Qoraagii Soomaaliyeed C/qaadir Oromo oo Geeriyooday.

31447802

Allaha u Naxariistee Waxaa Habeenkii Xalay ahaa Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ku Geeriyooday Qoraalkii Caanka ahaa Ee Soomaaliyeed Cabdul qaadir Macalin Cusmaan {Oromo} oo isagu Mudooyinkaanba ku Xanuunsanayay London .

Cabdul qaadir Oromo waxaa uu ahaa Qoraa Soomaliyeed oo  Qalinkiisa ku cabira Dhibaatada Mudada Dheer Somalia soo Martay walina waxaa uu ku dhex jiray Soo saarista Buugaagta iyo sheekooyinka Marxalada Somalia ka jirta la Jaan qaadi kara.

Hadii Aan Soo kobo inta aan ka xasuusto Buugaagta uu soo saaray Ala ha u naxariistee Cabdul qaadir Oromo Waxaa ka mid ahaa sababihii Bur Burka Somalia .Tiirkii Colaada.Sooyaalka Soomaaliya .Hadimada Gumeysiga .Taangiga Tikreega .Somalia ma carabaa mase waa Afrikaan. Iyo kuwa kale .

Bahda Banaadir Post waxay tacsi u diraysaa Soomaali oo dhan gaar ahaan Qoraaga Xijaabta reerkiisa,Marxuumka   waan ducaynay,ilaahay ha u danbi dhaafo ,kitaabkiisana Gacanta midig ALLAHA ka siiyo.Amiin,Amiin.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED:-Cabdi Iley maxaa lagu xasuusan doonaa?

DANBIILE-CABDI-ILEY

Akhristayaal marka hore waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka ASC WW, Salaan kadib waxaan idin leeyahay, Ramadaan Kariim kuna soo dhawaada Qormo kooban oo uu Ciwaankeedu yahay:- “Cabdi Iley maxaa lagu xasuusan doonaa markii Horjoogenimada laga xayuubiyo”?
Waa su’aal aan filayo in Qofkasta oo waxkasoo arkay ama udhashay Dalka Soomalida Ogaadeeniya Jawaabteedu udhibyar tahay meel fogna uusan kadoonaynin waayo dhagarta, ama dhibaatada uu shacabka gaadhsiiyay ayaa waxay tahay mid xad-dhaaf ah oo aan qormo kaliya lagu soo koobi karin.

Hadaba Akhriste Dhiig-kunaax Cabdi Iley oo aad wada garanaysaan, ayaa ah Horjoogihii 9′aad ee Guumaysiga Wayaanaha Ethiopia udhiibto Jagada Dabaqoodhinimo ee waxa ay ugu yeedhaan Madaxweynaha Kililka 5′aad, markaan leehay waa kii Sagaalaad waxaan kareebay Madaxwenihii Koobaad ee ay Soomaalida Ogaadeeniya yeelato,  ALLE ha u Naxariistee Marxuum, Cabdulaahi Maxamed Sacdi Wuxuu Isagu kamid ahaa Aas’aasayaashii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee JWXO, waxaa kale oo isna jiray oo kadanbeeyay Madaxweyne Xasan Jire Qalinle Eebe ha unaxariistee.

Hadaba Cabdi Iley oo ah Nin inta Xalaasha ah ee ILAAHAY raaliga kayahay Xaaraameeyay inta Xaaraamta ah ee ALLE xarimayna Xalaashaday ayaa wuxuu intii uu Jago kusheegta soo hayay dhibaato baaxad’leh Gaadhsiiyay Diinta, Dalka & Dadka Soomaalida Ogaadeenya, taasoo aan Tacadiyada uu gaystay Qalin & Qawltoona lagusoo koobi karin.

Bal aan fiirino waxyaabo kamida waxyaabaha lagu xasuusan doono Damiir-laawe, Cabdi Iley, hadii Shaadhka Horjoogenimo TPLF kala baxdo, Qodobada sida wayn loogu xasuusan doonana waxaa kamida:-

1- Xasuuq aan kala sooc lahayn.

2- Kufsiga Gabdhaha oo uu xalaaleeyay.

3- Dhaca Hantida Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya oo aan kala joogsi lahayn.

4- Xabsi sabab La’aana oo dadka lagu guro Ciqaab aan qiyaas lahayna lagu mariyo.

5- Diinta Islaamka oo uu dadkii kafasahaadiyay.

6- Televessionka Beenta ama Borobagaandhada & dhaqan bi’iska da’yarta ee ESTV.

7- Nabad aan jirin oo Afka laga sheegto.

8- Hor’umar baan gaadhnay oo lagu hadaaqo, dadkuna ay Caafimaad la’aan la dhamaanayaan.

9- Kumaan dad ahi haday dhintaan ama abaaro wiiqaan bulshada oo aan lasheegin.

10- Wadada Dhiig Ogaadeen ee isku xidha Godey & Jigjiga oo daamur dusha laga mariyay.

11- Qax & Barakin Shacab.

12- Dad Qoxootinimo dalal kale ugalay oo inta laga dabatago lasoo laayo.

13- Khamrida & waxyaabaha maandooyaha ah oo agtiisa Caadi ka ah is na uu kuba qabaysto.

14- Dadawenaha Soomaaliyeed oo Qurbaha laga soo caa-caayo.

15- Hawaarin, Booran ama waxay ugu yeedhaan (Liyu Bolice) oo dhiiga Shacabka kuqabaysata.

16- Dadka rayid ka ah oo uu Gacantiisa kugaraaco.

17- Gubida Guryaha Shacabka & lawareegida Bootooyinka Danyarta.

18- Taalooyin ay Ethiopia Halgamayaashii Soomaaliyeed kusheeganayso inayna Soomaaliba jirine Soomaalidu waligeed ay Ethiopian ahayd oo Jigjiga laga taagay.

19- Inuu Cunay Hanti Ummadeed oo wax lagu qiyaaso jirin.

20- Inuu noqday Ninkii Koobaad ee u ooyay gaalkii weynaa ee Soomaali kala gaabiyay markuu bakhtiyay ILAAHAY-NA uga baray inuu Janadiisa kawaraabiyo, waa Wayaane MELES ZENAWI…….

Cabdi Iley

Sawikani waa xiligii uu Meles Zenawi Bakhtiyay ee uu u barooranayay ama u ooyay!

Akhristayaal Qodabadaasi waa Arimaha sida wayn loogu xasuusan doono Dabaqoodhi Cabdi UBBO.

Hadaba markaan soo sheegnay Gabood-faladaasi uu gaystay iyo xaqiraada shacabka uu kuhafrayay waxaan Ethiopia-ba haysanin, & waliba Xasuuq wadareedyada uu sameeyay, markaan intaas oo tacadi ah inuu fuliyay aan marag kanahay waxaa markaaba kugu soo dhacaysa ninka sidaas udhaqmay maxaa laga yeeli doonaa? waxaan leeyahay, waxay utaalaa RABBI & rag, markaan sidaas leeyahayna waxaan kawadaa: markuu dhintana ILAAHAY baa laxisaabtami doona, inta uu dunida joogana marnaba wax lahilmaami doono ma’aha wuxuu gaystay, Rag baana laxisaabtami doona Maxkamadna soo taagi doona, INSHAA ALLAAH.

Intaas kadib bal aan Eegana fiirino Maansadan yar ee hoos kamuuqatana oo aan iyadana qoray markaan Qormada qalinka kadhigay kadib, Akhris haboon:-

>Cabdiyoow Caran baad tihiyo dibi Calool-wayne-

>Caqli hadaad leedahay Malese umaad Cabaadeene-

>Cibaada Alliyo Adigu waad kala Cadhootaane-

>Cadownimana Ciyaalkiyo, Ciroolaha yaad Cidhib-tiraysaaye-

>Caadilkii ku uumay kama yaabtidoo Caasibaad tahaye-

>Cirka iyo dhulkana waa lagaa nacoo waxaad Jeel latahay Cadaw Ilaahaye-

>Cilmi nimaan lahaynoo Wayaanaha Ethiopia Caabudaad tahaye-

>Caynkaagan oo kale ma’arag Cimrigay intaan jiraye-

>Caaqil nikii ihi Cadaabkii lageegii Abrahe muusan raali galiyeene-

>Cibaado iskuma daydidoo Khamradaad Cabi-taqaanaye-

>Caradaan lama joogayoo Casar kaliya weeyaane-

>Camalkii xunee aduunyada lagu falaa Aakharaa laysku Ciqaabaaye-

>Ceebiyo dan kama lihidoo Caadooyinka xun-xumi waa Camaladaadiiye-

>Cawaaqib xumaad latimid & Tacadiyadaad Shacabka gaadhsiisay hilmaaynee-
Cindigaaga taas gali…….

Fiiro Gaara ah:- Bulshada Soomaaliyeed meelay joogtaba ha Ogaato dhibaatada Joogtada ah ee dadka ay isku dubka, Diinta, dhaqanka, & Dhalashada yihiin ee Soomaalida Ogaadeenya, ee ay Ethiopia Gumaado hadh & habeen, loona adeegsanayo Maangaab Cabdi Iley iyo in lamida, waxaana uga digayaaa inayna Run moodin Riyada beenta ah ee kasocota Television-ka ay Ethiopia usamaysatay dhagarta shacabka soomaaliyeed ayna soo fadhiisisay shaqsiyaad AF-Soomaali kuhadlaya oo ah Calooshood ushaqaystaal aan iyagu dan, ujeeda kale oo kadanbaysa lahayn inay helaan Quutal-yoomkooda.

Waxaan hadalkayga kusoo gaba gabaynayaa Guusha Gobanimo-doonkaa iska leh, Guul-daradana Guumaysiga & Guumaysi raaca, Bulshada Soomaalida Ogaadeenyana waxaan usheegayaa in Samir & Dulqaad wax lagu gaadho waayo ILAAHAY ayaa Qur’aankiisa Kariimka ah kuyidhi “Wastaciinuu bisabri wasalaah inallaaha maca saabiriina”->>> Samir & Salaad Kaalmaysta ILAAHAY kuwa Samra ayuu Macooda yahay oo uu Lajiraaye>>>  Ugu danbayntii Samraa Sadkii Ma’waayee hala samro, hana lagu dadaalo Jidka ugu toosan ee aan Guumaysiga kaga hoos bixi karo oo ah midka ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Inagu hagayso.

Wixii talo & tusaale ah iigu soo hagaaji:-  Xaqdoon99@gmail.com

By-Abdirahman Mohamed

Wabilaahi Tawfiiq


Xasan Sheekh oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya (Law no. 37)

31412120

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

Qoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

(Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

 

Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.
Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.
Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.
Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.
Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya…
Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014 , waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972
…………..
Tixraac Bogga UN-ka:
Letter from Hasan Sh Mohamud to UN
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf
Coordinates:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf
Law no. 37 of 1972

Click to access SOM_1972_Law.pdf

June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

XIGASO SOMALITALK.COM

10482367_4305928784328_5814842765492453894_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO:-Xaalad nolol Xumo oo lasoo Gudboonaatay Barakacayaasha Muqdisho.

31342562

Kumanaan qoys oo ku nool xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaya nolol xumo baahsan waqti boqolaal hay’ado samafal sheegta ay caasimadda ku suganyihiin.

Telefeshinka Aljazeera ee afka carabiga ku hadla ayaa warbixin uu kasoo diyaariyay barakacayaasha Muqdisho waxaa laga dheehan Karin duruufta heysata qoysas.

Hay’ado ay leedahay Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho ku sugan iyagoo ku gambanaya “ugargaridda shacabka” balse xaqiiqda ayaa ah in hay’adahaasi aysan muuqda uqaban shacabka marka laga reebo in waddooyin ay dayactireen islamarkaana ay isbitaallo dhiseen.

 Hoos Ka Daawo Warbixinta

31342596

31342606

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

SAWIRO:-Haweenka”HABARAHA” Amisom.

 

 

 

 

 

31342268Haweenka “Habaraha” Amisom oo loo keenay inay Soomaaliya ka dhaliyaan nabad waarta oo oo ay ku noolaadaan dad Muslimka ah ee Soomaaliyeed!!

31342261

Haweenkan ayaa beesha caalamku ku sheegaan inay mabad ilaaliyaal laakin koofurta Soomaaliya oo joogaan waxaa looga yaqaan NABAD KA ILAALIYAAL,haweenkan oo meeshii la geeyo dhibaato hor leh ka bilaabato,isda dagaal beeleed,Isbaaro,Kufsi iyo wax kasta xun oo qof Muslim lagula kaco.

31342266

 

Ciidamadan haweenka u badan waxaa gaar  u leh Baadariga weyn, gacan ku dhiigle Museveni  kaligiis  taliyaha Ugandha.

Soomaliya iyo Soomalidaba ALLAHA  la jiro.

10451727_1439849889615750_5992603304903433129_n10155585_1439849866282419_1575278768004427416_n10410669_1439849879615751_7158880157908662851_n

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

SAWIRO:-Maleeshiyo beeleed tababar looga furay Jaziira

pizap.com14040494334231

Waxaa  tababar cusub uga furmay xerada Jaziira ee gobolka Sh/hoose Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beelaha u badan gobolka Banaadir .Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya 112 maleeshiyo oo dhammaantooda ka soo jeedo beelaha u badan gobolka Banaadir, kuwaas oo loogu yeero ciidamada xooga dalka Soomaliyeed!.

Tababarka ayaa waxaa bixinaya saraakiil ka socota AMISOM iyo Midowga Yurub. Tababarkan cusub ayaa imaanay iyadoo maleeshiyadii beeleed ee horay loogu tababaray xerada Jazeera, hubkana ay u qeybiyeen saraakiil ka socota Mareykanka iyo Midowga yurub ay ka qeyb qaadanayaan Dagaal xasuuq ah oo maleeshiyada beeshooda ay ka wadaan Sh.Hoose.

 

IMG_6914IMG_6916IMG_6922IMG_6957IMG_6959IMG_6972IMG_6990IMG_6994IMG_6997IMG_69381

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post-Banaadir Post

DHAGEYSO:-;Wariye C/llahi Somali oo Warbixin ka Diyaariyay Qorshaha ku hoos duugan Aqoonsiga Maamulka Saddexda Gobal.

t_770570004pizapw1403692901

Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada oo ay ka qeyb galeen shisheeye kala duwan oo matalayay ururada hormuudka ka ah fara galinta iyo duullaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ka dhacay xarunta madaxtooyada.

Kulanka oo lagu aqoonsaday maamulka sadaxda gobol ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu dhaliyay buuq aad u badan.

Haddaba maxaa keenay in xilligan lagu soo beego kulanka, maxaa ka dhadhamayay hadalada dadkii ka hadlay shirka, maxayse tahay saameynta uu yeeshay?

ISHA MAQALKA WQAA RADIO ALFURQAAN.COM

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO:-Masar Oo Xukuntay Suxufiyiin Katirsan Telefishinka Aljazeera

Image

Maxkamad kutaal dalka Masar ayaa xukuntay Maantoo Isniin aheyd 3 wariye oo katirsan Telefishinka Aljazeera kuwaasi oo muddo dhowr bilood ah gacanta ugu jiray Nidaamka Cabdi Fataax Al-Siisi ee maamula dalka Masar.

Wariyaasha la xukumay ayee Maxkamaddu ku riday xabsi gaaraya 7 sanadood kadib markii ay sheegtay in lagu helay saxafiyiintaani in ay taageereen Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar iyo in ay faafiyeen warar been abuur ah!.

Sedaxda weriye ee la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Peter Greste oo u dhashay dalka Australia, Maxamed Fahmy oo haysta dhalashada dalalka Masar iyo Canada iyo Baher Maxamed oo kasoo jeeda wadanka Masar.

Aljazeera ayaa war ay kaoo saartay arrintaani waxa ay ku sheegtay in ay beenineyso eedaha ay usoo jeedisay Xukuumadda dalka Masar.

Ku Simaha Agaasimaha Guud Mostefa Souag ayaa xukunkaas ku sifeeyay mid argagax leh, isagoona xusay in Aljazeera ay sii wadi doonto ol olaha lagu sii deynayo wariyaashaasi la xiray, waxaana uu carabka ku adkeeyay in shaqada Aljazeera ee dalka Masar si caadi ah ay u socon doonto isla markaane wax is bedal ah aanu ku imaan doonin.

Hoos ka daawo xukunka kadib waxa dhacay

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Dr Xanafi oo ka Hadlay Sirta Hey’adaha Caafimaadka ugu Qarsoon Talaalka.

Image

Dr Xanafi Cabdi Sheekh ayaa ka  warbixiyay cuduro halis ah oo ka dilaacay qaar kamid ah wadamada ay ka socdaan ciidamada shisheeye ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Dr Xanafi waxa uu soo hadal qaaday cudurka halista ah ee Abolo virus kaasi oo ka dilaacay dalka Siralyoon iyo wadamada kale oo ciidamada shisheeye ay ka socdaan,waxaana uu dr-ka ugu baaqay shacabka ku dhaqan goobaha ciidamada shisheeye ku sugan yihiin iney isaga fogaadaan si ay kaga badbaadaan iney qaadsiiyaan ama ku dhexfaafiyaan cudurkaasi halista ah.

Sidoo kale dr Xanafi Cabdi Sheekh waxa uu soo hadal qaaday talaalka hey;adaha shisheeye ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya,waxaana uu xusay maadaama aysan jirin xarun baaritaan ah oo talaalka soo maraya iney suura gal tahay in hey’adahaasi dadka cudur ku talaalaan,waxaana uu markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ineysan doonan talaalka hey’adahaasi.

Sidoo kale Dr-ka waxa uu kula taliyay bulshada ineysan  howlo caafimaad u aadin isbitaalada ciidamada shisheeye sida gaarka ah kaga furteen goobaha ay kaga suganyihiin dalka Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

31122581

DHAGEYSO:-Halgankii Geeska Afrika “Futuxul-Xabash”,Qeybta 1aad.

Image

Waa Barnaamijka tixano ah oo aad ku dhageysan doonto Furashadii  dhulka Xabashida  ‘Futuuxul Xabasha’ waxaana looga hadlayaa barnaamijka sidii Muslimiinta ay ku furteen Ardhul Xabasha iyo sida dhulkani ugu faaftay diinta Islaamka.

Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi, known in Somali as Gurey, was Imam and General of the Adal Sultanate in Somalia who invaded Ethiopia and defeated several Ethiopian emperors. He was born in 1507 near Zeila in Somalia (then part of the Adal Sultanate.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

Ethiopia’s Liyuu Police accused of murder & rape in Somali border villages

Image

After two weeks of incursion in to several Somali border villages, the Ethiopian troops have withdrawn from some of these villages near the Somali-Ethiopian border of the Bakol region. Details are now emerging regarding several of the atrocities committed by the Ethiopian forces during their stay in these villages.

 

According to residents of the villages occupied by the Ethiopian troops, houses burnt, property was destroyed and looted, women were raped and killed and many live stocks were taken away by the Ethiopian troops, with the locals accusing the much feared Liyuu Police in particular.

 

Some of the villages that saw some of the worst crimes perpetrated include Lagalay, Lahelow, Garasweyne and Burdhuhule, where the Ethiopian Liyuu Police reportedly carried out indiscriminate massacres, who according to elders killed men and elderly, and raped women.  Chieftain Ali Mumin Mohamed, the clan elder of the local Ligse clan inhabiting the area, confirmed to Harar24 from Burdhuhule, that over twenty people had been killed and property had been seized.

 

“In the village of Lahelow, around 40 km from Rabdhure, the Liyuu Police raped three women and killed them afterwards, one of them was pregnant. They also attacked three of their children, two were killed while the third was badly injured, we managed to find him after the Liyuu Police left the area” said Malaq Ali Mu’min.

HARAR24.COM

 

“They also entered the villages of Lagalay, Garasweyne and Burdhuhule, where they raped almost every woman on sight, young or old. They pillaged the village and seized most live stocks, and ended up torching most houses” the clan elder added.

 

The Liyuu Police still remain in the town of Rabdhure, however locals say that the situation in the town remains unknown, however chieftain Ali Mumin said that they don’t have much hope for the city remaining intact, as they are certain that the same atrocities committed in the surrounding villages will be committed in the town.

 

The Ethiopian paramilitary forces known as the Liyuu Police have gained notoriety for their brutal ways and have been accused of human rights violations of the Somali territories in Ethiopia. They’ve also been accused of often crossing into Somalia and committing crimes in border villages.

THE INDEPENDENT: Reer galbeedku markale fara gelin maku sameyn doonaan dalka Ciraaq?

 iraq-latuf-usimperialism

Mowduuca ay inta badan hadal hayaan Warbaahinta iyo Jaraa’idka caalamiga ah waa dhacdooyinka kasoo cusboonaaday dalka Ciraaq iyo la wareegitaanka xoogagga Mujaahidiinta Ciraaq ay la wareegeen magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Muusil, waxeyna Warbaahintu falanqeynayaan xaaladda ay dhacdooyinkaas ku yeelan doonaan guud ahaan xaaladda bariga dhexe.

 Maqaal uu ku qoray Jariidada The Independent ayaa qoraaga lagu magacaabo Patrik Cockburn waxa uu cinwaan uga dhigay “Fowdo ka taagan dalka Ciraaq”, wuxuuna qoraagu isweydiiyay haddii reer galbeedku uu markale fara gelin ku sameyn doono dalka Ciraaq kadib la wareegitaankii Mujaahidiinta ay la wareegeen dhul ballaaran oo ku teedsan soohdinta ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya.

 Patrik Cockburn wuxuu sheegay in ku dhicitaanka magaalada Muusil ee gacanta “islaamiyiinta xagjirka ah” ay tahay dharbaaxo xanuun badan oo la gaarsiiyay Xukuumadda Shiicada ee Nuuri Maaliki, taas oo sida qoraagu sheegay Ciidankeeda ay ka carareen inay wajahaan xoogagga islaamiga ah, iyagoo sidoo kale ka tagay hubkoodii iyo dareeskoodii Meliteri.

 Wuxuu tilmaamay qoraagu in guulaha ay soo hooyeen Xoogagga Mujaahidiinta dalka Ciraaq inay keeni karto isbadal siyaasadeed oo ka dhaca gobolka Bariga dhexe, maxaa yeelay waxay reer galbeedku dareemayaan in islaamiyiin ku fikir ah Alqaacidda ay gacanta u gashay dhul ballaaran oo istaraatiiji ah oo kuyaalla Waqooyiga Ciraaq iyo Waqooyiga Suuriya, waxaana Mareykanku ay sheegeen inay taageerayaan dadaal walba oo gacanta Ciidamada Maamulka Shiicada ah dib loogu soo celinayo magaalooyinkii lagala wareegay.

 Korneyl ka tirsan Ciidanka dalka Ciraaq waxa uu sheegay in xoogagga islaamiga ah ay hadda si buuxda u maamulayaan magaalada Muusil, isagoo hadalkiisa ku daray : “Meliteriga iyo Booliiska waxay ka carareen saldhigyadooda, waxaana kadib la wareegay kooxo hubeysan”.

Xoogagga Mujaahidiinta ah ee magaalada Muusil la wareegay ayaa sidoo kale oodda ka qaaday inkabadan Kun Maxbuus oo ku xirnaa Jeelka ugu weyn ee kuyaalla Gobolka Neynawaa oo lagu magacaabo Baaduush, halkaas oo inta badan dadka ku xiran loo heystay dembiyo la xiriira waxa loogu yeero Argagixisnimo.

 Bare Jaamaceed oo ku sugan magaalada Muusil ayaa yiri : “Magaalada waxay si buuxda gacanta ugu gashay Argagixisada, hadda qofkasta wuxuu doonayaa inuu cararo”, wuxuu kusii daray : ” waqti habeen bar ah ayaan joognaa, waxaan isu diyaarineynaa inaan baxsano, balse ma naqaanno meel aan afka saarno”.

 Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Shiicada ayaa ku tilmaamay xoogagga magaalada qabsaday inay ku dheereeyaan qaabka looga dagaallamo waddooyinka, isagoo ku sifeeyay kuwo xirfad sar leh oo saacado gudahood kula wareegaya saldhigyada waaweyn ee Ciidanka.

 

Billowga bur burka Gobolka Bariga dhexe

 Jariidada The Times ee iyana kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa daabacday Maqaal ay qortay Saxafiyadda lagu magacaabo Catherine Philip, waxeyna ku tiri maqaalkeeda : isbuucyo kooban ka hor ayaa xogyaha qaramada Midoobey ee Suuriya Lakh-dar Al-Ibraahiimi waxa uu caalamka kaga digay inay iska indha tiraan tallaab laga qaado Nidaamka Suuriya ee Bashaar Al-Asad, isagoo xilligaas tilmaamay in haddii tallaab wax ku ool ah laga qaadi waayo Nidaamka Bashaar Al-Asad in taas ay horseedi karto in Mandiqadda bariga dhexe oo dhan isu badasho meel saldhig u ah waxa loogu yeero Aragixisada.

 Xoogagga ISIS oo markii hore ka dagaallami jiray dalka Ciraaq ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2013 waxay qeyb ka mid ah howlgalladooda u weeciyeen dhanka Suuriya, waxaana billowgii dagaalka ay gacan siiyeen qaar ka tirsan xoogagga kacdoon wadayaasha, hase yeeshee markii dambe waxaa qarxay dagaal lagu riiqmay oo dhexmaray xoogagga ISIS iyo qaar ka tirsan kooxaha ay isku fikirka dhawaayeen ee Ururka Alqaacidda xiriirka la leh.

 Si kasta oo ay ahaataba waxaa dad badan isweydiinayaan su’aasha ah suurtagal ma tahay in reer galbeedku ay markale fara gelin Meliteri ku sameeyeen dalka Ciraaq, xilli inta badan gobollada waqooyi ee dalkaas ay gacanta u gashay xoogag islaamiyiin ah oo fikir ahaan u dhow Ururweynaha Alqaacidda?.

DAAWO VIDEO:-Dowladda iiraan oo Xoojisay Mashaariicda Shiiceynta ay ka wado Magaalada Muqdisho.

Image

Dowladda Iiraan oo kamid ah dowladaha faragalinta kuhaya Dalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka hirgalisay iskuulo ay wax kubartaan ubad Soomaaliyeed.

Hey’ada Khumeyni ee Iiraan ayaa dardar galisay mashaariicdeeda shiiceynta Magaalada Muqdisho waxaana ay hadda la falgalaysaa dadka barakacayaasha oo ah dad danyar oo lagu dhex fidin karo sunta Hey’adda.

Hey’adda ayaa dhaqaallo adag kubixisay dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira oo ay si wadareed isugu guurisay Muqdisho.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa isha ka daawanaysa shiiceynta ka socota Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Shiicada ayaa sidoo kale ku fidaya Magaalooyinka Galguduud ay ka joogaan Suufiyada halkaasi oo mashaariic ay kawadaan.

Hoos Ka Daawo Filim Muujinaya Shiiceynta Iiraan Ee Muqdisho.

 

XIGASHO SABAAX.COM

 

 

DOWLADA FEDERAALKA AH “Bisha Ramadaan Waxaan Qabsaneynaa Magaalada Muqdisho!!”

31122518

DOWLADA FEDERAALKA AH ayaa ka cabsi qabta dagaalo culus oo ay bisha Ramadaan kala kulanto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo dhinacyada la shaqeeya.

Afhayeenka laamaha ammaanka ee dowladda Qaasim Axmad Rooble ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen dagaalo culus oo ay bisha ramadaan Muqdisho ka fuliyaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna sheegay iney gabi ahaanba qabsanayaan magaalada Muqdisho marka bisha Ramadaan la gaaro!!.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:-Markay habar dugaag noo shirtay nimanki hoos joogay,howsheey u dhiibteen ayaad horumar moodaane

31113324

Markay Habar Dugaag nooshirtay nimanki hoos joogay

howsheey u dhiibteen ayaad horumar moodaane

waxaad hiigsa neysaani waa lagu hallaabaaye

 

Hindisuhu halkuu nooga yimid laysma haybeyne

hanjabaadi dabadeed markuu hoolki idin geeyey

halhaleelki waa taad warqaha hoog saxiixdeene

 

Huuraale (Gaal) kaan haddeer nagu hor kaadaayo

inuu idin hogaamiyo haddaad hagarba moodeyne

waa kii halaageeda waday oon hambeyneyne

 

Idinkays hafraayee cidkale nama hujuumteen

wax kastay hadaaqaan haddaad hadal ka keeneynin

hud hud iyo inaad wada tihiin haatuf soow maaha.

 

Harar kuwii degay kol hore ee Hawaash qaatay

maantana haweystoo WABXO horin lasoo taagan

hadafkooda duulkaan hakayn ama na hoosaasin

ayaguu hareertooda yahay hal isma dhaamaane

inkastuu halyeey sheegan waa lagu hungoobaaye

 

Hirka Xabashaan timid kuwii soo horgalay maanta

ee hoos gelaayee u qabo inay hagaajeyso

goorteey hayaanteey hadhoow halafsan doonaane

ninkii heybta tiisa ah uhuray cadow maxaa haysta.

 

Ma harsado hooskiisa ruux uu hareer yaale

haasaawe guur baa lahaa lagu hanweynaaye

hambalyeyn waxaa mudan nimaan cadow u haateyne

 

Hergel maleh hurdaayoow halkaad hoow ka leedahaye

Halaq iyo Yaxaas baa degay Harimcad iyo tuuge

Hubka qaado hoygeeni waa laysku haystaaye

 

Hillaac aan da*ayn iyo hurfoow hogol wareegtaaba

harraad kaama gooyaan haddaad haan u culataaye

haku taamin hoobeey qabiil waa halaan jirine

 

Harkaan galay haweenkiyo raggii hal isma doorshaane

hammigoodi baa jabay xeraa lagu hareeyaaye

kolba heesti loo meeriyeey hoorinaayaane

waa hiigsigii baa layiri horumarkaa haaye.

W/T; Xagaleey.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-C/raxmaan Baadiyow “Xasan Sheekh Sharaf darro Weyn ayuu u soo jiiday Shacabka Soomaaliyeed!”.

Image

C/raxmaan Baadiyow oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedda siyaasadda dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si caro leh uga hadlay booqashadii Xasan uu ku tagay dalka Masar iyo munaasabaddii Caleema saarka aheyd ee loo sameeyay Cabdi Fataax Al-siisi oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha dalka Masar.

 

Baadiyow waxa uu sheegay in shacabka Reer Masar ay ka raali gelinayaan gafka uu ku sameeyay Madaxweynaha DF isagoona uga cudur daaray hambalyada iyo bogaadinta uu u jeediyay Xasan Sheekh Dhiigyacabka Al-siisi ee Xasuuqa u geystay shacabka Masar.

 

Waxa uu ku tilmaamy Al-siisi mid si qasab ah talada dalkaasi ku afduubay isagoona Xasan Sheekh ku sifeeyay Madaxweyne sumcad xumo iyo sharaf darri usoo jiiday shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay baarlamanka DF in arrintaansi ay ka hadlaan isla markaane ra’yiga shacabka Soomaaliyeed loo cadeeyo shacabka Masar ee la dulmiyay!.

 

Waxa uu yiri C/raxmaan Baadiyow “sidee bey ku dhacday in Madaxdii African-ka aheyd oo diiday in ninkaasi dhiigyacabka ah ay u hambalyeeyaaan in uu isaga ka qeyb galo munaasabaddii Caleema saarkiisa?”.

 

Sidaasi si lamid waxaa horey Xasan u cambaareeyay Ururka uu ku abtirsado kaasi oo sheegay in wax aan laga fileyn Xasan Sheekh Maxamuud in uu sameeyay, dhiibgcab dadkiisa baabi’iyayne kala qeyb galay munaasabad lagu Caleema saarayay.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO:-SOMALI HERO-Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi ‘Ahmed Gurey’

Image

Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi ‘Ahmed Gurey’ no doubt about his legendary status in somali history.

Watch this nice video about Ahmed Gurey..

Again Ethiopian scholars glorifying Him

 

Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi, known in Somali as Gurey, was Imam and General of the Adal Sultanate in Somalia who invaded Ethiopia and defeated several Ethiopian emperors. He was born in 1507 near Zeila in Somalia (then part of the Adal Sultanate.

He embarked on a conquest which brought three-quarters of Ethiopia under the power of the Muslim Sultanate of Adal during the Ethiopian-Adal War 1529-43. In retaliation for an attack on Adal by the Ethiopians, Imam Ahmad invaded Ethiopia in 1529. He campaigned in Ethiopia in 1531, breaking Emperor Lebna Dengel’s ability to resist in the Battle of Amba Sel. When the Imam entered the province of Tigray, he defeated an Ethiopian army there.

The Ethiopians were forced to ask for help from the Portuguese, who landed at the port of Massawa in 1541. Imam Ahmed attacked them and was wounded. The Muslims suffered losses but managed to reform and were reinforced by fresh troops. The Imam sent to his fellow Muslims for help and got 2,000 musketeers from Arabia, and artillery and 900 special forces from the Ottomans. Imam Ahmad attacked the Portuguese camp and killed all but 140 of their troops.

 

Sayid Mohamed Abdulle Hassan was a great patriotic leader of Somalia, he was born in 1856 . At the time northern Somalia was a protectorate of the United Kingdom. Between 1884 and 1960, the area was known as British Somaliland . In 1891 he went to Mecca to perform Hajj and returned to Berbera, Somalia. Hassan emerged a changed man — a spiritually transformed man ‘shaken and over-awed’ but determined to spread the teachings of the Saalihiya order in Somalia.

Sayid then established the dervish state in Somalia and fought an anti imperial war for over 20 years against the British, Italian and Christian Ethiopian forces. This was one of the bloodiest wars in East Africa. He was referred to as the “mad mullah” by the British. During 1901 and 1904, the Dervish army inflicted heavy losses to their enemies – the Ethiopians and the British as well as the Italian forces. Britain for the first time in history used airplanes in Africa to bomb the dervish state in order to defeat the Somalis. On December 21 1920, Hassan had died of influenza at the age of 64….but his memory lives on forever in Somalia.

darwiish hore

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

Taariikhdii Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed “ Sheekh Xasan Barsane “

Image
Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed
“ Sheekh Xasan Barsane “ ( 1853 – 1927 )Sheekh Xasn Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo lo yiqiin Sheekh Xasan Barsane wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1853, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68Km magaalada Jowhar, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.
 
Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Xalima Hilowle Sheekh Xasan wuxuu ka soo jeeday qoys Somaali ah una saxiib ah Diinta Islaamka iyo fardooleey. Aabihii Sheekh Nuur wuxuu ahaa sheekh.
Wuxuu ka dhex muuqday hoggaminta diinta iyo dadka in wax la baro oo dalkana loo diido gumaysiga gaalada soo duushay oo dhan.Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed wuxuu bartay Qur’aan Kariimka isagoo yar, kuna bartay tuulada Ubaadi wuxuuna barashada Diinta Islaamka ku bilaabay isagoo aan weli gaarin 10 jir halkaas oo la sheegay in aabihiiis uu mashaa’ikhda Diinta bartaa ugu keenay.
Markuu laabatan jirsaday ayeey isaga iyo aabihiis isku raaceen inuu sii kordhisto wax barashadiisa uu doonto iyadoo ay jirtay in aabihii uu mashaa’iikh fara badan ugu keenay halkii ay ku noolaayeen.Sheekho wuxuu aaday meel walbo oo uu ku tabaayay in cilmi uu yaalo oo uu ka sii kororsan  karo meelaha uu cimliga u doontay dalka gudihiisa waxaa ka mid ahaa Mateey Aw Xasan oo ku taala Afgooye iyo Muqdisho. Sheekhu kama uusan tagin  inow raadiyo cilmi isagoo markaana gaaray  dalka dibadiisa sida magaalada MAKA EE SACUUDIGA  oo tagay laba jeer oo kala duwan wuxuuna halkaas ku soo gutay xajkii iyo cilmi uu raadinayay, wuxuu halkaas ku maqnaa muddo ka badan saddex sanadood.
Sheekhu waxa uu halkaasi kula soo kulmay Sheekh Maxamed Saalax oo sheekha ay dariiqada SAALIXIYADA .
Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabtay dalka waxaa dalka soo buux dhaafiyay gumeyste kala duwan oo markaas iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Afrika ( 1884 ) dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyeen Ingiriiska, Faransiika, Talyaaniga iyo Bortaqiiska ayaa soo galay dalkeena hooyo ee Somaaliya.
Sheekhu wuxuu ka biyo diiday inow ku hoos noolaado gumeystaha isagoo ka door biday inow Shahiido  isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo dalka.
Sheekh Xasan wuxuu dhexgalay dadka isagoo isku keenay  ciidamo  tiradiisa lagu qiyaasay ilaa laabtan kun ilaa soddon kun ( 20,000 – 30.000). tababar dheer iyo wacyi gelin ka dib sheekha iyo ciidamadisii u kacay difaaca Diinta iyo dalka,Waxayna   la kulmeen hanjbaad iyo hujuum kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heestay dhamaan koofurta Soomaaliya iyo Etiopia oo aheyd dalka kali  ee Afrika kana qeyb galay qeybsashada dalalka Afirca ee Berlin 1884.
Sheekh Xasan  dhag jalaq uma siin dhamaan hanjabaadaas iyo baqdin galintaas kaga imaameysay dhanka Gumeystaha gumeystaha Talyaaniga xiligaasi waxaa Soomaaliya wakiil uga ahaa Jeneral la oran jiray Mario Devechio.
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan  wuxuu go’aansaday inow  la dagaalamo kana xoreeyo dalka  diinta kor loo qaado.

Waqtigii ayaa dhamaaday waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee Sheekh Xasan  la galay gumeystihii. Sheekha iyo gumeystaha waxay kulmeen marar badan iyagoo dhamaan dagaaladii uu la galay gumeystaha uu halkaasi kaga guuleystay. Waxaana dagaaladii u Sheekha la galay gumeystaha ka xusi karnaa :· Gumar Sheel ( 1905 ) waxa uu ahaa dagaalkii ugu horeeyay ee uu la galay Amxaardii oo markaas isku dayaysay inay la wareegto dhamaan dhulka Soomaaliyeed iyadoo markaas timid Taytayle ( Balcad ). Waxaa jiray dagaalo kale uu Sheekha la galay Ethiopia ilaa markii danbe ay dalka ka baxaan iyga oo dulaysan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dagaaladii uu la galay gumeystaha gaar ahaan Talyaaniga oo aan ka xusi karno :

1. Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay 1922.
2. Ceel Dheere 1922 iyo 1923.
3. Hilweyne 1923.
4. Jiliyaale 1924.
5. Hareeriile 1924.

Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray una sheegi jiray inay  haleyaan Shahaado ama Sharaf  Aakhiro iyo Aduunba.
Dagaaladii faraha badanaa ee uu la galay Sheekh Xasan  wuxuu ku laayay rag faro badan oo ka tirsanaa gumeystaha oo isugu jiray saraakiil iyo dablay .
Gumeystaha oo ka faa’ideystay maqnaashaha ciidamada Sheekha oo markaas ku maqnaa dagaalo dhinaca Hiiraan ayaa dhabar jabin ka dib waxa ay hareereeyeen xaruntii Sheekha iyagoo adeegsanaaya hubka xiligaa ugu casrisnaa lana yimid ciidan fara baan oo ay ka oo wadeen dhankaas iyo cadan iyo weliba kuwa kale oo ay ka soo ka xeeyeen dalalka kale oo ay gymeysan jireen kuwaas oo ahaa calooshood u shaqeystayaal sida ku cad buugii uu qoray Mario Devechio oo lagu magacaabo ORIZENTO DI IMPERO. Ka bid Sheekha waxaa uu u gacan galay cadowga, waxayna ka dalbadeen inuu ciidamadiisa ku amro inay is dhiibaan, waa uu ka biyo diiday. Si kastaba ha ahaatee gumeystaha ayaa aakhiritankii ku guuleystay inay qabtaan oo ay xabsiga dhigaan Sheikh Xasan Barsane sanadu markay ahayd 1924.

Waxaa Sheekha lagu xabisay xabsiga loo yaqaaney Gaalshiro iyadoo markaasi maxkamada gumeysiga ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah oo ay u dheertahay shaqo adag iyo jirdil. Si kastaba ah ahaatee hadana gumeystaha ayaa ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya waayo Sheekh Xasan Barsane ayaa ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmeyn koonfurta Soomaaliya iyadoo aanba dhihi karno sheekha wuxuu ahaa quwada kali ah ee dagaalo waaweyn kaga hortimid. Talyaaniga ayaa 3 sano ka dib waxay hadana isku dayeen inay dilaan Sheekha iyagoo ay u suuro gashay sanada Markey ahayd 1927 iyado markaasi ay gumeystuhu ku xireen meel god ah oo aan ku filneyn inuu fariisto godkaas ayaa wuxuu lahaa oo kali ah meel yar oo shabaq camal ah oo uu xoogaa wax u neef ah ka qaadan jiray.

Intaas oo kali ah kuma dhaafin ee  waxay ugu dareen inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa waxaana amarkaasi bixiyay KABEELLO sida uu xusay MAXAMED ABDI (Odoyaasha Muqdisho ) oo ka mid ahaa sadexdii Nin ee loo adegsaday inay fuliyaan falkaasi. Ugu danbeyntii Sheekha ayaa ku geeriyooday suntii. Sida ku xusan Orizento Impero iyo TREE ANNI DE IN SOMALIA .Sheekhu wuxuu dhintay taarikhdu mrkey ahayd 13. January 1927. waxaana lagu duugay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya waxaana markii danbe loo qaaday oo uu hada ku aasan yahay degmada JILIYAALE oo markii hore Sheekha xarun u ahayd.

Gumaystaha iyo gaalada calooshada ku shaqeeya waligood way ku soo duuli jiraan gayiga Somaliyeed,wayna jabi jireen ugu danbeyn,waxaana badana ka hortagi jiray tiro yar oo Somalida ka mid ah.waana tan maanta aan aragno, oo gumaysiga cusub meel walba ka soo galay gayiga Somaliyeed,waana laga hortagay,lana hortaagan yahay,waxaana halys la dhigtay Shahaado ama Sharaf,taasoo ragii hore dhamaantood ku howl galeen.alana ku guuleeyay.

Qofkii maanta ka hortaga tariikhda ayaa xusi doonta,sida  Imaam Axmed Guray,Sayid Maxamed   iyo Imaam Sheekh Xasan barsane,raxiimulaah dhamaantood.

Wikipedia

http://so.wikipedia.org/wiki/Sheekh_Xasan_Barsane

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Aadan Sune “Koox ka mid ah Ictisaam Fitno ayay ku jiraan ”

  Image

Sheekh Aadan Sune oo kamid ah Culimada Diinta islaamka ee Hargaysa ku sugan ayaa ka hadlay jameecaadka islaamiga ah ee ka jira Dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Cadaalad darro ay tahay in La takooro jameeco kamid ah afar xarako oo ka jira Dalka Soomalaiya.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Sune ayaa sheegay in Fitno bartanka ay kaga jiraan koox kamid ah jameecada ictisaam.

Wuxuu markii ugu horeysay ka hadlay shir Muqdisho ay kuyeesheen Culimo Dowladda Taageersan kuwaasi oo soo saaray fatwo lagu baneeyay dhiiga shabaabul Mujaahidiin.

kalimadaan oo dhinacyo badan ka hadashay ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlayaa xariga Kenya ugaystay Sheekh Xasaan Xusseen Aadan iyo sida ay kaga aamusanyihiin Culimada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post