DAAWO:-Al-Kataa’ib oo baahisey Qeyb kamid ah Taariikh Nololeedka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

32582202

Mu’assasada Al-Kataa’ib garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisey kalimad maqal iyo Muuqaal ah oo ku baxeysa Luuqadda Carabiga,taas oo uu jeedinayo Sheykh Cali Maxa’muud Raage Sh.Cali dheere oo ah Afahayeenka Xarkada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheykh Cali Dheere ayaa ka Hadley Qeyb kamid ah Taariikhda Sheykh Mukhtaar Cabdi Raxmaan Abuu Zubeyr-Amiirkii hore ee Mujaahidiinta Soomaliya-wuxuuna ku dheeraadey ka hadalka halgankii Sheykh Mukhtaar uu u galey inuu dhiso Awood Islaami ah,taas oo u babac dhigi karta Duulaanada Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya.

Sheykh Cali Dheere wuxuu sheegey in Taariikhda Abuu Zubeyr loog sheekeyn Karin saacad iyo wax lamid ah,wuxuna ku tilmaamey in Abuu Zubeyr uu yimid Soomaaliya,iyadoo kala tag-tagsan,ugu dambeyntiina uu ku guuleystey inuu ku mideeyo Wilaayaadka Islaamiga ah.

Sheykh Abuu Zubeyr ayaa ahaa mid kormeera howlgallada Mujaahidiinta,wuxuun naftiisa geyn jirey Saaxaadka Dagaalka,iyadoo sidaas ay tahayna kama daalin inuu baahi tiro Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ee ku dhaqan Wilaayaadka,sida uu sheegey Sheykh Cali Dheere Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheykh Abuu Zubeyr wuxuu sidoo kale aad u mutaabaceyn jirey Axwaasha Muslimiinta Caalamka,sida kuwa Filastiin,Borma,iyo Afrikad dhexe,wadamaas oo dhamaantooda lagu dhibaateeyo Muslimiinta.

Gebegebada Filimka Sheykh Cali dheere wuxuu ugu baaqey Muslimiinta barig Afrika iyo Soomaaliya iney u aargudaan Sheykh Abuu Zubeyr,islamarkaana ay sii laba laabaan halka Jihaadka,isagoo dhanka kale wacad ku marey inuu sii socon doono Jihaadka Soomaaliya.

 Daawo Kalimadda oo uu jeedinayo Afahayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Xigasho: Alfurqan Radio

Weerar Jidgal ah oo Xabashida loogu dhigay Duleedka Dhuusamareeb.

32474587

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in saaka weerar jidgal ah uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusa-mareeb kaasi oo loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay konfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Jidgalka ama Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulada Bulacle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhuusa-mareeb’iyadoona kolanyada Itoobiyaanka ah ee kamiinka loo dhigay ay kasoo baxeen Dhuusa-mareeb kuna sii jeedeen dhanka degmada Ceel-garas oo ka mid ah goobaha Xabashida duulaanka kaga sugan tahay gobalka Galgaduud.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay kamiinka saaka ka dhacay duleedka Dhuusa-mareeb’iyadoona Xabashida Itoobiya muddo ay ku hakadeen goobta kamiinka adag saaka loogu dhigay.

Ciidama soo duulay oo dhan ayaa waxaa ku socda dhiigbax iyo dhib joogta ah oo gaaraya gadiidka ay wataan,waana sababta u diiday inay socdaan ama gaaraan meeshay doonaan.

Maanta barqadii ayaa sedax qarax laga maqlay agagaarka biya degeenka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxyada waxaana burbur xooggan uu gaaray gaadiid ay wateen ciidanka labeegsaday.

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Voice Of Somalia-Somali leaks.

DHAGEYSO:-Gabaygii Gudban Gaalo Leged iyo Sayid Maxamed

32090082 (1)

Gabayada Sayidka’Raxiimulaah’ kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah waxaa ka mid  gabayga ‘Gudban’ amase ‘Gaalo-leged’ lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

“Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa’.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO-DIIRADA JIMCAHA- Hal sano kadib weerarkii Westgate

 

Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta lagu soo qaatay mowduuc muhim ah oo ku saabsan dhacdadii Westgate oo ay hal sano kasoo wareegatay.

https://soundcloud.com/bana-4/dhageyso-diirada-jimcaha-hal-sano-kadib-weerarkii-westgate

 

XOGTA  RADIO ALFURQAAN.

http://radioalfurqaan.com/?p=20646

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:- CEELBUUR & Abwaan Yuusuf Dhageey “Kaafir lama Ciseeye ALAA laga cabsoodaahe”.

Image

26,March,2014 ayay ciidamada Xabashida Itoobiya duullaan gumeysi ku qabsadeen magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo dhacda gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

Reer Ceelbuur qabsashada magaaladooda filanwaa kuma aheyn oo 20 maalmood ka hor ayay ogaayeen dhaq dhaqaaqa duullaanka Xabashida wayna u diyaar garoobeen.

Inkastoo Ceelbuur ay tahay magaalo Facweyn hadane qabsashadeeda Xabashida iyo xaabadeeda waxba uma faa’iideyn aan ka aheyn dhib iyo dhiigbax joogta ah,gaadiid dagaal oo burburay,saraakiil iyo askar ladilay , fuuqbax  iyo saad xumo joogta ah.

Image

 

Waa Sidee Xaaladda Ceelbuur:Dhammaan shacabkii ku noolaa magaalada ayaa isaga baxay waxayna u guureen dhanka degmooyinka iyo deegaanada kale ee Galguduud ee aan weli galin  gacanta Xabashida ee xorta ah.

Dadka soomaalida ah ee Ceelbuur ku nool waa 5 qof oo ka shaqeeya shirkadaha isgaarsiinta ,kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya ayaa deggan waddooyinka degmada soo gala waxayna magaaladu u egtahay bahala galeen haawanaysa waxa kaliya ee waddooyinka Ceelbuur lagu arkayo waa xayawaanada kala ah dameeraha iyo Mukulaalaha.

Siyaasadda faarujinta magaalooyinka iyo go’doominta:Dhammaan magaalooyinka ay soo galeen cadawga Itoobiya iyo Afrikaanta kale ayay shacabka soomaalida isaga qaxeen sababta ay u qaxayaan ayaa ah baqdin ay ka baqayaan in Itoobiyaanku dilaan ama ay diinkooda ka ka fitneeyaan.

Ceelbuur waxba sooma galaan waxna kama baxaan aan ka aheyn gaari isbuuc walba fuusta shidaala ugeeya shirkadaha isgaarsiinta,ciidamada Itoobiya dhibaata xooggan ayay ku qabaan joogista magaalada marka lagasoo tago dagaalka ay shabaabul Mujaahidiin kala kulmayaan.

#Kaalinta Qabaa’illada:Beelaha Murusade iyo Duduble ayaa kaalin weyn ka qaadanaya dagaalka iska caabinta ah ee xabashida Itoobiya lagula jiro.

 

31217877

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Hiirmooge “Itoobiya markii lagu jebiyay Bakool ayay Jawaasiisteedu ONLF ku Halqabsadeen”

Image

Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta dhulka soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato ayaa beenisay warar been abuur ahaa oo ay warbaahinta ka sheegeen saraakiil soomaali Amxaaro Kalkaal ah oo Bakool ku sugan.

Afhayeenka Jabhadda ONLF C/Qaadr Hiirmooge ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in ciidankoodu aysan ka dagaalamin gobolka Bakool balse ay gobolka Afdheer kula dagaalameen Xabashida Itoobiya ee xoogga ku heysata dhulalka soomaaliyeed.

“Islaan dhalin wayday alleela ku waalatay weeye jawaasiista Itoobiya la shaqeeya markii looga adkaaday dagaalka ayay ONLF afka ku qabsanayaan cid walba oo xabadda looga itaal roonaado waligeebay ..”ayuu yiri Hiirmooge.

Jabhadda ONLF waxay wax aan jirin ku tilmaantay eedayn uga timid Dabadhilif Max’med Cabdi Tool oo aheyd in ciidanka ONLF iyo kuwa xarakada Al Shabaab ay iska kaashadeen dagaalkii Itoobiya lagu jebiyay ee deegaanka Caato.

C/qaadir Hiirmooge ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dalkooda ay ka xoreystaan cadawga Itoobiya ayna ku tusaala qaataan dhibaatada gumeystuhu ku hayo muslimiinta Soomaaligalbeed.

HOOS KA DHEGAYSO.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

MUUQAALO & MAQAL:-Maamulka Islaamiga ah Shabeelaha Hoose oo soo Bandhigay Dad Cudurada Dhimirka qabay oo Laga Daweeyay

Image

Munaasabad Balaaran oo lagu soo bandhigayay dad qabay Cudurka Dhimirka oo Mujaahidiinta Alshabaab daweynayeen Muddo 8 bil ah ayaa ka dhacday Degmada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

 

Maamulka islaamiga ah ee Shabeelaha Hoose ayaa xareeyay dadka qaba Cudurka Dhimirka ee ku dhibaateysnaa degmooyinka Buula mareer,Qoryooley iyo Baraawe.

 

Sadax qof oo kamid ah bukaanada ayaa xaaladooda caafimaad lala tacaalay kuwaasi oo haatan la sheegay in muddo kadib la fasaxayo iyagoo loo sameynayo shaqo abuuris.

 

Sheekh Cabdullaahi Raabi oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa hadal ka jeediyay Munaasabada.

 

Dhagayso Kalimada Sheekh Cabdullaahi Raabi

Sidoo kale goobta Munaasabada waxaynu ku wareysanay qaar kamid ah bukaanada cudurka dhimirka laga daweeyay.

 

Dhagayso Bukaanada Laga daweeyay Cudurka Dhimirka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

somalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.net

somalimemo.net

Bukaanada Wali Xanuunka Dhimirka uu Hayo

somalimemo.net

Sadexda Ruux oo Caafimaadkoodu Hagaagay

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan