DHAGEYSO:- GABAYGII KOOFIL IYO SAYID MAXAMED.

32921306

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield,Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe.  Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.

Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.

Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay.  Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey.  Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil.  Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.

Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen.  Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

 

  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda

 

  • Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
  • Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh

 

  • Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
  • Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
  • Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

 

  • Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
  • Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
  • Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji

 

  • Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
  • Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
  • Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh

 

  • Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
  • Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
  • Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh

 

  • Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
  • Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
  • Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh

 

  • Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
  • Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
  • Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh

 

  • Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
  • Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh

 

  • haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
  • Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
  • Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.

Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire.  Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.

Dagaalkaas waqtigaas i jiray oo kale ayaa maanta ka jita gayiga Soomaaliyeed,qof kasta oo qeyb ka noqdaana taariikhda ayaa xusi doontaa,dhinaca oo doono ha ku jiree,xumaan iyo simaan,xaq iyo Baadil.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Weerar Jidgal ah oo Xabashida loogu dhigay Duleedka Dhuusamareeb.

32474587

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in saaka weerar jidgal ah uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusa-mareeb kaasi oo loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay konfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Jidgalka ama Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulada Bulacle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhuusa-mareeb’iyadoona kolanyada Itoobiyaanka ah ee kamiinka loo dhigay ay kasoo baxeen Dhuusa-mareeb kuna sii jeedeen dhanka degmada Ceel-garas oo ka mid ah goobaha Xabashida duulaanka kaga sugan tahay gobalka Galgaduud.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay kamiinka saaka ka dhacay duleedka Dhuusa-mareeb’iyadoona Xabashida Itoobiya muddo ay ku hakadeen goobta kamiinka adag saaka loogu dhigay.

Ciidama soo duulay oo dhan ayaa waxaa ku socda dhiigbax iyo dhib joogta ah oo gaaraya gadiidka ay wataan,waana sababta u diiday inay socdaan ama gaaraan meeshay doonaan.

Maanta barqadii ayaa sedax qarax laga maqlay agagaarka biya degeenka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxyada waxaana burbur xooggan uu gaaray gaadiid ay wateen ciidanka labeegsaday.

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Voice Of Somalia-Somali leaks.

CADOWGA LA ILAAWAY!- Wada shaqaynta ka dhaxaysa Damu-Jadiid iyo Sirdoonka Itoobiya.Qore:Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

32308713

Dowlad Soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin Soomaali ah.Kuwaso oo Warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan.

Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti, Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii.

Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ah Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha Soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray.

Waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah in Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Faragelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra’iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. Waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay.

Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi, dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.

Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan; Wasiirka Gaasahaandhiga, Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid, raggaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin.

Waxaa Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin, musuq maasuqa ka fog, cadaalada jecel lehna Aqoon, Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.

Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah;

“Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.”.

32308713 (1)

W/Q Wariye Cabdullahi Nuur Colombo

MAQAAL:-Kaadariinta Damu-Jadiid iyo Gafanayaasha Soomaalida ah ee Sirdoonka Itoobiya u Shaqeeya oo ku Shirkoobey Lugooyada Soomaaliya.

32291194

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

14238117_1213601845358416_2918943527493924010_n

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii Soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

32291317

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso Soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka Soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo Soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee Soomaalinimada ay ku weyn tahay.
Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo Xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana.

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.
Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Soomaaliya Soomaalibaa leh

1958151_586714604765779_2746861196185063106_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

SIR LA HELAY-Liiska siyaasiyiinta sirdoonka Ethiopia ugu dhex jira xukuumadda Soomaaliya oo La Shaaciyey.

31605554

Wax ka ogow Jagooyinka Muhiimka ah ee Sirdoonka Ethiopia ay ku Leeyahiin Xukuumada ay Madaxda ka yahiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirada kala ah Warfaafinta: Mustaf Cali Dhuxulow, Gaashaandhigga: Maxamed Sheekh Xasan, Ciyaaraha:Khaalid Cali Cumar, Maaliyada: Xuseen Cabdi Xalane, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka: Faarax Sheekh Cabduqadir, dhamaan ragaas waa Xubno Muhiim ah oo ka tirsan Sirdoonka Ethiopia, waxaana sidaas ii Xaqiijiyey mid ka mid ah Siyaasiyiinta xog-ogaalka ah ee Soomaaliyeed oo xilal kala duwana ka soo qabtey Dawladahii Soomaaliya soo marey.

Siyaasigaasi waxa uu intaas iigu darey in Magacaabista Xilalka ay hayaan Ragaas ay ka dambeysey Dawlada Ethiopia, welibana Xukuumada Ethiopia iyada ay dalbatey in Wasiiradaas Madax looga dhigo Wasaaradaha Muhiimka ah sida Maaliyada, Gaashaandhiga, Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka iyo Warfaafinta taasoo ay aqbaleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed.

Waxuu kaloo Siyaasigan oo aan dooneyn inaan Magaciisa Shaaciyo uu iigu Dhaartey in Wasiir Mustaf Dhuxulow, Wasiir Dr Khaalid Cali Cumar iyo Wasiir Faarax Sheekh Cabduqadir ay Gacan weyn ku siiyeen Sirdoonka Ethiopia iney si Qarsoodi ah Qalabka wax Basaasa ugu xirtaan Xafiisyada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra’iisal Wasaaraha.

Ugu dambeyn Siyaasiga Arimahan ila wadaagey waxuu ii sheegey in Taliyaha Cusub ee Sirdoonka Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbalooshe uu isaguna mudo dheer ka tirsanaa Sirdoonka Ethiopia haatana ay Dawlada Ethiopia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ku Cadaadisey in Jagadaas loo Magacaabo Mr Sanbalooshe.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Hiirmooge “Itoobiya markii lagu jebiyay Bakool ayay Jawaasiisteedu ONLF ku Halqabsadeen”

Image

Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta dhulka soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato ayaa beenisay warar been abuur ahaa oo ay warbaahinta ka sheegeen saraakiil soomaali Amxaaro Kalkaal ah oo Bakool ku sugan.

Afhayeenka Jabhadda ONLF C/Qaadr Hiirmooge ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in ciidankoodu aysan ka dagaalamin gobolka Bakool balse ay gobolka Afdheer kula dagaalameen Xabashida Itoobiya ee xoogga ku heysata dhulalka soomaaliyeed.

“Islaan dhalin wayday alleela ku waalatay weeye jawaasiista Itoobiya la shaqeeya markii looga adkaaday dagaalka ayay ONLF afka ku qabsanayaan cid walba oo xabadda looga itaal roonaado waligeebay ..”ayuu yiri Hiirmooge.

Jabhadda ONLF waxay wax aan jirin ku tilmaantay eedayn uga timid Dabadhilif Max’med Cabdi Tool oo aheyd in ciidanka ONLF iyo kuwa xarakada Al Shabaab ay iska kaashadeen dagaalkii Itoobiya lagu jebiyay ee deegaanka Caato.

C/qaadir Hiirmooge ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dalkooda ay ka xoreystaan cadawga Itoobiya ayna ku tusaala qaataan dhibaatada gumeystuhu ku hayo muslimiinta Soomaaligalbeed.

HOOS KA DHEGAYSO.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-“Ciidamada Itoobiya Xabsi ayeey i Dhigeen aniga oo ah Masuul Qaran,waana i bahdileen”

Image

Taliyaha saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo u magacaawnaa Itoobiya ayaa sedax maalmood oo uu xirnaa kadib xoriyaddiisa dib uhelay.

Siyaad Cabdi Kaliil ayaa markii xabsiga lagasii daayay warbaahinta lahadlay wuxuuna sheegay in ciidanka Itoobiya ay sabab la’aan xabsiga dhigeen.

Sarkaalkan katirsan amxaara Kalkaalka sheegta magaca DF-ka ayaa xaqiijiyay in wax madaxbanaani ah aysan heysan saraakiisha Soomaalida ee Itoobiyaanka ku wehlinaya duullaanka wuxuuna ku calaan calay “Qaranimadii ayaa lagu xadgudbay”!.

HOOS KA  DHGEYSO

VoiceOf Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Odayaasha Beesha Murusade oo Bayaan adag kasoo saaray Duulaanka Itoobiya iyo gayiga Soomaaliyeed.

Image

Kadib kulan ballaaran oo beesha Mursade ku yeesheen deegaanka Diri oo hoostaga degmada Ceelbuur waxey si aad ah kaga hadleen duulaanka Xabashida Itoobiya kusoo qaadeen qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.

Beesha waxey si kulul uga hadashay tacadiyo naxdin leh oo xabashida Ithoobiya ka geysteen qeybo kamid ah gobalka Galgaduud waxeyn beesha bayaan kulankooda kasoo saareen ku sheegeen in rag iyo dumar beesha si wada jir ah ay ula dagaalamayaan Xabashida Itoobiya ee duulaanka kusoo qaaday qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-Gabay ku socda Xabashida Duulaanka ah”WARMOOG”

Image

Wuxuu gabaygan  shacabka xasuusinayaa  dhibaatooyinkii Guracnaa Itoobiya ka gaystay Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliyeed isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dadka haatan ku dhawaaqaya Itoobiya inaysan ahayn tii hore.

Wuxuu kale oo cadaynayaa inay jiraan rag  hor taagan cadowgan hororka ah ee raba inow weli xasuuqo shcabka Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

GABAY:-Abwaan Wariye C/llaahi Soomaali oo Gabay ka tiriyay Jabkii Xabashida ku gaaray Dagaalkii Galguduud.

30540373

Abwaan Wariye Cabdullaahi Soomaali ayaa tiriyay Suugaan uu ka cabbariyo halaaggii Ciidanka Xabashida ku qabsaday dagaalkii cuslaa ee laba maalmood ka hor ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Galguduud.

 

Hoos Ka Akhriso Gabayga uu tiriyay Abwaanka

 

goosaydii gorof iyo hibaad gaalo lagu laaye,

geesiyadii Islaamkaa heliyo ma gambada yaale,

gentaalaha markii lagu ridiyo gumaca baaruudda,

gala iyo takbiirtii iyo giririgtii yeedhay,

go’doonkiyo gadaamkiyo raggii gees walbaba joogay,

gariir iyo cabsida kuwaan goorna lagu sheegin,

xabashidu markay gorodiyo foodda geli weysay,

hubki ay geneysay markay gool ku dhali weysay,

sida geel dhurwaa galay dudday amase guulaabe,

dhul aanay garaneyn ayay orod is giijeenee,

ha yeeshee goshaa iyo goshaa looga garab roorye,

galawdiyo xariirtay rasaas uga gufeeyeene,

mid gamboon mid geeryoodiyo mid gal galaanaaya,

mid geedaha dhex jiiroo kurtii gees waliba dhiig leh,

meyd gebranoo gacal waayay oo haad ku geylamayo,

uural guban gadaal iyo horiyo guro iyo hoosba,

sidaasay gedigood noqdeen geshki cadawgiiye,

Alleylehe in aan gabay tirshaa igu garweeyaane,

bal aan gacaladeydii iyo dunida gaarsiiyo,

gondohood qabatiyo gerka kuma garaabaane,

waa cadaw go’aankiisu yahay inuu ku gaabshaaye,

kirishtaan haddii anad geleyn kuma gargaaraane,

golxobkiyo birtaa lagu kawshaa gaalo qurunleey’e,

jananadaan gudneynoo gubtee gibilku doorsoomay,

gerwadeenka duulaanka iyo gacanyarihiisi,

gelinkii horeetiyo wabxay galabta yiileene,

dadki gobalka meel aadaye gulufku saameeyay,

wara gibille gaashaan-rigliyo gewer ka soo yaace,

guri dheere qaar baa ka yimid gerdi agahiise,

gabdhihiyo raggaa daawanaa gumaarro weyntiiye,

gurboodkiyo waxaa jiidaya dumar gambooley ah.

Gardarada Ninkii daa’imaan Guul ku qabaneyne,

Gefka iyo xumaatida waxa y ugu garbeysaaba,

Guclo qalad cadaaniyo waxay gulufku taageerto,

Gaashaanbuur israacdiyo waxay gacal ahaadaanba,

Gaar waxay u showraan intey Ganafka taagaanba,

Wixii uu Gariifoo Naflaha Gooni ka ahaado,

Galoof olol isqaad qaad iyo Goodis laga yaabay,

Wuxuu geeda laayoo Magriyo godob Maleegaaba,

Gablamay wuxuu oran Markay Gebi ka tuurtaaye

Gedacad asiga oo u yaal God dheer jiridiisa,

Juxuda asiga oo ka jabay garba iyo feero,

Oo xariirtu dhowr Gobal tahoow Go’ay yiraahdaaye.

xabashina geddaasay maree gelinka maantaaye,

garaafiyo xanuun iyo hadaan godin la taabsiinin,

hadaan wiil lagdan garan hayaa gudub u soo laacin,

haddii aan gawaan lagu dibrine go’ay laga keenin,

hadaan garacu waa kibirsanyee gowrac lagu jiidin,

gaaabis iyo in aan liidaniyo waa gunimadeene,

Gobanimo si loo helo colaad geliya laabtiinna,

sidi guduri meyd helay wax badan nagu gadaamneede,

gashigiyo dhibkaad geysatiyo godobihii waagi,

gocondhaad abuurtiya waxaad guratay jiirteene,

gefki iyo dulmigeediyo gabanaday laysay,

gamboolay waxaad qalatiyo geesi iyo aabbe,

haddii aanan kaa gudunine gibir lagaa qaadin,

sidaadoo kaleynaan gudneyn gebi ahaanteenba.

geba gebada maansada ayaaan guda gelayaaye,

inastooy gob ay leeyihiin dad wax galoo fiican,

oo jihaadka gees kaga jireen gaabis lagu sheegin,

guri ceel nimankaa degnaa gaalo dili waaye,

tigreebey gogoshuu dhigeen una gudoonshaaye,

gabadhihii inuu fara xumeyn lana gedoodeynin,

inuu gibirka qaadee yiraa gini ha lay keeno,

barqadii inuu gaardiyee gaasas badan feylsho,

dabadeedna geel loo qalaa waa gunimo weyne,

ha yeeshee is geejiye dadkii guriga ceel buur’e,

Itoobiya gargaar umay falin waanay gubayaane,

garnayl iyo waxaa lagu ridaa gumaca qiiqaaye,

biyo looma geeyo iyo goolow qalataaye,

gasiin iyo rasaastii iyo gurmad heli waaye,

gaajo iyo rafaadbaa dilooy la gagabayaane,

gedo iyo bakool ilaa Gobalka hiiraanba,

goomanaan ku raagtoow kufrigu gelelefaayaaye,

gigta iyo gawdaa lagu hayaa goorti la arkaaye,

ninkaan gacanta qaadinow kolley waad is garanayee,

gamaankaada heenseey facaa ha u gadaaleyne.

W/T  Wariye Cabdulaahi soomaali.

Image

30549293

DHAGEYSO:-Cabdi Ismaciil Samatar “Ciidamada Itoobiya Calankooda ayay ka Lalmiyeen Gobolada dhexe ee Soomaaliya waana astaan gumeysi”

Image

Duullaanka gardarada ah oo ay dowladaha shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigay damaca gumeysi ee dowladaha afrikaanta ah ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa larumeysanyahay in ay waxbadan ka duwanyihiin gumeystayaasha kale ee dallada AMISOM ku bahoobay.

Cabdi Ismaaciil Samaaciil Samatar oo kamid ah qurba joogta soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa kunool ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya ay bilaabeen in calankooda ay ku xardhaan magaalooyinka ay qabsadeen ee Soomaaliya.

“Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM waxay bilaabeen in ay calamadooda ka lalmiyaan meelaha ay gobolada dhexe ka qabsadeen,arrintaasi waxay shacabka soomaaliyeed ku dhalinaysaa dareen”ayuu yiri Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka Kenya ee Jubbooyinka qeybo badan ku sugan ay ku dhaqaaqeen ficillo muujinaya gumeysi sida iyagoo magaalooyinka qaar ku xardha calanka Kenya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Fannaanoow Wax kale lagaama fillayn

Image

Heesaaga Soomaaliyeed horay iyo haatanba waxa uu ahaa mid bulshadda dhibaato ku haya , Fannaanka qofka loo yaqaan Soomaalida dhexdooda ee heesta qaadaa waxa uu bulshadda ku hoosaasiyaa dawlad maqaarsaar ah iyo nidaam mabda la’aan jirra oo waxyeelo mooyee aan marnaba laga filan karin dheef (Dawlad qabyaaladdeed) .

Haatan oo dalka Soomaaliya ku jiro xilli xun , dawlad guudna dalka Soomaaliya annu lahayn ,ciidamo shisheeye oo dib dawlad u helka la dagaalsanina ay dalkeena joogaan waxay fannaaniintu dhinac taagan yihiin cadoowga ummadda Soomaaliyeed ee ah ciidamadda soo duulay oo diin la dagaalka dalkeena u jooga .

 

Iswayddiinta ayaa ah maxaa u sabab ah in Fannaanka Soomaaliyeed dhinac taagan yahay cadoowga ummadda Soomaaliyeed , qaybtood (Fannaaniinta ) Inta ay soo xirtaan tuute ay innoogu yeeraan ciidamadda qaranka ayaan dhiiragalinaynaa , Aawaye ciidamadda qaranku ? Ma dawlad qabyaaladdeed ayaa ciidamo qaran alkumi karta ?
Inta aynnaan u dhaadhicin ka warcelinta wayddiinta ah maxaa ku sababaaya fannaanka Soomaaliyeed in uu cadoowga u durbaan tumo aynnu isla waddaagno inno ka sheega sooyaalka fanka Soomaaliyeed kiisa hees muusig lagu laray qof qaada .

Sooyaal Fanneed .
Heesaanimadda qof Soomaaliyeed ku heeso hees lagu laray muusig waxay ahayd aragti gumaystihi ingiriisku keenay dhulka Soomaaliyeed .
Sida sugan oo aan ka arkayno keenitaankiisuna waa in ay arrintu tahay mid dantiisu ku jirto , aynna ka dhan tahay tan Soomaalidu leeyihiin ee ah ku dhaqanka diintooda iyo horusocnimadda afka Soomaaliga .

Soo ifbixi heesaa Soomaaliyeed oo muusik ku dhex garaacaaya heesta waxa ka hor yimi culimaddi Soomaaliyeed ee xilligaas joogtay .

Si kasta oo ay culimadda diintu muusikadda u diido hadana ma hor istaagin hanaqaadki hees qaadayaasha muusikadda bulshadda ku asqaysiiyeey ee hadana la yimi fasahaadinta da’yarta rag iyo dummarba leh.
Ka gadaal dal xor ah noqoshadda dhulka Soomaalida qaybo ka mid ah ee dawlad yeesha waxaa isa soo taray soo kororka iyo kor u kaca fanka Soomaalida .
Xilligi dawladdi kacaanka ayuu fanku noqday mid bulaalay , waxaa ku soo biiray fannaanimadda dad tiro badan , waxaa samaysmay kooxo fanneed .
Dawladdi kacaanku waxay u addeegsatay ujjeedooyinkeedu guracnaa ee kalitalisnimo kursi sii haysashadda salka ku hayey iyo mabaa’diidi ka dhanka ahayn diinta ISLAAMKA .
21-sanno ayay fannaaniinta Soomaaliyeed jugta iyo jiibta u hayeen heeso dadka lagu dhaga barjeeyo oo looga gol leeyahay ku baraarujinta kacaan jeclaanta .

Haday meesha ka baxday dawladnimaddi ee dalka Soomaaliya soo istaagay dal aan dawlad lahayn fannaaniintu waxay noqdeen kuwo burbura , intooda badani waxay noqdeen dibad joog oo dalka waa ka hayaameen .

Waxaa xilliga burburka kuwi hore badalay kuwo hor leh oo tiro badan , jaantaa rogana ah , oo qof kasta oo ka hela in uu heesaa waxa uu soo qaaday hees

Goortaan iyo fanka .

Waxay noqdeen fannaaniinta goortaanu kuwo cadoowga ummadda Soomaaliyeed u sacaba tuma , bulshaddana been u sheega .

Ciidamo qaran oo aan jirin ee malayshiyaad koox odayeed ku dhisan oo dadka baarta oo barakiciya ayay innoogu sheegaan ciidamo qaran , waa gartoode iyaguba (fannaaniintu) ma yaqanaan ciidan qaran ciidamadda lagu magacaabi karo oo fannaaniintu waa kuwo ka mid ah bulshadda siiba kuwa ugu fahan nololeed hooseeya oo fannaanku waa qof garaad yar , sidaynnu hoos ugu tagi doonnona waa qof dammiirkiisu iib yahay fannaanku , dal iyo diin midnaba umma daneeyo , waxaynna u tahay noloshu tiisa , tabcashaddiisuna waa fannaanimo ku maal doonka .

U heesaayaal Maamulo koox odayeedsan oo jaantaa rogan ah oo tuula walba calan ha loo taago ku dhisan kana dhan ah aayyaha umadda Soomaaliyeed weeye fannaanka Soomaaliyeed ee goortaanu.

Dhinaca kale waxan fannaanka la tusi karin kooxda Soomaaliyeed ee Al-shabaab ee doonitaankoodu yahay dal xor ah oo ku dhaqma dawladnimo ku dhisan diin .

Tan weeye mida iswayddiinteeda sarraysa ee leh maxaa fannaanka ku kalifaaya in uu ahaado ku cadoowga ummadda Soomaaliyeed u durbaan tuma kana soo horjeesta dan sidaha dadka Soomaaliyeed ee u taagan diinta , dalka iyo dadka tooda .

Waxaynnu taas kaga wayddiin celin waa kuma fannaanku si kale qofkee weeye fannaan Soomaaliyeedku ,middaas ayaynnu ka ogaan say illa tahay sababta fannaanka u leh bulsho hoosaasinta .

Waa kee fannaanku ?.

Fannaanku waa qof aan lahayn asal ahaan mabda iyo aragti qoffeed , badanaa waxaa loo noqdaa magac iyo maal ku helid .
Intooda badan fannaaniintu waa kuwo aanba fanmin macnaha iyo ujjeedka heesta ay qaadayaan sababta oo ah ma ahan kuwa ay ka soo maaxdaan mirraha heestu .

Waxaa la socda fannaanimadda qofka Soomaaliyeed fusuq ah in rag iyo dummar is dhex dabaashaan , waana mid ay reebayso diinteenu .
Haddaba fannaanka oo magac iyo maaldoonimaddiisa ka duulaaya ahna qof mabda aan lagu malayn karin ayay isdiidan yihiin muusikadda uu heesta lagu laray qaadaayo iyo diinta islaamku .

Fannaanka oo heesaanimaddiisa u danaynaaya ayaa u arka koox diinta islaamka in la loo xakuntamo doonitaankoodu yahay ay tahay cadoowgiisa .
Waa sababta fannaanka Soomaaliyeed uu ulla safan yahay cadooga ummadda Soomaaliyeed ee haatan AMISOM loogu yeero ee ah ciidamadda shisheeye ee cadoowgeena ah .

Waxyeelaynta.
Waxyeelaynta Bulshadda ee fannaanku dhibaatadda gaarsiiyo dadka waa in fannaaniintu ay yihiin kuwo danta ummadda Soomaaliyeed gees marsan unna heesa cadoowga iyo nidaam dawladnimo ka fog oo soo socotadda ummadda Soomaaliyeed ku hagaaya dawladnimo la’aanta oo sii daba dheeraata .

Waa kan fannaanku maleeshiyaad koox odayeed dhex istaagay isaga oo dhar ciidan sida innagu leh ciidamadda qaranka ayaan la dhinac ah , cadoowga ayaanna lala dagaalamayaa .

Haa! Isaga cadoowgiisu waa inta diin isku xakunka doonitaankoodu yahay , maanta haddii dalka Soomaaliyeed gumaysti toos ah ay ugu dhawaaqaan kuwa dunnida haatan u tunka waynni fannaanku waxa uu ahaanayaa mid u sacbiya gumaystahaas .

Maxaynnu ku eedaynaa fannaankaba heesta muusikadda la huwiyey ku luuqaynaaya waxaa innoo keenay gumaystahee .
Kolkaas isma diidayaa gumaystaha iyo fannaanku , mar kastana fannaanku waxa uu ka dhan noqon diinta iyo danta dadka Soomaaliyeed .

Bulshaddi Soomaaliyeed oo ah kuwo wacyi hooseeya ee fahan nololeed ku nooli waxay u nugul yihiin maqalka dhawaaqa fannaanka .

Fannaanka oo ka faa’iiidaysanaaya bulshaddan burbursan ee tayyadda daddeed hoosaysaa waxa uu ugu yeerayaa wax ka dhan ah aayyahooda iyaguna (bulshaddu) waxay ahaan kuwo jeclaada fannaankaas ,cadoowga u heesaaya .

Dhamayn .
Fannaanka Soomaaliyeed waa mid dhan diineed iyo mid wadaniyaddeedna ka maran , waxyeelona ku ah bulshadda Soomaaliyeed .

Ugu dambayn Fannaaniintu waxay ka qayb yihiin inta bulshadda Soomaaliyeed xuma ku hayntooda u taagan ee u heelan in burburka dhan kasta ah ee dadka Soomaliyeed haystaa horay usii socdo .

Sababtuna waa in fannaanku yahay qof howsha uu ku jiro ee fannaanimo iyo diinta islaamku is diidan yihiin iyo isaga oo magac iyo maal doon ah taasna u dhumiyey waddaniyadda , dhanka kalena aaminsan qabyaaladda .

 

Qorre: Idiris A. Dooxa-joog.

DHAGEYSO:-Korneel Maxamed Cali”Shabaabka Tab iyo Xeeladba Way ka sareeyaan Amisom iyo Dowladda”

Image

Korneel Maxamed Cali Cismaan oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Milatariga Maamulkii Siyaad Barre kuna soo tababartay Wadanka Ruushka oo  wareysi siiyay Alfurqaan ayaa sheegay shabaabul Mujaahidiin in tab iyo xeeladba ay kasareeyaan shisheeyaha iyo dowladda Xasan Sheekh.
Wuxuu tibaaxay dhanka sirdoonka iyo war helist a ay kasareeyaan shabaabka shisheeyaha iyo Soomaalida.
Dagaalka xiligaan dhacaya ee islaamiyiinta ayuu sheegay inuu yahay mid tababar iyo qibrad ahaan ay sareeyaan mujahaidiinta isagoo tusaale usoo qaatay weerarkii Buula Burde.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY BALLAN AH:- Sheekh Abuu Subeyr”Naftu inay maqnaatiyo in ay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhaxeeyaaye, Warankaadu ruuxuuno mudin weedh la mari waaye”

Image

GABAY BALLAN AH:- Sheekh Abuu Subeyr”Naftu inay maqnaatiyo in ay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhaxeeyaaye, Warankaadu ruuxuuno mudin weedh la mari waaye”

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Jen. Jaamac Qaalib “Dastuurka Dowladda Soomaaliya ay Ku Dhaqanta Etoobiya ayaa soo qortay”

Image

Jaamac Maxamed Qaalib oo kamid ah saraakiishii ugu sareysay ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya  oo la hadlay warbaahinta waxa uu si aad ah kaga hadlay dastuurka ay ku dhaqanta dowladda Garguurte waxaana uu sheegay in dastuurkaasi ay soo qortay dowladda Itoobiya.

Qaalib waxa uu ku celceliyay in dastuurka ay soo diyaarisay soona qortay dowladda Xabashida Itoobiya kana buuxaan qodoba qaas u ah Itoobiya oo loogu tala galay iney Xabashida Itoobiya ku sameystaan kuna fushadaan  danaha ay ka leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Jen, Jaamaca Maxamed Qaalib waxa uu ka hadlay ku biirista Ciidamada Itoobiya ay ku biireen Amisom waxaana uu tilaabadaasi ku tilmaamay mid looga soo horjeeda amni iyo nabad ka dhalata dalka Soomaliya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Dagaalo Maalintii 3aad ka Socda Qeybo Kamid ah Gobalka Bakool iyo Qasaaraha Xabashida oo sii Kordhaya.

30206407

Wararka ka imaanaya dhanka gobalka Bakool waxey sheegayaan in markale saaka dagaal dib uga qarxay wadada isku xirta Ceelbarde iyo Xudur halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaallo xoogan  oo u dhaxeeyay ciidamada Alshabaabul Mujaahidiin  iyo kuwa gumeystaha Xabashida Itoobiya iyadoona ay sii kordhayaan qasaaraha Xabashida lagu gaarsiiyay dagaaladaasi.

Goob joogayaal ka dhaw goobaha dagaalka ayaa  xaqiijiyay  in ciidamada Mujaahidiinta saaka aroortii weeraro rogaal celis ah markale ku qaadeen ciidanka Xabashida oo xalay gabalku ugu dhacay duleedka tuulada Teed ee gobalka Bakool.

Dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda labada dhinac isweydaarsanayaan waxaa si aad ah looga maqlayaa dhulka howdka ah,dhinaca kale warar laysla dhaxmarayo oo aan wali la xaqiijin waxey sheegayaan in dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Ceelbarde lagu dilay Max’med Cabdi Tool guddoomiyihii gobolka Bakool ugu magacaawnaa kaas oo dagaalka qeyn ka ahaa,Xabashidana miinobaar u ahaa.

Sidoo kale wararka qaar waxey  sheegayana in Tool uu saarnaa gaari Uuraal ah oo madfac nuuca garbaha laga tuura ah ay laheleen ciidanka Shabaabku, gaarigaasi iyo waxii saarnaay ayaa la xaqiijiyay iney baaba’een.

WIXII KA SOO KORDHA WAAN SUGAYNAA,INSHALLAH.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Image

Ciidanka Xabashida oo gubay goobo ganacsi oo kuyaalla degmada Rabdhurre ee gobolka Bakool.

Image

War hada laga helayo  degmada Rabdhurre waxa uu sheegayaa in Ciidamada Xabashida ay dab qabasiiyeen goobo ganacsi oo kuyaalla degmada Rabdhurre ee gobolka Bakool, kadib markii saakay ay gudaha u galeen.

Sida ay ku warramayaan dadka fara ku tiriska ah ee weli ku harsan degmada Rabdhurre waxay sheegayaan in Boqollaal ka tirsan Ciidamada Xabashida ay saakay waabarigii gudaha usoo galeen degmada, waxaana markii magaalada ay gudaha usoo galeen ay billaabeen inay dab qabasiiyeen goobo ganacsi iyo qaar ka tirsan Xaafadaha kuyaalla degmada.

Inta badan dadkii ku noolaa degmada Rabdhurre ayaa halkaas ka baracakay, waxaana jirin wax ganacsi ah oo ka jira magaalada, iyadoo dadku ay u qaxeen dhulka howdka ah ee ku teedsan degmada Rabdhurre.

La Soco Wixii soo kordha

DHAGEYSO: Nabadoon Ansaari oo ka hadlay Shaatiga Cusub ee Itoobiya iyo Taariikhda Dagaal ee Soomaaliya iyo Xabashida.

Image

Waxgaradka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ayaa si weyn uga hadlayay muddooyinkaani, duullaanka cusub ee Itoobiya kusoo gashay dalka Soomaaliya iyadoo wadata Shaati cusub.

Nabadoonada ku dhaqan gobalka Gedo ayaa sheegaya in Itoobiya Shaati cusub usoo gashatay Umadda Soomaaliyeed, si halkeeda ay kaga sii wado dagaalkeeda ku dhisan Cadaawadda Soomaaliyeed iyo sidii ay u kala jar jari laheyd dhulka Soomaaliyeed.

http://www.youtube.com/watch?v=hfupNft1hzg#t=1

Nabadoonka ayaa ka sheekeeyay taariikhda fog ee Itoobiya oo ah mid ku dhisan Cadaawad gaamurtay iyo naceyb ay u qabto Umadda Soomaaliyeed, iyadoo dooneysa in Shacabka Soomaaliyeed gumeysato.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

SILENCE AND PAIN: Ethiopia’s human rights record in the Ogaden

Image

The Ogaden is Ethiopia’s dark, dirty secret. It is far from prying international eyes, where almost anything can be done to anyone the government does not like.

The Ogaden was conquered and forcibly incorporated into Ethiopia by Emperor Menelik II in the last quarter of the 19th century. Its Somali speaking, almost exclusively Muslim community, never really accepted an Ethiopian identity. In 1977 it was the scene of an international conflict, as Somali President Siad Barre attempted to wrest the region from Ethiopia. The Soviet Union poured arms and Cuban troops into Ethiopia and the invasion was halted. The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has been fighting the Ethiopian government since 1995, and local people have been caught up in the conflict.

The Ethiopian authorities have sealed off the region to international journalists.

As Human Rights Watch wrote as early as 2008: “The Ethiopian government’s reaction to reports of abuses in 2007 has been to deny the allegations, disparage the sources, and actively restrict or control access to the region by journalists, human rights groups, and aid organizations (including by expelling the International Committee of the Red Cross in July 2007)”. [See Annex below] When two Swedes, Martin Schibbye and Johan Persson, entered the Ogaden with the ONLF in July 2011 they were captured. The two men were sentenced to 11 years in jail and only freed in September 2012, after appeals for clemency.[1]

As Human Rights reported:[2]

“Ethiopian troops have forcibly displaced entire rural communities, ordering villagers to leave their homes within a few days or witness their houses being burnt down and their possessions destroyed—and risk death. Over the past year, Human Rights Watch has documented the execution of more than 150 individuals, many of them in demonstration killings, with Ethiopian soldiers singling out relatives of suspected ONLF members, or making apparently arbitrary judgments that individuals complaining to soldiers or resisting their orders are ONLF supporters.”

Since 2008 few reliable reports have been published. The UN Commissioner for  Human Rights has received submissions from time to time – some of them detailed and well sourced.[3] But they have received little international media attention.

A terrible silence has descended over the Ogaden.

In recent weeks I have been contacted by Ogadenis living in exile, who have begun to send me information. These testimonies cannot be independently verified, but since the alternative is not to speak about the human rights violations that are almost certainly taking place, I have decided to publish them.

The testimonies come at the same time as the mysterious disappearance of two senior ONLF negotiators from Nairobi.[4] The two men – Sulub Ahmed and Ali Hussein were members of the ONLF negotiation team that was in Nairobi for a proposed third round of talks with the Ethiopian government. They disappeared from a restaurant by men in three cars – the ONLF believes they were abducted by Kenyan and Ethiopian security forces and possibly taken by force into Ethiopia. The ONLF say this is the second time the Ethiopians have abducted and killed negotiators – the last time it happened in 1989.[5]

The story of Balidhuure

Balidhuure village, 150 kilometres South-East of the city of Harar, has been the scene of repeated atrocities carried out by Ethiopian security forces.  The village, which is home to about 1,500 people, lives on its goat, sheep and camels. This is a dry semi-desert region, with low bushes providing what fodder the animals need.  It should be a peaceful rural scene, but this is a region living in fear.  Ethiopian troops patrol the villages and have bases in the main towns.  Over the past 5 years repeated atrocities have been inflicted on local people, who are accused of supporting the liberation movement, the Ogaden National Liberation Front. This is the testimony of Captain Hassan Mohammed Abdi, who has since fled from the country. It offers a rare glimpse into an area from which all independent journalists have been banned, and from which international aid agencies are banned.

 

The Liyu Police – brutal arm of the Ethiopian state

 

Repression in the Ogaden is mainly carried out by the notorious Liyu Police; this is a locally recruited force that has been widely condemned for the repressive methods that it uses.

This is how the force is described by Human Rights Watch:[6]

“Ethiopian authorities created the Liyu (“special” in Amharic) police in the Somali region in 2007 when an armed conflict between the insurgent Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the government escalated. By 2008 the Liyu police became a prominent counterinsurgency force recruited and led by the regional security chief at that time, Abdi Mohammed Omar (known as “Abdi Illey”), who is now the president of Somali Regional State.

The Liyu police have been implicated in numerous serious abuses against civilians throughout the Somali region in the context of counterinsurgency operations. The legal status of the force is unclear, but credible sources have informed Human Rights Watch that members have received training, uniforms, arms, and salaries from the Ethiopian government via the regional authorities.”

In January 2013 it was reported that the Liyu police numbered between 10,000 and 14,000. The force was accused of numerous human rights abuses and summary executions.[7] The Guardian newspaper reported that it had seen an internal British government document, from the Department for International Development, indicating that there were plans to spend £13m–15m of aid money on the force as part of a five year “peace-building” programme. The report was denied by the British government, which said all funding would go via United Nations agencies and not through the Ethiopian authorities.[8]

 Despite these assurances concern about the behaviour of the Liyu police remains. The testimony below and the reports of atrocities carried out in recent weeks indicate these are well placed.

 Testimony of Captain Hassan Mohammed Abdi aka Hassan Afo, a former member of the Liyu Police, who was active with the force in Degehbur Province. June 2012.

“In Balidhuure village (Eastern Degehbur Province) located in between Gurdumi and Koore, a Liyu police unit that left from Aware and commanded by Major Kidinbir rounded up and finally driven away most of the people that lived in the area. Among them was a disabled man who walks with a stick named Ina-Yul-yul or the son of Yul-yul. Not far from the village of Balidhuure, the handicapped man, Ina-Yul-yul could not continue walking. One of the Liyu policemen noticed this and he informed Major Kidinbir by radio. Major Kidinbir said, “He can’t walk? Then kill him where he is at right now.” That’s how Ina-Yulyul was shot and killed. He was killed because of one of his brothers was among the ONLF fighters.”

Reports of human rights atrocities committed in the Ogaden Region over the previous month.

25/12/13: In Guna’gado district of Degahbur province, at least 25 civilians were  detained and 25,000 Ethiopian birr was stolen from them

5/1/14:  In Gasaangas in Hamara district 5 civilians are unlawfully detained. They were: Hassan Geday, Hassan Nour Moalim Ibrahim, Rukiya Moalim Ibraahin, Anbiya Sheikh Mohammed and Nafis.

5/1/14:  In Dhuhun a girl named, Halimo Duulane was detained .

10/1/14: In  Eastern Iimay, Fadumo Wacdi Ahmed, Sa’ada Hassan and Gordo Abdi God were detained by the Ethiopian Security Forces.

10/1/14,In Guna’gado, Mohammed Isse Gu’had was tortured, detained and his 11 camels were stolen.

3/1/14: Hamuud-ka, in Fiq Province, the security forces detained Mohammed Ibrahim.

5/1/14:  Ya’hob Village in Fiq Province, the security forced killed in a cold-blood Abdullahi Lo’bari in cold blood and injured Ahmed Hassan Awl.

5/1/14: Hamaro in Nogob Province, the security forces detained several people : Mohammed Abdi Rahman Omar, Abdirahman Bade, Ta’kal Yousouf and Ina-Barud.

Annex

Amnesty International on Ethiopia’s Ogaden region[9]

In September, the government and the ONLF briefly entered into peace talks with a view to ending the two-decade long conflict in the Somali region. However, the talks stalled in October. The army, and its proxy militia, the Liyu police, faced repeated allegations of human rights violations, including arbitrary detention, extrajudicial executions, and rape. Torture and other ill-treatment of detainees were widely reported. None of the allegations was investigated and access to the region remained severely restricted. In June, UN employee Abdirahman Sheikh Hassan was found guilty of terrorism offences over alleged links to the ONLF, and sentenced to seven years and eight months’ imprisonment. He was arrested in July 2011 after negotiating with the ONLF over the release of two abducted UN World Food Programme workers.

By:Martin Plaut

Source:martinplaut.wordpress.com