DHAGEYSO:WARBIXIN- Turkida iyo Duulaankooda Waxbarasho ee Soomaaliya.

33509861 (1)

Wadanka Turkiga waxa uu kamid yahay dalal Soomaaliya kusoo qaaday duulaanka dhaqaale iyo mid wabarasho.

Iskuulo badan oo ay ku fidiyaan dhaqankooda iyo Luqadooda ayay ka fureen magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Iskuuladaasi waxaa lagu qaadaa astaanta Turkiga waxaana wax ku barta arday Soomaaliyeed.

Iskuulo caan ahaa ayay magacyada ka badaleen waxayna u bixiyeen magacyo Turki ah.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Nabadoon Fartaag oo Sheegay in Gaalada Caalamka Turkiga u Wakiisheen Gumeysiga Somalia.

33177508

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Islamiga Hawiye nabadoon Muxamed Axmed Guleed Fartaag oo ka  hadlay socdaalkii shalay oo Muqdisho ku yimid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo Somalida qaar u bixiyeen” Uur Dukhaan”oo micnaheedu yahay Uurka sigaarka.

Afhayeenka odayaasha Hawiye ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga iney dooneyso iney gumeysato dalka iyo dadka Somaliyeed’waxaana uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed hadii aysan la dagaalamin Turkiga inuusan sii jiri doonin ganacsigooda.

Dowladda Turkiga ayaa dhibaato xoogan ku haysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho’iyadoona dowladda Turkiga ay la wareegtay dekedda Muqdisho iyo goobtii kaabada laga qodi jiray taasi oo sababtay in kumanaan ruux oo Somali ah ay shaqo la’aan soo wajahdo.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO-DIIRADA JIMCAHA:Faragalinta Turkiga iyo Gayiga Soomaaliyeed

33153983

Barnaamijka Diirada Jimcaha oo ay ka qeybgaleen marti lagu casuumay ayaa maanta lagu faaqiday Turkiga iyo faragalintiisa Soomaaliya.

Halkan Guji oo Dhageyso Diiradda Jimcaha 23-01-2015.lite 

XIGASHO:Radio Alfurqaan.

DHAGEYSO:-TURKIDA oo sumaynaya Ceelasha Biyaha Muqdisho.

32875494

Waxaa  ka dhacday degmada Yaaqshiin arin aad looga naxo markii la sumeeyay ceelka biyaha siiya degmadaas iyo degmooyinka ku wareegsan,ceelkaas oo aad looga yaqaan xafadahaas,waa Cee4laka Ramadaan  kaasoo dad badana ay u waxyooloobeen.
ku dhawaad 50 ruux ayaa la soo sheegayaa inay u dhinteen biyahaasi sumeyssan.

Tiro kale oo dhan 150 ruux ayaa la ildaran kuwaasoo shuban ka qaaday biyaha ay cabeen waxaana lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka.

Waxaana soo baxday in Turkido ka danbeyso in Ceelasha la sumeeyo,waxaana la ogaaday in sumayn rabo ceelasha loogu cabis badan yahay magaalada Muqdisho.

Dhageyso Hooyo Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:-Turkiga oo ku naaxay Dhaqaalaha Soomaalida.

 

32760912

lacag malaayiin doolar ah ayaa Turkiga ka soo gasha dekedda Magaalada Muqdisho taasoo diyaarado lagu qaado si magaalooyinka Turkiga loo geeyo.

Ganacsatada dekadda wax kala soo degta ayaa sheegeysa in qarashkii ay waayadii hore bixi jireen mid ka badan ay iminka dhiibaan.

waxay tilmaamayaan in  dowladda federaalka ah inkastoo turkigu lacagta uu qaado ay la qeybsato hadana ay jiraan xafiisyo kale oo ay lacago ku qaado oo dekedda gudaheeda ku yaal.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Shaqaalihii Dekadda Muqdisho oo Turkido Xasuuq ku Bilowday!!

32111003

Maleeshiyaadka  Boolis ah iyo Shaqaalaha Sharikadda Al-bairak ayey sheegeen Muruq Maalku in ay Rasaas kusoo fureen ayna dhaawaceen ilaa Seddax ruux oo ka mid ahaa dadkaas Xamaalatada ah.

Turkida ayaa howlgalisa ciidamo ay  gaar u leeyihiin kuwaas oo Soomaali ah,waxayna bixisaa Mushaarkooda/.

Wariyeyaal meesha tegay ayaa sheegaya in Halkaas ay ku arkeen dhaawaca labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay Rasaasta ay Maleeshiyaadku  ku Fureen Muruqmaalkaas, sida ay sheegayaana mid kale isaga oo dhaawac ah waxaa xiray Booliska.

Qaar ka mid ah Muruqmaalka Dekadda ka Xamaasha ayaa sheegaya in ay Arkayeen, mid ka mid ah Shaqaalaha Turkiga ah ee ka Tirsan Al-bairak oo  hubaysan,kuwaas oo la ogyahay inay ciidamo u joogaan Muqdisho kuwaasoo Xabado ku ridayay dadka Xamaalatada ah.

 

Dhowaan ayaa Sharikadda Al-bairak ee Turkiga ah waxaa ku wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho Xukuumadda, Baarlamaanka Dalka ayaase dhowaan la horgeeyay Mooshin ka dhan ah Sharikaddaas, taasoo markii ay shaqada la wareegtay shaacisay in ay Shaqada ka Joojineyso 5,000 oo Ruux oo Muruq Maalka ka mid.

Gudoomiyaha Muruqmaalka Dekada Magaalada Muqdisho Khaliif Maxamuud Warsame ayaa saxaafada waxa uu kaga warbixiyey shaqaaqo maanta ka dhacday Gudaha Dekada Muqdisho.

Halkan Riix Si’Aad U Dhegeysato Codka

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MUQDISHO:-Thousands of Somalis expected to lose their job at Mogadishu’s seaport

32000330

Thousands of Somali employees at Mogadishu’s seaport are on the brink of losing their job after a Turkish company recently took over the managerial affairs of the port.

This comes after the Turkish Albayrak company entered into an agreement with the Somali government late last year after signing a contract to reconstruct, modernize and develop the seaport while in return managing it for twenty years to come.

Angered by the news that more than 90% of them would be fired, the Somali employees protested out of anger at the seaport, demanding that the decision be re-considered. “The Turkish company has told us that it will fire 5180 out of the 5530 Somali employees working at the docks. This will threaten their livelihood and only source of income” said Mohamed Osman Haji, head of the Union for Somali Employees. “If the Turkish company and Somali government go ahead with this decision they’ll be putting these Somali youth in a predicament, many whom will leave the country through smuggling routes or die trying, whilst others will immerse themselves in illegal activities” he further added.

In recent years the Somali government has been signing contracts with foreign companies, who’d bring their employees into Somalia, whilst government positions were mostly appointed to Somalis from the diaspora community, causing the anger of many locals claiming to have been sidelined and marginalized, feeling alienated in their own country.

HARAR24.COM

Turkida oo ka Guurtay Muqdisho Ammaan darro Awgeed.

31438996

Waqti ammaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa ayay dowladda Turkiga ku dhawaaqday inay  xirtay safaaradeeda Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Turkiga ayaa lagu sheegay in sababa ammaan darro aawgeed lakala diray shaqaalaha safaaradda Muqdisho illaa iyo amar dambe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha Turkiga ee ku sugan Muqdisho loo daad gureeyay dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoona dhismaha safaaradda oo kutaal degmada Hodon lagu dhaafay waardiyaasha oo ah Soomaali.

Xiridd safaaradda Turkiga ee muqdisho waxay imaanaysaa waqti dilal iyo weeraro qorshaysan ay ka socdaan intabadan degmooyinka gobolka Banaadir.

Turkiga ayaa duullaanka shisheeyuhu kusoo qaadeen uga qeyb qaatay faafinta akhlaaq xumi isagoo isku dayay in uu dhaqanka wanaagsan ee islaamiga ah ka reebo shacabka Muqdisho waxaana xusid mudan in Turkigu dhaqaale xooggan siiyaan soo duulayaasha AMISOM iyo xukuumadda Xasan Sheekh.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

WARBIXIN :-Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo isku haysta Muqdisho.

Image

Dowladaha shisheeye ee Soomaaliya faragelinta kusoo sameeyay waxaa kamid ah dowlado caalamka islaamka katirsan oo ay kajiraan maamullo dabadhilifyo ah oo ku daba fayshan mareykanka iyo xulufadiisa.

Mashruuca Ashahaadda ladirirka ee loogu magac daray ladagaalanka Argagaxisada waxaa safka hore uga jira dowlado carbeed iyo kuwa cajam ah oo dhammaantood calmaaniyaddu ku fogaatay.

Dowladda Turkiga ayaa sanaddii 2011-ka faragelin kusoo sameysay soomaaliya iyagoo gabaad ka dhiganaysa bixinta gargaar bani’aadanimo xiligaasi oo soomaaliya ay ku dhufteen abaaro saameyn ba’an ku reebay dadka iyo duunyada.

30775608

Ujeedka faragelinta Turkiga wuxuu xambaarsanyahay falsafada qota dheer oo shacabka iyo shareecada islaamka lagula fogaynayo,turkiga ayaa taageero dhaqaale iyo mid tababar ku bixiya AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka.

Duullaanka Turkiga wuxuu saameeyay akhlaaqda iyo dhaqaalaha shacabka magaalada Muqdisho,dadka qaar ayaa Turkiga u arka dowlad saaxiib ah iyagoo wax ku dhisaya laamiyada uu dhisay ee waddooyinka Muqdisho iyo dhismayaasha dhal-dhalaalaya ee uu caasimadda ka taagay sida isbitaalka Digfeer balse halbeegga qiimeyntaasi aad bay u liidataa.

Dowladda Imaaraadka carabta oo kamid ah dowladaha ugu dhaqaalaha badan wadamada Khaliijka carabta ayaa bilihii lasoo dhaafay qeyb ka qaadanaysay dullaanka reer Muqdisho ka dhanka ah.

Hoteellada ku teedsan garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa deggan saraakiil imaaraadka Carabta katirsan waxayna lacago malaayiin dollar ah ku bixinayaan mashaariic lagu tilmaamay “Horumarin”.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in imaaraadka carabta oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda Turkiga ay Muqdisho ka waddo mashaariic ay ku doonayso in ay daaqadda uga saaraato dhaq dhaqaaqyada Turkiga.

Isbitaalka degmada C/Caziiz iyo xero melleteri oo lagu tababari doono DF-ka waxaa dhisaya dowladda Imaaraadka carabta.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay imaaraadka carabta xariirkii dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ujareen Turkiga iyagoo kasoo horjeedo waxa ay ugu yeeraan “Islaamka siyaasiga” ee Turkiga kajira oo ka dhigan xisbiga Ikhwaaniga dabadhilifka ah ee Horumarka iyo caddaaladda ee uu madaxda ka yahay Rajeb Dayib Erdugaan.

Dowladaha Sacuudiga iyo imaaraadka carabta oo dhaqaale badan ku bixiyay rididdii dowladdii Mursi ee Masar waxay ku dadaalayaan sidii ay Turkiga umajaxaabin lahaayeen waxaan larumeysanyahay in soomaaliya iyo suuriya ay kamid yihiin meelaha Turkiga lagula dagaalamayo hay’adihiisa gargaarka sheegta.

30775605

 

Liibaan Jeexoow Cabdi.

 

MUQDISHO:-Turkiga oo la Wareegay Maamulka Dekadda Muqdisho iyo Boqollaal Garab Rarato ahaa oo Shaqo La’aan Wajahaya.

Image

Dowladda Turkiga oo intii badneed ilaha dhaqaale ee dalka gacanta ku dhigtay ayaa waxa ay si buuxda ula wareegtay dhawaan maamulka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, iyadoona shaqada ka erisay shaqaalihii dekadda ka xamaalan jiray.

Turkiga oo si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka dekadda Muqdisho ayaa waxa uu u sheegay xamaalatada dekadda, in shaqaalaha dekadda ka howlgalaya ay noqon doonaan tiro cayiman oo kaliya, taasi oo shaqo la’aan cusub gelin doonta boqollaal garab rarato ahaa isla markaane nolashoodu ku tiirsaneed dekadda Muqdisho!.

Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Turkiga kal hore ku wareejisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasi oo ka dhigan in ilaha dhaqaale ee dalka uu si toos ah u maamulayo Turkiga oo dagaal dhanka dhaqaalaha ah kula jira Umadda Soomaaliyeed.

DHAGEYSO:-Turkiga oo sii xoojisay Cunaqabateynta Ganacsatada Muqdisho.

Image

Dowladda turkiga oo kamid ah dowladaha caalamka  ee sida aadka u doonaya iney gumeysi cusub galiyaan dadka Soomaaliyeed waxey magaalada Muqdisho ka wadaan olola ballaaran oo ay ku curyaamineysa ganacsatad Muqdisho qeybahooda kala duwan.

Dowladda Turkiga oo kal hore ku guuleysatay iney baabi’iso Mihrada ganacsi oo ay ku shaqeysanayeen dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan Muqdisho kadib markii dowladda Turkiga suuqyada Muqdisho ka furtay goobaha ganacsi raqiis lagu iibanayo taasi oo ay ugu tala gashay iney ku dhabar jibisa ganasiga iyo ganacsatada Muqdisho.

Cali Maxamuud Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga Iskaashatada dhagaxa gobalka Banaadir ayaa  sheegay in dhul dhagxaanta laga soo saara iney iibsatay dowladda Turkiga islamarkaana ay joojisay Turkiga shaqdii halkaasi ka socotay.

Cali waxa uu intaa ku daray in dhulka Turkiga iibsatay maalinwalba ay usoo shaqa tagi jireen in kabadan hal Milyan oo ruux dadkaasina imika ay soo wajahday shaqo la,aan baahsan waxaana uu intaa ku daray in dakada Muqdisho kusoo xirtay Markab Jaay wada oo Turkiga keentay waxeyna taasi qeyb  ka tahay cunaqabateynta Turkiga ku hayo xoogsatada Muqdisho!

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Turkiga iyo Itoobiya mawada socdaan mise way ku loolamayaan dalka Soomaaliya?‏

Image

Markaad ufiirsato siyaasadaha isdiidaya marna wada socda ee kajira dalka Soomaaliya waxaa kuu muuqanaya inay jirto marin habaabin wejiyo badan leh oo lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

Sideedana majiro gumaysi weji qayaxan lasoo horjoogsada dadka uu doonayo inuu qabsado,laakiin taas bedelkeeda wuxuu isticmaalaa maaskaro kaa qarinayso foolkiisa runta ah si aad marwalba u rumaysnaato inuu yahay kii kaa caawin lahaa dhibaatooyinka uu asagu abuuray ee ku haysta.
Haddaba haddii aan hoos usoo dego , labada dowladood ee aan magacooda kor kuxusay waa laba dowladood oo midina ay nooqoran tahay inay tahay cadowgeena rumaad ee soo jireenka ah,midda kalena aan uhaysano inay tahay dowlad muslim ah oo walaalahen ah.

Tan cadowgeena ah ee itoobiya waxay maanta hormuud katahay oo ay hogaaminaysaa duulaanka dalkeena lagusoo qaaday ayadoo huwan magaca kadaba tuurka ee AMISOM. waxaana looga fadhiyaa inay geysato gummaad iyo xasuuq farabadan oo aan cidna kula xisaabtamayn ayadoo lagu ammaani doono burburinta dalka iyo nabadda kajirta meelaha ladoonaayo inay qabsato.

Dowladda labaad ee aan wehelkeena kusheegeyno ee Turkigu waxay noo muujisaa weji kaas kaduwan,ayadoo dib udhis kawado qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.dhowrjeerna keentay caawinaad isugu jira raashin iyo dawooyin.

laakiin waxay hadda lasoo baxday wejigii seddexaad ee ah ujeedadeeda dhabta ah ee ay Soomaaliya utimid,waxayna bilowday inay lawareegto ilaha dhaqaalaha sida garoonka diyaaradaha iyo dekeda Xamar,ayadoo weliba lasheegayo inay hadda sitoos ah ula wreegeyso dhammaanba booliiska Soomaaliyeed.
Dowladda Itoobiya waxay duulaan kutahay gobolada iyo degaanada aan gacanta dowladda kujirin, halka uu Turkigu dhisaayo inta gacanta dowladda kujirta. Itoobiya waa dhanka milateriga ,Turkigu waa dhanka Booliiska, ciidamada Itoobiya waxaa dhaqaalaha dagaalka siiyey dowladda Turkiga halka ay isla dowladaasi tahriibisay kummanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo dalkooda difaacan lahaa. Itoobiya waxaa howshaan geliyey Mareykanka,halka Turkiga iyo Mareykanku ay kawada tirsan yihiin urur ciidameedka NATO.
Su,aal; Turkiga iyo Itoobiya mawada socdaan mise loolan siyaasadeed baa kadhexeeya markii laga hadlaayo faragelinta ay labada dal kuhayaan Soomaaliya?

W/Q; Xagaleey.

Turkiga oo Joojiyay Lacago Malaayiin Dollar ah oo Siin Jiray Dowladda Xamar.

Image

Dowladda Turkiga ayaa iclaamisay in ay joojisay dhaqaale malaayiin dollar ah oo ay bil walba siin jirtay dowladda Federaalka ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh.

Mas’uul sare oo u hadlay xukuumadda Ankara ayaa shaaciyay in Turkigu ay jareen wixii taageero dhanka maaliyadda ahaa ee ay ku bixin jireen xukuumadda Villa Somalia.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa mas’uul Turkish ah ayaa baahisay in Turkigu joojiyay lacag dhan 4.5 Milyan oo dollar oo bil walba ay siin jireen dowlada Federaalka.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee DF-ka ayaa isna Reuters u xaqiijiyay in lacagtaasi ay bixin jirtay dowladda Turkiga islamarkaana ay kusoo dhici jirtay Bankiga dhexe ee Muqdisho.

Falanqeeyayaal ayaa tallaabada Turkigu qaaday usababeeyay musuq maasuqa ragaadiyay xukuumadda Rajab Dayib Erdogaan iyadoona shaqada laga eryay wasiirada dhaqaalaha iyo maaliyadda wadanka Turkiga kadib markii ay kusoo baxday “Xisaabi xil maleh”.

Jariiradda The Xuriyaat ee kasoo baxda dalka Turkiga ayaa isniintii lasoo dhaafay baahisay in xukuumadda Turkiga ay hoos udhigayso dhaqaalaha ay siiso wadamada dibadda ah.

Dowladda Turkiga ayaa larumeysanyahay in duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya ay qeybta akhlaaq daridda iyo boobka kheyraadka dalka uga qeyb qaadatay waloow Gargaar wanaagsan ay sanaddii 2011-ka siisay shacab ay halakeeyeen abaarihii dalka saameeyay.

DHAGEYSO:- Feysal Cali Waraabe ” Ma haboona inaan Wadahadal la galno Dowlad uu Shisheeye maamulo”

Image

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ucid ee Maamulka la baxay Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul kaga hadlay wahadallada udhaxeeyay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh iyo Maamulka Somaliland ee dhowaan ka dhacay magaalada Isbtanbul ee dalka Turkiga.

Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan u qalmin Somaliland inay wadahadal la gasho Dowlad aan xor aheyn, isagoo xusay in Dowladda Fedraalka aysan jirin cid ay matasho.

“Kuwa aan Istanbul kula hadalnay Kismaayo ma maamulaan, oo Digil iyo Mirifle ma xukumaan, Maamulka Garoowe ma xukumaan, cid ay xukumaan ma jirto, maxaan kala hadleynaa” ayuu isweydiyay Feysal Cali Waraabe.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

Shirkii Shinbirayahow Heessa oo Somali Villaland iyo Somaliland uga Furmay Dalka Turkiga.

Image

Masawir Muujinaya Shirarka Labada Koox in ujeedo Weyn Laga Leeyahay aan Soomaalidu Ogayn!.

Shirarkii wakhti lumiska ahaa ee boqolaalka jeer lagu saxiixay Kenya, Itoobiya, U,K iyo wadamo kale ayaa haddana ka furmay Wadanka Turkiga Magaalada Istanbuul, Shirkaas wuxuu u dhaxeeyaa Kooxda Somali Villand ee Xassan Gurguurte hogaamiyo iyo Kooxda Somaliland ee Siilaanyo hogaamiyo.

Waxay u badan tahay Kooxda Xassan Gurguurte in ay noqdaan kuwa Soomaaliya kala goyn doona ayaga oo ka cararaya Federalnimo, sidoo kale Wadanka Turkiga ayaanan la aqoon ujeedada uu ka leeyahay deegaanka Somaliland iyo Soomaaliya oo dhan.

Muddo 20 Sano laga joogo ayaa Culimada Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Axmed Rooble  Boqolsoon iyo Sheekh Maxamed Rashaad saadaaliyeen in Soomaaliya Reer Galbeedku doonayo in gobolo loo kala jarjaro oo la hoos geeyo, Itoobiya iyo Kenya.

Shirkaan waxaa Xukuumadda Villa Somalia uga qayb galay, Wasiirka Arrimaha Gudaha u qaabilsan C/kariim Xusseen Guuleed.

Maxamed Xaamud 
Somalimidnimo.com 

XIGASHO SOMALIMIDNIMO.COM

 

TURKEY FRAUD PROBE: Tip of the iceberg?

A wide-ranging corruption scandal has engulfed the highest levels of the Turkish government.

Prime Minister Recep Tayyip Erdogan has reshuffled his cabinet, and replaced 10 ministers, after the three who were implicated in the scandal resigned.

Erdogan had long ago announced that the cabinet was due for a reshuffle. But it has not stopped talk of a deepening crisis at the heart of the government – one that the prime minister is failing to control.

If the resignations had come just after the probe started they would have been more meaningful .… There is an impression among the society that actually what we have seen is the tip of the iceberg. People think there is more to the story.

29302008

Ozgur Unluhisarc?kl?, Ankara office director of the German Marshall Fund

Of the three ministers to quit, Environment Minister Erdogan Bayraktar has the potential to hurt the prime minister the most. Despite being Erdogan’s long-time ally, he refused to go quietly, saying the prime minister should follow suit.

But Erdogan insists his government is clean, and has dismissed the corruption allegations as being part of a conspiracy. He insists the probe is politically motivated and backed by international interests.

“The reason our party has been successful, the reason we took the helm and we have been ruling the country for 11 years, is because of our honesty, our commitment to the country and our determination to fight against corruption,” he said.

He added that his AK Party does not overlook nor tolerate corruption and should it do that, it would be removing its “raison d’etre”.

“We are facing an attack against the Turkish people and the Turkish republic, which is presented as a corruption probe. Everybody is aware that this is not a corruption probe but this is an obvious conspiracy, a set-up against Turkish politics and people,” he said.

But that message did not satisfy many people in Istanbul. Instead, they held protests in parts of the city where they were met with tear gas and water cannon, when riot police tried to disperse the crowds.

The corruption case is seen as part of an escalating feud between Erdogan and a former ally Fethullah Gulen, the leader of a religious and social movement known for its network of schools in more than 140 countries.

In Turkey, Gulen followers serve in institutions that include the police, the judiciary, the media, even the AK party itself.

And the party has benefited from its relationship with Gulen – who backed its members to three successive election victories. But the relationship did not last.

The rift seems to stretch back to a Gulenist prosecutor who tried to question the head of Turkey’s national intelligence agency – one of Erdogan’s allies. And more recently, the prime minister’s decision to shut down Gulen-run schools was seen as a provocation.

So, what does the current crisis mean for Erdogan as he and his AK Party struggle for their political lives? Is the prime minister addressing the corruption issue effectively, and is he wrong to blame the present crisis on an international plot?

To discuss this, Inside Story presenter Dareen Abughaida is joined by guests: Yavuz Baydar, a columnist with Today’s Zaman, Turkey’s English language newspaper; Ozgur Unluhisarc?kl?, the Ankara office director of the German Marshall Fund; and Galip Dalay, a researcher at the SETA Foundation in Turkey.

“It does not have to be an international plot … The main perception among columnists in Turkey is that none of these people see this as a corruption case per se. It is like [a] politically-motivated corruption case.”

Galip Dalay, a researcher at the SETA Foundation in Turkey

Source: Al Jazeera

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Turkish ministers resign over fraud probe

Image

Three Turkish ministers have resigned over a high-level corruption crackdown in which the sons of three cabinet ministers and renowned businessmen were arrested.

Economy Minister Zafer Caglayan, Interior Minister Muammer Guler and Environment Minister Erdogan Bayraktar announced their resignations on Wednesday.

In Depth
 FEATURE: Turkish probe marks AKP-Gulen power struggle

 SHOW: Turkey: Political power struggle?

Turkey has been shaken by three sensational corruption investigations last week that led to dozens of detentions and 24 arrests of people ranging from influential business leaders to senior bureaucrats and the ministers’ sons.

Caglayan’s son Salih Kaan Caglayan, Guler’s son Baris Guler and Bayraktar’s Oguz Bayraktar were among those arrested in the sweep, which Recep Tayyip Erdogan, Turkey’s prime minister, called a “dirty operation”  to smear his administration and undermine the country’s progress.

Erdogan Bayraktar, talking to Turkish television NTV on Wednesday, said that he was resigning his seat in the parliament along with his position in the cabinet.

He also criticised the government for putting pressure on him to step down, in exchange calling for Erdogan’s resignation.

“I am stepping down as minister and MP.. I believe the prime minister should also resign,” he said.

‘No wrongdoing’

Caglayan announced his resignation in a written statement on Wednesday morning, calling the investigations a “dirty set up” against Turkey and the ruling Justice and Development Party (AKP).

Rejecting any wrongdoing during his time, he said that he was resigning in order to disrupt what he calls a “set up”.

“I am stepping down from my post as economy minister so that this ugly game targeting my close colleagues and my son will be spoiled and the truth will be revealed,” Caglayan said.

Guler told the semi-official Anatolia news agency that he told Erdogan of his intention to resign on December 17. He said that he submitted his official written resignation on Wednesday morning.

The government started reshuflling the Turkish police force hours after the investigation was revealed, moving dozens of senior police officers, including the  Istanbul police chief, to passive positions over Ankara’s claims of “abuse of office”.

Festering tension

The investigations are widely believed to be  linked to the recent tensions between the United States-based Turkish cleric Fethullah Gulen’s movement and Erdogan’s AKP that, many analysts say, used to be allies in the past in a struggle against Turkey’s politically dominant military.

The tensions, which have been festering for months, peaked after the government’s plans to abolish private prep schools. Gulen owns a large network of such schools.

Erdogan recently said that those behind the investigations were trying to form a “state within a state”, an apparent reference to Gulen’s movement, whose followers are influential in Turkey’s police and judiciary.

Source:
Agencies

DHAGEYSO:-:Turkiga oo Dabaaldegay Markii ay Rideen Khilaafadii Muslimiinta, iyo Xasan Sheekh oo ka Qeybgalay.

28468787Sheekh Jaamac C/salaan Warsame ayaa ka hadlay, waxay Shareecada Islaamku ka qabto in Turkigu u dabaal digaan Maalintii Khilaafadii Muslimiinta la riday oo ay ku tilmaamaan Maalintii ay Xoriyadda qaateen!. Waxaa layaab ah Shareecada Islaamka isku xukunkeeda in la yiraahdo waan ka xorownay!.

Waxaa si cilmiyeysan oga hadlay Sheekh Jaamac C/salaan, sidoo kale Sheekha waxaa la weydiiyey Xassan Gurguurte oo Xafladda dabaal digga lagu casumay.

Dhinaca kale Aqoonyahan Suldaan Maxamed Garyare ayaa ka hadlay Taariikh kooban iyo sida horjoogayaasha Turkigu yihiin laakiin looga dhigayo Shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin Muslimiin!.

Suldaan Maxamed Garyare wuxuu sheegay in Ra’isalwasaaraha Turkiga mar uu yimid Wadanka Masar uu ku yiri, Ikhwaanu Muslimiinka.

“Qaata Dimuquraadiyadda garan maayo wax kale oo la isku xukumi karo oo ka wanaagsan Dimuquraadiyadda!”.

Innaa lilaahi wa Innaa Ilayhi raajacuun, waa wax lala yaabo, Qof Muslim sheeganaya in uu soo istaago, wax kale oo aan isku xukunno garan maayo!, soo dhawaan Wakiilka UN Muqdisho kama lahayn.

“Rajo kale oo Soomaali qabaan ma jirto oo aan ka ahayn dhaqan galinta Dimuquraadiyadda!.

Markii Kitaabka Ilaahay gadaal laga tuuray oo gaalada iyo Cilmaaniyiinta la daba galay, ayaa musiibadaas kudhacday Muslimiinta in noolashooda loo leexiyo meel aanan Ilaahay ugu talagalin oo xattaa la yiraahdo Dadkii ayaa Diinta Islaamka iyo Ilaahay laga xoraynayaa oo xoriyad u dabaal digaya!.

DHAGAYSO, Sheekh Jaamac C/salaan Warsame MP3 Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO, Suldaan Maxamed Garyare MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Waraysiyada Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan

Qoraalka:Somalimidnimo

DAAWO:- Gaafow oo Gubay Baasaboorkii Soomaaliya!, Yaa Leh E- Passaport?.

28410330Ninka sheegta Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Riddada ah ee Villa Soomaaliya, General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa meel fagaaraha ah ku gubay Baasaboorkii Soomaaliya!. Wuxuu leeyahay waa in si xoog ah lagu qaataa Baasaboorkii C/laahi Yuusuf, Xusseen Caydiid  iyo Cali Maxamed Geeddiay soo sameeyeen ee E Passport  looyaqaanno!.

Waxaan xasuusannaa, Siyaasiyiin yiraahda, E Passport waxaa laga wadaa, Ethopian Passport !, hadda waxay maraysaa Baasaboorkii Soomaalida in Dabka lagu shido sidii Xaabadii oo Baasaboorkii lagu sheegay Itoobiyaan xoog lagu qaadanayo!.

Baasaboor macno badan kuma fadhiyo Caqiido ayaa muhiim ah iyo Islaamnimo!, laakiin Dadkii Soomaaliyeed ee Xajjka ku Aadi jiray Waraaqahaas ayaa lagu qasbayaa in ay Lacag dheeraada oo baad ah bixiyaan, Xilliga Xajjka!. E Passport wuxuu kamid yahay Barnaamijyada Shirkadaha shisheeye ay gadaal ka riixayaan!.

Wuxuu leeyahay Gaafow inta Hal Xafiis ka furtay Magaalada Muqdisho oo Makiinado dhigtay, Qof kasta meesha uu joogo Dowladda Hoose ee ka jirta haka qaato, Waraaqihii Aqoonsiga!, waxaa isweydiin Mudan xaggee kadhisan yihiin, Dowladahaas Hoose ee uu sheegayo Gaafow?.

Soomaaliya Shirkado badan ayaa u soo shaqo tagay, mardhow waxaan ka baqaynaa in la yiraahdo Kitaabada Quraankaa Shirkado ayaa keenaya, Barnaamijyo badan oo aanan ogayn ayaa soo socda, Rag shaqo taga oo Yurub iyo Maraykan ku soo wareeray ayaa Soomaaliya u soo shaqo tagay, Shirkado badanna Wadanka waa joogaan oo Lacag doonaya!.

Voice Of Somalia-Banaadir Post