DHAGEYSO:-Dowladda Federalka oo naxsan “Amisom Waxay Ka Bixi Rabaan Degmooyin Kale”

33599771

Dowladda federalka oo si aad ah uga naxsan tallaabadii ay ciidamada shisheeye uga bexeen qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijisay iney jiraan dhul hor oo ay Amisom dooneyso iney ka baxddo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo degaan ahaan ku ab-tirsada gobolka Sh/hoose kana gaabsaday in la adeegsado magacooda ayaa inoo sheegay in ciidamada shisheeye go’aansadeen iney ka baxaan gobolka.

Mid kamid ah xildhibaanada ayaa yiri’ “labadii bilood ee lasoo dhaafayba waxay Amisom ku mashquulsanaayeen istaraatiijiyadda ay uga bixilahaayeen Sh/hoose, haddana waxay billaabeen in u baxaan qaabkii ay u qorsheysteen”.

Sidoo kale gudoomiyaha Sh/hoose ee dowladda Cabdul-qaadir Maxamad Nuur “Siidii” oo u waramay warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay iney ka xun yihiin tallaabada ay ciidamada shisheeye uga bexeen Bariire iyo Aw-dheegle, isagoo ku calaacalay iney xeero iyo fandhaal kala dheceen.

Illaa iyo hadda lama oga duruufaha ciidamada shisheeye ku khasbay iney bixitaan billaabaan, laakin waxay u badan tahay dhiig baxa ku socda iyo arimo siyaasadeen oo isku biirsaday.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:- Gaadiidleyda Shabeelaha Hoose oo ka cabanaya Isbaarooyin.

32597253

Isbaarooyin badan ayay maleeshiyaadka Dowladda soo dhigteen qeybo kamid ah shabeelaha Hoose.

Gaadiidlayda xamuulka ee ka shaqeeya Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in lacag malaayiin ah ay kaga baxdo isbaarooyinkaasi.

Darawal kaxeeya gaari uu leeyahay ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay  isbaarooyinka iyo lacagta looga qaado.

Dowladda ayaa ku celcelisay inay qaaday isbaarooyin yiilay shabeelaha hoose balse taasi waxay noqotay mid aanan sii shaqeyn oo isbaarooyinkii dib ayaa loo soo dhigtay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Abuu Cabdala”Dagaal Beeleedyada ka Socda Shabeelaha hoose waa Dimuqraadiyadii ay Wadeen AMISOM”

Image

Maamulka islaamiga ah Shabeelaha Hoose ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedyo kasocda degmooyin  katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo Wareysi gaar ah siiyay idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay Dagaallo Culus oo Ciidamo beeleedyo  ku dhexmaraya Magaalooyinka Marko,Janaale iyo Shalaanbood kuwaasi oo saameeyay dadka ku abtirsada Maleeshiyaadka dagaalamay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay dagaalada socda in dadku ay soo xasuusiyeen xiligii hogaamiye kooxeedyada  marka loo eego hab dhaqanka dadka dagaalamaya oo bilaabay in maatida ay laayaan oo gawaarida iyo guryaha kala baxaan.

Wuxuu sheegay in Shisheeyaha Amisom ay hubeynayaan qabiilada dagaalamaya iyadoo waliba Xerooyin ay kuleeyihiin goobaha Maleeshiyaadka ay ku dagaalamayaan.
“Dagaal Beeleedyada Ka Socda Marko,Janaale iyo Shalaanbood Waa Dimuqraadiyadii ay Wadeen Amisom”ayuu raaciyay hadalkiisa Abuu Cabdala.
Waaliga Shabeelaha Hoose Abuu Cabdala ayaa sidoo kale kawareysanay waxbarasho diini oo si xowli kaga socota goobaha Gobalka Mujaahidiintu ay ka joogaan.

HOOS KA DHAGEYSO

ISHA MAQALKA ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

MUUQAALO & MAQAL:-Maamulka Islaamiga ah Shabeelaha Hoose oo soo Bandhigay Dad Cudurada Dhimirka qabay oo Laga Daweeyay

Image

Munaasabad Balaaran oo lagu soo bandhigayay dad qabay Cudurka Dhimirka oo Mujaahidiinta Alshabaab daweynayeen Muddo 8 bil ah ayaa ka dhacday Degmada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

 

Maamulka islaamiga ah ee Shabeelaha Hoose ayaa xareeyay dadka qaba Cudurka Dhimirka ee ku dhibaateysnaa degmooyinka Buula mareer,Qoryooley iyo Baraawe.

 

Sadax qof oo kamid ah bukaanada ayaa xaaladooda caafimaad lala tacaalay kuwaasi oo haatan la sheegay in muddo kadib la fasaxayo iyagoo loo sameynayo shaqo abuuris.

 

Sheekh Cabdullaahi Raabi oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa hadal ka jeediyay Munaasabada.

 

Dhagayso Kalimada Sheekh Cabdullaahi Raabi

Sidoo kale goobta Munaasabada waxaynu ku wareysanay qaar kamid ah bukaanada cudurka dhimirka laga daweeyay.

 

Dhagayso Bukaanada Laga daweeyay Cudurka Dhimirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

somalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.net

somalimemo.net

Bukaanada Wali Xanuunka Dhimirka uu Hayo

somalimemo.net

Sadexda Ruux oo Caafimaadkoodu Hagaagay

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

MAQAL & MUUQAALO LAGU FARXO:-Warbixin ku saabsan Gobalka Shabeelaha hoose

Image

Kadib waayo badan oo Tiih iyo Murugo ay ku jireen dadka ku dhaqan Gobalkaan Shabeelaha hoose in badan oo iyaga ka mid ah  waxay  sanooyinkii la soo dhaafay ku noolaayeen Nabad gelyo aanay heerkeeda oo kale indho saarin.

Marka laga soo tago inta Jihaadka u qalab qaadatay  dadka halkaan ku nool qof waliba waxa uu ku Mashquulsan yahay Shaqadiisa gaarka ah.

Dhawaan ayaan Socdaal Shaqo oo ka Bilawday Degmada Baraawe  ku Maray deegaano iyo Magaalooyin ay ka mid yihiin Kurtun waarrey, Buulo Mareer, Qoryooley, Toora toorow iyo kuwa kale,waxaanna ku soo arkay Bulsho Allaah u sacabbo dooganaysa kana baryaysa in Amaanka iyo ku dhaqanka Shareecada Islaama oo ay haystaan uu u sii raajjiyo.

30251600

inkastoo iminka Jiilaal lagu jiro hadana deegaanada webigu Maro waa kuwo markasta cagaaran dhirtuna indhahaada soo jiidaneyso.

dhulka badankii waa beero ay ka baxaan qudaar kala duwan oo Gobalkaan iyo Gobalada kale intaba lagu isticmaalo iyo weliba Galley, Mesego digir iyo waxyaabo kale.

Geedaha waaweyn ee Cambuhu ka baxo oo Miraha ku hilan ka sokow, Caleentooda  buluugga ah iyo hooskoodaba la jecelaysanayo ayaa  ah mid dhirta durba indhahaygu ku dhacayeen.

baaddiye dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Kurtun waarrey Beero ku yaala kuwaasoo lagu beeray Sisin, Qarre iyo waxyaabo kale ayaan Muddo kooban hadba dhinac u eegay, waxaana ii Muuqday rag isugu jra Mikiilayaal iyo Shaqaalo howshooda gudanaya.

intaa kadib gaariga ayaan ka degay Salaan iyo is warsi kooban gadaashiina waxaan wareysi gaar ah la yeeshay Axmed Cali cawaale oo fadhiya gudaha Beer uu tabcanayay 34 kii sano ee la soo dhaafay.

iminka Beeruhu waa qaali oo qof waliba kuma dhiran  karo in uu iibsado laakiin Axmed halkaan iyadoo keyn ah ayay wasaaraddii Beeraha ee Soomaaliya u Cabbirtay bilowgii sedeetamaadkii mana jirin wax qarash ah oo laga qaaday.

30251604

waxyar kadib waxa aan gaaray webiga Shabeellle  kaasoo mara Meel aan ka fogeyn Goobta aan Ninkaan beeralayda ka mid ah kula kulmay.

waxaan Dul istaagay Buundo weyn oo ay hoos marayayaan Biyaha Webiga oo xowli ku soconaya.

webiga hareerihiisu waxaa ka Muuqaneysa dhir wada cagaaran.

dhanka Galbeed markaan eegay waxaa ii muuqanay Geel  fara badan oo wada cayilan Cabayana Biyaha webiga Meel ka sokow sana waxaa ku dabaalanayay koox wiilal yar yar ah oo aad u faraxsan.

daqiiqado kadib ayaan eegay geesteyda Bari waxaanna arkayay Nin Dooni yar watta oo webiga ka kalluumeysanaya iyo Ari iyo Lo hareeraha Webiga daaqaya.

Tuulooyin badan oo aan maray iyo Magaalooyinka aan tegay waxaa ka socay Dowraad Diiini ah waxaana ii Muuqanaysay Bulsho  jahli  sii Macasalaameynaysa.

Hadaba Warbixin Wariyaheena Soomaali uu ka diyaariyay Socdaalka uu ku maray deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose ka dhagayso.

Halkan Guji oo Dhagayso Warbixinta Socdaalka Wariyaheena.

Hoos Ka Daawo Sawirro.

P1140069

P1140071P1140073P1140072P1140077P1140082P1140086P1140089P1140092P1140094P1140096P1140099P1140109P1140137P1140199

XAQUUQDA HOWSHAN WAXAA ISKA LEH RADIO ALFURQAAN OO QABTAY.

DAAWO VIDEO-GA:- Sirta Ku Jirta Saliid Macsarada Geela Shiido

Image

Sida aad magacaba ka dheehan kartaan waa filim ka waramaya ahmiyadda ay leedahay Saliid macsarada iyo qaababka loo shiido.

Filimka waxaad ku daawan doontaa farsamo ama xirfad ay Soomaalidu leedahay kuna sameysato Saliid macsaro qiimo badan, taasoo ay u adeegsado Awrka ama Geela labka ah.

Filimku waxa uu koobayaa nuxurka magaca uu wato, iyadoo muuqaaladuna yihiin kuwa tayadoodu sareyso.

War baahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ku caan baxday dhiira galinta wax soo saarka dalka, maadaama dalkeenu hodan yahay.

Hoos ka daawo Filimka.

Recently deployed Government forces in Lower Shabelle accused of crimes by Local District Chiefs

Image

Several district chiefs from areas surrounding Afgoye including the district chief of Marerey have fled their respective areas after Somali government troops reached their areas.

The Somali troops were sent to several areas in the Lower Shabelle region in an attempt to stop looting and uproot illegal checkpoints in the region, however locals have complained of the ruthless and corrupt behavior of a lot of the soldiers.

The district chief of Marery known as Siid Mayow Balle complained of the actions undertaken by the soldiers and that they are involved in robbing people at the checkpoints they were sent to eliminate.

“The local people have come complaining to me about the crimes committed by these soldiers, they rob and loot, no one is spared from their crimes” he said while urging the government in Mogadishu to take action. “I was forced to flee my town of residence and I can’t go back now, I fear for my life” he added.

Harar24 spoke to several clan leaders and elders in the Lower Shabelle who also complained of the behavior of the troops sent there. One clan elder told Harar24: “We believe these are just militias clad in uniform, they’re no different than the criminals who they replaced, we don’t understand why the government sent them here.” Another said: “These militias are majority Habargidir and Abgal based who’ve come to take revenge on us, they’re fighting a clan based war.”

This comes a day after government forces which consisted of the Habargidir tribe aided by recently deployed soldiers in the region belonging to the Abgal tribe jointly expelled local government forces in the area belonging to the Biyomal tribe.

Fighting between clan based Government troops has become a  persistent problem within the Somali National Army  and is costing the lives of many soldier and civilians  alike, it’s a problem on the rise and yet to be tackled by the Somali government.

Harar24.

DAGAAL:-Maleeshiyaadka Dowlada Federaal oo isku haysta gacan ku haynta Degmada Wanlaweyn!

Image

Dagaalka  u dhaxeeyaa Maleeshiaadka Dowlada ayaa laga soo sheegaya Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu iminka ka socdaa Saldhiga Ciidamada  Booliska  Walaweyn ,waxaana dhibaato xoogan haystaa dadka shacabka ah oo qaato ka taagan  Maleeshiyaadka mooryaanta ah oo dhalinyaro aad u dhaqan xun.

Magaalada Wanlaweyn iyo  jidka dheer  ee mara ayaa sanooyin  nabad ahaa,waxaana amaankii meeshii ka maxay ka dib markii markii Maleeshiyaadkii  la geeyay ka dib markii baneeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Lama ogaan karo hadda Khasaaraha, maadaama Dagaalka uu Goor-dhow billowday, walina uu socda.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DAAWO SAWIRO-Shabaabul Mujaahidiin iyo Biyomaal oo Heshiis Taariikhi ah ku gaaray Buula mareer.

Image

Mas’uuliyiin ka tirsan xarakada shabaabul mujaahidiinta Alshabaab oo uu kamid yahay Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raagge ayaa ka dhex muuqday kulan balaaran oo Biyo maal iyo shabaabul Mujaahidiin ku yeesheen Buula mareer.

Beesha ayaa dib ucosbooneysiisay Beyco horay ay ula gashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Odayaal ka dhex muuqda Bulshada Beesha ayaa madasha ku sugnaa kuwaasi oo kakala yimid Janaale,Number 50 iyo deegaano kale oo gobalka shabeelaha Hoose dhaca.

Hadabada Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa idiin soo gudbinaysa sawiro aynu ka soo qaadnay madasha shirka uu ku soo dhamaaday ee beycada lagula kala qaatay.

1 biyo baal2 biyo maal

3 biyo maal4 biyo maal5 biyo maal6 biyo maal8 biyo maal7 biyo maal13 biyo maal11 biyo maal

XUQUUQDA SAWIRADA WAXAA IS LEH RADIO ALFURQAAN.

DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Marka “Ciidanka Dowladda Gabdhaha ayay Wadada Ku Kufsadaan Gaadiidka Dadweynaha Isbaaro ayay u dhigtaan”

Image

Nin  katirsan maamulka gobolka shabeelaha Hoose ee DF-ka ayaa xaqiijiyay in ciidanka Melleteriga ee waddooyinka dhigtay isbaarooyinka ay dhibaata dhan walba ah ku hayaan shacabka.

Max’med Cismaan Yariisow oo ku magacaaban guddoomiyaha magaalada Marka ayaa BBC-da u sheegay in ciidanka DF-ka ay Kufsi ka geysteen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Ciidanka Melleteriga ayaa kufsanaya gabdhaha shabeelaha ku safra dilal iyo dhacna way ku hayaan shacabka,aniga ma qarin karo dhibaatada shacabka lagu hayo waa in dowladdu ciidanka mooryaanta ah ka qabato shacabka”ayuu yiri Yariisow.

Generaalada ciidamada dowladda ayuu ku eedeeyay in ay maleeshiyaadka mooryaanta ah ku fasaxeen shacabka iyagoona geysanaya gaboodfal dhan walba ah.

C/Qaadir Siidii oo shalay warbaahinta lahadlay ayaa dadka dibad baxyada dhigaya ku eedeeyay in ay katirsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Qodobo Muhiim ah oo Kasoo Baxay Kulan Xarakada Alshabaab iyo Beesha Habargidir ku Dhaxmaray Sh/Hoose.

Image
Shirkan oo ka socday degmada Buulo Mareer ayaa waxaa kasoo qeyb galay Nabadoono iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Habargidir iyo mas’uuliyiin ka socotay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo uu horkacayay Afhayeenka guud ee Xarakada Alshabaab Sheekh Cali dheere.

Muddo Seddex maalmood ah ayay kulamadu xiriir ahaayeen, iyadoo ugu dambeyntii natiijadii kulanka kasoo baxay iyo waxybaabaha la isku afgartay ay ka warbixiyeen qaar ka tirsan odayaashii iyo mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb galay.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Saxafi ku Dhacay Isbaarooyin ay Ciidanka DF-ka Dhigteen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Image

Isbaarooyinka gaadiidka dadweynaha looga qaado lacagaha baadda ah ayaa naqday caqabadda ugu weyn oo ay lakulmayaan dadka musaafurka ah,Saxafi ka howlgala mid kamida warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa dhawaan safar ku maray wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay bilqanaayeen isbaarooyin.

Askarta DF-ka ee qoryaha AK47 ku garaaran ayaa ammaanka furta  marka ay darawalada gaadiidka isku dayaan in ay lacagaha baadda ah u diidaan ama meermeeriyaan waxaana halkaasi halis ku gala dadka safarka ah.

Mid kamida dad ka badbaaday fal burcadnimo ayaa isagoo si hoose iskula hadlaya yiri “Dowladeey xaal qaado Ma Sidan Mooryaanimada ah ayaa dowlad lagu naqdaa”.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO : Wejigii labaad ee shirkii heshiisiinta beelaha ku dagaallamay Sh/hoose oo lasoo gaba gabeeyay.

Image

Wejigi labaad ee shirkii heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanno ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha hoose ayaa lasoo soo gaba gabeeyay.

Kulanka oo ka socday degmada Buulo Mareer ee wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha hoose ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Maamulka islaamiga ah ee Shabeellaha hoose.

 Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka warbixiyay halka ay wax u marayaan iyo rajada ay ka qabaan in nabad raagta ay kala dhex dhigaan beelaha walaalaha ah.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Beelihii Ku Dagaalamayay SH/hoose oo la kala Qaaday.

29233227Wararka laga helayo Shabeelada  hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta gudigii XSHM  ay u xilsaartay joojinta dagaal beeleedyada mudooyinkii dambe kasocday goobaha ciidamada shisheeye ay kaga sugan yihiin gobalkaasi ay ku guuleysteen kala qaadidda Maleeshiyaat beeleedyadii ku dagaalamayay halkaasi.

Gudiga ayaa si toos ah ugu guuleystay iney Maleeshiyaatkaasi ku qanciyaan iney dagaalka joojiyaan iyadoona waqti xaadirkaan xaalad daganaansha ah laga dareemaya goobihii maleeshiyaat  beeleedyadaasi ku dagaalamayeen.

Inta u dhaxeysa degmada Jannaale iyo deegaanka Muuri oo ah goobihii dagaal beeleedka kasocday islamarkaane isku  horfadhiyeen ciidamo beeleedyada ayaa xilligaan ah gooba haawanaya iyadoona lagu wado odayaasha beelahaasi iney xaadiraan gogal nabadeed  dhawaan WI Sh/hoose ugu fidisay degmada Buula mareer.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MAQAL IYO MUUQAALO KALA DUWAN:-Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Xabad Joojin Dhex dhigtay Laba Beel oo Ku dagaalamay Shabeelaha Hoose.

29181544kadib kulan shalay Beer ku taalla Magaalada Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose ay ku yeesheen Odayaasha Beelaha ay ka soo jeedaan  dablayda ku dagaalamaysa deegaano shabeelaha hoose ka tirsan iyo Saraakiil ka socatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la isla falanqeeyay colaadda iyo fool xumadeeda iyo dhibaatada aakhiro iyo aduun ee ka dhalaneysa in dhiigga Muslimiinta si aan xaq ahayn lagu daadiyo.

waxaa goobta laga sheegay in dad Masaakiin ah oo war moog qabiil dartii ay u dileen Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku diriray deegaano lambar konton iyo ceel wareegow ka mid yihiin kuwaasoo la isaga marag kacay in Shisheeyuhu colaadooda hurinayo si dadka Soomnaalidu isu laayaan kadibna in la xukumi karo lana gaaley karaa ka soo harto.

si taasi aanay cadawga ugu hirgelin hadafkiisana loo dhiciseeyo dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeedna nabadgelyo ugu wada noolaadaan ayaa la isla gartay in xabadda marka hore la joojiyo kadibna wixii dhiman laga wada hadlo.

waxaa hoosta la iskala xariiqay in saameyn weyn colaaddu ku yeelatay dad ku dhaqnaa Gobalka ee ka soo jeeda beelaha Biyo Maal Iyo Habar gidir oo Ciidamadada dirirayaa ka soo kala jeedaan sidoo kalena uu dagaalku saameeyay dadkii kale ee diriska lahaa.

odayaasha Beelaha Biyo Maal iyo Habar gidir ee Madasha fadhiyay ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin in la heshiiyo xabad joojinna lagu dhaqaaqo taasuna ay tahay tilaabo ay nabad gelyo ku heli karaan dadka deegaanka ku dhaqan ee dablayda cadawgu isku diray colaadoodu saameysay maadaama nin waliba dad ay hayb wadaag yihiin gobalka ku nool yahay.

waxaa kale oo Madasha fadhiyay odayaal ka socday beelaha kale ee Soomaaliyeed kuwaasoo qabiilada ku booriyay in ay Nabadda qaataan lagana digtoonaado dhagarta cadawga ee iminka dharaar cad muuqata.

ugu dambeyn guddi odayaal ah oo ka kooban kuwa qabiilada dablaydu ka soo jeedaan iyo qabiilada kale kana kooban 12 xubnood ayaa la magacaabay.

gudigaas ayaa loo xilsaaray in ay tagaan goobta kadibna xabadda la joojiyo.

markaas kadib ayaa la sheegay in laga wada hadlayo sidii ciidamada loo kala qaadi lahaa.

guddiga ayaa ku baaqay in geestooda Mujaahidiinta looga baahan yahay in ay kaalin weyn ka qaataan soo afjaridda colaaddaan.

waaliga Gobalka Shabeelaha hoose ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay in guddiga looga baahan yahay in ay xilkooda si wanaagsan u gutaan.

wuxuu sheegay in ay ka Maamul ahaan Nabad halkaas ka dhacda ay taageerayaan ciddii gar daranna meel looga soo wada jeesanayo.

kulanka oo shalay bilaawday ayaa xalay ku soo geba geboobay jwei wanaagsan oo farxad leh.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah dablay ka tirsan oo Biyo Maal iyo habar gidir ka soo kala jeeda ayaa isku laayay dhawaan deegaano Gobalkaan Shabeelaha hoose ka tirsan laakiin dhiabatadu iyaga oo keliya kuma koobna ee waxaa la dilay dad aan waxba galabsan oo Muslimiin ah taas ayaana taabatay Maamulka Mujaahidiinta keentayna in ay u is taagaan in marka hore la xaliyo colaadda u dhaxeysa kuwii xabadda isku bilaabay si dadka kale u nabad galaan.

Dhagayso Kalimada abuu Cabdalla Ujeediyay Qabiilada Habargidir iyo Biyo Maal.

DHAGEYSO -Hadalada odyaasha habar gidir.lite

DHAGEYSO– Hadalada odayaasha biya maal.lite

Dhagayso- guddi loo xil saaray xabad joojin.lite.

Dhagayso- sheekh Cabdulaahi Cali rooble oo kamid ah Culumada .lite

12345678930111213

ISHA MAQALKA IYO MUUQAALADO  WAA RADIO ALFURQAAN.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

VIDEO:-Bulsho Horumartay Hagar Daamadii Hey’adaha Kadib.

War baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa soo saartay filim qofkii mar daawadaahi uu ku ogaanayo wax badan oo ka qarsoonaa, kaasoo loogu magic daray (Bulsho Horumartay Hagar Daamadii Hey’adaha Kadib)

Filimkan ayaa waxaa laga sameeyay Jamaame iyo Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubada hoose ee dalka Soomaaliya.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Amisom oo Gaari Booyad ah looga gubay Shalaanbood.

Image

Waxaa lagu soo waramayaa  in qarax Miino uu ka dhacay meel u dhaw Shalaanbood ee duleedka Magaalada Marko Cadeey, kolonyo ka tirsan Ciidamada Shisheeye ayaa lagu helay meel udhaw Shalaanbood iyagoo ku sii wajahan Buufoow,waxayna halaas ku waayeen gaari booyad ah iyo ciidamadii saarnaa,waxaana lagu soo waramayaa in dhib weyn gaaray.

Miinooyinka iyo qaraxda lala helo ciidamka Amisom ayaa ah joogto,waxayna inta badan beegsadaan kuwa raashinka iyo biyaha u geeya ciidaka ku sugan banaanka Muqdisho oo culays soo food saarayo maalinba maalinta ka danbeysa,waqtiga oo sii dheeranaya iyo dagaalka looga soo horjeeda oo sii dhib badanaya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO:-Maleeshiyaadka Dowlado boobka iyo dhibka ay ka gaysteen NO-50 Shabeelada hoose.

29016284Dagaaladii Lambar 50 ayaa maleeshiyada Dowladda oo ay hogaaminayeen Goobaale iyo Qaafow waxa ay dhac iyo boob u geysteen hantida dadka lambar konton mudo kooban oo ay magaalada soo galeen.

Vedio-ga hoose waxa uu na tusinayaa dhaqanka iyo waxa ay yihiin kuwa loogu yeero ciidamada Dowladda ee ku sugan Sh.Hoose.

XIGASHO MARKACADEY.COM

21-KII NOVEMBER 1876 Waa Maalintii Talyaaniga Lagu Jabshay Dagaalkii MARKA Ka Dhacay.

2893345521-kii November 1876-dii, maanta oo kale waxa ay ku taagan tahay markii la jabiyey ciidamo aad u faro badnaa oo ka tirsanaa gumeysigii Talyaaniga oo ka soo degay xeebta magaalada Marka Cadeey.
Dagaalyahano ka tirsan beesha Biimaal oo ay horkacayeen labaddii hogaamiye ee xiligaasi ugu caansanaa oo kala ahaa Allah u naxariistee Macalim Kabtooli iyo Sh Cabdi Abiikar Gaafle ayaa difaacyo adag waxa ay ka sameysteen xeebaha magaalada Marka si ay ugu hortagaan gumeysigii Talyaaniga oo doonayey inay cagta soo dhigaan dhulkii ay ka talineysay Saldanadii Beesha Biimaal. Gumeysigii Talyaaniga oo adeegsanayey xeeladihii military ee xiligaasi ugu casrisanaa waxa ay weerarkooda magaalada Marka ku soo qaadeen kaga yimaadeen laba aag.

Dhinaca xeebta oo maraakiibta dagaalka madaafiic ku soo garaacayey magaalada ka dibna ciidamo boqolaal ku soo daadiyey xeebta iyo dhinaca beriga oo ay ka soo galeen dhinaca magaalada Muqdisho. Shir deg deg ah duhurnimadii 21- November 1902 waxa isugu yimid deegaanka Hareerley (Hareerley waxay aheyd xaruntii ugu weyneed ee taliska ciidmada Biimaal) hogaamiyaashii beesha Biimaal waxa ayna isla qaateen dagaal loogu hortago gumeysiga dhulkooda soo galay. isla maalintaas waxa ciidamo loo kala diray xeebaha magaalada Marka iyo deegaanka Lafoole si loo hor istaago ciidamadii gumeysiga. waxaana halkaani si buuxda ugu bilowday dagaalkii mudda dheer socday ee loo yaqiinay “THE BIIMAAL REVOLT”

Buugaag taariikhda dagaaladaasi ka hadlaya ayaa laga qoray oo maanta laga heli karo Libraryada dunida. Waxa xusid mudan sida wararku aan ku heleyno in maanta magaalada Marka shir ay isugu yimaadeen Golaha Guurtida Beesha Biimaal ay kaga hadlayeen xuskani, iyaga oo ka codsaday maamulka magaalada Marka Cadeey in waxii maanta ka bilowda 21 November loo aqoonsado maalin Qaran oo lagu xusayo halyeeyadii dalka u soo dhintay. Iyaga oo Guurtida Biimaal isku raacay si gaar ah deegnada beesha Biimaal laga xuso maalinkan taariikhiga ah. waxa ayna isku raaceen in Schoolada deegaanka gaar ahaan magaalada Marka la fasaxo sanadkasta 21 November si jiilka cusub loo baro taariikhda ay leeyihiin.
Halkan hoose ka daawo siyaasi Dr Saadaq Eenow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka, PHd-na ka sameeyey history-ga isaga oo ka hadlaya dagaalkii Biimaal iyo Talyaaniga:

Dagaalkaas intii uu socday taariikhihii ugu caansanaa waxa ka mid ah

Reer jannow waa jidgaleen === People of heaven, have found their way.
Reer jaxiimow iska jooga ==== people of hell, stay where you are.

Sep. 1904 Waxa Cigale iyo agagaarka Markaba qabsaday Talyaaniga; wuxuuna Cigale ka dhistay Sariibad. Ka dib marki Cigale Talyaaniga qabsaday hogaamiyaashii Biimaal waxa ay isugu tageen magaalada Mooyaale (Galbeedka Laantabuuro) si ay xaalada cusub ee soo korortay ugu wada tashan lahaayeen.
Intii aan Cigale laga qabsan, Biimaal waxa ay mar walba ku kalsoonaayeen awoodooda ciidan iyo dhaqaaleba; hase ahaatee dagaalkaas wuxuu tusay hubka ee Talyaanigu isticmaalayey in aanay u babac dhigi karin, ilaa ay helaan hub u dhigma. Sidaas darteed shirkii Mooyaale hogaamiyaashii Biimaal waxa ay ku go’aamiyeen in ay 500 oo nin oo isugu jiray dagaalyahano iyo culimo u diraan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, si ay ugu so helaan kaalmo hub iyo ciidan. Arrinta kaalmo weydiisiga ma aheyn mid sahal ku ah nimankii Biimaal oo hankooda iyo awoodooduba aad u sareysay. Raggii ciidamadaas (Sayidka aaday) hogaaminayey waxa ka mid ahaa Malaaq Cabdi Juray, Sheikh Jamaal Macallin Xasan, Maxamed Mursal iyo Bilow Ageede. Waxaan la sheegay in ciidankaas Sayidku soo siiyey 300 oo qori. waxa sidoo kale la sheegay in Daraawiishta Banaadir (Koonfurta) gaar ahaan Biimaal ay Sayidka iyo Daraawiishta u geyn jireen hadiyaddo ay ka mid ahaayeen dharka, Alindiga ah oo waayadii dambe loo yiqiin Banaadiri iyo alaabooyin kale.

1904 Biimaal iyo Talyaaniga ayaa dagaal dhex maray, dagaalkaas oo Biimaal kaga soo horjeeday in Talyaanigu u gudbo dhulka xeebaha ka baxsan ( Shabeelaha Hoose) ee Biimaalku ka talin jiray. Talyaanigu wuxuu ku andacoonayey, inaanu dhulka Biimaal xukumo dan ka laheyn, ee uu u gudbayo
meelaha deegaank ka baxsan. Dagaalka Talyaaniga iyo Biimaal wuxuu socday muddo aad u dheer Saldanadii Biimaal waxa ay aheyd midda ugu magaca dheer dhulkii loo yiqiin ” Italian Somaliland”.
Halkan ka dhageyso/Daawo Sheekh Nuur Geelle oo ah Caalim dhulka Soomaalida gaar ahaan Koonfurta Somalia aad loogu yaqaano oo ka hadlaya dagaaladaasi

Dagaaladaasi u dhexeeyey Biimaal oo socday mudo dhowr iyo toban sano waxa lagu dilay saraakiil badan Talyaani ah sidoo kale waxa jirtay dagaaladaasi oo aad u adkaa Biimaal kaga dhinteen dad badan iyada oo laga xusi karo dagaalkii Dhanaane.

Feb. 1907 Labo kun (2,000) oo dagaalyahano Biimaal ah ayaa ciidamo Talyaani oo joogay meel la yiraahdo Turunley oo hadda loo yaqaano (Dhanaane) oo waqooyi ka xigta Marka dagaal ku qaaday. Dagaalkaas waxa ay Biimaalku aad ugu hoobtay oo ilaa 200 oo nin kaga dhimatay. Raggaas dhintay waxa ka mid ahaa toban (10) wiil oo walaalo ah. Dagaalladii hore ee Talyaaniga iyo Biimal dhex mari jiray, badanaaba waxa ay ahaan jireen aarsi ku saabsan falal gumeystuhu Somalida kula kacay, laakiin dagaalki Dhanaane waxa la sheegay in uu keenay naceyb guud oo Talyaaniga iyo joogitaankoodu dhulka Somalida laga qabay. Waxa ayna aheyd markii ugu horeysay ee Biimaal hub isticmaalay, taas oo Talyaaniga mucjiso ku noqotay; maadaama aanu Somalidu wax hub ah gacantoodu ku jiray ogeyn. Isla waqtigaas ilaa 2,100 oo ciidamo Talyaaniga ah ayaa ku sugnaa xeebaha Banaadir.
Dagaalkii Dhanaane ka dib waxa la sheegay in xirriirkii Biimaal iyo kii S MC Xasan aad u sii fiicnaaday. waxa kale oo la sheegay in ugu yaraan 10-15 dagaal yahan ka tageen deegaanka Banaadir oo ay tageen ( u dhoofeen) xarumihii Darawiishta S M C Xasan, si ay kaalmo hub ugu soo helaan. Raggaas waxa ka mid ahaa, ninkii tobanka wiil loogu dilay dagaalkii Turunley.iyo Abokar Ashir (Saacmawaayo) oo ahaa wiilkii uu dhalay Sheikh Ashir Maadow, oo ahaa hogaamiyihii magaalada Mareerey( Galbeedka Afgooye)
Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah taariikhyahan ahna qoraa caan ah mar sanadkii 2000-dii BBC Laanta Af Soomaaliga ugu waramayey taariikhda dagaalkani halkan ka daawo/dhageyso.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed waxan u rajeynayaa SANAD GUURO WACAN
Taariikh waliba astaanteeda waxan Ilaahey ugu baryeynaa halgamayaashaasi inay Ilaahey geeyo janadiisa sare. Amiin.

Mohamud Idaa Zulzilad.

28933455 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post