DHAGEYSO:-Sheekh Cali Dheere: “Inta Ciidanka Kenya Duullaanka Ku Joogaan Soomaaliya, Dhiigga Shacabka Kenya Wuu Sii Daadan Doonaa”

32726649

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ka war bixiyay weerarkii habeenkii  ka dhacay duleedka Mandheera, kaasoo la  sheegey  iney ku dileen afartan ruux oo Kiristan ah.

Sheekh Cali ayaa sheegay in dhiig baxa ku socda Kenyaatigu ay salka ku hayaan duullaanka ay ciidankoodu ku joogaan gayiga Soomaaliya, isagoona wacad ku maray in weeraradu sii socon doonaan illaa Kenyaanku ay dalka ka baxaan.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday is casilaada uu ku dhaqaaqay taliyihii Boliska Kenya iyo tallaabada uu madaxweynaha dalkaasi ku casilay wasiirkii arimaha gudaha, wuxuu sheegay inaaney arimahaasi waxba soo kordhiyi doonin inta madaxweyne Uhuru uu ku taagan yahay siyaasadda khaldan ee islaam la dirirka ah iyo qabsashada Soomaaliya.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Sheekh C/lahi Raabi oo ka hadlay Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle.

32671101

Sheekh Cabdulaahi Raabi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caasan islamarkaana ah Sheekh si aad ah wax uga qora taariikhda ayuu faahfaahiyay taariikhda madow ee General Camar  Xaaji Masalle oo  ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Sheekha waxa uu xusay in ninkan uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ciidamada Xabashida Itoobiya soo galiyay dalka Somaliyeed’waxaana sidoo kale Sheekha uu taabtay in Cumar Xaaji  Masalle oo culimo  ku laayay gobalka Gedo.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Generaal Cumar Xaaji Masale oo Geeriyooday, Qof noocee ah ayuu ahaa?.

32662009 (1)

Wararka ka imaanaya Magaalada Leicester  ee dalka Ingiriska waxey sheegayaan in halkaasi uu ku geeriyooday General Cumar Xaaji Masale oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare dowladda Shuuciyada Muxamed Siyaad Barre.

Sargaalkan geeriyooday ayaa ahaa taliyihii hogaaminayay ciidamadii sanadkii 1975 magaalada Muqdisho ku tooktay toban wadadaad oo dil uu ku xukumay Siyaad Barre kadib markii ay kasoo horjeesteen arin gaalnimo ah oo ay ku dhaqaaqday dowladdii Siyaad Barre.

Sidoo kale sargaalkan geeriyooday waxa uu ahaa sargaalkii ugu horeeyay oo Soomaali ah islamarkaana ciidamo Itoobiyaan ah kusoo hogaamiyay dhulka  Somaliyeed’waxaana sanadkii 1996 ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya uu soo galiyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

 Sanooyin  ayaa kasoo wareegatay maalintii madoobayd ee ay ciidamada dowlada Xabashida iyo ciidaankii ururka SNF gumaadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo gumaysi diid ah.Ciidamadan weerarka soo qaaday oo ku  hubeysnaa gawaarida gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga u duula (Helicopters) ayaa weerar si wanaagsan loosoo abaabulay mar qura ku qaaday degmooyinkaas.

Waxey aheyd 9 August 1996 markey ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha ururka SNF Gen.Cumar Xaaji Masale iyo Ra’iisul Wasaaraha Xabashida Melez Zenawi weeraro kusoo qaadeen degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow oo dhamaanba ka tirsan gobolka Gedo,Cumar Xaaji Masale wuxuu falay khalad la galo kii ugu weynaa waayo wuxuu dab qabadsiiyay gurigiisii, wuxuu  gumaaday shacabkiisii, wuxuu iibsaday dadkiisii, dhulkiisii, damiirkiisii iyo dadnimadiisii. Khaladkaas uu galayna waa kan maanta ka saaray saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya kana dhigay qaxooti ka fekera nolol maalmeedkiisa oo qura.

Cumar Xaaji Masale ayaa ku noolaa dalka Ingiriiska oo ku noolaa nolol qaxooti aad u xun,qof walba oo gumaystaha soo horkacanaa wuxuu mari doonaa jidkaas.

Dhulka Soomaaliyeed ayaa weli waxaa ku sugan kuwa soo horkacaya gumaysiga gaar ahaan kuwii Xabashida oo Cumar Xaaji soo hor kici jiray.

 

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

US refuse to attend Somalia donor conference due to concerns over “political turmoil”

32547244

The United States government has expressed its concern and disapproval of the ongoing political commotion in Somalia, which involves a strong rift between the Somali President Hassan Sheikh Mahmud and Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed.

In a statement released by the Department of State which stated it was neutral in this dispute said that it was opposed to any motion leading to a no confidence vote against the Prime Minister, which is being pushed for by pro-President Members of Parliament. “The United States notes with concern the recent political turmoil in Somalia. Actions to put forward a parliamentary motion for a vote of no confidence in the prime minister do not serve the interests of the Somali people” the statement read.

Accusing Somalia’s government of being “distracted with division”, the statement announced that the US wouldn’t be sending its delegation to the High Level Partnership Forum on Somalia being held next week in Copenhagen. “The United States currently does not see the utility in sending a delegation to the High Level Partnership Forum on Somalia, which will meet next week in Copenhagen to review progress under the New Deal” the statement added.

The statement comes two days after a US delegation arrived at Mogadishu’s Airport where they met the Somali President and Prime Minister in a failed reconciliatory effort to convince both to put their disagreements behind. The current move by the US to avoid sending a delegation to next week’s conference in Copenhagen is believed by many to be a significant attempt to put more pressure on the Somali leadership to solve their disputes.

32547244 (1)

 

 

Nin Daad Qaaday Xumbo Cuksay Seeraar “Al Shabaab Kudhaa Qabiil Gaar ah ayay ku Laayeen”!!

32546917

Maamulka dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Kudhaa gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Axmed Madoobe Cabdi Naasir Seeraar ayaa shabakadda Aljazeera u sheegay in dhankooda 25 askari laga dilay 30 kalane dhaawacyo halis ah gaareen.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay qabsadeen Kudhaa islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bakhaaradii hubka iyo saanado dagaal oo ciidankoodu ka carareen.

Maamulka gumeysi Kalkaalka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa isku dayaya in uu waji kale uyeelo halaagga ka gaaray dagaalkii taariikhda galay ee Kudhaa.

Iyadoo lawada ogyahay in ciidanka gumeysiga Kenya ee Jubbada Hoose kusoo duulay ay ku adeeganayaan maleeshiyaad diinlaawayaal ah ayuu Seeraar warbaahinta ka sheegay in mujaahidiintu qabiil gaar ah beegsadeen!!.

“Annagu waan ognahay in shabaabku qaab qabiil u beegsadeen ciidankeena”ayuu yiri Seeraar,sida lawada ogyahay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa bariga Afrika ku hoggaaminaysa dagaal caalami ah oo aan xuduud iyo wadan laheyn arrinkaasi xataa waxaa qirsan shisheeyaha dalka kusoo duulay waxaana wax aan larumeysan Karin ah in Al Shabaab qabiil lagu sifeeyo.

Haddii hadalka Seeraar aan uraacno oo ah in Maleeshiyaadka Khuwanada ah ee meesha lagu laayay ay ahaayeen qabiil gaar ah Maxay Wakiillo ugu yihiin dowladda Nasaarada Kenya oo ay dhulka soomaaliyeed ugusoo hoggaamiyeen.

Hadallada isburinaya ee maamulka Axmed Madoobe waxaa kamid ah “waxaan nahay maamul goboleed qabiillada Jubbooyinka udhayihiin”!! Misne Shabaabul Mujaahidiin ayay ku eedeeyeen in qabiil gaar ah ay laysay aaway Maamulkii Jubballand oo ay sheeganayeen mise haddii laga itaal roonaaday ayay qabiil Noqdeen.

C/Naasir Seeraar ayaa bishii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay ku sheegay in ciidanka (maamulka Jubbaland) iyo ciidanka Kenya ay qabsadeen deegaanka Buulaguduud ee duleedka Kismaayo isagoo guulo ballaaran sheegtay! Balse maanta wuxuu isku bedelay qabiil! Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin Daad-qaaday Xumba cuksay”.

Afhayeenka Beelaha Absame “Halaagga Murtadiinta Axmed Madoobe gaaray waan ku diirsanay waana loo badinayaa bi’idnillaahi”.

Nabadoon Ismaaciil Xaaji Haaruun Afhayeenka beelaha Jubbooyinka oo warbaahinta islaamiga ah lahadlay ayaa sheegay in weerarkii Kudhaa ka dhacay uu ahaa edbin la edbinayay maleeshiyaad uu Murtadiin kutilmaamay oo uu ula jeedo ciidanka Axmed Madoobe ee shalay lagu laayay deegaanka Kudhaa wuxuuna ugu baaqay ciidanka shabaabul Mujaahidiin in ay kordhiyaan laynta maleeshiyaadka indhaha u ah ciidanka gumeysiga Kenya.

“Haddaan nahay qabaa’illada Jubbooyinka dega aad baan ugu riyaaqnay wixii Kudhaa ka dhacay,murtadiinta Kenya ku adeegato waa in si kadaran sida ciidanka Kenya loola dagaalamayo loo xanuujiyo sababtoo ah iyagaa dalka gumeystaha kusoo hoggaamiyay”ayuu yiri Ismaaciil Haaruun.

Gummaadkii Maleeshiyaadka ee Ceel-Waaq iyo Xayo Muxuu uga duwanyahay gummaadkii Kudhaa.

Sanaddii 2012 ayay cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen degmada Ceel-waaq oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad Soomaali dabadhilifyo ah oo gudaha dalka Kenya lagusoo tababaray.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ciidanka muslimiinta ayaa Ceel-Waaq qabsaday balse halkaasi waxaa ka dhacay gummaad loo geystay dabadhilifyada dagaalkaasi waxaa lagu dilay inkabadan 55 katirsan Maleeshiyaad uu taliye u ahaa Cabaas Gureey oo ku magacaaban Taliyaha ciidanka DF-ka ee gobolka Gedo.

isla sanaddii 2012 ayay mujaahidiintu dagaal culus oo ka dhacay tuulada Xayo waxay ku dileen 45 katirsanaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe kuwaasi oo hor socday ciidanka gumeysiga Kenya ee waqtigaasi usii gurguuranayay dhanka magaalada Kismaayo.

sanadan 2013 bilaawgeed ayay mujaahidiintu maleeshiyaad DF-ka katirsan oo ku sugnaa degmada Mahadaay waxay gaarsiiyeen khasaara lixaad leh iyagoona gaadiid dagaal kasoo qabsaday.

sanaddan 2013 weerar ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Bay iyo Bakool ku qaadeen deegaanka Toosweyne ee duleedka Ceelbarde waxay ku dileen 25 maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah iyagoona ka qaatay hubkii ay itoobiya soo siisay.

Dhammaan howlgalladaasi iyo kuwa kale oo Hiiraan iyo shabeelaha Hoose  ka dhacay ayaa ah edbin la edbinayo maleeshiyaadka Soomaalida ee gumeystaya Afrikaanta indhaha u ah iyadoona hoggaanka mujaahidiinta soomaaliya uu dhowr mar ku celceliyay in ay beegsanayaan cid walba oo cadawga soo duulay lashaqeeya heybta uu doono halahaatee.

Seeraar Ma wuxuu na leeyahay:-

Dagaal Mahadaay Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Ceelwaaq Reer hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Buula Burde Reer Hebel ayaa lagu laayay
Dagaalkii Hoosweyne Reer Hebel ayaa lagu laayay.

Dabcan waxaa xaqiiq in Seeraar uu Aaminsan yahay in weeraradaas lagu xasuuqay Ciidamada DF ee ka kala dhacay Mahadaay, CeelWaaq, Buula-burde iyo Toosweyne lagu xasuuqay kuwa dowladeed, Aanu lagu tirineynin qabaa’ilada ay ka soo jeedaan sidaas darteed waa in uu isna uu ogolaadaa in Maleeshiyada laga laayey ay yihiin ciidam maamul, Maadama uu sheegtay maamulka “Jubbaland” ama uu Umadda u cadeeyaa in Maamulkiisa uu yahay Maamul Qabiil, Markaas waa ka ogolaan karnaa in waxa Kudhaa lagu laayey ay yihiin Maleeshiyo Qabiil.

Kaliya waxa aan ka sugnaa waa Burundigii Dayniile Lagu laayay iyo Itoobiyaankii Ceelbuur lagu laayay ama Kenyaatigii Faxfaxdhuun waxay ahaayeen Reer hebel oo Soomaali ah.

Markale “Nin Daad Qaaday Xuma Cuksay”
WD Warfaa Kheyrdoon

DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Hosingow”Dad ayaa ku waashay Duqeyn Kenya horay kaga Gaysatay Hosingow”

32528471 (1)

Gudoomiyaha Hosingow ee Maamulka  waxa loogu yeero Jubbaland  Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa bixiyay wareysi xasaasi ah uu kaga sheekeynayo dhibaato ka taagan deegaanka.

Wuxuu sheegay saameyn balaaran oo ka dhalatay duqeyn 2011 Kenya ka gaysatay Hosingow hadda laga dareemayo Hosingow.

“Ma dhicin sida loo duqeeyy Hosingow  meel loo duqeeyay dad badan ayaa ku waashay caruur iyo haweena wey ku dhinteen”ayuu yiri Aadan Ibraahim Dhaqane oo la hadlay Alfurqaan.

“Waxaa jira haween aanan dhalin oo caadada kaga tagtay duqeynta ba’an ee loo gaystay Hosingow”ayuu yiri Axmed Aadan.

Dhagayso Wareysiga Aadan Ibraahim Dhaqane Gudoomiyaha Hosingow.lite

aminarts-kenya

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Banaadir Post

DHAGEYSO:- Muqdisho Caasimadda gumeystaha u gacan gashay

32506141 (1)

Magaalada Muqdisho waxay ku socataa tubtii ay mareen magaalooyin badan oo Muslimiin deganaayeen kuwaasoo gaalo u gacan galay waxaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan xaaladda ay iyada iyo magaalooyin kaleba ku sugan yihiin.
Iminka waxaa socda barnaamijyo tira badan oo lagula dagaalamayo dadka jihaadaya amaaba gobanimo doonka ah.

Mashruucyo loogu magacdaray, dereseyn iyo nambareyn ayaa lagu howlan yahay kuwaasoo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay yahay in la helo guri weliba cidda ku nool.

Hadaba warbixintaan ayaanu ku eegaynaa xaaladda magaalada iyo dhagarta gumeystuhu maleegayo.

Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Caasimadda gumeysiga u gacan gashay

 Xigasho:Idaacadda Alfurqan

Maleeshiyaadka Dowlada Xamar oo Nin Sheekh ah ku dilay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir!

32506163

Howlgallo raaf ah oo maleeshiyo beeleedka  Dowladda Federaalka ay ka sameeyeen degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen macalim dugsi qur’aan.

Tobaneeyo qof oo u badan arday waxkabarata iskuullada Diiniga ah ayaa howlgalka lagusoo qabtay halka boqolaal kale ay guryahooda isaga carareen.

Xaafadda Kaawa Godeey ayay ciidanka howlgallada raafka ah waday waxay ku dileen macalim dugsi qur’aan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Axmed.

Askariga macalimka dilay ayaa xoog uga soo saaray Madaraso Diini ah oo qur’aanka uu ku barayay rag iyo dumar kadibna banaanka ayuu ku toogtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Axmed Aadan Cumar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in toogashadu dhacday oo askari DF-ka katirsan uu weeraray dugsi qur’aan.

Shirkadaha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa maleeshiyaadka wajiyada duuban ee Alpha Group’Wacalada Soomaaliyeed’ oo ah magaca looga yaqaan Muqdisho iyo shabeelada hoose oo ay ka howl galaan ku amray in ay qaadaan howlgallo lagu beegsanayo dadka ahlu Towxiidka ah ama ehelka u ah Diinta Islaamka.

32506141

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

GALGADUUD:-Xaalad Kacsanaan ah oo ka Taagan Magaalada Dhuusamareeb.

32490647

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha degmada taasi oo timid kadib markii hub isku qaateen maleeshiyaadka dowladda iyo haraadigii maleeshiyaatkii Suufiyada oo kuwada sugan gudaha degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay fiidkii bandaw lagusoo rogay Dhuusamareeb kadib markii maleeshiyaad colaadi ka dhaxayso ay hub lasoo galeen magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxo kawada tirsan taageerayaasha Itoobiya ay isku maandhaafsanyihiin maamulka magaalada waxaana fashilmay isku dayo dhowr ah oo ladoonayay in colaadda lagu xalliyo.

Ciidamada Xabashida Ithoobiya ee ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa indhaha oo kaliya ka eeganayo maleeshiyaadka isku heysta gudaha degmada’waxaana suura gal ah in halkaasi uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya labada maleeshiyo.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

Jananka oo looga shakisanyahay inow u geeriyooday cudurka EBOLA

32453455

Maxamed Shiekh Xasan Ismaaciil oo ahaa Taliyaha Baliiska  ayaa  ku dhintay Muqdisho,Jananka  ayaa la shegay  inow u dhintay wadno xanuun kusoo booday,dadka qaar ayaa leh waa la sumeeyay Jananka .

Taliyaha ayaa udhintay wadno xanuun kusoo booday,taliyaha uma dhiman wadno xanuun ee cudur kale oo nagala qariyay ayuu udhintay Tolow ma Ebola“sidaasi waxaa sabaax ku yiri Laba Nin oo kamid ah Ciidamada Baliiska Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Fadhida Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inay faafaahiso waxa uu udhintay Taliyaha Baliiska oo Mudo bilo hayay Xilkaan.

Wadamo ku yaala Galbeedka Afrika waxaa ka dilaacay Cudur Halis ah oo Lagu Magacaabo Ebola kaasi oo dilay Dad ka badan Shan Kun.

Wadanka Siiraliyoon ayaa kamid ah dalalka uu halakeeyay Cudurka,waxaana Soomaliya ka jooga Ciidamo badan iyadoo cabsi badan laga muujiyay Cudurkaasi inuu soo Gaaro Soomaliya.

Siyasiyiin iyo Aqoonyahano ayaa sheegay in cida ugu horeysay cudurka asiibayo uu yahay madaxda Dowladda iyo Ciidamad Kuwaasi oo ka ak dhaw Ciidanka Afrikanta.

Mareegta sabaax ayaa isku dayaysa inay soo gudbiso macluumad dheeri ah oo ku saabsan Geerida Taliyaha Baliiska oo maalmahaan aanan lgu arkin shaqada kaasi oo la shaqo gabay Cudur ku dhacay.

Update

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa dhankiisa tacsi ka diray Geerida Taliyha Baliisa.

waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Saraakiisha,saraakiil xigeennada,alif leeyda,dableyda iyo dhammaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu taliyuhu u ahaa hogaan waxaanna leeyahay dhammaanteen wuu naga wada geeriyooday ee samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo,gadaashiisna Alle nama fidneeyo”ayuu yiri Jawaari

Xigasho Sabaax.com

 

DHAGEYSO:-Maxay isku haystaan Maleeshiyaadka Dowlada Muqdisho “Ciidanka Qaranka!”

32265449

Muqdisho waa magaalo dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan kuwaasoo xanuun ku beeray bulshada ku dhaqan.

Haddii aad guri dhisaneyso waa in aad u diyaar garowdo bixinta lacagta lagu dhisayo mid ka badan maxaa yeelay askarta Dowladda federaalka ah ayaa subax waliba soo xaadiraya midkastana waa in aad jebka u buuxiso.

Sidoo kale waxaa ka soo cusboonaaday afduubka dadka gaar ahaan caruurta qoysaska loo arkayo in ay wax uun dhaqaalo ah haystaan.

Arimahaas iyo kuwa kale waxaa kawaramay Nabadoon Warsame oo wax garadka Caasimadda ka mid ah laakiin marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa keena dagaalada soo noq noqda ee askarta dowladda fedraalka ah dhex mara.

HOOS KA DHAGEYSO

XIGASHO-RADIO ALFURQAAN.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

DHAGEYSO:-Nikolas Key oo soo fara Galiyay Xiisadda Puntland iyo Galmudug.

32161431

Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya N/key ayaa soo fara galiyay xiisaddii maalmahanba ka dhex oogneyd labada Cabdi ee kala hogaamiya maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

N/Key oo la hadlay labada dhinac ayaa ku taliyay in la joojiyo xiisadda isagoo ballan qaaday iney jiri doonaan qodobo lagu kala boxo oo dhinac walbaahi ka daweynaya tabashadiisa.

N/key ayaa Cabdi Qeybdiid amar ku siiyay inuu ka laabto go’aankiisii ahaa inuu xiran yahay garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay in shalay uu shir jaraa’id qabto Cabdi qeybdiid kana tanasulo go’aankii hore.

HOOS KA DHAGEYSO

32161467

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post

GABAY:-Gabayga magaciisu waa Asaxaabul Fiil wuxuuna ku socdaa nimanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya sheegta ee maatada iyo qoxootiga kufsanaya oo aan anshaxa lahayn.

32014182

” Nin reero geeddi ah Gabar ka qabsadey kuwo negi maxaad mooddaa”?
Akhri gabayga Muuqaalkana Daawo.


Gabay nimaan awoowe uga harin ararti waa beene.
Afarreey ma dhaafiyo markuu galo aqooshiise.
Anse sida arbihi Muuse baan olokhadeeyaaye.

Hayeeshee amuurtaan rabaan idin ogaysiine.
Maleeshiyada ururada noqdee ilimadii gooyay
Ee uu abaabulay qabiil holoc afuufaaya

Ee askariga sheegteen misana ununuf daynaynin
Ee aamin laga waayay baan erey yar gaarsiine
ILA eega tixahaan qoraa ugubi maahayne

Nimanyohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
Nimanyohow agoomaha kadhigay ubadki soomali
Nimanyohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya

Nimanyohow amxaariyo kadaran bani israa’iilka
Nimanyohow arlada Wada gubee abaxda nooqaaday
Nimanyohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay

Nimanyohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
Nimanyohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
Nimanyohow ajnabi raacaye gooyay ehelkooda

Nimanyohow ibliis dabagalee qaatay eraygiisa
Nimanyohow akhlaaqdii katagay iyo asxaankiiba
Nimanyohow agoomaha dhacee ololka nuugaaya

Nimanyohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
Nimanyohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
Nimanyohow afdiinlaha watiyo aakihiyo faalka

Nimanyohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
Nimanyohow salaadaha ag mara amase aadaamka
Nimanyohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista

Nimanyohow Obaama iyo Buush Wada ammaanaaya
Nimanyohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
Nimanyohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay

Nimanyohow abtiyo habaryartood Kala aqoonwaay
Nimanyohow adeerkood an maqal iyo awoowgoodba
Nimanyohow Ayaxa iyo kadaran uubatada hawdka

Nimanyohow abraaree habeen diiday aqalkooda
Nimanyohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
Nimanyohow adeegsado kufrigu naguna aafeeyay

Nimanyohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
Nimanyohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
Nimanyohow arlada Kala xannibay idilba soomaali

Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soobaxaye
Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan ooyaaya
Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.

W/Curiyay: Nuradin Buryar Farah Gabay ( Wada Gabay)

32014100 (1)

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

VIDEO:-Afhayeenka AMISOM Jabuutiyaanka Cali Xaamud oo difaacay Kufsiga AMISOM, una gafay dadka Soomaaliyeed.

31998102

Su’aalo adag oo la xariira  Warbixiintii dhowaan soo baxday ee ku aadan Kufsiga iyo Galmada Khasabka ah ee Ciidamada Amisom ay u gaystaan Haweenka Soomaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa waxay noqotay mid aad u kulul, Waxaana Afhayeenka Amisom uu gaashaanka ku dhuftay arintaasi, Wariyahaa ayaa u akhriiyey Warbixinta kadibna waydiiyey Maxaad Beeninaysaa In Ciidamada AMISOM ay kufsadeen Haween soomaliyeed adigoo Difaacaya SUMCADA Amisom !!.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Sheekh Cali Jabal “Dhalinyarada Maanta Muqdisho Lagu dilay Al Shabaab Kama Tirsaneyn Nafiso Cismaana Annagu Madilin”

31442299

Sheekh Cali Max’med Xuseen Sheekh Cali Jabal oo xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa war kasoo saartay rag maanta Muqdisho lagu dilay.

Mas’uulkan oo caawa shir Jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay in dhalinyarada maanta ladilay aysan katirsanayn shabaabul Mujaahidiin islamarkaana gabadha Nafiso ee Yaaqshiid lagu dilay aysan Al Shabaab wax lug ah ku laheyn.

Sheekh Cali Jabal ayaa si faah faahsan u sheegay in haba yaraatee dhalinyarada ladilay aysan ku lug laheyn shabaabul Mujaahidiin oo ay kamid ahaayeen dadka caadiga ah ee caasimadda ku dhaqan.

“Maanta waxay warbaahintu soo bandhigtay Rag ay murtadiintu Muqdisho ku dileen iyagoo ku sheegaya in ay mujaahidiinta katirsan arrinkaasi waa been aan waxba kajirin Ragga ladilay meelna kamasoo galaan shabaabul Mujaahidiin dadka caadiga ah ee magaalada degan ayay qeyb ka ahaayeen marnaba kama mid noqon shabaabul Mujaahidiin”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Sheekh Cali Jabal"Al Shabaab dadka ay disho maqarsato oo way sheegataa"

Sheekh Cali Jabal wuxuu xaqiijiyay in Al Shabaab cidda ay dagaalka kula jirto uu cad yahay islamarkaana dadka ay dilaan ay warbaahinta ka sheegtaan balse wiilashii Muqdisho lagu toogtay iyo gabadhii horay loogu dilay Yaaqshiid ee Nafiso Cusmaan aanay iyago ka dambeyn.

“Markale waxaan sheegaynaa in aan dilin gabadha reerkeeda waxaan leenahay annugu bari’ii ayaan ka nahay falkaasi namasoo galo,annagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Jabal.

Ugu dambeyntii  Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in gummaadka shacabka uu halkiisa kasii amba qaaday Khaliif Ereg oo horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir balse ay tallaab ka qaadi doonaan.

HOOS KA DHAGEYSO

Banaadir Post

Voice Of Somalia-Banaadir Post

QISO CAJIIB AH:-Laba nin oo HABARGIDIR iyo BIYOMAAL u kala Dhashay oo Gaari isla soo raacay.

Image

Waxay ahayd sheeko i  cajab galisay islamarkaana uu iiga sheekeeyay Nin Muqdisho kasoo raacay Gaari BL-ah kaasi oo hadafkiisu ahaa inuu rakaabka ku dajiyo Buulomareer oo ay maamulaan Shabaabul Mujaahidiin.

Gaariga ayaa kasoo baxay Suuqa Bakaaro waxaana isla saarnaa Laba Nin oo u kala dhashay Beelaha Habar Gidir iyo Maal.

Labadoodaba wey is yaqaanaan balse waxaa jira cabsi kubeerantay marka gaariga la isku dhex arkay.

Labadoodaba wax colaad uma dhaxeyso balse waxaa saameyn ku yeeshay maleeshiyaad ku abtirsada beelaha ay kasoo jeedaan oo kudagaalamaya Shalaanbood.Marko iyo Number 50 ee Shabeelaha hoose.

Labada Nin ayaa gaariga isku wareystay waxayna kuwada heshiiyeen inay isbadbaadiyeen hadii ay u gacan galaan Maleeshiyaadka dagaalamaya.

Labada Nin ayaa ku balamay inay is furtaan hadii ay u gacan galaan Maleeshiyaadka dagaalamaya ee kawada tirsan Habar gidir iyo Biyomaal kuwaasi oo bilaabay inay gawaarida iyo guryaha kala dagaan dadka beelahaasu unasab sheegta.

Ilaah ayaa ku mahadsan sadex saac oo cabsi iyo qalqal gaariga lagu saarnaa waxaa si nabad labada nin usoo gaareen Buulomareer kuwaasi oo iyagoo faraxsan isku soo booday iskuna dhunkaday Buulomareer.

Sheekadaan ayaa ii muujisay amniga lagu helay shareecada islaamka ee mujaahidiinta ka hirgaliyaan goobaha ay ka joogaan Gobalka Shabeelaha Hoose oo Habar gidir iyo Biyo maal ay walaallo kuyihiin halka goobaha shisheeyuhu gobalka ka joogaan ay ku dhexmarayso dagaallo saameyn fog ku yeeshay dadka beelahaasi kasoo jeeda.

XIGASHO SABAAX.COM

Voice Of Somalia-Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Dagaal Beeleedka ka Socda Shabeelada hoose iyo Sheekh Naxar oo ka Hadlay.

Image

Dagaal beeleed ayaa wali ka socda dhulka ay Sh/hoose ka joogaan ciidamada shisheeye iyo DF iyadoo wadooyinka qaar lagu arkayo meydadka dad aan waxba galabsan oo u dhintay reer hebal darti.

Dagaal xooggan ayaa saaka aroortii ka dhacay magaalada Marko halkaasoo ay la wareegeen mid kamid ah garabyadii dagaalamayay.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda ayaa colaada xoogeeda hurinaya kuwaasoo labada dhinacba ka kala tirsan, ciidamada shisheeyana sheeda ayey ka daawanayaan.

Dhulkan lagu dagaalamayo wuxuu ahaa amni markii lagu maamulayay shareecada islaamka, laakin markii ay dowladda iyo ciidamada shisheeye yimaadeen xaalku sidan ayuu noqday.

Sheekh Maxamad Macallim Naxar oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa si kulul uga hadlay colaada noocan ah oo dib usoo cusboonaatay, taasoo uu ku eedeeyay ciidamada shisheeye.

Sheekha ayaa sheegay in dagaaladan ay yihiin mirihii ka dhashay dimuqraadiyadda ay Kaaraha ku keeneen reer galbeedka iyo shaqaalohooda afrikaanta ah.

Sheekhu wuxuu sheegay in dhammaan dhulka ay ka taliyaan shisheeyaha uu fasaadkan ka taagan yahay, waxayse xaaladdu kasii dari lahayd buu yiri’ haddii dalka oo dhan ay qabsan lahaayeen.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Sh/dhexe kusoo af-jartay colaad muddo todobo sannadood ah u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah kuwaasoo ku heshiiyay kitaabka Allaah.

WAREYSIGA WAXAA QAADAY- RADIOALFURQAAN.COM

VIDEO:-AMISOM involved in training clan based militias in Somalia

30855487

https://voiceofsomalia.net/2014/05/13/video-amisom-involved-in-training-clan-based-militias-in-somalia/

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO+AQRISO MAGACYADA DADKA ITOOBIYA XASUUQDAY:- Ciidanka Itoobiya oo Odayaal Da’ ah ku Laayay Gobalka Bakool.

Image

Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dad badan oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo Beeralay ku laayay qeybo kamid ah wilaayada Bakool.

Ciidamada Amxaarada oo shalay Dagaallo Culus Lagu Laayay ayaa iyaguna maanta odayaal dhaqan ku dilay tuulooyin Hoos Taga Rabdhuure iyagoo sidoo kale dhacay Goobo Ganacsi.

Odayaasha La laayay waxaa kamid ah Aamiin Iimaan Sheekh Ibraahim oo 65 sano jir ah,Macalin Xasan Cabdiraxmaan Hilowle oo 55 sano Jir ah, iyo Cali Xuseen Cabdiraxmaan oo 70 Sano Jir ah waxaa kaloo Jira Nin Galabta ay dileen Askarta Itoobiya oo idaacadu magaciisa aysan Helin.

Xabashida Itoobiya ayaa sidoo kale dhac baahsan ugaysaty Tuulooyiin iyagoo dukaamo jabsaday lacagna ka qaatay.

Waxaa ilaa iyo haatan la la’yahay dad badan oo aan lagu heynin Nolo iyo Geeri sida uu Alfurqaan usheegay Cabdi naasir Sheekh Nuur oo ahay oday dhaqan.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post

DHAGEYSO:-Cali Xaashi: “Boqolaal Kun ayuu Xasan Sheekh Ku Kharash Gareeyay 12 April Xilli ay Ciidamadu ku Dagaalamayaan Isbaarooyinka”

Image

Waxaa  Muqdisho lagu qabtay xaflad loogu dabaal dagayay 12 April taasoo ay ka qeyb galeen ciidamo aan badneyn oo Soomaali ah, saraakiil iyo ciidamo shisheeye ah.

 

Xassan Sheekh ayaa xafladahaasi ku bixiyay kharash aad u badan, waxaana arintan ka hadlay Cali Xaashi Axmad Ugaas oo kamid ah ciidankii kumaandooska Soomaaliyeed haddana oday dhaqameed u xuub siibtay.

Cali Xaashi ayaa sheegay in madaxweynuhu ku khaldan yahay inuu boqolaal kun oo doolar ku bixiyo xaflad loogu xoolo qalay dad ajaanib u badan, xilli ciidamadu ay baahi darteed ku dagaalamayaan lacagaha isbaarada ah ee ay ka dhacaan shacabka Soomaaliyeed.

 HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post