Xasan Shiikh “Ma jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya”

32760771

10-kii September 2012 –waxaa markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay Khilaafkooda iyadoo Madaxwaynaha ay hore uga soo yeertay “intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” waxaana dhacday in Baarlamaanku meesha ka saaro Ra’iisul Wasaare Saacid kadib markay u dulqaadan waayeen Khilaafkooda

Waxaana durba Madaxwayne Xasan Sheikh miiska soo saaray nin ku cusub siyaasada Soomaaliya waa Raii’sul wasaare C/weli Skiikh Axmed oo la rumaysan yahay iney saaxiibadii u keeneen oo aanay aqoon dheer isu lahayn, waxaana laga soo xigtay in Madaxwaynuhu yiri “waxaan Raii’sul wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 siyaasi.

2-dii December ayey ahayd markii Codka Kalsoonida Baarlamaanka uu ku waayey Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Farax Shidoon waxaana Gudoomiyaha Baarlamaankaa oo ku dhawaaqyey Natiijadii Cod bixintu yiri “249 xildhibaan ay codkooda dhiibteen. Waxaana in xukuumadda kalsoonida lagala laabto u codeeyey 184 xildhibaan, halka ay 64 xildhibaan codkoooda siiyeen xukuumadda, mana jirto cid ka aamustay. Sannnad ka dib wuxuu ku dhawaaqey Natiijadii Codbinta ee Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed wuxuuna yiri “153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya waxaa diidey 80 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan “ sidaa darteed waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa in muddo bil ah soo magacabo Ra’iisul Wasaare Cusub

Waa Raiisul Wasaarihii Labaad oo muddo Sannad ah la rido sababatoo ah 2-dii December 2013 ayuu Saacid waayey Codka kalsoonida halka Cabdiweli uu waayey 6 December 2014 waa December to December marka Su’aasha waxay tahay maxaa la filan karaa December-ta soo socota ee 2015, Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu Xilka hayaa muddo Laba sanno waxaa uu magacabey laba Ra’iisul Wasaare , ma waxaa uu barbaro la noqon doonaa Madaxweynayaashii ka horeeyey sida Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo magacaabey min Saddex Ra’iisul Wasaare mise waxaa uu jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaaryaasha Soomaaliya.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

DHAGEYSO:-Xildhibaan yiri “Madaxweynaha in gaaladu kursiga ka deg tiraahdaa dhici karta”

32670172

Midka mid ah xildhibaanada taageersan Ra’iisalwasaare Cabdi-weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka baqdin qaban in mooshinkii ra’iisalwasaaraha ka dhan ahaa dib loo soo celiyo taasina ay xubnaha maarlamaanka ee iminkaba labada garab u kala jabay sii kala fogeyso.

Xildhibaan  Cabdi Barre oo ay wareysatay xalay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa shaaciyay in ay ay saadaalinayaan haddii habkaan howshu ku socato in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aakhirka kurisgiisa waayi doono.

wuxuu sheegay in gaalada dalka haysataa inta u yeerto oron doonto kursiga ak deg.

xildhibaanka ayaa qiray in awoodda ciidan dalka joogta ay tahay mid shisheeye taasina ay sahleyso in dowladdu noqoto mid wax loo yeeriyo.

Halkan ka dhageyso Xildhiban Cabdi Barre.lite

Xigaso-Radio Alfurqaan.

DHAGEYSO:-Baqdinta Xasan Sheekh iyo baahiduu ku soo koray.

32588946

Walaac xoog leh ayaa Xasan Sheekh  la soo dersay waxaana ku furan qul qulatooyin siyaasadeed waxaana aqoon yahanadu sheegayaan in dantii laga lahaa oo in wax laga saxiixda ahayd laga gaaray lana joogo waqtigii la eryi lahaa.

Xasan Sheekh  oo dhawaan sheegay in uu baahi iyo rafaad daran ku soo koray wuxuu ka baqdin qabaa in xilka laga xayuubiyo sidaana ku waayo kursiga haadaanta ka riday ee iminka uu ku fadhiyo.

Warbixinta waxaa ku jira codka Xasan Sheekh oo ka sheekeynaya daruuftii uu ku soo barbaaray iyo dhibaatooyinkii dhanka gaajada ee uu soo maray.

32589158

Voice Of Somalia-Somali Leaks

DHAGEYSO:-Aqoonyahan Sharaxay Argagaxa Dowladda Ku Haysta Muqdisho.

32572886

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgallo qorshaysan oo shabaabul Mujaahidiin ay ku beegsanayaan Saraakiisha Dowladda.
Maxamed Xasan oo ah AqooNyahan ku sugan Muqdisho ayaa sheegay Howlgallo dhacay Labadii Cisho ay sababeen kala shaki iyo Argagax soo wajahay madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay howlgalada shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Gobalka Banaadir ay sabab unoqotay in xitaa Magaalada ay isku rasaaseeyaan askarta Dowladda.

Wuxuu faafaahiyay fashilka amni ee Muqdisho iyo sirdoonka shabaabul mujaahidiin sida ay ugu xoogeesteen Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aqooyahan Maxamed Xasan

Xigasho:idaacadda alfurqaan

31349878

US refuse to attend Somalia donor conference due to concerns over “political turmoil”

32547244

The United States government has expressed its concern and disapproval of the ongoing political commotion in Somalia, which involves a strong rift between the Somali President Hassan Sheikh Mahmud and Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed.

In a statement released by the Department of State which stated it was neutral in this dispute said that it was opposed to any motion leading to a no confidence vote against the Prime Minister, which is being pushed for by pro-President Members of Parliament. “The United States notes with concern the recent political turmoil in Somalia. Actions to put forward a parliamentary motion for a vote of no confidence in the prime minister do not serve the interests of the Somali people” the statement read.

Accusing Somalia’s government of being “distracted with division”, the statement announced that the US wouldn’t be sending its delegation to the High Level Partnership Forum on Somalia being held next week in Copenhagen. “The United States currently does not see the utility in sending a delegation to the High Level Partnership Forum on Somalia, which will meet next week in Copenhagen to review progress under the New Deal” the statement added.

The statement comes two days after a US delegation arrived at Mogadishu’s Airport where they met the Somali President and Prime Minister in a failed reconciliatory effort to convince both to put their disagreements behind. The current move by the US to avoid sending a delegation to next week’s conference in Copenhagen is believed by many to be a significant attempt to put more pressure on the Somali leadership to solve their disputes.

32547244 (1)

 

 

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.

XAQIIQ LA HELAY:-Xasan Sheekh Maxamud oo iibsaday Dhulkii EX Shineemo Equatore ‘KM4’

32506537

Madaxweynaha Soomaaliya ama Muqdisho Xasan Sheekh Maxamud  ayaa maalmo ka hor iibsaday   Dhulkii EX Shineemo Equatore’ Numbar 4′ kaas oo ah dhul caan ah  oo dadka  reer Muqdisho intiisa badan  yaqaanaan reerka iska leh iyo meesha oo kaga yaal Muqdisho ama beledkii berI la dhihi jiray Banaadir,wuxuuna beri ahaan jirey Shineemo caan ah oo Numbar 4 ku taal.

Warar la hubo ama laga soo xigtay dad la socda in dhulkaas Xasan Sheekh la wareegay,wuxuuna ku iibsaday lacag aan la  weli ahayn cadadka ay tahay……?

Reerka iska lahaa Dhulkii EX Shineemo Equatore‘ Numbar 4’ waa reer intiisa badan qurbaha ku nool waana dhul dhaxal ah,dad ka mid ah reerkan ayaa sheegay in  dhulka la iibshay mana sheegin qofka laga iibshay.

Dad ku dhow Madaxtooyada  ama Xasan Sheekh oo maalmahan ay ka jiraan xusul duub siyaasadeed ayaa sheegay in Xasan Sheekh iibsaday dhul caan oo Xamar kaga yaal meel muhiim ah.

Ma ahan markii ugu horeysey oo Xasan Sheekh dhul  iibsado,wuxuuna horey u iibsaday guri weyn “Qasri” oo ku yaal Turkiga.

Waxaa horey  Hoteel weyn oo ka mid ah hoteelada cusub ee magaalada Muqdisho u iibsaday madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ‘Ma rabno inaan sheegno hoteelka magaciisa’,wuxuuna maanta kaga noolyahay dibada iyo   guri yar isaga iyo labadiisa xaas!.

Xasan Sheekh Maxamud ma ku noolaan doonaa dhulkaas oo iibsaday markii oo ka dego kursiga saaran kaaraha Amisom,kana soo dhex baxo darbiga wareegsan ee Villa Somalia?

-Waxa loogu yeero beesha caalamku ma  u ogolaan doonaan inow ku noolaado dhulkaas oo iibsaday.kuwaas oo horey ugu diiday kuwii ka horeeyay inay ku noolaadaan dhulka Soomaaliyeed ,waa Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed?

-Amaan ma ka heli doonaa Xarakada Shabaab Mujaahidiin  kuwaas oo aad u  raadsha inay qaarijiyaan Xasan Sheekh,dhowrna marna u gudbay darbiga wareegsan ee Villa Somalia,wuuna ka fakaday inay qaarijiyaan, Shabaab amaan ma uga heli doona guri aysan ilaalo ka ahayn Towyaasha Amisom?

Mohamed Deeq ‘Majaango’

Muqdisho-Somalia.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Waxaa sii Kordhaya Xildhibaanada lacagta ku qaatay in La rido Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

32490828

in ku dhaw 175 xildhibaan ayaa hadda jeebk looga buuxiyay xafiiska Madaxweynaha kuwaasi oo isku diyaarinaya in muushin ay ku ridaan Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

Liiska diiwaangalinta xildhibaanada ayaa sii kordhay saacadihii tagay iyadoo madaxtooyada ay hareeyeen xildhibaanada laaluush-ka qaadanaya.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Qadar iyo imaaraadka ay kasoo gaartay lacagtii lagu ridi lahaa Reysulwasaare Xiirane oo isna ciyaaray qalaaqanl beesha caalamka oo taageero uu kahaysto gaar ahaan qaramada midoobay iyo Midowga Yurub oo lacag siiya Dowladda.

Nicholas Kay ayaa dhawaan wuxuu walaac ka muujiyay in codadka Xildhibaanada dhaqaalo loo adeegsada islamarkana lagu rido Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

Kay ayaa wacad kumaray in  Qaramada Midoobe la ogeysiin doono wax kasta, oo sababi kara siyaasad xumo oo soo foodsaara dowladda uu madaxda uyahay Xasan Sheekh.

XIGASHO SABAAX,COM

Beelaha Muqdisho oo la saftay Cabdiweli Sheekh!

32434195

Beelaha gobolka Banaadir ayaa ku saf noqday Cabdiweli Sheekh oo maalmahan ay is hayeen Xasan Sheekh Maxamud oo ah nin ka soo jeeda beel ahaan gobolka Banaadir.

Beelaha Muqdisho ayaa aad u neceb Dammuljadiid,gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir oo ay u yaqaanaan Doorshaanka “Xaar Walaalka” Xabashida,Faaraxna waa ninka furaha u ah Xasan Sheekh iyo Dammul jadiid oo dhan,Faarax ayaa ah wakiilka guud ee Xabashida ee dhulka Soomaaliyeed.

Khilaafka labada nin ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho laga nacay doqonimada  Xasan Sheekh,waxaana si aad ah  uga horyimid beeshiisa  gaarka ah waxayna ku naanaysaan “Xasan Magudbe” ama Xasan Gaabshe Gurguurte”.

Cabdiweli Sheekh ayaa og in Xasan lumiyay taageerida beelaha Muqdisho,wuxuuna u arkaa waqti ku haboon inow ka tuuro meesha kana taqaluso Xasan iyo Faarax oo ay u arkaan  kuwa laga kheyr badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa amar ku siiyay ciidamada Nabadsugida inaysan ogolaan wax shir ah oo looga soo horjeedo inaysan xamar ka dhicin, waxaana Xasan Ciidankaas  u dhiibay   bilo ka hor wiilka oo adeerka u yahay Saajin Tuuryare.

Shalay ayay ahayd markii loo cagajugleeyay qaarna la xiray milkiilyaasha hoteelada Muqdisho,waxaana dadka la xiray ka mid ah Milkiilaha Hoteel Maka Almukarama Guray Xaaji oo Xasan Sheekh isku beel yihiin!

32434260

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

 

RAFASHADA SIYAASADEED. W/Q CABDI SHAKUUR MIRE.

 

32425909 (1)

Ma sah-lana in la saadaaliyo halka ay ku gabagaboobi karto ciyaarta siyaasadeeda xilligan ka socotay Muqdisho. Heer kulka magaalada ayaa maalmahan jawi ahaan aad u kululaa. Waa u dhaqan xilligan oo kale kulaylkaasi Muqdisho. Hase ahaatee waxaa intaas dheer jabaqda ka soo yeeraysa Villa Somalia.

Waxaa aad u muuqda is -herdiga siyaasadeed ee Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu magacaabayMadaxweynuhu. Maxaa khaldan? Muxuu muranka iyo khilaafka la sheegayaa salka ku hayaa….Maxaa la isku hayaa?

 

Waxaa muuqda in wax badan oo aan laga war-haynin jiraan. Ma heshiiskoodii hore ayaa labadan nin xumaa..? Boowe maxaa kuu baxay? Warde Belo.. Miyaan dhahnaa? Now Now… iska eeg miyaa xaalku … Mise Areey si quman isaga daymoo? Mise sidii Maki Xaaji banaadir ayaan dhahnaa Bacdaa dhuuqso…?

 

Ra’isul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed kolkuu ka soo rakaabsanayey diyaaradii uu u soo raacay Muqdisho ee hamiga ah inuu soo doonto jagada uu caawa ku fadhiyo muxuu niyada iska lahaa? Siyaasada qof waliba si ayuu ku soo galaa ma ahan wax si sahlan lagu helo awooda hogaamintu. Qof surun iyo wado dheer ayuu u soo maraa, waa loo soo rafaadaa…. Maal iyo maskax badan ayaa loo huraa.. Ogow e ciyaar ciyaar laguma helo.. Ragga qaarkiis dhiig ayeyba u daadshaan  wali

Laakiin la kala nasiib badan…. Cabdiweli Sheekh Axmed si fudud ayuu ku helay isagoo ahaa shaqsi aan hore looga baran masraxa siyaasada.. Wax qarash ama dhaqaale ah oo ka badan tigidhkii diyaarada uu ku yimid Jeda/ Sacuudiga ugama bixin siduu kursigaas ku heli lahaa……

 

Kooxda Dam-Jadiid ha ku sooo xushaan Cabdiweli Sheekh Axmed inay ku fogeeyaan dad kale oo ay colaad siyaasadeed u hayeen amaba si kale wax ha isu tusiyaane qalinkoodii ayaa wuxuu qoray Cabdiweli Sheekh Axmed. Markaas ayey ku baraarugeen Qalwadii mas ayaa galay….

Durba waa la is qaniinay. Waxa ugu badan oo la isku hayey ayaa ahayd qaabka loo gaarayo higsadka 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ragiisii waxay noqdeen gacan ku gabad. Wasiirkii Amniga waa is casilay kolkii wadna qabad uu ku noqday amnigii waxba lagama qaban….

Waxaa laga Tashan Madaxweynaha oo dhanka Cabdiweli Sheekh Axmed ka timid magcaabidii wasiirada banaanaa magcaabidooda.. Weli waa dhaban hays kooxdii Dam-Jadiid waxaana dhan walba ka hafiyey duufaanta rafashada siyaasada ee qoomamadoodii noqtay Saacidkaygii maxaa nagu diray oo aan booska uga qaadnay. Beesha Caalamka ayaa wadna goysay Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhinac walba ka daqray khaladaadka siyaasadeed ee uu ku raftay.

Waxaa xilkii laga qaaday Taliyaashii nabadsugida iyo Booliska , maalmo ka dib waxaa la eryey Taliyihii Nabadsugid ee cusbaa….

 

Madaxweyne Xasan Shiikh[/caption]Dharbaaxa siyaasadeed oo daaduumisay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dam-Jadiid oo xiligii doorashada ka soo adkaaday rag badan oo siyaasada kula tartamayey ayaa indhaha kaga keentay hoor ilmo ka soo qubatay, kuwaas oo maal iyo maskaxba geliyey siday u helilahaayeen madaxnimaa dalka……

 

Dabaalato biyaha hoosteeda ayey iska aragtaa waa la isku maqnaa .. waase la wada socday.

SIYAASADDA QOBKA MOOSKA.

Siyaasada dibirta badan waxay ahayd mid la isku gaad gaadayo…. safarkii Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh ee uu Puntland ku tegey tuhun ayaa ka dhashay.. Waa la isu khuurinayey, Xasan Sheekh iyo ragiisa waxaa ku taagnaa waxa loo yaqaan New Deal….. Cabdiweli Sheekh waxaa isagana ku taagnaa goormaa mindida lagu saari doonaa. Wuxuu ahaa mid u nuglaaday siyaasada qobka mooska la isu dhigayey.. Gabgabadiinaa wuxuu qaatay go’aanka ah inuu isku shaandhayn sameeyo si uu usha xaska ugu dhifto ha ka soo baxaane waxa ku jirey… Oo uu aaminsanaa markuu waxyaabo badan isu geys-geystay inuu madaxa goyn karo maska ka soo baxaya xaska ama jabadka uu usha ku garaacay.

durbadiiba waxaa diiday Madaxweyne Xasan Sheekh go’aanka uu qaatay Ra’isulwasaarihii uu gacantiisa ku magacaabay…. Rafashada siyaasada ayaa bilaabatay… danta ayaa dhahaysa in la isla aado Barlamaanka oo ah goobta lagu kala baxo rafasha siyaasadeed kasta oo timaada…. Waa fagaare Allow Ninkii Roon Reerka u reeb.

BAL DADYOHOW ADUUNKA
LABADII IS DOORTAA
ISU DAACAD MA AHOO
IYAGAA IS DILAYAAA

Waxaa qoray Abdishakur Mire.

10553425_10205150277902524_5026754068333058751_n

BARAAWE:-Diyaarad Siday Xasan Sheekh oo si dirqi ah ku Badbaaday

32283648

Ilo wareedyo ku sugan degmada Baraawe ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in tiro madaafiic ah lala beegsaday diyaarad siday madaxweynaha dowladda federaalka oo dooneysay iney ka degto garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.

Diyaarada siday Xasan Sheekh ayaa si dirqi ah kaga badbaaday madaafiicda ka dhacda Lidka diyaaradaha oo XSHM ,Qalqal xoogan oo soo wajahay diyaaradda waxey u carartay dhanka Badda waxeyna ugu dambeyntii ku degtay fagaaraha Tabuuk’waxaana sidoo kale qalqal iyo cabsi xoogan soo wajahday   Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday.

Waxaa iska cad in aan waxba  in guushii ay sheegteen amisom iyo Maleeshiyo beeleedka Dowladda ay tahay mid aan dhamaystireen maadama aysan waxba ka qaban karin weerada ka yimaada XSHM,waxaa kale oo la wada ogyahay inaysan soo qaban hal wiil iyo qorigiisa,taaso ah guuldarada haysa kuwa soo duulay.

 

 

Wixii ka soo kordha la soco.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Sambalooshe oo loo wado Safiirka Kenya ka dib markii Beelaha Muqdisho diideen inow noqdo Duqa Gobolka Banaadir.

32241196 (1)

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Xasan Sheekh  uu Safiirka Kenya u magacaabi doono Abtigiis Sambalooshe, oo horey ugu fashilmey Safiirnimadii Ingiriiska  Iyo Hayada Nabad Sugida Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa  isku dayay inow abtigiis u dhiibo gobolka Banaadir  oo Muungaab laga qaado,maadama aysan isku fiicnayn Muungaab iyo Xasan,ka dib weerarkii Madiina iyo Axmed Daaci lagu qaaday,maxaa yeelay Muungaab iyo Axmed Daaci waxay isku yihiin jufo  hoose halka Xasan Sheekh yahay  Jugo kale.

Waxaa diidmo cad  kala hor yimid Beelaha dega gobolka Banaadir in maamulka Banaadir loo dhiibo  Sambalooshe  oo ay aad u neceb yihin dadka Muqdisho,waana tan keentay in meelo kale loo raadsho.

Hadaba Sambalooshe oo Shaqadii Dowlada ku fashilmey in  xil Safiir mar kale loo magacaabo waa nasiib daro weyn Iyo Maamul-xumo. Dowlada Ingriiska ayaa dhowaan Socdaalkii uu UK ku tagey  Abdiwali Sheekh ku canaantey sida uu Sambalooshe uu la dhaqmey Dowladaas Iyo isagoon buuxin shuruudii dibulomaasiyad ee ee Wasaarada Arrimaha Dibbada Ingriiska uu isaga tagey Xilkii Safiirnimo isagoon la socod siin Dowlada Ingriiska.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

FAALLO;-Maxay ku kala duwanyihiin Aala Sheekh iyo Damul-Jadiid?

32241196

Waxaan sahmiyay 11-ka Qodob ee ugu muhiimsan oo kooxdii hore ee Sheekh Shariif ee ‘Aala Sheekh’ ay uga fiicanyihiin kooxda ‘DamJadiid’ ee Xasan Sheekh.

 

1 – Kooxda DamJadiid waxay dalka ku soo hoggaamiyeen ciidanka Tigreega Itoobiya, oo aan oggoleyn jiritaankeena dadnimo, diin ahaan iyo dhul intaba, waxay noo badasheen koofida ciidan, howlgalkooduna waa dil iyo xirig, halka Kooxda Aala Sheekh iyagoo kaashana Soomaali oo idil ay wadanka xabad iyo wada hadal uga saareen ciidanka Itoobiya oo 2006 nagu soo duulay. Itoobiyaanku waxay dileen dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 30,000, waxay dhac iyo bur-bur u geysteen hanti Soomaaliyeed oo lagu kor u dhaafeysa 3 bilyan oo dollar.

 

2 – Kooxda DamJadiid haba yaraatee wax macaamiil ah lama lahan shacabka Soomaaliyeed, taasina waa midda keentay dib u dhaca siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo nololeed, halka kooxda Aala Sheekh ay ka war hayeen shacabka iyo halka xaaladiisu mareyso, isla markaana oggolaa in lagala doodo masiirka iyo mustaqbalka dalka, xiriir toos ahna la lahaa muwaadiniinta dal iyo dibad.

 

3 – Kooxda DamJadiid iyo madaxweynahoodu waxay si gaaban u fahmeen dowladnimada, eeg waxa ka socda Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu isku soo wareejiyay rag ku heyb ah, oo hadana ku xisbi ah, laga soo billaabo qolada nadaafadda u qaabilsan madaxtooyada ilaa agaasimaha madaxtooyada waa hal qolo, halka kooxda Aala Shekh ay ahaayeen dad Soomaali oo idil ka kooban, waxaan u soo joogay madaxweyne Sheekh Shariif oo Turjubaankiisa, agaasimihiisa madaxtooyada, xogheyntiisa gaarka ah, la taliyaashiisa iyo dadka sirta madaxtooyada haya ay ahaayeen Soomaaliweyn isku dhafan, halka Xasan SHeekh uu isku badashay agaasimayaal midna wiilkiiisa yahay, midna aanu ka dheereyn.

 

4 -. Kooxda DamJadiid waxay aaminsantahay in dadka fikikooda heysta ama xisbigooda ka mid ah maahane inta kale ay rooti yihiin, ma jirto qof ay u roon yihiin, eeg sida ay bannanka u dhigeen dadkii wax qabadka heybadda iyo kartida u lahaa ee Saacid, Tarzan, Mayan Qaasim, Fiqi, Yusra Abraar, General Diini, Shariif Sheekhunaa iyo muwaadinin kale oo xirfadleyaal ahaa.

 

5 – Kooxda DamJadiid uma qorna qorshe waqti dheer ah oo ay ummada Soomaaliyed uga saari lahaayeen dhibaatada ay ku jirto, laakiin sida muuqata waxaa waqtigooda dheer uu hada yahay sidii ay 2016 ku soo noqon lahaayeen oo kaliya, taasna hadda ayay qorshaheeda ku jiraan, waxay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda ka dhigeen Faarax Cabdulqaadir oo diyaarinaya qorshe cusub oo ah in afka laga sheego in doorashada soo socota ay dadku codeyn doonaan, laakiin xaqiqadu ay tahay in dabayaaqada sanadka ay ku dhawaaqaan inaan doorasho nuucaas ah aysan dhici karin markaasna ay diyaariyaan tiisa hadda ay ku guuleysteen oo kale, taas oo sida la aaminsanyahay aheyd iibsi madaxweyne, halka kooxdii Sheekh Shariif ay fikir intaas ka ballaaran oo wadaniyadeed ay ku jirtay qorshayaashooda hore ee xilliga dheer. FG: Shaki ayaa ku jira inayba gaari doonaan 2016.

 

6 – Kooxda DamJadiid waxay dalka uga faa’iideyn waayeen fursada ay heystaan oo ah dowladnimo buuxda oo codkeedu shaqeynayo, waxay kasban waayeen aaminaadii caalamka, waxay meel marsiin waayeen soo xero galinta dhaqaalihii ay wadadiisa diyariyeen kooxdii Sheekh Shariif, sida The New Deal oo ka dhashay shirkii 1-aad ee London February 2012. Sidoo kale waxaa halis ku jira taageeradii walaalaha kaliya ee Soomaaliyeed ee Turkey.

 

7 – Kooxda DamJadiid waxay dayaceen dalka iyo dadka, waxayna na galiyeen baqdin ah in Soomaaliya ay ka baxdo qariiradda caalamka, waayo markii aad aragtid Sawaaxiliga Kenya ee Kukukuuyada ah oo Qunsul u magacaabaya qeyb ka mid ah dalka, Xarifgii qunsulkii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee Islii, Casuumaadii Itoobiya ee C/weli Gaas ee shirkii madaxda geeska Africa, iyo midnimada dalka oo gabaabsi sii mareys, intaas oo dhan markii aad qiimeyso waxaa ku galaya cabsi weyn oo DamJadiid masuul ka yihiin.

 

8 – Nolosha qofka Soomaaliga ah ee maanta waxay mareysaa meel halis ah, sicir bararka, ammaan la’aanta, abaaraha, biyo la’aanta, abaaraha, raashin yarida iyo colaaduhu waxay saameeyeen guud ahaan qof kasta, Maanta kiishka sokorta ah wuxuu Muqdisho ka joogaa 35 dollar, halka gobolada qaarna uu laba u jibaar lacagtaas marayo, si looga baxo musiibooyinkaas oo dhan DamJadiid kuma jiro fikir is badal ah qiiro wadaniyadeed.

 

9 – Dhismaha CIidan Qaran, hey’ado dowladeed oo shaqeeyn kara, adeeg bulshada la gaarsiiyo iyo dhaqaalah dalka oo la soo kabo waxay ahaayeen qorshihii ay suuqa ku soo galeen DamJadiid, hase ahaatee waxay ku biya shubteen dhinaca kale ee liddiga ku ah.

 

10 – Dhaqaalaha dalka Intiisa ugu badan waxay ka soo xaroodan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, ma jirto hanti ka laga helo Boosaaso, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Bar-bara midna, taas badalkeeda waxay kooxda DamJadiid ay si doodi ka dhalan karto ugu ciyaareen dhaqaalaha dalka, eeg Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu safray 42 goor muddo 20 bilood ah, halka madaxweynaha dunida ugu xoogga badan ee Obama uu sameeyay 39 socdaal muddo 65 bilood ah. Waxaa xusid mudan in kooxdii Sheekh Shariif ee Aala Sheekh ay iyagu fureen Dekada iyo Garoonka sanadkii 2006, kuwaas oo xirnaa muddo 16 sanadood ah.

 

11 – Iyo Ugu dambeyntii Kooxda Aaala sheikh waxay qolada xilligan ee DamJadiid uga wanaagsanaayeen xagga wacyiga iyo soo jiidashada dadka, Sheekh Shariif wuxuu ahaa madaxweyne Aftahan ah oo hadana ku darsaday in marka uu hadlayo uu khudbadiisa ku soo daro quraan iyo axaadiith wacdi ah, waxaa ku jiray ama taageersanaa fikirka Aala Sheekhnimada culimo iyo rag badan sida Allaha u naxariistee Cadow iyo Waayeel iyo Janaqoow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Yusuf Caynte iyo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Rooboow oo markii dambe argagixiso noqday iyo rag kale oo badan, hase ahaatee weli dhagaheygu kuma soo dhicin Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo hadaladooda ay ku jiraan quraan, axaadiith iyo wacdi midna!!!.

 

W/Q: Farah Blue

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

Mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaare Cabdiweli iyo Dowladdiisa oo Baarlammaanka la horgeynayo!

32190857

Xildhibaanno ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya ayaa waxa ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa, Waxana sida la sheegay Mooshinkan dabada ka riixaya Guddiyada joogtada ah ee Baarlammaanka qaar kamid ah.
Guddiiyada joogtada ah ee Baarlammaanka ayaa ku doodaya in Ra’isulwasaruhu uu afkiisa ka qirtay in
Xukmuumaddiisu ay sharciga jebisay meelna kaga dhacday, Maadaama ay Wasiirradiisa qaar kamid ah Heshiisyo aan Baarlammaanka la horkeenin la saxiixdeen Shirkado shisheeye kuwaasoo lagu wareejiyey qeybo kamid ah Hantida qaranka.
“Baalammaanku waa inuu Tallaabada ku habboon ka qaadaa Xukuumadda Ra’isulwasaare Cabdiweli maadaama ay jebisay Dastuurkii Waddanka, Islamarkaana uu Ra’isulwasaaruhu afkiisa ka qirtay in ay meel kaga dheceen oo ay garab mareen Dastuurka” Ayey yiraahdeen qaar kamid ah Guddiyada joogtada ah ee Baarlammaanka ee Mooshinka diyaariyey
Mooshinkan cusub ayaa kusoo aadaya Xilli Guddoomiyaha Baarlammaanka uu maalmo kahor si adag uga hadlay Shirkad Turki ah oo lagu wareejiyey Dekedda Muqdisho iyadoo aanan heshiiska shirkaddaas lala galay lasoo marsiinin Baarlammaanka. Ra’isulwasare Cabdiweli Sheekh oo Baarlammaanka looga yeeray lana weeydiiyey Heshiiskaasna waxa uu qiray qaladkaas in uu galay Wasiirkiisa Dekedaha Maadaama Isagoo maqan Dekedda la wareejiyey Baarlammaankana anan la marsiinin.
Arrintu si kastaba ha’ahaatee waxa laga dhursugayaa Baarlammaanka Soomaaliya oo qudhiisa sida la sheegay u kala jaban 2 qeybood, Waxana arrintani ay sida muuqata dab kusiishideysaa qilaafka baaxadda weyn ee u dhexeeya  Xassan Sheekh iyo  Cabdiweli.

Voice Of  Somalia-Banaadir Post

 

Xoolaha Qaranka Ma Lagu Xajin Karaa? Xasan Sheekh oo Diyaarad Khaas ah u Kireystay Xajka.

32185284

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo u tagayo gudashada Xajka ee sanadkan.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, ayaa diyaarad gaar ah ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

In madaxweyne Xasan diyaarad khaas ah uu kireysto Xajka ayaa la is weydiiyey su’aalaha soo socda:

Madaxweynaha ma isaga ayaa shaqeystay lacagta lagu kireynayo diyaarada khaaska ah?

Ma lagu xajin karaa hanti qaran oo Somalia oo dhan ka dhexeyso?

32185278

Muwaadinka caadiga ah ee Soomaaliyeed mushaarka uu helo ma u gooyaa in diyaarad khaas ah uu Sacuudiga ugu kireysto?

Dadka ku nool gobolada Somalia gaar ahaan gobolada Gedo iyo Bakool waxay u dhamaanayaan gaajo iyo biyo la’aan, dhaqaalihii loogu tala galay waxaa ku takri falaayo madaxda dowladda Somalia.

x2

x1

LAGA SOIO XIGTAY MARKACADEY.COM

32185281

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Xasan Sheekh oo Sheegay in Khilaaf aan Qarsoonayn uu kala Dhaxeeyo Cabdi Wali Sheekh.

32146408 (1)

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in khilaaf qota dheer uu udhaxeeyo isaga iyo R/wasaarihiisa Cabdi Wali Sheekh.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda ku hadasha codka Mareykanka qeybta Soomaaliya ayuu sheegay in xamasho iyo fara kutaag tag uu ka dhaxeeyo isaga iyo Cabdi Wali Sheekh.

“Waxaan aaminsanay in kala fikir duwanaanta hadda jirta aysan noqon karin mid lagu jabo oo dowladnimadu u burburto oo ay dhibaato ka dhacdo aysan noqon. Shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay, berrina waa la kala ra’yi duwanaan karaa, umana arko anigu inuu jirto walwal weyn. Waan kala duwannahay ama annagoo kala duwan ayaan wada-shaqeynaynaa ama kala duwanaashaha waxaan ku dhameys-tiraynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban iyo xeerarka uu dalkeennu leeyahay” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamud.

Khilaafka hoggaanka DF-ka ayaa ahaa soo jireen waxaana xusid mudan in Xasan Sheekh uu horay u Eryay Saacid Shirdoon oo lagu tiriyo R/wasaarihii ugu doqonsanaa ee soo maray Kooxda Villa Somalia ee shisheeyuhu u shaqeeyo.

32150527

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Muungaab oo kursiga weyn doona iyo Sanbaloolshe oo sugaya!

32120880

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar   Xasan Maxamed Muungaab.

Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid  iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan  jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.

Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan  inay  fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.

Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas  oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.

Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.

Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

 

 

SAWIRO:-Xasan Sheekh ayaan weli ka bixin balantii oo u qaaday Xisbigiisa DAMMUL-JADIID.

 

31858254Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay machadka istiraatijiyadda ee dalka Turkiga,waxaana garab taagnaa asxaabtiisii dammul-jadiid oo aan wax jago ka ahayn dowlada fashida Villa Somalia.

Waa wax iska cad inow Xasan sheekh weli fulinayo balantii oo la galay xisbigiisa Dammul-jadiid,isaga oo iska hilmaamay balantii iyo Dhaartii oo Kitaabka Quraanka ku saaray gacanta midig.

Xasan Sheekh ayaa shalay geeyay  Cabdikariin Guuleed  guriga oo ka iibsaday Turkiga oo ah guri aad u qurux badan,kaaso rabo xasan Sheekh inow noolaado mustaqbalka danbe.

245338623

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Malaaq Showri: “Xassan Sheekh hantidii uu ka dhacay ummada wuxuu u dhiibtay Shirkado ku yaala K/Afrika”

 

31493147

Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu ka socdo boob aan xad lahayn kaasoo ay geysanayaan shisheeyaha iyo dowladda uu hogaamiyo Xassan Sheekh.

Malaaqa ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu dalkan ka geystay dhac baahsan, isagoo hantida uu dhoco ku shubta shirkado ku yaala dalka K/afrika.

Sidoo kale malaaqa ayaa soo hadal qaaday fashilka amni ee dowladda iyo ciidamada shisheeye ku heysta magaalada Muqdisho iyo waxa lagu qiimeyn karo xaaladda guud ee magaalada.

Voice Of Somalia-Banaadir Post