WAREYSI-Tarsan Oo Muujiyay In Dalku Gumeysi Ku Jiro.

33539666

Tarsan ayaa sheegay in dowladdu ku fashilantay federalka sababo la xiriira isagoo qabyaaladeysan oo sabab u noqday kala qeybsanaan iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah.

Waxa intaa dheer oo uu tarsan sheegay in Federalku uu yahay qorshe ay shisheeyuhu wataan oo dowladda Xassan Sheekh sanka laga galinayo ama lagu dirqinayo, wuxuu tusaale usoo qaatay wixii dhacay markii ay dowladdu diiday maamulka Axmad Madoobe xilligaasoo uu sheegay in Xabashitu dowladda ku amartay iney aqbalaan maamulkaasi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd: N/key waxa uu isaga kala gooshaa gobolada dalka iyadoo la og yahay in maalin maalmaha kamid ah uu Subaxeedii ka quraacday Muqdisho, duhurkeedii ka qadeeyay Garowe, habeenkeediina ka casheeyay Hargeysa, Xassan Sheekhna sidaas oo kale uma tagi karo gobolada wadanka ee maxaa dhacay? ayuu ku jawaabay in taasi muujineyso cuqdada la kala dhex dhigay Soomaalida, isagoo dhaliilay Xassan Sheekh.

Sidoo kale marka la eego sida ay dowladda awaamiirta uga qaadato shisheeyaha ayuu Tarsan ku tilmaamay dullinimo ay sabab u yihiin madaxda dowladda “Haddaad daciif iska dhigtid oo aad weydiiso sidaas musqusha u tagi lahayd, fageytada saad u qabsan lahayd, meesha aad cuntada ka cuni lahayd waa nasiib darro” ayuu yiri Tarsan isagoo madaxda dowladda u sheegay ineysan macquul ahayn iney ummad hogaamiyaan marba haddii iyaga la hogaamiyo.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay wadooyinka u xiran dowladda iyo ciidamada shisheeye, wuxuu sheegay inaan dhagxaan lagu sugi karin ammaan loona baahan yahay in dhibka laga dul qaado shacabka gobolka Banaadir.

Tarsan wuxuu kusoo caan baxay bannaan baxyadii looga soo hor jeeday duullaankii Xabashida ee Muqdisho, waxaana la weydiiyay su’aal ku saabsan waxa iska badalay mowqifkii wadaniyeed ee uu ku muujin jiray sida aanu u ogoleyn in ciidamada Xabashidu joogaan ciida Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii hogaamiye kooxeed Barre Hiiraale uu shaaca ka qaaday in dalku gumeysi ku jiro isaguna uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Tarsan

33539732

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

SIDEE SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HOOS NOOLAAN DOONAAN MAAMUL GOBOLEEDYO AY CIIDAMADOODU AJAANIIB YIHIIN?

33532740

Inta badan maamul goboleedyada Federaalka waa dhisay dalal shisheeye ah oo ay Itoobiya ugu horeyso waxaana ilaaliya oo ciidamo u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo aan run ahaantii kamid ahayn kuwa AMISOM markii laga reebo inay magacaas mushaar saanad milateri ku qaataan.

Talada maamuladaasna waxaa gacanta ku haayo ururka IGAD oo ah isla kuwa ay ciidamadoodu dalka haystaan hadda.

Sidaas daraadeed madaxda maamuladu waa kuwo u hogaansan talada dalalka IGAD islamarkaana ku hoos nool ciidamada Amisom, waxaana halkaas ka muuqanaysa inaysan ahayn dad u madax banaan hogaaminta dalkooda.

Haddaba waxaa su,aal ah sidee shacabka Soomaaliyeed ugu hoos noolaan karaan maamul ku fac ah inta ay ciidamada shisheeye dalka joogaan oo ku shaqeynaya fikrado shisheeye?

Mise xaalku waaba sikaloo ciidamada shissheeye ayaanba meelna uga socon oo ku nagaan raba arligeena inta ay madaxda goboladu yihiin kuwo ubaahan oo aan jiri karin la,aantood?

QORE: Talowadaagta Qaranka.

DHAGEYSO:-Kenya”Shabaab Wada Hadal ayaan Diyaar ula Nahay,Weerarada Ha Naga Joojiyaan”

33518410

Aadan Barre Ducaale oo ah xubin ka tirsan Baarlamanka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii uu ka badbaaday Gudoomiyaha Mandheere oo mas’uuliyadiisu ay sheegteen shabaabul Mujaahidiin.

isagoo umuuqday mid aanan ka war heynin qadiyada shabaabku udagaalamayaan ayuu ka codsaday inay nabadgaliyaan Soomaalida Ku jirta Dowladda Kenya.

“Gaaris,Mandheera,Wajeer iyo Islii noo badbaaday wadankaan meel fiican ayaan ka joognaa”ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

wuxuu sheegay inay diyaar uyihiin wada hadal inay la galaan shabaabul mujaahidiin oo meel kasta ay ugu tagi doonaan.

Wuxuu ugu baaqay shabaabku inay banaanka ka mareen oo ay joojiyaan  dagaalada iyo dilalka ay ka wadaan Kenya.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Wasiirka Warfaafinta Maareeye ”Dowladdu wax taageero ah kama heysato Shacabka Soomaaliyeed”

33462969 (1)

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay ineysan dowladdu wax taageero ah kama heystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay iney shacabku aad u mucaaradsan yihiin dowladda heer ay gaareen buu yiri’ ineysan canshuur inoo ogoleyn.

Inkastoo ay dowladdu ganacsatada xoog uga qaado lacagaha canshuurta ayaa haddana waxaa jira iney eedo badan kala kulanto ganacsatada.

Waxaa madaxda dowladda la weydiiyaa hadeysan ammaankeena sugi karin oo ciidamadiinu na dhacayaan sidee baan canshuur idiinku siinaa.?

Cabashada dowladda ee ah ineysan wax taageero ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo aaneeyaa iyadoo la shaqeysa shisheeye taasoo keentay in  shacabka oo ilaashanaya caqiidadooda ay xiriirka u jaraan dowladda.

HOOS KA DHAGEYSO.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

DHAGEYSO:-Sh Maxamed Cabdi Umal Shalay iyo Maanta (Dowladii Cabdullaahi Yuusuf Vs Dowlada Xasan Sheekh

33446121

Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo kamid ah wadaadihii caanka ku ahaa taageerida Jihaadka, balse sannadihii dambe isku rogay bilcagsi kana soo horjeestay in lala jihaado shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa waxaa meel walboo uu tago xujo ku noqotay su’aal ah: “Sheekhow shalay waxaad sheegtay iney riddo tahay dowladdii C/llhi Yuusuf sidoo kalana ay sharci tahay in lala jihaado iyada iyo gaalada, maantana waxaad leedahay riddo ma ahan dowlad iyo maamulo taas kasii daran, jihaadkiina waad kasoo hor jeesatay ee sidee wax kaa yihiin”.

Su’aal tan lamid ah ayaa Sheekh Umal lagu weydiiyay dalka Zaambiya oo uu dhowr maalmood kahor kasoo laabtay, laakin Sheekha ayaa si ayba su’aashan uga harto hadda kadib ka ku dhaqaaqay inuuba iska inkiro inuu raddiyay dowladdii Kenya lagu soo dhisay ee amxaaro kalkaalka ahayd.

Qofkii su’aasha weydiiyay ayuu Sheekhu ku xujeeyay inuu keeno codkiisa ama cadeymo xaqiijinaya inuu radiyay dowladdii C/llhi Yuusuf. Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa soo bandhigtay mid kamid ah hadaladii tirada badnaa ee uu Sheekhu ku raddiyay dowladdii C/llhi Yuusuf.

Wuxuu sheegayaa in dowladdaasi ay tahay dowladda iyada la wato oo ay amxaaradu kusoo dhistay Nayroobi, waxa uu ku sifeynayaa dowladda aanan madax bannaaneyn isagoo tusaale usoo qaadanaya sida ay Xabashidu jagada uga qaadi jirtay hadba ninkii ay doonto gaar ahaan marka madaxdu is khilaafto.

Sheekha ayaa hadalkan ku inkiraya wadaado taageerayay C/llhi Yuusuf isagoo si cad u sheegaya in dowladdaasi ay ku dhacday (muwaalaatul-kufaar) wuxuu soo bandhigaya aayadaha loo daliishado iyo ijmaac ay soo guuriyeen culimada.

Qodobkan ayaa waxaa qeyb ka ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka hadlaya waxa u sababta ah isbadalkan sibiqda ku galay Sheekh Maxamad Cabdu Umal.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Goormaan Amxaaro Walaalownay inteense ku Walaalownay ?

33441002

Waxaa waayadan soobaxay Siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo meel walba la taagan walaalaheena Itoobiya iyo erayo ka sii xun waxaasi. Siyaasiyiintan, ayaa badan kooda ah dad waaweyn oo si fiican ula socda taariikhda u dhaxeysa labada Umadood ama labada dal, Waxa ayna sheegaan in uu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyey labada dal. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye goormaan Amxaaro walaalownay inteense ku walaalownay ?

Waxa ay dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba og yihiin colaadda ka dhaxeeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ama haddan si kale u dhigo Umadda Soomaalida iyo Xabashida ku nool Geeska Afrika. Kuwaas oo ay Colaaddoodu soo bilaabatay Qarniyo ka hor ilaa maanta ay taaagan tahay. Bal inta aanan u gelin goorta la walaaloowbay iyo meesha lagu walaaloobay aan marka hore dulmaro taariikhda labada Umaddood.

Sida aanu og nahay Anaga iyo Amxaaro waxaa na dhextaalo colaad gaamurtay, taas oo salka ku hayso arimo badan oo ay ka mid yihiin isbalaarin iyo isa sheegasho ka imaaneysa dhanka Xabashida ilaa maantana socota, Waxa ayna isbalaarintaasi ugu danbeyntii keentay in labada Umadood ay isaga horyimaadaan dagaalo badan. kuwaas oo aan ka xusi karno dagaaladii dhexmaray Axmed Gurey iyo Xabashaddii waagiisii nooleyd. Waxaa sidoo kale ka mid ah dagaalada dhexmaray labada Umadood dagaalkii Barakaysnaa ee 77, Kaas oo ay hormuudka u ahayd Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barrre ee lagaga gol lahaa xureynta dhulka Soomaali Galbeed.

Dadaalo dheer ka dib oo ay Xabashidu ku dooneysay in ay ku qabsato dhulka Soomaalida ama ay ku dooneysay in ay ku badasho diintooda, Ugu danbeyn, waxaa u suurtagashay Xabashidu in ay hanato dhul Soomaaliyeed oo aad u ballaaran. Kaas oo uu ku wareejiyey Ingiriistii gumeysanayey Waqooyiga dalka. waana dhulka maanta loo yaqaano Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu xoogga ku haysato.

Ka dib markii ay Umadda Soomaalidu iska xureysay Gumeystihii qaashimka ahaa ee reer Yurub, Islamarkaana la dhisay Qaran Soomaaliyeed oo xooggan. Ayaa waxaa laga dalbaday Taliskii Xabashida ee waagaasi jiray sida kii Xayle Salaase iyo Mingiste in ay soo wareejiyaan dhulkii gardartada lagu siiyeyey balse nasiibdaro Amxaaro dheg jelaq umaysan siinin dalabkaasi, taasi oo markii danbe keentay in ay labada Umadood dagaalo isaga horyimaadaan sida dagaalkii 1977 oo kale. Dagaalkaasi oo runtii ahaa mid cadowga lagu xanuujiyey, islamarkaana loogu dhigay casharo aysan ilaawi doonin waligood.

Dagaalo ay dhiig badani ku daateen ka dib, Waxaa u suuragashay ciidamadii Soomaalida in ay qabasadaan dhamaan dhulkii ay Xabashidu xoogga ku haystay,taas oo tuntii ahayd guul taariikhi oo ay soo hoyeen Ciidamadii Soomaalida inkastoo markii danbe dib looga soo baxay dhulkaasi, ka dib markii ay dagaalka soo farageliyeen dowlado ay ka mid ahaayeen Ruush,Kuuba iyo kuwa kaleba.

Umadda Soomaalida, ayaa dagaalkaasi u gashay sidii ay u soo ceshan lahad dhulkii laga haystay ilaa maantana laga haysto. Waxaana dagaaladaasi ku shahiiday Kumanaan wiil oo Soomaaliyeed halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale. Dagaalkaasi ka dib, Waxa ay Xabashidu go’aansatay, Iyadoo kaashaneysa dalal ay jaal yihiin in la burburiyo dowladnimada Soomaalida, si aysan mar danbe u dhicin in uu duulaan danbe kaga yimaado dhanka Jamhuuriyadda Soomaalida.taas oo ay ugu danbeyntii ku guulaysatay ka dib markii ay isticmaashay Jabhado Soomaali ah, kuwaas oo jilbaha u dhigay Qarankii xoogga badnaa.

Intaasi kuma aysan ekaanin ee waxa ay marar badan gudaha u soo gashay dalka ilaa ay markii danbe soo gaartay Magaalada Muqdisho oo ahayd halkii laga soo abuubulay dagaalkii barakaysnaa ee 77. gaar ahaan, waxa ay ciidamooda saldhigyo ka dhigteen Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waliba Madaxtooyadii dalka, Iyagoo qoslayo inkastoo markii danbi ay carar wax ka dayeen ka dib markii ay cashar u dhigeen wiilal uu ilaahay barakeeyey.

Inkastoo ay waagaasi carartay, hadana waxa ay geeysatay dhibaato baaxad leh. tusaale ahaan, waxa ay Magaalada muqdisho ku dishay kumaan kun oo Soomaali ah, Iyadoona dhinaca kale burburisay hanti badan, taas oo ay ka marqaati kaceen Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ah. Marka la iskudaro dhibaatada ay Xabashidu ka geysatay dhulka Soomaali Galbeed iyo dhulka Jamhuuriyada, waxaa la oran karaa waxaa dhacay xasuuq ba’an. tusaale ahaan, hal magaalo oo ku taallo gobolka Gedo, waxa ay ku dishay maalin qura 70 iyo dhowr qof, halka afartan kalena ku dishay banaanka Magaalada.

Laga bilaabo maalintii Xabasho dhulkaasi la siiyey ilaa maanta ma jirto meel ay Labada Umadood uga heshiiyeen sida laga yeelayo dulka iyo dadka maqan, haddii Iyada la siinayo iyo haddii ay soo celineyso intuba. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye kuwan ku hayo walaalaheena Itoobiya xagey warkaan ka keeneen, xageese lagu walaalowbay ? Mase noo sheegi karaa isbadalka dhacay ee keenay in la walaaloobo ?

Dadka Soomaaliyeed, ilaa maanta ma oga meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo waliba meel lagula heshiiyey intuba. Bal waxa ayna og yihiin oo kaliya in ay Xabashi wali haysato dhulkoodii (S/Galbeed), islamarkaana ay Iyadu si dadban u maamusho qeybo badan oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda haday ahaan lahayd kuwan isku sheega Maamul Gobleedyada sida Soomaaliland,Puntland,Koofor Galbeed,Jubooyinka iyo waliba kooxda Suufiyadda oo ah runtii gacan ka mid ah gacmaha ay Itoobiya ku fowdeyso dalka. Allow ha igu darin adigaa raxmaane kuwa darka Nabiga (SCW) laga celin doono.

Sow ma’ahan marka hore inta aan la walaaloobin in laga heshiiyo wixii dhacay, lana isu celiyo wixii la kala haystay ? Jawaabtu waa haa haddii kale ma jireyso wax walaaltimimo dhab ah. calaakilixaal, waxaan ka rabtaa kuwan iimaan laawayaasha ah ee ku waashay walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baan fureynaa in ay noo keenaan wixii isbadalay goorta ay isbadleen iyo meesha ay iskubadleen, haddii kale waxaan leenahay iska aamusa aamuska ayaa idiin wanaagsane.

Soomaali dhibaatada maanta haysta inteeda badan waxa ay uga imaaneysaa waa faragelinta Xabashida. Tusaale ahaan, Al-shabab ma jirin ka hor duulaankii ay Xabashidu ku soo qaaday dalka 2007. Tusaale kale, kuwa maanta hortaagan Dowladdan Federaalka ee ay ka shaqeyn la’dahay waa taageerayaasha Xabashida haday ahaan lahaayeen Maamul Goboleedyada iyo haday ahaan lahaayeen kuwan Suufiyada ahba.

Waa wax laga xumaado runtii in qof Soomaali ah oo og dhibaatada ay Amxaaro u geysatay Umadda Soomaaliyeed, in uu Umadda la soo hor istaago maalin kasta walaalaheena Itoobiya iyo bog cusub baa noo furmay, Iyadoo ay dalka ka socdaan dhibaatooyinka ay Xabashidu masuulka ka tahay. Wali ma arag kuwan ka hor nin cadowgiisa ku tilmaamayo walaal.

Midda kale, yaa wali arkay siyaasiyiinta Xabashida oo ku hadaaqayo walaalaheena Soomaaliyeed iyo waan ka heshiinay wixii dhacay ? Kolay Anigu ma arag mana maqal, Waxaanse hubaa in ay Xabashi ku howlan tahay burburinta waxa haray ka dibna ay si toos ah u shaacin doonto damaceeda ku aadan dhulkan. Yaa dabada ka riixayo nidaamkan federaalka ah ? yaase hurinayo colaadan ka aloosan gobolada qaar ? Yaad u malayneysaan in uu u been sheegayo Soomaaliland ? Yaa mar walba Adis Ababa uga yeero atoorayaasha Maamul Goboleedyada ? dhamaan Jawaabaha su’aalahani waxaa soo wada waqtiga ee yaan la dhararin.

Anigu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Waxa aan waday xog uruurin ku aadan dareen dadka iyo sida ay u arkaan qatarta ka soo socota joogista ay ciidamada Xabashidu joogaan gudaha dalka iyo saameynta ay arintaasi ku leedahay mustaqbalka. Waxaana runtii ii soo baxay in ay dadku muujinayaan walaac badan oo ku aadan mustaqbalka, gaar ahaan khilaafaadkan joogtada iyo fargelinta ka imaaneysa Xabashida. Tusaale ahaan, Waxa ay dadku ka walaacsan yihiin sida ay Xabashidu gacanta ugu dhigayso dhamaan shaqsiyaadka horbooda Maamulada ka jira dalka min heer Dowlad Dhexe ilaa heer degmo.

Gaba gabadii, Waxaan leeyahay Anagu ma ogin hadaanahay Shacabka Soomaaliyeed meel Amxaaro lagula walaaloobay iyo goor lala walaaloobay intuba, ee haddii ay jiraan rag og haday rabaan ha noqdaana Islaaxii wadaadnimada sheegan jiray ee ha noo keenaan cadeyn muujineysa meeshii lagu heshiiyey ee lagu walaaloobay haddii kale Umadda ha laga daayo jahawariirinta iyo u garba duubka cadowga.

Ugu daneyn, Waxaan ugu bishaareynayaa Umadda Soomaaliyeed meel kastaaba ha joogtee in ay soo socoto Shabakada Wadani ah oo u istaagi doonto haddii uu Rabbi idmo danaha Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka qeyb qaadan doonto joojinta dhiiggan daadanayo iyo raadinta hanaan dib-uheshiisin oo miradhala. Fadlan igala qeybqaado joojinta dhiiggaan daadanayo iyo raadinta xal waara.

W/Q: Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaanOdawaa “Al Shabaab Dagaal ugama adkaan karno waana Koox Warfaafin Xooggan leh”

33395691

Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte ayaa ku dhawaaqday in melleteri ahaan aysan uga adkaan Karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shisheeyaha soo duulayaasha Afrikaanta ah kula halgameysa Soomaaliya.

C/raxmaan Max’med Xuseen Odawaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa wareysi uu siiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera wuxuu ku sheegay in awoodda xarakada Al Shabaab aan ladhayalsan Karin isagoona walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee Muqdisho.

Odawaa ayaa soo hadal qaaday warbaahinta xooggan badan ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin uga qeyb qaadanayso dagaalkeeda jihaadka ee ka dhanka ah gumeystaha dalka kusoo duulay.

 “Al Shabaab waxay si aad ah muhiimad usiisay warbaahinta waana wax ay kooxaha kale ee xagjirayaasha ah kaga duwantahay runtii Al Shabaab warbaahinta way ku firfircoontahay”ayuu yiri Odawaa.
Wasiirkaarrimahagudahaayaacaalamkaugubaaqay inaysanyaraysanhanjabaadahakasooyeeraya AlShabaab ee kuaaddan in ayweeraro kageysanayaandibaddaiyowadamadaciidankoodukusooduuleenSoomaaliya.“Runtii ma ahan in aan yareysano Al Shabaab waxay gaysan karaan weeraro sidii dhawaan ka dhacday Hoteelka Central Muqdisho” Odawaa.Mar wax laga weydiiyay sida ay uga adkaan karaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayuu quus ka muujiyay in Al Shabaab awood melleteri lagu muquunin karo wuxuuna doorbiday in dhanka fikirka lagula dagaalamo sida tashwiishinta jihaadka iyo adeegsiga dacaayado rakhiis ah.

“Xarakada Al Shabaab awood melleteri laguma muquunin karo waa in dhanka fikirka lagu wajaho oo afraadooda iyo saraakiishooda wadahadal lala furo siyaasadana lagusoo daro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay C/raxmaan odawaa.

Caddeymahan uu bixiyay wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa kusoo aadaysa xilli isku dhax yaacsanaan laga dareemayo xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana mujaahidiinta Soomaaliya sii xoojiyeen halganka lagu dhiig bixinayo shisheeyaha soo duulay.

Liibaan Jeexoow.

33395713Voice Of Somalia-Somali Leaks.