Qalad dhacay qasaarihii xigiyo, qoonsi iyo boobki
qanci waagi dhiiggii qulqulay, qoorya xiro beelki
qaribkiyo halkay quustay shalay qoysas kala guurki
iyo qaanta weli taagan oon cidina qiimaynin
cid waliba qasaaruhu ka gaar qeybta teedaahe
sababteeda yaan loo qoqobin qaranka Soomaali
Quwad laysu sheegtaahi waa qaxar bilowgiise
qax iyo tahriib bay dhashaa qaarad kale aade
qaxootiyo waxaa laga dhaxlaa qaaddo gaaleede
qabka iyo waxaa kaaga dhiman duul qaraabaahe
qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda
oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene
Qarni rubac ayaa nooga tegay qas iyo ceebaale
qushigiin kuwii nagu lahaa baad qadarisaane
waxa teena qaabkaan ka dhigay qiira li*ideene
qasad laysu laayiyo kataga fikir qabyaaleedka
oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene
Qunaashaha ninkii diida baad qiil u yeeshaanoo
midka kala qoleynaayo baad qabar ka dhowrtaane
qandi maran ninkii loo tolee qeyrki tuugaayo
ee talo kasoo qaata baad qosol dhoweysaane
qunful beelo baa idinku jaban badiyo qaarkiine
qabiiladu inay wada dhasheen hela qiraalkeeda
oo quluubta isu fura mudaad kala qawaafteene
Qudha laysma siinoo qabraa lays qod dhigayaaye
qodobada shisheeyiyo waxaad moodi qaanuunka
qowlkii ilaah baa ka weyn qaadirka ahaaye
uqushuuca quraankiyo sunnaha aad uqiimeeya
wada qaata qiyaamaha hortii baad qancaysaane
oo qolalkii janaad baa hadhoow qaadir ina geyne
qalbigana isu fura muddaad kala qawaafteene
oo qaranka soomaaliyeed qaab unooleeya.
w/t; Xagaleey.
Voice Of Somalia-Somali Leaks.