DHAGEYSO:- Sheekh Cabdiwali Muudey “Itoopiya iyo shisheeyaha kale ee Amisom waa isku hadaf gumaysi doon ah”

Image

Waxaa isa soo taraya Bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn kaga soo Horjeestay Qorshaha Itoobiya ugu Biirtay Ciidamada Shisheeye Amisom.

Sheekh Cabdi wali Cabdullaahi Muudey oo kamid ah Culumada Diinta islaamka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Ciidamada kale Afrikaanta Amisom ay isugu mid uyihiin umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay isku afkaar ka yihiin dhibaatada lagu hayo shacabka ee gumeysiga ah.

Wuxuu shacabka xasuusiyay dhibaatooyinkii Guracnaa Itoobiya ka gaystay Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliyeed isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dadka haatan ku dhawaaqaya Itoobiya inaysan ahayn tii Hore.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan cadowgooda oo ay iska dulqaadaan Itoobiya iyo kuwa lamidka ah.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:- TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED. Xabashida miyaa is bedeshay mise Oday Xaad!

Image

Maxamad Xassan Xaad oo kamid ah odayaasha taageera dowladda federalka ah iyo ciidamada shisheeye ayaa tgaageeray ciidamada Xabashida ah ee kusoo duulay dalka, isagoo ku tilmaamay kuwa sharciyada u heysta duullaankooda.

Xaad ayaa aad uga carooday su’aalo la xiriira taageerada uu u fidiyay xabashida Itoobiya ee ay colaada gaamurtay kala dhaxayso ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xaad waxa uu ka hadlay weeraradii cuslaa ee habeenadan  ka dhacayay magaalada Muqdisho isagoo dhaliilay laamaha ammaanka ee dowladda federalka ah.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

SHACABKA SOOMAALIYEED “Aqbalimeyno gumaysiga Itoobiya”

Image

Shacabka Soomaaliyeed oo weli la daalaadhacaya dhaawacyadii ka soo gaaray gulufkii ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen Soomaaliya sanadkii 2006 ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go`antahay inay meel kaga soo jeestaan cadowga gumaysiga la maagan Soomaaliya kaasi oo ay xilligan Xabashidu hor kacayaan.

Kumanaan ruux oo maalinkii shalay dibadbax aad u ballaaran ka dhigay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay inaanay marna aqbali doonin gumaysiga Itoobiya ee Shaarka cusub loo soo xiray.

“Horay ayaan u diidaneyn cadowga nuucyadiisa kala duwan hadana ma aqbaleyno in Itoobiya ay qabsato wadanka xilli ay soo gashatay shaarja Amisom” sidaasi waxaa ku qeylinayay dibadbaxayaasha oo safaf dhaadheer u taagan bartamaha barxadda Tabuuk oo ah goobta la isugu soo baxay.

Calanka Itoobiya ayaa kamid noqday tiro calamo ah oo ay leeyihiin dowladaha Soomaaliya ku soo duulay kuwaasi oo dibadbaxayaashu ay dab qabadsiiyeen.

Carada ay dadku ka qabaan duulaanka Itoobiya ee wejiga cusub leh ayaa ka dhigan in ay fashil ku dhamaan doonaan dhamaanba isku dayada cadowga ee ku aadan Soomaaliya.

Shacabka Mujaahidka ah ee Soomaaliyeed ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigay ciidamada gumaysiga Itoobiya kuwaasi oo ugu dambeyn wadanka isaga baxay kadib dagaal lagu riiqma y oo mudo laba sano ah ay kaga jireen Soomaaliya.

voice Of Somalia-Banaadir Post

Shaarka cusub ee Itoobiya gashatay ma yahay mid ka gadmaya umadda Soomaaliyeed?

Image

Wadanka Soomaaliya oo sanado badan uu ka socday dagaal halgan jihaad ah oo looga soo horjeedo shisheeyaha kala ahdaafta duwan ee soo duulay, ayaa hadda u muuqda in weli dhiigu sii qul quli doono kadib isbadallo soo ifbaxaya.

Horay wadanka waxaa u joogay ciidamo shisheeye oo ka socda dalalka Kenya, Burundi, Uganda, Sierraleon, Djibouti oo wata magaca Amisom iyo cutubyo ka tirsan ciidanka militariga Itoobiya kuwaasi oo weligoodba aan lugta kala bixin wadanka balse danahooda gaarka ah u joogay iyagoo aan hoos joogin taliska Amisom.

Itoobiya oo damac fog ka leh Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday inay qabato hogaanka ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya ee Amisom si ay ugu gaarto danaheeda gurracan islamarkaana ugu dhaqaaleysato ciidamadeeda, laakiin arinkaasi ayaa la isku fahmiwaayay.

Baydhabo oo ah magaalo muhiim ah ayaa Itoobiyaanku faarujiyeen si ay u muujiyeen kaalintooda ciidan iyo inaan laga maarmin, markaasi oo taliska Amisom uu ku qasbanaaday inuu wax uun u ogolaado Itoobiya oo loo arko inay tahay awoodda kaliya ee looga tashanayo in lagu qabsado wadanka.

Wadahadallo ay garwadeen ka yihiin reer galbeedka iyo Yuhuudda oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn lagu aqbalay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howlgalka gumaysiga ah iyada oo qaadaneysa magaca Amisom, waxaana lagu qanciyay inay qaadato gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo weliba Hiiraan oo ay kaalin muhiim ah ku yeelan doonto.

Tallaabadaasi oo muujineysa inay Itoobiya gashay gor gortan adag ayaa ka dhigan tabar darro dhan walba ah oo heysata ciidamada shisheeye iyo sida ay qaati kaga taaganyihiin inay horay u sii wadaan dagaalka.

Ciidamada Itoobiya oo jab iyo halaag horaan kala kulmay Soomaaliya ayaa hadda wata shaatiga Amisom iyo calaamadda Cagaarka iyo Cadaanka ka kooban ee Amisom, taasi oo ka dhigan ninkii ku dhaawacay haku dhayo!!!

Si kastaba ha  ahaatee umadda Soomaaliyeed oo dagaal facweyn kula jirta shisheeyaha gaar ahaan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa isha ku heysa mu`aamaradda  cusub ee la soo maleegay waxaana isbadalay dhamaanba shucuurta iyo dareenka dadka iyagoo isha ku haya sida ay hadba wax u soconayaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo horay u diidanaa shisheeyaha islamarkaana kula jiray dagaal ayaa Itoobiya u arka inaanay xitaa ka mid noqon karin waxa lagu sheego Amisom marka la eego sharciyadda dalalka qaar waayo Itoobiya horay ayay Soomaaliya dhul kaga heysatay, dadkeeda ayay gumaaday hadana waa gumaysi cusub.

29770764

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Xarakada Alshabaab oo War Ka soo Saartay Itoobiyada loo galshay dharka AMISOM

Image

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saartay qorshaha ay Q.Midoobe ku doonayso in ay Dhulka Soomaaliyeed ugu xalaalayso Xabashida Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ciidankeeda ku sugan gobolada dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ay ku biireen waxa loogu yeero Howlgalka AMISOM.

Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid qaawan oo ladoonayo in Soomaaliya lagu hoos geeyo Addis Ababa.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan oo ay mujaahidiinta ku taageeraan dagaalka lagula jiro soo duulayaasha gaar ahaan Itoobiya.

Mar uu soo hadal qaaday waxa uu saaxada soomaaliya kusoo kordhin karo ku biiritaanka Itoobiya ee AMISOM ayuu sheegay in dhanka mujaahidiinta wax weyn aysan la ahayn oo horay ay ula dagaalamayeen Itoobiya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Abwaan Cabdiwaaxid Gama’adiid iyo Gabaygiisa Xabashibaa Duuflleh.

Waa maanso Taariikh leh oo ku aadan maanta oo xaalka soomaalido yahay mid xabashida la hoosgeeyay.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO: Jaaliyadda Ogaaden”UK” oo Cabdi Ileey ku Fadeexeysay London Hotel-kana inow kasoo baxo u diiday!.

Image

Jaaliyadda Ogaaden ee ku dhaqan dalka UK ayaa banaan bax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan gumeysataha Xabashida Itoobiya, waxa ay ka dhigeen Magaalada London caasimadda dalkaasi.

Boqollaal ruux oo isugu jira rag iyo haween, kuwaasi oo ay ka muuqatay caro xoog leh oo ay u qabaan Ina ileeyga u shaqeeya Itoobiyaanka ayaa waxa ay banaan baxooda ka dhigeen banaanka hore ee safaaradda dowladda Itoobiya ku leedahay Magaalada London.

Shacabka banaan baxa dhigayay oo ay ka muuqatay caro xoog leh ayaa sidoo kale waxa ay weeraro xerfadeysan ku qaadeen goobaha ay ku tuhmayaan in ay joogaan kooxda uu horkacayo Ina ileey ee Itoobiyaanka ku garab siinaya in ay gumeysiga kusii hayaan shacabka Reer Ogaaden.

Sidoo kale waxa ay ku guuleysteen Shacabka banaan baxa ka dhigay afaafka hore ee safaaradda dowladda ee London, in ay kala cayriyaan kooxo doonayay in halkaasi ay ku yeeshaan shir ka dhan ah danaha shacabkaasi iyagoona sidoo kale ku guuleystay in ay baajiyaan shirar halkaasi ay ku qabsan lahaayeen Ina ileey iyo saraakiil ka socotay dowladda Itoobiya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

VIDEO+SAWIRO:-Mudaharaadkii London Lagu Fashilay Hawaarinta & Woyanaha.

Image

Warbixinta Mudaharaadkan Dhowaan Lasoco

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

FAALLO:-Itoobiya oo dooneysa inay la wareegto talada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo dhismaha maamul goboleedyada federaalka ah .

29495877Sida lawada ogyahay dowladda Itoobiya ayaa kalsooni fiican kahaysata dhammaan maamul goboleedyada dalka kajira,mucaarad iyo muxaafadba inta aan ka ahayn shacabka gobolka Banaadir iyo meelaha ay kataliso  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Marka aan leeyahay shacabka Xamar waxaan kawadaa ,yacni maamulka gobolka iyo dowladuba waa ladhacsan yihiin siyaasadda Federaalka ah ee loogu daneynayo dowladda Itoobiya.

Kadib markay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday inay kubiireyso ciidamada AMISOM dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2013 ayaa waxaa isisoo tarayey shaki weyn oo Soomaalida waxgarata ka muujinayeen qorshahaas ay Itoobiya latimid. ayadoo inta badan farta lagu fiiqayey inay Itoobiya u dan leedahay sidii ay cad fiican uga heli lahayd deeqaha yabooha ah ee loo balan qaaday Dowladda Federaalka ah.

Balse waxay arintu dhinaca kale isu rogtay markii ay hadda soo shaac baxday in ciidamada Yugandha oo ah kuwa ugu badan ee Amisom kajooga dalka soomaaliya ay walaac kamuujiyeen kusugnaashaha dalka Soomaaliya. ayadoo la,ogyahay inay mashruucoodii Soomaaliya kuwaayeen naf badan iyo saanad milateriba. ayadoo uu isbuucaan Mahmet Anadiif xoghayaha guud ee igad uu afka kudhuftay inay Soomaaliya kabixi doonaan sanadka 2016.

Laakiin qorshuhu sidaa waa ka duwanaan karaa ,waxayna ubadan tahay inay dowladda Itoobiya lawareegi doonto hogaanka AMISOM,sidaasna ay ku hanan doonto talada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka ah,maadaama ay haddaba taladooda,howl galadooda iyo saanadooda milateriba ay gacanta ku hayaan ciidamada Yugaandha iyo Burundi.

Arinkaasna wuxuu sahlayaa inay Itoobiya xataa hirgeliso heshiiskii ay lagashay wasiirka difaaca Soomaaliya C/xakiin Fiqi ee ahaa inay soomaaliya qalabka milateri intii loo ogol yahay ay kasoo iibsato dalka Itoobiya,isla markaana Itoobiya noqoto halka lagusoo tababarayo Ciidanka Milateriga Soomaaliyeed. inkastoo uu jiray heshiis noocaan oo kale ah oo ay DF hore ula gashay dowladda Turkiga ,laakiin ay Itoobiya masuugtay dabadeedna aastay oo aan halkiisii lagasoo qaadin.

Xagga dhismaha maamul goboleedyada ayadu wax muran ahba kama taagna,maxaa yeelay kuwa horboodaaya hirgelinta Federaalka ayagaaba kuraali ah inay itoobiya dhisto maamuladooda islamarkaana ku ilaaliso dhowrka sano ee ay talada udhiibto. waxaana marag madoonto ah inay Dowladda Federaalka ah uga kalsoon yihiin tan Itoobiya ,maadaama aysan DF ku ilaalin karin xafiisyada maamulka.

 

Si kastaba ha ahaatee waxay iila muuqataa in marlabaad nala qeybsaday oo afarta nooc ee ciidamada dowlada ay kala maamuli doonaan Itoobiya oo Milateriga ah,Nayjeeriya oo booliiska ah, Sirdoonka iyo Alfa group oo NATO ah. laakiin milateriga ayaa laga yaabaa inay dowladda Kenya kushaqeysato qeybteeda ay markii horeba soo tababaratay ee ay hadda maamusho.kolleey qorsha xiga ee ay dejin doonaan ayaa lafilayaa inay noqoto weerar gobolada dhexe lagu qaado oo Ahlusunna ama Galmudug mid uun lagu guuro,ayadoo laga yaabo inay ciidamada NATO ,kasoo galaan xagga Badda Hobyo iyo Warshiiq,Ceelmacaan iyo dhinacaas. TAN ALLAASE KAWEYN.

W/Q; Xagaleey

Image

MAQAAL:-Taas unbaan kaa kari la’ahay‏. W/Q Roda Ibrahim (Afjano)

29220476Marka hore aan u mahad celiyo Allaah SW oo  adoomihiisa galad aan la soo koobi karin ku mannaystay  marwalbana mudan in laga mahad sheegto laguna shukriyo, marka xiga aan nabdaadiyo ama salaamo guud ahaan umaad Soomaaliyeed  gaar ahaan inta dareen wadaaga ila ah oo shacabka Ogaadeenya ee halgamaaga ah ay ugu horeeyaan.

Waxay ilatahay in uusan ruuxna garan waayaynin waxa ay qormadani ka turjumayso kolba hadaan xusay shacabka Ogaadeenya iyo  halgankoodana waxaa halkaas laga  garanayaa in aan ahay shaqsi ujeedo fog leh.

Aan u daadago qormada iyo nuxurka xikmada Cinwaanka oo ah eray aan soo xigtay maskaxdaydana marwalba ka shanqadha, siideedaba Soomaalidu waxay wax ku cabirtaa ama tusaale u soo qaadataa dhacdooyin, xikmado, maahmaahyo iyo qaybo badan oo suuganta ka mid ah oo dhamaantood shayga markaas laga hadlayo sees looga dhigo.

Erayga Taas unbaan kaa kari la’ahay waa eray muujinaya shay labada qof ee wada hadlayay ay isla qireen in uusan wanaagsanayn wuxuuna gunaanad u ahaa sheeko dhex martay 2 nin oo saaxiibo  mudo ahaa aniga laftaydana aanu xiliyo asxaab ahayn, 2 nin oo aan nolol kaga warqabo islamarkaasna aan u badinayo in uu qoraalkani gaadhi doono ayay sheeko dhex martay waxaana sheekadaas aniga  ila wadaagay 2 nin midkood.
Sida uu ninkaasu ii sheegay waxay isku qabteen arrin ay mudo isku aragti ka ahaayeen balse goor dhexe ay ku kala duwanaadeen 2 nin midkood ayaa badalay shaygaas fikirkii uu horay uga aaminsanaa balse mudo kooban kadib ayuu ogaaday in uu jid khaldan qaaday.

Mudo kadib ninkii 2aad ayaa arrintii ay saaxiibkii ku kala fikrad duwanaadeen isna badalay wuxuuna qaaday wadadii saaxiibkii ee qodxaha badnayd, ninkii markii hore wadadaas ku khasaaray ayaa damcay in uu saaxiibkii u digo una sheego  meesha uu u ambabaxay in uusan mahadin doonin.

Ninkii waayo arkay wuxuu saaxiibkii waano uga dhigay war ninyoho talo iga qaado oo meeshaas ka joog ninkii la waaninayay ayaa soo booday oo yidhi waryaa ma anaad I waaninaysaa adoo waxaan ogaa sameeyay oo hawshii aynu mudada dheer soo wada tircinaynay meeshaan ogaa kaga dhaqaaqay hadaad ogatay waxa ku sugaya ma aadan i waaniiseene maxkamada adiga ku sugaysa  ayaad ka walwali lahayd.

Ninkii horay u khaldamy ee saxiibkiisa ka daba khaldamay waani is yidhi waa loo goodiyay waxaana loo sheegay in uusan warba haynin,  arrini kolkay halkaas maraysay ayuu ninkii la soo booday eraygan walaaloow ma wax xun ayaan sameeyay, haa ayuu kii kale ugu jawaab celiyay hadaba taas unbaan ka kari la’ahay ayuu yidhi.

Ma hubo in uu ninkii la waaninayay hadalkaas ku qancay balse waxaan ka qaadanaynaa kolka uu ruux arrin  wajaho in uu waayo aragnimo ka dhaxlayo islamarkaasna uu halgan u galo in uu cidkasta uga digo kharataha uu soo jiidhay, waxaa xiiso gooni ah eraygan ii siiyay wuxuu muujinayaa 2 ruux oo ay dan adagi ka dhaxayso balse waayuhu ay marar kala kaxaynayaan si kastoo ay wax u dhacaana isku dan ah.
Gogol dhiga iyo sharaxaada Cinwaanka qormadayda hadaan halkaas ku joojino nuxurkana aan u daadagno waxaa Ogaadeenya ka socad halgan soo jireen ah oo u dhexeeya gumaysiga Itoobiya ee macangaga ah iyo shacabak Ogaadeenya ee gumaysi diidka ah gobaminadana wax walba u huraya, shacbka Ogaadeenya iyo halganka ay ku jiraan waxaa ku xeeran duruufo aad u faro badan oo saamayn balaadhan ku leh.

Waxyaabaha shacabka Ogaadeenya ee halgamaaga ah aad u saameeyay waxaa ka mid ah burburka dawladii dhexe ee Soomaaliya ku yimid, in kasta oo ay shacabka Ogaadeenya waligood halgan adag gumaysiga Abasiiniya  kula soo jireen hadana halgankaasu wuu dabo dheeraaday sidoo kale dhawrkii sanoba mar ayuu daciifi jiray.

Laga soo bilaabo dhalashadii ama aas-aaskii ONLF shacabak Ogaadeenya wuxuu wajahay halgan dhamays tiran oo taageero mooyee wax kale aan u baahnayn wuxuu kolba marxalad qalafsan soo maraba waxaa la soo gaadhay xili ay barbar dhac noqdaan ONLF oo aan cid bani aadam ahi u mano sheeganaynin iyo Itoobiya oo dalalka Geeska Afrika in ay ugu kurkur roontahay isu aragta isla markaasna caalamka taageerobadan ka hesha.

Mudo hadii uu halganka Ogaadeenya siisocady waxaa lagu sii durkay dhinaca guusha iyo xaqiiqada waxaana cadaatay waxay ay Itoobiya tahay iyo waxa lamoodayo kala duwanaanshahooda, waxaa wiiqmay qabkii beenta ahaa ee gumaysiga Itoobiya uu kolba qar iskaga tuuri jiray balse arrinta layaabka leh waxay noqotay umadii Soomaaliyeed ee xorta ahayd ayaa u baratamaysa u dhawaansahaha gumaysiga sababta ay sidaasi u dhacayso aragtidaan ka qabo qormooyin kale ayaan kaga hadli doona haduu rabbi idmo.
Akhristoow ujeedadii aan u cinwaanka  sare u soo qaatay eegga ayay inala gudboontahaye Magaalada Jigjiga todoibaadkii hore lagu qabtay shir loogu yeedhayay xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya waxaana ka qayb galay madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed waxaana daafaha caalmka ka daawanayay guuda haan shacabka Soomaaliyeed oo badankood aan Itoobiya waxay tahay si dhab ah u aqoonin waxaana si aad ah loola yaabay farqiga weyn ee u dhexeeya dadyawga Itoobiyaanka lagu tilmaamay iyo shacabka Ogaadenya.

Shirka oo magaciisu ahaa xuska qoomiyadaha waxaa lagu soo bandhigay waxyaalo badan oo muujinaya dhaqamada,luuqadaha iyo wax kasta oo nolosha dadkaas laxidhiidha, dadka Itoobiyaanka la yidhaahdo waxay Jigjiga u soo safriyeen dadkooda kuwii ka dhex muuqday iyo dhaqankoodii oo ay intii haljileedka ahayd ka soo meehaaheen.

Dadka Soomaaliyeed oo saan sheegay  Itoobiya askari tuute qaba uun u yaqaanay waxay layaabeen foolxumada dhaqanka, labiska iyo muuqaalka dadyawga la sheegay in ay matalayeen qoomiyadaha Itoobiya.Dad badan oo bulshadaSoomalaiyeed qaybaheeda kala duwan ah ayaa Jigjiga u tagay shirkaas daawashadiisa qaar badana waxay kala socdeen shaashadaha la iska arko waxayna aad ula yaabeeen Itoobiyadu nooca ay tahay iyo sidii ay u malayn jireen.

Haddaba Soomaaliyeey muqaalka dadka Itoobiyaanka lagu sheegayo wa kaas aynu Jigjiga ku aragnay oo waxba aysan ka damabynin cuntada ugu wanaagsan ee Itoobiya laga cuno-na waa canjeero maalinta laqaso oo aan la dubin oo aad loo qamiiriyay waxaana canjeeradaas lagu cunaa basbaas aad u kulul oo laab-jeex iyo gaastari (Gastaric) laga qaado dhaqan ahaan iyo diintana aad ayaynu ugu kala duwanahay waxaa intaas dheer wali wexeenii un bay inagula murmaysaaye wax aynu wada lahayn isku mahaysano taas unbaanan kaa kari la’ahay oo loo kaladhuumanayaa.

La soco qaybaha dambe
W/Q  Roda Ibrahim (Afjano)
Masnna@yahoo.com

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Shirkii Jigjiga iyo Xasuuqii Mustaxiil Maxaa Isku Beegay?

29123383Waxaa dhowr maalmood kahor kadhacay magaalada Jigjiga shir ay isugu imaanayeen qowmiyadaha kunool dalka Itoobiya kuwa lagumeysto iyo kuwa xorta ahba.

Waxaana shirkaas kaqeyb galay inta badan maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya oo laga xusi karo Somaliland,Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Dowladda Jabuuti oo iyadu gaar utaagan.
waxaase dhici karta inay intaas kabadnaayeen haddii lagu daro NFD iyo Kililka 5aad oo ah halkii shirka lagu qabtay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo halkaa u dirtay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Warfaafinta Cabdullahi Ciilmooge.

Dad badan ayaa isweydiinayo maxaa Soomaaliya kagalay shirka reer Itoobiya?. soow kuma filnayn in kililka 5aad uu kaqeybgalo maadaama gobolkaas ay xoog nooga haysato dowladda Ithiopia?
haddiise ay taas dhici weysay soow kuma filnayn inay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u dirto wafdi Soomaaliya matalaya,haddiiba ay dhacday in halkaas lagu casuumay.

Si kastaba ha ahaatee intii uu shirku socday ayeey ciidamada dalka Itoobiya waxay weerar xoog leh kuqaaday tuulooyinka kuteedsan magaalada Mustaxiil oo katirsan kililka 5aad ee uu shirku kasocday.
waxay halkaas kuxasuuqday dad gaaraya inta la,arkay illaa 50 qofood oo dhammaantood soomaali ah.

Majirin warbaahin Soomaaliyeed oo arintaa kahadashay,sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa ka aamustay tacadiyadaas loo geystay shacab Soomaaliyeed,ayadoo sidoo kale aysan jirin cid kamid ah madax goboleedyadii halkaas tegay oo kahadashay.

Haddaba su,aasha isweydiinta lihi waxay tahay maxaa sababay in laga aamuso xasuuqa intaa le,eg ee tuulooyin dhan lagu gubay ayadoo shacabkii halkaa degenaa ay dhammaantood usoo qaxeen magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Haddii ay dadka qaar qiil kadhiganayaan inay arintaas kadhacday meel xadka kabaxsan oo ay ku andacoonayaan inay arin Itoobiyaan tahay, soow shirka ay fadhiyaanba arin itoobiyaan ma ahah?
Maxaa shirkooda loo tegayaa oo Shantii soomaaliyeed ugu wada cararayaan, waxaasoo qarash ah u bixinayaan, haddii aan lagala hadli karin xasuuqa ay ugeysteen shacabkeenna Soomaaliyeed?
Maxaa kudhacay warbaahinta soomaaliyeed? maxaa afka haayo?

Soomaali waa Soomaali meelkastuu adduunka ka joogo, Mustaxiil iyo Jigjigana waa laba magaalo oo Soomaaliyeed oo kamid ah dhulka xoogga noogala haysto.WAANA INAAN TAAS OGAANAA.

Waxaase ayaan darro noqotay in dadkii guryahoodii la gubay, ehelkoodii lalaaye, dumarkii inta badan lakufsaday qaarna hore loo watay, markii ay Beledweyn u soo qaxeen ay ugu yimaadeen ciidamo kale oo itoobiyaan ah oo jidka fadhiya oo laleeyahay nabadgelyada ayeey sugayaan.waa tacadi labaad oo dowli ah!.

Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kaxuso raadioalfurqaan oo ah kan kaliya ee kahadlay xasuuqaas, ayagoo wareystay qaar badan oo kamid ah ehelkii dadkii ay xabashidu halkaas kuxasuuqdaykuwaas oo isugu jiray rag iyo dumarba.Raadioalfurqaan ayaa arintaa kusoo qaatay Barnaamijkooda Jimco kasta kabaxa ee layiraahdo Diiradda Jimcaha
welina waa kujiraa qofkii xiiseynay ama doonaya inuu wax ka ogaado xasuuqaas.

Arinta ugu naxdinta badan waxay tahay in ciidamada xasuuqaas geystay badankoodu ahaayeen kuwo Afsoomaali kuhadlo oo kasoo jeeda Kililka 5aad. dadka laxasuuqayna ay ubadnaayeen laba beelood oo kala dega Qallaafe iyo Mustaxiil.

Rooda Afjano – gabay Qiiro Badan!.

Image

Qore Xagal News.

DHAGEYSO:- Yuusuf Dabo geed.”Alshabaab Waxay Gudaha usoo Galeen Baladweyne,Ciidanka Jabuuti iyo kuwa Itoobiya intooda badan wey ka baxeen Baladweyn”

29080824

 

Hogaamiye kooxeedka Yuusuf Axmed Hagar Dabo geed oo wareysi siiyay Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa walaac ka muujiyay Amaanka Baladweyn oo faraha ka baxay.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Gobalka Hiiraan intiisa badan uu gacanta ugu jiro Alshabaabul Mujaahidiin.

Degmada Baladweyn iyo Matabaan oo kaliya ayaa la hayaa,Ciidamada Amisom waxay isagu tageen dhanka Janta Kundishe,Shabaabna Magaalada wuu ka buuxaa,afarta koona Magaaladana wey soo buux dhaafiyeen oo xarumo ayay ku leeyihiin’ayuu yiri Yuusuf Dabo geed.

Yuusuf Axmed Hagar dabo geed ayaa sheegay in taageero la’aan dhanka shacabka ah ay uniyad jabeen Ciidamada Jabuuti.

Yuusug Dabogeed ayaa sheegay in xaaladu tahay mid halis ah oo shabaabku maalin kasta dilal iyo qaraxyo ka gaystaan Baladweyn oo uu sheegay in qaraxyada lagu sameeyo Gudaha Magaalada.

Jaha kasta oo Magaalada Looga dhaqaaqo shabaab ayaa Jooga,cida dhahaysa shabaab ma jooga aniga ha igu beeniso oo ha timaado baladweyne ayaan joogaa”ayuu hadalkiisa ku dhidbay Yuusuf Dabageed mar uu ka hadlayay sida uu ku cadeyn karo in Alshabaab ay ku suganyihiin Gudaha Baladweyn.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

Image

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Mataalo Dhisid baa Mise Waa Tir-tirida Taariikhda Sayidka?

28873288Jumcadii aan Soodhaafnay Waxaa Lagataagay Magaalada Jigjiga Taalo ay Yidhaahdeen Waxaa Loodhisay Sayid Maxamed C. Xassan Hadaba Taalo Sayidku Wuu Mudan yahay In Loodhiso Laakiin Su’aasha is Waydiinta Mudan ayaa Waxay Tahay Wa ayo Cida udhisi? Goorma ayaase Loodhisi? Ma Waxaa udhisi Gumaystihii uu Ladagaalamayay? Mise Dhulkiisii oo Wali Kuhoosjira Gumaystihii uu Ladagaalamayay baa Looga Dhisi? Suurtagal Miyay Tahay Israel inay Tidhaahdo Yaasir Carafaat baan Taalo Udhisi? Illeen Saas bay Kadhigan tahay Ethiopia oo Tidhaahda Sayid M. C. Xassan baan Taalo Udhisaynaa ee? Su’aalahaasi Marka ay isu Kaaqaban Waayaan ma is Waydiisay Danta uu Kaleeyahay Gumaystuhu Taalada Sayidka?.

Sida aan Lawadasocono Gumayste Kasta Wuxuu isku Dayaa Umada uu Gumaysanayo inuu Baabi’yo ama Dhalan rog Kusameeyo Taariikhdooda Gumaysiga Ehiopiana Wadadaas buu Hayaa oo Wuxuu Geed dheer iyo Mid gaabanba u Fuulayaa siduu Ku Dhalan rogi Lahaa Taariikhda Shacabka uu Gumaysto ee Soomaalida Ogadenia.

Taalada uu Gumaystuhu Ku Yidhi gacanyarayaashiisa Sayidka u Dhisana Wuxuu uga Goleeyahay inuu Dhalan rog kusameeyo Taariikhda Sayidka oo uu Dadka u Sawiro inuusan Sayidku Ladagaalamaynin Ethiopia ee Ingiriiska uun Ladagaalamayay isna uu ahaa Ethiopian, Gumaystuhu isaga ayaana is Duqayn oo Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Waa kii Maalin Dhaweyd Afkiisa Ka Qirayay Ogadenia inaysan Ethiopia Kamid ahayn Wixii Kahoreeyay 1948 oo Xiligan ay Odayaashu Doorteen Ethiopia inay Kamid Noqdaan Waasuu Hadalka Udhigay ee, Laakiin Odayaal Madooranin ee Wuu Ku Been Abuuranayaa.

Sayid M. C. Xassan Wuxuu Ladagaalamay Gumayste Sadex Geesood ah oo Kala ahaa Ingiriis, Ethiopia iyo Talyaaniga kuwaa sooqaybsaday Guud ahaan Dhulkii Umada Soomaaliyeed Hadafkiisuna Wuxuu ahaa inuu Kaxoreeyo Waxa Shanta Soomaaliyeed Loogu Yeedho Hada Gumaystayaashaas Qaybsaday.

Ethiopia Hadii ay Rabto Shacabka Soomaalida Ogadenia inay Maanta u Sawirto ama Kadhaadhiciso Sayid Maxamed inuusan ahayn Cadawga Ethiopia ama iyadu ayna Cadaw u arki Jirin isaga ayaa Cadaynaya sayidku Wuxuu ahaa oo Gabayadiisa ayay Kabuuxdaa isaga iyo Xabashidu Meesha ay Kala Joogeen.

Gabayga Lamagac baxay “Nin ilaah yaqaan” oo uu Sayidku Tiriyay uuna isagu Waxa uu yahay Barayay Dadkiisa Xabashida iyo Ingiriiskaba Wuu Kuxusay isku Meel inay Kajoogeen oo Labaduba Cadaw ay u ahaayeen Baa Kuxusan Waanakan Qayb Kamida:

Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?.

Hadii Tusaale Kale aan sooqaadano oo Kusaabsan Xabashi Cadawtinimadii ay Sayidka u Haysay, Gabaygii uu sayidku Cali Dhuux ugu Jawaabayay Wuxuu Ku Sheegay isaga iyo Xabashida inay Cadaawadi kadhaxayso Wuxuuna Yidhi Sayidku:-

Nin Amxaara Mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, Ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, Agabsanaayaay.

Qoraal Kuma sookoobi Karo Meesha ay sayidka iyo Xabashi Kala Joogeen Gabayadiisa ayaana inoogu Filan Markhaati. Waxaan facebook-ga Ku arkayay Maalmahan Dhalinyaro Ladhacsan oo Kuhaysa Sayidkii baa Loodhisay Taalo Dhalinyaradaasi Way Kumahadsanyihiin Dareenkooda iyo sayidku Sida uu Ula Waynyahay Laakiin Waxaa Meesha Kujira Aragtidaa Guracan een Soo Xusay ee Lasocda, Insha allah Dalkeena oo Xor ah ayaan Uga Dhisaynaa Wax kasta oo uu Mudanyahay.

Aniguna Waxaan Kucabiray Dareenkayga Tixdan Gabayga ah.

· Duulaanka Gaalkii Kuyimid Dagalka Ciideena

· iyo Kuwaan Damiir Lagu Ogayn ee udaba Maydha

· Taariikhdii Darwiish kay Rabaan inay Daboolaane

· Danbas iyo Waxay Marinayaan Daamur aan Gu’ine

· Da’yartiyo Dhalaan kayrabaan inay Ka Duugaane

· Ama Dawba Meel aan ahayn ula Dawaafaane

· Doqonimo Halkaa Gaadhay baan Daawo looheline

· Hadaad Dooni Taariikh Cadoon Daahnu Qarinaynin

· Oo Marnaba aan Duugoobin oo Dayax sidiisii’a

· Shamso Duhur Lamoodaayo oon Ciduna Diidaynin

· Dafiraadna aan Gali-karayn Duudsi iyo Duugid

· Diiwaanka Gabayaduu Lahaa yaad Kadaalacane

· Dib Umilcso Taariikhdu Waa Shay aan Doorsamine.

By: Darwiish.

28574741

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Cali Maxamad Geedi oo ah Ninkii Xamar Dumiyay oo Xabasho Keenay welina hadlaya!!

27681025Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Cali Maxamad Geedi ayaa aad uga cawday fashilka dhanka ammaanka ah ee magaalada Muqdisho ku heystay dowladda federalka ah iyo mukhaabaraadka shisheeye.

Isagoo la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ayuu sheegay inuu ka xun yahay qaraxii shalay ka dhacay hotelka The Village, wuxuu ku baaqay in madaxweyne Gurguurte uu kala diro laamaha ammaanka maadaama ay fashilmeen, haddii kale wuxuu sheegay in Xassan ay biyuhu ugu gali doonaan godkiisa.

Cali Maxamad Geedi ayaa waxa uu iska digayay nin ka naxaya shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo la ogyahay waxa uu ku dhigay shacabka, waa ninkii burburiyay Muqdisho xabashina u keensaday, waa ninkii markuu joogay dadka loo duugayay toban tobanka!

Halkan ka dhageyso hadalka Cali Maxamad Geedi

Cali Maxamad Geedi waxa uu kamid yahay siyaasiyiin ay ku qaraabaneyso dowladda Kenya ee kusoo duushay wadanka, waxaana la yaab leh sida uu Cali u hilmaamay dhibkii uu u geystay shacabka. waad yabeysaa markaad dhageysato wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan.

Cali-Maxamad-Geedi-16-07-2013

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DAAWO+dDHAGEYSO:- Xassan Gurguurte, “Itoobiya In Aan Dowlad Helno Nafteeda Ayey U Hurtay, Fursad Dahabiya Weeye In Aad Igu Casuntaan Baroordiiqda Halyey Meles Zenawi!” (Warbixinta Khudbaddii Shaydaanku Qoray!).

gaalnimo_tartan_loogu_jiroبِسۡمِ ٱللهِ ٱلرَّحۡمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

والحمد لله رب العالمين ، القائل في محكم تنزيله

 ٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ أَوۡ لَا تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ إِن تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ سَبۡعِينَ مَرَّةً۬ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡ‌ۚ ذَٲلِكَ بِأَنَّہُمۡ ڪَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ‌ۗ وَٱللَّهُ لَا يَہۡدِى ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَـٰسِقِينَ

والحمد لله رب العالمين ، القائل في محكم تنزيله

 وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰٓ أَحَدٍ۬ مِّنۡہُم مَّاتَ أَبَدً۬ا وَلَا تَقُمۡ عَلَىٰ قَبۡرِهِۦۤ‌ۖ إِنَّہُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَمَاتُواْ وَهُمۡ فَـٰسِقُونَ

والحمد لله رب العالمين ، القائل في محكم تنزيله

مَا كَانَ لِلنَّبِىِّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن يَسۡتَغۡفِرُواْ لِلۡمُشۡرِڪِينَ وَلَوۡ ڪَانُوٓاْ أُوْلِى قُرۡبَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّہُمۡ أَصۡحَـٰبُ ٱلۡجَحِيمِ

والحمد لله رب العالمين ، القائل في محكم تنزيله

والصلاة والسلام على نبينا وقدوتنا محمد وعلى آله وصبحه أجميعن ، ثم أما بعد

GOB-ISLAM:- Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato. Ilaahay ayaa Mahad iska leh aanan Meles Zenawi iyo gaalo iyo Munaafiqiin u dambi dhaafaynin isla markaana Nabigiisa Maxamed CS iyo Muuminiinta Amray in aysan Tacsida gaalada iyo Baroordiiqdooda ka qaybgalin oo aysan u ducaynin!.

Khudbaddii Shaydaanku Qoray Ee Xassan Gurguurte!.

Shaki noogama jiro Shayaadiin iyo Sirdoonka meesha fadhiya in ay khudbadda Madaxweynaha Xukuumadda Riddada ah Murtad Xassan Gurguurte ay qoreen. Waa fadeexad weyn oo Xassan Gurguurte Muslimiinka Caalamka u soo jiiday  gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuu galiyey Taariikh madow Soomaalida iyo Dalkooda Soomaaliya!. Ninkaas aad u jeedaan ee Dowladdii Islaamiga ahayd ee Maxkamadihii Islaamiga dhextaagnaa Maantay wuxuu tartan ugu jiraa gaalnimo!.

Shacabka Soomaaliyeed waa loo diiday waxay rabeen oo ah kudhaqanka Shareecada Islaamka, Wadaaddo iyo Calmaaniyiin Xassan Gurguurte kamid yahay, markii Culimo, Ducaad iyo shacab badan oo Soomaaliyeed dhiiggooda u daadiyeen hirgalinta Shareecada Islaamka, gaaladii Itoobiya ayey raaceen!, halka Culimo Ducaad iyo Shacabkii Soomaaliyeed wali u dagaalamayaan hirgalinta Shareecada Islaamka!.

Xassan Gurguurte wuxuu Khudbaddiisa oo 8 Daqiiqo ahayd ku sheegay in kabadan 12 jeer,

“Itoobiya waxaan oga mahad celinayaa in ay igu casumaan Baroordiiqda loo dhigayo Walaalkeen Meles Zenawi!”.

Khudbadda Xassan Gurguurte ka Akhriyey Baroordiiqda Meles Zenawi, wuxuu aad u soo cel celiyey si Unprofessional ah ama xirfad xumaa!,

“Waxaan ku farax sanahay in aad Baroordiiqda igu casuntaan, waxaan u mahad celinayaa Itoobiya wanaagga iyo Naf hurnimada ay noo samaysay!.

“Waxaan Itoobiya oga mahad celinayaa Fursadda Dahabigaa ee ay isiiyeen oo ah in aan ka qaybgalo Barooqdiiqda Walaalkay Meles Zenawi!”.

Itoobiya waxaa Shacabka Soomaaliyeed oga hiiliyey, Reer Galbeedka iyo Wadaaddada Dammu Jadiid iyo Al-Ictisaam, haddii Wadaaddadaas Maalintii Muqdisho Itoobiya laga saaray Jihaadka ku taageeri lahaayeen Xisbul Islaam iyo Xarakada Al shabaab, Meles Zenawi laguma tilmaameen iyo Itoobiya in ay Naftooda u hureen Soomaaliya!.

Wadaaddadaas markii ay diideen in ay Jihaadaan, waxay raaceen Itoobiya, Shacabka Reer Jigjiga ayaad dhagaysan doontaan oo leh Meles Zenawi Ma dhiman!, xattaa Kufaartii Quraysheed waa ogaayeen in ay dhimanayaan laakiin waxay diidanaayeen in la soo saarayo oo Maalin Ilaahay Dadka xisaabinayo ay jirto, laakiin Dhalinyaro gumaysiga Itoobiya ku barbaaray oo Aabbayaashood gumaystayaashu dileen Maskax kale ku xiran tahay ayaa soo istaagay Dadku maba dhintaan!.

Xattaa Shaydaan uma malaynayno in uu Aamisan yahay Dadku in aysan dhiman!, gaalada Dabka caabuda ayaa xattaa qirsan Dadku in ay dhintaan!. Xassan Gurguurte wuxuu tartan ugu jiraan gaalnimo, Itoobiya soo ma’ahan Malaayiinta Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha uu kadhashay ee Hawiye Nimankii xasuuqay?, goormaa Itoobiya Soomaaliya Nafta u hurtay?, Meles Zenawi ma Xasuuqii Magaalada Muqdisho ayuu ku mutaystay in Baroordiiqdiisa laga qayb galo in ay tahay Fursad Dahabiya?.

La Dagaalanka Caqiidada Muslimiinta Iyo Doorka Siyaasadda Sirdoonka Reer Galbeedka!.

Waxaa jira Qofkii aanan ogayn Hay’ado Sirdoonka Reer Galbeedka u sameeya Daraasaad Shareecada Islaamka ku saabsan gaar ahaan Manhajka Salafka, waxay ku qasbaan horjoogayaasha Muslimka sheegta in ay sameeyaan wax kasta oo Shareecada Islaamka ama Manhajka Salafka ka hor imaanaya si Shacabka Muslimintaa looga tirtiro Caqiidadooda!. Yaan loo malayn Cayaar iyo hadal la iska yiri, “Males Ma Dhiman iyo waa Fursad Dahabiya in aan Baroordiiqda Walaalkay ka soo qaybgalo!”.

Cabdi Ilay waatii uu Taallada Meles Zenawi ka hortaagay Masaajidkii Wadaaddada Ictisaam ay yiraahdeen Meles Zenawi ayaa Towxiid Baraxla ogolaaday inaan faafinno!. Waatii Axmed C/samad Waraaqda Tacsidaa ku lahaa “Ilaahay ayaa Towfiiqda waa fajiyey Meles Zenawi inta uusan dhiman!”.

Bashir Axmed Salaad waatuu lahaa Xarakada Al shabaab markii ay Muqdisho kabaxday, ” Fadlan Amisom Magaalooyinka kale ha u baneeyaan Al shabaab!”, Sheekadu gaalo waa la kaalmaysan karaa iyo gaalo Xabbad laguma ridi karo waa soo dhaaftay waxaa Muslimiinta laga tirtirayaa Caqiidada Salafka waxaana dacaayad lagu furayaa Culimada Baariyaashaa ee Salafka!. Cali Warsame soo ma lahayn “Shirki, Daaquud, Kitaabu Towxiid Dadka hallaga daayo?”.

Soo Wadaaddo Al-Ictisaama Dastuur gaaleedkii Mahiga kuma dajin Magaalada Garoowe?, soo Wadaaddo Bashir Axmed Salaad iyo C/raxmaan Aw Cumar uu kamid yahay Manhajkii UNESCO ee waxbarashada Soomaaliya lagu badalayey Xafladdii loo dhigay kama qayb galin?, Soo Cali Wajiis Dumarkii Soomaaliyeed Saraakiisha Amisom uguma gaynin Xerada Xalane?.

Barnaamijka Siyaasadda Sirdoonka Reer Galbeedka ee Randi, Navanti iyo Hay’aad kale diyaariyaan ma’ahan mid Cayaar ah waa in Muslimiintu fahmaan gaar ahaan Culimada iyo Ducaadda Rabaaniyiintaa, waxaa Qof kasta Xasuustaa Augustina Mahiga in uu Salaaddii la xirtay Axmed Bile iyo Sharif Sheekh Axmed!. Si wanaagsan ayaa gaaladu u Akhrisay Muslimiinta. Ma’ahan ujeeddo la’aan, Wadaaddada Kaniisadaha galaya ee taas halla ogaado!.

Waxaa gaaladu ku bixinaysaa Inxiraafinta Muslimiinta iyo Caqiidadooda in lagu Cayaaro, Dhaqaalo aanan la soo koobi karin, waxay maraysaa Gabdhihii Muslimaadka ahaa gaar ahaan Marwooyinka Muslimiinta in gaalada loo Afduubo oo ay Kufsadaan!.

Shabakadda Islaamigaa ee Somalimidnimo.com waxaa Hay’adaha Sirdoonka ee Saldhigga Maraykanka Dacaayadda u sameeya ku eedeeyeen in ay Barnaamijyo Diiniya ay sameeyaan oo ay Dimuquraadiyadda iyo Siyaasadda Reer Galbeedka ka soo horjeedaan, Muslimiintana ku baraarujinayaan Siyaasadda Sirdoonka Reer Galbeedka ay kula dagaalamayaan hirgalinta Shareecada Islaamka!.

Marka Muslimiinta Soomaaliyeed ha ogaadeen Barnaamij kasta gaaladu in ay u jeeddo ka leedahay oo Muslimiinta laga duminayo Akhlaakhda Wanaagsan iyo Caqiidada Salafka!. Markii gaaladu ku qanciyaan Dadka Muslimiinta sheegta iyo gaaladu in ay Walaalo yihiin, waxaa ku xigta in lagu yiraahdo Kiristaan noqo oo Masaajidka Kaniisad ku badal halka Kitaabkana laguugu badalayo Baybalka, sida Cadowgii Umadda Soomaaliyeed xasuuqay Baroordiiqdiisa Fursadda Dahabigaa uu ugu tilmaamay Xassan Gurguurte!.

VIDEO HOOS KA DAAWO AMA MP3 KA DHAGAYSO!.

DHAGAYSO, Khudbada Xassan Gurguurye ee Shaydaanku qoray Baroordiiqdii Meles Zenawi MP3 Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO, BBCSOMALI Madaafiicda loo riday Meles Zenawi MP3 Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO, Shacabka Jigjiga oo leh “Meles Zenawi Ma Dhiman!”, MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha, ETV, BBSOMALI Universal TV. 

HOOS KA DAAWO SHACABKA JIGJIGA OO LEH MELES MA DHIMAN!.

Golaha Baraaruga Islaamka:  Maktabka Cilmi Baarista Iyo Daraasaadka.

 (مكتب البحوث والدراسات  في مجلس الصحوة الاسلامية)

Gob-Islam, Research Department (IAC) Islamic Awakening Council. Somali Youth Movement in North America And Europe

Contact Email webmaster@somalimidnimo.com

XIGASHO SOMALIMIDNIMO.

Ethiopia oo gaashaanka u daruurtay codsi kaga yimid kooxda Xasan Gurguurte ee Villa Somalia.

26794059Dowladda Ethiopia oo ciidamadeedu bilaabeen inay ka ruuqaansadaan deegaanno dhowr ah dhaca Soomaaliya islamarkaana dooneysa inay ka lug baxdo dagaalka jaho wareerka ah ee shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay codsi kaga yimid dowladda Xasan Sh Maxamuud ee Muqdihso lagu ilaaliyo.

Horay waxaa is qab qabsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale uu u soo kala dhexglaya Taliska shisheeye ee Muqdisho iyo saraakiisha sare ee ciidanka Ethiopia waxaana wadahadallo badan oo la galay lagu guul dareystay iyadoo Ethiopian-ku go`aansadeen inay isaga huleelaan Soomaaliya.

Ilo dhanka warbaahinta ah ayaa xaqiijianay in Wasiirka gaashaandhigga dowladda Xasan Sh Maxmauud ninka lagu magacaabo C/xakii Maxmuud Xaaji Fiqi iyo wafdi  uu hogaaminayo ay xilligan ku suganyihiin Adis Ababa halkaasi oo ay kula yeesheen madaxda sare ee dalka Ethiopia wadahadal fashil ku dhamaaday.

Fiqi oo ay la socdeen saraakiil militari oo ka tirsan ciidanka Xasan Sheekh ee shisheeyaha ku tiirsana ayaa la sheegay inay la kulmeen wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Ethiopia iyo saraakiil kale oo militari waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlay ayaa la sheegay inay ka mid tahay sidi loogu quusan lahaa dowladda Ethiopia loogana dhaadhicin lahaa inay ciidankeedu sii joogaan dalka laakiin arinkaasi ayaa la sheegay inay Ethiopian-ku qosol jees jees ah kaga jawaabeen.

Wadahadalka caajiska ah ee Fiqi iyo kooxdiisu ku tageen Adis Ababa ayaa la sheegay inuu markii horeba ahaa mid aan lahayn muhiimad balse quusasho ah waxaana dowladda Ethiopia ay horay u sheegtay inay gaartay go`aan aan ka laabasho lahayn oo ay ciidankeeda kaga soo saareyso Soomaaliya.

Fiqi ayaa la sheegay inuu wasiirka gaashaandhigga Ethiopia u gudbiyay warqad uu ka siday Xasan Sheekh  si rasmi ahna ugu socotay Hailamariam Desalegn taasi oo aan la ogayn waxa ku qoran laakiin warbaahinta qaar ayaa sheegaya inay ku qoranyihiin kalimado calaacal ah oo u badan codsi looga codsanayo dowladda Ethiopia inay ka warqabto xaalka.

Ciidanka Ethiopia oo boos weyn ka hayay shisheeyaha ayaa ka ruuqaansaday Bay iyo Bakool waxaana la sheegayaa inay ciidanka Shisheeyaha ee Gumaystayaasha Ethiopia doonayaa inay dhowaan ka ruuqaansadaan gobolo ay kamid yihiin Gedo iyo Hiiraan.

26793182

Voice Of Somalia-Banaadir Post.