canshuur lagu sheegay balse ganacsatadu ku micneeyeen “Baad shaati dowladeed loo geliyay”.

Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa ayaa caan ku ah dhibaataynta shacabka waxaana xusid mudan iyo waddooyinka muhiimka ah ee gudaha Muqdisho iyo kuwa ka baxa ay isbaarooyin u daadsanyihiin ciidanka DF-ka.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Taliyaha Cusub ee Booliska Muqdisho waa Dambiile Baxsad ah!!.

31414742

Kadib weerarkii ka dhacay xarunta Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya waxa ay dowladda Federaalka isbedal ku sameeysay saraakiisha ciidamadeeda iyadoona xilalkii ka qaaday Taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, iyadoona badelkooda magacaawday Taliyaal cusub!.

 Taliyaha Cusub ee ciidamada Booliska DF ayaa waxaa loo magacaabay Dagaal ooge hore oo lagu magacaabo General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasi oo xilkaasi looga qaaday Taliyihii hore ee ciidamada Booliska General Saacid.

 Hadaba Taliyaha Cusub durbadiiba waxaa kusoo baxday fadeexad cusub iyadoona xog la helay ay tilmaameyo in dowladda Kanada si weyn u doon dooneyso Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasi oo ay ku eedeysay in uu galay dambiyo dagaal oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha!.

 Dad uu xadgudubyo kala duwan u geystay xilligii ay jirtay dowladda  dhexe ee Soomaaliya oo hogaanka u ahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa ay ka dacweeyeen Maxkamad ku taal magaalada Toronto ee dalkaasi Kanada iyadoona sidoo kale lagu helay dambiyo la xiriira in uu si bareer ah u amray in la dilo dad shacab ah oo aan waxba galabsan balse kasoo horjeeday xukunkii Melleteri ee dowladdii Siyaad Barre.

 General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa xilligii ay jirtay dowladdii dhexe waxa uu ahaa Madaxa Dambi Baarista ee gobolka Banaadir, isagoona markaasi galay dambiyo ku saleysan isir fuquuq, awood ku muquunin iyo waliba dambiyo ka dhan bani’aadamnimada sida lagu xusay Documents-yo la helay oo muujinaya in Taliyaha Cusub ee DF uu yahay dambiile baxsad ah.

 Taliyaha Cusub ayaa sidoo kale waxaa looga yaqaanaa dalka Kanada magaca ah Maxamed Xasan Faarax waxaana uu kasoo baxsaday halkaani xilli ay baadi goob ugu jirto dowladda Canada.

 Sidoo kale waxaa kamid ah dambiyada uu ku eedeysan yahay iibinta dad kasoo horjeeday dowladda Siyaad Barre, dhac hantiyeed iyo Kufsi lagula dhaqaaqay Dumar la qasbay, waxaana dhamaan dambiyaadaasi oo Canada u aragtay kuwa ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ay amartay in lasoo xiro General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

  HOOS KA  AQRI

http://www.sunnewsnetwork.ca/sunnews/canada/archives/2011/07/20110720-230128.html

Faaruuq Hassan–Toronto Canada

somnews@hotmail.com

 

DHAGEYSO-WARBIXIN XIISO LEH:- Qowleysatada Qalinka iyo Qoriga ee Muqdisho.

Image

Dadka Muqdisho ayaa lagu dhacaa qori iyo qalin intaba,maalin walbana waxaa laga qaataa kumanaan doolar.

 Muqdisho waa Seyladda ugu weyn ee dadka inta xeryo lagu shubo qofka inta uu gooyo lagu iibsanayo.

 Ehelada dulmanaha ayaa dib u gadanaya si  aanuu xabisga ugu waarin ama aan dembi been abuur ah dusha loogu saarin.

 Warbixinta  ayaa ka hadlaysa  Cadaalad Darada kajirta Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Xigasho : Radio Al-Furqan.

t_770570004pizapw1403735059

Voice Of Somalia-Banaadir Post

QISO CAJIIB AH:-Laba nin oo HABARGIDIR iyo BIYOMAAL u kala Dhashay oo Gaari isla soo raacay.

Image

Waxay ahayd sheeko i  cajab galisay islamarkaana uu iiga sheekeeyay Nin Muqdisho kasoo raacay Gaari BL-ah kaasi oo hadafkiisu ahaa inuu rakaabka ku dajiyo Buulomareer oo ay maamulaan Shabaabul Mujaahidiin.

Gaariga ayaa kasoo baxay Suuqa Bakaaro waxaana isla saarnaa Laba Nin oo u kala dhashay Beelaha Habar Gidir iyo Maal.

Labadoodaba wey is yaqaanaan balse waxaa jira cabsi kubeerantay marka gaariga la isku dhex arkay.

Labadoodaba wax colaad uma dhaxeyso balse waxaa saameyn ku yeeshay maleeshiyaad ku abtirsada beelaha ay kasoo jeedaan oo kudagaalamaya Shalaanbood.Marko iyo Number 50 ee Shabeelaha hoose.

Labada Nin ayaa gaariga isku wareystay waxayna kuwada heshiiyeen inay isbadbaadiyeen hadii ay u gacan galaan Maleeshiyaadka dagaalamaya.

Labada Nin ayaa ku balamay inay is furtaan hadii ay u gacan galaan Maleeshiyaadka dagaalamaya ee kawada tirsan Habar gidir iyo Biyomaal kuwaasi oo bilaabay inay gawaarida iyo guryaha kala dagaan dadka beelahaasu unasab sheegta.

Ilaah ayaa ku mahadsan sadex saac oo cabsi iyo qalqal gaariga lagu saarnaa waxaa si nabad labada nin usoo gaareen Buulomareer kuwaasi oo iyagoo faraxsan isku soo booday iskuna dhunkaday Buulomareer.

Sheekadaan ayaa ii muujisay amniga lagu helay shareecada islaamka ee mujaahidiinta ka hirgaliyaan goobaha ay ka joogaan Gobalka Shabeelaha Hoose oo Habar gidir iyo Biyo maal ay walaallo kuyihiin halka goobaha shisheeyuhu gobalka ka joogaan ay ku dhexmarayso dagaallo saameyn fog ku yeeshay dadka beelahaasi kasoo jeeda.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Dagaal Beeleedka ka Socda Shabeelada hoose iyo Sheekh Naxar oo ka Hadlay.

Image

Dagaal beeleed ayaa wali ka socda dhulka ay Sh/hoose ka joogaan ciidamada shisheeye iyo DF iyadoo wadooyinka qaar lagu arkayo meydadka dad aan waxba galabsan oo u dhintay reer hebal darti.

Dagaal xooggan ayaa saaka aroortii ka dhacay magaalada Marko halkaasoo ay la wareegeen mid kamid ah garabyadii dagaalamayay.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda ayaa colaada xoogeeda hurinaya kuwaasoo labada dhinacba ka kala tirsan, ciidamada shisheeyana sheeda ayey ka daawanayaan.

Dhulkan lagu dagaalamayo wuxuu ahaa amni markii lagu maamulayay shareecada islaamka, laakin markii ay dowladda iyo ciidamada shisheeye yimaadeen xaalku sidan ayuu noqday.

Sheekh Maxamad Macallim Naxar oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa si kulul uga hadlay colaada noocan ah oo dib usoo cusboonaatay, taasoo uu ku eedeeyay ciidamada shisheeye.

Sheekha ayaa sheegay in dagaaladan ay yihiin mirihii ka dhashay dimuqraadiyadda ay Kaaraha ku keeneen reer galbeedka iyo shaqaalohooda afrikaanta ah.

Sheekhu wuxuu sheegay in dhammaan dhulka ay ka taliyaan shisheeyaha uu fasaadkan ka taagan yahay, waxayse xaaladdu kasii dari lahayd buu yiri’ haddii dalka oo dhan ay qabsan lahaayeen.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Sh/dhexe kusoo af-jartay colaad muddo todobo sannadood ah u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah kuwaasoo ku heshiiyay kitaabka Allaah.

WAREYSIGA WAXAA QAADAY- RADIOALFURQAAN.COM

VIDEO:-AMISOM involved in training clan based militias in Somalia

30855487

https://voiceofsomalia.net/2014/05/13/video-amisom-involved-in-training-clan-based-militias-in-somalia/

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Wasiirka G/dhigga oo Sheegay in Askar iyo Saraakiil Dowlada ka tirsan ay Dibadda u baxsadaan marka tababar loodiro.

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga DF-ka ayaa markale xaqiijisay in askar iyo saraakiil badan ay iska dhiibaan wadamada dibada marka tababarro loogu qaado.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa xildhibaanada baarlamaanka ka hor sheegay in tababar ay saraakiil ugu diri lahaayeen dalalka Yurub ay joojiyeen sababa laxariira cabsi ay ka qabaan in saraakiishaasi isku dhiibaan wadamada Yurub iyagoo ka baxsanaya shaqada loo diray.

DF-ka ayaa gacanta ku heysa kumanaan maleeshiyaad mooryaan ah kuwaasi oo lacago baad ah ka qaada gaadiidka dadweynaha,maleeshiyaadkaasi malahan heybad ciidan marka laga reebo in shisheeyaha soo duulay ay ku wehliyaan duullaanada lagu qaado degmooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice  Of Somalia-Banaadir Post

Afhayeenkii Booliska Max’med Cumar Madaale oo jagadii laga qaaday iyo Khilaaf soo kala Dhaxgalay Taliyaasha Booliska iyo Melleteriga ee Villa Somalia

Image

Afhayeenkii boolis Max’med Cumar Madaale ayaa xilkii uu hayay laga qaaday waxaana lagu bedelay sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka Melleteriga DF-ka.

Taliyaasha ciidamada booliska iyo melleteriga ayaa la sheegayaa in loolan xoogan uu ka dhaxeeyo,Col.Saacid oo ah taliyaha booliska ayaa si weyn ugasoo horjeestay magacaabista afhayeenka cusub ee booliska.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ururka Damul Jadiid uu ku lug yeeshay arrimaha ciidanka DF-ka,xisbiga Xassan Sheekh ayaa si tartiib tartiib ah ugu xidideysanaya DF-ka qeybaheeda kala duwan isagoona horay ukala jebiyay golaha wasiirada iyo xildhibaanada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Mogadishu residents denied the right to protest against Kenya’s treatment of Somalis

Image

For the past three days police and security forces in the Somali capital have been dispersing the masses of people who have been attempting to gather in protest of the inhumane treatment of Somalis held in Kasarani Stadium and other facilities.

 

Demonstrations have been held in many Western countries, especially in the United Kingdom outside the Kenyan embassy where Somalis gather in support of those detained at Kasarani and protesting against the discriminative treatment Somalis, including women, children and elderly.

 

However, many would expect that the most outrageous and angriest reaction would come from Somalia, however protesters have been prevented from protesting against the treatment of Somalis due to what the interior ministry described and deemed as a “security risk”.

 

Many of the Somali public have been angered by this hindrance, Halimo Yusuf who was one of the protesters said: “We went to the minister of interior affairs and the local police to receive permission to demonstrate, however our request was rejected by what they claim to be “security risks”.

 

Maryam Abdullahi another protester spoke to Harar24 about her anger regarding the hindering of protesting against the treatment of those kept in Kasarani stadium. “I am very saddened and angered by the government’s reaction, they haven’t done anything for those poor people kept there, and when the public wish to voice their anger regarding the issue they attempt to silence them” said Maryam who’s sentiments are echoed by many other Somalis. “I can only call it double standards, whenever the government sees something in their interest they rally the people to demonstrate, however when it’s against their interest they silence them” added Maryam who accused the government of trying to preserve their ties with Kenya at the stake of the public interest.

 

Human rights activists in Mogadishu have expressed their concern over this policy of preventing from their freedom of expression and attempts to silence the public, while adding that the new administration of Mogadishu led by mayor Mungab are starting off their administration in way that violates the rights of the public.

http://harar24.com/?p=12778

DHAGEYSO:-Amiin Maxamed ”Wax La yiraahdo Ciidan Xoog ma dhisna waa Mooryaan la isku Keenay”

Image

Xili shalay ay ku beegnayd aas aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo kasoo wareegatay 54 sanno ayaa aqooyahan wuxuu ka hadlay farqigii udhaxeeyay ciidankii Hore iyo kuwa Hadda ushaqeeya Dowladda Xasan Sheekh.

Habka dhaqanka,Tababarka,Wadaniyada ayuu sheegay inay ku kala duwan yihiin Ciidankii hore iyo kuwa Hadda Jira.

Wuxuu Tilmaamay in Ciidanka hadda shaqeeya lagu carbiyo in cadowgooda kaliya yahay shabaab islamarkaana walaalo ay uyihiin ciidamada shisheeyaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in ciidanka hadda jira Fikir dagaal iyo ra’yi aysan umadax banaaneyn oo aanan ciidan lagu tilmaami karin.

Ciidamadii Hore ayuu sheegay inay tababari jireen saraakiisha Ciidanka Soomaaliya laakin kuwa hadda laga war helo oo kaliya iyagoo diyaarad lago keenay oo wadamo kale lagu soo tababarayo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO SAWIRADA:-Soomaali laga soo tarxiilay Kenya oo Muqdisho la keenay.

Image

Ku dhawaad boqol ruux oo Soomaali ah oo laga soo musaafuriyay dalka Kenya ayaa la keenay magaalada Muqdisho.

Diyaarad gaar ah ayaa lagu soo daabulay 80 ruux oo Soomaali ah oo Dowladda Kenya ay sheegtay inay qeyb ka yihiin kumanaan Soomaali ah oo dalkeeda sharci darro ku joogay.

Dowladda Kenya waxay sidoo kale sheegtay in maalmaha soo socda ay sii wadi doonto inay dalkeeda kasoo musaafuriso Soomaalida dalkeeda sharci la;aanta ku jooga, waxaana Soomaalida maanta lasoo tarxiilay ay qeyb ka yihiin Kumanaan ruux oo Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay lagu qab qabtay magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya.

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq21.jpg

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq22.jpg

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq24.jpg

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq25.jpg

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq26.jpg

https://i0.wp.com/amiirnuur.com/Audioimage/image/muqq27.jpg

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Falanqeyn Ku Aadan sababta Xasan Sheekh uu kaga Duulay Nairobi isagoo aanan Booqan Soomaalida Lagu Xiray Kenya.

Image

Cabdullaahi Cali Xagalay oo ah Aqooyahan ku sugan Dalka Norwey Mudana ku noolaa Wadanka Kenya ayaa ka sheekeeyay hab dhaqanka Dowladda Kenya iyo dadkooda.

Wuxuu sheegay in Soomaalida Kenyaanku ay kula dhaqmaan Falal wuxuushnimo ah oo an laga sheekeyn karin.

wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in Xasan Sheekh oo Ku sugan Wadanka Kenya in Soomaalida lagu ihaaneysto oo marnaba uusan soo hadal qadin dhibaatada Kenya ku heyso umadda Soomaaliyeed.

Abul Xafsa Harari oo isna ka qeybgalay Falanqeynta Looga Hadlay xaalada Soomaalida ku heysata Kenya ayaa sheegay in Xasan Sheekh in Horay uusan unixin dhibaatada heysata dadka Muqdisho haatana looga fadhin inuu udamqado Soomaalida Kenya ku ildaran.

Cabdullahi Cali Xagaley ayaa soo hadal qaaday wadaadadii Soomaalida Kenya ku booriyay in dhiig loo shubo Kenyaatigii ku waxyeeloobay weerarkii Westagate in xiligaan aysan marnaba soo hadal qaadin tacadiyada lagu hayo Dadka Soomaaliya ee la isugu geeyay garoonka Nairobi ku yaala.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Cabdi Nuurre Siyaad: “Xassan Sheekh waa maqaar Saar, Dalkana Itoobiya ayuu gacanta u wada gali rabaa”.

Image

Siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad ayaa  sheegay in dalka Soomaaliya uu khatar ugu jiro inuu gacanta u wada gali Xabashida Itoobiya.

Ujeedooyinka ay dalka ka damacsan tahay Xabashida ayuu wax badan ka tilmaamay Cabdi Nuurre, isagoo xusay in dowladda Xassan Sheekh tahay midida uu gumeystuhu u isticmaalayo gawraca ummadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu soo hadal qaaday shisheeyaha kale ee ay Kenya ka mid tahay iyo damaceeda ku aadan dalka Soomaaliya, wuxuuna uumada Soomaaliyeed dareensiiyay in la doonayo in dalkooda la qabsado lana gaaleysiiyo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post