DHAGEYSO:-Kenya”Shabaab Wada Hadal ayaan Diyaar ula Nahay,Weerarada Ha Naga Joojiyaan”

33518410

Aadan Barre Ducaale oo ah xubin ka tirsan Baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii uu ka badbaaday Gudoomiyaha Mandheere oo mas’uuliyadiisu ay sheegteen shabaabul Mujaahidiin.

isagoo umuuqday mid aanan ka war heynin qadiyada shabaabku udagaalamayaan ayuu ka codsaday inay nabadgaliyaan Soomaalida Ku jirta Dowladda Kenya.

“Gaaris,Mandheera,Wajeer iyo Islii noo badbaaday wadankaan meel fiican ayaan ka joognaa”ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

wuxuu sheegay inay diyaar uyihiin wada hadal inay la galaan shabaabul mujaahidiin oo meel kasta ay ugu tagi doonaan.

Wuxuu ugu baaqay shabaabku inay banaanka ka mareen oo ay joojiyaan  dagaalada iyo dilalka ay ka wadaan Kenya.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:WARBIXIN- Turkida iyo Duulaankooda Waxbarasho ee Soomaaliya.

33509861 (1)

Wadanka Turkiga waxa uu kamid yahay dalal Soomaaliya kusoo qaaday duulaanka dhaqaale iyo mid wabarasho.

Iskuulo badan oo ay ku fidiyaan dhaqankooda iyo Luqadooda ayay ka fureen magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Iskuuladaasi waxaa lagu qaadaa astaanta Turkiga waxaana wax ku barta arday Soomaaliyeed.

Iskuulo caan ahaa ayay magacyada ka badaleen waxayna u bixiyeen magacyo Turki ah.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:- Reer Muqdisho “Annagu dowlad ma haysano, niman na iibsanaya iyo gumeysi baa na haysta”

33470338

iyadoo dowladda federaalka  shacabka muqdisho ku eedeynayso in aanay la shaqeyn ayaa hogaamiyaasha bulshadu waxay sheegayaan in aanay dowlad haysan laakiin ay arkeen niman dhiigooda daadinaya kuna gura xabsiyada kadibna iibsada iyo gumeyste.

Nabadoon Warsame iyo Nabadoon Maxamuud oo reer Muqdisho ah ayaa iyagoo u waramayay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxay ku dheeraadeen dhibaatada magaalada ka jirta.

Waxay ku taliyeen in loo baahan yahay in dagaal la isku xoreynayo  loo istaago.

HOOS KA DHAGEYSO

33468074

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

FAALLO:-Maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysata Xabashida ?

kaalmo

Waxaa waayadan caada u noqotay Soomaalida Kaalmeysata Xabashida fashil iyo guuldarooyin aan ka dhamaad lahayn,ha noqdeena Soomaalidaasi kuwa sheegta dowlad, urur ama qabiil. Qormadan, ayaa runtii noqon doonto mid xasaasi ah maxaa yeelay, Waxa ay ka jawaabi doontaa su’aal ay in badan isweydiiyaan dadka Soomaalida iyo waliba dadka daneeya arimahooda. Su’aashaasi oo ah maxay mar walba u fashilmaan Soomaalida kaalmeysta Xabashida ?
Su’aashani, ayaa waxa ay madax xanuun ku riday dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Ajaanibba, Waxa ayna dhinacyadaasi rabaan in ay jawaabo u helaan sababta keeneysa in ay mar walba laga adkaado kuwa Amxaarada Kaalmeysata xitta haddii ay helayaan taageero nooc walba ah.

Tusaale ahaan, Waxa ay dhinacyadaasi fahmi la’yihiin sababta ay u shaqeyn weysay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf, taas oo ay gardaadin ku keeneen Magaalada Muqdisho ku dhawaad 50.000 oo Itoobiyaan ah.

Su’aashani, ayaa waxa ay sidoo kale ku lamaanan tahay su’aale kale oo la isweydiiyo, taas oo ah maxaa looga adkaan la’yahay kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida, gaar ahaan marka la isticmaalayo ciidamada Itoobiya oo lagu tiriyo in ay yihiin ciidan dhisan, islamarkaana si fiican u yaqaana dagaalka Jabhadeynta ah laakiin aad hadda mooddo in laga qash dhacay. Waxaana isku dayi doonaa inta aan ku gudajiro qormada inaan keeno tusaalayaal dhowr ah oo muujinayo in ay guuli ka fog tahay mid kasta oo Amxaaro kalmeysta magaca uu doonaaba ha watee.

Hadabo si aan uga jawaabno su’aasha qormadeena ee nuxurkeedu yahay maxay mar walba la fashilmaan Soomaalida Kaalaameysata Xabashada ? Aan bal marka hore ka waranno sida ay Soomaalidu u aragto Xabashada iyo kuwa taageeraba, Maxaa yeelay aratidaasi, ayaa waxa ay sawir sax naga siineysa sabab ay guuldarooyinkan iyo fashilka u xanbaartaan Amxaaro Kalkaalada.
Dadka Soomaaliyeed, ayaa u arka Xabashada cadowgooda koowaad, Kaas oo sabab u ahaa dhibaatooyin badan oo soo gaaray Qoyskan Muslimka ah (Soomaali). Waxa ayna aaminsan yihiin in ay Iyadu masuul ka ahayd burburkii ku dhacay Qarankoodii xoogga badnaa, inkastoo ay shaqadaasi ku gacansiiyeen kuwa Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale rumaysan yihiin in ay Amxaaradu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha qaran Soomaaliyeed oo leh ciidan xooggan.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo taageersan Dowladda Federaalka, kuwaas oo aan la sheekeystay, ayaa waxa ay ii sheegeen marar badan in Xabashidu tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhismaha ciidan qaran. Tusaale ahaan, mid ka mid ah dadkaasi, ayaa waxa uu ii sheegay in ay adag tahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo xooggan inta ay jirto saameynta ay Itoobiya ku leedahay dalalka horboodda siyaasadda Caalamka.

Hadaba aragtidaasi ay dadka Soomaalidu ka qabaan Xabashida, ayaa waxa ay abuurtay jawi naceyb ah oo loo qaado qof kasta oo Soomaali ah, kaas oo jaal la noqda Iyada. Taasna, waxa ay ugu danbeyn keentay in goob kasta looga adkaado kuwaasi (Amxaaro-Kalkaalada) maadaama loo arkayo dabadhilifyo qatar ku ah jiritaanka Umaddooda. Aan soo qaadano tusaalayaal dhowr ah oo aan is leeyahay, waxa ay noo ifinayaan xaqiiqda aan ka waramayo maanta.

1- Hogaamiye Kooxeedyadii: Dagaaladii dhexmarayey Hogaamiye Kooxeedyadii dalka, Waxa inta badan gadaal ka riixayey Maamulka Xabashadida, Kaas oo doonayey in uu dalka u gacan geliyo kooxo Soomaali ah oo Isaga taageersan. Waxaana ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadaasi Jen. Morgan, Kaas oo ay colaad ba’ani kala dhaxeysay Col. Barre Hiiraale oo ku aadan cidda maamuleysa Gobolada Jubooyinka.

Jen. Morgan, ayaa duulaamo dhowr ah ku qaaday gobolada Jubooyinka si uu u qabsado gaar ahaan Magaalada Kismaayo, Isagoo markaasi taageero dhinac walba ah ka helayey Taliskii Xabashida ee uu hormuudka u ahaa Malaz Zanawi. Waxa ayna duulaamadaasi dhamaantood ku soo dhamaadeen guuldaro iyo fashil ka dib markii ay ciiddu ka hiilisay Jen. Morgan iyo xulafadiisa, inkastoo ay saad iyo saanadba ka fiicnaayeen kooxda Barre Hiiraale. Ma is weydiin karta sababta looga adkaaday Jeneraalka iyo Xulafadiisa ?

Waa aan Nayroobi ku sugnaa 2006, ayaa waxa aan wareystay rag ka qeyb galay mid ka mid dagaaladaasi, Waxa aana weydiiyey raggaasi sababta mar walba looga adkaanayey. Waxa ayna si gooni gooni ah iigu sheegeen jawaab isku mid ah, taas oo ahayd “Adeer ciiddaa nala dagaalantay” Mar kale, waxa aan weydiiyey su’aal kale, taas oo ahayd side buu ahaa muraalkiina ? Mid ka mid ah, Waxa uu iigu jawaabay hadalkan “Nin ay Amxaaro kaalmeysneyso xagee muraal ka keenayaa”. Mar kale Barre Hiiraale, waxa uu dagaal kaga adkaaday kooxo ka kala socday SNF/SRRC, RRA iyo Kooxda Morgan. Dagaalkaasina, Waxa uu ka dhacay Magaalada Baardheere.

2- Maxkamadihii iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho: Dagaalkii dhexmaray Maxkamadihii islaamiga ahaa iyo Hogaamiye Kooxeedyadii, Waxa uu runtii ahaa tusaale kale oo cajiib ah, kaas oo banaanka u soo saaray in taageerada Shacabku tahay midda go’aamineysa natiijada loolanka. Waxa uu sidoo kale dagaalkaasi cadeeyey in taageerada Shisheeyaha aanu waxba qaadi Karin marka uu Shacabku istaago.

Maxkamadaha Islaamiga, ayaa muddo gaaban gudahood kaga adkaaday Hogaamiye Kooxeedyadii xoogga badnaa sida Muuse Suudi,Qanyare,Cabdi qaybdiid,Maxamed Dheere iyo waliba Bashiir Raage, Kuwaas oo taageero dhinacyo badan ah ka helayey dowlado ay Itoobiya ka mid ahayd. Guushii ay gaareen Maxkamadaha ayaa loo aaneeyaa taageeradii ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aad mooddo in ay oraneysay Shisheeye iyo Shaatigiisuba Shantaan kaga shaqeyneynaa.

3- Dowladdii C/laahi Yuusuf iyo Muqaawamadii: Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Eebe ha u naxariistee, Ayaa Magaalada Muqdisho la keenay dhamaadkii 2007, Iyadoo lagu wado Uuraalo Itoobiyaan ah ka dib markii ay in mudda ah ku go’doonsaneyd Magaalada Baydhabo. Waxaana dheelmintaasi qar iska tuurka ka qeybqaatay Kumaanan Kun oo Itoobiyaan, Kuwaas oo dagaalkooda ka soo bilaabay Gobolada Dhexe (Bandiirley) ilaa ay ka soo gaareen Xaduud beeneedka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya sida Raaskaanbooni oo kale.

Sanad ka dib, Dowladdii C/laahi Yuusuf ee lagu galbiyey 50.000-ka Kun ee askari, Waxa ay dib ugu uruurtay Villa Soomaaliya, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee keenay Magaalada Muqdishana ay dalka isaga carareen, Iyagoo waliba lugaynayo. Hadaba waxaa maxay sababta keentay in ay Dowladdaasi ku uruurto Xeyndaabka Villa Soomaaliya ? Adiga is weydii.
Tusaalayaashaasi aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badanba, Waxa ay noo cadeynayaan in ay guuli ka fog tahay qof kasta oo Soomaali ah magac kastaaba ha watee sida dowlad, urur iyo xisbi, Kaas oo miciinbida Amxaaro iyo taageeradeeda in wixiisu ku soo dhamaanayaan guuldaro iyo fashil. Hadaba aan is weydiine xagguu ka imaanayaa fashilka ? Su’aashani, Waxa ay leedahay labo Jawaabood oo kala duwan.

1- Fashilku, Waxa uu ka imaanayaa Shacabka Soomaalida oo iska bari yeelayo, islamarkaana iska diidayo cid walba oo kaalmeysata Xabasho magacay doonaanba ha wataanee. Taasna, Waxa ay ugu danbeyn keeneysaa in ay kooxdaasu dhaqaaqi weyso.
2- Xabashida oo ay caado u tahay in ay lugoyso, islamarkaana ay horumarka kala dagaalanto cid kasta oo ay ku shaqeysato. Tusaale ahaan, lama arag nin ay Amxaaro barbaarisay oo hadana guuleystay. Maxay ku sameysay C/laahi Yuusuf, Cumar Xaaji Masala,Maxamed Dheere,Maxamuud Sayid Aadan iyo kuwa kale oo badan. Aaway Raggii xilalka ka soo qabtay Soomaali Galbeed ? Dhamaantood waxa ay ku baxeen gacanteeda.

Labadan qodob, ee aan soo sheegnay marka ay isku raacaan qofka Soomaaliga ee jaalka la ah Xabashada, Waxa uu sugaba waa fashil iyo guuldaro aan dhamaad lahayn. Ninka inta Muqdisha ka orday ee Maqaley istaagay, Walibana gishtay Koofida injirta badan. Muxuu ka filayaa Shacabka Soomaaliyeed oo aan ahayn habaar iyo canaan ? Mase is weydiiyey dhibaatada ay arintaasi u keeni karto mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo waliba taageerayaashiisa.

Waxaa Isaga (Xasan Sheekh) ka daran Atoorayaasha Maamul Beeleedyada, Kuwaas oo kala garan la’ Federaalka ay ka tirsan yihiin ma kan Soomaaliya mise kan Itoobiya. Midda kale, haddii Itoobiya la tago ma in la dhaanteeyaa ? Waa maxay dhaantadan joogtada ah !
Anigu, runtii waxa aan ka mid ahaa dadka taageera Xasan Sheekh iyo Dowladdiisa laakiin marka aan arkay meesha loo socdo, Waxa aan go’aansaday inaan iska aamuso waayo aamuska ayaa ii wanaagsan. Tusaale ahaan, Sidee damiirkeyga uu u aqbali karaa in uu gacal iyo gaashaan ka dhigto ninkii Shalay burburiyey Qarankeygii maantana mar kale hortaagan ?
Gaba gabadii, Waxa aan leeyahay fashil iyo guuldaro waa u diyaar kooxda Tuunjo Amxaaro ee ay hormuudka u yihiin Atoorayaasha Maamul Beeleedyada iyo waliba Dowladdooda fadhiidka ah inta ay Gabre iyo wax la mid garabsanayaan.

Gunaanudkii, Waxa aan leeyahay Soomaali ha noolaato hana israacdo.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdul2006@hotmail.com

11036485_651340598303179_4279413817735034350_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta Maareeye ”Dowladdu wax taageero ah kama heysato Shacabka Soomaaliyeed”

33462969 (1)

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan dowladdu wax taageero ah kama heystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney shacabku aad u mucaaradsan yihiin dowladda heer ay gaareen buu yiri’ ineysan canshuur inoo ogoleyn.

Inkastoo ay dowladdu ganacsatada xoog uga qaado lacagaha canshuurta ayaa haddana waxaa jira iney eedo badan kala kulanto ganacsatada.

Waxaa madaxda dowladda la weydiiyaa hadeysan ammaankeena sugi karin oo ciidamadiinu na dhacayaan sidee baan canshuur idiinku siinaa.?

Cabashada dowladda ee ah ineysan wax taageero ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneeyaa iyadoo la shaqeysa shisheeye taasoo keentay in  shacabka oo ilaashanaya caqiidadooda ay xiriirka u jaraan dowladda.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

DHAGEYSO:-Sh Maxamed Cabdi Umal Shalay iyo Maanta (Dowladii Cabdullaahi Yuusuf Vs Dowlada Xasan Sheekh

33446121

Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo kamid ah wadaadihii caanka ku ahaa taageerida Jihaadka, balse sannadihii dambe isku rogay bilcagsi kana soo horjeestay in lala jihaado shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa waxaa meel walboo uu tago xujo ku noqotay su’aal ah: “Sheekhow shalay waxaad sheegtay iney riddo tahay dowladdii C/llhi Yuusuf sidoo kalana ay sharci tahay in lala jihaado iyada iyo gaalada, maantana waxaad leedahay riddo ma ahan dowlad iyo maamulo taas kasii daran, jihaadkiina waad kasoo hor jeesatay ee sidee wax kaa yihiin”.

Su’aal tan lamid ah ayaa Sheekh Umal lagu weydiiyay dalka Zaambiya oo uu dhowr maalmood kahor kasoo laabtay, laakin Sheekha ayaa si ayba su’aashan uga harto hadda kadib ka ku dhaqaaqay inuuba iska inkiro inuu raddiyay dowladdii Kenya lagu soo dhisay ee amxaaro kalkaalka ahayd.

Qofkii su’aasha weydiiyay ayuu Sheekhu ku xujeeyay inuu keeno codkiisa ama cadeymo xaqiijinaya inuu radiyay dowladdii C/llhi Yuusuf. Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa soo bandhigtay mid kamid ah hadaladii tirada badnaa ee uu Sheekhu ku raddiyay dowladdii C/llhi Yuusuf.

Wuxuu sheegayaa in dowladdaasi ay tahay dowladda iyada la wato oo ay amxaaradu kusoo dhistay Nayroobi, waxa uu ku sifeynayaa dowladda aanan madax bannaaneyn isagoo tusaale usoo qaadanaya sida ay Xabashidu jagada uga qaadi jirtay hadba ninkii ay doonto gaar ahaan marka madaxdu is khilaafto.

Sheekha ayaa hadalkan ku inkiraya wadaado taageerayay C/llhi Yuusuf isagoo si cad u sheegaya in dowladdaasi ay ku dhacday (muwaalaatul-kufaar) wuxuu soo bandhigaya aayadaha loo daliishado iyo ijmaac ay soo guuriyeen culimada.

Qodobkan ayaa waxaa qeyb ka ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka hadlaya waxa u sababta ah isbadalkan sibiqda ku galay Sheekh Maxamad Cabdu Umal.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Goormaan Amxaaro Walaalownay inteense ku Walaalownay ?

33441002

Waxaa waayadan soobaxay Siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo meel walba la taagan walaalaheena Itoobiya iyo erayo ka sii xun waxaasi. Siyaasiyiintan, ayaa badan kooda ah dad waaweyn oo si fiican ula socda taariikhda u dhaxeysa labada Umadood ama labada dal, Waxa ayna sheegaan in uu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyey labada dal. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye goormaan Amxaaro walaalownay inteense ku walaalownay ?

Waxa ay dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba og yihiin colaadda ka dhaxeeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ama haddan si kale u dhigo Umadda Soomaalida iyo Xabashida ku nool Geeska Afrika. Kuwaas oo ay Colaaddoodu soo bilaabatay Qarniyo ka hor ilaa maanta ay taaagan tahay. Bal inta aanan u gelin goorta la walaaloowbay iyo meesha lagu walaaloobay aan marka hore dulmaro taariikhda labada Umaddood.

Sida aanu og nahay Anaga iyo Amxaaro waxaa na dhextaalo colaad gaamurtay, taas oo salka ku hayso arimo badan oo ay ka mid yihiin isbalaarin iyo isa sheegasho ka imaaneysa dhanka Xabashida ilaa maantana socota, Waxa ayna isbalaarintaasi ugu danbeyntii keentay in labada Umadood ay isaga horyimaadaan dagaalo badan. kuwaas oo aan ka xusi karno dagaaladii dhexmaray Axmed Gurey iyo Xabashaddii waagiisii nooleyd. Waxaa sidoo kale ka mid ah dagaalada dhexmaray labada Umadood dagaalkii Barakaysnaa ee 77, Kaas oo ay hormuudka u ahayd Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barrre ee lagaga gol lahaa xureynta dhulka Soomaali Galbeed.

Dadaalo dheer ka dib oo ay Xabashidu ku dooneysay in ay ku qabsato dhulka Soomaalida ama ay ku dooneysay in ay ku badasho diintooda, Ugu danbeyn, waxaa u suurtagashay Xabashidu in ay hanato dhul Soomaaliyeed oo aad u ballaaran. Kaas oo uu ku wareejiyey Ingiriistii gumeysanayey Waqooyiga dalka. waana dhulka maanta loo yaqaano Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu xoogga ku haysato.

Ka dib markii ay Umadda Soomaalidu iska xureysay Gumeystihii qaashimka ahaa ee reer Yurub, Islamarkaana la dhisay Qaran Soomaaliyeed oo xooggan. Ayaa waxaa laga dalbaday Taliskii Xabashida ee waagaasi jiray sida kii Xayle Salaase iyo Mingiste in ay soo wareejiyaan dhulkii gardartada lagu siiyeyey balse nasiibdaro Amxaaro dheg jelaq umaysan siinin dalabkaasi, taasi oo markii danbe keentay in ay labada Umadood dagaalo isaga horyimaadaan sida dagaalkii 1977 oo kale. Dagaalkaasi oo runtii ahaa mid cadowga lagu xanuujiyey, islamarkaana loogu dhigay casharo aysan ilaawi doonin waligood.

Dagaalo ay dhiig badani ku daateen ka dib, Waxaa u suuragashay ciidamadii Soomaalida in ay qabasadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu xoogga ku haystay,taas oo tuntii ahayd guul taariikhi oo ay soo hoyeen Ciidamadii Soomaalida inkastoo markii danbe dib looga soo baxay dhulkaasi, ka dib markii ay dagaalka soo farageliyeen dowlado ay ka mid ahaayeen Ruush,Kuuba iyo kuwa kaleba.

Umadda Soomaalida, ayaa dagaalkaasi u gashay sidii ay u soo ceshan lahad dhulkii laga haystay ilaa maantana laga haysto. Waxaana dagaaladaasi ku shahiiday Kumanaan wiil oo Soomaaliyeed halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale. Dagaalkaasi ka dib, Waxa ay Xabashidu go’aansatay, Iyadoo kaashaneysa dalal ay jaal yihiin in la burburiyo dowladnimada Soomaalida, si aysan mar danbe u dhicin in uu duulaan danbe kaga yimaado dhanka Jamhuuriyadda Soomaalida.taas oo ay ugu danbeyntii ku guulaysatay ka dib markii ay isticmaashay Jabhado Soomaali ah, kuwaas oo jilbaha u dhigay Qarankii xoogga badnaa.

Intaasi kuma aysan ekaanin ee waxa ay marar badan gudaha u soo gashay dalka ilaa ay markii danbe soo gaartay Magaalada Muqdisho oo ahayd halkii laga soo abuubulay dagaalkii barakaysnaa ee 77. gaar ahaan, waxa ay ciidamooda saldhigyo ka dhigteen Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waliba Madaxtooyadii dalka, Iyagoo qoslayo inkastoo markii danbi ay carar wax ka dayeen ka dib markii ay cashar u dhigeen wiilal uu ilaahay barakeeyey.

Inkastoo ay waagaasi carartay, hadana waxa ay geeysatay dhibaato baaxad leh. tusaale ahaan, waxa ay Magaalada muqdisho ku dishay kumaan kun oo Soomaali ah, Iyadoona dhinaca kale burburisay hanti badan, taas oo ay ka marqaati kaceen Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ah. Marka la iskudaro dhibaatada ay Xabashidu ka geysatay dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Jamhuuriyada, waxaa la oran karaa waxaa dhacay xasuuq ba’an. tusaale ahaan, hal magaalo oo ku taallo gobolka Gedo, waxa ay ku dishay maalin qura 70 iyo dhowr qof, halka afartan kalena ku dishay banaanka Magaalada.

Laga bilaabo maalintii Xabasho dhulkaasi la siiyey ilaa maanta ma jirto meel ay Labada Umadood uga heshiiyeen sida laga yeelayo dulka iyo dadka maqan, haddii Iyada la siinayo iyo haddii ay soo celineyso intuba. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye kuwan ku hayo walaalaheena Itoobiya xagey warkaan ka keeneen, xageese lagu walaalowbay ? Mase noo sheegi karaa isbadalka dhacay ee keenay in la walaaloobo ?

Dadka Soomaaliyeed, ilaa maanta ma oga meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo waliba meel lagula heshiiyey intuba. Bal waxa ayna og yihiin oo kaliya in ay Xabashi wali haysato dhulkoodii (S/Galbeed), islamarkaana ay Iyadu si dadban u maamusho qeybo badan oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda haday ahaan lahayd kuwan isku sheega Maamul Gobleedyada sida Soomaaliland,Puntland,Koofor Galbeed,Jubooyinka iyo waliba kooxda Suufiyadda oo ah runtii gacan ka mid ah gacmaha ay Itoobiya ku fowdeyso dalka. Allow ha igu darin adigaa raxmaane kuwa darka Nabiga (SCW) laga celin doono.

Sow ma’ahan marka hore inta aan la walaaloobin in laga heshiiyo wixii dhacay, lana isu celiyo wixii la kala haystay ? Jawaabtu waa haa haddii kale ma jireyso wax walaaltimimo dhab ah. calaakilixaal, waxaan ka rabtaa kuwan iimaan laawayaasha ah ee ku waashay walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baan fureynaa in ay noo keenaan wixii isbadalay goorta ay isbadleen iyo meesha ay iskubadleen, haddii kale waxaan leenahay iska aamusa aamuska ayaa idiin wanaagsane.

Soomaali dhibaatada maanta haysta inteeda badan waxa ay uga imaaneysaa waa faragelinta Xabashida. Tusaale ahaan, Al-shabab ma jirin ka hor duulaankii ay Xabashidu ku soo qaaday dalka 2007. Tusaale kale, kuwa maanta hortaagan Dowladdan Federaalka ee ay ka shaqeyn la’dahay waa taageerayaasha Xabashida haday ahaan lahaayeen Maamul Goboleedyada iyo haday ahaan lahaayeen kuwan Suufiyada ahba.

Waa wax laga xumaado runtii in qof Soomaali ah oo og dhibaatada ay Amxaaro u geysatay Umadda Soomaaliyeed, in uu Umadda la soo hor istaago maalin kasta walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baa noo furmay, Iyadoo ay dalka ka socdaan dhibaatooyinka ay Xabashidu masuulka ka tahay. Wali ma arag kuwan ka hor nin cadowgiisa ku tilmaamayo walaal.

Midda kale, yaa wali arkay siyaasiyiinta Xabashida oo ku hadaaqayo walaalaheena Soomaaliyeed iyo waan ka heshiinay wixii dhacay ? Kolay Anigu ma arag mana maqal, Waxaanse hubaa in ay Xabashi ku howlan tahay burburinta waxa haray ka dibna ay si toos ah u shaacin doonto damaceeda ku aadan dhulkan. Yaa dabada ka riixayo nidaamkan federaalka ah ? yaase hurinayo colaadan ka aloosan gobolada qaar ? Yaad u malayneysaan in uu u been sheegayo Soomaaliland ? Yaa mar walba Adis Ababa uga yeero atoorayaasha Maamul Goboleedyada ? dhamaan Jawaabaha su’aalahani waxaa soo wada waqtiga ee yaan la dhararin.

Anigu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Waxa aan waday xog uruurin ku aadan dareen dadka iyo sida ay u arkaan qatarta ka soo socota joogista ay ciidamada Xabashidu joogaan gudaha dalka iyo saameynta ay arintaasi ku leedahay mustaqbalka. Waxaana runtii ii soo baxay in ay dadku muujinayaan walaac badan oo ku aadan mustaqbalka, gaar ahaan khilaafaadkan joogtada iyo fargelinta ka imaaneysa Xabashida. Tusaale ahaan, Waxa ay dadku ka walaacsan yihiin sida ay Xabashidu gacanta ugu dhigayso dhamaan shaqsiyaadka horbooda Maamulada ka jira dalka min heer Dowlad Dhexe ilaa heer degmo.

Gaba gabadii, Waxaan leeyahay Anagu ma ogin hadaanahay Shacabka Soomaaliyeed meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo goor lala walaaloobay intuba, ee haddii ay jiraan rag og haday rabaan ha noqdaana Islaaxii wadaadnimada sheegan jiray ee ha noo keenaan cadeyn muujineysa meeshii lagu heshiiyey ee lagu walaaloobay haddii kale Umadda ha laga daayo jahawariirinta iyo u garba duubka cadowga.

Ugu daneyn, Waxaan ugu bishaareynayaa Umadda Soomaaliyeed meel kastaaba ha joogtee in ay soo socoto Shabakada Wadani ah oo u istaagi doonto haddii uu Rabbi idmo danaha Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka qeyb qaadan doonto joojinta dhiiggan daadanayo iyo raadinta hanaan dib-uheshiisin oo miradhala. Fadlan igala qeybqaado joojinta dhiiggaan daadanayo iyo raadinta xal waara.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com