DAAWO :- Australia oo Geella lagu xasuuqayo weli iyo ALLAH oo Noogu Yeeray inaan u fiirsano Geella.

Geella ayaa leh mucjiso uu kaga duwanyahay xayawaanka kale ee ku nool Dunida,Geella waa xayawaanka kaliya ee ku noolaan kara saxaraha marka loo eego xayawaanka intiisa kale.

Allaah ayaa quraanka kariimka kaga hadlay Geelle iyadoo geello uu waxtar badan uleeyahay insaanka.

Geelle waxa uu awoodaa inuu udulqaato raashin iyo biyo la’aan muddo 18 maalmood ah.

Can a Qatari former camel herder find an alternative to the mass killing of camels underway in Australia?

32969769

 

This was unthinkable for the Asian camel herders. They disobeyed the order, and set the animals loose in the outback.

 

Today’s Australian camels are the great, great grandchildren of the animals that helped explore and establish modern Australia. There are 1.2 million camels in the Australian outback – the largest wild camel population in the world.

“My goal was to give the audience a sense of involvement in the scene. I wanted them to feel like they were there with us.The huge distances, and vast, uninhabited areas of the outback were definitely exhausting to travel through.

Filming the scene with the camels that had been shot dead is something I will never forget. The smell was unbearable, and we were covered in flies.

During the camel chase scene, I attempted to film while standing in the back of a jeep that was involved in the chase. In spite of all my precautions, I ended up with a fractured rib when the jeep bounced over some uneven ground. It’s a souvenir I’ll keep for a while.

– Fadi ElBenny, cameraman

The Australian government sees them as an environmental problem and pests to farmers. They say the camels compete with livestock, destroy property and raid small towns looking for water.

Culling camels

In 2009, the government put up AUD$19m ($19.7m) to cull almost one-third of them.

Over the last few years, private contractors and hunters have been shooting the camels from helicopters and leaving the carcasses to rot in the desert.

Some Australians oppose the cull, saying the government is wasting an opportunity to make use of a natural resource.

Qataris and other Arabs are horrified at the Youtube videos and photographs of the camel cull. For the Arabs, camels occupy an important place in culture, history and economics.

Al Jazeera World goes to Australia with Ali Sultan Al Hajri, a Qatari who grew up in the desert, illiterate and raising camels until he was 17.

Now a successful, self-made businessman in the country’s capital, Doha, Ali still keeps a herd of camels, and knows each one of them by name, face and personality.

Ali travels to Australia with Al Jazeera producers Yasir Khan and Mansour Almansouri, and cameraman Fadi ElBenny, to witness the killings and to meet the people who support the camel cull and those who oppose it.

Al Hajri aims to find out if there is a better way to deal with an animal that he loves, rather than the current Australian government’s policy of mass killing.

32969767Voice Of Somalia-Somali Leaks

Xasan Shiikh “Ma jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya”

32760771

10-kii September 2012 –waxaa markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay Khilaafkooda iyadoo Madaxwaynaha ay hore uga soo yeertay “intii aan eersani lahaa nin la ii keenay waxaan eersanayaa nin aan aqaano” waxaana dhacday in Baarlamaanku meesha ka saaro Ra’iisul Wasaare Saacid kadib markay u dulqaadan waayeen Khilaafkooda

Waxaana durba Madaxwayne Xasan Sheikh miiska soo saaray nin ku cusub siyaasada Soomaaliya waa Raii’sul wasaare C/weli Skiikh Axmed oo la rumaysan yahay iney saaxiibadii u keeneen oo aanay aqoon dheer isu lahayn, waxaana laga soo xigtay in Madaxwaynuhu yiri “waxaan Raii’sul wasaarahan kala soo dhex baxay in ka badan 40 siyaasi.

2-dii December ayey ahayd markii Codka Kalsoonida Baarlamaanka uu ku waayey Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Farax Shidoon waxaana Gudoomiyaha Baarlamaankaa oo ku dhawaaqyey Natiijadii Cod bixintu yiri “249 xildhibaan ay codkooda dhiibteen. Waxaana in xukuumadda kalsoonida lagala laabto u codeeyey 184 xildhibaan, halka ay 64 xildhibaan codkoooda siiyeen xukuumadda, mana jirto cid ka aamustay. Sannnad ka dib wuxuu ku dhawaaqey Natiijadii Codbinta ee Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed wuxuuna yiri “153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya waxaa diidey 80 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan “ sidaa darteed waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa in muddo bil ah soo magacabo Ra’iisul Wasaare Cusub

Waa Raiisul Wasaarihii Labaad oo muddo Sannad ah la rido sababatoo ah 2-dii December 2013 ayuu Saacid waayey Codka kalsoonida halka Cabdiweli uu waayey 6 December 2014 waa December to December marka Su’aasha waxay tahay maxaa la filan karaa December-ta soo socota ee 2015, Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu Xilka hayaa muddo Laba sanno waxaa uu magacabey laba Ra’iisul Wasaare , ma waxaa uu barbaro la noqon doonaa Madaxweynayaashii ka horeeyey sida Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo magacaabey min Saddex Ra’iisul Wasaare mise waxaa uu jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaaryaasha Soomaaliya.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

DHAGEYSO:-Xildhibaan yiri “Madaxweynaha in gaaladu kursiga ka deg tiraahdaa dhici karta”

32670172

Midka mid ah xildhibaanada taageersan Ra’iisalwasaare Cabdi-weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka baqdin qaban in mooshinkii ra’iisalwasaaraha ka dhan ahaa dib loo soo celiyo taasina ay xubnaha maarlamaanka ee iminkaba labada garab u kala jabay sii kala fogeyso.

Xildhibaan  Cabdi Barre oo ay wareysatay xalay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa shaaciyay in ay ay saadaalinayaan haddii habkaan howshu ku socato in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aakhirka kurisgiisa waayi doono.

wuxuu sheegay in gaalada dalka haysataa inta u yeerto oron doonto kursiga ak deg.

xildhibaanka ayaa qiray in awoodda ciidan dalka joogta ay tahay mid shisheeye taasina ay sahleyso in dowladdu noqoto mid wax loo yeeriyo.

Halkan ka dhageyso Xildhiban Cabdi Barre.lite

Xigaso-Radio Alfurqaan.

DHAGEYSO:-Baqdinta Xasan Sheekh iyo baahiduu ku soo koray.

32588946

Walaac xoog leh ayaa Xasan Sheekh  la soo dersay waxaana ku furan qul qulatooyin siyaasadeed waxaana aqoon yahanadu sheegayaan in dantii laga lahaa oo in wax laga saxiixda ahayd laga gaaray lana joogo waqtigii la eryi lahaa.

Xasan Sheekh  oo dhawaan sheegay in uu baahi iyo rafaad daran ku soo koray wuxuu ka baqdin qabaa in xilka laga xayuubiyo sidaana ku waayo kursiga haadaanta ka riday ee iminka uu ku fadhiyo.

Warbixinta waxaa ku jira codka Xasan Sheekh oo ka sheekeynaya daruuftii uu ku soo barbaaray iyo dhibaatooyinkii dhanka gaajada ee uu soo maray.

32589158

Voice Of Somalia-Somali Leaks

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Joojinta Buuqa Xildhibaanada u Adeegsanaya AMISOM iyo Ciidanka Nabad Sugidda.

32588913

Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka carooday habdhaqanka ay lasoo bexeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdi Wali Sheekh kuwaasi oo fashiliyay qorshe lagu eryi rabay Wasiirka koowaad.

Xildhibaanada taabacsan Cabdi Wali Sheekh ayaa shalay markii 2-aad ku guuleystay in ay dib udhigaan soo bandhigista mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ee gacanta guddoomiyaha baarlamaanka kujira.

Xasan Gurguurte oo xalay shirar kala gooni gooni ah laqaatay saraakiisha ciidanka Nabad sugidda ayaa kala hadlay sida ugu macquulsan ee lagu joojin karo fowdada ay ku dhaqaaqayaan xildhibaanada Cabdi Wali Sheekh taabacsan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan uu damacsanyahay adeegsiga ciidanka Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM kuwaasi oo si hoose lacag uga qaatay xafiiskiisa.

Taliyaha ciidanka Uganda ee Muqdisho ku sugan ayaa xalka gaarista mashaakilaadka ka taagan fadhiyada baarlamaanka kala hadlay N.Kay oo ah xaakimka gumeystaha uqaabilsan Soomaaliya waxayna ubadantahay in AMISOM loo diido faragelinta khilaafka madaxda DF-ka ka dhaxtaagan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu lasafanyahay dhanka R/wasaaraha islamarkaana uu ka meer meerayo in kulanka baarlamaanka sidii larabay uqabsoomo.

Waqtiga ayaa guraya Xasan Gurguurte oo ku taamayay in inta aan lagaarin maalinta arbacada uu soo afjaro R/wasaaranimada Cabdi Wali sheikh si shirka Denmark ka dhici doono uu uga qeyb galo.

32588913 (1)

DAAWO VIDEO:- Xasan Sheekh “Waa Dhamaatay Xiligii Shakhsi aan Dadku Raali ka ahayn uu talo sii hayo”

t_770570004pizapw1416046557

Xasan Sheekh  ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadiisa ay guulooyin la taaban karo ka soo hoyisay howlihii loo igmaday mudadii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uu dhamaaday xilligii qof ama maamul aan dadka raali ka ahayn uu talada sii heyn lahaa.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili loo balansanyahay Mooshin  lagu wado in xildhibaanada ay mar kale  ku qaadaan   Cabdiweli Sheekh oo si ba’an isku hayaan Xasan Sheekh!.

32581190

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Ballan si hoose loowada galay oo leysaga baxay Dastuurku malagu xallin karaa?‏

 

32561477Maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad loo hadal haayaa khilaafka soo kala dhexgalay Madaxwenaha iyo Raisal wasaaraha oo heerkii ugu xumaa gaaray. waxbadan ayaa la falanqeeyey oo wax laga yiri hase ahaatee waxaan lays weydiinin arin muhiim ah oo meesha kujiri karta.

 

Taasoo ah inay jiri karaan ballamo hoose oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Raisalwasaaha waqtigii xulashada uu kujiray madaxweyne Xasan Shiikh ee uu soo doortay Cabdiweli Shiikh Axmed.

 

Sida ay dadka badankiisu maleyn karaan waxaa jirtay baa laleeyahay inuu madaxweynuhu xubnaha wasiirada ku darsaday dhowr wasiir oo xilal cayiman loo dhiibay oo ay dhici karto in lagu ballamay inaan raggaas laga taaban Madaxweynaha Raisal wasaaruhuna uu aqbalay oo ay sidaas raali isaga ahaayeen.

 

Sida loo badinaayo ragga dhinaca Madaxweynaha ka socday waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdikariim Guuleed iyo wasiirka hadda qalalaasuhu kabilowday ee dastuurka Faarax Cabdulqaadir.

 

Haddaba inkastoo ay jiraan arrimo kale oo dhowr ah oo inta badan hore looga faalleeyey inay sababeen isqab qabsiga madaxda sare haddana marna faallooyinkaas kuma aanan arag qodobkaan aan hadda halkaan kuqoray oo ah heshiiska hoose ee ay dhici karto in laysaga baxay.

 

Haddii uu arinkaasi jiro sidee qodobada Baarlabaanku iyo doodaha Xildhibaanadu ku xallin karaan khilaafka , mar haddaan xeer jajab lagu deyeyn?

 

Xaggee buuse kabaxay qodobkii Dastuuriga ahaa ee shalay murankii SAACID iyo Xasan Shiikh u ogolaaday in baarlabaanka la horgeeyo?

Mise xildhibaanada ayaan ahayn kuwii shalay gartaas galay ee saacid jagada ka qaaday? Guddoomiye Jawaari maxaa iska bedelay R/wasaare Saacid Shirdoon kadib?.

warbaahinta Soomaalida maxaa su,aalaha ku yareeyey??

 War jiraaba cakaaruu iman.

W/Q; Xagaleey.

10469770_597874013649838_2393164234511796223_n

Voice Of Somalia-Somali Leaks

WARBIXIN:-Xasan Sheekh oo Shaaciyay in aysan Wada Shaqeyn Karin Cabdi Wali Sheekh iyo Jawaari oo Khilaafka Kusoo Biiray.

32536908

Waxaa fashil iyo is mariwaa kusoo gaba gaboobay kulamo xasaasi lagu sheegay oo magaalada Mudisho ku dhaxmaray diblumaasiyiin ka socotay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo hoggaanka DF-ka.

Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Mareykanka eeSoomaaliya James P. McAnulty ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kulamo kala gaargaar ah kula yeeshay Xasan Gurguurte iyo Cabdi Wali sheikh oo khilaaf daran udhaxeeyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga caddaanka ah ay ku guuldareysteen in ay xal ka gaaraan khilaafka udhaxeeya madaxda DF-ka,Xasan Sheekh ayaa wafdiga caddaanka ah u xaqiijiyay in marnaba aysan wada shaqeyn Karin Cabdi Wali sheikh xalka gaarista khilaafka jirana ay udaynayaan dhanka baarlamaanka.

“mawada shaqeyn karno R/wasaaraha kala aragti duwanaashiyaha noo dhaxeeya aad buu u xoogganyahay sidaasi daraadeed waa in xalka aan udeyno hay’adaha dastuuriga”ayuu yiri Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah lahadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Wali sheikh uu wafdiga caddaanka ah ku dacweeyay Xasan Gurguurte oo uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay golaha wasiirrada.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Xasan Gurguurte uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursiga Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan.

MAQAAL:-Cabdi Cadde “Ninka Madaxa Xiiran Ma ogola in uu Gurguurte Ka Amar Qaato Khilaafku wuxuu ku dhammaan doonaa sidii Geedi iyo Yuusuf”.

32512982
SiyaasiyiintaiyowaxgaradkamagaaladaMuqdishoayaakahadlayisqab qabsiga markale soo kala dhax galay  madaxda kooxda Villa Somalia ee dabadhilifyada u ah shisheeyaha Soomaaliyakusooduulay.
CabdiCadde ookamid ahruugcadayaasha kudhaqanmagaaladaMuqdishoayaakhilaafkacusub eesoo kala dhaxgalay Gurguurte iyo C/WaliSheekh u arka mid  halis gelin kara jiritaanka waxuu ugu yeeray xukuumadda Kartoonka Villa Somalia.
“Waa wax lawada ogaa in dhabarka ay isku jeedin doonaan madaxda DF-ka sababtoo ah waxa isku keenay waa masaalix gaar ah ma ahan dan soomaaliyeed,maalmo ayay warbaahinta isku marin doonaan warar liddi isku ah kadibna waxaa kala xukmin doona madaxdooda oo uu ugu horreeyo N.Kay marka yaanan isku oomin ka hadalka kuwaan liita”ayuuyiriCabdiCadde.

Marka dib loo eego taariikhda DF-ka ee bishii October 2004 lagusoo dhisay xerada doofaareey ee duleedka magaalada Nairobi waxaa ku cad khilaafaad soo jireen ah oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxaana lafilayaa in madax ku sheegyadu ay kusii socdaan wadadii ay jeexeen Cali Geedi iyo Cabdullaahi Yuusuf!.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay isku hayaan Gurguurte iyo Cabdi Wali Sheekh ayaa ah awoodda dhanka maamulidda golaha wasiirrada balse iskuma heystaan maamulidda dalka sababtoo ah iyaguba way ogyihiin in dal ay maamulaan uusan jirin.

“Ninka odayga ah ee madaxa xiiran ma ogola in uu wax uyeero xasan sheikh waxa kaliya oo ay isku hayaan waa maamulidda golaha wasiirada maadaama aysan jirin wadan ay maamulaan waxaan filayaa in wax ku dhammaan doonaan sidii Col.Yuusuf iyo Cali Geedi oo kale ama Shariif iyo Farmaajo”Cabdi Cadde.

32513046

Abuurista khilaafaadka waxaa ku lug leh qaar katirsan dowladaha gacanta ku haya DF-ka ee ciidamadoodu soomaaliya ku suganyihiin danta ay leeyihiin ayaa lagu sifeeyay helidda R/wasaara cusub oo ujeedooyinkooda fuliya.

Waxaa loo badinayaa in Cabdi Wali uu meesha ka bixi doono kadibna waxa beesha caalamka loogu yeero ay Nin kale keeni doonaan.

Shacabka soomaaliyeed ayaa isku raacsan in Hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara xukuumadda Villa Somalia uu yahay Xasan Sheekh marka dhan walba laga eego sida dabadhilifnimada,dadnimada waxaana Gurguurte lagu xusuustaa mawaaqiftiisii liidatay ee uu ka qaatay Xasuuqa shacabka Soomaalida ee xaafadda Islii iyo ciidanka gumeysiga Itoobiya oo uu ku tilmaamay walaalo shacabka soomaaliyeed leeyihiin sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaka dalka ayuu shisheeye ugcan geliyay Tusaale ahaan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo dowladda Turkigu maamusho!

 32512990
Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

XAQIIQ LA HELAY:-Xasan Sheekh Maxamud oo iibsaday Dhulkii EX Shineemo Equatore ‘KM4’

32506537

Madaxweynaha Soomaaliya ama Muqdisho Xasan Sheekh Maxamud  ayaa maalmo ka hor iibsaday   Dhulkii EX Shineemo Equatore’ Numbar 4′ kaas oo ah dhul caan ah  oo dadka  reer Muqdisho intiisa badan  yaqaanaan reerka iska leh iyo meesha oo kaga yaal Muqdisho ama beledkii berI la dhihi jiray Banaadir,wuxuuna beri ahaan jirey Shineemo caan ah oo Numbar 4 ku taal.

Warar la hubo ama laga soo xigtay dad la socda in dhulkaas Xasan Sheekh la wareegay,wuxuuna ku iibsaday lacag aan la  weli ahayn cadadka ay tahay……?

Reerka iska lahaa Dhulkii EX Shineemo Equatore‘ Numbar 4’ waa reer intiisa badan qurbaha ku nool waana dhul dhaxal ah,dad ka mid ah reerkan ayaa sheegay in  dhulka la iibshay mana sheegin qofka laga iibshay.

Dad ku dhow Madaxtooyada  ama Xasan Sheekh oo maalmahan ay ka jiraan xusul duub siyaasadeed ayaa sheegay in Xasan Sheekh iibsaday dhul caan oo Xamar kaga yaal meel muhiim ah.

Ma ahan markii ugu horeysey oo Xasan Sheekh dhul  iibsado,wuxuuna horey u iibsaday guri weyn “Qasri” oo ku yaal Turkiga.

Waxaa horey  Hoteel weyn oo ka mid ah hoteelada cusub ee magaalada Muqdisho u iibsaday madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ‘Ma rabno inaan sheegno hoteelka magaciisa’,wuxuuna maanta kaga noolyahay dibada iyo   guri yar isaga iyo labadiisa xaas!.

Xasan Sheekh Maxamud ma ku noolaan doonaa dhulkaas oo iibsaday markii oo ka dego kursiga saaran kaaraha Amisom,kana soo dhex baxo darbiga wareegsan ee Villa Somalia?

-Waxa loogu yeero beesha caalamku ma  u ogolaan doonaan inow ku noolaado dhulkaas oo iibsaday.kuwaas oo horey ugu diiday kuwii ka horeeyay inay ku noolaadaan dhulka Soomaaliyeed ,waa Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed?

-Amaan ma ka heli doonaa Xarakada Shabaab Mujaahidiin  kuwaas oo aad u  raadsha inay qaarijiyaan Xasan Sheekh,dhowrna marna u gudbay darbiga wareegsan ee Villa Somalia,wuuna ka fakaday inay qaarijiyaan, Shabaab amaan ma uga heli doona guri aysan ilaalo ka ahayn Towyaasha Amisom?

Mohamed Deeq ‘Majaango’

Muqdisho-Somalia.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

XAGAL-DAACU WAA HALKEE:Ma Madaxweynahaa? Ma Raysalwasaarahaa? Ma Xildhibaanadaa? Ma Dastuurka? Mise Waa…?

32498442

Maalmihii u danbeeyey waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka Cabdiweli Axmed Maxamed, inkasta oo khilaafku ahaa mid la hadal hayey bilihi u danbeeyey ayaa Madaxweynuhu noqdey ninkii u horeeyey ee afkiisa laga maqlo jiritaanka dhabnimada khilaafka mar uu waraysi siinaayey Idaacadda Codka Maraykanka.

Khilaafku ma ahan wax ceeb ah, kala aragti duwanaanshuhu waa wax rabbi ku uumey aadmigiisa, waxaana uu qur’aanka ku yiri “marna kama suulayaan in ay is khilaafaan”, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa carab iyo ilko ayaa isugu dhaw iyaguna waa is qaniinaan iyaga oo u soo xigta markii kuwa wada shaqeyn dhextaalo ay shaqada isku qabsadaan, Inkasta oo macnihii dowladnimo Soomaalidaba isaga yaraadey ayaa caalamku kuwada shaqeeyaa kala aragtid duwanaanshaha “let’s agree to disagree”, Imaam Xasanul Banaa ayaa laga sheegaa hadal ah “Aynu isugu kaalmeyno wixii aan isku waafaqsanahay, isla amrkaana isugu cudur-daarno wixii aan isku khilaafsanahay, Haddaba waxaa dad badan is weydiinayaa tan iyo Dowalddii ugu horeysey ee kumeel gaar ahayd ee lagu soo dhisey Carta Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka aha Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa hoggaamiyaashii Madaxweynaha loo doortey ay markasta luqunta isula galaan Raysalwasaarayaashii ay iyagu magacaabeen ee dastuurku siinaayey, maxaa loo waayey hal mid oo ay ku wada shaqeyn karaan waxa ay isku waafaqsan yihiin iyaga oo kala aragti duwan sidii Adan Cadde iyo Cabdirashiid 1960 -1964, Sidoo kale waxaa dadku is weydiinayaa Xildhibaanadu miyaaney ka xishoon waxa cauurtu ogtahay ee ah Mooshinka laga macaasho iyo in ay ka beensheegaan wixii ay u dhaartaan, hadbana la saftaan kii jebkiisu buuxo, goorma ayaa la arki doonaa Xildhibaanada oo ga-qaada khilaafkana xaliya iyaga oo aan mid meesha ka saarin.

Sidoo kale dad badan waxay su’aal ka qabaan Xildhibaanadu iyaga ayaa doortey Madaxweynaha ee shacab ma soo dooran, maxaa loo arki waayey Xildhibaanada oo dariiqa ku soo celiya madaxweynaha haddii uu ka baydho, haddii uu diidana xilkaba ka qaada sida dastuurku siinaayo.

Marka aan u soo noqono gunta khilaafka hadda dhexyaala Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa ah mid ka baacweyn sida loo maleynaayo, labada masuul ma dhexyaalo khilaaf weyn oo xalkiisu noqdo in mid buurta laga tuuro sida labadooduba sheegeen ee baroortu orgigaga ka weyn waxaa la isku hayaa masiirkii dadka iyo dalka Soomaaliyeed 2016 wixii ka danbeeya.

Hadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu raadinaayo Raysalwasaare ka tarjumaaya talooyinkii horey loo siiyey kaas oo ka tanaasula dhamaan shaqooyinka iyo salaaxiyaadka dastuurku siinaayo wuxuu haysan lahaa Raysalwasarihii hayinka ahaa, hadalka macaanaa isla markaana shaqooyin badan oo uu lahaa oo dastuurku siinaayey uga harey Madaxweynaha ee Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), laakiin Xasan Shiikh waxa uu Saacid ku galay waxay ahayd in uu beesha caalamka oo dhabarka u sii jeedineysey soo jiito mar kale kalsoonina ka helo denbiyada iyo musq-maasqua dowladiisa loo tiiriyeyna uu dhabarka u saaro xukuumaddii Saacid.

Khilaafka hadda taagan waxaa saldhig u ah oo aan ku soo koobi karnaa afar qodob:

  1. Dastuurka Federaalka oo la doonaayo in wax badan laga beddelo ka hor 2016 loona diyaariyo in uu sugayo afti dadweyne, iyada oo meelaha sida weyn loo faro gelinaayo ay ka mid yihiin awoodaha Raysalwasaaraha iyo maamulada Gobolada.
  2. In la fashiliyo nidaamka Federaalka ah ee lagu heshiiyey.
  3. In hoos loo dhigo Awoodda Raysalwasaaraha, lana muujiyo qumanaanta Madaxweynaha markasta.
  4. Iyo in loo gogol xaaro sidii awoodda dalka loo sii haysan lahaa 2016 kadib, loona fashilin lahaa doorashooyin ka duwan kuwii hore in ay dhacaan

Dastuurka iyo wax ka beddelkiisa

Xerta Damul-jadiid ee ka agdhaw Madaxweynaha sida isaguba uu fadhi Telefishan ka qirtey waxaa kamid ah qorshayaashooda ugu weyn ee ka hor 2016 in dastuurka federaalka wax weyn laga beddelo ama dib loo wada qoro, waana sababta keentey in Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka la isugu daro Faarax Cabdulqaadir oo ah maskaxda Damul-jadiidka, Dastuurka hadda jira oo horey si dhuumaaleysi ah wax looga beddalay kii la isku ogaa, isla amrkaana ay ansixiyeen ergooyin lagu sheegey cod xanaabarayaal ayaa ah mid xerta Damul-jadiid ay u aragto mid dadka Soomaaliyeed korka looga keeney, una baahan in wax weyn laga beddalo.

Fashilinta Federaalka

Qorshaha labaad ayaa ah in la fashiliyo nidaamka Federaalka, lagu furo tawshiish, gobolo aan is qaadan karin la isku raro, kuwo hore maamulo uga tirsanaa kuwa kale loo soo wareejiyo taas oo abuureysa xasilooni darro, dagaal iyo khilaaf aan dhamaan, waxaana ay taasi soo dedejineysaa in dib loo dhigo nidaamka federaalka iyo dhismihiisi, iyada oo beesha caalamka la tusaayo sida nidaamka federaalka ee Soomaaliya uu  yahay BARIGA DHEXE waxaana tusaale fiican ugu filan Gobolka Mudug qorshihii ay u dejiyeen, waxaa dad badan is weydiinayaan in Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh lagu maago gobolka Mudug ayuu kala jarey!!, Puntland waxay dhisneyd 17 sano, dadka Mudug dega ilaah ayaa is bedey laakiin waxaa la is weydiinayaa waxa beesha Koonfurta Mudug degtaa 1998 -2006 ay sugayeen oo Puntland wax ugu darsan waayeen taas oo ka talisa inta badan degmooyinka Mudug, Dowladda Federaalka ahse ma in maamul horey u jirey la dumiyo ayaa uga fududaatey in Waqooyiga Mudug loo soo wareejiyo Koonfurta Mudug oo ah maamul aanba jirin, arrimahaani waxay ifafaale u yihiin carqaladeynta nidaamka Fedeaarlka iyo duminta kuwii horey u jirey ka hor 2016, laakiin dadka Mudug degaa iyagaa toodii ka tashtey ogna sida xoolona uguwada daaqayaan ayna kuwada noolaan karaan sidii ay horey ugu noolaayeen.

Doorashooyinka 2016

Marka hore waxaa habboon in dhab ahaan loo fahmo Soomaaliya waa Qaran madaxbanaan, waxayse ku tiirsan tahay taageerada beesha caalamka gaar ahaan Qaranada Midoobey, Midowga Yurub iyo Maraykanka, waxay bixiyaan waxa ugu hooseeya ee ay ahayd in maamul qabsado oo ah musharaadka ciidamada iyo tababaradooda.

Qorshaha 2016 waxa uu ahaa barnaamijyada ugu waaweyn ee Dowladda Xasan Shiikh looga fadhiyey in dalka la xasiliyo, Dasuurka afti loo qaado, shacabkuna soo doorto Xildhibaanadii baarlamaanka  2016 markii u horeysey tan iyo sanadkii 1968. Xildhibaan taageersan qorshaha madaxweynaha  ee raysalwasaaraha looga takhalusayo  oo lagu magacaabo Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegey in nidaamka 2016 ee doorashooyinka uu la mid yahay geedkii orodka lagu koray in orod  looga soo degaayo waxaana uu ku tilmaamey qorshe aan soconeyn, hadalka Mr. Boodaaye maaha mid uu keli ku yahay waxaa la qaba xera Damul-jadiid.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dasuurku waxay noqotey mid ciyaari karta doorweyn marka la eego isbeddelka dalka gelaayo 2016, waana midda keentey in Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo kamid ah kaadiriintii Xisbigii Madaxweynaha iyo weliba maskaxda Damul-jadiid in laga soo wareejiyo Wasiiru Dowlaaha madaxtooyada oo la keeno Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, kadib markii raysalwasare laga dhigey Cabdiweli Shiikh Axmed, Wasaaradda Caddaaladdu waxay noqotey hawlbowlaha isbbeddelkan. Dad ku dhaw Raysalwasaaraha waxay sheegayaan in Wasaaraddaasi noqotey mid isaga ka baxsan iyo xukumadiisaba toosna u hoostagta Xafiiska Madaxweynaha.

Xerta Damul-jadiid waxay qabaan sida Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye in doorashooyin shacab aysan dhaceyn 2016 beddelkeedana ay noqon doonto sidii hore, waxaana doorkii ” Technical Selection Committee” ee sanadkii 2012 qaadanaya wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, tan ayaa wood u siineysa in ay awood ku yeeshaan baarlamaanka imaandoona 2016. taas oo awood u siineysa in awooodda dalka ay sii haysaan 2016 kadib.

Sida la yiraahdo Qiiq ma jireen haddaan dab la’aan, Raysalwasaruhu wuxuu dilaaciyey halkii u danbeysey waxaana uu sameeyey isku shaandheyn loogu danlahaa qaar kamid ah kaadiriinta Damul-jadiid ee fadhiyey Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda, waxaana uu fariin cad u direy beesha caalamka si indhaha loogu hayo waxa socda.

Raysalwsaare maqaar saar ah

Qodobka u danbeeya ayaa ah fulinta talooyinkii horey loo siiyey Madaxweynaha ee ahaa awoodda raysalwasuha.  waxaana ka mid ahaa sida uu daabacay Cabdi Caynte oo hore talooyin u siiyey Madaxweynaha.  Cabdi Caynte  ayaa ah Madaxa hay’ad ama machad (Think-Tank)oo loogu magacdaray (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), hay’adan oo talooyin ka bixin doonta arrimaha siyaasada iyo go’aanada dowlada ayaa bishii Janaayo 2014 looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Hay’adan oo lagu tilmaamay midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Soomaaliya looga dhawaaqay.

Inta badan wadamada horumaray ayaa hay’adaha noocaan ah ee xog aruuriya ama loo yaqaan Think Tank badanaa dowladahooda talooyin kasiiya arrimaha siyaasada, waxaana aad looga yaqaan dalka Maraykanka oo uu horey usoo degenaan jiray Cabdi Caynte oo mar soo ahaa suxufi.

1- In Wax laga bedalo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo qoraal dheer oo talo bixin ah oo uu Madaxweyne Xassan u qoray kula taliyey in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan taageero ummada ka heysan isla markaana ay dusha ummada uga keeneen hogaamiyayaashii Dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

2- Taladiisa labaad ayaa ahayd in xilka Raysalwasaaraha uusoo magacaabayo uu noqdo mid awoodiisa ay kooban tahay oo aan faraha la gelin siyaasada sare ee dalka.
http://horseedmedia.net/2012/09/11/somalia-appointment-of-president-hassan-sheikh-mohamud-signals-change-and-challenges-by-abdi-aynte/

Inkasta oo Cabdi Caynte ay isaga qaldantey marka Madaxweynaha loogu yeerayo mid la doortey iyo marka kale ayuu u istcmaaley in aysan suurta gal ahayn Madaxweyne la doortey uu ka awood yaraado  Raysalwasaare isagu magacaabey, Madaxweynaha waxaa dooortey Xildhibaano la soo xuley oo aan la soo dooran ee ma aysan dooran Xildhibaano shacabku soo doorteen oo xanbaarsan codkii shacabka waana midda u diideysa in madaxweynuhu sifada uu siiyey leh., waana midda Qaramada Midoobey hambalyadii Xasan Shiikh Maxamuud 10.09.2012 ay u isticmaaleen  “Secretary-General Ban welcomes selection of new Somali president”

Dad badan ayaa aaminsan in Raysalwasaare Cabdiweli Axmed Maxamed uu ku noqdey madaxweynaha timirba laf kama fileyn, waxa uu dalka yimid isla maalintii lagu dhawaaqayey magaabistiisa waxaana uu ahaa nin ku cusub siyaasadda, Mooshinka ka dhanka ah waxa uu si toos ah dhabada ugu xaarayaa in la helo rasysalwasaare ku qanca in aanu faraha  gashan arrimaha sare ee Dowladda ee ku qanca magac keliya, iyada oo la fulinaayo talooyonkii horey loo siiyey Madaxweynaha, waana halka dastruuka ula booca leh loogu tukubaayo.

Haddaba waxaan dhihi karnaa khilaafku kama imaan isku shaandheyn xukuumadeed, kama imaan saraakiil la beddelo ee waxa uu salka ku hayaa talada dalka 2016 wixii ka danbeeya, iyo in meesha laga saaro nidaamka federeaalka ah ee in badan oo Soomaali ka mid ah ay xal u arkaan iyo wax dib la isugu aamini karo.

Maantey iyo shalay

Maantey waxaa Xamar ka socda wixii shalay ka socdey, odayaal gur-guuranaya oo goor-xun soconaaya, shirar aan kala joogsi lahayn iyo gor-gortan dhaqaale iyo awoodeed.

Xildhibaanadii 2012 wixii ka soo doogtey hillaac ayaa u baxay saxansaxo udgoona sanka ayey la raacayaan, isbeddel, wasiiro ama lacag ayaana muska u wada yaal, waxaase maanta ugu daran in Beesha caalamku indhaha ku hayso waxa dhacay, maxayse tahay fariinmta aan adduunka u direynyo kadib Mooshinkii Saacid sanadkii hore iyo kan hadda abaabulkiisi soo idlaadey? Soomaali sidaan ma ku sii wada joogi kartaa? Mise waa…

Hussein Farah

Voice Of Somali-Somali Leaks

32434807 (1)

Waxaa sii Kordhaya Xildhibaanada lacagta ku qaatay in La rido Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

32490828

in ku dhaw 175 xildhibaan ayaa hadda jeebk looga buuxiyay xafiiska Madaxweynaha kuwaasi oo isku diyaarinaya in muushin ay ku ridaan Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

Liiska diiwaangalinta xildhibaanada ayaa sii kordhay saacadihii tagay iyadoo madaxtooyada ay hareeyeen xildhibaanada laaluush-ka qaadanaya.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Qadar iyo imaaraadka ay kasoo gaartay lacagtii lagu ridi lahaa Reysulwasaare Xiirane oo isna ciyaaray qalaaqanl beesha caalamka oo taageero uu kahaysto gaar ahaan qaramada midoobay iyo Midowga Yurub oo lacag siiya Dowladda.

Nicholas Kay ayaa dhawaan wuxuu walaac ka muujiyay in codadka Xildhibaanada dhaqaalo loo adeegsada islamarkana lagu rido Reysulwasaare Cabdiwali Sheekh.

Kay ayaa wacad kumaray in  Qaramada Midoobe la ogeysiin doono wax kasta, oo sababi kara siyaasad xumo oo soo foodsaara dowladda uu madaxda uyahay Xasan Sheekh.

XIGASHO SABAAX,COM

Dagaalkii Villa Somalia oo u Wareegay Hoteelada Muqdisho

32442817

Iyadoo uu wali taagan yahay Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa ayaa waxaa soo baxaya hardan dhanka xildhibaanada ah kaasoo dhinac waliba uu doonayo inuu helo xildhibaano badan oo taageera fakarkiisa.

Xiisadda ugu badan waxaa ay ka taagneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia balse hadda wax weyn ayaa arrintaasi iska baddalay kaddib markii hotelada Muqdisho gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn ay noqdeen barta uu ka dhaco gorgortanka siyaasadeed ee dhinacyada is haya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xildhibanada taageersan fakarkiisa ay gaarayaan illaa 150 xildhibaan halka dhinaca kalena xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaarha ay iyaguna haatan marayaan illaa 50 xildhibaan iyadoona aad mooddo in xildhibaanada taageeraya raiisal wasaaruhu ay labadi maalin ee ugu dambeysay isa soo tareen.

Warar lagu kalsoonyahay oo  la helayo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen kuwaasoo doonaya in ay dhinacooda kala saftaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.

Hotel Xayaad  ee ku yaala agagaarka KM4  ee magaalada Muqdisho ayaa  lagu soo waramayaa in ay ku shireen oo ay isugu tageen  Xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaraha .

Warar isi soo taraya oo laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa ku warramaya in ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay uu weli isku dayayo xal u helidda muranka siyaasaddeed ee soo kala dhexgelay madaxda sare, kuwaasoo khilaafkoodu markale sii xooggeystay kaddib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiiradda qaarkood waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu saamayn ku yeeshay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta ee uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee lagu tiriyo xulafo dhow oo uu lee yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Midowga Afrika oo inta badan ku lug leh soo celinta nabadda iyo xasillinta waddanka Soomaaliya ayaa si cad ugu taabtay labada masuul ee muransan in ugu yaraan xalku noqdo “gacmo geel jire hoos loo dhaqay”, taasoo shacabka uga dhigan shuushoow bax.

Soomaaliya oo aan la hayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa muddo ka badan 20 sanno ayey caado u tahay cilaaqtamiddu cidkastoo la ciirsado!

Si kastaba ma ahan arrin cusub in markasta oo dhaca Khilaaf xildhibanadu ku yaacaan hoteelada si markaasi loo diyaariyo mooshin mana ahan waxa ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed , (Habar dhali weyday aleelo ku waalatay !!!! )balse waxanoo dhami waa wax shacabku ka dheregsan yahay isla markaana  sii caddeyneysa sida madaxda Soomaalidu wali aanay daacad uga  ahayn in dalka iyo dadkuba dhibaatada ka baxaan .

Beer-lula Haji

maxaadhacay.net

t_770570004pizapw1414665687

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Beelaha Muqdisho oo la saftay Cabdiweli Sheekh!

32434195

Beelaha gobolka Banaadir ayaa ku saf noqday Cabdiweli Sheekh oo maalmahan ay is hayeen Xasan Sheekh Maxamud oo ah nin ka soo jeeda beel ahaan gobolka Banaadir.

Beelaha Muqdisho ayaa aad u neceb Dammuljadiid,gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir oo ay u yaqaanaan Doorshaanka “Xaar Walaalka” Xabashida,Faaraxna waa ninka furaha u ah Xasan Sheekh iyo Dammul jadiid oo dhan,Faarax ayaa ah wakiilka guud ee Xabashida ee dhulka Soomaaliyeed.

Khilaafka labada nin ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho laga nacay doqonimada  Xasan Sheekh,waxaana si aad ah  uga horyimid beeshiisa  gaarka ah waxayna ku naanaysaan “Xasan Magudbe” ama Xasan Gaabshe Gurguurte”.

Cabdiweli Sheekh ayaa og in Xasan lumiyay taageerida beelaha Muqdisho,wuxuuna u arkaa waqti ku haboon inow ka tuuro meesha kana taqaluso Xasan iyo Faarax oo ay u arkaan  kuwa laga kheyr badan yahay.

Xasan Sheekh ayaa amar ku siiyay ciidamada Nabadsugida inaysan ogolaan wax shir ah oo looga soo horjeedo inaysan xamar ka dhicin, waxaana Xasan Ciidankaas  u dhiibay   bilo ka hor wiilka oo adeerka u yahay Saajin Tuuryare.

Shalay ayay ahayd markii loo cagajugleeyay qaarna la xiray milkiilyaasha hoteelada Muqdisho,waxaana dadka la xiray ka mid ah Milkiilaha Hoteel Maka Almukarama Guray Xaaji oo Xasan Sheekh isku beel yihiin!

32434260

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

 

 

RAFASHADA SIYAASADEED. W/Q CABDI SHAKUUR MIRE.

 

32425909 (1)

Ma sah-lana in la saadaaliyo halka ay ku gabagaboobi karto ciyaarta siyaasadeeda xilligan ka socotay Muqdisho. Heer kulka magaalada ayaa maalmahan jawi ahaan aad u kululaa. Waa u dhaqan xilligan oo kale kulaylkaasi Muqdisho. Hase ahaatee waxaa intaas dheer jabaqda ka soo yeeraysa Villa Somalia.

Waxaa aad u muuqda is -herdiga siyaasadeed ee Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu magacaabayMadaxweynuhu. Maxaa khaldan? Muxuu muranka iyo khilaafka la sheegayaa salka ku hayaa….Maxaa la isku hayaa?

 

Waxaa muuqda in wax badan oo aan laga war-haynin jiraan. Ma heshiiskoodii hore ayaa labadan nin xumaa..? Boowe maxaa kuu baxay? Warde Belo.. Miyaan dhahnaa? Now Now… iska eeg miyaa xaalku … Mise Areey si quman isaga daymoo? Mise sidii Maki Xaaji banaadir ayaan dhahnaa Bacdaa dhuuqso…?

 

Ra’isul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed kolkuu ka soo rakaabsanayey diyaaradii uu u soo raacay Muqdisho ee hamiga ah inuu soo doonto jagada uu caawa ku fadhiyo muxuu niyada iska lahaa? Siyaasada qof waliba si ayuu ku soo galaa ma ahan wax si sahlan lagu helo awooda hogaamintu. Qof surun iyo wado dheer ayuu u soo maraa, waa loo soo rafaadaa…. Maal iyo maskax badan ayaa loo huraa.. Ogow e ciyaar ciyaar laguma helo.. Ragga qaarkiis dhiig ayeyba u daadshaan  wali

Laakiin la kala nasiib badan…. Cabdiweli Sheekh Axmed si fudud ayuu ku helay isagoo ahaa shaqsi aan hore looga baran masraxa siyaasada.. Wax qarash ama dhaqaale ah oo ka badan tigidhkii diyaarada uu ku yimid Jeda/ Sacuudiga ugama bixin siduu kursigaas ku heli lahaa……

 

Kooxda Dam-Jadiid ha ku sooo xushaan Cabdiweli Sheekh Axmed inay ku fogeeyaan dad kale oo ay colaad siyaasadeed u hayeen amaba si kale wax ha isu tusiyaane qalinkoodii ayaa wuxuu qoray Cabdiweli Sheekh Axmed. Markaas ayey ku baraarugeen Qalwadii mas ayaa galay….

Durba waa la is qaniinay. Waxa ugu badan oo la isku hayey ayaa ahayd qaabka loo gaarayo higsadka 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ragiisii waxay noqdeen gacan ku gabad. Wasiirkii Amniga waa is casilay kolkii wadna qabad uu ku noqday amnigii waxba lagama qaban….

Waxaa laga Tashan Madaxweynaha oo dhanka Cabdiweli Sheekh Axmed ka timid magcaabidii wasiirada banaanaa magcaabidooda.. Weli waa dhaban hays kooxdii Dam-Jadiid waxaana dhan walba ka hafiyey duufaanta rafashada siyaasada ee qoomamadoodii noqtay Saacidkaygii maxaa nagu diray oo aan booska uga qaadnay. Beesha Caalamka ayaa wadna goysay Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhinac walba ka daqray khaladaadka siyaasadeed ee uu ku raftay.

Waxaa xilkii laga qaaday Taliyaashii nabadsugida iyo Booliska , maalmo ka dib waxaa la eryey Taliyihii Nabadsugid ee cusbaa….

 

Madaxweyne Xasan Shiikh[/caption]Dharbaaxa siyaasadeed oo daaduumisay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dam-Jadiid oo xiligii doorashada ka soo adkaaday rag badan oo siyaasada kula tartamayey ayaa indhaha kaga keentay hoor ilmo ka soo qubatay, kuwaas oo maal iyo maskaxba geliyey siday u helilahaayeen madaxnimaa dalka……

 

Dabaalato biyaha hoosteeda ayey iska aragtaa waa la isku maqnaa .. waase la wada socday.

SIYAASADDA QOBKA MOOSKA.

Siyaasada dibirta badan waxay ahayd mid la isku gaad gaadayo…. safarkii Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh ee uu Puntland ku tegey tuhun ayaa ka dhashay.. Waa la isu khuurinayey, Xasan Sheekh iyo ragiisa waxaa ku taagnaa waxa loo yaqaan New Deal….. Cabdiweli Sheekh waxaa isagana ku taagnaa goormaa mindida lagu saari doonaa. Wuxuu ahaa mid u nuglaaday siyaasada qobka mooska la isu dhigayey.. Gabgabadiinaa wuxuu qaatay go’aanka ah inuu isku shaandhayn sameeyo si uu usha xaska ugu dhifto ha ka soo baxaane waxa ku jirey… Oo uu aaminsanaa markuu waxyaabo badan isu geys-geystay inuu madaxa goyn karo maska ka soo baxaya xaska ama jabadka uu usha ku garaacay.

durbadiiba waxaa diiday Madaxweyne Xasan Sheekh go’aanka uu qaatay Ra’isulwasaarihii uu gacantiisa ku magacaabay…. Rafashada siyaasada ayaa bilaabatay… danta ayaa dhahaysa in la isla aado Barlamaanka oo ah goobta lagu kala baxo rafasha siyaasadeed kasta oo timaada…. Waa fagaare Allow Ninkii Roon Reerka u reeb.

BAL DADYOHOW ADUUNKA
LABADII IS DOORTAA
ISU DAACAD MA AHOO
IYAGAA IS DILAYAAA

Waxaa qoray Abdishakur Mire.

10553425_10205150277902524_5026754068333058751_n

VIDEO:-Xasan iyo Cabdi Wali Sheekh oo Xiriirkii Shakhsiyadeed isku Jaray!

32425522

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya madaxda DF-ka ee gumeystaha la shaqeysa,Cabdi Wali Sheekh iyo Xasan Sheekh  ayaa la sheegay in xiriirkii ka dhaxeeyay uu jarmay waxa kaliya ee labadan Nin ay iskula xariiraan ayaa ah wasiirro kala taabacsan oo muwaaqiftooda ukala gudbiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh  uu amar kusiiyay saraakiisha ciidanka Nabad sugidda in ay xabsiga dhigaan odayaasha dhaqanka ee taabacsan Cabdi Wali haddii ay isku dayaan in ay kulamo ku yeeshaan hoteelada Muqdisho.

N.Kay xaakimka madaniga ah ee gumeystaha caddaanka ah uqaabilsan maamulidda Soomaaliya ayaa ku guuldareystay dhax-dhaxaadin uu ku doonayay in uu isugusoo dhaweeyo dhinacyada.

Hoos Ka Daawo Warbixin Telefeshinka Al Jaziira uu ka diyaariyay Khilaafka soo jireenka ah ee cumalada Villa Somalia.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Xasan Sheekh oo Sheegay in Khilaaf aan Qarsoonayn uu kala Dhaxeeyo Cabdi Wali Sheekh.

32146408 (1)

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in khilaaf qota dheer uu udhaxeeyo isaga iyo R/wasaarihiisa Cabdi Wali Sheekh.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda ku hadasha codka Mareykanka qeybta Soomaaliya ayuu sheegay in xamasho iyo fara kutaag tag uu ka dhaxeeyo isaga iyo Cabdi Wali Sheekh.

“Waxaan aaminsanay in kala fikir duwanaanta hadda jirta aysan noqon karin mid lagu jabo oo dowladnimadu u burburto oo ay dhibaato ka dhacdo aysan noqon. Shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay, berrina waa la kala ra’yi duwanaan karaa, umana arko anigu inuu jirto walwal weyn. Waan kala duwannahay ama annagoo kala duwan ayaan wada-shaqeynaynaa ama kala duwanaashaha waxaan ku dhameys-tiraynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban iyo xeerarka uu dalkeennu leeyahay” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamud.

Khilaafka hoggaanka DF-ka ayaa ahaa soo jireen waxaana xusid mudan in Xasan Sheekh uu horay u Eryay Saacid Shirdoon oo lagu tiriyo R/wasaarihii ugu doqonsanaa ee soo maray Kooxda Villa Somalia ee shisheeyuhu u shaqeeyo.

32150527

Voice Of Somalia-Banaadir Post

SAWIRO:-Riwaayadii Xasan Sheekh iyo Muungaab“Nabad Ku Afura”

31335629

Dacaayadaha ugu badan ee loo sameeyay Xasan Sheekh markii uu qabtay talada soomaliya iyo kadiba waxaa ka mid ahaa in uu yahay qof aqoonyahan ah oo aan gacmahiisa dhiig lahayn, soomaliyana badbaadin doona, laakiin nasiib daro soomalida waxay ka dheeftay waa in intii kala qeybsaneyd uu sii kala qeybiyay, dagaalo iyo colaado horlehna ka huriyay gobolo badan oo somaliya.

31335580

 

Si uu uga qariyo bulshada inteeda qabyaalada ku taageereysana uu u sii madadaaliyo ayaa waxaad arkeysaa in uu waqtigiisa ku dhiminayo xaflado iyo munaasabado uu ka qeyb galo, isagoo adeegsanaya hadalo macmacaaan oo qofka aan u fiirsan ugu muuqanaya in uu yahay qof daacad ah.

Xasan Sheekh oo madax u yahay koox NGO-ley ah, oo dantooda tahay in ay lacago badan helaan, ayaa marba mashruuc u muuqda in ay lacago badan ku raadinayaan ku mashquula, ilaa haddana 5 shir oo la sheegay in lagu diyaarinayo qorshaha ka dambeeya 2016 ayey qabteen waxna lagama hirgelin talooyinkii ka soo baxay, waxaana ka mid ah shirkii siyaasadeed ee ay ugu magac dareen vision 16, kii garsoorka, midka amaanka IWM.

Arinta ugu daran ayaa ahayd in shirka loogu hadlayo amaanka laba mar la qabtay, mar walbana ay lahaayeen kooxda Xasan Sheekh: dowladda waxa ay dooneysaa in ay qeybaha kala duwan ee bulshada ka hesho talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qorshooyinka ay dalka ku ansixineyso, haddaba waxaa is weydiin leh: aaway talooyinkii ay soomalida ku darsatay shirkii hore, maxaase loo hirgelin waayey waxii ka soo baxay?.

Iyadoo lagu ogaa Xasan Ruwaayado tiro badan oo aan la qoon halka ay u socdaan, soomalidana uu ku madadaalinayo, ayaa hadda waxaa ku soo biiray gudoomiyaha gobolka Banaadir Mungaab, si la mid ah Xasan Sheekh ayaa Mungaab waxa uu suuqa ku soo galay in uu yahay aqoonyahan, ciidan yahan ad adag oo wax ka qabanaya amaanka Muqdisho dhinaca dowlado ka howlgasho waa jidka dheer ee maka Al Mukarama,taasoobeen noqotay markii booliska’Maleeshiyaadka Dowlada’ maalin cad lagu gumaaday.

31335629 (2)

Mungaab, ilaa maantadan oo ay bilooyin ka soo wareegeen markii la magacaabay ma jirto wax uu qabtay oo aan ka ahayn in uu booqasho ku tagay xeebta liido iyo dalka Turkey, iskaba daa in uu wax wanaag ah ku soo kordhiyo amaanka Muqdisho ee waxa uuba awood u la’yahay in uu sugo amaankiisa iyo kan xafiiskiisa.

Markii uu xilka qabtay waxa uu ku faanay in uu degayo Degmada Heliwaa oo xafiiska gobolka Banaadir u rarayo, Shabaabna ka ciribtirayo Muqdisho,laakiin tan iyo markaas Al-shabaab waxa ay soo weerareen xarunta gobolka marar badan, oo ay ugu dambeysay mudo habeen laga joogo oo ay ku sigteen in ay gudaha u galaan xaruntiisa, qoryo badana ay ka qaateen maleshiyadii ilaalada u ahayd.

Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo uu Mungaab ka mid yahay marna ma awoodaan inay wax ka qabtaan amaanka Muqdisho, mana awodaan  sida kuwii ka horeeyay  inay dhisaan ciidamo booliis iyo Military oo xirfad leh amaanka caasimadana sugi kara waayo waxa ay qeyb ka yihiin qoshe ay wataan koox qabiil ah oo dooneysa ama u aragta in hadii dalka hagaago, oo kala dambeyn iyo nabad ku soo noqoto in waayayaan dhamaan danaha dhaqaale iyo qabiil ee ay hadda heystaan.

Waxaad maqleysaa xeebta Liido ayey booqasho ku tageen, socod ayey ku soo mareen wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, Hoteel hebel ayey ku soo caweeyeen laakiin marka ay ka soo baxaan iyo ka horba waxaa magaalada gudaheeda maalin cad dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weeraro ka fuliya Al-shaab.

Sidaas oo ay tahay umadda ayey ku madadaalinayaan ciidamo aad u tababaran oo loogu magac daray nabad ku afur ayaan magaalada dhignay, mudo kadibna waxaad maqli doontaan iyagoo leh ciidamo loogu magac daray nabad ku ciida ayaan magaalad dhignay, shacabkii Muqdishana hadda waxay ku afurayaan dhiig, dilal iyo weeraro, berina waxay ku ciidi doonaan ilaah un ayaa garanaya.

Ciise Maxamuud

jbiimaal@gmail.com

31335629 (1)

 

DHAGEYSO:-Xasan Sheekh oo Qiray inow Khilaaf ka Dhex Jiro Hogaanka Dowladda.

Image

Xasan Sheekh  waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay khilaaf la sheegay inuu ka dhexjira hogaanka dowladda Federaalka gaar ahaan  Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Sheekh.

Xasan Sheekh waxa uu qiray inow jiro kala duwaanasha iyo kala aragti taasi oo uu xusay iney tahay mid ka jirtay dowladihii isaga ka horeeyay islamarkaana ka dhexjiri doonta kuwa isaga ka dambeeya ee ku fadhiista kursiga  Villa Soomaaliya ee Raahja shisheeye lagu ilaalsho.

Mudooyinkii dambe waxaa soo baxayay khilaaf ka dhextaagan Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Sheekh kaasi oo ku aadan isku shaandheyn uu R/wasaaraha doonaya inuu ku sameeya golahiisa wasiirada.

Cabdi Wali waxa uu qorsheynayaa  inuusan dib u soo magacaabin Guuleed iyo Faarax oo kasoo haray xukuumadii Saacid Shirdoon taasi oo uu si aad ah kaga soo horjeestay Xasan Sheekh iyo Dammul jadiid.

HOOS KA DHGEYSO.

Voice Of Somalia-Banaadir Post.